
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Bay: Somali national troops kill foreign terrorists
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ururka Al-Shabaab oo qirtay in sarkaal ajnabi ah looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay Bardaale Posted to the MOL July 16, 2008, 10:26 am Al-Shabaab ayaa qirtay khasaaro ka soo gaaray dagaalkii shalay ee duleedka degmada Bardaale, kaasoo uu ugu geeriyooday nin dhalashadiisu tahay Kenyaati oo lagu magacaabo Musaa Al-Kenyan. Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo sheegay inuu ku sugan yahay gobolka Bay ayaa qiray in uu ka geeriyooday mid ka mid ah ururka Al-Shabaab, dhalasho ahaana ka oo jeeda Dalka Keny, isagoo intaa raaciyay in dhinaca kale ay khasaare xoogan u geysteen oo ay ka dileen dad fara badan. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Saciid Maxamed Xersi ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Bardaale aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dhinacooda, isagoo kooxihii weerarka soo qaaday ku tilmaamay shufto ayna meel saareen ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Wararka laga helayo degmada Bardaale ayaa sheegaya in goobihii shalay dagaalada ka dhaceen laga helay tiro meydad ah wallow dadkaasi aysan aheyn kuwo u muuqaal eg ciidamada Dowladda maadaama dareeska u gashnaa meydadkaasi uu ahaa mid caadi ah. Kooxda ururka alshabaab ayaa baryahan soo saa idiyey weerarada ay ku qaadayaan goobaha ay ka taliso dawlada soomaaliya ayagoo markaasina sheeganayey guulo ay kagaareen dagaaladaasi inkastoo ay ahayd shegashadooda hadana waxaa cadaana inay qabsadeen kana baxeen meelo badan oo aykamid ahayd xerada ciidamada ee daynuunay oo wax yar ujirta magaalada baydhaba halkaasoo xarun ku meelgaara u ah baarlamaanka soomaaliya . aqoonyahan farabadan iyo waliba xubno kamida dawlada soomaaliya ayaa ku eedeeyey dawlada raysalwasaare Nuurcade inay gabtay amaanka dalka islamarkaana aysan jirin wax awooda oo ay leeyihiin kooxaha kasoo horjeeda dawlada ee ay arkeen isdhigashada dawlada Rabiile Gabanow Mudugonline.com Boosaaso -
Bay: Somali national troops kill foreign terrorists
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ururka Al-Shabaab oo qirtay in sarkaal ajnabi ah looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay Bardaale Posted to the MOL July 16, 2008, 10:26 am Al-Shabaab ayaa qirtay khasaaro ka soo gaaray dagaalkii shalay ee duleedka degmada Bardaale, kaasoo uu ugu geeriyooday nin dhalashadiisu tahay Kenyaati oo lagu magacaabo Musaa Al-Kenyan. Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo sheegay inuu ku sugan yahay gobolka Bay ayaa qiray in uu ka geeriyooday mid ka mid ah ururka Al-Shabaab, dhalasho ahaana ka oo jeeda Dalka Keny, isagoo intaa raaciyay in dhinaca kale ay khasaare xoogan u geysteen oo ay ka dileen dad fara badan. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Saciid Maxamed Xersi ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Bardaale aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dhinacooda, isagoo kooxihii weerarka soo qaaday ku tilmaamay shufto ayna meel saareen ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Wararka laga helayo degmada Bardaale ayaa sheegaya in goobihii shalay dagaalada ka dhaceen laga helay tiro meydad ah wallow dadkaasi aysan aheyn kuwo u muuqaal eg ciidamada Dowladda maadaama dareeska u gashnaa meydadkaasi uu ahaa mid caadi ah. Kooxda ururka alshabaab ayaa baryahan soo saa idiyey weerarada ay ku qaadayaan goobaha ay ka taliso dawlada soomaaliya ayagoo markaasina sheeganayey guulo ay kagaareen dagaaladaasi inkastoo ay ahayd shegashadooda hadana waxaa cadaana inay qabsadeen kana baxeen meelo badan oo aykamid ahayd xerada ciidamada ee daynuunay oo wax yar ujirta magaalada baydhaba halkaasoo xarun ku meelgaara u ah baarlamaanka soomaaliya . aqoonyahan farabadan iyo waliba xubno kamida dawlada soomaaliya ayaa ku eedeeyey dawlada raysalwasaare Nuurcade inay gabtay amaanka dalka islamarkaana aysan jirin wax awooda oo ay leeyihiin kooxaha kasoo horjeeda dawlada ee ay arkeen isdhigashada dawlada Rabiile Gabanow Mudugonline.com Boosaaso -
