General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Muqdisho: Hogaamiyaasha ugu sareeya Mucaaradka dowladda oo kulmay....Xog sugan... 26. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )- Hogaamiyaasha ugu sareeya Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ayaa wada hadalo dheeri ah ku qaatay magaalo Madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana yar in wax badan laga ogaado waxyaabaha ay ka wada hadleen, balse warar hoose oo ay heshay AllPuntland ayaa sheegaya in ay ka wada hadleen hadaladii ugu dambeeyey ee ka soo yeeray Wasiir ka tirsan dowladda Shariifka iyo Madaxweynaha dowladdaasi oo ay sheegeen in ay ka soo baxeen hadalo aysan hubsan. Hogaamiyaasha kulmay oo ah kuwa caanka ah dalka Soomaaliya, isla markaasna aad loogu yaqaano Siyaasadaha qalafsan ee aan cidna fahmi karin, ayaa ku sifeeyey hadalkii Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mid masuuliyad daro ah luguna difaacayo cadowga Alle, waa sida ay hadalka udhigeene. Col. Xasan Daahir Aweys, Col. Xasan C/laahi Xirsi, Muqtaar Roobow Cali, Fu'aad Maxamed Khalaf, Macalin Xaashi & rag kale oo ka mid ahaa raga ugu sareeya dhinacyada ka dagaalamaya Magaalada Muqdisho ayaa wada hadaladoodan waxa ay ahaayeen kuwa ay waxyaabo kala gedisan uga hadleen, waxaana ay soo qaadeen qodobo ay ka mid yihiin. 1- Howlgaladooda Koonfur Soomaaliya, sidii loo dar-dargalin lahaa jawaabna looga bixin lahaa hadalada ka soo yeeraya dowladda Shariif Sheekh Axmed, gaar ahaana sidii looga hortagi ahaa weerar ay qorsheynayaan Hogaamiye Kooxeedyadii hore oo ku socda Magaca dowladda Soomaaliya. 2- Udiyaar garoow dagaal ba'an oo ay ciidamada Shisheeye ee AMISOM ka qeybgali doonaan, kasoo hada-ba ka muuqda gudaha magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyey uu Shariif Sheekh Axmed shalay amray in ay ciidamada AMISOM qaadaan howlgalo amaan sugid & difaac iskugu jira. 3- In Ciidamo ka tirsan dhinacyada oo xoojin ah la keeno Muqdisho si ay uga bar-bar dagaalamaan ciidamadii hore ee joogay magaalada Muqdisho ee ka tirsanaa Mucaaradka dowladda Soomaaliya, kuwasoo laga keenayo si wadar ah gobalada ay dhinacyadaasi maamulaan. 4- In dib loo eego waxa ka hirgalay qodobadii lugu gaaray Degmada Afgooye, gaar ahaana qodobada ugu muhiimsanaa oo ay ka mid yihiin Kaartadii Dagaalka ee lasoo dajiyey iyo Taliyaha ciidamada mucaaradka oo dhan in lamagacaabo. 5- In la kala badalo dhamaanba ciidamada difaacyada ku jiro oo qaarba meel la geeyo, si xeeladaha Milateri ee qaaliga ah looga faa'iidaysto, ayaa lugu yiri qodobada ay ka wada hadleen dhinacyadu. 6- In la-dajiyo kaartadii ugu dambeysay oo lugu wajahayo goobaha ay maamulayso dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Garoonka Diyaaradaha, Aqalka Madaxtooyada & Wadada Maka-Al-Mukarama oo ah meelaha kaliya ee Muqdisho ay ka maamusho dowladda uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed. Sarkaal sare oo ka tirsan Xarada uu hogaamiyo Xasan Turki ayaa usheegay AllPuntland in ay u arkayaan wada hadalada iyo hadalada ka soo yeeraya Shariif Sheekh Axmed kuwa taageero looga raadsanayo dalalka reer Galbeedka & Odayaasha uu ku sheegay kuwa ka soo horjeeda Kitaabka Alle, oo uusan cadeyn cida uu ula jeedo. Masuulkan wuxuu ku sifeeyey hadaladii Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Janaqow iyo Madaxweynihiisa Shariif Sheekh Axmed kuwa ka soo horjeeda Diinta Alle, isla markaasna ladoonayo in dagaalka Muqdisho ee jihaadka waa sida uu hadalka udhigaye ay ugu rogaan qaab qabaa'il ayagoo adeegsanaya Idaacadaha qaar oo uu sheegay in ay ushaqeynayaan Cadowga Alle, waa sida uu hadalka udhigaye. Hogaamiyaashan ayaa isku raacay qorshe wax loogu qabanayo dadka ka barakacay dagaalada magaalada Muqdisho, ayagoo sheegay in ay maalin booqan doonaan dhamaanba xarumaha dadka soo barakacay, isla markaasna aysan sheegi doonin maalintaas oo ay tagi doonaan, maadaama ay cadowyo badan leeyihiin, waa sida ay sheegeen qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha. Xogtan ku aadan shirkaasi oo ay AllPuntland siiyeen Saraakiil xubno fir-fircoon ka ah dhinacyada kulmaya kana gaabsaday in magacyadooda lasheego ayaa sheegay in ay sidoo kale siyaasiintan kulmay isla soo qaadeen cida lugu wareejinayo ciidamada dhinacyada oo dhan & qodobada. Wada hadaladan ayaan la ogeyn waqtiga ay qabsoomeen, inkastoo ay dhaceen wixii ka dambeeyey maalinimadii shalay markii uu Muqdisho soo gaaray Wakiilka QM uqaabilsan Siyaasada Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo lugu rumay in uu Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed kala hadlay suuragalnimada in duqeymo laga fuliyo Bartilmaameedyo kuyaala gudaha magaalada Muqdisho oo ay joogaan rag ka soo horjeedo dowladda Faderaalka ee Soomaaliya. Xigasho: Saraakiil ka tirsan Al- Shabaab, Xisbul Islaam & Raskambooni. F. C. Geylan AllPuntland
