General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Saado Ali featuring, Chorus by Abdiqasin, Adan Madobe, Nur Cade, Sharif Hotel, Abu Mansur & Xasan Dahir [what a voice].
  2. This song is composed stright out of the SOL politics sections. Somalia aan wada tashano, aan isku tashano source
  3. ^^^Oodweyne adeer calm down and count to 10. You seem very upset. The Somali region of the NW need to come back to reality and quit sulking. Now Oodweyne whats the plan?
  4. ^^^lool. It will take time more than 1/2 is already stable the rest will come in due time insha Allah. Better days are here for Somalia.
  5. The major point the Predient made which seems to have gained the support of the members of congress was that he wanted to build 8 coastal Naval outposts to hunt pirates and protect the fishiries. Las-Qoray, Caluula, Bender-Bayla, Bargaal, Hafuun, Eyl & Garaad. This is the main plan of the President a navy starting with 2600 men well trained and equiped and those stations- Ports will help the state. If you lesson Congresswoman Jackson-Lee even repeated his wish list. Thats the important part.
  6. ^^^NATO led by the US have recognised the importance of Puntland in this and will start sharing information and coordinate the Pirate effort. Its a good start.
  7. ^^^Again you are not making sense, I agree with Meji the 7 has to b restored and developed. All Somali's should have a say and live, reside in the 7. Nationalisam and love of country should be about the love of the people and not just land. The people come first.
  8. NASSIR: Brother this was a watershed moment. The worlds only superpower which has ignored Somalia for so long is now engaged. The secessionists made a big mistake in ignoring, refusing to attend this meeting. Zack: This news and the chairman statement is a shock to the system for our secessionists brothers its a new day and a new dawn and I am feeling good.
  9. inay xukuumad ahaan sharaf dhac ku tahay Somaliland, kuna nidhaahno arrintaas annagu kuma jirno mar haddii aanay sidii aannu ugu talogalnay ahayn, codsigayaguna wuxuu ahaa annagu waxaannu jecelnahay in Guddi-hoosaadku Somaliland si gaar ah u arkaan, waayo waxaanu nahay dal xor ah oo hawshiisi dhameystay oo dastuur leh oo dimuqraadi ah, wixii dan ah ee xidhiidhka Maraykanka diyaar ayaanu u nahay, laakiin ha nala arko annaga, qolada kale ee isku Federalka ah [soomaaliya iyo Puntland] waxay doonaanba ha kala sheegtaane iyagana gaar waxooga ha u arkaan, hase ahaatee waxa arrintiiba isku soo xooriyey ta ah wada hadal ayaa meeshi imanaya.” Wasiir Ducaale waxa uu sheegay in is-beddelka soo galay sidii loogu sheegay ujeedadii shirka uu u malaynayo in aanay ahayn mid ka timi Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Congress-ka Maraykanka u qaabilsan Afrika oo uu ku tilmaamay in Somaliland saaxiib la ah. Waxase uu Wasiirku sheegay in uu safar ku tagayo dalka Maraykanka kaas oo uu kula kulmi doono hay’adaha kala duwan dalkaasi. “Ma hubo inay ka socoto dhinaca Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Congress-ka ee kolayba in meel dhexe wax ka yimaadeen ayaanu filayaa, laakiin waxaanu gudbinay annaga oo aad uga mahadnaqayna casuumaadaas Guddoomiyaha iyo guddigiisaba annagoo qoraal ugu celinay aannu leenahay arrintaasi wakhtigan noogama suuragasho, diyaarse waxaanu u nahay oo aanu idinka codsanaynaa inaad si gaar ah noo aragtaan. Shirkuna maanta oo ay bishu tahay 25/6/2009 ayuu ka furmayey, anigana tikidhku wuu ii go’naa oo wax walibana diyaar ayey ahaayeen, laakiin waxa yimi wax aan la liqi-karayn, naanaystaana waanu iska diidnay. Markaa si gaara ayuu Mareykanka u tagaynaa Somaliland ahaan qeybaha Dawlada Mareykankana waanu arki karnaa ilaa heerka ugu sarreeya ee aannu arki karno ee markaa jooga ee balanta nalooga qabto, hay’ado badan oo kale-na inaanu aragno ayaanu doonaynaa,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadu.
