General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Mudug library Resource Center ayaa lagu daah furi doonaa Maktabada qorshaheeda la soo ban dhigay halkan ka dhagayso Frank oo Warsame soo dhaweynaya Halkan ka dhagayso Sidoo kale halkan ka dhagayso Warsame oo Sharaxaya Baahida loo qabo Maktabadaan. Sidoo kale waxaa ka hadlay Dr Frank Schwiegert oo ah Macalin Dhiga Dugsiyada sare ama College Professor Mudane Frank waxuu sheegay in uu taageerayo qorshahan ugubkaa ee cusub.
  2. Magaalada Galkacyo oo Dhowaan loo furayo Maktabad, Xurunta Aqoonta & Adeega Bulshada iyo Reer Minnesota oo Taageeray Sawirada oo badan halkan ka eeg Madaxa Ururka Cusub ee Horn of Africa Community Development Mudane Warsame M. Hassan oo loo yaqaano Warsame Dheere ahna Aqoon yahay Somaliyeed ayaa soo bandhigay qorsho cusub oo lagu dhisayo Maktabad Cilmiga Maadigaa iyo diiniga lagu kaydiyo iyo waliba Cilmiga Computerka iyo Internet ka iyo goob Shirarka lagu qabto. Maktabadda Ururkaan Horn Of Africa soo bandhigay ayaa waxaa nasiib u Yeeshay Magaala madaxda Gobalka Mudug ee Galkacyo oo Somalia kaga taalada meesha Dad ka ay Xuduntu kaga taala ama ku taala bartamaha Somaliya, Sidaas waxaa yiri Warsame, waxuuna soo bandhigay Sawiro muujinaya Baahida loo qabo Maktabadan. Magalaada Galkacyo ayaa waxaa Ku nool sida uu uu sheegay qiyaas ahaan dad gaaraya 300,000 oo qof, 2/3 laba meelood boqolkiiba ama Saddex meeloodna waa dhalinyaro ama dad wax barta oo aan haysan meel ay wax ku akhristaan .
  3. RR: The agreement will facilitate the presentation of Kenya's submissions to the UN Commission on the Limits of the Continental Shelf by May as required under the United Nations Convention on the Law of the Sea (UNCLOS). The Somali prime minister said the agreement was necessary for the preparation of Somalia's claim for the extension of Somalia continental shelf as the cooperation between neighbors is a pre- requite for the submission of the war-torn country's claim." (CRIEnglish.com 8. April 2009." Adeer as an expert can you explain to us all what the claim pertains to , also why did we sign an agreement with Kenya? Why not just forward our info and "claim" to the UN. Also when did nations renew their sea territory? Also can you touch on the involvement of the nation of Norway, oil and gas and other issues? Thanks
  4. ^^^lool. Everyone is wrong and you are correct. Please this deal united various opposing groups in a campaign to stop it. Somalia has no dispute with Kenya other than NFD. Anyhow if the Parliment opposes this they will have the respect of the masses.
  5. ^^^Extreme ********* I tell ya. These guys are actors.
  6. The whole "Somaliland recognition" issue is in vain. Wonderful land the NW of Somalia is, the question is why is Gheele so bad to them ?
  7. ^^^Yeah, not to mention the hit and run tactics that’s causing mayhem within the Al Shabaab ranks, in villages outside of Jowhar, not close to Mahaday in between Cadale and no way near Balcad, where the combined might of the Mogadishu society is stalking Xasan Turki and Fuad Shabgoole’s shadows. That’s brilliant.
