
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Kadib markii ay is casileen Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Federaalka Adan Madoobe iyo Raysalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, waxaa aad loo quud daraynaayey in khilaafkii ragaadiyey Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah halkaas ku dhamaadey. Magacaabidii Madaxweynuhu magacaabay Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaan horey u sheegnay in uu ku samaysanaayo madaxweynuhu saaxiibo cusub isla markaana uu waayi doono kuwo badan oo markii hore jaal kula ahaa khilaafkii Madaxweynaha iyo Raysalwasaarihii hore u dhexeeyey. Maalintii shalay (Arbaco) waxaa baarlamaanka hortiisa wejigabax kala kulmey Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raysalwasaarihiisa cusub, kadib markii codka kalsoonida loo weydiiyey xildhibaanadu in ay siiyaan Raysalwasaaraha taas oo ku dhamaatey natiijo la’aan, hadaba waxaa si weyn la isu weydiinayaa maxay tahay sababta ka danbeysa, in Raysalwasaare Farmaajo lagu xiro in codeyntu qarsoodi noqoto, maadaama baarlamaanku markii uu codka kalsoonida siinaayey Cumar Cabdirashiid ay ahayd mid gacantaag ah oo aan la marin sida uu qabo xeer hosaadka Baarlamaanku. Marka loo fiirsado ama la dhegaysto waxa ka dhacay maalintii shalay guriga Umadda maahayan wax wanaagsan isla markaana waxaa muuqda in Khilaafka u dhexeeya hoggaamiyaasha Dawladda Federaalku uu salka ku hayo awoodda dowladda, taasna aysan markasta heshiis ku ahayn. Dhegayso khudbadii Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu ka jeeediyeen Baarlamaanka – Barnaamijka Dhacdooyinka ee ka baxay Horseed Media Podcast: Play in new window | Download Markii uu khudbeynaayey Raysalwasaare Farmaajo waxa hadalka ka dhexgalaayey xildhibaano ku buuqaya oo fawdo meesha ka dhexabuuraya, waxaana uu si xariifnimo iyo reer magaalnimo ah ah uu isku dayaayey in uu buuqaas yareeyo isaga oo ku dhawaqayey SOOOMAALIYA, SOOOMAALIYA isla markaana xildhibaanadu ayka daba lahaayeen HA NOOLAATO, laakiin taasi may noqon mid joojisa buuqa ay wadeen qaarkamid ah xildhibaanadu, isla markaana ay dhegaystaan si qumaati ah barnaamijkiisa shaqo, inkasta oo markii uu ka hadlaayey mushaharka Xildhibaanada ay si wanaagsan u dhegaysteen isla markaana u sacaba tumeen. Shariif Xassan Shiikh Aadam afhayeenka Baarlamaanka Federaalka oo ah nin aad u jecel in uu markasta awood u leeyahay waxa socda ama uu yahay mashiinka kala wadaaya ayaa markaan u muuqda mid doonaaya in sida uu rabo loo yeelo ama uu raysalwasaaraha afka ciidda u daraayo sidii Prof.Cali Maxamed Geedi sanadkii 2o004 magaalada Nairobo. Wasiiradii xukuumaddii Cumar Cbadirashiid oo qaarkood dhaqaale xooggan ku samaystey musuq-maasuqa ku dhexjira Dawladda ayaa doonaayey in aan raysalwasaaraha la horgeyn Baarlamaanka ilaa uu xukuumadda dhiso markaasna la ogaado qofka wasiirka ah iyo kii waayey, sidoo kale Shariif Xassan ayaa si gaar ah u wata wasiirada qaarkood isla markaana doonaaya in isagu soo xulo kuwa ka imaanaya Beeshiisa, isaga oo qaarkood oo Madaxweynaha ay jaal yihiin doonaaya in uu banaanka dhigo. Si kastaba ha ahaatee lama dhihi karo khilaafku waa dhamaadey, khilaafku waa mid waqtiga la socda isla markaana waxaa la isku haystaa waa wasiiro aan lahayn wasaarado ay ku shaqeeyaan, ama wasiiro loo magacaabayo meel aysanba ka talin karin sida Cirka iyo Duulimaadka. Kulankii Baarlamaanka ee la doonaayey in kalsoonida lagu siiyo Raysalwasaaraha ayaa natiijo la’aan ku dhamaadey kadib markii inta dooneysa in ay helaan wasiiro ama ay ogaadaan cidda noqoneysaa ay ka soo horjeesteen