General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Dhakhaatiir u DHalatay Dalka Turkiga oo Hawlo Caafimaad Ka Bilaabey Magaalada Gaalkacyo October 25, 20100 Gaalkacyo : Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa waxaa ka soconaya Olole Kaalmo caafimaad ah kii ugu weynaa oo abid ka dhaca Puntland kaasi oo ay fulinayaan Koox dhakhaatiir ah oo ka socota Ururka Dhakhaatiirta Rajada ee wadanka Turkiga kuwaas oo maalintii sabtidii 23rd –Oct-2010 magaalada Gaalkacyo uuna wadey wasiirka caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame. Dhakhaatiirtan oo 18 dhakhtar ah isla markaasna wata takhasusyo kala duwan ayaa waxay hada si toos ah uga shaqeynayaan Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo hawlaha imika ay qabteen ay isugu jiraan Daaweyn guud, Qaliimo, Ilka Saaris,Ilko buuxin, Baaritaano kala duwan,Kabniinka dadka jajaban waxaana ay hawshu u socotaa si habsami leh iyadoo ay ka hawlagalayaan dhakhaatiirtu qaybaha Isbitaalka ee kala ah Qaliinka, Indhaha, Ilkaha, Lafaha, cudurada Sanka iyo dhagaha, Sheybaarka iyo Daawo bixinta. Dhakhaatiirta ayaa waxay sheegeen in xaalada caafimaad ee ay labada Maalmood ku arkeen dadkii ay ku qaabileen qaybaha kala duwan ee Isbitaalka ay tahay mid naxdin leh, iyadoo ay sheegeen dadka badankiis in aan wax looga qaban Karin halkan (gudaha Soomaaliya) sababtana waxay dhakhaatiirtu ku sheegeen inaysan hayn qalabkii u fududeyn lahaa in dadkan wax looga qabto halkan waxayna qaarkood ku taliyeen in dadka halkan wax aan looga qaban Karin in laga tashado sidii loogu heli lahaa daryeel caafimaad oo dibada ah. Dadweyne ka badan 1,800 oo qof ayaa laga diiwaan galiyey magaalada Gaalkacyo waxaana loogu talagaley in dadkan ay wax u qabtaan dhakhaatiirtan, waxaana ilaa hadda ay hawshu u socotaa si heersare ah iyadoo ay dhakhaatiirtuna ku faraxsan yihin shaqada kaalmada ah ee ay ugu adeegayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatada caafimaad daradu haysto. Dhakhaatiirtu Turkigu waxay wax laga naxo ku tilmaameen daryeel la’aanta caafimaad ee haysata dadka Soomaaliyeed waxayna tibaaxeen inay ka qiyaas qaadanayaan bukaanka u imaanaya oo ah mid aad u liita taasi oo ka dhigan in dadku ay qabaan cuduro badan oo intooda badana u baahan qaliimo culus iyo daaweyn la mid ah. Dhakhaatiirtu waxay kaloo sheegeen in dareenkoodu uu aad u wanaagsan yahay maadaama ay ku jiraan hawlo bini’aadantinimo oo ay u fulinayan walaalahood Islaam ah (Soomaali), waxayna saxaafada u sheegeen inay mahad balaaran u jeedinayaan shacabka Gaalkacyo oo soo dhaweyn iyo marti soor wacan kusoo dhaweeyey isla markaasna si toos ah ula shaqeynaya. Dhakhaatiirta Wadaniga ah ee Gaalkacyo, Shaqaalaha isbitaalka guud ee Gaalkacyo iyo Madaxda wasaaradda caafimaadka Puntland oo uu ugu horeeyo wasiirka Caafimaadku ayaa iyaguna heeganka iyo shaqada adag ee dadka loogu adeegyo ku jira isla markaasna ku caawinaya dhakhaatiirta kale waxyaabaha ay u baahan yihiin iyadoo wasaaraddu ay kormeerka iyo isku dubaridka ay siweyn ugu jirto oo ay agaasimayso hawlaha soconaya oo dhan. Saxmada iyo tirabadnida dadka imaanaya Isbitaalku waa mid aan la qiyaasi Karin oo qayrul caadi ah, waxaana isbadal aan horey loo arag laga dareemayaa Isbitaalka guud ee Gaalkacyo oo hada u shaqeynaya sida