
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Lies: 1. We are fighting for Islam many children met their deaths with this falsehood. 2. The re liberation of Somalia gang in Asmara caused more bloodhsed. 3. Today, Sharif, Illeterate Sakin, Ibbi and others of the liberation are calling for Ethiopian, Kenyan and others. Why did they fight them in 2006 and why did all those Somali's die?.
-
Sharif Amxaar Hotel plea for Ethiopian troops finds support
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. you are indeed clueless. Those people were right, correct and the Sharif Amhaar Hotel was fighting them. Thats the subject of the post dear lad. Catch up son. -
Al Shabaab are not a major issue for me, its the problem of those who created it. Also dont mind these fake religious groups in SOL, most of them think Xasan Turki will liberate Western Somalia or he will become presidnet. They support Al Shabaab the same reason Sharif's group did yesterday, for love of clan.
-
^^^^Adeer Puntland will defend its borders but we will not take part in a war in the south. We have around 1200 men in Mogadishu left and our hope is most of them come back alive. Puntland can only defend its borders, thats the truth right now.
-
^^^Pirate Sheffield is a poor part of the UK, go lecture someone who does not know the economic landscape of Britian. Anyhow go back and fight for Al Shabaab.
-
Sharif Amxaar Hotel plea for Ethiopian troops finds support
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. The clueless secessionist, adeer you dont have a clue. Also your Riiyaale is a man who ran as an MP for the Ethiopian Parliment a real Amxaar. -
^^^Mujahid from Sheffield stop taking the Gaalo dole my friend. All hot air. The Ethiopians & Kenyans are coming go back and defend the land.Or will you be fighting all the way from Sheffield while at the post office getting your ****?
-
^^^Puntland will sit this one out saxib. Al Shabaab were createdm nurtured and supported by the southern clans and their idiotic Diaspora members. If they attack us we will fight them, but we will not defend the "Unity" government of Sharif not defend AL Shabaab when their time comes.
-
Yusuf will never go back to politics, he is in total retirement and I wish him and his family the best.
-
^^^^You talk utter rubish as usual. The Ethiopains were never defeated, they left because the international community wanted to give the Sharif's clan claims a chance. Now none of your hero;s fight anyone, they run to Asmara the bravest is Xasan Turki and he flees to the Jungles once he hears the Ethiopians are close. This time its the end game.
-
Yusuf fought for Somalia and led armies when he was in his thrities. He famously defetaed the Ethiopians in 1964 and was awarded the medal of bravery. He also fought against Siyad Barre regime and went on to defend the interest of his base in Puntland in the civil war years. Yusuf one shortcoming was his bad health that caught up with him, his dignty brilliance in politics can never be doubted. No politician in Modern Somali history has achived as much as Yusuf under such difficult circumstances and Puntland continues to be his greatest achievement. What have Abdiqasin, Sharif Ahmed left and who does Geel-Jire have in comparison? Omar Jess and Xasan Turki, two light weight officers in Somalia's old armies who turned out to be mere warlords who kill Somali's and never build a thing.
-
Sharif Amxaar Hotel plea for Ethiopian troops finds support
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The Ethiopians are coming back, now with Kenya and there will be no room for Xasan Turki and his delusions. All you ever was were pawns in their game. Yusuf used Ethiopia and then left. The rest are shopping in the wrong malls. -
Mogadishu: Heavy fighting + largest exodus of civilians ever
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Barakicii ugu ballaarnaa abid oo maanta ka socda xaafado cusub oo ka tirsan Waqooyiga Muqdisho. Barakicii ugu ballaarnaa abid ayaa maanta ka soconaya xaafado cusub oo ka tirsan Waqooyiga Muqdisho,kadib markii ay dagaalada saameyn ku yeesheen,waxaana dagaaladan ay yihiin kuwa ku soo faafay xaafadaha waqooyi. Kumanaan dad ah ayaa ka cararaya Xaafado ka tirsan Degmooyinka Shibis, C/casiis, Kaaraan ilaa Boondheere,waxaana dadkan oo jahwareersan ay yihiin kuwo la' meel ay afka aadiyaan oo ay naftooda ku bad badsadaan. Barakaca dadkan ayaa ka dambeeyay kadib kolkii labada dhinac ciidamada dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda ay dagaalada ku dhex marayaan gudaha xaafadaha rayidka,taasoo keentay inay isaga baxsadaan. Labada dhinac oo wali ay ka go'an tahay inay shacabka dhexdooda ku dul dagaalamaan ayaa iska dhaga tiraya baaqyo loo jeedinayo,waxaana kooxaha mucaaradka u cad inay la wareegaan magaalada inteeda kale oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda. Kumanaanka dad ee isaga cararaya degmooyinkaas ayaa u qaxaya Deegaanada lagu barakacay ee duleedka Muqdisho, sida ceelsha biyaha iyo degmooyinka ka xasiloon dagaalada, taasoo suura gal tahay in dagaalada ku fidaan. -
