
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Muqdisho: Ciidamada AMISOM, Ilaalada Madaxweynaha iyo Kooxo hubeysan oo ku dagaalamay Magaalada Muqdisho. 8. februar 2009 Muqdisho(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen saakadii hore ciidamo ka tirsan ciidamada AMISOM, ciidamada taageersan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan waxa ayna dagaaladan geysteen dhimasho iyo dhaawac. Dagaaladan ayaa ka dhacay Agagaarka Kuliyada Jaale Siyaad iyo Agaagarka Cusbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya, waxa ayna dhinacyadan kala duwan adeegsadeen rasaasta waa weyn, taasoo ay qaarkood si toos ah uhaleeshay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Wariyaha AllPuntland ee ku sugan degmadaasi ayaa soo sheegaya in ay ciidamada AMISOM iyo Taageerayaasha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca Milateriga ah ay dagaal adag la galeen Kooxihii soo qaaday dagaaladan, waxa ayna dagaaladan maanta xireen wadooyin dhowr ah oo kuyaalay Magaalada Muqdisho. Wadooyinka la xiray ee isku socodka Muqdisho muhiimka u ah ayaa ka mid ahayd wadada marta Agagaarka goobta ay ka dhaceen dagaaladan iyo Wadada Maka Al-Mukarama oo ay dagaaladu maanta xireen, waxa ayna sidoo kale ciidamada Maxkamadaha la dhigay wadooyinka gala Suuqa weyn ee Bakaaraha ayadoo sababta lugu sheegay in ay ilaaliyaan in Suuqaasi laga soo tuurayo Madaafiicda lugu soo ganayo Xarumaha waqooyiga ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Hadal hayeen uhadlay Xaafiiska Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku waramay in dagaal adag lugu soo qaaday ciidamada AMISOM iyo Maxkamadaha ciidamadooda, wuxuuna sheegay in ay iska difaaceen, isla markaasna aysan wax dagaal ah ayagu qaadin, ayagoo xeerinaya dadaaladii nabdeed iyo heshiiskii lugu gaaray Magaalada Jabuuti. Dagaalada ku bilowday dawladda Shariif Sheekh Axmed ayaa umuuqda kuwa la mid ah, kuwii lugu hayay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana horay Shariif Sheekh Axmed u sheegay in uu masuul uga ahaa dagaaladii lugu qaadayay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, xiligii ay ciidamada dawladda Soomaaliya isku gayeen amaanka Magaalada Muqdisho. F. C. Geylan AllPuntland
-
“Ku-dhaca intaa le,eg … haddii aan halkaa lagu qaban, waxaad ogaataan berrina inuu Boqor idinku noqonayo,” Cabdillaahi Darawal February 7th, 2009 Hargaysa (Somaliland.org) - Garabka Dimuquraadiyad doonka ah ee xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hoteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxa ay ku sheegeen in aanay ka tanaasulayn Mawqifkoodii ahaa inay u sharraxan yihiin jagooyika Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee Xisbiga UDUB. Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo hadal ka jeediyay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay inay dhawaan furanayaan xarun cusub oo ay ku qabsadaan hawl maalmeedkooda oo aanay marnaba ka tanaasulayn xaqa ay u leeyihiin inay xisbiga UDUB dhexdiisa ka tartamaan. Cabdillaahi Darawal waxa uu shacbiga reer Somaliland iyo ciddii caqli leh ee danaynaysa dalka, ugu baaqay inay eegaan cawaaqib-xumida ka iman karta tallaabooyinka foosha xun ee ay ku dhiiranayaan Madaxwayne Riyaale iyo kooxdiisu, kuwaasi oo uu ku tilmaamay niman wakhtigoodii dhamaaday oo sharci darro ku jooga. “Ku-dhaca iyo dhiirrannaanta intaa le’eg ee uu ku beddelay Xeerkii Xisbiga, Reer Somaliland-now haddii aad ka dhiidhiyi-waydaan oo arrinkaa halkiisa lagu qabanwaayo, waxaad ogaataan in uu berri boqor idinku noqonayo, dastuurkana la badalayo,” ayuu yidhi Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi “Xaaladda maanta dalku marayo waa heerkii ay maraysay sannadkii 1980-kii, haddii aan la badbaadina khatar buu galayaa.” Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) waxa uu tilmaamay in tallaabada Madaxweyne Rayaalle ku maroorsaday talada Xisbiga UDUB, kuna bedellay xeerka xisbiga in ay tahay mid uu ku doonayo sidii uu weligii kursiga uga fadhiyi lahaa. “Tallaabadan ta xigtaa waa distoorka oo uu bedelo oo uu yidhaahdoi waligay kursiga ka degi maayo” ayuu yidhi Cabdillaahi Darawal. Mudane Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) ugu danbayntii waxa uu ugu baaqay beesha caalamka, deeq bixiyayaasha iyo wadamada daneeya Somaliland inay soo faro geliyaan arrintan iyo khilaafka Xisbiga UDUB ee ka dhashay shirweynihi 2aad ee Xisbiga UDUB. Axmed Maxamed Saleebaan (Ilka-case), Hargeysa.