  8. Yet another attempt at rewarding bad behaviour.
  9. Muqdisho:Hogaamiyaha mucaaradka Xasan Dahir oo casuumad ka helay dawlada Talyaaniga si loola hadashiiyo dawlada Soomaliya 28. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Ilo wareedyo muhiim ah oo ay shabakada wararka AllPuntland "APL" heshay ayaa ku waramaya in hogaamiyaha mucaaradka Xasan Dahir uu ku fool leeyahay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga . Socdaalka Xasan Dahir ee Talyaaniga ayaa ka dambeeyay markii ay waraaqad casuumad ah so gaarsiiyey safiirka Talyaaniga u jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya si loola hadashiiyo dawlada Soomaliya. Safarka Xasan Dahir uu ku tagi doono magaalada Roma ayaa ah mid ay ka soo shaqysay dawlada Talyaaniga oo dhawaan sheegtay in ay wadahadal u fureyso dawlada Soomaliya iyo mucaaradkeed. Xasan Dahir oo maalma ka hor xilka hogaaminta Xisbul islaam kala wareegay Dr:Cumar Iimaan ayaa tagi doono Roma bisha so socota 15-keeda sida ku qoran warqada casuumada ah ee la soo gaarsiiyey. Dhinaca kale dawlada Talyaaniga ayaa warqado casuumad ah soo gaarsiiyey xubno dawlada Soomaliya ka tirsan gaar ahaan wasiirada iskaashiga caalamiga C/raxmaan C/Shakuur iyo wasiirka arimaha dibada Max'ed C/laahi Oomaar si ay dawlada Soomaliya ugu matalaan wada hadalka lala galayo mucaaradka uu hogaamin doono Xasan Dahir. Sarkaal safaarada talyaaniga Nairobi ka tirsan oo aan warkan ka helnay aya sheegay in Xasan Dahir uu ku soo horumari doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ay labada wafdi kawada bixi doonaan. Dawlada Talyaaniga oo isticmaarsatay gobolada koonfureed ee Soomaliya ayaa u muuqata in ay soo celineyso saameynti ay ku lahayd dalka Soomaliya oo xurnimo ka qaatay 1960- hadana ku jira xaalada cakiran oo siyaasadeed. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
  10. ^^^Yeah the 10 days are up and Xasan Dahir is grwoing in power.
  11. ^^^What does one expect from an apologist for Aydeed, the original mastermind of death, destruction and displacement and there were never any demo's for those actions or anyothers. Its hypocracy, but we will give Mr ABWAN to answer the question if he can.
  12. ^^^He cant answer that question old boy. since January 2009. How many have died, how many have been displaced in Mogadishu, Guriceel, Dhusamareb, district of Ceelbuur ? Notice ABWAN always attacks Puntland and its people. Yet always defends the actions of killers like Aydeed, Xasan Dahir & now Sharif Ahmed.
  13. ^^^I know you are having a difficult period in SOL my dear lad. Especially since the “Mogadishu society” argument has become bankrupt. However let me highlight to you as a fellow SOL Nomad & a Somali brother, that there are no Islands to speak of located in the North East or Puntland state, that IskuShuban is in the middle of Bari and Xafuun is located on the Indian Ocean and is part of the land mass. Sorry Socetra was never part of Puntland. Pardon again.
  14. Wasiir Dowlaha Madaxtooyada iyo dimuqraadiyada ee Puntland aya shir jara,id Oo laga hadalyey arimaha dastuurka ku Qabtay Garoowe.>>>> Ama ka dhageyso hoos...... Garoowe-(Allidamaale )Maanta aya Magalada Garoowe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland waxaa shir ja,id ku qabtay Wasiir dowlaha Madaxtooyada iyo dimuqraadiyada arimaha federralka Puntland Dr:Cabdi hasan jimcaale. Shirkaan ja,id Oo laga hadlayey arimaha Tastuurka cusub ee Puntland Tastuurkaan ayaa in muddo waxaa lagu guda jiray qaabkii loo Dhamaystiri laha Hase hatee Dastuurkaan ayaa waxaa la doonayaa in la horgeeyo Barlamaanka Puntland Sidii ay u ansixin layeen ama ay u diidi lahaayeen Dastuurkan cusub ee ladoonayo in ay ku Dhaqmaam Dadka reer Puntland Wasiir dowlaha ayaa sheegay in Dastuurkaan uu yahay Dastuur ay xukuumada Puntland ku meel marisay Ogolaanshihiisa Cod Midaysan (unanimous) Taariikhdu Markay ahayd 24kii March 2009 ayaa ah Nuqulka kama danbaysta ah ee la horgeyanayo Golaha Wakiilada Si ay iyaguana ugu baraandegaan una ansixiyaan Dabadeedna loo qaado afti Dadweyne, Hadab shirkaan ja,id ayaa lagu sheegay in uu ka kooban yahay 141 qodob iyo Hal lifaaq Oo loogu Magac daray Marxalada kala guurka loolana jeedo is bedelka Labada Guddi ee doorashooyinka Puntland Dastuurkaan oo qodobadiisu isugu xiran yihiin Mowduuc Mowduuc ayaa waxaa saldhiga u ah arrimaha Soo Socda. 1:Shareecadda Islaamka 2:Baahinta xukunka 3:Maamul wanaaga 4:habka wada Tashiga 5:isu dheeli Tirnaanta awoodaha Dowlada Sida B:Golaha xeer-Dejinta (Barlaamka) T:Golaha Fulinta (xukuumada) J:Golaha Garsoorka 6:Habka xisbiyada Badan 7:Lahaanshaha Gaar ahaaneed iyo Suuqa xorta ah 8:Xuquuqda Asaasiga ee Muwadinka Dastuurka aya saan u Qoran ISku soo wada duub Tastuurakan aya sidi uu u hir geli lahaa Itii la waday waxaa uu soo maray Marxalada kala duwan hase ahatee Haatan aya waxa lafilayaa in uu hir galo lana hor geeyo Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboledka Puntland.