in loogu codeeyo Raysalwasaaraha si gacantaag ah oo muuqata. Sida lagu yaqaan Xildhibaanada Baarlamaanku markii ay doonayaan in ay arin diidaan waxa ay ku doodaan in codeyntu noqoto mid qarsoodi ah, marka ay doonayaan in ay wax meel mariyaana labada gacmood ayey kor u taagaan. Xildhibaanada ku sugan Muqdisho waxaa lagu qiyaasaa in ay gaarayaan 350 Xildhibaan, Rayalwasaaruhu waxa uu u baahan yahay in uu ka helo codad gaaraya 276 cod si uu u shaqeyn karo, haddii uu taas waayo waxa ay noqoneysaa in Madaxweynuhu dib isaga (farmaajo) ama qof kale u soo magacaabo taas oo ah mid aan waqtigu u saamaxayn dawladda xargaha caara caarada ka laadlaadda. Waxaa maanta (Khamiis) dib u bilowdey wada hadalo hoose oo u dhexeeya Shirguddoonka iyo madaxweyne Shiikh Shariif, sidoo kale waxaa socda wadahadal lagu qancinaayo xildhibaanada doonaya in si qarsoodi ah codeyntu u dhacdo waxaana wakiil u ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo mar ahaan jirey wasiirka qorsheynta. Ugu danbeyntii, war murtiyeedkii ka soo baxay wakiilka qaramada midoobey ee Soomaaliya Dr.Mahiga ee uu ku taageeray Raysalwasaaraha cusub ayaa lagu sheegay in, aan loo dulqaadan doonin khilaaf kale isla markaana waqtigu uu yahay mid aan u saamaxayn ee horey loo dhaqaaqo, laakiin waxaa muuqata in khilaafkii weli taagan yahay iyada oo ay is casileen Adan Madoobe iyo Cumar Cabdirashiid, waxaana sii libdhaaya kalsoonida beesha caalamku ku qabeen Dawladda federaalka Soomaaliya. I. Haji Said Horseed Media
-
Madaxweyne Shiikh Shariif oo Ka Hadley Buug uu Qorey Raysalwasaare Farmaajo October 21, 20101 Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shiikh Shariif oo maalintii shalay (Arbaco) khudbad dheer ka horjeediyey kulankii baarlamaanka federaalka, khudbadda madaxweynaha ayaa ku saabsaneyd mid uu taageero ugu raadinaayo Raysalwasaare Farmaajo. Waxyaabaha uu ka hadley madaxweynuhu waxaa kamid ahaa buugii qalinjebinta ee uu qorey raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed, (U.S STRATEGIC INTEREST IN SOMALIA) kaas oo maalmihii la soo dhaafey aad loogu qaybinaayey magaalada Muqdisho isla markaana lagu soo daabacay meelo kamid ah Internetka. Buugga uu qorey Raysalwasaaruhu ayaa dadka qaarkiis waxa ay ka qaadeen anfariir, waxaana dadkaas u badan taageerayaashii Jamhadii USC iyo weliba SSDF, waxaana loo arkey qoraalka Farmaajo mid taageero weyn u ahaa Madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre 1969 – 1991, isla markaana uu aad ugu dhaleeceeyey beelihii taageersanaa USC. Sidoo kale waxa uu aad uga hadley danaha dalka Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya, taas oo markaan ah mid xasaasi ah oo qofkii ka hadlaa xilalka sare ee Soomaaliya haddii loo magacaabo jaahwareer la geliyo siyaasadda Soomaaliya. Raysalwasaare Farmaajo ayaa ahaa nin aan aqoon loo lahayn, isla markaana ku cusub siyaasadda Soomaaliya, waxaana siyaasiyiinta qaarkood ay ku doodeen waxaan raysalwasaaraha ka baranaynaa wixii uu qorey taas oo muujineysa qofka uu yahay. Madaxweyne Shiikh Shariif oo u muuqdey qof loo geeyey buuggii qalinjebinta ee Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa si toos ah uga hadley qoraalada raysalwasaaraha waxaana uu sheegay oo hadalkiisa kamid ah. Podcast: Play in new window | Download “…..Waxyaabaha laga dhawaajiyey beryahan tusaale ahaan 4.5 ama waxybaaha kale ee siyaasadda loola jeedo ee la qaybiyey, waxaan rabaa in aan dul istaago, nebigu waxa uu yiri fidnida ka dhawrsada, ilaahna waa lacnaday, dadka Soomaaliyeed khilaaf ayaa soo dishoodey, waxa wax noogu dhisan yihiin meelna ugama guuri karno, waxa