Bay: Ururka Al-Shabaab oo qirtay in sarkaal ajnabi ah looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay Bardaale 16. Juli 2008 APL Too l Bay(AllPuntland)-Ururka Al-Shabaab ayaa qirtay khasaaro ka soo gaaray dagaalkii shalay ee duleedka degmada Bardaale, kaasoo uu ugu geeriyooday nin dhalashadiisu tahay Kenyaati oo lagu magacaabo Musaa Al-Kenyan. Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo sheegay inuu ku sugan yahay gobolka Bay ayaa qiray in uu ka geeriyooday mid ka mid ah ururka Al-Shabaab, dhalasho ahaana ka oo jeeda Dalka Keny, isagoo intaa raaciyay in dhinaca kale ay khasaare xoogan u geysteen oo ay ka dileen dad fara badan. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Saciid Maxamed Xersi ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Bardaale aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dhinacooda, isagoo kooxihii weerarka soo qaaday ku tilmaamay shufto ayna meel saareen ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Wararka laga helayo degmada Bardaale ayaa sheegaya in goobihii shalay dagaalada ka dhaceen laga helay tiro meydad ah wallow dadkaasi aysan aheyn kuwo u muuqaal eg ciidamada Dowladda maadaama dareeska u gashnaa meydadkaasi uu ahaa mid caadi ah. C.M.Cali
-
Baydhabo: Ciidamadii ugu faraha badnaa oo ay leedahay dawladda Soomaaliya oo soo gaaray Baydhabo & Dadka Magaalada Baydhabo oo dareemay soo galitaanka ciidamadan. 16. juli 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Ciidamo tiradooda lugu qiyaasay 4000 Kun oo Askari ayna leedahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya. Ciidamadan oo fara badan watana gaadiid dagaal oo fara badan ayaa habeenkii xalay ahaa joogey meelo aan wax badan ka fogeyn Xarunta baarlamaanka Soomaaliya ,waxa ayna Ciidamadan iskugu jiraan Boolis & Milateri. Dadweynaha Magaalada Baydhabo ayaa saaka siweyn usoo dhaweeyey ciidamadan ,waxa ayna Xoogagan ugudbeen Xerooyin Milateri oo kuyaala duleedyada Magaalada Baydhabo. Dad badan oo jooga Magaalada Baydhabo ayaa aaminsan in ay ciidamadan yihiin kuwii ugu horeeyey oo ay leedahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,tiradooduna intaan dhan tahay waxaana intii ay gudbayeen la xirey Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Baydhabo. Xarunta Madaxtooyada dawladda Soomaaliya ayaa lasheegay in ay waqtigan shir khaas ah ku leeyihiin Saraakiishii ciidamadan hogaaminaysay & Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ,waxa ayna kulamadan yihiin kuwa looga hadlay howlaha ciidamadan ay qabanayaan . Halka ay ka howlgalayaan ciidamada faraha badan ayaa Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed & Madaxda Wasaarada Gaashaandhiga ee dawladda Soomaaliya ay ka arinsanayaan ,waxa ayna warar hoose sheegayaan in ay madaxda dawladda Soomaaliya sheegeen in ciidamadan intooda badan lasoo galiyo Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya. Dhinaca kalena Warar kale oo ka soo baxaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay Saacadaha soo socda ku soo wajahan yihiin dalka Soomaaliya ,ciidamo fara badan oo ka socda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ayaguna gaaraya 3,000 Kun oo askari. Waa markii ugu horeysay oo ay dawladda Soomaaliya hesho tiro intaan le'eg oo ciidan ah ,kuwasoo leh nooc walba heystana hubkii ay ku difaaci lahaayeen dalka Soomaaliya waxa ayna sheegayaan Warar hoosaadyo soo baxaya in ay ciidamadan nabad ku soo celinayaan Magaalada Muqdish & gobalo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya. F. C.Geylan AllPuntland
-
SANAAG- another failure for Secessionists -update
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Rudy the Duke talks, the problem is that you cannot even string a few words together let alone talk. But good luck, your liberation clan struggle is confused and your secessionist friends are losing a war against a state that is not even fighting them. -
Those include: Hasan Turki, Adan Ceyrow, Abu Mansoor, Fuad Mohamed - are these not honest, humble, people.. ? No nothing honest, humble about them adeer. They are militia commanders with pretences to righteousness. Cayrow is dead thus non need to discuss him. Fuad and Turki have just found an opportunity for self promotion. You say we all know about InadaCade, we do and lets not brush him aside he is a leader a man who declares war and sets the agenda. Inadcade is the true face of the clan movement, Xasan Turki and Fuad Shangool are the tools to confuse the gullible amongst us. Abu Mansoor was IndACDE side kick thus why the praises for the sidekick and insult the head chief?