  15. ABWAN & MMA the two arch fake nationalists in SOL, one till this day supports Gen Aydeed’s genocidal policies and clan induced madness that has killed or maimed millions of Somali’s. The other is in deep love with the illiterate Sharif Xasan who orchestrated the selling of the sea to Kenya. Now are we to take lessons in patriotisam from such individuals? Also Yusuf has retired, the problem for ABWAN & MMA is not an individual but a whole population and regions, Puntland is 1/3 of Somalia, prosperous and thriving and before Yusuf there were Kings and Kingmakers and after Yusuf there is the state of Puntland, its leaders and its central role in the progress of the Somali race. Now Faroole is here and compare him to Shiekh Hotel, Sharif Xarif Sakin?
  16. Muqdisho: Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dagaal diyaar utahay. 28. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )- Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ka taliso meel cayiman oo kuyaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay dagaal diyaar utahay, sida uu xaqiijiyey Afhayeen uhadlay ciidamada Milateriga ee dowladda Faderaalka ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ugu hanjabayso dhinacyada ka soo horjeeda in ay ka soo baxaan gudaha magaalada oo is keenaan banaanada aysan joogin dadka Shacabka ee ku nool magaalada Muqdisho, waxaana hadalkan ka sheegay Saxaafada Soomaaliya nin sheegtay in uu yahay afhayeenka ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed. Afhayeenkan ayaa sheegay in ay dowladdu diyaarisay qorshayaal ay kula dagaalamayso Islaamiyiinta ka soo horjeeda oo awood buuxda ku leh guud ahaan gobalada Koonfureed ee Soomaaliya, kana taliyo meel aan ka fogeyn Guriga amaankiisa aadka loo adkeeyo ee uu degan yahay madaxweynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Dagaalyahanada ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay u arkayaan hadaladaasi in ay yihiin kuwa lugu doonayo in ay dowladda Soomaaliya ku baneysato dhiiga Umada Soomaaliyeed, ayna dooneyso in ay garaacdo Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah meel uuyaalo dhaqaale ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed. Horay dowladda ayaa usheegtay in ay nabad diyaar utahay, isla markaasna aysan dagaal marnaba rabin, balse hadalka soo baxay ayaa ku soo beegmaya xili uu Madaxweynaha dowladdaasi helay taageerooyin dhanka beeshiisa uga timid oo ah ciidan, taasoo keentay in uu ciidamo geeyo degmooyin aan dagaal ka jirin oo ay hada ka muuqdaan dhiilo colaadeed. Hanjabaadaha iyo Saxan-saxada Colaadeed ee ka taagan Muqdisho-Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili ay dad badan oo ku dhaqan Muqdisho lana socda Isbalada Siyaasadu ay sheegayaan in ay lama huraan tahay dagaalo ka dhaca magaalada Muqdisho, ayagoo sabab uga dhigaya dhinacyada isbiday awoodaha ee ku loolamaya magaalada Muqdisho. Dagaalo ka dhaca waqtigan Muqdisho waxa ay noqon karaan kuwa aan sahal- ku damin, maadaama ay dhinacyadu heystaan ciidamo iyo kharash ku filan, sida ay xaqiijinayaan Ilaha ku dhow dhow dhinacyada oo dhamaantood ay la xariirtay Shabakada Wararka Soomaaliyeed ee AllPuntland (APL). F. C. Geylan AllPuntland
