General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^ No such thing Adeer. Sanaag was always different. The locals are up for defending the land.
  2. Yube ( SPR ) : Maamulka Gobolka Sanaag ayaa Guul ku tilmaamay kahortag ay Ciidamada Daraawiishta Puntland ay kaga horistaageen Somali land in ay Deegaanada Gobolka ay soo galiso Sanaadiiqda Doorashada,gar ahaana cod bixinta Doorashooyinka Golyaasha Deegaanka ee Maamulkaasi. Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon oo Shir Jraa id ku qabtay jiida hore ee Taliska Ciidanka Darawiishta Gobolka Sanaag,gaar ahaan Deegaanka Yube ayaa kaga warbixiyay Guulaha ay Ciidanku kasoo hoyeen kahortaga Kooxo uu sheegay in ay soo duuleen. Gudoomiye Ciyoon waxaa uu ugu hanbalyeeyay Madaxweynaha iyo Shacabka Puntland guusha ay ka gaareen in ay kaga hortagaan sida uu sheegay duulaanka gar darada ah ee Maamulka Somali land ay kusoo qaadeen Deegaanada Gobolada Sanaag iyo Hay land. Maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa rabshado iyo shaqaaqooyin la xiriira Arimaha Doorashooyinka Somali land waxaa ay ka dheceen Deegaano ka tirsan Gobolada Sanaag iyo Hay land,taasi oo dhalisay in ay Labada Maamul ee Somali land iyo Puntland ay Ciidamo fara badan soo dhoobaan xuduudaha Deegaanada ay ka kala taliyaan ee Goboladaasi. * *
  3. Abwan I agree with you 100%. There needs to be no agression within Somali's. We have all experienced the benefits of this nonsense. However lets hope our secessionist brothers come to terms with this before many die on both sides.
  4. ^^^Abwan, those who claim other peoples land should stop. They are uable to develop Hargaysa and yet want other peoples land.. It makes no sense. Saleeban Gaal is acting like a right old Netynyahoo..
  5. Fiqikhayre;893501 wrote: Xaji is dreaming. The Governor spoke and thus the Puntland troops. Secessionists won't be allowed to enter the region to cause instability. The news on the ground is that Badhan, Laasqoray, Dhahar, Hadaaftimo and Xingalool no election whatsoever will happen. It is said that Ceerigabo itself is in doubt and will probably not even reach the near villages outside and vicinity of Ceerigabo. Now that's a shame. Big one. Dont break XX delusional dreams. He thinks he has an army and a State that can subjugate an entire people. Last time they came, they lost vehicles and even their Minister of war was sacked..
  6. Xaaji Xunjuf;893497 wrote: Badhan or baran you cant even pronounce the city yet you wish to claim it ,any way no one knows where he is maybe he is in his house hiding. I am not claiming it adeer, its mine. Again the delusions of the SNM clan, make sure you dont lose armor to the Maakhir warriors as you did the last you attempted to enter this region. History has a habit of repeating itself. All I am hearing is Saleeban Gaal making threats from Hargaysa and not Baran..
  7. Ciidamada Daraawiishta Puntland oo u ruqaansaday Galbeed Gobolka Haylaan Posted by Lee Heelo on November 27, 2012 in WARAR | 0 Comment Dhahar (ln): Waxaa maanta galabnimadii magaalada Dhahar galbeedkeeda u ruqaansadey, gadiid dagaal lagu qiyaasay tiradoodu inay dhan tahay 17 gawaadhida gaashaaman ee loo yaqaan tiknikada iyo kolonyo ciidamo ah oo ka amar qaata wasiir-kuxigeenka amniga Puntland, mudane C/Jamaal Maxamed Cismaan. Kulan maanta kadhacay xarunta madaxtooyada gobolka Haylaan, oo ay soo abaabuleen odayaasha dhaqanka gobolka Haylaan, ayaa lugu go’aamiyey, islamarkaana la’isku afgartay in ciidamada intooda badan ay ka baxaan magaalada Dhahar. Kulankaasi ka gadaal ayaa waxaa si wadajir ah ula hadlay goob fagaara ah oo ku taal xaafada Qunyar-Dega, wasiir-kuxigeenga amniga Puntland, iyo qaar katirsan nabadoonada gobolka Haylaan. Mudane C/Jamaal Maxamed Cismaan, oo la hadlay boqolaal shacabka xaafada Qunyar-Dega ayaa ugu baaqay shacabka inay samraan, islamarkaana faah faahiyey sababta ay uga hortagayaan maamulka Somaliland. Mudane C/Jamaal ayaa hadaladiisi waxaa kamid ahaa, “taako Ceerigaabo bariga uga baxsan yeeli mayno, degaankeegina yeeli maayo in nin reer Burco ah oo igula gorgortamo.” Cabdi Jamaal ayaa dadka u sheegey in labadii bilood ee ugu dambeysay uu ka shaqeynayay amniga gobolada Sanaag iyo Haylaan isagoo bishii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalooyinka Badhan iyo Laasqoray dhidibadana usoo aasay ciidamada deegaanadaasi.