  2. Somalia: Puntland Cabinet approves new regional constitution 25 May 25, 2009 - 10:47:01 AM GAROWE, Somalia May 25 (Garowe Online) - The Council of Ministers in Somalia's self-governing State of Puntland formally voted and approved the region's new constitution, Radio Garowe reports. Puntland President Abdirahman Mohamed "Farole" presided over the meeting held at State House in Garowe, the capital of Puntland. Dr. Abdi Farah Jim'ale, State Minister for Democratization Process, presented the new constitution and a debate ensued thereafter. Puntland President Abdirahman Farole The hours-long meeting lasted into the night Sunday, when the Puntland Cabinet unanimously approved the new constitution. The Puntland Parliament is expected to open debate on the new constitution soon, government officials said. President Farole, who promised political reforms during 2008 election campaign, has made the new constitution one of his administration's top priorities. If ratified by Parliament, the constitution will introduce a multi-party political system for the first time since the inception of Puntland State in 1998. The new constitution must undergo a public referendum after parliamentary approval, a government source added. Puntland, located in northeastern Somalia, considers itself a federal state within Somalia with its own regional government, security forces and political autonomy. Source: Garowe Online
  3. ^^^Dont have the time at the moment, bussy with work.
  4. RR: Adeer I support Abdullahi Yusuf today, for his policies and vision was correct. Compare Puntland to the south today. Compare when Abdullahi was at the helm to today. The happless Sharif Ahmed, his many excuses of the past and his failures of the present highlight that Yusuf was infact a scapegoat for the failures of clan militias and fake religious groupings. Look at the situation today and the inaction and confusion of your leaders. Look at the deaths and mayhem in Mogadishu. Are you still talking about Yusuf? That in itself shows you are not ready to deal with the the issues but are bussy making more silly excuses.
  5. Muqdisho: Dowladda Soomaaliya oo Fariimo udirtay Midowga Africa, Qaramada Midowbay & Midowga Yurub. 26. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )- Madaxweynaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa fariimo udiray Midowga Africa, Qaramada Midowbay & Midowga Yurub, kuwasoo ku aadan difaaca dowladiisa xili ay soo baxayaan warar sheegaya in uu ku soo fool leeyahay weerar culus oo ay dhinacyo badan abaabulayaan. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in ay arkayso dowladiisa dagaalo ba'an oo ay doonayaan dhinacyo badan in ay diyaarinayaan, ayna doonayaan in ay guud ahaan ku qabsadaan magaalada Muqdisho, ayna ceel uqabaan in ay mar soo galaan Aqalka Madaxtooyada oo uu fadhiyo ama degan yahay Shariif Sheekh Axmed. Shariif Sheekh Axmed ayaa warqad uu shalay udhiibay Axmed Walad Cabdalla lasheegay in ay ugu muhiimsaneyd waxyaabihii ku qornaa arimaha ku aadan in dowlad lala soo gaaro dhaqaalihii loo balan qaaday dhawaan & kaalmooyin Milateri oo ku aadan sidii ay iskaga difaaci lahayd dhinacyada ka soo horjeeda. Sarkaal sare oo ka tirsan Xaafiiska Madaxweynaha ayaa usheegay Shabakada Wararka Soomaaliyeed ee AllPuntland in ay dowladda Soomaaliya dooneysa in ay ka hortagto dhinacyadu uu ku sheegay in ay ka soo horjeedaan amaanka dalka Soomaaliya. Sarkaalkan oo magaciisa ku sheegay C/risaaq Shariif Siciid ayaa sheegay in ay dowladdu gaartay go'aamo talan taali ah ku aadan amaanka dalka oo uu sheegay in ay dhib badan ka jiri doonto hadii aan wax laga qaban awoodaha xoog-sanaya ee dhinacyada ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya. Warka ka soo baxay Shariif Sheekh Axmed Xaafiiskiisa ayaa ku soo beegmaya xili uu labo maalin ka hor sheegay in ay la dagaalamayaan Kooxo uu ku sheegay in ay duulaan ka soo qaadeen dalal Shisheeye, ayna doonayaan in ay Soomaaliya dowlad la'aan ku ridaan. F. C. Geylan AllPuntland
  6. Garowe: Xukuumada Puntland oo maanta baarlamaanka horgeysay Dastuurka Cusub. 26. maj 2009 Garowe(AllPuntland)- Golaha Xukuumada ee Puntland ayaa maanta horgeeyey baarlamaanka Puntland Dastuurka cusub ee deegaanada Puntland, waxaana Xubnaha golaha wakiilada maanta loo qeybiyey qoraalka ama nuqulada Dastuurkan. Dastuurkan cusub ee ay habeen hore soo meelmariyeen golaha Xukuumada ayaa ah mid wax weyn laga badalay,isla markaasna ka kooban 141 qodob, sida ay sheegayaan xubno ka tirsan Mudanayaasha golaha Wakiilada. Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud oo maanta ka qeybgalay fadhigan ayaa hadal uu ka jeediyey wuxuu ka codsaday Mudanayaasha baarlamaanka in ay si taxadar ku jiro u eegaan Dastuurkan ayna taladooda ugu darsadaan oo ay u ansixiyaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay waqti dheer ku bixiyeen mudadii ay shaqada wadeen sidii loo heli lahaa dastuur nadaamsan oo ay leedahay dawladda Puntland ayna ku guuleysteen oo ay soo dhameystireen, isagoo mahad uceliyey qaar ka mid ah dadkii ka qeybqaadatay dar-dargalinta howshan. Dastuurkan oo dibu eegis oo kaliya ay ku sameysay Xukuumadan waxaa horay waqti iyo lacago-ba ugalisay Xukuumadii Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi, waxaana qodobada ku jiraa qaarkood wax ka badal lugu sameeyey. Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa soo aqrisanaya 24 saac gudahood Dastuurkan, ka dibna waxaa la galinayaa dood sida uu qabo Xeer hoosaadka mudanayaasha baarlamaanka Puntland, ayagoo markaasi diidi kara ama aqbali kara. F. C. Geylan AllPuntland