  17. Xarunta GECPD oo 800 oo arday u soo xirtay tababar xirfadeed iyo mid tacliineed oo muddo u socday. Galkacyo, May 27 | Xaflada ballaaran oo lagu maamuusayey xiritaanka taba-bar soconayey muddo hal sano ah oo wax lagu barayey arday gaaraysa 800 oo arday ayaa galabta lagu qabtay xarunta waxbarashada, nabadda, iyo hormarinta Galkacyo ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno GECPD. Ardayda tababarku u soo xirmay oo dhammaantood ahaa gabdho ayaa laga soo kala aruuriyey in ka badan 10 kaam qaxooti oo ku taalla gudaha magaalada Galkacyo iyo deegaannada ku xeeran, oo ay ku nool-yihiin dad tabaalaysan oo ka soo barakacay gobollada dalka ee ay deganaansho la’aantu ka jirto.. Gabdhahaan ayaa muddadii halka sano ahayd ee ay taba-barka ku jireen waxaa ay ku baranayeen xirfado kale duwan oo ay ka mid ahaayeen Cunta karinta, Tolliinka dharka, Akhrinta iyo qorista qoraallada, barashada is dhexgalka bulashada, ka shaqeynta nabadda, ka hortagidda shaqaaqooyinka lidka ku ah haweenka iyo arrimo kale oo la xiriira horumarinta bulashada oo ay ku jirtay dhaqan celin ardada laftigeeda lagu sameeyey maadaama meelo badan laga kala keenay. Xirfadaha iyo tacliinta kale oo la barayey ardadaasi ayaa ahayd mid lacag la’aan ah oo ay bixisay xarunta waxbarashada, nabadda iyo hormarinta Galkacyo ee (GECPD), si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha gabdhaha ka soo jeeda qooysaska taagta daran ee aan awoodda u lahayn in ay lacag wax ku baraan carruurtooda, taasi oo hididiilo badan galisay waalid-diinta gabdhooda loo fidiyey taageerada aqooneed oo horay ula ciir-ciirayey maaraynta noloshooda. Hay'adda cuntada adduunka ee WFP ayaa dhinaca cuntada iyo quudinta ka saacidday ardadaasi, iyadoo bilkasta bixinaysay raashin loo qoondeeyey isla markaana loogu talo galay qoysaska danyarta ah ee ay aradada gabdhaha ahi ka soo jeedaan. Xafladda taba-barkaan lagu soo xirayey oo ka dhacday xarunta waxbarashada, nabadda iyo hormarinta Galkacyo (GECPD), ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin aad u tiro badan oo ka kala socday qeybaha bulashada sida maamulka gobolka, wasaaradaha waxbarashada iyo haweenka, madaxda hay’adaha UNHCR, UNOH, WFP, NRC, guddiyada waalidiinta, iyo horjoogayaasha xeryaha barakacayaasha iyo sidoo kale marti sharaf kale oo aad u tiro badan oo isla xafladdaasi lagu casumay. Dhammaan mas’uuliyiintii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad-celiyey maamulka iyo mas’uuliyiinta xarunta waxbarashada, nabadda iyo hormarinta Galkacyo (GECPD), iyagoo ku tilmaamay in ay qabteen waxqabad la taaban karo oo ay u fuliyeen dadka taagta daran ee ay liidato awooddooda dhaqaale iyo middooda aqooneedba, waxayna xarunta ku dhiirro-galiyeen in aysan ka daalin shaqada ay dadweynaha u hayso waxayna sidoo kale bulashada ka codsadeen in xarunta (GECPD) gacan lagu siiyo adeegga ballaaran ee dadka Soomaaliyeed uga faa’idaynayso. Qaar ka mid ah ardaydii waxbaranaysay muddada ku siman halka sano oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey waxyaabihii ay barteen intii ay dhiganayeen xarunta (GECPD), iyagoo dhanka kalana carabka ku dhufanayey sidii ay ahaayeen ka hor intii aysan waxbarashada galin. Waalidiinta carruurtooda loo soo xiray tababarka xirfadaha gacanta iyo aqoonta kalaba iskugu jiray, oo iyana goobtaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday mahad-celin ay xarunta u soo jeedinayeen iyagoo sheegay gacan fidin ballaaran in ay ka heleen, taasi oo aan marna la illaawi Karin waa sida ay ku cel-celiyeen qaar ka mid ah waalid-diinta oo waliyadooda laga dheehan karay sida ay ugu faraxsan yihiin xarfadaha iyo aqoonta kale ee ay carruurtoodu heleen.. Xarunta GECPD ayaa si gaar ah ugu dhaqdhaqaaqda, isla markaana u taakulaysa dadka taagta daran oo dhaqaalahoodu aadka u hooseeyo, kuwaasi oo ay ugu horreeyaan dadka ku dhaqan Kaamamka qaxootiga ama barakacayaasha, waxaana jira faracyo ama laamo kale oo ay xaruntu ku leedahay meelo ka mid ah gobolka kuwaasi oo dhammaantooda fuliyta adeegyada ku aaddan taakulaynta dadka tabaalaysan. C/fataax Cumar Geeddi Idaacada Daljir.
