General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Digniin laga soo saaray shir beesha caalamka ay maanta ku yeesheen Muqdisho 9/9/2012 7:11:00 PM Madax ka socota beesha caalamka, gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxayna ka wadahadleen arrimaha Soomaaliya iyo ololaha doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya. Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya ayaa kulan uu ka yeeshay xaaladda wadanka waxa uu uga digay xubnaha beesha caalamka ee shirka ku yeeshay maanta magaalada Muqdisho inay xaaladda wadanka Soomaaliya uga sii daraan. Guddoomiye K/Xigeenka ahna K/Simaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya Md. Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic) oo Warbaahinta la hadlayay ayaa ka dhawaajiyay in shirka dalalka beesha caalamka ay ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho uu yahay mid Soomaalida lagu kala qeybinayo isla markaana lagu faragelinayo ololaha doorashooyinka Madaxweynenimada Soomaaliya ee berri ka dhaceysa magaalada Muqdisho. "Uma baahna Soomaaliya in beesha caalamka shaqsiyaad isku sheegaya ay hoos ka soo geliyaan shaqsiyaad fashilmay" ayuu yiri Md. Tima Jilic oo akhrinayay war-saxaafadeed ka soo baxay kulanka degdegga ah oo Xisbiga MJS ka yeeshay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xubno ka tirsan beesha caalamka ay ka wadaan gudaha dalka. Waxaa kale oo K/Xigeenka Guddoomiyaha XMJS uu sheegay in beesha caalamka xubnaha isku sheegaya in Muqdisho shirka ku yeeshay maanta ay u ololeynayaan sidii madaxtinimada dalka loogu soo dooran lahaa shaqsiyaad ka tirsanaa Dowladdii KMG ahayd, kuwaasi oo mudadii ay xilka hayeen aan wax muuqda ku soo kordhin dadka iyo dalka. "Ciidamada AMISOM waxaan uga mahad celinaynaa sida ay uga qeyb qaateen nabadda ka curatay dalka intiisa badan, iyagoo caddeeyay inaysan faragelineynin arrimaha siyaasadda Soomaaliya" ayuu yiri K/Simaha XMJS Md. Cali Max'ed Nuux (Tima Jilic). Ujeedada ka dambeysa shirka ka dhacay Muqdisho ee ay yeesheen shaqsiyaadka isku sheegaya inay matalaan wadamada beesha caalamka ayuu sheegay Md. Tima Jilic inay tahay mid lagu hagardaameynayo heshiiska dhex maray labada Shariif, wuxuuna Xisbigu caddeeyay in faragelinta laga daayo Soomaalida arrimaheeda. Dhinaca kale waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin kooxo isku sheegaya inay matalaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu ku eedeeyay qaarkood inay caga jugleyn iyo cadaadisyo kala duwan saarayaan Xildhibaanada Baarlamaanka si ay codkooda u siiyaan shaqsiyaadka ay doonayaan inay dalka madax ka noqdaan. Wuxuu sheegay in Xisbigiisu ka warqabo dhaqdhaqaaq kasta oo shaqsiyaadka sheeganaya International Community ay ku maja xaabinayaan masiirka wadanka Soomaaliya, isla markaana si joogto ah ula soconayo tallaabo kasta oo shaqsiyaadkaasi ay ku doonayaan inuu hirgalo qorshahooda guracan.
  2. Xaaji Xunjuf;866268 wrote: We are not voting for the parliament speaker now we are voting for the head of state and Sh sharif has 70% of the Hblock votes behind him. And Sharif Sakins votes aswell now i know why faroole was so nervous: Do you know how many people hate the Sharif's within the Parliment? Also stop making up numbers adeer. Even if Sharif has 70% of his clan, that means he will lose 30% of his own to someone who has 85% of his..