Mogadishu: Heavy fighting + largest exodus of civilians ever
General Duke posted a topic in Politics
Dagaalkii ka socday isgoyska sanca oo sii xoogeysatay iyo hub culus oo lagu isku adeegsanayo [/ Dagaalkii maanta sida gaas gooska ah uga socday isgoyska Sanca ee waqooyiga muqdishoee u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo kooxaha mucaaradaka ee isbiirsaday Al shabaab iyo xisbul Islam ayaa haatan sii xoogeystay iyadoo la isku adeegsanayo hubka kiisa ugu culus. dagaalka xoogiisa oo haatan bilowday ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya madaafiic maqalkooda uu shacabka muqdisho ku cusub yahay waxaana qoryaha la isku adeegsanayo laga maqlaayaa qeybo badan oo ka tirsan magaalada muqdisho. Dagaalka oo galay maalintiisii seddexaad ayaa weli wax natiijo ah aysan ka soo bixin iyadoo dagaal kalena uu ka socda degmada kaaraan halkaasoo ay isku faro saarayaan ciidamada dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda. Qasaaraha dagaaladan muddo seddex maalmood ee xiririka galay ayaa la sheegayaa inay tahay mid sii kor dheysa iadaoo cusbitalada Magaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen dad dhaawac ah oo intooda badan helin karin gar gaar caafimaad madaama dhaqaatiirta iyo dawadu ay yar yihiin marka loo eego tirada dhaawaca ee cusbitlada yaala. Waxaana sidoo kale deeganada dagaalada ay ka socdeen ka barakacay kumaanan ruux oo naftooda u la cararay meel ay ku nabad geleyso kuwasoo aysan jirin meel ay ciirsadaan waxaana intooda badan ay u barakacayaan duleedka Muqdisho iyo dadka qaar oo qaxaya dhinaca xeryaha qaxootiga dalka Kenya. Dagaalada Muqdisho ka socada ayaa u eg kuwa rajo beel ah oo aan aysan jirin cid isku howl gelineysa inay xabad joojin kala dhex dhigto labada dhinaca, waxaana dowlada iyo mucaaradkuba ay haatan u heelan yihiin dagaalo ka sii socda Magaalada muqdisho. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com -
Sharif Amxaar Hotel plea for Ethiopian troops finds support
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ethiopia oo ka jawaabtay dalabkii ciidan ee Somalia 21 Jun 21, 2009 - 7:53:18 AM Dowlada Ethiopia ayaa si dhaqso badan uga jawaabtay dalabkii ciidan ee DF, kaasoo ahaa in 24-saac ciidamo lagu geeyo Somalia si loo jabiyo awooda mucaaradka dagaalka kula jira, waxayna Ethiopia muujisay inay diyaar u tahay faragelin ay ku sameyso Somalia. Wasiirka Warfaafinta xukuumada Addis Ababa ahna afhayeena dowlada Bereket Simon ayaa saxaafada u sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu farageliyo Somalia, haddii ay gacan ka helaan dalalka Caalamka. "Ethiopia waxay diyaar u tahay inay faragelin kale ku sameyso Somalia, balse waa in marka hore la helo go'aan cad oo ay beesha calaamku isku raacsan tahay, kaasoo ah in la taageero dowlada Sh. Shariif" ayuu yiri Simon. Bereket wuxuu sheegay in dalabka dowlada Somalia uu yahay kii ugu haboonaan si looga difaaco kooxaha dagaalka kula jira, tanina waxay keenaysaa buu yiri in la jabiyo kooxaha dagaalka ku haya. Isagoo ka jawaabayay digniin ay bixisay kooxda Al-shabaab oo ah in ciidamo walba oo la geeyo Somalia ay la dagaalamayso, ayaa sheegay in Al-shabaab ay Somalia geysay ajnabi dayro ah, kuwaasoo ay ku doonayso inay ku afgambiso dowlada sharciga ah. "Ethiopia waxay rumeysan tahay in la taageero dowlada Somalia, waxaana doonaynaa in talaabo walba oo aan qaadnayno uu caalamku ka warhayo, balse inaga kaligeen ma qaadanayno talaabo gaar ah" ayuu yiri Simon. Afhayeenka Ethiopia, wuxuu sheegay in dalkiisa uusan go'aan cad ku gaarin inuu xiligan ciidamo u diro Somalia, balse ay raacayso go'aanada calaamka, ayna kuwasoo sugayso oo isla markaana fulin doonto. "Baaqan waa mid ku wajahan caalamka, inaguna horay ayaan kaalin muhiim ah uga qaadanay taageerada Somalida, faragelinteenii hore waxaan ka gaarnay ujeedadii aan ka lahayn" ayuu yiri Simon. Hadalka afhayeenka dowlada Ethiopia ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamadoodu ay soo buuxiyeen deegaanada ku yaala xadka Somalia iyo Ethiopia, kuwaasoo qaarkood u soo gudbay Hiiraan iyo Galguduud. Ethiopia ayaa noqonaysa dowladii ugu horeysay oo ka jawaabta codsiga xukuumada Somalia oo qarka u saaran in talada laga tuuro, maadaama ay kooxaha ka horjeeda xoojiyeen dagaalada ay kula jiraan. GAROWE ONLINE -