  7. Nice picks, legends of the past needed in the present.
  8. ^^^You keep repeating tired and baselss talking points. There is much bloodhsed in Mogadishu, civilians are fleeing and the city is being shelled. Hundreds have died of never eneding war from Galgaduud to the Bakara market. Sharif Ahmed is president and he is hiding behind AMISOM Ugandan tanks. He is holding only Villa Somalia and his ministers are in AdiSS begging for support or as you stated being "pressured" tp get support. Yusuf old region is peacefull Sharif Ahmed is bussy liberating Jowhar
  9. He has been “pressured” so he cant resign ? Is he being pressured to be an out and out hypocrite? Everything he supposedly fought against he is doing right now. The most incompetent leaders in Somali history is Sharif Ahmed. Next he will call for Ethiopian tanks and it will be because of the “pressure”.
  10. Xukuumadda Puntland oo ansixisay Dastuurka cusub ee Puntland. Garowe, May 25 | Kulan aan caadi ahayn oo shalay iyo xalay yeesheen Xukuumada DGPl ayaa lagu ansixisay dastuurkii cusub. Dastuurkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee ay yeelato tan intii la dhisay Maamulka Puntland. Hadaba shalay ilaa xalay ayaa xukuumadda DGPL waxa ay ka doodayeeb, kuna darayeen waxyaabaha ka dhiman ama si qaldan loo dhigay qodobada qaarkood. Dood dheer iyo falan qayn ka dib ayaa goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dastuurka cusub. Hadaba waxaa saaka shir saxaafadeed xafiiskiisa ku qabtay Wasiirudowlaha Dimuqraadiyeynta iyo Arrimaha Federaal Dr:Cabdi Xasan Jimcaale,waxaanu halkaasi ka akhriyey warsaxaafadeedkii iyo warbixino kale oo ku saabsan dastuurada ay soo martay Dawladihii Soomaaliya soo maray tan iyo intii ay xoriyada qaadatay. Hadaba warsaxaafadeedkaasi ayaa waxa uu u qornaa sidatan: Dadweynaha Gobollada Waqooyi Bari,waxa ay ku guulaysteen in ay samaystaan maamul uu u dhamaystiran yihiin qaybaha dawladda,taas oo ka dambaysay,ka dib markii waxgaradka Gobollada waqooyi-Bari ay shir weyne isugu yimaadeen Magaalada Garowe. Bishii ogost Sannadkii 1998kii,halkaas oo loogu walqalay maamul cusub oo unug u noqonaya Dowlad Soomaaliyeed oo leh maamul baahsan kuna qotoma hannaanka dawladeed ee loo yaqaan habka Federaalka,taas oo aanu rumaysan nahay in ay tahay wadada keliya ee isu keeni karto dadka Soomaaliyeed ee dagaalladii sokeeye ku kala irdhoobay. Dowlad goboleedkaas cusub waxa loo bixiyey” Puntland”.magacaas oo cuskaan taariikh gaamurtay,macnihiisu na yahay’ ‘’Dhulkii Udugga”. Hadaba qoraalkani waa miraha dibi eegista Golaha Xukuumadda ee Dastuurka,taasi oo soo martay Marxalado kala duwan iyo tashiyo loo bandhigay dad badan oo la bidayey in ay ku soo biirin karaan fikrado wax ku ool ah oo ka tarjumaya sidii uu dastuurkani u noqon lahaa mid taabagal ah ee warcelin waafi ah bixinaya halka ay Puntland higsanayso,iyaga oo isku duuban dawlad iyo dadweyne. Dastuurkan oo ay xukuumadda Puntland li meelmarisay ogolaanshihiisa cod mideysan(unanimous)t aariikhdu markay ahayd 24kii Maajo 2009,ayaa ah nuqulka kama dambaysta ee la horgeynayo Golaha Wakiiladda,si ay iyaguna uga baaraandegaan,una ansixiyaan,dabadeedn a loogu qaado afti dadweyne. Dasturkani waxa uu noqonayaa mid si ku meel gaar ah u dhaqan gala,mar allaale iyo marka uu golaha wakiilada Puntland ansixiyo.marka laga reebo qodobada la xiriira doorashada iyo guud ahaan qodobada la falgala dhismayaasha golayaasha deegaanka iyo dhalashada Xisbiyada cusub iyo waliba guddiga Doorashada Puntland ee rasmiga noqonaya,kuwaasi oo iyaguna dhaqangalaya mar allaale iyo marka ay hawshoodu bilaabato. Dastuurkani waxa uu ka kooban yahay141qodob iyo hal lifaaq oo loogu magacdaray “Marxaladda kala Guurka”,loolana jeedo isbedelka labada guddi doorasho,wuxuuna si gaar ah kuu sabsan yahay guddiga Doorashada eek u meel gaarka ah,Dastuurkan oo ay qodobadiisu isugu xiran yihiin Mowduuc-mowduuc ayaa waxa saldhig u ah arrimaha soo socd: 1.Shareecada Islaamka 2.Baahinta Xukunka 3.Maamul wanaagga 4.habka wadaashiga 5.Isudheelitirida awoodaha Dawladda sida: a)Golaha xeer Dejinta(Baarlamaanka ). b)Golaha Fulinta(Xukuumadda) c)Golaha Garsoorka. 6.Habka Xisbiyada Badan 7.Lahaanshaha Gaar ahaaneed iyo suuqa xorta 8.Xuquuqa Aasaasiga ah ee Muwaadiniinta. 9.Nabadgelyada iyo Xasiloonida. Waxaa sharaf iyo qadarin ii ah in aan halkan uga mahadceliyo dhammaan dadkii sida tooska ah iyo si dadban uga qaybqaatay.qoraalka dastuurka,sixitaanki isa,doodiisa iyo guud ahaan turxaan bixintiisa iyo wax ku soo kordhintiisa,soona gaarsiiyey halka uu manta marayo,isaga oo aan qabyo ahayn,balse dhamaystiran,waxaan si gaar ah aan halkan uga mahadcelinayaa Guddigga Dastuurka,dadweynihi i ka qaybqaatay,golaha Fulinta(Xukuumadda) iyo golaha Wakiiladda(Baarlamaa nka). Waxaan mahad ballaaran halkan u marinayaa Hay’ada Interpeace,oo iyadu fududeeye ka ahayd ilaa markii la unkay Mashruucan,walina qayb muhiim ka ah socodka looga jibba keenay hawshan baaxadda weyn,taas oo dhaqaale iyo Farsamaba la garb taagan. Wasiirudowlaha Madaxtooyada ee Dimuqraadiyeynta iyo Arrimaha Federaalka Dr. Cabdi Xasan Jimcaale. Il - puntlandgovt.com