  10. " we will again express our dismay at the refusal of Somaliland to .....if they want to be isolated, they can be assured that I will do all I can to isolate them... and evidently that they dont need or want the support of US... and will support Somalia and Puntland". Chairman Pyne!
  11. Guddida Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Ka Cadhooday Jawaabtii Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland hadhwanaag 2009-06-27 (Hadhwanaagnews) London (Hadhwanaagnews.com) -- Guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda ee golaha congresska marayanka Donald Payne ayaa canbaareeyey isla markaana ku tilmaamay waxaan la aqbali karin qoraal jawaab ah oo kaga yimid wasiirka arrimaha dibadda Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale oo uu kaga cudur daartay inuu ka soo qayb gallo shir maalintii shallay ka dhacay xarunta golaha congresska maraykanka oo lagu lafa guraayey xaaladda wadanka Soomaaliya. Fadhiga dhegaysiga ah oo ay soo qaban qaabisay guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee golaha congresska dalka maraykanka shallay khamiistii oo ku beegnayd 25 june 2009-ka ayaa waxaa ka soo qayb gallay Wasiirka gaashandhiga Yuganda Crispus Kiyonga, safiir ku xigeenka dawladda Shariifka u fadhiya Washington iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole. Guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda ee golaha congresska maraykanka Donald Payne ayaa ugu horayn warbixin dheer oo uu ka akhriyey kulankaasi dhegaysiga ahaa wuxuu ka waramay xaaladda guud ee waddanka Soomaaliya isagoo tusaale usoo qaatay wuxuu ku soo arkay mar uu booqasho ku tegay Soomaaliya horaantii sannadkani, wuxuu sheegay in aan xaalada Soomaaliya sidaasi lagu daawan doonin isla markaana dawladda maraykanku ay gacan ka gaysan doonto sidii ayuu xasiloonida dalkaasi loo soo celin lahaa. Mr Donald Payne oo ka hadlaya sida uu u arko sida xal loogu heli karo Soomaaliya wuxuu yidhi "xalka aan arka waxay tahay iyadoo seddexda gobol ee Soomaaliya ka koobantahay (Somaliland,puntland iyo koonfurta Soomaliya) la isku keeno isla markaana laga dhigo quwad midaysan oo hanan karta shacabka soomaalida ah" ayuu yidhi. Mr. Payne oo ka hadlaayey qoraal jawaab ahayd oo uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ku qaadacay inuu kulankaasi kaga qayb gallo ayuu ku tilmaamay guddoomiyahu wax aan la aqbali karin "jawaabta nooga timid Somaliland wasiirkooda arrimaha dibaddu waa mid aan la aqbali karin, dawladda maraykanku waxay doonaysa inay dawo u hesho dhibaatada guud ahaan ka taagn soomaaliya, waxaananu aaminsanahay in gobolkaasi Somaliland ay fure u noqon karaan mid militery iyo mid siyaasadeedba waxaa ka soconaya muqdisho, inaanay halkani nagala soo qayb gelin oo casuumadii aanu u fidinay aanay qadarina waxaanu u aragna inay niyad jab nagu ridayso" ayuu yidhi Mr. Payne. Waxaa isaguna markhaati ahaan uga hadlay dhegaysigan Ngoga Gateretse oo ah la taliyaha midawga afrika ee arrinta Soomaaliya oo ka warbixiyey kaalinta ciidamadda nabad ilaaliyayaasha afrkaanka ah ee jooga magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale ka hadlay Ted Dagne oo ah nin ku takhusasay arrimaha geeska afrika kalana taliya golaha congresska dalka maraykanka arrimaha mandaqadaasi wuxuu soo jeediyey in dawladda maraykanku ay siiso gargaar militery dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya iyo maamulada Somaliland iyo Puntland si ayuu yidhi loola dagaalamo kooxaha islaamiyinta ah oo