Siyaasadii Cabdullaahi Yusuf ee Shalay, Tan Shariif ka ee Maanta iyo Doorka Puntland Sunday, June 21st, 2009 at 2:21 pm Cumar Siciid Horseed Media Editorial Giraanta ama cajilku waa mid iska soo daba noqonaya, shalay waxa ay ku xasuusinaysaa maanta waxa taagan, caruurta iyo dadka aan meel dheer wax ka arag, waxay aragtidooda ku soo koobaan shalay ninkii saan ahaa sow maaha, Shalay ninkii sidaas yiri sow maaha, anagu bogsanoo baareey ayaan tumanaynaa ee boowe Shariif iska barooro, arintuse sidaas ka mugweyn. Cabdullaahi Yusuf Axmed wax badan ayuu kaga duwan yahay Madaxweynaha hadda ee Shariif Axmed, Korneyl Cabdullaahi Yusuf ma ahayn nin is bed bedel lagu yiqiin siyaasada Soomaaliya ee bur bursan 19 sano hal waddo ayuu lahaa, weligiisna runta kama leexan sida uu rabona nin ku adag ayuu ahaa, markii ay isku xumaadeen Saaxiibadiisi Itoobiya isaga oo aan afkiisa wax cabasho ah laga maqal ayuu dantiisa raacdey, markii uu dhashay madaxweynaha hadda talada haya, 1964-tii Cabdullaahi Yusuf waxa uu ku jirey dagaalkii waqtigaa dhexmaray Itoobiya iyo Somaliya isaga oo bilad geesi ku qaatey dagaalkaas, Cabdullaahi Yusuf waxa uu ahaa nin si qoto dheer u fahansanaa xaaladda Soomaaliya wax badana u soo taagnaa. Cabdullaahi Yusuf waxaa muddo dheer u muuqatey khatarta ka imaan karta, Kooxaha mayalka adag ee Siyaasadda Soomaaliya damacu ka galay, marna kama leexan mawqfikiisa, in uu xilka iska casilo ama beesha caalamku cadaadis ku saaraan in uu ka dego xilka laba arimood ayaa lagu macneyn karaa: Dawladda maraykanka oo 15-kii sano ee u danbeeyay dagaal kula jirtey kooxaha mayalka adag ee Islaamiyiinta ah ayaa waxaa u muuqdey fursad ay wax kaga badali karto jawiga siyaasadeed, maadaama koonfurta Soomaaliya ay ku xoogbadan yihiin Kooxaha Islaamiyiinta ah isla markaasna ay yihiin kuwo kala afkaar duwan una qaybsan Salafi, Takfiir, Aala-Shiikh, Suufi, iyo Islaax in ay mid kamid ah loo bixiyo qunyar socod, la soo dhaweeyo, la buun buuniyo isla markaasna xukunka loo dhiibo lana taageero, si ay dhexdooda u dagaalamaan isla markaasna aysan u xeerin xeer islaam mid sokeeye iyo mid dhaqan, dagaalkaas waxaa ka dhalan kara: - In midba midka kale diinta ka saaro - In dhiigoodu isu xalaaloobo - In Shacabkii laga shaki geliyo diintooda kadib sida ay culimadu yeelayso - In Sharaf dhac uu ku yimaado magaca wadaadada, halkasna ay ku bur burto dacwadii ay wadeen maadaama waxkasta oo ay xaaraamayn jireen ay xalaashadeen - Shacabka oo kala kulma dagaaladaas Barakac aan horey loo arag, dhimasho joogta, kadibna ay ku xanbaarto nacayba ay u qabaan wadaadada. Arinta kale oo lagu macneyn karo waa in beesha caalamku dhibsatey qadiyada Soomaalida ee 19 sano taagan isla markaasna ay u muuqatey in Cabdullaahi Yusuf aanu waxba ka bedeli karin xaajada taagan ee loo baahan yahay nin ka soo jeeda Beelaha Koonfur in loo dhiibo xilka Gobolada dalka intooda kale sida Puntland iyo Somaliland waa meelo degan oo si sahal ah ay u midoobi karaan koonfurta iyaga oo qolo walba maamulkooda u madaxbanaan yihiin. Labada arimood midkey doonto ha noqotee qadiyada kowaad waxa ay u leedahay Dawladda Maraykanka faa’iidooyin aan la soo koobi karin, waxaana meeshaan ka soo baxaya taladii dalwadda Ingiriiska ee ahayd in aan toos loola dagaalamin ee la yareeyo waxa keeni Asalraacnimada. Sidey doontaba ha noqotee Cabdullaahi Yusuf Axmed xilkii waa baneeyay sida beesha caalamku ka codsatey, waxaa Madaxweyne loo doortey Hogaamiyihii hore ee Mucaaradka Shiikh Shariif Axmed. Shariif Shiikh Axmed waaa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soomara Soomaaliya, uguna khibrada yaraa, maanta waxa uu ku jiraa xaladii uu ku jirey Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yusuf Axmed markii uu Baydhabo joogey Nofeembar – Diseembar 2006, markaas oo kooxaha Islaamiyiinta iyo waxa ay cagaha ku qaataan ee beelaha Koonfurta ay dhanwalba ka soo galeen xaruntii Dawladda iyaga oo ku dhawaaqaya ( Maanta cid ina ka adkaankartaa ma jirto), kadib dagaalo kharaar oo si xoogleh loogu hoobtey waxay noqotey in madaxdii islaamiyiintu ay waddanka isaga baxaan dibad wareegna noqdaan intii ka soo harteyna Jubada Hoose isku urursadeen. Nin Carab ahaa oo dhashey dalka Kuweyt isla markaasna ahaa Mufakir Islaami ah ayaa hadda kahor waxa uu igu yiri, Dawladda Maraykanku haddii meel dhib ka taagan