Isbitaalada Caalamiga ah, majiraan ilaa hada wax cabashooyin ah oo ay dadku muujnayaan taasna waxay ku timid agaasimka wacan ee shaqadu ay kosocoto taasi oo ah mid horey looga sii baaraan dagay oo laga wada tashadey, dadka ayaa waxaad arkeysaa iyaga oo aad u qiireysan aadna ugu niyadsan waxqabadka caafimaad ee ay ku kaalmaynayaan dhakhaatiirta caalamiga ah ee ka timid wadanka Turkiga, waxayna shacabku hanbalyeynayaan dhakhaatiirta, shacabka iyo dawlada Turkiga, sidoo kale waxay amaan balaaran iyo bogaadinba u jeediyeen shacabku wasiirka caafimaadka Puntland oo isagu keenay dhakhaatiirtan dadaal dheerna u galay sidii uu dadkiisa uga gargaari lahaa baahida caafimaad ee haysata. Wasiirka Caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame oo isagu saxaafada la hadley ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hawsha ka socota Isbitaalka Gaalkacyo, waxaana uu mahad balaaran u jeediyey Ururka Dhakhaatiirta Rajada ee Turky oo Shacabka Puntland ku kaalmeeyey dhakhaatiirtan 18-ka ah si ay wax ugu qabtaan shacabka,wasiirku waxaa uu ka codsadey shacabka reer Puntland ee qurbaha jooga inay kaalin mug leh ka qaataan sidii wax loogu qaban lahaa shacabkooda, waxaana uu sheegay wasiirku in dad badan oo aad u liita in halkan wax looga qaban waayay qalab la’aan dartiis waxaana uu Jaaliyada dibada ku guubaabiyey inay dadkoodu aad u liitaan ayna ku jiraan xaalad laga naxo una baahan in deg deg wax looga qabto. Si kastaba ha noqotee Olaha Kaalmada Caafimaadka ah ee ay dhakhaatiirta Turkiga ahi ay ka wado Isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxay maraysaa meel aad u wanaagsan waxaana dhakhaatiirtu ay Gaalkacyo ay joogi doonaan ilaa maalinta barito ah iyadoo la filayo inay waqtiga ugu harey Gaalkacyo inay dhameeyaan cadadkii loogu talagaley inay wax u qabtaan. C/qadir Warsame Yuusuf Wasaaradda Caafimaadka Gaalkacyo
  2. 245 xildhibaan oo sheegay inay beri ansixinayaan Ra’iisul wasaaraha cusub. Muqdisho: (Sh. M. Network) Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya oo kor u dhaafaya 245 xildhibaan ayaa sheegay in maalinta beri ah ay ansixinayaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda KMG Max’ed Cabdullaahi Max’ed. Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen xildhibaano ka tirsan Barlamanka oo gaaraya 245 mudane ayaa kulankooda waxaa ay ku go’aamiyeen in maalinta beri ah tagi doonaan xarunta Barlamanka KMG Soomaaliya halkaasi oo ay sheegeen inay ku ansixin doonaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynaha dowladda KMG. Xildhibaan Ismaaciil Abuukar oo ka hadlayay kulanka ay isugu yimaadeen xildhibaanadaasi ayaa waxaa uu sheegay in uu jiro qodob u ogolaanaya Barlamanka inay kulan yeeshaan islamarkaana ay ka doodi karaan wax walba oo horyaala Barlamanka hadii uu ka dhaga adeego ama uu meer meeriyo gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in iska dabajiitan uu ku saameeyay gudoomiyaha Barlamanka sidii loo ansixin lahaa Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in maalinta beri ah marka ay tagaan xarunta golaha shacabka hadii uu ka soo qeyb gali waayo fadhigaasi gudoonka Barlamanka ay iska dhex dooran doonaan shir gudoomiye kadibna ay ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub. Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi oo ka mid ah mudanayaashii halkaasi ka hadlayay ayaa arin sharci daro ah ku tilmaamay warsaxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha Barlamanka, oo ku aadana in maalinta arbacada ah ee soo socota fadhiga Barlamanka uu qabsoomi doono, waxaana uu sheegay xildhibaanku in Shariif Xasan uusan aqood u laheyn sida uu tilmaamay in uu xili iclaamiyo balse awood uu u leeyahay wixii ay go’aamiyaan barlamanka in uu soo jeediyo. Waxaa uu sidoo kale xildhibaanku sharci daro ku tilmaamay in gudoomiyaha Barlamanka beesha Caalamka uu ugu baaqo inay saraakiil u soo dirsadaan fadhiga Barlamanka, waxuuna taasi badalkeeda sheegay in awooda ay u leeyihiin madaxweynaha dowladda KMG iyo Ra’iisul wasaaraha. Lama oga sida xildhibaanadaani ay ku ansixin karaan ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya iyadoo uu ka maqanyahay gudoomiyaha Barlamanka oo ay ku eedeeyeen in uu ka caga jiidayo ansixinta Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  3. ^^^I cant find any new pics for this story, kindly update it. Thanks
  4. . Dr. Dhegacade oo ka qayb galay xaflad yabooh dhaqaale loogu ururiyey cisbitaalka Galkacyo Medical Centre (GMC) & kulliyada caafimaad ee (Institute for Health Science & Tech) oo lagu qabtay St. Paul/Minneapolis. Minneapolis, Oct 24 - Xaflad agab dhaqaale loogu ururinayo cisbitaalka Galkacyo Medical Centre (GMC) iyo Kulliyada caafimaadaka ee Puntland Institute for Health Science & Technology ayaa xalay lagu qabtay magaalooyinka mataanaha ah ee St. Paul & Minneapolis ee Minnesota. Xafladda oo ahayd mid bilan, dad badanina ay ka soo qayb galeen, ayaa lagu soo bandhigay culuum iyo xoggo ku saabsan hawlada cisbitaalka, baahida caafimaad ee gobollada Somaliya, daryeel la'aanta iyo baahida dad xirfadlayaal ah oo kaafiya baahida caafimaad ee bulshada, iyo sidii Somalida qurbajoogtu ay kaalin uga qaadan lahaayeen u helitaanka daryeel iyo adeeg caafimaad danyarka ku nool Somaliya ee karin. Macluumaad ku saabsan kulliyadda caafimaadka ee Puntland Institute for Health Science & Technology ee dhismaheeda hadda farta lagu hayo, laguna han weyn yahay in dhismaheeda la ebyo sannadka 2011 ayaa sidoo kale la soo bandhigay. Kulliyada ayaa hadafkeeda 1-aad uu yahay in ay soo saarto dhakhaatiir, umulisooyin, kalkaaliyeyaal caafimaad, farsamo-yaqaano, iyo xirfadleyaal caafimaad oo dawr ka qaata *****lka baahida caafimaad ee qoyska Somalida. Dr. Cabdulqadir Maxamuud Jaamac 'Dr. Dhegacade' oo xaflada ka hadlay ayaa uga mahadceliyey ka qayb galayaasha iyo tabarucayaasha is-xilqaanka iyo kaalmaynta danyarta Somalida ah oo uu sheegay in ay tahay waajib saaran qof kasta oo damiir leh, garawsanna mas'uuliyada bulsheed ee ka saaran daryeelka danyarta. Dr. Dhegacade waxaa uu soo bandhigay xoggo muujinaya baahida caafimaad ee hooyada iyo ilmaha ee aasaaska u ah bad-qabka qoyska Somalida ah. Waxaa kale oo uu Dr. Dhegacade soo bandhigay tusmooyin ka tarjumaya xaalada qallafsan ee caafimaad ee hooyada iyo ilmaha ku nool Somaliya. Dr. Dhegacade waxaa uu ku noolaa dalka Talyaaniga in ka badan 40 sano, dibna ugu laabtay Somaliya 10 sano ka hor; waxaa uu ka codsaday xirfadleyda Somalida ah ee ku nool qurbuhu in ay ku dhiiradaan in ay cilmiga iyo xirfadda ay Somaliya dib ugu celiyaan, uguna