ay wax noogu dhisan yihiin sow 4.5 maaha? meelna uga leexan mayno, caadifadna ugama guuri karno, rabitaana ugama guuri karno, waxaan uga guuri karnaa hab sharci ah, hadalka raysalwasaarahana tafsiir xun ayaa la siiyey….” markaas Madaxweynuhu waxa uu ka hadlaayey hadalkii uu Raysalwasaaruhu ka noqdey ee ku aadanaa 4.5 waxba kuma soo dhisaayo. Mar uu ka hadlaayey Madaxweynuhu buuggii uu qorey Raysalwasaare Farmaajo ayuu sheegay Madaxweynuhu “….Arimaha kale ee la qaybiyey waxaan shaki ku jirin in aan wanaag looga jeedin, qofku markii uu Academik yahay waxaa laga rabaa tixraac in uu la yimaado, rabitaankiisa ma qori karo, waana looga horeeyey (Farmaajo) qoraaladda la qaybiyey oo dhan waxaa qoran in raysalwasaaruhu ka soo qaatey meelo kale, qofkii ugu horeeyey ee Soomaaliya wax ka qorey ama Soomaali ha noqdo ama ajnabi ha noqdo khalad waa geli karaa, laakiin in aan saxno waa wax anaga nagu xiran…” “Wixii Academic ah meesheeda aan u dhaafno, maalinkasta waxbaa la qoraa, wax xun iyo mid fiican, inaguna waxbaan ku leenahay” “…Arinta Deriska (Itoobiya) anagu waxaan dooneynaa in aan dersikeena nabad kula noolaano, iyo deris wanaag anagu colaad ma wadno ciddii nala shaqeysaana colaad ma wadi karto, cidii colaad wadda waxa ay jebineysaa waxa noo dhexeeya ee heshiiska ah….” . “Warku waxa uu lee yahay meel wanaagsan oo laga soo qaato iyo meel xun oo laga soo qaato waxaan jeclaan lahaa in meesha wanaagsan aan ka qaadano” “…Qof walba oo wax qoraa waxa uu qoraa wax fiican maaha waxaa khalad ka nasahan kitaabka rabbi iyo xaddiiska nebiga (nnkh), wixii ka soo haray waxa ay noqonayaan aragti…” “Waxaan hubaa arimahaas oo dhan in ay furi karaan baal dib u heshiisiin oo sax ah, qofkii Soomaaliya wax ka qorey waxa uu haystaa fursad ah, in uu macluumaad kale uruuriyo, Maanta ayuu fursad haystaa (Farmaajo) in uu saxo, waxaan jeclaan lahaa in fursaddaas la siiyo oo uu saxo, isaguna waxaan aaminsahay in uu diyaar u yahay….” Hadalka madaxweynaha ayaa iftiiminaaya in uu jiro guux badan oo ay qabaan Xildhibaanadu kaas oo ku aadan buuga uu qorey raysalwasaare farmaajo, waxaana hadalka madaxweynaha ku cad in uu arko wax qaldan wixii uu qorey raysalwasaaruhu isaga oo yiri diyaar ayuu u yahay in uu saxo qaladkiisi. Buuga qalinjebinta Raysalwasaaruhu waxa uu qorey muddo sanad ka hor ah, waxaana uu cinwaan uga dhigey Istaariijiyada danaha dalka Maraykanka ee Soomaaliya, waxa uu ka kooban yahay 86 page, qofkii awood u leh in uu akhristo Hadaba mala dhihi karaa sababta uu u baaqdey in la siiyo kalsoonida Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi waa Buugga uu qorey oo arimaha Itoobiya iyo beelaha Soomaaliyeed aad uga hadlaayo iyo wixii halkaas Soomaaliya dhigey?, jawaabta akhristaha buugga ayaan uga tegeynaa maaha akhrisataha qoraalkan yar ee kooban. Horseed Media
-
Puntland puts an end to Agent Attams delusions! NEW PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Jacaylbaro: How many times Bugland will put an end to Atam horta ?? The mans delusions have been destroyed, his home, his base of operation and now even his deep base in the bushes and weapons are in the hands of the state. A man hiding in thick bushes and hills, with as he said 400 well armed men, was chased out and defeated. You on the other hand could not even stop 300 armed walking in a stright line for three days.. It wont end untill we have him behind bars..But so far his delsuions of grand leadership has ended. -
Puntland puts an end to Agent Attams delusions! NEW PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Clean up job -