-
SANAAG- another failure for Secessionists -update
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Mudaaharaad lagu Diidanyahay Mamulka Somaliland oo Maanta ka Dhacay Baran Waxaa Saakay Mudaaharad Balaaran Oo loogaga Soo Horjeedo Kalagoogo’a Soomaaliya uu ka Dhacay Magaalada Baran Ee Xarunta Gobolka Sanaag . Mudaaharaadayaasha ayaa Watay Boorar Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Gawaari ay ku Xiran yihin Codbaahiyeyaal ayna ka Baxayeen Sawaxanka Heesaha Wadaniga ah Boorarka ayaa ku Qornaa Halkudhigyo Lagu Amaanayo Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya halka Kuwo Kalena ay Ku Qornaayeen Halkudhigyo Lagu Diidan yahay Kalagonynta Magaalada Hargeysa Ee Caasimada 3aad ee Soomaaliya ay Ka Wadaan Maamulka Daaahir Riyaale Kaahin oo Logag Soo Horjeedo Kalagpoogo’a Soomaaliya oo ay ka Mid yihin Kalageeye Doonimeyno, Doolarqaate Doonimeyno. Mudaaharaadayaasha oo Dhaxmar marayay Gudaha Magaalada baran iyo Daafaheedaba ayaa Waxaa Meel Fagaare ah kula Hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Max’ud Saciid Nuur ,Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Axmed Muuse Suldaan iyaga uu Goobtaasna Goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Amniga DGPL Jaamac Xirsi Faarax Waxakale Ee Isaguna Halkaa Joogay Taliyaha Aaga Daraawiishta Ee Gobolka Sanaag C/laahi Cumar Cashuur . Maal muhii ugu Dambeeyay ayaa Magaalada Baran Waxaa ku Soo Qulqulayay Dad Aad u Farabadan oo isugu Jira Ururada NGO-yada Ee Degmooyinka Kale Ee Gobolka Sanaag Sida Dhahar Buraan Xingalool Hadaaftimo iyo Meelo kale Oo Gobolka ah kuwaas oo Dhamantood isu soodiyaariyay in ay ka Qeybqaataan Mudaaharaad Balaaran oo Maalintoo Daraato aheyd loogaga Dhawaqay Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Ee Gobolka Sanag e ay ugu Dhawaaqday in lagu Qabandoono Magaalada Baran Ee Xarunta Gobolka Sanaag . Cawil Nadiif Suldaan SBCInternational- Baran -
Hargaysa: mass riot over a waterhole [economic powerhouse]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^I come from Somalia adeer Burtinle & Burco are the same to me. But hey who is preaching? How is Mohamed Abdi Yusuf doing in Asmara? -
SANAAG- another failure for Secessionists -update
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
I quote another seceionist paper.. Puntland Ciidamo Xoogleh Soo Dul-Dhigtay Magaalooyinka Badhan Iyo Laas-Qoray Iyo Weftigii Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad Ee Guurtida Oo Halkaas Iskaga Soo Baxay “Haddii la doonayo Somaliland qarannimadeeda waa in lala soo gaadho gurmad degdeg ah degaanka si looga hortago maleeshiyadda Puntland” Secesionist can sure sing Hargeysa, July 14, 2008 (Haatuf) – Maamul-goboleedka Puntland ayaa shalay gelinkii dambe ciidamo xoogleh oo wata gaadiid farabadan oo tikniko ah soo dul-dhigay magaalooyinka Badhan iyo Laas-qoray oo ka tirsan bariga gobolka Sanaag, waxaana la sheegay inay ciidamadaasi halkaas yimaadeen kadib markii ay ciidamada qaranka ee Somaliland ay dib uga soo baxeen magaalada Laas-qoray oo ay toddobaadkii ina dhaafay gacanta ku hayeen, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay inay ciidamada Somaliland dib uga soo laabtaan Laas-qoray, inkastoo ay wararku xaqiijiyeen inay magaalada Laas-qoray ku hadheen xoogay ciidamo efentari