tahay waxa ay isku daydaa dhibta halkaas ka taagan hogaan ayey leedahay in ay hogaankaas hesho markii ay hesho hogaanka, haddii aysan dooneyn in ay wax ka qabato waxa ay ka dhigtaa sida filmaanta musalsalka la yiraahdo, hadaba tii ayey noqotey oo Islaamiyiintii dib ayey hub iyo saanad u heleen una soo laba kacleeyeen. Shariif Axmed iyo xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay, oo inta badan xukuumadaasi ay yihiin Mucaaradkii dawladdii hore waxa ay qarka u saran yihiin Seefta Al-shabaab iyo Xassan Dahir Aways, waxa ay dirsadeen qaylodhaan in wadamada derisku ka soo gaaraan, 4 wadan ayey u qaylo dhaansadeen Jabuuti, Kenya, Yaman iyo Itoobiya, sadexda kale waa iska adagtahay in ay ka jawaabaan qaylo dhaantaas ee waxa loo goleeyahay waa nimanka isu yaqaan Libaaxyadii Afrika. Hadaba Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu soo maray mucaaradnimo runtii aanu fileyn sida wax u dhacayaan in ay u dhacayaan taas oo waxba aanu la harin waxabadana waa duuban yihiin mase aha wax lagula yaabayo qofku haddii uu mucaarad yahay waa mucaarad waxkasta iyo jinikasta oo aad la timaado waa mucaaradayaa, haddii qofku khibrad ku filan leeyahay mucaaradnimadiisa waa xikmadayn karaa, laakiin wixii uu ahaa anigu kula yaabi maayo oo waa debciga mucaaradnimo. Dalabka uu dalbaday ciidan shisheeye waxaa durba soo dhaweeyay Soomaali aad u faro badan waxaa soo dhaweeyay kuwii shalay xabbadda ku ridaayey Itoobiya, midkasta waxa uu ku leeyahay sababta Al-shabaab ayaa iska leh iyo Aways, sababtu maxay tahay? maxaa Itoobiya shalay Maraykanku ulahaa haka baxeen Soomaaliya oo maanta dib loogu soo celinayaa?. Shalay markii uu madaxweynaha ahaa Cabdullaahi Yusuf dad badan waxaa lagu dagaal geliyey Aargoosi ayuu wadaa, caadifad iyo ciilqab hore ayaa lagu awrkiciyey in badan oo ka mid ah shacabka Muqdisho, waxa ay biyaha la daba jogeen wiilasha Al-shabaab, waxa ay ku tilmaameen Muqaawamo, waxa ay ku qariyeen guryahooda, dibad iyo gudo waxaa la iska aruuriyey dhaqaale madaxa ayaa Al-shabaab la saarsadey iyo Aways kooxdiisa, hadaba waddamada daneeya Siyaasadda Soomaaliya waxa ay ******** inaadan weli bisleyn diyaarna u ahayn in wadamo shisheeye soo faro geliyaan Soomaaliya ama xal ha u wadeen ama haku xalaalaysteen. Waxaa reer Muqdisho loo geeyay mid ay haybta guud wadaagaan, dhanka diintana ku wanaagsan, si madax adaygu kaaga baxo waxaa la isu soofeystey mindiyihii waxaa qaxay dad aan weligood barakicin, waxay gaartey heer mu’adinka lagu gawraco isaga oo qubiga saaran, qarax lagu baabi’iyo beel dhan waxgaradkeed magac jihaad, ragii shalay halka saf ahaa dagaalkoodu uu noqday kii ugu xumaa ee ka dhaca Muqdisho, Alshabaab waxa ay si cad ugu sheegeen reer Muqidsho in aysan garanayn wax ****** la yiraahdo ee Hubka ay iska tiriyaan, Ciidamo xoogan oo ka yimid ilaa Raaskaanbooni oo Muqdisho gaafwareegaya, saraakiil Ajaanib ah oo kor u dhaafaya boqolaal tan ayaa maanta ku xanbaartey in loo yeerto waxkasta oo Al-shaabaab umadda ka qaban kara, isla markaasna reer Muqdisho aysan dib ugu laaban wixii ay sameyn jireen. Xassan Daahir oo qayb weyn ka ah dagaalada ka holcaya Soomaaliya, waa nin damac kursi hayo muddo dheer ku soo taamaayey, maalinba maalinta ka danbeysa waxa uu la soo baxayaa weji cusub, sida laga war qabo Shiikh Aways, waa nin xifdisan Qur’aanka waxa uu bartey Qaybaha kala duwan ee qiraa’aatka quraanka Kariimka ah, ma ahan nin faqiih ah ama samayn kara ijtihaad, waxaa soo saarey oo magciisa kor u soo qaadey Ururkii Itaxaad Al-Islaami, maantey hal nin oo ka mid ah culimadii Itaxaadka ma wada socdaan waxaa la socda caruur yar yar oo diinta looga bilaabo Jihaad ayaa jira, iyo Gumeysi ayaan ku jirnaa, wuxuu doonaba ha ahaadee maanta waxaa wax walba ugala weyn sidii uu mar ku gaari lahaa Kursiga Soomaaliya, haddii malaayiin qof u dhimanaysona makala jecla. Asbuucii la soo dhaafey Shiikh Aways waxa uu marti u ahaa Warbaahinta Horn Afrik dadku waxa ay soo weydiinayeen su’aalo mid kamid ah Al-shabaab ayaa su’aal weydiiyey ahayd, waxaad leedahay hadalo is iska soo horjeeda , sow uma muuqato in Anaga (Al-shabaab) iyo adiga aan kama danbeysta isku arkeyno!! Xassan oo ka jawaabaya su’aashaas waxa uu yiri waa la yiraahdaa sidaas waana dhici kartaa, Waana midda keenta in aysan lahayn hal magac iyo hal maamul ee ay ku hawlagaal oo keliya aan afganbino Shariifka Marka hore. Haddii shacabka Soomaaliyeed ay nasiib lee yihiin waxay ka bad baadayaan in ay isu soo haraan Shiikh Xassan Daahir iyo Al-shabaab, waxaana muhim ah in loo wada guntado sidii aysan meesha uga saari lahayn Dawladda hadda jirta.