Puntland puts an end to Agent Attams delusions! NEW PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Thankful: I don't think this will be over until that criminal is captured but I do like the attacks on him before he can regroup. The photo's can't be disputed, the radical diaspora that supports Atam can never provide video or photo images of any of their claims. Well don't Puntland! indeed it won't be over untill he is caught, but the damage done is great. -
U.S. trying new approach in Somalia to fight insurgency
General Duke replied to xiinfaniin's topic in Politics
It may increase violence and inStability but it may help with development and economic progress. The US is on the right track. Regardless of those who wishfully thi k this is about a Man or a clan. No this is about the success if the Northern states and Puntland wins big because of it's Unionist stance. In the key areas of Health & Education the states young Ministers under Faroole have made great strides and it's great that their hard work is being recognized. Again Puntland survived for 12 years on it's own merit, the support of the worlds only super power can make it even more succesful and secure. -
^^^ Nassir Adeer there is no point in quoting yourself is there now. It's been more than 4 months now and all we have is Attam running around the bush losing every hideout he sets up, deeper and deeper into the jungle he goes. If he was winning and giving such a hard time would we not have had him and his troops showing thier faces in comfort? I know the Nasser I have known in SOL was man who used to measure his words and back up his arguments. Now it'd a different creature all together. Again Nassir we o ly have your words to go by. The State had already provided pictures and Audio to the world and you can clearly see how comfortable the Puntland troops are in those pictures.
-
U.S. trying new approach in Somalia to fight insurgency
General Duke replied to xiinfaniin's topic in Politics
The US policy is most welcome, and the largest Somali American community will welcome this change and work as a bridge between our two countries. More educational institutes, vital infrustructure and influance is never a bad thing. Puntland State and those who love the State welcome this new approach. -
Nassir Adeer this policing operation will continue unill little Attam is caught. Now he lost the whole region and has not even spoken let alone shown his face. We have told you long ago, this was a conflict between Al Shabaab and their local agent and the State of Puntland. The whole state including it's top leaders Gen Ilkajiir and Gen Abdi Samad, including AbdiJamal a deputy Minister who hails from Galgala. Again the State had the upper hand, regardless of the usual useless outcries from some individuals.
-
Diin-digle: Puntland sends a message to Al Shabab + press visit PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
I am not sure how reporting news equates to celebrations. Clearly we see Galgala region with the States troops, yet all you are providing is the same old stories with no evidance. Anger is not required now lads, comon sense needs to prevail. -
Not sure why it is hard you can not provide a single pic of Attam or his fighters or even Audio. Clearly if one group is providing all the evidance, then it has the upper hand. Right now and since the beggining the State has had the advantage, all our Agent Al Shabaab have provided is talk and more talk and anger. We have the States comanders out in the open and the mountain is clear, and we have yet to see a single pic of Attam.