  3. This is destiny that both these clowns will go together in the unrecyclable garbage of history.
  4. Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday Hotelka City Palace ayaa cod dheer ku sheegay inuu taageeri doono Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha. Shariif Xasan oo horay ugu hungoobay doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, ayaa si kaftan u yiri inuu eedsanayo Madaxweyne Shariif oo uu xusay inuu taako u dhigo. "Aniga iyo Sxbkee Madaxweyne Shariif Taago ayaa isku dhigi jirnay laakiin iskuma fogaan jirnay, laakiin hada asigaa taago ii dhigay Musharaxnimadeeda asigaa u eedsanaa"ayuu si kaftan u yiri Shariif Xasan oo dhoola cadeynayay. Shariif Xasan ayaa si aan leex-leexad laheyn u sheeyay in dalka horumarikiisa iyo qaranimadiisa ay xaq tahay in ninkii keena kara lagu aamino, isagoo xusay inuu Madaxweyne Shariif uu muteystay, isla markaana xaq u leeyahay. "Bani'aadamka aragtidiisa waa duwanaan kartaa, waxaa la rabaa in marka xaqiida la gaaro in la aado meesha xaqa jiro, meesha wadanka wanaagiisa ku jiro"ayuu yiri Shariif Xasan oo ugu baaqay Xildhibaanada inay codkooda siiyaan Madaxweyne Shariif. "Aniga Sheekh Shariif waxaa gacan ku siinayaa oo aan ku taageerayaa 100%, maalinta berri waxaan rajeyneynaa inay natiijada ay noqoto mid wanaagsan, hadii uu taago ii dhigay ma u dhigayo"ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Shariif Xasan ayaa u rajeeyay Madaxweyne Shariif in afarta sano ee soo socota uu ku gaaro sharaf iyo in xilkiisa alle ula garab galo sida uu yiri. Munaasabadii ka dhacday Hotel City Palace ayaa aheyd tii u horeysay oo aan horay nooceeda loo arkin, iyadoo Madaxweynaha ku muujinayay sida uu ugu han weyn yahay in mar kale uu qabto xilka Madaxtinimada Soomaaliya. Maalinta berri ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, taasoo noqoneysa markii u horeysay muddo 42-sano oo lagu doorto Caasimada Soomaaliya Madaxweyne Soomaaliyed.
  5. Nin-Yaaban;866256 wrote: Salaad Cali Jeelle He had the best speech in terms of reaction..
  6. Xaaji Xunjuf;866258 wrote: We now know the bay and Bakool votes will go to Sh sharif. Like they did with Galayr?
  7. “Shariifka waa saaxibkeey waana soo wada shaqeynay, wuu guuleysan doonaa anigana codkeyga waan siiyey,” ayuu yiri Shariif Xasan
  8. Sharif Xasan: Sheekh Shariif wuu guuleysanayaa anigana codkeyga waan siiyey” Updated About:3 mins ago Mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu awooda badan dalka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa caawa kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho in madaxweyne Sheekh Shariif uu ku guuleysan doono doorashada beri ka dhici doonto dalka. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo laba jeer soo noqday gudoomiyaha baarlamaanka ayaa hadal uu ka jeediyey kulan maanta ilaa caawa fiidki ka socday Hotel City Palace ee degmada C/casiis isla markaana lagu taageeray Sheekh Shariif ayaa ka hadlay mudadi dheereyd ee ay isla soo shaqeeyeen. Wuxuu sheegay in ay saaxib ku noqdeen marna ku kala tageen siyaasada dalka iyo sidii loo samatabixin lahaa Soomaaliya, laakin waxa uu qiray in mudo badan ay is jilaafeen hase yeeshee aysan isku fogaan. “Aniga iyo Sxbkee Madaxweyne Shariif Taako ayaa isku dhigi jirnay laakiin iskuma fogaan jirnay, laakiin hada asigaa taago ii dhigay Musharaxnimadeeda asigaa u eedsanaa, Bani’aadamka aragtidiisa waa duwanaan kartaa, waxaa la rabaa in marka xaqiida la gaaro in la aado meesha xaqa jiro, meesha wadanka wanaagiisa ku jiro”ayuu yiri Shariif Xasan oo ugu baaqay Xildhibaanada inay codkooda siiyaan Madaxweyne Shariif.” ayuu yiri. Isaga oo balan qaadaya taageerada uu u hayo madaxweyne Shariif ayuu sheegay in uu guuleysan doono Shariifka isagana uu codkiisa siiyey. “Shariifka waa saaxibkeey waana soo wada shaqeynay, wuu guuleysan doonaa anigana codkeyga waan siiyey,” ayuu yiri. Kulanki maanta oo ay sidoo kale ka hadleen, Ra’isulwasaarihi hore Cali Maxamed Geedi, Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Maxmuud Axmed Nuur Tarsan, Xildhibaan Mustafa Dhuxuloow iyo siyaasiyiin kale ayaa dhamaan la isku raacay in si weyn beri codka loogu shubo madaxweyne Shariif.