-
Hadaba Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu soo maray mucaaradnimo runtii aanu fileyn sida wax u dhacayaan in ay u dhacayaan taas oo waxba aanu la harin waxabadana waa duuban yihiin mase aha wax lagula yaabayo qofku haddii uu mucaarad yahay waa mucaarad waxkasta iyo jinikasta oo aad la timaado waa mucaaradayaa, haddii qofku khibrad ku filan leeyahay mucaaradnimadiisa waa xikmadayn karaa, laakiin wixii uu ahaa anigu kula yaabi maayo oo waa debciga mucaaradnimo. Dalabka uu dalbaday ciidan shisheeye waxaa durba soo dhaweeyay Soomaali aad u faro badan waxaa soo dhaweeyay kuwii shalay xabbadda ku ridaayey Itoobiya, midkasta waxa uu ku leeyahay sababta Al-shabaab ayaa iska leh iyo Aways, sababtu maxay tahay? maxaa Itoobiya shalay Maraykanku ulahaa haka baxeen Soomaaliya oo maanta dib loogu soo celinayaa?. Shalay markii uu madaxweynaha ahaa Cabdullaahi Yusuf dad badan waxaa lagu dagaal geliyey Aargoosi ayuu wadaa, caadifad iyo ciilqab hore ayaa lagu awrkiciyey in badan oo ka mid ah shacabka Muqdisho, waxa ay biyaha la daba jogeen wiilasha Al-shabaab, waxa ay ku tilmaameen Muqaawamo, waxa ay ku qariyeen guryahooda, dibad iyo gudo waxaa la iska aruuriyey dhaqaale madaxa ayaa Al-shabaab la saarsadey iyo Aways kooxdiisa, hadaba waddamada daneeya Siyaasadda Soomaaliya waxa ay ******** inaadan weli bisleyn diyaarna u ahayn in wadamo shisheeye soo faro geliyaan Soomaaliya ama xal ha u wadeen ama haku xalaalaysteen. Waxaa reer Muqdisho loo geeyay mid ay haybta guud wadaagaan, dhanka diintana ku wanaagsan, si madax adaygu kaaga baxo waxaa la isu soofeystey mindiyihii waxaa qaxay dad aan weligood barakicin, waxay gaartey heer mu’adinka lagu gawraco isaga oo qubiga saaran, qarax lagu baabi’iyo beel dhan waxgaradkeed magac jihaad, ragii shalay halka saf ahaa dagaalkoodu uu noqday kii ugu xumaa ee ka dhaca Muqdisho, Alshabaab waxa ay si cad ugu sheegeen reer Muqidsho in aysan garanayn wax ****** la yiraahdo ee Hubka ay iska tiriyaan, Ciidamo xoogan oo ka yimid ilaa Raaskaanbooni oo Muqdisho gaafwareegaya, saraakiil Ajaanib ah oo kor u dhaafaya boqolaal tan ayaa maanta ku xanbaartey in loo yeerto waxkasta oo Al-shaabaab umadda ka qaban kara, isla markaasna reer Muqdisho aysan dib ugu laaban wixii ay sameyn jireen.
-
Shariif Shiikh Axmed waaa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soomara Soomaaliya, uguna khibrada yaraa, maanta waxa uu ku jiraa xaladii uu ku jirey Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yusuf Axmed markii uu Baydhabo joogey Nofeembar – Diseembar 2006, markaas oo kooxaha Islaamiyiinta iyo waxa ay cagaha ku qaataan ee beelaha Koonfurta ay dhanwalba ka soo galeen xaruntii Dawladda iyaga oo ku dhawaaqaya ( Maanta cid ina ka adkaankartaa ma jirto), kadib dagaalo kharaar oo si xoogleh loogu hoobtey waxay noqotey in madaxdii islaamiyiintu ay waddanka isaga baxaan dibad wareegna noqdaan intii ka soo harteyna Jubada Hoose isku urursadeen. Nin Carab ahaa oo dhashey dalka Kuweyt isla markaasna ahaa Mufakir Islaami ah ayaa hadda kahor waxa uu igu yiri, Dawladda Maraykanku haddii meel dhib ka taagan tahay waxa ay isku daydaa dhibta halkaas ka taagan hogaan ayey leedahay in ay hogaankaas hesho markii ay hesho hogaanka, haddii aysan dooneyn in ay wax ka qabato waxa ay ka dhigtaa sida filmaanta musalsalka la yiraahdo, hadaba tii ayey noqotey oo Islaamiyiintii dib ayey hub iyo saanad u heleen una soo laba kacleeyeen. Shariif Axmed iyo xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay, oo inta badan xukuumadaasi ay yihiin Mucaaradkii dawladdii hore waxa ay qarka u saran yihiin Seefta Al-shabaab iyo Xassan Dahir Aways, waxa ay dirsadeen qaylodhaan in wadamada derisku ka soo gaaraan, 4 wadan ayey u qaylo dhaansadeen Jabuuti, Kenya, Yaman iyo Itoobiya, sadexda kale waa iska adagtahay in ay ka jawaabaan qaylo dhaantaas ee waxa loo goleeyahay waa nimanka isu yaqaan Libaaxyadii Afrika.
