
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Its been clear for a long time that the anarchy in Southern Somalia sustains the secessionists project in Hargaysa. The blame was once heaped on Warlords and clan militia as evidence of Hargaysa’s progress. Today it’s the “Terrorist next door” with reference to the Al Shabaab occupied Southern Somalia. How can it be possible that the top leaders of Al Shabaab are now mostly from the Hargaysa clans? Also how can one deny that even a son of a “cabinet” minister of Siilanyu’s went and joined his uncle Godane in Mogadishu and within a fortnight became a brigade commander? Todays alleged findings if true is the smoking gun.. Somaliland is playing with fire by trying to keep the South Central in a state of turmoil and trying to start a war in Puntland..
-
Urur ay ku midaysanyihiin haweenka Soomaaliyeed oo looga dhawaaqay Garowe Khamiis, 28 October, 2010 (HOL)- Shir mudo sedex maalin ah ugu socday Garowe haween Soomaaliyeed oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee dalka iyo dibadiisa ayaa la soo gaba gabeeyay ,waxaana laga soo saaray go,aamo lagu taageerayo nabadda dalka. Waxaa shirka intii u socday lagu soo hadal qaaday arimo ay ka mid yihiin xalinta dhibaatoyinka ka jira wadanka gudahiisa iyo dib u soo noolaynta qarankii lumay,iyadoo ay goob joog ahaayeen hay'ado caalami ah. Kulankaan oo ahaa kulankii ugu horeeyey oo ay isugu yimaadaan haweenka soomaliyeed tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dowladii soomaliya ayaa waxaa ay ka soo saareen qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen: 1 - In 25-ka bisha October ee sanad walba la dhigo baroor diiq. 2 - In beelaha dega Puntland ee ay colaaduhu ka dhexeeyaan in ay heshiiyaan sida ugu haboon. 3- Waxaanu DKMG ah ugu baaqaynaa in ay xaliyaan khilaafka soo noq noqday ee hagaldaaciyey qaranimada soomaliya. Sidoo kale waxaa shirka looga dhawaaqay dalad ay ku midaysanyihin haweenka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo (Somali Women With out Borders),waxaana gudoomiye looga dhigay Marwo Caasho Cumar Geesdiir ookamid ahayd haweenkii ka socday gobolka banaadir . Ugu danbayntii masuuliyiintii ka soo qayb gashay xiritaankii shirka ee ka socotay Puntland ayaa ku booriyay haweenka Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan horumarinta nabadda ,waxaana lagu wada ballamay in shirarka noocaan ah sanadkii hal mar la qabto si looga wada hadlo dhibaatooyinka hadba jira. Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Bosaaso,Somaliya
-
Mogadishu Women’s leader reflects on her visit to Puntland
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Garowe: Update on International Somali Woman's conference: pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wasiirka Haweenka Puntland Oo Ka Hadashey Shirkii Haweenka Soomaaliyeed October 28, 20100 comments| leave your own! Share Wasiirka Haweenka iyo arimaha Qoyska Dawladda Puntland Caasho Geele Diiriye ayaa maanta ka hadashay shirkii haweenka Soomaaliyeed mudada saddexda maalmood uga socday magaalada Garoowe. Wasiirada ayaa sheegtay in shirkaan uu ahaa mid ay haweenka Soomaaliyeed ay kawada hadlayeen nabada ayna kasoo baxeen sadex qodob oo kala ah; -In ay haweenka samaystaan ururka midaynata haweenka Soomaaliyeed -In 25-ka Bisha October ay noqoto maalin ay haweenku sameyaan baroordiiq nabadeed -Baaq ku saabsan nabada kasoo ay u dirayaan dhamaan dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan Marwo Caasho Geelle ayaa sidoo kale sheegtay in aysan fududayn ururkaan ay samaynayaan oo ay qolo kasta qaybtooda ay ka samaysan doonaan oo hagaan laguna dhamaystiri doono shirkaan kan xiga hogaanka ururka. Wasiirka Haweenka waxaa ay sidoo kale sheegtay in ka wasaarad ahaan ay ballan qaadeen in shirkaan kan xiga kharashkiisa iyo qaban qaabadiisa ay iyagu bixin doonaan balse haweenka laga doonaayo meesha ay ku qabsandoonan. Shirkaan ayaa ahaa midkii ugu horeeyey oo noocaan kale lagu qabto dalka Soomaaliya oo ay yeeshaan Haweenka Soomaaliyeed. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe-Puntland -
Mogadishu Women’s leader reflects on her visit to Puntland
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Caasho Geesdiir waxay Mahadcelin balaaran usoo jeedisay Shucuubta reer Puntland & Mas’uuliyiints kaladuwan ee Puntland oo ay sheegtay in ay leeyihiin Wadashaqeyn balaaran taas oo keentay in ay Puntland gaartay Hor’umar aanan la taaban Karin. -