ah oo dhowaan laga qarameeyay degaamada bariga Sanaag. Maleeshiyada Puntland ee timi magaalada Laasqoray iyo ciidamada degaanka ee halkaas kaga hadhay ciidanka Qaranka Somaliland, ayay wararku sheegeen inay shalay galab ku sigteen inay isku dhacaan, kadib markii ay Maleeshiyadda Puntland amar ku bixisay inay ciidamadaasi ka baxaan magaalada, hase yeeshee waxaa la sheegay inay arrinta ay markii dambe soo dhex galeen odayaal ka tirsan degaanka Laas-qoray, kuwaas oo kala dhexgalay labadan ciidan, walow ay Maleeshiyada Puntland ka timi oo aad u hubaysani ku hanjabeen inay weerari doonaan ciidanka Somaliland ka jooga Laas-qoray. Dhinaca kale, Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Guurtida, Siciid Jaamac Cali iyo wefti uu hoggaaminayo oo beryahan socdaal ku joogay magaalooyinka Laas-qoray iyo Badhan, ayaa xalay caweysinkii la sheegay inuu ka soo baxay magaalada Badhan oo hadda ku sugnaa, kadib markii ay shalay halkaas soo degeen ciidamo xoog badan oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo la sheegay inay wataan tikniko lagu qiyaasay ilaa 35 gaadhi oo kuwa dagaalka ah. Ciidanka Puntland ee yimi duleedka Badhan ayaa la sheegay inuu hogaaminayo nin degaanka Bariga Sanaag u dhashay oo la yidhaahdo Siciid Gorayo-cawl oo hore uga baxsaday ciidamada Qaranka Somaliland. Gudoomiye ku-xigeenka 2aad Guurtida oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ka hor intii aanu ka soo bixin Badhan, ayaa noo xaqiijiyay inay maleeshiyo xoog leh soo dul-degtay magaalooyinka Badhan iyo Laas-qoray, isagoo dhinaca kalena sheegay in ciidankii qaranka Somaliland oo watay tikniko farabadan uu magaalada Laas-qoray ka soo baxeen saddex maalmood ka hor, taasina ay keentay inay maleeshiyadda Puntland ku soo dhiiradaan inay yimaadaan Laas-qoray iyo Badhan. Mr. Siciid Jaamac waxa uu xusay in magaalada Laas-qoray ay ku sugan yihiin waxoogay ciidanka qaranka ah oo ka soo jeeda degaanka, kuwaas oo aan haysan awood ku filan oo ay iskaga difaacaan maleeshiyada Puntland ee weerarka ah, waxaanu ku baaqay in lala soo gaadho gurmad ciidan oo ka hortagga weerarka Puntland ee gar-darrada ah. “Haddii la doonayo Somaliland qarannimadeeda waa in lala soo gaadho gurmad degdeg ah degaanka si looga hortago maleeshiyadda maamul-goboleedka Puntland,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Jaamac. Maalmihii u dambeeyay waxaa degaanada ku dhowdhow Laas-qoray ka jiray dhaqdhaqaaqyo milateri oo lagu baadi-goobayay dad ajnebi ah oo ay koox budhcad badeed afduub halkaas ugu haysteen, waxaanay ciidamada Qaranka Somaliland oo degaanadaas ku ruqaansaday isku dayayeen inay soo badbaadiyaan dadka halkaas qafaalasho loogu haysto, iyagoo maalintii Salaasadii gacanta ku dhigay gebi ahaanba magaalada Laas-qoray oo aan wax iska horimaad ahi ka dhicin, kadib markii ay ciidamo tiro yar oo halkaas ka joogay Puntland ay iskaga baxeen. Hase yeeshee dorraad ayay ahayd markii idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaligu ay sheegtay in ciidamada Qaranka Somaliland ay ka baxeen magaalada Laas-qoray, balse wasiirka Difaaca Somaliland Cabdillaahi Cali Ibraahim ayaa isla markiiba si kulul u beeniyay, waxaanu sheegay in aanay jirin ciidamo Somaliland ah oo ka baxay Laas-qoray. Ilaa hadda lama ogga sababta keentay inay ciidamada qaranku ka soo baxaan magaalada Laas-qoray, iyadoo weli ay kooxdii budhcadda ahayd degaankaas ku haystaan dadkii Ajnebiga ahaa ee ay soo afduubeen. -