ku ah khatar ayuu yidhi mandaqadda oo dhan. dhinaca kale waxaa shirkaasi ka hadlay Madaxweynaha maamul goboledka Putland Cabdiraxmaan Faroole oo sheegay in Soomaaliya looga baahanyahay ayuu yidhi inay ku daydaan sida puntland oo kale, oo dadka deegaanadaasi colaadu ka taagantaay ay xal keenaan oo heshiiyaana ayuu yidhi sidi Puntland oo kale sannadkii 1998-kii, wuxuu soo jeediyey Mr. Faroole Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland in la xoojiyo fekradda midnimada Soomaaliya oo ka bilaabanaysa ayuu yidhi in la mideeyo seddexda qaybood ee soomaalidii 60-kii u kala jabtay. waxaan dhinaca kale ka soo qayb gelin shirkani wasiirka arrimaha dibadda ee dawladda sh. shariif axmed ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdilaahi Oomar waxaana fadhigaasi u matalaayey safiir ku xigeenka dawladiisa u fadhiya dalka marykanka. dhinaca kale waxaa magaalada Washington hadda gaadhay goor dhawayd wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Cabdlaahi Maxamed Ducaale oo isagu todobaadkii hore ganafka ku dhuftay inuu kulankaasi afar geesoodka ah ka qayb gallo dalbadayna in dawladda maraykanku ay somaliland gooni u aragto, ma cadda ciduu la kulmi doono iyo in eedani dawladda maraykanku ay Somaliland usoo jeedisay si toos ah loogu sheegi doono. Mohamed abdi Hassan (diridhaba) Hadhwanaagnews, London Office diridhaba@gmail.com
  12. Congreska oo Fadhi Ka Yeeshay Soomaaliya By Idil Abdi Osman Washington 26-June-2009 Guddoomiyaha xiriirka Dibadda ee Aqalka Wakiillada Maraykanka. Guddiga Arimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Maraykanka ayaa shalay Khamiistii, xaruntiisa Washington ku qabtay fadhi ay ka yeesheen arimaha Soomaaliya.Fadhigaas ayaa waxan ka soo xaadirin Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda la baxday Soomaaliland. Fadhiga oo uu furay guddoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Donald Payne ayaa waxa ka hor hadlay, kana warbixiyay arimaha Soomaaliya mas’uuliyiin Soomaali ah oo ay ka mid yihiin Madxwaynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Axmed Wald Cabdalla oo ah wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga Uganda Dr Crispus kiyonga iyo Ciid Baddal oo ah Danjire ku-xigeenka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay. Ka hor inta ayan mas’uuliyiintaasi soo bandhigin warbixintooda, ayaa waxa golaha markhaati ahaan uga hor-hadlay Dr. Ted Dagne oo ku takhasuusey arrimaha Afrika kana tirsan Xarunta Cilmibaarista ee Congresska iyo Dr. Peter Pham oo ah bare Cilmiga Sayniska ka dhiga Jaamacadda James Madison. Waxay faahfaahin ka bixiyeen xaaladda ay Soomaliya ku sugan tahay ayagoo diiradda saarey dhibaatooyinka ka taagan kooxaha xag-jirka iyo tuhunka laga qabo in kooxda Al-Qaacidda falal argagixiso ka qorsheynayso gudaha Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee Donald Payne ayaa kalmaddiisii furitaanka si kulul uga hadley cudurdaarka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda la magacbaxdey Soomaaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isgu codsadey in guddi gaar ah loo sameeyo Soomaaliland maadaama ayan rabin in ay meel la fariisato dowladda Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland.Mr. Payne ayaa codsigaas ku tilmaamey mid aan la aqbali karin oo ka soo horjeeda ujeeddada laga leeyahay dhageysiga oo dhan. Midigta sare ee boggan ka dhagayso warbixin buuxda oo ay Idil Cabdi Cismaan ku eegayso fadhigaas iyo wixii ay ka hadleen mas’uulyiintii goobta isugu timid.