  8. Xaaji Xunjuf;893490 wrote: Pirate governor can claim as much as he wants it wont change the reality on the ground He is in Baran, he is on the ground, while you are having a shootout amongst yourself in Western Erigavo..
  9. Abwaan;893487 wrote: Duke baa iiga hormaray, waxaan dhihi lahaa war ninka magaca ka beddela. SubxaanAllaah....Saleebaan Gaal waa maxay? Its a troubling name, yet he accepts it with full pride.
  10. Maamulka Sanaag oo Kormeer ku maray jiida hore ee Ciidanka Daraawiishta ee gobolkaas November 27, 2012 - Written by Webmaster - Edited byeditor Deegaanada gobolada Heylaan iyo Sanaag waxaa saacadihii ugu dambeeyay ka jiray dhaq dhaqaaqyada ku aadan in Maamulka Soomaaliland uu deegaanadaasi keeno sanaadiiq doorashooyinka maamulkaasi ku aadan. Waxgaradka, Odayaasha iyo rayidka goboladaasi ayaa ka dhiidhiyay kana shiray sidii amuurtaasi looga hortagi lahaa, iyagoo qaaday tilaabooyin dhinackasto leh haba ugu horeysee dhinacyada militeriga iyo adkeynta Xuduudaha goboladaas. Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Maxamuud Ismaaciil Ciyoon oo la hadlay SBC ayaa sheegay in ka maamul ahaan saaka ay kormeer ku sameeyeen fariisimada ciidamada daraawiishta gobolka taasi oo ku aadaneyd sidii ay ilgaar ah ugu eegi lahaayeen dhaq dhaqaaqyada maamulka Soomaaliland uu ka wado gobolka. “Baran Waa caasimada gobolka Sanaag ee Puntland, waxayna rabaan waa meesha ay nimanka maamulka la baxay Soomaaliland doonayaan inay nabadgeliyo xumo ka abuuraan islamarkaana keenaan waxyaabo aan horay uga dhicin oo doorasho iyo wax la mid ah ay ku sheegayaan, kana dhici doonin” ayaa sidoo kale ka mid ahaa hadalada gudoomiyaha gobolka Sanaag. Waxa uu carabka ku dhuftay gudoomiyuhu in ay dheceen falal isku dhac ah ka dib markii niman ka socda maamulkaasi ay damceen in ay gobolka Soogeliyaan sanaadiiq codbixineed balse ay ka hortageen ciidanka daraawiishta iminkadana ay goobihii ay joogaan ka carareen waa sida uu hadalka u dhigeene. Sikastaba ha ahaatee guud ahaan shacabka gobolada Sanaag iyo haylaan ayaa meel qura kaga soo jeestay talaabooyinka faragelinta ah ee la sheegay in maamulka Soomaaliland uu ka wado qeybo ka mid ah goboladaas. Cawil Nadiif Suldaan SBC International Garoowe Daalacatey :338
  11. Xaaji Xunjuf;893479 wrote: If it is some one u dont want to mess with its Selebaan gaal:D Yeah he will do more than your SNM "army".. He needs to address his name, like the old lamb shaggar, folks do have ways with names..