Riyaale looting creates problem in secesionists enclave
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
loool. Thus now Somaliland.org is bad, adeer there was a riot >? nooh Do tell us Mr Secesionist who was chased out of another city. -
Dear brother the ones you talk about are driven by pure clan and are as fake as their holly leader Aferwarki and Imaam IndaCade. The Cayrow you speak about had a sub-clan name, was a clan militia leader who made money out of looting the graves of long dead people. The Mujahids you speak about occupied an draised their children on the looted proerties of Muslims. Occupied, bulled, killed and tax the people of the fertile south who had not a single Christian amongst them. Now they run around and their clanish media is hyping up their demise, Nothing Islamic about it, they are the worst who ever came to this country and take their orders from Asamara that holly city.
-
SANAAG- another failure for Secessionists -update
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. Adeer defeat is your history,. Was it not Riyaale who ran fro his life from LA? Was your militias boss not defetaed and then sacked because of Dhahar? Now you are quite over Las Qoray and you know most of my forces are not even in the region. Shame how weak and naked the secesionist have become. Recognition you say, youv are all talk, soon you will not even hold Hargaysa saxib. -
Hargaysa: mass riot over a waterhole [economic powerhouse]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^lool. Nice one saxib. Che, I am speaking to the secesionist. Nothing to do with you adeer. -
SANAAG- another failure for Secessionists -update
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. You control nothing adeer. Not even your waterholes donated by the red crescent. Ya fake Mujahids sons of the Queen of England. -
Riyaale looting creates problem in secesionists enclave
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer why did you think they would spare the $50 million budget? Here is how low Riyaale and his regime have got, they are stealing waterholes donated by the red crescent, not my dreams its in Somaliland.org Ma sugna qaabka deeqdaasi ku timi. Waxa jira waxyaabo muujinaya in Riiggaasi aanu ahayn mid Daahir Riyaale iyo Somaliland la siiyey, balse, uu fulinayo mashruuc riigag qodis ah oo Bisha Cas ee Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliyadii burburtay oo dhan, soo fuliyey Daafuur, Koonfurta Suudaan. Hase yeeshee, Daahir Riyaale waxa uu u isticmaalay Riiggaas ololihiisa siyaasadeed ee uu ku xalaalaynayo muddada sharcidarrada ah ee Guurtidu u saxeexday inuu xilka sii hayo, waxana uu fagaarayaal ka ballanqaaday – iyadoo aanu riiggaasi dalka soo gaadhin – inuu keenayo Riig casri ah oo wax weyn ka tari doona biyo la’aanta dalka ka jirta, hawshiisa u horraysana uu ka bilaabi doono inuu biyo ka soo saaro Koonfurta Hargeysa, si magaalada Hargeysa biyaha loo wada gaadhsiiyo, isla markaana ceelasha uu ka qodi doono Koonfurta Hargeysa ay waraabin doonaan xaafadaha Koonfureed ee magaalada. -