  9. Sharif Xasan: Sheekh Shariif wuu guuleysanayaa anigana codkeyga waan siiyey” Updated About:3 mins ago Mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu awooda badan dalka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa caawa kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho in madaxweyne Sheekh Shariif uu ku guuleysan doono doorashada beri ka dhici doonto dalka. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo laba jeer soo noqday gudoomiyaha baarlamaanka ayaa hadal uu ka jeediyey kulan maanta ilaa caawa fiidki ka socday Hotel City Palace ee degmada C/casiis isla markaana lagu taageeray Sheekh Shariif ayaa ka hadlay mudadi dheereyd ee ay isla soo shaqeeyeen. Wuxuu sheegay in ay saaxib ku noqdeen marna ku kala tageen siyaasada dalka iyo sidii loo samatabixin lahaa Soomaaliya, laakin waxa uu qiray in mudo badan ay is jilaafeen hase yeeshee aysan isku fogaan. “Aniga iyo Sxbkee Madaxweyne Shariif Taako ayaa isku dhigi jirnay laakiin iskuma fogaan jirnay, laakiin hada asigaa taago ii dhigay Musharaxnimadeeda asigaa u eedsanaa, Bani’aadamka aragtidiisa waa duwanaan kartaa, waxaa la rabaa in marka xaqiida la gaaro in la aado meesha xaqa jiro, meesha wadanka wanaagiisa ku jiro”ayuu yiri Shariif Xasan oo ugu baaqay Xildhibaanada inay codkooda siiyaan Madaxweyne Shariif.” ayuu yiri. Isaga oo balan qaadaya taageerada uu u hayo madaxweyne Shariif ayuu sheegay in uu guuleysan doono Shariifka isagana uu codkiisa siiyey. “Shariifka waa saaxibkeey waana soo wada shaqeynay, wuu guuleysan doonaa anigana codkeyga waan siiyey,” ayuu yiri. Kulanki maanta oo ay sidoo kale ka hadleen, Ra’isulwasaarihi hore Cali Maxamed Geedi, Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Maxmuud Axmed Nuur Tarsan, Xildhibaan Mustafa Dhuxuloow iyo siyaasiyiin kale ayaa dhamaan la isku raacay in si weyn beri codka loogu shubo madaxweyne Shariif. Midnimo.com
  10. Xaaji Xunjuf;866242 wrote: The international community will support who ever wins the EU the US state department they . The international community has come out against both Sharif's and want Somalia to move forward. This actually might be the big decider, more than money and clan hubris. Anyhow I am confident Faisal and Co are in for a mighty shock as the nationalists take over the Parliament and Villa Somalia..
  11. STOIC;866241 wrote: Duke, you can tell a person by the way he reasons, and sadly enough I doubt if I should dignify your insidious ad hominem with a response.Carry on with your usual one dimensional clan cheer-leading union claptrap! . A grown man, who supports Somaliland "independence" because of his clan, should not lecture anyone about anything. Again you present nothing but froth and are no better than XX and other self hating Somali secessionists
  12. malistar2012;866239 wrote: horseed media lolololololol Afka Puntland Why is he requesting a meeting at this moment and still fighting for the warlords?
  13. Prof: Jawaari iyo Sheekh Shariif oo kulan yeeshay habeenkii xalay Muqdisho(WNT)-Madaxweynahii xilkiisu dhamaaday ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Labada masuul ayaa ka wada hadlay doorashada madaxweynenimo oo dhacaysa maalinta berri ah ee 10 bishan aynu ku jirno,waxaana kulankaasi ka dhacay guriga guddoomiyaha baarlamaanku uu ka degan yahay magaalada Muqdisho. "Waxaan ka wada hadalay aniga iyo Sheekh Shariif sidii loo howlaha harsan loogu dhameystiri lahaa si wanaagsan, baarlamaanka howshiisana uma hakanayso dhowr xildhibaan oo ka maqan baarlamaanka," ayuu yiri Prof. Jawaari. Dhinaca kalena Jawaari ayaa mar uu ka hadlayey in xildhibaannada horay looga reebay inay ka mid noqdaan baarlamaanka ee ay xukuntay maxkamadda sare ay u saareen guddi ka soo shaqeeya, inta go'aan laga gaarayana aysan arrintan darted u hakan doonin howlaha baarlamaanka. Dhankiisana Madaxweynaha xilku ka dhammaaday Shariif Sheekh Axmed oo isaguna la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in waxyaabihii ugu waaweynaa ee ay ka heleen ay ka mid ahaayeen sidii lagu dhameystiri lahaa howlaha harsan oo ay ugu muhiimsan tahay doorashada la filayo inay beri dhacdo. Shariif ayaa geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay sidii golaha baarlamanka ay ku soo geli lahaayeen qab qablayaashii dagaalka, oo la aaminsan yahay in Soomaaliya ka gaysteen tacadi aad u xooggan,lana aaminsan yahay in yihiin denbiilayaal. Horay ayaa saxiixayaashii Road map ay ku heshiiyeen oo saxiixeen inaan baarlamanka cusub lagu soo darin dad danbiila yaal ah
  14. ^^^^^ "if" he wins he will have Sharif Sakiin riding him all the way to self destruction. He will have the international community big players against him, a strong parliment at war with his lazi ideas. It will be a difficult 4 years, maybe thats what you want? ..