  11. Muqdisho:Axmed Walad Cabdalla oo caawa ku hoyanaya Muqdisho xili ay dawlada sheegtay in uu safar deg deg ah kadib laabtay 25. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay caawa ilo kala duwan ayaa xaqiijiyey in magaalada Muqdisho uu caawa ku hoyanayo Axmed walad Cabdalla wakiilka xoghayaha guud ee Q/M . Axmed Walad Cabdalla oo maanta safar aan la shaacin ku soo gaaray magaalada Muqdisho ayay dawlada sheegtay in uu ku laabtay magaalada Nairobi laakin ilo badan ayaa sheegay in aanu wali bixin oo uu ku suganyahay xarunta madaxtooyada . Axmed Walad Cabdalla wakiilka xoghayaha guud ee Q/M ayaan la aqoon ujeedka safarkiisa iyo waxa xiligaan ku soo beegay . Galabta ayuu kulan la yeeshay labada mas'uul ee dawlada ugu sareysa sida madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha. Waa safarki ugu horeeyey ee uu ku yimaado magaalada Muqdisho tan iyo marki uu bilaabay hawlaha Soomaliya ee Q/M. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
  12. Axmed Walad Cabdalla oo ku taageeray Golaha Wasiirada xayiraada Dekedaha iyo Garoomada Diyaarada ay gacanta ku hayaan Kooxaha Islaamiyiinta. Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo shalay ka qeyb galay Kulan ay Golaha Wasiirada ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kadib markii uu safar qarsoodi ah ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa ku taageeray Golaha Wasiirada inay xayiraad ku soo rogaan Dekedaha iyo Garoomada Diyaaradaha ay gacanta ku hayaan Kooxaha Islamiyiinta. Axmed Walad Cabdalla ayaa ku tar tarsiiyay Golaha Wasiirada inay qaataan go'aankii Urur Goboleedka IGAD, kadib qudbad uu u jeediyay Golaha Wasiirada, isagoona soo jeediyay inay muhiim tahay in la qaado go'aano dhaxal gal ah. Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay in si toos loo wajaho arrimaha ka socda Soomaaliya, isagoona tilmaamay in Kooxaha Mucaaradka ay dhaqaalahooda ugu badan ka helaan Garoomada Diyaaradaha iyo Dekedaha, isagoo dhanka kale cadeeyay inay jiraan saanado u soo daga iyo dagaalyahano shisheeye oo u yimaada. Golaha Wasiirada ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay 25-ka Bisha May oo shalay ku beegneyd ay xiran yihiin duulimaadyada Garoomada Diyaaradaha goobaha ay gacanta ku hayaan Kooxaha Mucaaradka, marka la reebo kaalmada gar gaarka, waxaana ay Qaramada Midoobey ugu baaqeen inay dhaqan geliso cunaqabateynta. Kooxaha Mucaaradka ayaa horay u sheegay in aanay saameyn ku yeelaneyn cunaqabateynta IGAD ee ku aadan xayiraada Dekedaha iyo Garoomada Diyaaradaha ay gacanta ku hayaaan. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  13. Muqdisho:Madaxweynah a Soomaliya Shariif Shiikh Axmed oo xaqiijiyey fara galinta caalamiga ah ee Soomaliya ku soo socota 26. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Iyadoo maalmahan la isla dhex marayey in Soomaliya aanay ka fagsan doonin faragalin caalami ah laba bil gudaheed ayaa faragalintaas waxaa ay u muuqataa in ay ka soo dag dageyso waqtigi la saadalinayey. Madaxweynaha Soomaliya oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dawladiisa ay beesha caalamka u direyso fariin ah in la soo galo Soomaliya si looga caabiyo kooxaha islaamiyiinta ee ajaanibta wata. “Dawlada waxa dagaalka ku wada waa ajaanib ka timid dalal kale oo abaabuleysa in dalka ay galiyaan isticmaar iyagoo Soomali kaashanaya” ayu yiri Madaxweyne Sharif. Madaxweynaha ayaa sheegay in dawlada ay cid walbaa la kaashan doono dagaalkeeda ay mucaaradka kula jirto. Hadalka madaxweyne Shariif ayaa sii cusleeyey wararki maalmahan la isla dhax marayey ee ahaa in faraglin lagu sameeyo xaalada ka sii dareysa ee Soomaliya , waxaan hadalkisa dad badan ku micneeyen in uu ogolaaday in la fara galiyo Soomaliya. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
  14. The Sharif is casueing more war. now foreign troops are coming to fight the foreign troops he called for in 2004. Its time to bring Xsan Dahir & Sharif Ahmed to court...