  18. ^^^Dont sound ****** adeer, Xafuun iyo Iskushuban have an admin led by the people who will never sell it.
  19. UNDP oo Gaadiid ugu Deeqday Booliska Boosaaso Thursday, May 28th, 2009 at 1:24 pm Horseed Media Boosaaso, Hay’ada Horumarinta Qaramada Midoobay UNDP ayaa gudoonsiisay ciidamada booliska Puntland 11 gaari oo ay adeegsan doonaan ciidamada booliska. Munaasabad lagu qabtey gudaha dekeda magaalada Boosaaso ayaa lagu wareejiyey masuuliyiin ka socotey maamulka gawaaridaasi oo isugu jire 10 gaari oo nooca Pick-up ah (ama xaajiyadaha dusha bannaan) iyo hal gaari oo shabaqle ah kaasi oo ah nooca lagu qaado maxaabiista. Wasiirka amniga Puntland Gen C/laahi Siciid Samatar oo ka hadlay munaasabada laguna wareejiyey furayaasha gawaarida ayaa uga mahad celiyey hay’ada UNDP deeqda gawaarida ee la siiyey, waxaana uu wasiirku sheegay in ay aad uga yar yihiin baahida ay qabaan laakiin ay wax badan u tari doonaan booliska. Wasiirka amniga waxa uu sheegay in gawaarida 11 ah ee lagu wareejiyey ay u qeybin doonaan saldhigyada booliska ee magaalada Boosaaso, si ay ugu qabsadaan hawlaha ay ciidamada qabtaan. C/laahi Siciid Samatar, wasiirka amniga Puntland waxa uu sheegay in deeqda noocan oo kale ah ay horumarin karto adeegyada amaan ee ay wadaan booliska. Gudoomiyaha gobolka Bari Xaaji Muuse Geelle Yuusuf oo isaguna goob joog ka ahaa munaasabada gawaarida lagu gudoonsiinayey booliska ayaa kula dardaarmay saraakiisha booliska inay sare u qaadaan hawsha ay dadka u hayaan ee amaanka. Waxaa munaasabada sidoo kale ka qeybgaley taliyaha booliska Puntland, masuuliyiin ka socotey hay’ada UNDP xafiiskeeda Puntland. Waxaa deeqdan ay qeyb ka noqoneysaa deeqo hore oo booliska ay siiyeen hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ku hawlan hawlaha horumarinta. Waxaana deeqda ay ku soo beegmeysaa iyadoo booliska Boosaaso ay waayadan wadeen hawlgallo amaan sugid oo ay ku beegsanayaan kooxaha ku lugta leh falalka amaan darida. Source: HR Media
  20. Somalia: Two-day training seminar opens for Puntland officials 27 May 27, 2009 - 1:48:38 PM GAROWE, Somalia May 27 (Garowe Online) - A two-day training seminar opened Wednesday in the Somali self-governing State of Puntland, Radio Garowe reports. The event was held at the Puntland Ministry of Planning and International Cooperation office in Garowe, the capital of Puntland State. Ms. Seinab Ugas Yasin, the Vice Minister for Planning and International Cooperation, opened the seminar by speaking about the importance of giving proper training to Director-Generals at government ministries to carry out their day-to-day operations. The training program is managed by U.N.D.P. and is supposed to benefit ministry officials from across Puntland's seven regions, officials said. Puntland is located in northeastern Somalia and considers itself a federal state within Somalia. The region has a functioning government and has been relatively stable for years. Source: Garowe Online
  21. ^^^Ok "Mujahid" from the holly city of Sheffield, we heard you loud and clear.
  22. I heard the project has failed, though Sharif Ahmed will forever be remmebered as the man who tried to sell the sea.
  23. ^^Will forward you a copy when I get my hands on it.