-
Well, Galayr, Ciro and Cumar were with the President as he arrived. Not to sure about how accurate Gedo news is, but we shall see.
-
The hypocracy of these people. The only way to get out of this is to create an adminstration, but the other day you suppported the warlords, then yesterday you changed you mind and supported the clan courts and now you dont know what to support. Adeer Ethiopia was an excuse, Yusuf was an excuse, the bottom line is the vast swamp of injustice that is Mogadishu for the past 17 years is what is causing all this heart ache. Yusuf IndaCade the butcher of lower Shabbele is now declaring yet another clan Jihad
-
Dr. Cumar Iimaan oo khudbad qiiro leh ka jeeday W. Baastada
General Duke replied to Member-sol-'s topic in Politics
They attacked President Sharif today, and if one looks at the pics, they will see that they have no real military power. But they have made the first move and its a terrible one for the city. -
Dr. Cumar Iimaan oo khudbad qiiro leh ka jeeday W. Baastada
General Duke replied to Member-sol-'s topic in Politics
Cumar Imaan should not be declaring war without giving any other option a chance. Thats wrong, he should have at least met the new leader.. -
Afhayeenka Maxkamadaha Oo Ugu Baaqay Shacbiga Iney Hubkooda Qaataan. 06 February, 2009 02:21:00 wadanka2008 Font size: Muqdisho,07-Feb-2009:-Afhayeenka Howlgalada Hogaanka Gudaha Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa ugu baaqay shacabka soomaaliyed inay hubkooda qaataan si ay isaga difaacaan kooxaha dilalka qorsheysan ka fuliya Magaalada Muqdisho. Afhayeenka, oo wareysi siinayay TV-ga Al-Jazeera ayaa sheegay in Kooxaha geysanaya dilalka aysan aheyn Mujaahidiin, balse ay yihiin kuwo Diinta Islaamka ku gabanaya. "Ma aaminsani aniga qof dhiiga qofka Muslimka baneysanaya inuu yahay nin Mujaahid ah, waa qof diinta ku gambanaya"ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow. wuxuu sidoo kale sheegay in shacbka soomaaliyed ay horay u saareen Taliskii Milateriga Dowladdii hore, la dagaamaeen Ciidamadii Mareykanka iyo kuwii Ethiopia, isla markaana ay haatan u diyaar garoobaan sidii ay isaga dhicin lahaayeen kuwo dhibaatada ku haya isla markaasna gumaadaaya aqoonyahanka Culumada iyo waxgaradka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay. Waxaa uu si gaar ah baaq ugu jeediyay shaqsiyaadka magaca leh sida Aqoonyahanada, Hey'adaha Sama Falka, Culimada iyo dadka indheer garadka ay qaataan Hubkooda isla markaana ay iska difaacaan kooxaha dilalka abaabulan geysta. Hadalka C/raxiin Ciise Caddow ayaa ku soo aadaya, xilli maalin ka hor uu sheegay in dilka Agaasimihii Idaacada Horn Afrika ee lagu dilay Suuqa Bakaaraha ay ka dambeeyaan kuwa ka tirsan Muqaawamada
-
What about the prof who teaches in Tunisia?
-
Madaxtooyadda Muqdishu oo ay duqeyn ku socoto Saturday, February 7th, 2009 at 4:38 pm C/weli Gooni Waxaa haatan si xoog leh looga maqlayaa Caasimada Muqdishu diryaanka Hubka hoobiyeyaasha loo yaqaan kaas oo lagu garaacayo xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia halkaas oo uu maantay degay Madaxweynaha Federalka Shariif Sheikh Axmed. Saraakiisha ciidanka Madaxtooyadda ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayaan hubka oo ku dhacay meel ku dhow xarunta madaxtooyadda balse aysan waxba soo gaarin Gudaha Madaxtooyadda. Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa waxa uu Madaxtooyadda Kulamo haatan kula leeyahay Masuulyiin ka tirsan Maxkamaha iyo weliba Odayaal dhaqameed beelaha Muqdishu dega ah. Balse weerarkaan ayaa waxa uu ku beegmay iyadoo maantay Gudoomiyaha Kooxaha la baxay Xisbul Islaam Dr.Cumar IImaan uu sheegay in ay sii wadi doonaan Dagaalka ay kula jiraan Waxa uu ku tilmaamay Cadowga Soomaaliya oo uu ula jeeday Dowlada Cusub ee Shariif Sheikh Axmed Hogaamiyo. Hadalkaas ayaa waxa uu Dr.Cumar Iimaan ka sheegay mar uu ka hadlayey Xaruntii hore ee Warshada Baastada ee Caasimada Muqdishu halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo fara badan oo Dr.Cumar hoosyimaada. Lama garan karo in weerarkaan uu xiriir la leeyaha hadalka Cumar IImaan. Wixii ka soo kordhaa Weerarka haatan ku socda Xarunta Madaxtooyadda ee uu ku sugan yahay Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed kala soco Horseed Media
-
I think this is a desperate move and the same old strategy. Nothing new or effective.