-
Cabdullaahi Yusuf Axmed wax badan ayuu kaga duwan yahay Madaxweynaha hadda ee Shariif Axmed, Korneyl Cabdullaahi Yusuf ma ahayn nin is bed bedel lagu yiqiin siyaasada Soomaaliya ee bur bursan 19 sano hal waddo ayuu lahaa, weligiisna runta kama leexan sida uu rabona nin ku adag ayuu ahaa, markii ay isku xumaadeen Saaxiibadiisi Itoobiya isaga oo aan afkiisa wax cabasho ah laga maqal ayuu dantiisa raacdey, markii uu dhashay madaxweynaha hadda talada haya, 1964-tii Cabdullaahi Yusuf waxa uu ku jirey dagaalkii waqtigaa dhexmaray Itoobiya iyo Somaliya isaga oo bilad geesi ku qaatey dagaalkaas, Cabdullaahi Yusuf waxa uu ahaa nin si qoto dheer u fahansanaa xaaladda Soomaaliya wax badana u soo taagnaa. Cabdullaahi Yusuf waxaa muddo dheer u muuqatey khatarta ka imaan karta, Kooxaha mayalka adag ee Siyaasadda Soomaaliya damacu ka galay, marna kama leexan mawqfikiisa, in uu xilka iska casilo ama beesha caalamku cadaadis ku saaraan in uu ka dego xilka laba arimood ayaa lagu macneyn karaa:
-
Giraanta ama cajilku waa mid iska soo daba noqonaya, shalay waxa ay ku xasuusinaysaa maanta waxa taagan, caruurta iyo dadka aan meel dheer wax ka arag, waxay aragtidooda ku soo koobaan shalay ninkii saan ahaa sow maaha, Shalay ninkii sidaas yiri sow maaha, anagu bogsanoo baareey ayaan tumanaynaa ee boowe Shariif iska barooro, arintuse sidaas ka mugweyn. Cabdullaahi Yusuf Axmed wax badan ayuu kaga duwan yahay Madaxweynaha hadda ee Shariif Axmed, Korneyl Cabdullaahi Yusuf ma ahayn nin is bed bedel lagu yiqiin siyaasada Soomaaliya ee bur bursan 19 sano hal waddo ayuu lahaa, weligiisna runta kama leexan sida uu rabona nin ku adag ayuu ahaa, markii ay isku xumaadeen Saaxiibadiisi Itoobiya isaga oo aan afkiisa wax cabasho ah laga maqal ayuu dantiisa raacdey, markii uu dhashay madaxweynaha hadda talada haya, 1964-tii Cabdullaahi Yusuf waxa uu ku jirey dagaalkii waqtigaa dhexmaray Itoobiya iyo Somaliya isaga oo bilad geesi ku qaatey dagaalkaas, Cabdullaahi Yusuf waxa uu ahaa nin si qoto dheer u fahansanaa xaaladda Soomaaliya wax badana u soo taagnaa. Cabdullaahi Yusuf waxaa muddo dheer u muuqatey khatarta ka imaan karta, Kooxaha mayalka adag ee Siyaasadda Soomaaliya damacu ka galay, marna kama leexan mawqfikiisa, in uu xilka iska casilo ama beesha caalamku cadaadis ku saaraan in uu ka dego xilka laba arimood ayaa lagu macneyn karaa: Dawladda maraykanka oo 15-kii sano ee u danbeeyay dagaal kula jirtey kooxaha mayalka adag ee Islaamiyiinta ah ayaa waxaa u muuqdey fursad ay wax kaga badali karto jawiga siyaasadeed, maadaama koonfurta Soomaaliya ay ku xoogbadan yihiin Kooxaha Islaamiyiinta ah isla markaasna ay yihiin kuwo kala afkaar duwan una qaybsan Salafi, Takfiir, Aala-Shiikh, Suufi, iyo Islaax in ay mid kamid ah loo bixiyo qunyar socod, la soo dhaweeyo, la buun buuniyo isla markaasna xukunka loo dhiibo lana taageero, si ay dhexdooda u dagaalamaan isla markaasna aysan u xeerin xeer islaam mid sokeeye iyo mid dhaqan, dagaalkaas waxaa ka dhalan kara: - In midba midka kale diinta ka saaro - In dhiigoodu isu xalaaloobo - In Shacabkii laga shaki geliyo diintooda kadib sida ay culimadu yeelayso - In Sharaf dhac uu ku yimaado magaca wadaadada, halkasna ay ku bur burto dacwadii ay wadeen maadaama waxkasta oo ay xaaraamayn jireen ay xalaashadeen - Shacabka oo kala kulma dagaaladaas Barakac aan horey loo arag, dhimasho joogta, kadibna ay ku xanbaarto nacayba ay u qabaan wadaadada.