  12. Ciidamada Puntland. Ciidamada Puntland ee ku sugnaa aaga Dhahar xalayna kaga hoyday 3 goobood ayaa maanta isku balaariyey Deegaano ka tirsan tuulooyinka Booda cad & Jiin gada oo ah meelihii ay maalinimadii doraad soo gaareen Ciidamada Somaliland. Goob jooge ku sugan Tuuladda Booda cade oo dhanka galbeed ka xigta Degmadda Dhahar ayaa sheegay in xili hore oo saaka ah ay magaalada soo galeen Ciidamo ka tirsan kuwo Puntland kuwaas oo markii danbe dhinaca Galbeed ee magaaladda ka samaystay fariisn meel u jirta ilaa 10 km. Sidoo kale Goob jooge ku sugan Tuuladda Jiingada ayaa u sheegay Horseed Media inay soo gaaleen Ciidamo ka tirsan kuwo Puntland, Wuxuu sheegay in indhihiisu qabteen Gaadiidka Dagaalka oo tiro badan. Ciidamadii Darwaashiita ee sugnaa inta u dhexeysa Yube & Hadaaftimo ayaa weli halkaas ku sugan. Degmadda Xingalool. Ciidamada Puntland Degmadda Xingalool oo dhinaca Koonfureed kaga taaladda Gobolka Sanaag ayaa ah mid muhim u ah isku xirka Magaalooyinka Ceerigaabo & Dhahar waana wadada la filayo inay soo mari doonaan weftiga Somaliland ee uu hogaaminayo Wasiirka Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga Miyiga islamarkaana sida Sanduuqyada doorashada. Horseed Media waxay qortay shalay in Degmadaas ay Somaliland ka so furi doonto jiho cusub iyadoo laga dhigay aag sadexaad halkii horay uu qorshuhu ka ahaa 2 aag oo kala ahaa Badhan & Dhahar. Somaliland waxay siinaysay tan & shalay magaaladan muhiimada gaar ah sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku sugan Ceerigaabo waayo magaaladan waxaa qorsheesan in la dhigo iyada & tuulada Beraagaha Qol sanduuqyada codbixinta Degmada Dhahar hadii duruufuhu saamixi waayaan in la geeyo Dhahar. G/le Cabdulawaaxid Maxamud oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Puntland ee xoojinta loogu diray Gobolka Sanaag ayaa maanta u sheegay Horseed Media inay Ciidamada Puntland joogaan hareeraha magaaladaas ayna u qorshaysan tahay inay isla maanta tagaan Degmadaas wuxuu yiri: “Waxaa noo qorshaysan in aan aaga Ciidamadu difaaca ka xiranayaan aan dhaafsiino Degmadda Xingalool iyadana waxaan gaari doonaa saacadaha soo socda hadana meelo aan ka fogeyn baa Ciidamadu joogaan” Wefti Booqan doona Sanaag. Wefti cusub oo ka socda Xukuumada Puntland ayaa booqan doona maanta ilaa beri gelinka hore Gobolka Sanaag waxaana weftigaas ka mid ah Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xasan Shire & Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Gen> Siciid Dheere. Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada ayaa xaqiijiyey socdaalka weftigan oo hada ku sugan Xarunta Gobolka Karkaar ee Qardho wuxuuna soocdaalkoodu ka danbeeyey kadib markii uu xalay halkaas shir kula qaatay masuuliyiinta amaanka Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxaamn Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole). Kulankaas kadib Madaxweynaha ayaa go’aan ku gaaray inuu wefti xoojin ah oo Heer Wasiiro ah ayna ku jiraan Taliyaal Ciidan u diro Gobolka Sanaag. Dhinaca Somaliland. Weftigii uu Hogaaminayey Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cadami ayaa habeenimadii xalay guure kaga soo baxay Magaaladda Ceerigaabo wuxuuna yimi magaalada Yube oo u dhexeysa Magaalooyinka Hadaaftimo & Ceerigaabo halkaas oo uu ilaa hada ku sugan yahay. Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland xalay wuxu ku hoyday Magaaladda Yubbe. Weftigii u soo anbabixi lahaa dhanka Degmadda Dhahar uuna hogaaminayey Wasiirka Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga Maxamud Siciid Gacamey ayaa iyagu weli ku sugan Magaaladda Ceerigaabo waxaana laga yaabaa caawa inay gudoodi halkaas kaga soo baxaan hadii aysan baaqan. Ciidamadii Somaliland ee ku hoyday xalay tuuladda Gurmale oo 10 km dhanka bari ka soo xigta Magaalada Shinbiraale ayaa weli fadhiya fariisinkoodii hore . Ciidamadii loo qorsheeyey inay soo gelbiyaan Weftiga Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ee Guutada 12-aad ee fariisinkeedu ahaa Biyo Guduud ayaa iyaga laga yaabaa inay Weftiga Wasiirka Gaashaandhiga caawa ku biiraan. Dib u dhac ku yimi Sanduuqyada Doorashada. Sanduuqyadii loogu talo galay in lagu codeeyo ayaa weli yaala Xafiiska Gudiga doorashooyinku ku leeyihiin Magaaladda Ceerigaabo welina looma qaybin Gobolka Sanaag xataa Degmadda Ceerigaabo & tuulooyinka hoos taga. Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Somaliland ayaa qorshaysan inay dhamaan maalinimada beri ee ku taariikhaysan 28 Nov, 2012.