Hargaysa: mass riot over a waterhole [economic powerhouse]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Let our brotthers here explain. Tell ya powerfull scessionists with the stable economy and development why is there a fight over a waterhole donated by the red crescent in the "rich" suburbs of Hargaysa. The secesionist are becoming naked by the day. -
Kacdoonkii Hargeysa: Mu’aamaraddii ugu dambeysey iyo maamulxumadii ugu darrayd!! Faalo - By: Dubbad July 15th, 2008 Kacdoonka 2aad ee Isniintii aynu soo dhaafnay ka dhacay magaalada Hargeysa, kana aloosmay xaafad kale oo dacalka ku haysa xaafadda kacdoonka hore, isla markaana gilgiley magaalada, kana riiq-dheeraa ka hore, waxa uu ka dhashay go’aan si kedis ah loogu dhaqaajiyey riig ceel biyood ka qodayey deegaanka Koonfurta Hargeysa, ceelkaas iyo kuwo kale oo jiiddaas u qorshaysnaa in laga qodoba waxa loogu talagalay inay waraabiyaan oo biyaha looga keeno xaafadaha Koonfurteed ee magaalada oo aanay gaadhin biyaha ka yimaadda Geed-deeble oo Waqooyiga Hargeysa ah, iyada oo xaafaddahaasi ay ka socdaan dhismayaal badan oo qurux badan, magaaladuna u sii fidayso. Riigga oo ah mid casri ah, waxa sadaqo u bixisay Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, waxaana uu ka dambeeyey booqashadii Daahir Riyaale ku tegey dalka Imaaraadka Carabta, markaas oo la sheegay inuu codsi qoraal ah ku weydiistey Kuxigeenka Ra’iisulwasaaraha Imaaraadka Carabta, Sheekh Xamdaan Bin Zayid oo madax ka ah hay’addaas Riiggaas iyo sadaqooyin kale oo ururka Bisha Cas meelaha dagaalada iyo Barakacu ka dhaco. Ma sugna qaabka deeqdaasi ku timi. Waxa jira waxyaabo muujinaya in Riiggaasi aanu ahayn mid Daahir Riyaale iyo Somaliland la siiyey, balse, uu fulinayo mashruuc riigag qodis ah oo Bisha Cas ee Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliyadii burburtay oo dhan, iyada oo la sheegay in Riiggan iyo mid kale oo soo socda loogu talagalay inay Soomaaliya iyo Somaliland ka qodaan 70 ceel, kuwii u horreeyeyna laga bilaabay Somaliland, waxaana taas sii dalliilinaya Riiggaas oo ay gacanta ku hayaan hawlwadeeno Carab iyo Soomaali ah oo laga soo raaciyey Imaaraadka Carabta, isla markaana kharashkooda ay bixinayso Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta. Waxa kale oo la sheegay in riiggani uu hawshan oo kale ka soo fuliyey Daafuur, Koonfurta Suudaan. Hase yeeshee, Daahir Riyaale waxa uu u isticmaalay Riiggaas ololihiisa siyaasadeed ee uu ku xalaalaynayo muddada sharcidarrada ah ee Guurtidu u saxeexday inuu xilka sii hayo, waxana uu fagaarayaal ka ballanqaaday – iyadoo aanu riiggaasi dalka soo gaadhin – inuu keenayo Riig casri ah oo wax weyn ka tari doona biyo la’aanta dalka ka jirta, hawshiisa u horraysana uu ka bilaabi doono inuu biyo ka soo saaro Koonfurta Hargeysa, si magaalada Hargeysa biyaha loo wada gaadhsiiyo, isla markaana ceelasha uu ka qodi doono Koonfurta Hargeysa ay waraabin doonaan xaafadaha Koonfureed ee magaalada.
-
SANAAG- another failure for Secessionists -update
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer you are lost. Keep day dreaming you aint gonna control those regions nor get any recognition. You are but a mere province fighting over a waterhole. May Allah bring you sanity. -
Even in their clan heartlands and the bush villages they can not hold. What nonsence.