-
Golaha Gurbajoogta Puntland, cutubka Minnesota (Puntland Diaspora Forum, MN Chapter) oo soo bandhigay himilada iyo yoolka guud ee golaha. Minneapolis, June 20 | Waxaa maanta lagu qabtay mid ka mid ah hoolalka shirka ee Jaamacada Minnesota (UoM) shir aad u balaaran oo uu soo qabanqaabiyey Golaha Qurbajoogta Puntland, cutubka Minnesota oo ay ka soo qayb galeen in badan oo ka mid ah Qurbajoogta Puntland ee DG Minnesota. Ujeedada shirka ayaa ahayd in bulshada Puntland ee Minnesota loo soo bandhigo himilada guud iyo yoolka dheer ee Golaha. Shirka ayaa waxaa bilawgii ka hadlay M/weynihii hore ee Puntland Md. Maxamed Cabdi Xaashi oo milicsi iyo tixraac taariikheed ee Puntland sameeyey, kuna booriyey dadka reer Puntland midninmo, wadatashi iyo iskaashi dhex mara. M/weyne Xaashi oo ka hadlay midnimada shacabka Puntland ayaa sheegay in ay jiraan dad had iyo jeer xagal-daaciya danaha ummadda, oo aalaaba hoodaado iyo dibindaabyo ku qaybsan; waxaa uu ka digay in dadkaas la iska ilaaliyo, laguna dadaalo iskaashi dhex mara bulshada. M/weyne Xaashi waxaa uu xusay in marka dadka Puntland ay muqaafaqo iyo iskaashi yeeshaan ay horumar ku talaabsan karaan, Somalida kalena ay wax tari karaa. Waxaa isna ka hadlay M/weynaha Golaha Qurbajoogta Puntland (Puntland Diaspora Forum) Ambassador C/qaadir A. Xaashi oo isna tafaasiil ka bixiyey taariikhda golaha oo sida uu sheegay la aasaasay 17-kii Agosto, 2008, laguna aasaasay magaalada Garowe ee caasimada DG Puntland. Ambassador Xaashi waxaa xusay ujeedooyika bud-dhiga u ah aasaaska golaha oo ka xusay in la mideeyo maskaxda iyo cududa shacabka Puntland ee qurbaha ku nool, taageerida maamulka, iyo iskaashi dhexmara daljoogta iyo qurbajoogta reer Puntland. M/weyne ku xigeenka Puntland Diaspora Forum Eng. Maxamuud Jaamac Xaamud ayaa ka hadlay dadaalada uu goluhu ugu jira dhisma cutubyada ee dalalka kale ee caalamka, iyo amhiyadda ay taasi u leedahay golaha, bulshada, iyo Puntland. Waxaa uu xusay in dhismaha golayaashu ay fursad iyo carqalad labada yihiin, dhismahoodana laga kulmi doono lur iyo dheef labadaba. Waxaa uu ugu baaqay shacabka Puntland ee Minnesota in ay kaalinta kaga aadan ka qaataan dhismaha iyo hawlaha cutubta Minnesota, ayna tan bulshada ka horumariyaan tan gaar ah. Md. Xaamud oo ka hadlay qaab dhismeedka cutubka Minnesota ayaa sheegay in uu ka kooban yahay 3 Gole: i) Gole Dhaqan, ii) Gole Go'aan, iyo iii) Gole Fulin. Waxaa uu intaas ku daray in dhismaha cutubku uu weli socda, ayna bulshada oo dhan u furan tahay in ay kaalinta kaga aadan ka qaataan. Wasiirada arrimaha gudaha Gen. C/llahi Axmed Jaamac 'Ilkajiir', iyo wasiirka qorshaynta Faarax A. Dhalac oo ka mid ahaa waftiga Puntland ee uu hogaaminayo M/weynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ee hadda ku sugan Washington D.C. ayaa iyana si kooban uga xog waramay safarka ay ku yimaadeen Maraykanka, mudada ay joogayaan, iyo ujeedada guud ee waftiga. Wasiirada ayaa uga mahadceliyey qubrajoogta Puntland dadaalka iyo isku-duubnida, iyaga oo sheegay in ay ku soo beegan yihiin Minnesota 28-ka bishan, ayna joogi doonaan illaa 3-da July. Siciid A. Gaashaan oo xubin ka ah cutubka Minnesota oo isna ka hadlay shirka ayaa sheegay in si ay bulsho horumar ku gaarto ay tahay in ay caynaanka u qabtaan dad karti leh, aqoon leh iyo daacadna ah, haddii taa la waayana diihaal iyo jab ay ummaddaasi dhaxli doonto. Waxaa uu xusay in bulshada oo daacadnimo loogu shaqeeyaa ay ka mudan tahay tan shakhsiga ah, shacabkuna aanu geyin in lagu lugooyo tan gaarka ah. Waxaa uu sheegay in ay lama huraan tahay in bulshada inteeda kartida iyo aqoonta lehi ay hagaan, bulshaduna ay u qaybsanaato in hagta, in la talisa, iyo in taageerta. Haashim Maxamed oo xubin ka ah cutubka Minnesota ayaa soo bandhigay qorshe hawleedka cutubku ay tahay in uu ku talaabsado, iyo hawlaha cutubka laga sugayo in uu wax ka qabto. Ardayda oo gacan laga siiyo duruusta, lagu dhiirigaliyo tacliinta, loona helo lagu-hirtayaal ku haga tubta saxda ah si ay iyana tooda u kaafiyaan, daryeelka bulshadana kaalintooda ay uga qaataan, ayaa uu sheegay Md. Haashim in ay ka mid yihiin hawlaha cutubka Minnesota horyaal. Wacyigelinta bulshada ee ka hortaga xaalufinta khayraadka badda iyo beriga, ayaa sidoo kale uu xusay in ay ka mid yihiin waxyaabaha goluhu uu bulshada la kaashan doono. La shaqaynta iyo talo siinta ururada iyo hay'adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliya ayaa ka mid ah hawlaha goluhu uu doorka ka qaadan doono. Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay inta badan odayaasha dhaqanka ee Puntland ee Minnesota oo laga magacaabi karo Caabi Faarax, Axmed C. Khayre, Maxamed Xasan ******ow, Maxamed C. Qaac, Sh. Qardhaawi, iyo xubno kale oo ka tirsan hay'adaha adeegyada bulshada oo laga xusi karo Confederation of Somali Community. Hodan Caruus oo ah madaxa Puntland Women's Association oo iyana ka hadashay shirka ayaa sheegtay in ay taageersan tahay dadaalada golaha Puntland Diaspora Forum, ayna soo dhawaynayaan iskaashiga iyo horumarinta bulshada Puntland ee Minnesota. Ka soo qaybgalayaasha shirka ayaa laga xusi karaa gabdhaha Puntland oo kaalin mudan ka qaatay dhismaha cutubka Minnesota, door mudanna ku leh martigelinta waftiga Puntland ee uu hogaaminayo M/weyne C/raxmaan M. Faroole. Gabagabadii shirka ayaa la iclaamiyay in waftiga Puntland ay 28-ka bisha June booqasho ku iman doonaan Minnesota, ayna kulamo la qaadan doonaan qurbajoogta Puntland. 29-ka bishan ayaa casho sharaf loo samayn doonaa waftiga, halka 30-ka bishana shir weyne lagu qaban doono Convention Center-ka Minneapolis (Xuquuqda sawirada - C/weli Dalboon). [Halkan ka daawo sawirada ---] Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
-
Warar hoose oo aanu ka helnay illo ku dhow dhow xubnaha ururka Xisbul Islaam ayaa sheegaya inuu jiro qorshe hoose oo ay isugu diyaarinayaan qaar ka mid ah madaxda xisbigaasi sidii ay ugu duuli lahaayeen magaalada Asmara ee xarunta dalkaasi Ereteriya. Safarkan ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyay qorshe ku aadan inuu jiro xiriir dhex maray madaxweynaha dalkaasi Ereteriya iyo xubnahan oo uu casuumaad u fidiyay, inkastoo aan la ogeyn waxyaalah ay ka wada hadlayaan mas’uuliyiintan. Sidoo kale, warar kale ayaa tibaaxaya in safarkani aanu aheyn mid deg deg ah balse ay jirto xiisado ka dhashay ciidamadan Itoobiyaanka ah ee laga yaabo inay dalka dib ugu soo laabtaan, taasoo ay madaxdani doonayaan inay mar kale xarun KMG ah ka dhigtaan magaaladaasi Asmara halkaasna ay ka hagaan xoogagooda dagaalada kala horjeeda dowladda KMG Soomaaliya. Sidoo kale, wararkan ayaa tibaaxaya inay ka dhursugayan madaxda Xisbiga tan iyo inta ay si buuxda u soo gelayaan gudaha dalka Soomaaliya ciidamada Itoobiyaanka ah iyo kuwa kale ee Deriska, markaasoo safarkoodu soo deg degi doono, sida qorshuhu yahay. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah guddoomiyaha Xisbigan ayaa la tilmaamay inuu hor kici doono wefdigan u ambobixi doona magaalada Asmara, iyadoo sidoo kalena la filayo inuu ku wehlin doono guddoomiyihii hore ee ururkaasi Dr. Cumar Iimaam Abubakar, halka warar kalenaa ay tilmaamayaan inuu ku jiro Sheekh Xasan Mahdi oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Xisbiga. Lama garan karo ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa safarkan la qorsheynayo inay ku aadaan Asmara xubnahan mucaaridka ah, balse waxay wararku tibaaxayaan inay jiraan baqdin laga qabo inay gacanta u galaan ciidamadaasi caddowga ah oo iyagu si weyn u baadi goobaya mas’uuliyiinta Al shabaab iyo weliba Xisbigaasi, taasoo kol horeba dhacday markii ay soo galeen Itoobiyaanku dalka Soomaaliya inay isaga huleeleen Somalia dhamaamba madaxdii Maxaakiimta Islaamiga, marka laga reebo Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo haatan ah wasiirka arrimaha gudaha ee dowladd KMG. Xuseen Xasan Ugaas
-
Dowladda Itoobiya oo ka jawaabtay codsigii Dowladda Soomaaliya, sheegtayna in go'aan caalami ah ku soo galeyso Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in go'aan caalami ah ay ku soo galeyso Soomaaliya, xilli ay soo baxayaan in Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ka soo gudbeen xuduudahooda. Afhayeenka Dowladda Itoobiya Bereket Simon ayaa warbaahinta u sheegay in hadii xaalad Qatar ah ay arkaan inay diyaar u yihiin inay difaacaan Dowladda sharciga ah ee Soomaaliya,laakiin waxaa uu ku mar marsiyooday in aanay soomaaliya tagi karin ilaa Caalamka go'aan ka soo saarin. "Waan eegeynaa xaalada, Qatar walbana waxaa diyaar u nahay inaan ka hortagno"ayuu yiri Bereket Simon oo intaa ku daray in hadii dalab uga yimaado beesha caalamka ay gudaha u galayaan dalka. Shalay ayay aheyd markii Dowladda KMG u dirsaday Beesha Caalamka baaq caalami ah,kaas oo ah in gurmad deg deg ah lala soo gaaro,iyadoo dalbadatay ciidamo shisheeye oo dowladaha deriska ah. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
-
Al Shabaab are holding those areas, nothing new from any of the major news sites to contradict that claim.