  15. Adeer Meiji this is about the future of Mogadishu. The clan claims has failed.
  16. Kismaayo: Ciidamo taabacsan Xasan Turki oo ka soo baxay magaalada Kismaayo. 24. maj 2009 Kismaayo(AllPuntland )- Ciidamo ka tirsan Jamhada Sheeekh Xasan C/laahi Xirsi oo loo yaqaano (Xasan Turki) ayaa ka soo baxay magaalada Kismaayo, ayagoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho oo ay ka jiraan dagaalo udhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda oo ay qeyb ka yihiin ciidamadan soo baxay. Ciidamada soo baxay oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ee kala duwan ayaa lafilayaa in ay magaalada Muqdisho gaaraan caawa, sida ay sheegayaan Warar madax banaan oo ka soo baxaya gobalada Jubooyinka. Qof goob-jooge ahaa markii ay ciidamadan ka soo baxayeen magaalada Kismaayo ayaa usheegay APL in ay arkayeen gaadiid dagaal oo hubeysan, kana mid ah guutooyinka ka amar qaata Xasan Turki kuna sii jeeda magaalada Muqdisho. Ujeedada ciidamadan ayaan si rasmi ah loo aqoon, inkastoo aysan micne badan u baahneyn oo ay tahay in ay garab-siinayaan ciidamada ka soo horjeeda dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ee ay isku mawqifka yihiin. Kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah ayaa balan ku qaaday in ay magaalada Muqdisho oo dhan ay qabsan doonaan, maalinimadii shalay markii ay dowladda Soomaaliya ku fashilantay howlgal ay ku dooneysay in ay ku qabsato goobo muhiim ah oo kuyaala wadada wadnaha, balse uu fashilmay howlgalkaasi, sida ay xaqiijinayaan saraakiil ka tirsan dowladda Faderaalka ee Soomaaliya. Gurmadyada tagaya magaalada Muqdisho ayaa kalsooni balaaran ku abuuraya dhinacyada dagaalamaya, waxaana dad badan oo ku dhaqan magaaladaasi ay cabsi ka qabaan dagaalo lugu hoobta oo ka dhaca magaaladaasi una dhaxeeya dhinacyada isku haya gacan ku heynta magaalada Muqdisho. Wadaadkan Xasan Turki meel uu hada ku sugan yahay ma jirto cid cad ucadeyn karta, waxaase warar madax banaan ay sheegayaan in uu dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, ka dib markii ay ciidamadiisu qabteen guud ahaan gobalka Shabeelada Dhexe, waxaana uu degan yahay degmada Dayniile, isagoo fariisin ka dhigtay Xaruntii Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa Hogaamiyaashii xooga looga saaray magaalada Muqdisho,xiligii ay sameysteen Ururka La dagaalanka Argagixisada. F. C. Geylan AllPuntland
  17. Somalia: Suicide bomber kills 10 in Mogadishu, incl. six soldiers 24 May 24, 2009 - 11:23:54 AM MOGADISHU, Somalia May 24 (Garowe Online) - At least 10 people were killed Sunday including six government soldiers in the Somali capital Mogadishu when a suicide bomber targeted a military installation, Radio Garowe reports. The suicide bomber drove a Toyota truck laced with explosives into the military installation, killing six soldiers and three civilian bystanders, military officials said. "Six of our soldiers were killed by the suicide bombing including the soldier who shot the suicide bomber," said Col. Osman Abdullahi "Agey," commander of the military facility that was attacked. At least nine people including four soldiers were wounded by the blast, which occurred in Hamar Jajab district of central Mogadishu but the blast was heard across town. The wounded soldiers were being treated at a private hospital operated by the African Union peacekeeping mission (AMISOM), which maintains a major base at Mogadishu's Aden Adde International Airport. An independent journalist who visited the location of the explosion afterwards described a horrific scene with human pieces lying around.Foreign fighters blamed Foreign fighters blamed Mr. Abdifatah Shaweye, the young deputy mayor of Mogadishu, told reporters that Al Shabaab insurgents are responsible for the suicide bombing. "The [suicide] bomber was white skinned and was not a national of this country [somalia]," Mr. Shaweye said, adding that the government will present its findings after the ongoing investigation is completed. No group has publicly claimed responsibility for the bombing, but Al Shabaab insurgents have claimed responsibility for previous suicide bombings in Mogadishu and other parts of Somalia. Sunday's deadly attack comes after two days of fighting between government forces and anti-government insurgents, led by Al Shabaab and Hizbul Islam hardliners. Somali government leaders have repeatedly accused Al Shabaab of sheltering foreign fighters using them to attack government targets. Al Shabaab leaders have referred to the foreign fighters as "Muslim brothers" and have in