  13. Masuuliyiin ka Tirsan Puntland ayaa kulan kula yeeshay markab weyn oo nooca dagaalka ah Saraakiil ka socotey hawlgalka NATO ee la dagaalanka burcad badeeda, waxaana kulankaasi uu ka dhacay badda magaalada Bosaso. Kulankan oo ay isku soo dubarideen saraakiisha ciidamada NATO ee labada dal ee Espania iyo Sweden ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa lagu kulmay Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Espania oo lagu magacaabo Freigter Numencia, oo qiyaastii 10 mile meel u jirta Bosaso Baroosinka dhigtay, halkaasi oo ay ugu tageen saraakiil ka socotey laamaha amniga iyo wasaaradaha dekedaha iyo kalluumeysiga ee Maamulka Puntland. Kulanka dhexmarey Puntland iyo saraakiisha ciidamada NATO ee hawlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee ka dhacay Biyaha korkiisa waxaa looga hadlay sida loo sameyn karo iskaashi u dhexeeya Puntland iyo ciidamada NATO ee jooga Biyaha Soomaaliya ee ku jira la dagaalanka burcad badeeda, waxaa sidoo kale laga hadlay sida ciidamada hawlgalka Europe ee EU Nav For Somalia ay uga hawlgeli karaan xeebaha Puntland si looga hortago burcad badeeda. Masuuliyiinta Puntland ee ka qeybgaley Madasha Kulanka waxaa ka mid ahaa wasiirka kaluumeysiga Eng. Maxamed Faarax, Wasiirka dekedaha C/risaaq Xuseen Gacayte, taliyaha booliska Puntland Col. Muuse Axmed Salax, Agaasimaha wasaarada dekedaha iyo kalluumeysiga C/weli Joocaar, Gudoomiyaha gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf iyo ku xigeenka duqa Bosaso. Kulan gaar ah oo ay masuuliyiinta Puntland la qaateen saraakiisha hogaamisa ciidamada NATO ayaa waxaa kulankooda saxaafada uga waramay taliyaha ee ciidamada NATO ee Juan Garat oo u dhashey dalka Espania oo hogaaminayey ciidamada soo gaarey xeebta Bosaso. Cap. Juan Garat sheegay in ciidamada NATO ay daneynayaan iskaashi ay la sameeyaan maamulada Soomaalida, waxaana uu xusay in maamulka Puntland ay isla garteen in Madal danbe laga yeesho Hawlaha la xiriira arrimahan. Waxaa saraakiisha oo dusha sare ee markabka ugu waramay SBC International ay xaqiijiyeen sida ay ugu farxsan yihiin kulanka ay xeebta Boosaaso kula qaateen saraakiisha maamulka Puntland. NATO waxaa qorshaha ugu jira inay Burcada kula Dagaalaman Bariga, si loo soo wiiqo Burcad Badeeda. Wasiirka dekedaha ee Puntland C/risaaq Gacatye ayaa sheegay In Puntland wada shaqayn kala yeelan doonto NATO ka hortaga Burcada. NATO waxay soo bandhigay dhoolatus ay ciidamada bada dusheeda ku sameeyeen ayagoo bandhigay habka ay u qabtaan burcad badeeda. Ciidamada NATO waxay sidoo kale sheegeen in ay ka codsanayaan dadka arrimaha Burcad badeeda ku jira ay joojiyaan hawlahaas, Fikirkan waxaa Horaantii Bishan soo jeediyey mid ka mid ragga waaya arragnimada dheeraadka ah u leh Hawlaha Burcada oo lagu Magaacbo Abshir Booyax oo afduubay in ka badan 20 Markab, Ninkan wuxuu sheegay inuu ka waantoobay Hawlaha Burcad Badeednimada ayna ku daydaan Ragga Burcada Falalkeeda ku jira. Saraakiisha Ciidamada Puntland waxay soo dhaweeyen Kulan ay la yeeshay Nato, Kulankan oo ah kii ugu Horeeyey oo ay yeeshan Puntland iyo Ciidamo doonaaya inay ka hortagaan Burcada ka qowlaysata Biyaha Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. Guud ahaan Amniga ayaa la sugay xilligii madasha Hadalka lagu jiray oo Cirka waxaa dulaayey diyaaradaha qumaantiga ku kaca, Baddana waxaa ku sugnaa Maraakiib ay wataan Ciidamada Espania iyo Sweden. Ismaaciil Cumar Jaamac Bosaso, Somalia ismail.omar@hotmailc om
  14. ^^^Well said brother, Puntland & Somalia is our future to build. Its time to unite and build our country.
  15. " we will again express our dismay at the refusal of Somaliland to .....if they want to be isolated, they can be assured that I will do all I can to isolate them... and evidently that they dont need or want the support of US... and will support Somalia and Puntland". Chairman Pyne!