-
Nassir the was over long ago brother, the clean up and policing op's will continue. Yet it seems it is being waged all by yourselves in the West hence the anger and over the top news. The State has provided pics, and even Horseednet not a fan of Faroole has reported on this. We have a reer Miye guy and wild reports from the Attam side. Keep it up.
-
Diin-digle: Puntland sends a message to Al Shabab + press visit PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
source +AUDIO -
Puntland puts an end to Agent Attams delusions! NEW PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Chaos in Somali parliament delays vote on PM
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalia: lawmakers end session with no PM confidence-vote Wednesday, 20 October 2010 20:44 Written by GAROWEONLINE Prime Minister-nominee Mohamed Abdullahi Somali legislators met in the parliament to debated the confidence vote for the new Prime Minister Mohamed Abdullahi Farmajo who was appointed earlier this month by TFG President Sheikh Sharif Ahmed, Radio Garowe reports. Reports say there was disagreement between the 380 lawmakers who attending Tuesdays session regarding the confidence vote. The meeting that was chaired by the Speaker Sharif Hassan Aden also attended by President Sharif and newly- nominated Prime Minister. Both the President and Parliament Speaker of TFG appealed to the federal MPs to vote Farmajo as the country’s new Prime Minister so he could form a new government. "I appointed the new Prime Minister for the reason that he can bring a solution to the crisis that TFG experiencing now, am appealing you to vote for him," President Sharif told the lawmakers. The 48-year-old Farmajo is a former employee of Somalia's Foreign Ministry and served as an embassy diplomat in Washington. Until his appointment, Mohamed lived and worked in the U.S. state of New York. Prime Minister has publicly opposed to the foundation of the TFG -- the 4.5 clan power-sharing system. But Farmajo quickly released a statement Monday saying the media "exaggerated" his 4.5 comments. President Sharif was reportedly frustrated by Farmajo's slip-up, and on Tuesday, Sharif defended what he called, "No interfering with the current constitution unless through public referendum". Prime Minister-nominee Farmajo, who addressed the MPs on Tuesday's session, said: "I will name an administration based on 4.5 system which the government [TFG] is based on, which seems is a solution at this moment. I will put much effort to find ways to work with the parliament." Farmajo specifically named a few major tasks he planned to accomplish, including providing money and services to the TFG security forces and offering peace talks to the insurgents like Al Shabaab. "If they [insurgents] refuse peace, we will remove them from Mogadishu and take the war to the outside regions," PM-nominee Mohamed Farmajo from New York told Somali TFG lawmakers in Mogadishu. -
Chaos in Somali parliament delays vote on PM Wednesday, October 20, 2010 MOGADISHU (Reuters) - Somalia's parliamentary speaker postponed on Wednesday a vote to endorse the newly appointed prime minister after the Horn of Africa nation's assembly descended into chaos. Lawmakers got into shouting matches over whether the vote should be conducted in secret or openly. President Sheikh Sharif Ahmed last week picked U.S.