turn accused the government of being a puppet of the West. Somalia's interim government is the 15th attempt to restore national order by the international community since the outbreak of civil war in 1991. Source: Garowe Online The suicide bomber drove a Toyota truck laced with explosives into the military installation, killing six soldiers and three civilian bystanders, military officials said. "Six of our soldiers were killed by the suicide bombing including the soldier who shot the suicide bomber," said Col. Osman Abdullahi "Agey," commander of the military facility that was attacked. At least nine people including four soldiers were wounded by the blast, which occurred in Hamar Jajab district of central Mogadishu but the blast was heard across town. The wounded soldiers were being treated at a private hospital operated by the African Union peacekeeping mission (AMISOM), which maintains a major base at Mogadishu's Aden Adde International Airport. An independent journalist who visited the location of the explosion afterwards described a horrific scene with human pieces lying around.Foreign fighters blamed Foreign fighters blamed Mr. Abdifatah Shaweye, the young deputy mayor of Mogadishu, told reporters that Al Shabaab insurgents are responsible for the suicide bombing. "The [suicide] bomber was white skinned and was not a national of this country [somalia]," Mr. Shaweye said, adding that the government will present its findings after the ongoing investigation is completed. No group has publicly claimed responsibility for the bombing, but Al Shabaab insurgents have claimed responsibility for previous suicide bombings in Mogadishu and other parts of Somalia. Sunday's deadly attack comes after two days of fighting between government forces and anti-government insurgents, led by Al Shabaab and Hizbul Islam hardliners. Somali government leaders have repeatedly accused Al Shabaab of sheltering foreign fighters using them to attack government targets. Al Shabaab leaders have referred to the foreign fighters as "Muslim brothers" and have in turn accused the government of being a puppet of the West. Somalia's interim government is the 15th attempt to restore national order by the international community since the outbreak of civil war in 1991. Source: Garowe Online The suicide bomber drove a Toyota truck laced with explosives into the military installation, killing six soldiers and three civilian bystanders, military officials said. "Six of our soldiers were killed by the suicide bombing including the soldier who shot the suicide bomber," said Col. Osman Abdullahi "Agey," commander of the military facility that was attacked. At least nine people including four soldiers were wounded by the blast, which occurred in Hamar Jajab district of central Mogadishu but the blast was heard across town. The wounded soldiers were being treated at a private hospital operated by the African Union peacekeeping mission (AMISOM), which maintains a major base at Mogadishu's Aden Adde International Airport. An independent journalist who visited the location of the explosion afterwards described a horrific scene with human pieces lying around.Foreign fighters blamed Foreign fighters blamed Mr. Abdifatah Shaweye, the young deputy mayor of Mogadishu, told reporters that Al Shabaab insurgents are responsible for the suicide bombing. "The [suicide] bomber was white skinned and was not a national of this country [somalia]," Mr. Shaweye said, adding that the government will present its findings after the ongoing investigation is completed. No group has publicly claimed responsibility for the bombing, but Al Shabaab insurgents have claimed responsibility for previous suicide bombings in Mogadishu and other parts of Somalia. Sunday's deadly attack comes after two days of fighting between government forces and anti-government insurgents, led by Al Shabaab and Hizbul Islam hardliners. Somali government leaders have repeatedly accused Al Shabaab of sheltering foreign fighters using them to attack government targets. Al Shabaab leaders have referred to the foreign fighters as "Muslim brothers" and have in turn accused the government of being a puppet of the West. Somalia's interim government is the 15th attempt to restore national order by the international community since the outbreak of civil war in 1991. Source: Garowe Online