  15. Waxaa habeenimadii xalay kulan ku yeeshey Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somali Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhruuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xog Horseed Media heshey ayaa sheegaysa in kulankan uu dalbadey Musharax Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariifka ayaa doonayey in kulanku noqdo mid qarsoodi ah, waxaase taas diidey Prof.Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, waxaana uu sheegay in aanu waqtigan kulan qarsoodi ah la yeelan karin mid kamid ah Musharixiinta. Sidoo kale Prof.Jawaari ayaa diidey in Madaxweynuhu ku qaabilo xafiiskiisi, waxaana kulanku ka dhacay Hool yar oo ku dhexyaala Madaxtooyada, sida sharcigu qabo Madaxweyne Shariif waxa Mandete-kiisi ka dhacay 20 August 2012, waxaana kusimaha rasmiga ah Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Adduunku kala hadli karo wixii ku sabsan Soomaaliya, sida ku cad dastuurka. Shariifka ayaa ka codsadey Jawaari in uu taageero siiyo maanta, isla markaana ay wada shaqeyn jooogta ah dhexmareyso una ballan qaadey waxkasta oo uu u baahan yahay. Shiikh Shariif ayaa sidoo kale kala hadley Jawaari in uu oggolaado ka hor berri in dagaal oogayaashii loo dhaariyo Baarlamaanka oo uu joojiyo hor istaaga, Wararka Horseed Media ka heleyso xubno ku dhaw Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaya in Jawaari uu ku adkeystey in guddi loo saarey arrintaas meel fiicana ay marayso. Hadal wada jir ah oo ay saxaafadda siiyeen kulankooda kaddib ayaa Jawaari sheegey in Xubnaha ka dhiman Baarlamaanka aanu u baaqaneyn shirka berri lagu dooranayo Madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee Shariifka ayaan ka helin afhayeenka sidii uu filayey waxaana uu kala kuolmey weji gabax, waxaana uu saxaafadda u sheegay in ay kawada hadleen sidii ay waxkasta ugu dhici lahaayeen qaabkii loogu talo galay. Dhanka kale wararkii u danbeeyey ayaa sheegaya in Shariif Shiikh Axmed uu samaystey Isbahaysi weyn si uu ugu guulesyto marlabaad xafiiska Madaxweynaha, waxaana sibahaysigaas ku jira Shariif Xassan Shiikh Adam oo saameyn kuleh qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada. Horseed Media Muqdisho, Somalia
  16. Don’t let the parties fool you and the staged demonstrations. Sharif Ahmed is not a confident man, his presentation was lackluster, his repeated attempts to get the warlords into the Parliament has failed. However the question that I have for his supporters is why he wants to hold closed door talks with Jawaari on the eve of the elections?
  17. STOIC, mindless words as usual. Adeer Somalia is on the road to recovery and with the right leadership will take of. The fear of the secessionist is as clear as day. Mogadishu returning to normal, a new army and a federal states will dampen the "uniqueness" of Somaliland and will give the average N Westerner an alternative to the status quo.
  18. Xaaji Xunjuf;866227 wrote: If the people of Somalia want sh sharif to return as president than we have to accept that Duke. I will never fight against any Somali leader, Somalia can do better and will inshALLAH..
  19. malistar2012;866197 wrote: Sxb duke is all over , Pleas let’s talk about the aftermath . sharif Ahmed is not Galayr sxb don’t full yourself . Puntland support your president Shiekh Sharif Ahmed . Whats over? Adeer why is Sharif requesting a meeting with Jawaari if he is so confident?
  20. ^^No adeer you support the two Sharif's, because they will present a weak Somalia for the next 4 years..
  21. Xaaji Xunjuf;866205 wrote: A strong Somali state is not something we fearwas her generation that pushed the union which she regrets now. But Faisal believes in the return of the Somali state read what he had to say. You reside in an alternative universe.. The reason why you support Sharif Sakiin and Miskiin is the same reason why you are posting this nonsense..
  22. XX, Warrabe like Edna Adan & yourself fear the return of a Somali State...