  16. Gobollada Puntland oo si weyn looga xusay 26 June 26 Jun 26, 2009 - 12:10:38 PM Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland ee Somalia Gen. Cabdisamad Cali Shire oo maanta [June 26] ka hadley xaflad lagu qabtey Xarunta Madaxtooyada DGPL ee Magaalada Garowe islamarkaana lagu maamuusayey Munaabadda 26ka Juun oo ah xilligii ay xornimda qaateen gobollada Waqooyi Galbeed ee Somalia oo ku beegan maanta oo kale ayaa sheegey in munaasabadan ay tahay mid qiimo weyn ugu fadhida guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isagoo ku tilmaamey taariikhiyan mid aan la ilaawi karin maadaama ay tahay markii ugu horreysey oo Calan Soomaaliyeed laga taago meel ka mid ah dhulka Somalia uuna ugu hambalyeynayo shacabka Soomaaliyeed goob kasta oo ay Dunida kaga suganyihiin. Gen. C/samad Cali Shire - Madaxweyne xigeenka Puntland Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenkaka PL ayaa intaasi ku darey iney tahay wax laga xumaado waqti xaadirkan Dal iyo Dad Xornimadooda iyo midnimadooda si ay helaan usoo dagaallamey Qarniyo badan ka hor misina ku dhowaad konton sanadood waqti laga joogo qaadashada Madax bannaanidooda halgan dheerna soo wada galey ay iminka noqdaan kuwo aan meel qura kuwada heshiin karin islamarkaana ay colaad xoogan kala irdheysey. Gen. Cabdisamad ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iney gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan soo celinta nabadda iyo xasilloonida si loo joojiyo colaaddda dhiiga boqolaalka kun ee Shacabka Soomaaliyeed uu ku daatey loona baahnayahay inta ka hartey shacabka in la samatabixiyo. Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ka hadley xilli maalintan 26ka Juun Maamulka Waqooyi Galbeed oo la magacbaxay Somaaliland ay naqdiyeen iyagoo ku tilmaamey maalintan mid u horseedey dhibaatooyin burbur ayna ku qaldanaayeen la midoobiddii Koonfurta haataanna ay yihiin wadan gooni ah. Waxuu kaloo sheegey in dhibaatooyinka ay u cuskadeen ka go'itaankooda Somalia ay tahay mid aan iyaga u gaar aheyn ee ay la qabaan Shacabka Soomaaliyeed oo idil uuna ka xunyahaya ama nasiib darro ay tahay in siyaasiyiin badan oo Soomaliyeed ay wali ku fakarayaan kala qeybinta Somalia iyagoo og buu yiri Soomaaliya aaney sinaba u kala go'i karin Caalamkana uu Somalia u yaqaanno hal wadan oo kaliya isagoo ugu baaqey maamulka Somaliland ee Somalia iney ka waantoobaan u gurbaan tumista kala qeybinta Somalia. Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa sheegey in Puntland ay sadhig iyo astaan u tahay Baadi goobka, Midnimada iyo Xasilloonida Somalia middaasina ay caddeyn u tahay in Madaxweynaha DGPL Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole uu haatan ku suganyahay dalka Mareykanka islamarkaana isaga kaliya uu ka qeyb galay shirka looga hadlayo danaha Somalia iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka isagoo intaasi ku darey in Madaxweyne Faroole uusan u maqneyn kaliya danta Puntlnd ee geed dheer iyo mid gaabanba u uu fuulayo xakameynta colaadaha Somalia. Guud ahaan gobollada hoos taga Maamulka Puntland ayaa maanta si weyn si weyn looga xusey munaasabadda 26ka Juun oo ku beegan calansaarkii Somalia 1960kii ka gadaal markii Gobollada Waqooyi Galbeed ee Somalia ay ka xoroobeen gumeysigii Ingriiska. Shacabka ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa maanta iyagu waxa ay ahaayeen kuwo isugu hambalyenaya munaasabadda maalintan xilli albaabada ay isugu laabeen inta badan goobohoodii ganacsiga waxaana xarumo fara badan oo ay ugu horreyso Xarunta Madaxtooyada PL maanta lagu qabtey xaflado lagu weyneynayo qiimahaha maalintan oo ay ka soo qeyb galeen Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland. GAROWE ONLINE
  17. ^^^Living in cloud cucko land I guess. A scathing attack by the US on the secessionists, "this is about the Somali people regardless of the region they come from".