  13. Xaaladda Goboladda Sanaag & Hayland ayaa ah maanta Taaladda 27 Nov, 2012 mid degan waxaana laga dareemaya meelo ka mid ah Gobolka dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan labada Maamul ee Puntland & Somaliland. Goob jooge ku sugan Magaaladda Ceerigaabo ayaa u sheegay Horseed Media in ay magaaladda ka dhacday is rasaasayn xoog leh maanta taas oo bilaabantay abaaro 11:00 duhurnimo wuxuuna xaqiijiyey mudo 1 saac ka badan inay socotay. Is rasaasaynta ayaa u dhexeysay Ciidamada Amaanka & Maleeshiyaad taageersan Duqa Degmadda. Duqa Degmadda Ceerigaabo ee wakhtigan Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaga markii hore laga soo doortay Xisbigii burburay ee UDUB ayaa u xuub siibtay Xisbiga WADANI ee uu hogaanka u hayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Ciro wuxuuna ka rajo qabaa in mar kale loo soo doorto xilka Duqa Degmadda Ceerigaabo hase yeeshee wuxuu si weyn uga sheki qabaa in Xisbiga Kulmiye uu damacsan yahay inuu ku shubto doorashooyinka ka dhici doona Ceerigaabo . Goob jooguhu wuxuu sheegayaa in maleeshiyaadka maanta rasaasta ay is waydaarsadeen Ciidamada Amaanka ay amarka ka qaadanayeen Duqa Magaaladda waloow uu sheegayo in aysan meesha ka maqnayn awood riixasho qabiil oo u dhexeeya beelaha dhanka Woqooyi ka degan Magaaladda oo iyagu kala taageersan Ururada WADANI & KULMIYE. Waxaa jira warar sheegaya in 4 qof ku dhaawacmeen isku dhacan isla markaana Ciidamada Amaanku xabsiga u taxaabeen Duqii Degmadda Ismaaciil oo maleeshiyaad taageersani Ciidamada rasaaseeyeen walooow aan warkaas si rasmi ah loo cadayn.
  14. http://www.somaliland.org/2012/11/27/ninkii-laga-dheereeyoow-ina-ilaali-oo-xaq-dhawr-codka-dadweynaha/
  15. Guddoomiyaha Guddiga Guurtida Somaliland Saleebaan Gaal oo saxaafada ka hadlay ayaa sheegay in Dowlada Puntland ay nabadgelyola’aan ay ka hurinayso deegaanada Somaliland,isagoo ku baaqay in Puntland ay dhowrto nabadgelyada &deriswanaaga dadka Walaalaha ah. Saleebaan ” Puntland ha illaaliso Wada noolaanshaha & Deris wanaaga” “Haddii Dagaal dhaco labada dhinac waa ay saamaynaysaa , markaa Puntland waxay u malaysaa in dagaal haddii uu bilowdo aysan ka badbaadayn oo saamaynayso labada dhinac” ayuu yiri Saleebaan Gaal. “Puntland waxay u soo tafaxaydatay inaysan wax doorasho ah dhicin ” ayuu yiri mar kale Saleebaan Gaal. Hadalka Saleebaan Gaal ayaa u muuqda mid ay maamulka Somaliland ay ku hungoobeen inay Sanaadiiqdooda dhigaan deegaano ka tirsan Puntland oo Maamulka Puntland uu soo dhoobay Cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ay kala hogaaminayeen W/kuxigeenka Amniga Puntland C/jamaal Cusmaan iyo Saraakiil kale oo ay ka mid yihiin Taliye Sare Gorayo Cowl & Col. Cashuur, kuwaas oo Aagag badan dhigay Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland , si ay uga hortagaan Sanaaqda doorashada Somaliland ay ku doonayso inay dhigto deegaanada Sanaag Bari /Hayland. Maalinkii shalay ayey Puntland Warsaxaafadeed kusoo saartay in Maamulka Somaliland ay deegaanada Puntland ka hurinayaan Colaad , iyadoo doonaya in khal-khal ka sameeyaan deegaano ka tirsan Puntland oo Nabdoon, waxayna Puntland ku janjabtay in Talaabo ka qaadayso haddii Somaliland ay isku daydo in ay Sanaadiiq Doorasho ay keenaan deegaanada Sanaag ee ay maamusho Puntland.
