General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Wafdi ka Kooban Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland, Qunsul sharafeedka Soomaliya ee wadanka Turkiga, Gudoomiyaha jaamacada Stampul, Gudoomiyaha Jaamacada PSU Proff, Maxamed jaamac Salaad, Gudoonka Waxbarashada ee Degmada Gaalkacyo iyo Masuuliyiin kale ayaa Waxay Kormeer ku sameeyeen Xarumaha Waxbarashada ee Degmada gaalkacyo, Waxayna la Kulmeen Madexda Waxbarashada ee Dugsiyada H/dhaxe, kuwa sare iyo Qayb ka mid ah Jaamacadaha Gobalka. Wafdugu wuxuu ugu horayn booqday Dugsiga Sare ee Cumar samatar Waxayna warbixino ka dhagaysteen Maamulaha Dugsiga Proff, Cawsay, sidoo kalan Waxay Mareen in badan oo ka mid ah fasalada Duruustu ay ka socoto. Waxaa ku xigay Dugsiga H/dhexe ee Salaama, Waxayna Sidoo kale Warxino isweydaarsadeen Maamulka Dugsigaasi , Waxayna Wafdiga ka Codsadeen Dhinaca Tasiilaadka Waxbarashada in laga caawiyo. Wafdigu waxay sidoo kale Booqdeen jaamacadaha Puntland State University iyo East africa university oo labadooduba ku yaala Magaalada gaalkacyo, Waxayna Warbixino ka dhagaysteen Maamulka Jaamacadan oo uga Warbixyay Qaabka ay Jaamacadahan u shaqeeyaan iyo Sida Duruusta ka baxda ay tahay. Wafdigana ayaa ugu dambayntii aad u soo dhaweeyay Heerka Waxbarasho ee Gobalkani Mudug uu Marayo Waxayna tilmaameen Waxbarashada Deegaankani in ay tahay mid Wanaagsan oo laga heli karo Dad Khibrad farabadan leh. Kormeerka Wafdigani ayaa imaanaya Xilli Qayb ka mid ah wafdigani ay Hawlo Caafimaad ka Wadaan Cisbitaalka guud ee Degmada gaalkacyo oo ay ku sugan yihiin Dad farabadan oo caafimaad Doon ah. Cumar Afguduud Allidamaale.com Gaalkacyo
  2. The Boston poster is a bit over the top, but we have learned in Minneapolis that the man deserves all the praise and credit for what he has achived in Galkacyo.
  3. Galkacyo, Oct 24 - Wasiiru dawlaha maamul wanaaga Puntland oo ka waramay habsami u socodka hawlaha caafimaad ee cisbitaalka guud ee Galkacyo ...
  4. Dhakhaatiirtu waxay kaloo sheegeen in dareenkoodu uu aad u wanaagsan yahay maadaama ay ku jiraan hawlo bini’aadantinimo oo ay u fulinayan walaalahood Islaam ah (Soomaali), waxayna saxaafada u sheegeen inay mahad balaaran u jeedinayaan shacabka Gaalkacyo oo soo dhaweyn iyo marti soor wacan kusoo dhaweeyey isla markaasna si toos ah ula shaqeynaya. Dhakhaatiirta Wadaniga ah ee Gaalkacyo, Shaqaalaha isbitaalka guud ee Gaalkacyo iyo Madaxda wasaaradda caafimaadka Puntland oo uu ugu horeeyo wasiirka Caafimaadku ayaa iyaguna heeganka iyo shaqada adag ee dadka loogu adeegyo ku jira isla markaasna ku caawinaya dhakhaatiirta kale waxyaabaha ay u baahan yihiin iyadoo wasaaraddu ay kormeerka iyo isku dubaridka ay siweyn ugu jirto oo ay agaasimayso hawlaha soconaya oo dhan.
  5. ^^^So why compare him to the great heretic of the Prophet pbuh time?
  6. Shirweyne nabadeed ee haweenka Somaliya oo ka furmay Garowe. Garowe, Oct 25 - Shirweyne nabadeed ayaa uga furmay Garowe, caasimada Puntland haweenka Somaliyed oo ka kala yimid badi gobollada Somaliya, wadamada Waqooyiga America, Europe iyo Afrika. Madax ka tirsan golayaasha dawlada Puntland, ururada haweenka ee gobollada Somaliya, iyo mas'uuliyiin ka tirsan hay'adaha QM ayaa ka soo qayb galay furitaanka shirweynaha. Madax ka tirsan golayaasha dawlada Puntland, haween ka kala yimid gobollada Somaliya sida Puntland, Somaliland, koonfurta Somaliya, Jibuuti, Ethiopia, iyo qurbaha ayaa khudbado iyo maansooyin kala duwan oo ku saabsan ahmiyadda iyo doorka haweenka ee horumarinta bulshada, nabadda, iyo dhaqaalaha Somaliya ka soo jeediyey shirweynaha oo socon doona muddo 3 cisho ah (25-ka Oktoobar illaa 27-ka Oktoobar). Wasiirka haweenka & arrimaha qoyska ee Puntland Marwo Caasha Geelle Diiriye oo furtiaanka shirwqeynaha soo dhawaysay ka-qayb galayaasha shirka ayaa xustay ujeedada guud ee shirweynaha nabadeed ee haweenka Somaliya. Marwo Caasha waxaa ay sheegtay in ahmiyadda 1-aad ee shirweynuhu ay tahay: i) Ku bararaarujin haweenka Somaliyed kaalinta ay ku leeyihiin nabadda iyo ka hor taga colaadda, iyo is-faham ay yeeshaan dhexdooda, ii) Ku baraarujin haweenka Somaliyed in siyaasad ama dawlad kasta ha ka mid ahaadeene in ay jiraan wax ka dhexeeya, una baahan in haweenku ay garawsadaan waxa kulmiya si waara oo wadajir ah loo helo. M/weynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo furtiaanka shirka ka hadlay ayaa isna sheegay in dumarku ay yihin halbawlaha qoyska, ummadda, ayna kaalin mudan ka qaataan horumarka bulshada, ayna yihiin saldhigga buslheed ee ummadda. Waxaa uu xusay in loo baahan yahay in sare loo qaado waxbarashada gabdhaha, lana sharfo kaalinta haweenka ee arrimaha nabadda, siyaasad, dhaqaalaha iyo horunarka guud ee bulshada. Waa shirkweynihii ugu horeeyey ee noociisa ah oo lagu qabto gobollada Puntland. Wasaarada haweenka & arrimaha qoyska ee Puntland ayaa lahayd agaasimka iyo qabanqaabada shirweynaha, waxaana gacan ka gaysatay hay'ada UNDP. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
  7. Haweenka Somaliyeed oo kulan uga furmey Garowe Dhageyso Madaxweynaha Puntland oo ka hadley kulankaa... Daawo sawirada... FULL STORY
  8. ^^^They are also carrying out a needs assessment of the healthcare service in Puntland State, which they will take back to Turkey.. MSF is coming back and many other nations, and NGO's are on route. The Minister has done a remarkable thing and he needs our support.
  9. Dhakhaatiirta Turkiga ee Gaalkacyo ku sugan:- “Waxaan aragney xaalada caafimaad xumo oo laga naxo” Warbixin iyo Sawiro badan Posted by admin on October 25th, 2010