-
Horn Afrik again' Ciidamada Maxaakiimta oo badi ka baxay magaalada B/weyn. (Mogadishu,Talaado,15,July, 2008,(Hornafrik Media) Ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamka ayaa isaga baxay qaybo ka mida xarunta gobolkaasi Hiiraan ee B/weyn. Ka bixitaanka ciidamada Maxkamadaha ayaa ku timid ka gadaal wadahadal ay wada yeesheen odayaasha dhaqanka reer Hiiraan saraakiisha hogaamineysa ciidamada Maxaakiimta Islaamka. Dabin dhexe oo habeenkii xalay ahaa ayaa la sheegay in Maxkamaduhu ay dib ugala baxeen ciidamadoodii ku sugnaa goobo muhiim ahaa oo ay ka mid ahaayeen xarumaha dowladaha hoose, taliska dhexe booliska iyo xarunta gobolka ee magaaladaasi B/weyn. Goobjoogayaasha ayaa ku soo waramaya in tiro gaadiidka dagaalka ah oo ku dhoobnaayeen guutooyin ka tirsan ciidamada Maxaakiimta ay xalay ka baxeen B/weyn inkasta oo ay weli jiraan meelaha qaarkood oo saaka lagu arkayo ciidamadaasi oo aan badneyn. Xuseen Xaaji Maxamuud oo ka mida saraakiisha sare ee Maxaakiimta oo HornAfrik u waramayay ayaa sheegay in gudaha magaaladaasi ay uga baxeen xeelad dagaal iyo codsiyo kaga yimid salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka ku dhaqan gobolkaasi Hiiraan ee Bartamaha dhexe ee Somalia.
-
You have Horn Afrik the clan mouth piece and the BBC. Ciidamada Maxkamadaha oo loo sheegay inay isaga baxaan Baardheere. (Mogadishu, Isniin ,14,July, 2008,(Hornafrik Media) kulankaasi oo furmay saakay saacadu marka ay ahayd afartii barqanimo xarunta degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa isugu yimid Maamulka degmada,waxgaradka,odoyaasha Guurtida.kaasoo looga hadlay xaalada ku soo korartay degmada baardheere. Dhamaan Mas’uuliyiinta Odoyaasha Guurtida nabadoonada iyo waxgaradka kulankaasi ka qeybgashay ayaa waxa ay isku raaceen inaan loo baahneyn joogitaanka Ciidamada Maxkamadaha islaamiga oo maalmo ka hor gaaray degmada Baardheere. Kulankaasi ayaa dib loo dhigay ilaa berri,waxana la sheegay in ay burrito ka soo qeybgali doonaan saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada Maxkamadaha ee tagay degmada Baardheere. Fadhiyadaan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay Magaalada Baardheere si nabad ah kula wareegeen xoogag Taabacsan Maxkamadaha Islaamiga.lamana oga sida ay wadahadalada hada socda ku idlaan doonaan.
-
One hears many times about the claims of the confused lot and their defated leaders. We captured this town and that and this and so on. Why not hold it, adminstarte it, tax it and so on ya Brave clan militias who kill civilians? :eek:
-
We assasinate NGO workers armed opposition admits
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalia: Islamist spokesman supports aid worker killings 14 Jul 14, 2008 - 10:52:26 AM MOGADISHU, Somalia July 14 (Garowe Online) - A man who spoke on behalf of an armed Islamist group in Somalia has claimed responsibility for a spate of recent assassinations, mainly targeting local and foreign aid workers. The spokesman, who identified himself only as Sheikh Mohamed, said during an audio recording that aid agencies "assist" Ethiopian troops and Somalia's interim government forces. Sheikh Mohamed specifically signaled out the United Nations Development Program (UNDP), which he said funds the Somali army. Further, he accused UNDP of aiding Ethiopia's 2006 invasion, which ousted the Islamic Courts movement from Mogadishu, saying: "The UN agencies took part in the war that destroyed the Islamic Courts, and they [uN] gave weapons, money and fuel to troops fighting against the Mujahidiin (Islamic fighters)." A number of aid workers have been killed in Mogadishu and other parts of Somalia since last month, with the UN and local aid agencies now considering to halt their operations there. Source: Garowe Online -
We assasinate NGO workers armed opposition admits
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
audio -
Maxaad ka taqaan degaanka Haylaan iyo Qabrigii... Pics.
General Duke replied to Koora-Tuunshe's topic in Politics
Nice pics, so the old man is burried there with the mother of the clan. Will visit that region one day. Sanaag is beautifull/