  16. http://www.spr.fm/index.php?option=com_k2&view=item&id=4161:waraysi-spr-maamulka-gobolka-sanaag-oo-been-abuur-ku-tilmaamay-ciidamo-somali-land-ah-oo-soo-gaaray-laasqoray&Itemid=139
  17. WARAYSI SPR : Maamulka Gobolka Sanaag oo been abuur ku tilmaamay Ciidamo Somali land ah oo soo gaaray Laasqoray. Written by Admin WARAYSI SPR : Maamulka Gobolka Sanaag oo been abuur ku tilmaamay Ciidamo Somali land ah oo soo gaaray Laasqoray. Xingalool ( SPR ) : Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon ayaa ka hadlay warar ay qaar kamid ah Warbaahintu ay sheegeen,gaar ahaana tilmaamaya in Ciidamo Somali land ah ay gaareen Degmada Laas qoray. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon ayaa isaga oo ku sugan Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag waxaa Waraysi uu siiyay Idaacada SPR uu ku beeniyay Warar sheegaya Imaanshaha Somali land ee Laasqoray,kuna tilmaamay warar fadhi ku dirar ah.
  18. XX you are clueless, the Puntland army led by A/Jamaal are on their way to meet the challenge. It seems that the locals have spoken with their feet and arms.
  19. Wasiirka ku xugeenka Amniga Puntland Cabdi Jamaal, oo galbeedka gobolka Sanaag u ruqaansaday Dhahar (SPR): Waxaa maanta galabnimadii magaalada Dhahar galbeedkeeda u ruqaansadey, gadiid dagaal lagu qiyaasay tiradoodu inay dhan tahay 17 gawaadhida gaashaaman ee loo yaqaan tiknikada iyo kolonyo ciidamo ah oo ka amar qaata wasiir-kuxigeenka amniga Puntland, mudane C/Jamaal Maxamed Cismaan. Kulan maanta kadhacay xarunta madaxtooyada gobolka Haylaan, oo ay soo abaabuleen odayaasha dhaqanka gobolka Haylaan, ayaa lugu go’aamiyey, islamarkaana la’isku afgartay in ciidamada intooda badan ay ka baxaan magaalada Dhahar. Kulankaasi ka gadaal ayaa waxaa si wadajir ah ula hadlay goob fagaara ah oo ku taal xaafada Qunyar-Dega, wasiir-kuxigeenga amniga Puntland, iyo qaar katirsan nabadoonada gobolka Haylaan. Mudane C/Jamaal Maxamed Cismaan, oo la hadlay boqolaal shacabka xaafada Qunyar-Dega ayaa ugu baaqay shacabka inay samraan, islamarkaana faah faahiyey sababta ay uga hortagayaan maamulka Somaliland. Mudane C/Jamaal ayaa hadaladiisi waxaa kamid ahaa, “taako Ceerigaabo bariga uga baxsan yeeli mayno, degaankeegina yeeli maayo in nin reer Burco ah oo igula gorgortamo.” Cabdi Jamaal ayaa dadka u sheegey in labadii bilood ee ugu dambeysay uu ka shaqeynayay amniga gobolada Sanaag iyo Haylaan isagoo bishii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalooyinka Badhan iyo Laasqoray dhidibadana usoo aasay ciidamada deegaanadaasi. Kaalinta odayaasha Reer Haylaan: Nabadoon Warsame Aadan Geesood, oo kamid ah nabadoonada ugu tunka iyo miisaanka weyn gobolka Haylaan, oo isla goobtaasi fagaaraha ka hadlay ayaa sheegay in bixitaanka qaybo kamid ah ciidamada Puntland ay ku timid codsi ay ka odayaal ahaan ka dalbadeen. Odayaasha ayaa iska dhex doortay gudi amni, islamarkaana saldhigii horay ee booliska magaalada geeyey tiro ciidamo beeleed