-educated former diplomat Mohamed Abdullahi Mohamed to lead his government after the previous premier quit, paying the price for failing to rein in a three-year Islamist insurgency.Postponing the vote until Saturday, Speaker Sharif Hassan Sheikh Aden proposed that it be held in secret.Once nominated by the president, the prime minister's appointment must be approved by parliament. Earlier, Mohamed told legislators he came free of political baggage. "I do not belong to any group, religious or political, or any other group other than I am a Somali citizen who wants to take part in the development of this nation which has had no effective government for about two decades," he said. Some analysts cited a widening divide between Ahmed and the speaker, who deputises for the president when he travels or if he is incapacitated, and said the postponement was only a delaying tactic. "There is a big rift between the president who wants members of parliament to approve the new prime minister and the speaker who seems to have a different view judging by what happened today," said Ahmed Elmi, a Mogadishu-based political analyst. "I believe this will hinder this already weak government (effort) to move forward," he said. Horn of Africa experts say the Western-backed interim government has failed to make any significant strides towards stabilising anarchic, war-torn Somalia. Critics say the government is plagued by internal feuding and corruption.Ahmed's administration is propped up by African Union peacekeepers in Mogadishu, but Islamist rebels control large chunks of the capital and much of south and central Somalia. (Reporting by Abdi Guled; Writing by Richard Lough; Editing by Mark Heinrich) Source: Reuters
-
Puntland puts an end to Agent Attams delusions! NEW PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Diin-digle: Puntland sends a message to Al Shabab + press visit PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
“….Arintaani waa fariin aan u direyno dhamaan kuwa diinta ku gabanaaya in Puntland aysan ahayn meel cidla ah oo la hawaysan karo, ee wa la eegi doonaa doonidkasta oo arintaas ku saabsan….” ayuu yiri. Gen Said Dheere. -
Diin-digle: Puntland sends a message to Al Shabab + press visit PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wararka Horseed Media ay helayso ayaa sheegaya in Dawladda Puntland ay bilowdey durba dhaq-dhaqaaq ku aadan sidii loo dhamayn lahaa khilaafka ka dhashey dagaalkaas iyada oo cuqaasha iyo waxgaradka deegaanadaas xiriir la samaysey sidii noloshu caadi ugu soo laaban lahayd isla markaasna aysan sinaba raali uga noqon ee deeganaadaas aysan gabaad ugu noqon ama xeryo aysan ka samaysan kooxaha ka soo horjeeda Puntland. Horseed Media -
Diin-digle: Puntland sends a message to Al Shabab + press visit PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dhanka kale waxaa suxufiyiintu ay gaareen dusha sare ee buurta Diin Digle waxaana halkaas ay ku soo arkeen teendho la sheegay in ay ahayd halkii raashinku u yaaley ,waxaana halkaas ay ku soo arkeen raashinka noocyadiisa kala duwan kuwaas oo ku cabeysan kiishash. Sidoo kale waxaa saxaafadda loo soo bandhigey qalab kala duwan oo ay ku jiraan waxyaabaha qarxa iyo weliba furayaasha miinooyinka dhulka laga kiciyo oo aad u badan, kaamarada wax lagu duubo, Matoor dabka dhaliya iyo dhalo telefishan. Waxyaabaha saxaafaddu soo aragtey ayaa waxaa kamid ah shan gaari gaari oo ay iska lahaayeen ciidanka Attam kuwaas oo noocyo kala duwan isugu jira, waxaa sidoo kale saxaafadda loo soo bandhigey rasaas aad u faro badan iyo hubka darandooriga u dhaca hoobiyaal, rasaasta baasuukaha. Mar suxufiyiinta tegay deeganaada dagaalku ka dhaceen ay weydiiyeen Taliyaha ciidanka difaaca Puntland gen.Siciid Dheere, halka uu ku danbeeyey ninkii hoggaaminaayey ciidanka ay la dagaalameen ayaa sheegay in uu buurta casha ah ku baxsadey isaga oo qof shacab ah iska dhigey, laakiin waxaan wadnaa dedaal aan ku soo qabanayno waanuna ku raadjoognaa ayuu yiri. Dagaalada ka dhacay buuraha ay dhacdo degmada Galgala ayaa bilowdey 23 Bishii Juun ee 2010 kadib markii ciidamo taabacsan wadaadka Attam ay weerar ku qaadeen goob kontoorool ahayd oo ay ku sugnaayeen ciidanka Puntland goobtaas oo ku taaley tuulada Karin ee Bosaso u jirta 40km, dagaaladan ayaa geystey khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana sidoo kale ay sababeen in laga barakaco deeganaada Galgala. -
Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland oo Shir Saxaafadeed Ku Qabtey Diin-digle Taliskii Ciidanka Attam ee Buuraha Galgala [sawiro + Cod] October 20, 20101 Share Maalmihii la soo dhaafey waxaa ka socdey buuraha ku dhaw magaalada Galgala ee gobolka Bari dagaalo u dhexeeyey ciidanka dawladda Puntland iyo ciidamo ka soo horjeeday kuwaas oo uu hoggaamiyo wadaadka lagu magacaabo Maxamed Siciid Attam oo isagu sheegtay in deegaanka Galgala uu kaga dhawaaqey maamul Islaami ah, waxaana uu dagaal toos ah kala horyimid Puntland.Dagaaladan ayaa bilowdey 17.10.2010 oo ku beegnayd Axaddii la soo dhaafey, waxaana ay soo afjarmeen maalintii shalay oo ku beegnayd 19.10.2010, kadib markii ciidanka Puntland ay u suurta gashey in ay qabsadaan saldhigii u danbeeyey ee ciidamada ka soo horjheeday. Qaybaha kala duwan ee saxaafadda magaalada Bosaso ayaa maalintii shalay booqasho ku tegay goobahaas si ay uga soo warbixiyaan wixii ay halkaas ku soo arkeen, waxaana fiidnimadii caawa (Arbaco) ay dib ugu soo laabteen magaalada Bosaso. Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa saxaafadda kula hadley goobtii u danbeysey ee dagaalku ka dhaco, Jeneraalka ayaa sheegay in dagaalku socdey muddo saddex maalmood ah. “….Dagaalku waxa uu ka dhacay ilaa shan goobood, kuwaas oo kala ah Dhagax daabur, Madarshoon, Dhagaxdheer, Karin Xaragood iyo goobta aan maanta idinkula hadlaayo ee Diin Digle, Markii uu ku jabay Attam bilihii la soo dhaafey dagaalkii Galgala ayuu Diin Digle ka dhigtey Saldhigiisa u danbeeya oo u weyn saadkuna u yaalo, Diin Digle waa meesha ay ku dhamaato wadada isku xirta Bosaso iyo Galgala, wixii intaas ka danbeeya buurta Casha ah ayaa la galayaa, mana jirto waddo ka danbeysa….” ayuu yiri Gen.Siciid Maxamed Xirsi. Gen.Siciid Maxamed Xirsi ayaa amaan u jeediyey ciidanka Puntland waxaana uu tilmaamey in si wanaagsan iyo weliba sidii la rabay ay ku soo gebagebeeyeen hawlgalkii bilowdey saddex maalmood ka hor, qolyihii ka soo horjeeday ayuu sheegay intii dhimatey maahee in qaybihii kale ay u baxsadeen buurta iyaga oo keligood ah oo lugaynaaya isla markaana iska tuuray dhamaan hubkii ay wateen. “….Arintaani waa fariin aan u direyno dhamaan kuwa diinta ku gabanaaya in Puntland aysan ahayn meel cidla ah oo la hawaysan karo, ee wa la eegi doonaa doonidkasta oo arintaas ku saabsan….” ayuu yiri. Dhanka kale Gen.Siciid Dheere ayaa sheegay in hawgalkaani aanu ahayn mid reer lagu duuley, waxaa hawlgalkaan ka qaybqaatey dhamaan shacabka Puntland, waxaa jirta kuwo ku dooda dahab ayaa la doonaayaa taasna waa warxumatashiil, mana jirto dan gaar ah oo halkan laga lee yahay. “… Inta uu jiro qof burcad ah oo diinta ku adeeganaya dagaalku waa soconayaa, inta nin qori sitaa oo maamulka Puntland xabad ku soo ridaayo dagaalku waa soconayaa Ciidankii halkaan aanu ka saarney ee nala dagaalamay waxa ay u badnaayeen dhalinyaro ka timid magaalada Burco ee gobolka Togdheer, kuwo ka yimid Baydhabo iyo meelo kale ee fog fog waxayna ahaayeen dad mashruuc soo qaatey ama lagu qaatey….” Ugu danbeyntii Jeneraal Siciid Dheere ayaa sheegay in khasaaraha soo gaarey ciidanka Puntland uu yahay hal nin oo ka dhintey iyo sideed askeri oo dhaawac ah, dhanka kale ayuu sheegay in dhimashada ay ururiyeen ay gaareyso ilaa 20 nin laakiin dhaawacooda ma tiro koobin ayuu yiri.
-
Puntland puts an end to Agent Attams delusions! NEW PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Puntland puts an end to Agent Attams delusions! NEW PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics