General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Pillars of lies keep tumbling down. Now only AMISOM are the true protection and eThiopian tanks are the rescue.
  2. Not a bad poem, but you can do better. It seems you are rushing these. Its not quantity but quality.
  3. ^^^Nairobi has the biggest slumm on earth and the Somali's who were refugees are doing better at business than locals. Also their industries are run by Indians and Europeans. Whats the progress ?
  4. ^^^You dont have to shout out loud adeer. They were the same when Sharif Ahmed declared "Jihad" on them. The irony is that today the only areas the armed gangs can not get to is the areas these African Union troops are residing in including Sharif Ahme's bedroom
  5. Sh.shariif Maxaa lagu tilmaami karaa?>>> Sabti 06 Jun 2009 Maxad wayne Shariif sh.Axmed ayaa dadka bandankiisu is waydiinayaan title-kiisa mamadaxwaynaha dowlada midnimada qaranbaa? Mahogaamiyaha garab kamid ah ururkii midowga maxkamadaha la’oran jiraybaa? Mahogaamiyaha beesha muduloodbaa? Mahogaamiye kooxeed kusoo biiray kuwii hore oo wali raadinaya ciduu hogaaminlahaabaa? Su’aalahaas iyo kuwo kabadanba waxaa iswaydiinaya dadka soomaaliyeed oo kuwareeray magacyada badan oo ay maqlayaan markii laga hadlayo shariif sh.Axmed. Sida aan ayaantaan maqlayno waxaan idaacadaha kadhagaysanaa jaraa’idadana ka akhrinaa ayadoo laleeyahay waxaa fooda isdaray ciidamada maxkamadaha dhinaca sheikh shariif iyo kooxaha kasoo horjeeda!. Ciidamadii hore ee dawladii C/laahi Yussuf na dagaalka kuma jiraan! Hadana waxaan maqalaa ciidamada dawlada iyo kooxaha mucaaradka ah ayaa dagaalaya!. Hadana waxaan maqalaa ciidamada dawlada oo ay hogaaminayaan Salad Cali Jeele iyo Maxamed Dheere iyo kooxaha mucaaradka baa is hirdiyay! halkaasna waxaa kahadlay Salad Cali Jeele!. Hadana waxaan maqalaa beesha mudulood baa waxay isku dhaarsatay inay difaacdo dawlada sh.shariif!. Intaas oo magac haduu madaxwaynahu adeegsado maxaa lagu tilmaami karaa? Waxaa kale oo dadku iswaydiiyaan Aaway dawladii dib u heshiisiintu? Aaway xabashi baan wadanka kasaaraynaa? Waxaa dadka qaarki leeyihiin xabashida wadanka laga saarayey mawaxuu ahaa C/laahi Yussuf Axmed oo ahaan jiray madaxwaynihii hore ee dawlada shariif hogaan keeda sheegto hada, ileen qofka kaliya oo wadanka kabaxay waa asagee!. Waxaan arkaynaa ragii oranjiray Ehtiopa baan wadanka kaxoraynaynaa inay hada ayagoo galbinaya soo galiyeen wadankii sida aan kamaqlayno Baladwayne. Cumar Xaashigii oran jiray bilad geesi baan kuqaatay dagaalkii 77 markii ay Ethiopia iyo Somaalia kudirireen dhulka ay naga haysato ayaan maqlaynaa in xabashi kasoo galbisay Goday ayagoo keenay Baladwayne si uu halkaas hogaamiye kooxeed uga noqdo. Waxaad inbadan arkaysaa ayadoo la’iswaydiinayo soomaalida hogaamiya yaasheedu miyaysan ismaqlin markay hadlayaan!?. Miyayna ogayn in laga qorayo waxay idaacadaha kasheegayaan!?. Dadka masaakiinta ah oo 19 ka sano dagaalka macna darada ah lagu waday miyaysan orankarin enough is enough! Intaas nagu filan hogaamiye kooxeed cusub iyo mid hore oo reform lagu sameeyay midna marabno. Soomali maanta waxay u baahantahay nabad iyo in xabada laga joojiyo uma baahna dad dhiig daadin u hamuun qabo, dadkii waa dhamaadeen waxna wadanka gudihiisay ku dacdaraysan yihiin waxna dibadiisa sidaan kamaqlaynay kuwa ku dacdaraysan liibiya oo guryahii ay kunoo laayeen iyo alaabtoodiiba inta laga qaatay gidaarada hurda! Yay sugayaan dadkaas!?. Waxaan layaabay safiirka dawlada shariif u fadhiya liibiya oo yiri wadan koodii baa lagu celinayaa! Mawaxuu rabaa inuu laayo oo noloshoodaa dhibaysa!. Ugu danbayn maxadax waynaha waxaa laga rabaa inuu meel iskugu bayro oo ama Madaxwayne doorto ama hogaamiye kooxeed. Shacabkana waxaa laga rabaa inay dantooda gartaan.
  6. ^^^Thats not a valid point, Norway can do the job with a Somali state. Kenyan's dont have much better brains than us and their development after 20 years of Somali silly wars is not much. Do as Puntland did and as Somaliland want to exploit th oil for Somali's. Anyhow it wont happen. insha Allah.
  7. The weakest performance I ahve ever seen. They have 4000 AMISOM troop and can not get past Yaqshid. Though we are told its "not important" because they have 14 districts of Mogadishu. They are mistaking 14 blocks for districts.
  8. Yeah but Somali business should be Somali business.
  9. War Deg Deg ah: Xoogaga Mucaaradka oo lawareegay gacan ku haynta degmada Yaaqshiid iyo Ciidanka Dowlada oo dib ugurasho sameeyey. 04 Jun 2009 Posted to the Web 04 Jun 09, 17:47 Waxaa Goordhaw soo gaba gaboobay dagaaladii cuslaa ee mudada 4-ta maalmood ah ka socday xaafado katirsan degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho. War Goordhaw nagasoo gaaray Bariga magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Ciidanka Dowladda Somalia ay baneeyeen dhamaan goobihii ay dagaalada qaraar uga jireen. Goob jooge lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Waasuge oo ku sugan Xaafadda SII SII ayaa Cadaado.com uxaqiijiyay in dagaalku uu qaboobay islamarkaana Rasaas teel teel ah ay ka socoto Sanca ilaa iyo agagaarka Ceelka Cumar Fiyaasko. Wararku waxay intaas ku darayaan in Xoogaga Mucaaradku ay gudaha u galen xaafadda SII SII oo kamid ahayd meelaha ay ku xooganyihiin Ciidanka dowladda. Maalmihii lasoo dhaafay ayay Ciidanka Dwoladda iyo Xoogaga Kasoo hor jeeda ku hardamayeen gacan ku haynta degmada Yaaqshiid oo aan ahayn Istiraatiiji. Ilaa iyo hadda Wax war ah kamasoo bixin dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho. Cadaado.com Isha Wararka Somalida
  10. WHILE MOGADISHU BURNS, U.N. ENVOY IS FRONTING FOR OIL EXPLORATION IN SOMALIA. Where there is NO ACCOUNTABILITY, anything can happen with impunity. It started with Kofi Annan. But during Ban Ki-moon's tenure, Special Envoys have practically taken over the role of the Secretary General, particularly if they feel they have support of one or two big powers. The case of Terje Roed Larsen in the Middle East is commonly known. Now there is a worse case in Somalia which may grow into scandalous proportions. There is no indication that the Secretary General is doing anything about it. "Somalia is a graveyard of bungled foreign interventions," as The Financial Times recently reminded everyone. Hundreds of thousands have been displaced and millions are living subsistence level while Secretary General Ban and his Special Envoy Ould Abdallah were issuing "hot and cold" statements from expressing concern to noting with great satisfaction one event or another. Eventually, their irrelevance -- sad as it is -- was taken for granted. However, now they are going beyond failure to suspicious business ventures. Less than a week after the formation of a new yet contested "Transitional Federal Government of Somalia," Special Representative of the U.N. Secretary General Ahmedou Ould Abdallah was named in a "memorandum of understanding allowing the government of Kenya" -- where Ould Abdallah operates (when he's not fine dining in New York!) -- "and Norway to explore the offshore of Somalia for oil." The memo placed with the U.N. seeks to ensure that no future Somali government would be able to object . According to the document, the U.N. Special Representative had initiated the preparation of preliminary information indicative of the outer limits of the continental shelf of Somalia. It added that the SRSG has accepted an offer of assistance from the government of Norway, pointing out vaguely that the Norwegian Ministry of Foreign Affairs and the Norwegian Petroleum Directorate "have been involved in the preparations." Of course, all expenses related to the preparation of the present submission have been covered by the Government of Norway. What these "expenses" entail were unclear. What is clear is that one Somali government member (who has been living outside his country's capital for years) has placed his signature. Abderrahman Abdishakur, Minister of Planning and International Cooperation in the Transitional, repeat TRANSITIONAL, cabinet, is supposedly binding future Somali governments from revoking his deal. Now, that is just for openers. It is just a signal for inviting politico-financial deals where Ould Abdallah would play a central role. Meanwhile, the basic role of the Secretary General Special Representative remains unattended. Fighting is erupting regularly in Mogadishu, with hundreds killed and thousands fleeing. The return of former Islamic Court's Chief, Sheikh Cherif Ahmed Cherif, after the collapse of the U.N.-sponsored government, did not seem to settle the situation, although secret talks were being held by religious leaders. Former allies are now at each others' throats. The Shabab (meaning youth) brigades overtook suburbs of Mogadishu while Sheik Cherif's supporters hang on to other suburbs -- for now, at least. Meanwhile, World Food Programme indicated that it needs $168 million urgently for this year (2009) alone. Interestingly, a recent report about lack of funds for human assistance in Somalia was mysteriously suppressed. Although reported by U.N. Radio, it was never highlighted nor repeated. As if the situation on Somalia was all fine, as long as the prospects of oil shore drilling are imminent. Incidentally, Ould Abdallah recently called for establishing in Mogadishu a Green Zone similar to that in Baghdad. Obviously, hallucinating in the heat of Nairobi, he would like to have his own palace to run Somalia. He may also invite "Abu Chatterjee" to visit. Which troops would protect him is unclear. He first tried to fight until the last Ethiopian soldier, but failed. U.S. Marines are no longer interested. His co-signatory Abdishakur would rather stay at Djibouti's Kempinski hotel. Kenyans are very hospitable; they would wine and dine him at Carnivore but will not blaze a trail to central Mogadishu. "Preparatory" Norwegian experts won't do. His Mauritanian countrymen had given him up since he turned his back towards Paris then Washington. It may be best for him to have another round at New York's Downtown Cipriani. That would be expensive, but less costly to the U.N. than another "Oil for Food" type scandal
  11. Warar caawa Muqdisho la isla dhexmarayo oo ku aadan dhaawac soo gaaray Indha Cadde. Waxaa caawa magaalada Muqdisho la isla dhexmarayaa warar soo shaac baxay maqribkii oo sheegaya in Yuusuf Max’ed Siyaad Indha Cadde uu ku dhaawacmay dagaallo galabta ka dhacay agagaarka Fagax halkaasi oo inta badan maleeshiyadiisa maalmihi laso dhaafay ay kaga dagaal jirtay. Warkaani oo aad isku soo taraya inkasoo aan xaqiiqdiisa wali aan la isku halleyn Karin ayaa sheegaya in Yuusuf Indha Cadde ay rasaas qeybta hore ee xabadka ka haleeshay isla markaana dhaawiciisa laga qaaday deegaano ku dhaw Hotelka Lafweyn, waxaase ilo wareedyo kale ay soo sheegeen in naaska iyo garabka dhexdiisa ay rasaas ka martay balse dhaawucu uusan aheyn mid daran. Dagaalka Yaaqshid ayaa caawa gaaray isgoyska Sanca taasi oo muujineysa isbadal weyn oo dhanka dagaalka ah, waxana ay dadka qaar sheegayaan in Ciidamadii Indha Cadde ay ka baxeen fariisinkoodi weynaa ee iskuulki Max’ud Axmed Cali. C/laahi Macallin Mukhtar ayaa hore ugu dhaawacmay dagaalka degmada Yaaqshid waxaana uu kamid ahaa saraakiisha hogaamineysay dagaalada Yaaqshid iyadoona la sheegayo in dhaawicisa lagula tacaalayo Cusbitaal khaas ah oo Madaxtooyada ku dhex yaalla. Markacadey.net,Muqdi sho
  12. Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka hadlay dagaladii ugu dambeyay ee Muqdisho iyo qaraxyo ay maanta la eegteen Ciidamada AMISOM. Posted: 6/5/2009 10:34:00 PM Shabelle: MUQDISHO Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa galabta ka hadlay dagaaladii ugu dambeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo qaraxyo ay maanta la eegteen Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya. Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay Afhayeenka Cusub ee Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’uud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa waxaa uu kaga hadlay dhowr qodob oo ka hadlaya marxaladaha ugu dambeeyay ee ka jira Magalada Muqdisho iyo gobolada dalka. Sheekh ayaa waxaa uu ugu horeyn ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud kaasoo uu sheegay in Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ay la galeen kooxo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa u adeegaya Ethiopia islamarkaana hugsan Magac ka mid ah magacyada Islaamka sida uu sheegay. Waxaa uu tilmaamay in ciidamadaasi ay horay ugu soo duuleen magaalooyinka Guriceel.Dhuusa Mareeb iyo Wabxo islamarkaana ay ka barakacyeen sida uu sheegay dadkii halkaasi ku noolaa,waxaana uu tilmaamay in Aroornimadii hore ee saakay Weerar ay ku qaadeen Deegaanka Wabxo Mujaahidiinta iyagoo ka damqanaya sida uu sheegauy dhibka ay ku hayaan dadka Shacabka ah. Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in ay ka Jabiyeen Ciidamadii halkaasi horay u heystay oo ay ka qabsadeen gawaari ay ku jiraan Beebayaal uu sheegay in ay ugu tala galeen in ay ku laayaan dadka Muslimiinta ah sida uu carabka ku dhiftay. Dhanka kale Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin waxaa uu ka hadlay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in ay guulo ka gaareen,waxaana uu tusaale u soo qaatay dagaalkii shalay ka dhacay Agagaarka Fakaaraha Tarabuunka kaasoo uu tilmaamay in ay ku jabiyeen ciidamada dowladda oo markii hore weerarka soo qaaday iyadoo xiligaasi kadin uu sheegay in ciidamada AMISOM ay Bilaabeen Madaafiic ay ku garaacayaan xaafadha dadka shacabka. Sidoo kale waxaa uu shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay Afhayeenku qaraxyo maanta lala eegtay ciidamada AMISOM xili ay maraayeen Wadada isku Xirta Garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska KM-4 iyo Wadad kale ee Makka Almukarama ee Magaalada Muqdisho. Waxaa uu xusay in qaraxii ugu horeeyay oo saakay ciidamada AMISOM lagula eegtay wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo isgoyska Km-4 ee Magalaada Muqdisho ay Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin kaga dileen ciidamadaasi ilaa 3-askari oo ka tirsanaa. Sidoo kale waxaa uu sheegay in qaraxii labaad oo ka dhacay Agagaarka Hoteel Ambassador Wadada makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho ay halkaasi kaga gubeen gaari ay saarnaayeen ciidamada AMISOM. Waxaa uu ku celiyay Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Dheere in uu ugu baaqayo ciidamada AMISOM in ay isaga baxaan dalka Soomaaliya,isagoo sheegay in hadii ay arintaasi ka dhaga adeegaan ay mari doonaan halkii ay mareen ciidamada Ethiopia oo uu xusay in ay isku diin ahaayeen.
  13. Xoogaga Mucaaradka oo kaabiga ku haya Isgoyska Sanca iyo Maleeshiyaadkii Indha Cadde oo dagaalka ka baxay. Xoogaga Mucaaradka Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda Dowladda KMG ayaa waxoogaa horumar ka sameeyay dagaaladii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid, iyagoona lugaha la soo galay goobo cusub oo ka duwan kuwii maalmihii u dambeeyay uu ka jiray is jiid jiidka dagaal. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay baneeyeen fariisimo qaar oo ay iskood isaga baxeen, taasoo keentay in Xoogaga Mucaaradka ku soo fidaan, waxaana ay ka baxeen Xarunta Degmada Yaaqshiid oo ka mid aheyd goobihii lagu loolamayay gacan ku heynteeda. Inkastoo aan caawa wax dagaal ah socon, hadana dagaalo iyo duqeymo galabta dhacay ayaa ahaa kuwo si weyn u saameeyay xaafadaha ka tirsan Degmada Yaaqshiid, waxaana dagaalada oo ahaa kuwo aad u kululaa gelinkii dambe ee maanta. Kooxaha Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah ayaa ku soo dhowaaday Isgoyska Sanca, iyadoona la arkayay Ciidamada Dowladda oo dib uga soo guranaya dagaalka sababo aan ilaa iyo iminka la xaqiijin. Cabsida ugu weyn ayaa ah in berri uu dagaalku sii laba qarxo, kuna baaho xaafado hor leh, waxaana barakac xoogan uu ka jiraa Xaafadaha Degmooyinka Kaaraan, qeybaha ka haray Yaaqshiid iyo Shibis. Warar caawa aanu helnay ayaa sheegaya in dagaalka ay galabta ka baxeen Maleeshiyaad daacad u ahaa Yuusuf Indha Cadde oo dhowaan Dowladda ku biiray, waxaana sababaha ka bixitaankooda lagu sheegay in dagaalka ay uga baxeen Ciidamadii kale ee Dowladda iyo iyagoo heli waayay saanadihii ay u baahnaayeen ee hubka kadib markii ay ka le'atay rasaasta. Sidoo kale Ciidamada qaar ee Dowladda ayaa iyana la arkayay iyagoo dagaalka isaga baxsanaya oo qaarkood iibsanaya rasaasta iyo hubkooda gacanta, waxaana isku dhex yaac ka muuqday Ciidamada Dowladda qeybahooda kala duwan, halka kuwo aan is aqoonin ay iska dhacayeen qoryaha, taasoo dadka ku noqotay fajaciso. Guulaha Mucaaradka oo ah mid wali u soo biidhaameeya ayaa sii dhiira gelineysa kala qo-qobnaanta Ciidamada Dowladda dhexdooda oo wali aan ka muuqan qaab ay u dagaal galaan iyo hogaan mid ah. Aagaga difaaca hore ee ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa taageerayaba ku jiraan ayaa ah dhabarka dambe ee Isgoyska Sanca, halka qeybaha kalena ay ku jiraan dagaan daga SII SII, oo uu dagaalka maanta ku soo biyo shubtay. Xoogaga Mucaaradka ayaa gadaal marsaday Isgoyska Fagax, Hotel Lafweyn oo ay Xildhibaano degenaayeen, saldhiga Yaaqshiid, waxaana Xoogaga ay dul saaran yihiin Sarta Alxarameyn oo marka loo eego ah istiraatiijiyad dagaal. Dagaalka waxaa uu yahay wali fari kama qodna faanoole, waxayna dhinacyadu yihiin kuwo isu caaboon, shacabkiina uu yahay mid wali la daala dhacayay dhibaatooyinka ka soo gaaraya, waxaana dagaalada ah I jiid aan ku jiidee uu yahay mid labada dhinacba ay shacabka dhexdiisa ku dul dagaalamayaan. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  14. Dagaal Maanta Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir Horseed Media Muqdisho Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhimatey ku dhowaad 10 kale waa ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. Dagaalka maanta ayaa bilawdey ka dib salaadii duhur iyadoo ay maanta ahayd maalintii 6aad oo ay dagaalo ku dhexmarayaan ciidamada dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda. Ciidamada dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa todobaadkan ku dagaalamayey degmada Yaaqshiid halkaasi oo ay ku loolamayaan gacanta ku heynta degmada. Dadka ku dhintey iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalka ayaa ah dadka rayidka, waxaana dhinaca kale dagaalku uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa degmooyin badan oo ka tirsan Muqdisho. Barakaca dadka rayidka ayaa weli halkiisii ka socda, iyadoo todobaadyadan ay sii badanayeen qaxa dadka reer Muqdisho dagaaladaa dartood. Ma muuqato ifafaale muujinaya in dagaalkan u dhexeeya dowlada iyo mucaaradka xal loo hayo, iyadoo dhinac walba uu ku doodayo in uu saxan yahay dagaalkana sii wadi doono. Source: HR Media
  15. ^^^Indeed, now its the country me old ma resides in.
  16. Ethiopia admits reconnaisance missions in Somalia 4 Jun 4, 2009 - 5:19:53 PM ADDIS ABABA (AFP) — Ethiopia has undertaken military reconnaisance operations in violence-wracked nearby Somalia, but is not planning to re-deploy, a government spokesman said on Thursday. "We have no plans to go back to Somalia... (but) there are reconnaisance missions," Information Minister Bereket Simon told reporters. Ethiopian troops rolled into Somalia in late 2006 to buttress an embattled transitional government against radical Islamist insurgents. But it has repeatedly rejected accusations from local Somalis that it crossed back into the country last month in the wake of renewed fighting which has killed more than 200 people in one month. "We haven't entered Somalia. But when there is a threat you can send scouts, and reconnaissance missions. That is normal," Bereket said without giving details. This is the first time the authorities in Addis Ababa acknowledge the existence of military activities in Somalia since its troops pulled out at the start of the year. Witnesses have in recent weeks reported seeing Ethiopian troops inside Somalia, mainly around Beledweyne, a regional capital located near the border. "We stood by on our borders following closely the situation," added Bereket. Ethiopia's entry into Somalia in 2006 was backed by an six-country regional bloc under the aegis of the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) and with the backing of the African Union. Source: AFP
  17. Who cares? The UK is no longer important, joke.
  18. Dagaalo goos goos ah oo weli ka soconaya goobihii dagaalada ee Yaaqshiid. Dagaalo goos goos ah ayaa ka soconaya maalintii shanad oo xiriir ah deeganada degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana marar qaar la maqlayaa xooga rasaasta ay adeegsanayaan labada dhinac. Dagaalkan oo soo socday in muddo ah ayaa weli laga gaarin wax natiijo ah iyadoo labada dhinaca waa Dowlada Soomaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda e ay qolo waliba dooneysay inay qolada kale awood ku jiirto. Dagaalkani ayaa geystay qasaare lixaad leh iyadoo ay ku dhinteen dad aad u tirio badan boqolaal ay ku dhaawacmeen iyadoo tiro intaasi ka badan ay guryahooda ka barakaceen. Xaalada deegaanadaasi ayaa ah mid aad u mururgsan xiili laga deyrinayo guud ahaan xaalada Soomaliya oo lagu tilmaamay inay mareyso meeshii ugu xumeyd ay abid gaarto madaama dagaalada ay saameyeen dhaamaan gobolada koonfureed ee soomaliya hlkaasoo ay dagaalo ku wada jiraan kooxaha islaamiyiin iyo kooxo taabacan dowlada Somaaliya. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  19. Qaraxyo is daba joog ah oo ka soo cusboonaaday B/weyn B/weyn (WNT)-Qaraxyo ayaa ka dhacay magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan kuwaasi oo aan weli si rasmi ah loo ogayn cidda ka danbaysa aysan jirin cid si cad u sheegatay. Goor dhoweyd ayaa qarax ka dhacay suuqa xoolaha ee degmada B/weyn kaasi oo inta laga warqabo uu ku geeriyooday hal ruux koox kalena uu dhaawac ka soo gaaray. Weli si rasmi ah looma garan karo sababta dhabta ee qaraxaan keentay mana ahayn mid is miidaamis ah iyo weliba miinada meelaha fog fog laga hago. Dadka qaar ayaa sheegaya in qaraxaani uu dhacay intii uusan gaarin goobtii loogu tala galay,iyadoo uu dilay ruuxii sitay,halka qaar kale ay sheegayaa inuu ahaa bumbo gacmeed la soo tuuray. Xalay ayaa sidaasi oo kale waxaa bumbo gacmeed lagu tuuray ciidamada Maxaakiimta kuwa raacsan dawlada lamana sheegin cid wax ku noqotay. Magaalada B/weyn oo ay ka jirtay deganaan aan tigimo xooggan ku taagnayn ayaa dhowaan waxaa soo gaary wasiirka amniga qaranka Cumar Xaashi iyo malayshiyaad uu kala yimid dalka Ethiopia waxaana tani khal khal sii galisay degamanaata magaaladaasi. Qaraxyadaan ayaa loo malaynayaa in qorshaha ka danbeeyaa uu yahay daan daansi lagu lagu doonayo magaalada B/weyn uu dagaal ka holco si dagaalku uu ugu soo faafo dhanka dhinaca koonfureed ee Soomaaliya waxaase arintaasi hor taagan odayasha iyo wax garadka gobolka Hiiraan. Xaaladu si kastaba ha ahaatee magaalada B/weyn ayaan wax dagaal ahi ka jirin laakiin waxay la xiiraysaa ciidamo iyo weliba hub aan isku fakir ahayn halisna gelin kara dadka shacabka ah ee halaasi ku dhaqan. Xarunta wararka Waayaha.net B/weyn
  20. Ciidamo Itoobiyaan hubeysan oo Soo galay deegaano ka mid ah Gobolka Bakool Wararka ka soo baxaya degeenka Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa waxay ku waramayaan in meel u jirta deegaankaasi 6Km lagu arkay ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u farabadan islamarkaana ku Hubeysan hubka culculus . Sida ay xaqiijiyeen dad ka tirsan Deegaanka oo iyagu soo arkay ciidamadaasi , ayaa waxay gaarayaan islamarkaana ay kor u dhaafayaan boqolaal iyagooku raran gaaduudka dagaalka oo tiradooda lagu qiyaasay 30. Sidookale wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamadaasi Itoobiyaanka ahi ay weheliyaan kuwo Soomaali ah oo ka tirsanaa Maamuladii gobolada Baay iyo Bakool ee dowlada FKMG ah ee Soomaaliya mudo bilo ka horna dagaal looga qabsaday gobolada Baay iyo Bakool. Warar aan ka soo xiganay dadka deegaanka Ceelbarde ayaa sheegay in ay ciidamadaasi soo galeen gudaha degmada Ceelbarde kana adeegteen suuqyada deegaankaasi iyagoo ku xiran dharka lagu yaqaan e tuuraha. Hadalheynta dadka ayaa waxay noqotay maanta arintan iyada ah iyadoo sidookale la hadal hayo in ciidamadan ay kulugleeyihin Masuuliyiinta Maamuladii Gobolada Baay iyo Bakool oo iyagu dhowalahanba ku sugnaa gudaha degmada Ceelbarde. Isku soo wada duub oo Ibaatinka Ciidamadan Itoobiya qeybo ka mid ha Gobolka Bakool ayaa waxay ku soo aadeysaa xili hadalo kulul ay hawada isku marinayeen maamulkii hore ee Gobolada Bay iyo Bakool iyo masuuliyiinta xarakada Alshabaab ee gobolka Baay kusugan. Max’ed Xaaji Xasan Abuukar SBC International Baydhabo
  21. Osman has done a good summary of the post. A top level meeting between the Puntland leadership and Range resources. A little insight into whats going on, the article was not big on detail but its a good indication that things are moving foreword with regards to the oil exploration.
  22. ^^^Adeer you can do what you want, you are an adult but expect to be checked by other adults. Its the way of the world dear lad. Also stop the pretences you exposed yourself.
  23. ^^^Adeer you do protest too much your erratic behavior now makes sense. If you are a Puntlander you need to fix up. .
  24. ^^^Go and be envious somewhere else dear lad. Puntland what ever you think of it will try its best to develop its state and improve the lives of its people. Oil exploration will benefit the Somali race as a whole. Much like it has transformed the lives of the Arabs.