gargaaraan ummadda aanay jirin dawlad iyo dad ku hawlan daryeelooda caafimaad, bulsheed iyo dhaqan dhaqaale. Xaflada waxaa ka soo qayb galay dhakhaatiir iyo xirfadleyaal caafimaad oo Somali ah. Waxaa laga xusi karaa dhakhaatiirka ka qayb qaatay munaasabada yabooha dhaqaale Dr. Axmed Dalmar, Dr. Maxamed Cabdiraxmaan, Dr. Maxamed Maxamuud Afqarshe, iyo dhakhaatiir kale. Dr. Cawa Cabdi iyo Asli Ashir ayaa xaflada ka jeediyey weedho ximkad xambaarsan oo taabanaya ahmiyada daryeelka hooyada iyo ilmuhu ay ummadda u leedahay, iyo sida looga baahan yahay qof kastaa in uu xil iska saaro agaasimka, fulinta, iyo gacan ka gaysashada hawlaha caafimaad ee bulshada. Shacab door ah iyo xirfadley guud oo Somali iyo Maraykan-ba leh ee ku nool Minessota ayaa ka soo qayb galay xaflada. Xubno ka mid ah siyaasiayaanta Minnesota oo ay laga xusi karo xildhibaanada Keith Ellison iyo Karen Clark oo labaduba taageeray barnaamijnka dhaqaale ee cisbitaalka iyo dhismaha kulliyadda caafimaadka. Xuseen Samatar Garabyare oo ah murashax siyaasadeed oo u tartamaya (Minneapolis Public Schools Board - District 3) ee Minnesota ayaa isna ka hadlay munaasabada. Dr. Dhegacade ayaa ka soo bilaabay barnaamijka dhaqaale ee cisbitaalka iyo kulliyada dalalka Sweden iyo Britain, horena u soo maray Bosotn (MA) iyo Washington D.C Metro; Toronto, Canada ayaa caawa (24-ka Oktober) lagu qaban doonaa xaflad tan la mid ah. Dadkii ka soo qayb galay xaflada ayaa si wanaagsan u huray yabooha dhaqaale ee cisbitaalka iyo kulliyada caafimaad
  5. Dhakhaatiirtii Turkiga aheyd oo maanta ka how bilaabey Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo(Sawiro) Posted by admin on October 24th, 2010 Gaalkacyo(Gaalkacyo) Waxaa maanta ka howlgaley Isbitaalka Gaalkacyo Dhakhaatiirtii shaley timid wadanka ee Turkiga ahaa,Dad badan ayaa maanta heley kaalmo cafimaad oo aad utayo sareysa, sida ay noo sheegeen shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka.(Sawirada hoos ka daawo) Dhak´haatiirtu markey shaqada bilaabayeen waxaa goobjoog ahaa Wasiirada Maamulwanaaga iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasiirka Caafimaadka. Waxeyna sheegeen labada wasiir in dhakhaatiirtu ay bilaabeen howshoodii ayna ka howlgalayaan dhamaan Isbitaalada Puntland, waxaase marka u horeysa nasiib u yeeshey Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda. Dhakhaatiirtaan ayaa ku timid heshiis uu hada ka hor la soo galey Madaxweyne Faroole masuuliyiinta ugu sareysa Dowlada Turkiga, Heshiiskaasoo ahaa in Turkigu Puntland ka caawinayo mashaariic badan, Mashruucaan caafimaadkuna waa kii u horeeyey hada Balanqaadkaas. Maalmaha soo socda ayaa la rajeynayaa in Gaalkacyo ay soo gaaraan bukaan badan oo kakala imaanaya nawaaxiga Gobolka Mudug , Bukaankaasoo qaarkood ay awal adeyd iney helaan adeega ay u baahanyihiin. Isbitaalada ay dhakhaatiirtaan ka howlgali doonaan ayaa waxaa kamid ah Isbitalka Guud ee Garow iyo bosaso. Sawirada Hoos ka daawo Puntlandi.com xafiiska Gaalkacyo
  6. Shariif Xasan oo ka jawaabey Warsaxaafadeedkii Sh. Shariif, Baarlamaankana isugu yeeray Arbacada kuna codeeyaan si Qarsoodi ah “codaynta kalsoonisiinta wasiirka koowaad ma noqon karto gacantaag sida uu qabo xeerhoosaadka oo qeexaya in kalsoonisinta wasiirka koowaad ay tahay...