oo isku dhaaf ah kana wada kooban beelaha gobolka Haylaan. Ciidama beeleedkaan ayaa loo igmaday inay gaaf wareegaan duuleedka magaalada, ayna ka hortagaan wixii amniga khal-khal gelin kara. Ciidankaan ayaa sidoo kale loo igmaday inay taaba galiyaan go’aanka odayaasha. Ciidamada Puntland Xagey u Boqooleen? Inkastoo intii badnayd ciidamada Puntland ay ka baxeen magaalada, waxaase wali ku haray magaalada ciidan tiradoodu dhantahay 150 nin oo ka amar qaata gudoomiyaha gobolka (Jeentaro) oo haatan kusugan xarunta madaxtooyada gobolka Haylaan. Qayb ciidamada Puntland uu la socdo abaanduulaha ciidamada Puntland Goraya Cowl ayaa la sheegay in ay ay gaareen tuulada Balibusle oo 100 killometer waqooyi galbeed ka xigta magaalada Dhahar. Qaybta labaad ciidamada ayaa la sheegay in uu la socdo Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland Cumar Cabdiraxmaan Faroole iyo wasiir kuxigeenka amniga C/Jamaal in ay dageen meel u dhaxayso degmada Baraagaha Qol iyo Dhahar, islamarkaana ay usii socdaan dhanka galbeedka gobolka. Isu Dheela Tirnaanta Somaliland iyo Puntland ee Sanaag iyo Haylaan: Tan iyo magacaabista wasiir-kuxigeenka amniga Puntland, miisaanka saamaynta labada maamul gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa isbedel aad u baaxad weyn ku yimid. C/jamaal Maxamed Cismaan ayaa kasoo jeeda galbeedka gobolka Bari, haybna la wadaaga shacabka Sanaag iyo Haylaan. Mas'uulka ayaa ku caan baxay, islamarkaana lugu xusuustaa aas'aasida ciidamada dhuxul joojinta degaanka Haylaan iyo Galbeedka Gobolka Bari. Horaantii 2010, ayaa wada hadalo dhexmeray isaga iyo madaxweyne Faroole. Wadahadalaadaasi ka gadaal, saamiga ciidamada gobalada Sanaag iyo Haylaan ee Puntland ayaa aad loo kordhiyey. Ilo wareedyo ka ag dhow mas'uulka in 200 oo nin horay uga tirsanaa ciidamada dhuxul joojinta la qareemeeyey. Mudane Cabdi Jamaal ayaa gabi ahaanba wuxuu badalay saameyn ku yeelashada Puntland ee gobolada Sanaag iyo Haylaan isagoo dhanka amniga Puntlandna wax badan ka badalay gaar ahaan magaalada Boosaaso oo ahayd meel ay dilal badan si joogta ah uga dhacaan ayaa waxay dadka siyaasada la socda deegaanada Puntland in uu gabi ahaanba arintaasi wax ka badalay. Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay kusuganyihiin degaanka Jingada ee u dhaxayso degmooyinka Xingalool iyo Booda Cad. Waxaa la saadaalinaayaa in ay iska horimaadaan labada ciidaan degaanka Booda-Cad, iyadoo dadka degaankaasi ay walac badan ka muujiyeen.
  20. Abwaan;892618 wrote: Shalay iyo maanta....shib...shib...shib....sheekaan haayaa....shib shib shib....meelaan ku sheegaan raba! By all means do tell..
  21. -^^^ the debate was quite interesting though. Very informative..
  22. Interesting debate. Supporters of Setting up the admin, and those who believ that it's only the Federal government's responsibility to sett up the admin, together in one setting. Jubaland debate held in Juba Cafe.. Fadhikudirir debate, Mooge should love it..