  18. Sheekh Xasan Turki "Nimankaan ku qeylinaya beelaha ******, maad AMISOM ka qabataan shacabkiinan Madaafiicda lagu gumaadayo" Sheekh Xasan Cabdalla Xirsi (Alturki) ayaa markii u horeysay ka hadlay dagaalada galay labo todobaad ee u dhaxeeya Kooxaha Mucaaradka Islaamiyiinta iyo Dowladda KMG, isagoona wacad ku maray inay dagaalada sii wadayaan. Sheekh Xasan Turki oo ka jawaabayay eedeymo ay u jeedinayeen maalmihii u dambeeyo Xubno ka tirsan Dowladda ee ka soo jeeda Beelaha ******, ee ahaa inuu duulaan ku yahay shacabka ******, kana soo duulay deegaanada Kudhaa ayaa waxaa uu arrintaas kaga jawaabay si kulul, isagoona tilmaamay in aanay jirin dhul ka kala leeyahay. Waxaa uu sheegay in halgankooda aanu ku saleysneyn qaab qabiil, waxaana uu cadeeyay in magaalada Muqdisho aanay qabiil lagu soo duulin, isagoona intaa ku daray in dagaalada ay sii wadayaan. "Nimankaan ku qeylinaya beelaha ******, maad AMISOM ka qabataan shacabkiinan Madaafiicda lagu gumaadayo"ayuu yiri Sheekh Xasan Turki oo ka jawaabayay eedeymo uu u soo jeediyay Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Sheekh C/raxmaan Janaqow. Sheekh Xasan Turki ayaa sidoo kale go'aan aan micno laheyn ku tilmaamay cunaqabateyntii IGAD iyo Midowga Afrika ku soo rogeen Garoomada iyo Dekedaha ay gacanta ku hayaan Kooxaha Islaamiyiinta, isagoona tibaaxay in aanu wax saameyn ah uu ku yeelan doonin. "Waxaan layaabanahay kuwa leh ****** ayaan nahay ee Ganacsatadii Canshuur adag dul saaray hadana doonaya in Dekadihii canshuur la'aanta ahaa xiraan, hadaad Hawiyaha aad sheegaysaan u naxaysaan maxaad Madaafiicda ugu garaacaysan shacabka masaakiimta ah"ayuu mar kale ku celiyay Sheekh Xasan Turki oo iska fogeynayay inuu ku soo duulay shacabka ****** oo uu meel fog uga yimid inuu baab'iyo. Waxaa uu sheegay in magaalooyinka Soomaaliya oo idil loo siman yahay, isla markaana aanay jirin cid si gaar ah u leh, waxaana uu ku nuux nuuxsaday in qaab qabiil aan wax lagu dhameyn Karin, dagaalkana ay sii wadayaan. Wadaadkan ku jira Liiska waxa uu Mareykanka ugu yeero Argagixisada Caalamiga ayaa dhowaan soo gaaray Magaalada Muqdisho, isaga iyo boqolaal ka tirsan Ciidamadiisa, isagoona si gurmad ahaan ugu yimid. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  19. Sheekh Xasan Turki oo ka jawaabay Eedaymo ay ujeediyeen Wasiiro iyo Xildhibaano Dowladda ugu jira Beesha ******. 24 May 2009 Posted to the Web 24 May 09, 09:49 Sarkaal katirsan Kooxaha Islaamiyiinta Somalia ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaalada qaraar ee Mudada 4-ta Isbuuc ah ka socdo magaalada Muqdisho. Kadib markii ay dowlada Federaalka Somalia ku eedaysay Xubno Islaamiyiinta katirsan in qaab qabiil ay dagaalada uga wadaan Muqdisho ayuu arrinkaas ka jawaabay Sheekh Xasan Turki. Sheekh C/laahi Xirsi (Xasan Turki) ayaa ka jawaabay eedayn uu dhawaan usoo jeediyay Wasiirka Cadaaladda C/raxmaan Janaqoow iyo Xildhibaano dowlada katirsan oo uhadlay beesha ******. Xasann Turki wuxuu sheegay in iyagu aysan ku shaqayn qaab qabiil islamarkaana ay yihiin dagaalyahano doonayo dhismaha dowlad Islaami ah sida uu hadalka udhigay. "Waxaan layaabanahay kuwa leh ****** ayaan nahay ee Ganasatadii Canshuur adag dul saaray hadana doonaya in dekadihii canshuur la'aanta ahaa xiraan,hadaad Hawiyaha aad sheegaysaan unaxaysaan maxaad Madaafiicda ugu garaacaysaan shacabka masaakiimta ah" ayuu yiri Sheekh Xasan Turki. Wadaadkan oo dhawaan Muqdisho yimid isagoo wata boqolaal Ciidan gurmad ah ayaa wacad ku maray in ay dagaalka kusii wedayaan Dowladda FKG iyo Ciidanka AMISOM. Sheekh Xasan Turki wuxuu ku dhaartay in magaalooyinka dalka Somalia loo simanyahay islamarkaana aan qaab qabiil wax lagu dhamay karin dagaalkana ay siiwedayaan. Hadalkan kasoo yeeray Sheekh Xasan Turki ayaa imaanaya xilli dhawaan C/raxmaam Janaqoow uu ku eedeeyay Xasan Turki in uu dagaal aan dhamaad lahayn usoo safriyay dhulka ******. Eedaymahan ay is dhaafsanayaan dhinacyada hubaysan ayaa dhibaata ku ah shacabka Marasta ah ee lagu dul dagaalamayo. Cadaado.com Isha Wararka Somalida
  20. ^^^The issue here is simple, Sharif Ahmed & Xasan Dahir are the two key players who for what ever reason and excuse turned Mogadishu into a slaughter house. None of you can refute these allegation since, the attack on Duke of SOL and on the former President. The problem is that Duke & Yusuf are not fighting inside Mogadishu today. Since 2009 there has been hundreds killed in Mogadishu, and its the fault of the same individuals who were causing triuble under the guise of "Isalamic Courts" and "liberators" of Somalia. They must be brought to justice..Everything else the anguish of the ignorant who thought suicide bombings were fun a year ago and now cry out, "extremist", at every turn.