  7. Widen dispute between Somalia President and Speaker over approval of PM 25 Oct 25, 2010 - 3:44:13 AM Political disagreement between Somali President Sheikh Sharf Sheikh Ahmed and parliament speaker Sharif Hassan Sheikh Aden boiling up Sunday after the Ahmed accuses parliament speaker of not approving the new premier. The presidential statement said that the state laws provide sufficient means for the House to engage in the process of approving or rejecting the new premier. “The 1960 constitution decreed the assembly should express confidence or no confidence in the prime minister in an open vote requiring a simple majority, the speaker interfere the law of the house,” said the open statement. President Ahmed last week appointed US-educated former civil servant Mohamed Abdullahi Mohamed to lead his government. Ahmed urged in the statement that Sharif Hassan Sheikh Aden has starved of members of the Parliament to utter their view through endorsing the new premier. “The speaker has two motions one of which --140 lawmakers--is requesting a vote in open vote, and the other—40 MP’s--is requesting a secret ballot,” said the president in the statement. “Therefore, I call upon the Speaker of Parliament to uphold the law and to not obstruct lawmakers from discharging their solemn constitutional duties, especially at this critical time when we need a government that can stand to address the mammoth tasks facing it” the statement added. President Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed alias Farmajo as new prime minister to replace the PM Omar Abdirashid Ali Sharmarke who resigned on 20th of September 2010. On the other hand, Speaker Sharif Hassan Sheikh Aden has also released a memo later on Sunday accusing the president of creating confusion within the Somali government. “we should use what our constitution says, the vote of confidence for the new premier will be use secretly according to the constitution article 43 in the new constitution,” said the Speaker. According to the constitution, Failure to conform and apply the provisions of article 30(6) which categorically states that any motion contravening the Sharia Law, the Charter or the Constitution and the other laws shall be null and void. The motion requesting secret vote contravenes article 82(2) of the 1960 Constitution. The speaker also appealed the international community to send observers to see how Wednesday’s vote will take place. The TFG has been plagued by disputes and power struggle since it was first assembled at the end of the Nairobi Conference, Kenya in 2004. GAROWEONLINE
  8. Khilaafka labada Shariif oo cirka isku shareerey 25 Oct 25, 2010 - 8:57:39 AM Madaxweyne Sh. Shariif oo eedeeyay Shariif Xasan Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa ku eedeeyay war-saxaafadeed uu kasoo saaray Villa Somalia Gudomiyaha Barlamaanka DF Shariif Xasan Sh. Aadan, isagoo ku eedeyay inuu ka horyimid dastuurka dalka iyo ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub. Warbixinta, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Sh. Shariif uu xaq u leeyahay inuu magacabo Ra’iisul wasaraha, balse baarlamaanku uu xaq u leeyahay inuu ansixiyo, sidoo kalena uu awood u leeyhaay inuu diido. “Afhayenka Barlamaanku, wuxuu si cad u khilaafay dasturka dalka u yaala, wuxuna ku xadgudbay dasturka, mana jirto ra’iisul wasare uu Madaxweyne soo magacabay oo uu diiday barlamanka tan iyo 1960-kii” ayaa lagu yiri war-saxaafadedka uu soo saaray Madaxweyne Sh. Shariif. Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in arrinta uu sameeyay Shariif Xasan ay tahay mid ugub ku ah Golaha Baarlamaanka, welina aysan dhicin in baarlamaan Soomaaliyeed uu diido Ra’iisul wasaare la magacaabay. Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif, ayaa [Oct 14], u magacabay Ra’iisul wasare cusub Max’ed C/llaahi Max’ed [Farmajo], iyadoo [Oct 20], uu hortagay barlamanka, isagoo jeediyay khudbad uu kaga hadlay howshiisa, waxaase xildhibaanada baarlamaanku ay isku khilaafeen ansixinta Farmajo. “Gudoomiyaha Baarlamanku wuxuu shaaca ka qaaday markii loo diyaargarobayay inuu hayo laba mooshin oo iskasoo horjeeda, iyadoo 140-xildhibaan ay ku baaqeen in codka gacan-taaga ah loo qaado Raíisul wasaaraha, halka 40-Xildhibaan oo kalena ay codsadeen in codka qarsoodi laga dhigo” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Warbixinta, waxaa lagu sheegay in kalsoonida la siiyo ay ku xiran tahay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia, iyadoo Madaxweynuhu uu ka codsaday xildhibaanada inay codka siiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub. Qodobbo badan, oo ka mid ah Dastuurkii 1960-kii, kuwaasoo lagu sheegay in Shariif Xasan uu ku xadgudbay dastuurka, iyadoo ay jiraan mudanayaal dhowr ah oo ku hanjabay inay ka geyn doonaan Mooshin, haddii uusan ka laaban go’aanka uu ku diidan yahay Ra’iisul wasaaraha. Gudomiyaha baarlamaanka, ayaa la sheegay inuu kasoo horjeedo Ra’iisul wasaraha cusub, waxaana la safan mudanayaal badan, kuwaasoo ku adkeysanaya in codka kalsoonida laga dhigo mid qarsoodi ah. Khilaafka soo dhexgalay labada Shariif, ayaa noqonaya kii ugu awooda badnaa ee soo dhexgala labadan mas’uul oo saaxiibo isku dhow ahaa tan iyo markii ay burbureen Maxkamadihii Islaamka. Guddoomiyaha Barlamanka oo jawaab ka bixiyey Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa si kulul uga jawaabay eedeyn kaga timid Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed oo ay saaxiibo isku dhow ahaayeen tan iyo [2006], xiligaasoo isagoo ah Afhayeenkii TFG uu la goostay xildhibaano kuna biiray Midowgii Maxkamadaha. Shariif Xasan oo war-mutiyeed kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho oo ku dhow kan Madaxweyne Shariif, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu faragelin qaawan ku hayo arimaha dastuuriga ee Baarlamanaka, isagoo ka dalbaday inuu faraha kala baxo. "Waa wax laga xumaado in Madaxweynaha Somalia oo ay ahayd inuu dastuurka ilaaliyo uu isku dayo inuu burburiyo, isagoo gacanta kula jira howlaha baarlamaanka" ayuu Shariif Xasan ku yiri warbixintiisa. Afhayeenka Baarlamaanku, wuxuu sheegay in isagoo qadarinayo axdiga KMG ah iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka uu codka lagu ansixiyo Ra'iisul wasaaraha ka dhigayo qarsoodi, isagoo sheegay in qorshihiisa uusan ahayn in kalsoonida loo diido Farmajo. "Codka kalsooni siinta Ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia wuxuu noqonayaa mid qarsoodi ah, iyadoo la raacayo qodobka40-aad ee Dastuurka iyo qodobka 49-aad ee xeer hoosaadka Baarlamaanka" ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka. Shariif Xasan, wuxuu sheegay inay jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo wada qorshe ay ku qasayaan howlaha baarlamaanka, wuxuuna mudanayaashaas uga digay inay sii wadayaan qorshayaashaas gurracan. "Xildhibaannada Baarlamaanku, waxay kulamayaan maalinta Arbacada ah si ay cod ugu qaadaan Ra'iisul wasaaraha cusub, codkuna wuxuu noqonayaa mid qarsoodi ku dhaca" ayuu yiri Shariif Xasan oo ka codsaday AMISOM inay amaanka sugaan. Ururka Midowga Afrika, Ururka Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Mareykanka iyo dalalka kale ee daneeya arimaha Somalia ayuu ka codsaday inay u soo diraan dalka Somalia ergooyin goobjoog uga ahaada sida ay u dhacayso codeynta. Madaxweynaha Somalia, ayaa warbixin uu xafiiskiisa kasoo saaray shalay oo Axad ahayd ku sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanku uu si cad ugu xadgudbay dastuurka, kaddib markii uu la saftay dhinac ka mid ah xildhibaano kala watay laba mooshin kuwaasoo ahaa in codeynta laga dhigo gacan-taag iyo in laga dhigo qarsoodi. Waa markii ugu horreysay oo khilaaf intaan le'eg uu soo dhexgalo labada Shariif oo midkood loo yahay Soddog, waxaana wararka laga helayo Villa Somalia ay xusayaan in labada mas'uul aysan muddo todobaadyo ah kulan gaar ah yeelan. GAROWEONLINE