  18. Web-Cast The President presentation starts around 1hr into the cast.
  19. Gabbal: The secessionists failed, they thought by complaining they would get something. The TFG & Puntland gave its case. Also note the TFG recived weapons and assitance from Washington. There is change in the air and our brotthers in Hargaysa just dont get it.
  20. Xuska Maalinta qiimaha leh ee 26 june Oo ka dhacaday Garoowe Gaar ahaan xaruunta Madaxtooyada >>>> abdirahmaan Mohamed koronto Garoowe) allidamaale-Pl@write me.com Jimco 26 Jun 2009 Garoowe-(Allidamaale ):- Maanta ayaa Magaalada garoowe ee caasimada dowlada Goboleedka Puntland Waxaa ka dhacay xuska Maalinta qiimaha leh ee 26 june iyado maalmihii u danbeyey Oo dhan. xaflad balaadhan Oo loogu Tala galay Oo ka dhacaday Maanta xaruunta Madaxtooyada ee garoowe ayaa Waxaa ka Soo qayb galay Masuuliyiin aad u fara badan ku Wasoo Oo hormuud u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland xafalada Oo ahayd Mid heer Sarre loosoo agaasimay ayaa Waxaa lagu falnkhaynayey xuska iyo qiimaha ay leedhay Maalin taani Wayn. xaflada ayaa Waxaa ka Soo qayb galay Maasuuliyiin aad u fara badan Oo isugu jira Wasiiro xilaabano qaarka mid ah Shacab Waynaha ku nool Garoowe iyo kuwo reer Puntland qaar ka mid ah. Waxaa ka hadlay masuuliyiin aad u fara badan kana soo jeediyey khudbado kala duwan ugu horayn Waxaa halkaasi khubad dher ka soo jeediyey Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shirre Isagoo khudbada Madaxweyne ku aad u dheerayd Waxayna khusaysay arimaha 26 junne. "Maanta Waa maalin Wayn Maanta Waa maalin ku Wayn Maskaxda Shacabka Somaliyeed ee Wax ka yaqaanay Maalinta Waxaana loo bahan yahay in aad ku dadashaan Sidii aad u xusi lahaydeen Sanadkasta looguna qaban lahaa xafladan Tan Oo kale ah Waxay ka mid ahayd hadalkii Madaxweyne ku xigeenka Puntland" Sidoo kale Waxaa Ka hadlay Wasiir dowlaha Madaxtooyada maxamed faarax ciise Gaashaan Oo isaguna khudbad dheer halkaasi ka Soo jeediyey ka hadlay Sharaxaad badan ka bixiyey Taariikhdii Wadanka Somaliyeed hadalkiisu isug jiray kanftan iyo sharaxaad ayaa Waxa uu ku dheeraday hadalkiisi waxyaabo badan laga faa,idkaray Hadalka Wasiirka. Isku Soo Wadda duub Oo Haatan Waxa laysu diyaarinayaa xafalda maalinta Wayn ee luuliyo iyadoo xafaldaas la filayo in ay ka dhacdo guud ahaanba Gobolda Puntland Sidoo kale xaflad tan oo kale ah ayaa Maanta Waxay ka dhacday Goolada kale ee Puntland Sidda Bosasso iyo galkacayo Waxana la filayaa in xafladaha kale ee 1 luuliyo la filayo in kuwo naacaan Oo kale ay ka dhici doonaan Gobolada Kala duwan ee Puntland diyaar garow geeduna ka Socdo halkaasi. abdirahmaan Mohamed koronto allidamaale.com-(xaf iiska-Somalia-Garoow e) allidamaale-Pl@write me.com
  21. XH: Puntland gained an advatage and used it well. It presented it case. The TFG also were present it's deputy Ambassador read a statement by the Foreign Ministry. NW Somalia was sulking somewhere. It was a good day for the union on the 26th June when the Union came to be.
  22. Not info informatio to verify or deny such claims at the moment.