  21. Faah Faahin dheeraad ah oo ka soo baxaya Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta Muqdisho ka dhacay(Daawo Sawir). Muqdisho,(WNT):-Faah Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah ee Somalia. Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowlada oo waraysi gaar ah la yeelanay ayaa inoo sheegay in qaraxa uu fuliyay ruux naftii hure ah oo si xoog ah ku soo jiiray ilinta goobta ay Ciidamada ku sugnaayeen. "runtii waxay aheyd xili duhur ah oo Ciidamada lagu waday diiwaan galin mar kaliya ayaynu ka war helnay gaari Ronet ah oo soo jiiraya ilinta xerada kaasi oo ku soo gambanayay gaari ciidamada dowladu leeyahay oo xiligaasi xerada soo galayay"ayuu yiri Sarkaalka. Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri"Markaas kadib ayay Ciidamada albaabka xerada ku wargaliyeen gariga in uu joogsado taasina keentay in darawalkii dhahaga ka xirtay Isla markaana soo abaaray goob ay Ciidamada ku sugnaayeen,Markii tasi dhacday ayuu askarigii rasaas ku riday darawalkii oo dhaawac soo gaaray isagana si xoogan ku ku jiiray dhismo ku yala gudaha xerada isla markaana uu mar kalia qarxay. Isaga oo sarkaalka hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in marka gaarigu qarxayay guud ahaan ciidamada goobta ka firxadeen isla markaana ka baqi qabay in waxyeelo ka soo gaarto waxyaabaha gaariga uu damacsan yahay. Sarkaalka ayaa cadeeyay in halkaasi ku geeriyoodeen in ku dhaw 6-Askari halka tiro intaasi ka badana dhawacyo kala duwan soo gaareen.
  22. Duqeymo gaystay khasaarooyin kala duwan oo galabta ka dhacay Muqdisho. Muqdisho,(WNT):-Duqe ymo xoogan ayaa galabta gabal dhicii ka dhacay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho kaasi oo gaystay khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Duqeymahaan ayaa ahaa mid u dhaxeeyay Ciidamada dowlada,Kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo kooxaha ka dagaalama Magaalada Muqdisho. Duqeymaha ayaa yimid kadib markii Madaafiic dhowr ah lala beegsaday xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia taasi oo keentay in jawaabo xoogan xarunta ka soo baxaan. Inta la xaqiijiyay 3-ruux ayaa ku geeriyootay xaafada suuq bacaad ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku dhacay Madfac jawaab ah ee ka soo baxay Madaxtooyada. Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray tiro dad rayid ah oo iminka dhaawacyadooda lagu dabiibayo Isbitaalada Muqdisho. Ma aha markii ugu horeysay oo duqeymo Muqdisho isku waydaarsadaan Ciidamada AMISOM,Kuwa dowlada iyo Kooxaha ka horjeeda kaasi oo khasaare ka soo gaara dadka Rayidka ah. Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho
  23. Xiin like his boss Sharif Ahmed is impotent and clueless. He needs help, maybe its Ethiopia right Xiin?
  24. Muqdisho:Madaafic xoogan oo ku socota xarunta madaxtooyada iyo jawaabo kulul oo Amisom ka imaanaya 24. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Madaafic xoogan aya ku socota xiligaan xarunta madaxtooyada madaxweyne Shariif Sh.Axmed , waxaana madaaficdaas ay ku dhacayaan gudaha iyo banaanka xarunta. Madaaficdaan oo u soo dhaceysa si aan kala joogsi lahayn ayaa waxaa ay ka soo dhaceysa meelaha ay joogaan xoogaga mucaaradsan dawlada. Ciidamada Amisom ayaa bixinaya jawaabo madaafic ah oo ay ku qaraacayaan dhufeysyada mucaaradka iyo xaafado ay dad rayid ah daganyihiin sida xaafadaha Xamar Jadiid , Cali Kamiin , Carafaat iyo Xamar bile, Lama oga khasaaraha ka dhashay madaaficdan la isku dhaafsanayo hawada Muqdsiho , waxaase khasaaraha mar walbaa uu soo gaara dadka rayidka ah. Tan iyo marki ay dagaalada ka qarxeen Muqdisho bartamaha bishan aan ku jirno waxaa caadi ahaa galab walbaa weerarada madaafic ee ay labada dhinac isku sagootiyaan kuwaas oo lala eegto madaxtooyada iyo fadhiyada mucaaradka. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland WAR LA XIRIIRA
  25. Qasaaraha ka dhashay Madaafiic galabta la isku weydaarsaday Magaalada Muqdisho oo isa soo taraya. Iyadoo wali dhinacyadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha ayaa hadana waxaa maalin kasta caado noqotay inay is weydaarsadaan Madaafiic, taasoo qasaaraha ugu badan ka soo gaara dad rayid ah. Madaafiic ay is weydaarsadeen labada dhinac oo qaarkood lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaartau. Xoogaga Mucaaradka ayaa galabta casir liiqii waxay Madaafiic Hoobiyeyaal ay ku garaaceen Xarunta Madaxtooyada, kuwaasoo qaarkood gudbay, waxaana ay ku dhaceen xaafado ka tirsan Degmada Xamar Weyne. Inta la hubo hal ruux ayaa ku dhintay hoobiyeyaasha, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen Madaafiicdaasoo ku dhacay Xaafado ka tirsan Xamar Weyne, sida ay soo sheegeen dadka deegaanka, Sidoo kale Madaafiic kale oo jawaab aheyd oo laga riday Madaxtooyada ayaa ku habsaday xaafado ka tirsan Wardhiigley iyo Yaaqshiid, taasoo iyana sababta qasaare soo gaaray dad rayid ah. Xaafada Suuq Bacaad ayaa ku dhacday dhowr Madaafiic jawaabo ahaa oo laga soo ridayay Madaxtooyada, taasoo iyana sababtay dhimashada hal ruux iyo dhaawac labo kale oo aad u liitay. Madaafiicda inta badan ay is weydaarsadaan dhinacyada iska soo horjeeda ayaa sababa qasaaro soo gaara dad rayid ah, waxaana madaafiicdan ay yihiin kuwo dadka rayidka ah ugu taga guryahooda, iyagoo war moog ah. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com