-
^^^Horn I thinki you have been listening to Hiiraale way too much, the Dukes position on the Sharif or on my own kinsmen Galayr is not up to you. Concentrate on defending the ever worse clowns, Hiiraale, Taano, now Maslax, yours is a lost cause lad.
-
I am just suprised at the Gedo clan champion and his anger.
-
^^^lool. Adeer why are you mad? You dont need to get hot and bothered at the mere mention of a man from your clan, chill son.
-
Horn, adeer I think you are protesting way too much.
-
Xiin, adeer I like your new style. Anyhow most sites are reporting that Maslah is not in the running and two names stand out thus far. This is the media speculation note Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Ciro) oo si weyn uga soo dhex bidhaamaya (muuqda) ayna si wayn ugu ololaynayaan xildhibaano, beelo Soomaaliyeed iyo shaqsiyaad siyaasada Soomaliya miisaan culus ku leh ayaa ka mid ah, Cabdirashiid waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ee hadda jira, waa ninkii badalay kursigii uu baneeyay Madaxweynihii hore ee Soomaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed markii loo doortay xilkaasi, waxuu usoo joogay ilaa dawladii Cali Mahdi, Dawladii Carta-na xiligeedii wuxuu noqday ku xigeenka Baarlamankii Puntland garabkii uu horkacayay col. Jaamac Cali Jaamac oo ay iska hor imaadyo hubaysan talada Puntland ugu dirireen Cabdullaahi Yusuf oo xiligaas ahaa madaxweynihii Puntland oo baarlamaankiisii xilka kororsaday. Ninka labaad ayaa ah Prof. Cali Khaliif Galayr oo isagana ay si weyn ugu ololaynayaan Ururo aan dawli ahayn iyo dawlada Jabuuti oo martida loo yahay, Cali wuxuu ahaa raysalwasaarihii dawladii Carta ee Cabdiqaasim Salaad Xasan, Cali waxaa xilkiisii raysalwasaare ka qaaday Baarlamaankii dawladaas oo eedeyay, waxaana lagu badalay Raysalwasaare kale, Cali waxaa uu ka yimid Maraykanka oo uu dib u dagay markii xilka laga qaaday, wuxuuna Jabuuti kusoo noqday si uu ugu tartamo xilka madaxweyne nimada oo uu ka helay 31 cod. Waxaa isku duway AllPuntland, xarunta
-
Building the city of Bandar Siyaada [Qaw], Duke's holiday home
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool I get ya old man.. -
Wasiirudowlihii iscasiley - Aadan Ruush - oo ku tilmaamay shirkii Garabka UDUB ee xukuumiga ah Inqilaab lagu sameeyey Dimuqraadiyadda February 5th, 2009 Hargaysa (Somaliland.org)- Wasiirudawlihii hore ee Wasaaradda hawlaha guud ee dhawaan xilkaasi dhawaan iska casilay Aadan Maxamed Diiriye (Aadan Ruush), isla markaana ka mid ahaa siyaasiyiintii shaaciyay in ay u taagan yihiin jagada musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UDUB dhexdiisa ayaa sheegay in xisbigii UDUB fadeexad wayni ay ku dhacday ka dib markii la laabay xeerkii iyo sharcigii xisbiga. Aadan Ruush waxa uu sheegay in isaga loo diiday ka qayb-galka shirkaasi, waxana uu sheegay inuu u arko dhacdadaasi inay ahayd inqilaab lagu sameeyay dimuquraadiyadda dalka, ciddii ka qayb gashay shirkaasi oo uu ku tilmaamay mid fawdo ah, ee taageertay khaladkaasna aanay taariikhdu saamixi doonin. Aadan Maxamed Diiriye (Ruush) waxa uu sheegay in aanu ka baxayn xisbiga UDUB, balse ay ka baxayaan ‘ayuu yidhi’ ciddii lagu doortay sifaha sharci darrada ah. Waxaanu taageeray oo uu sheegay in uu ka qayb galayo shirka ay ku baaqeen musharaxiinta iyo guddida fulinta ee UDUB, haddii lagu saxayo ‘buu yidhi’ shirkii la marin-habaabiyay. Axmed Maxamed Sulaymaan (Ilka-case), Hargeysa.