Muqdisho:”Puntland Waxaa naloo kusoo dhaweeyey si aanu ilaawi doonin”Gudoomiyaha Haweenka Banaadir. 28. oktober 2010 Muqdisho:(Allpuntland)-Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir Marwo Caasho Cumar Geesdiir ayaa maanta Warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho halkaas oo ay Maanta gaartay kadib markii ay Todobaadyadii lasoo dhaafay kusugnayd Deegaanada Puntland ayna booqatay qaarkamid ah Degmooyinka kaladuwan ee Puntland. Caasho Geesdiir waxay Mahadcelin balaaran usoo jeedisay Shucuubta reer Puntland & Mas’uuliyiints kaladuwan ee Puntland oo ay sheegtay in ay leeyihiin Wadashaqeyn balaaran taas oo keentay in ay Puntland gaartay Hor’umar aanan la taaban Karin. Gudoomiyaha Haweenka Banaadir waxay sheegtay in soo dhaweyn aysan marna hilmaami doonin loogu sameeyey Degmooyinkii ay booqdeen,waxaana ay Amaantay ururada Haweenka ee Puntland & Wasiirada dawlada oo uu madaxweynuhu hogaaminayo,iyadoo sheegtay in Iskuduubni weyne ay Puntland ka jirto, Sidoo kale Waxay Wasiirka Haweenka ee Puntland ku amaantay shirweynihii shalay soo dhamaaday ee ay agaasinta Marwo Caasho Geelle Diiriye,waxaana ay sheegtay in ay dadka reer Puntland ka go’antahay isku keenista Bulsho weynta Soomaaliyeed. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Marwo Fadumo Jibril speaks out against allegations
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Garoowe:(Allpuntland)-Xiriiriyaha Hay’adda Horn Releif Faadumo Jaamac Jibriil ayaa manta beenisay war kasoo baxaya Maamulka gobolka Sanaag ee dawlada Puntland kaas oo ahaa In ay Horn Relief iibisay qaarkamid ah Qalabkii Dekeda Laasqoray islamarkaasna loo maray qaab sharci daro ah. Marwo Faadumo Jaamac Jibriil oo maanta Shir Saxaafadeed ku qabatay Magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland ayaa sheegtey in ay Hay’ddu aysan weli si rasmi ah u iibinin Qalabka ay gacanta ku hayso,waxayse sheegtay in ay iibinayaan hadii ay helaan cid si rasmi ah ugala wareegta islamarkaasna ay iibintu u dhici doonto Qaab sharci ah oo lawada ogsoon doono. Xiriirayaha Horn Releif waxay sheegtay in ay doonayaan in qalabkan lagado sababo la xiriira qalabka oo ay sheegtey in imika hadii uu dhaafo uu noqon doono mid dayacma islamarkaasna uusan hadhow wax Manaaficaad ah yeelan doonin,waxaana ay sheegtay in lacagta kasoo baxda qeybo kamid ah lagu taageeri doono hor’umarka gobolka Sanaag. Cabdiqani Xayir Allpuntland -
^^^Well its clear that Puntland was right in cleaning up our regions of this filth, and Somali’s must follow the example set. They indeed have major designs of division and death and we say no to their evil.
-
Hargaysa: Party leader of NW Somalia comments of TFG fued..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Yeah every secessionist knows the truth even the chief clown of them all.. -
^^^Only NGOONGE is rightly trying his hand at damage limitation the rest seem to be mourning their old Colonial master...
-
Waxaa la gaaray xiliguu Dalabeey dhawaaqi jiray!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
source -
Brave are they not?
-
Hay’ada Horn Relief Oo Beenisay In La Iibiyey Qalabka Dekada Laasqoray October 28, 20100 comments| leave your own! Share Faaduma Jaamac Jibriil oo ah xirririyaha hay’adda Horn Relief ayaa maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Garoowe kasoo ay ka jawaabayso hadal uu dhawaan ka sheegay Gudoomiyaha gobolka Sanaag qayb kamid ah warbaahinta oo ku saabsan in Hay’ada Horn Relief ay iibisay qalab leedahay dekada Laasqoray. Waxaa ay sheegtay in hadalkaas uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn. ”…Waxaan beeninaaya in ay jirto in ay hay’ada gadatay qalab ay leedahay dekada Laasqoray oo uu Gudoomiyaha gobolka Sanaag sheegay, qalabka lagu sameyn lahaa dekada waxaa uu yaala dekada magaalada Bosaaso…”,ayay tiri. Faadumo ayaa sidoo kale sheegtay in qalabkaan hawshii lagu qaban lahaa dekada Laasqoray ay hor istaagtay kadib markii ay koox Burcadbadeed ah ay halkaasi la yimaadeen dad ay soo afduubteen. Dhanka kale waxaa ay sheegtay in qalabkaan ay hada kala hadashay maamulka hada jira, ayadoo intaasi ku dartay in aysan jirin cid tiri waanu la wareegaynaa qalabka hadii aysan jirin cid hay’ada kala wareegayso. Sidoo kale waxaa ay sheegtay in marka qalabka la gado ay ku bixi doonto dayn hay’ada lagu leeyahay, waxaa soo harayna ay dadka reer Laasqoray ay ugu shubi doonto (Account) si ay ugu samaystaan waxaa ay iyagu u baahan yihiin. Qalabkaan ayaa waxaa horay u keentay hay’ada Horn Relief, waxaana uu mudo labo sano ah yaala magaalada Bosaaso. Waxaana qalabkan horey loogu talo galay mashruuc ay waday Hay’ada Horn Relief oo ahayd dhismo dekkad yar oo ay yeelato degmada Laas Qoray ee gobalka Sanaag. Balse mashruucan ayaa noqday mid hirgeli waaya marxalado kala gedisan awgeed, ayadoo horey loogu qiyaasay dhismaha dekkadaasi lacag gaareysa malaayiin dollarka Maraykanka ah. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe-Puntland
-
Garowe: Update on International Somali Woman's conference: pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shirkan ka socday Garoowe sadexdii cisho ee lasoo dhaafay ayaa ahaa kii ugu balaarnaa ee abid ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya waxaana ka qeybgalay Boqolaal Haween ah oo ay kujiraan Xildhibaano Haween ah oo katirsan Dawladaha Puntland,Somaliland,Ethiopia,Kenya & Jabuuti iyadoo ay sidoo kale joogeen Haween magacweyn kuleh geyiga Soomaaliyeed iyadoo ay Maanta dhamaan Haweenkii shirkan ka qeybgalay ku faraxsanaayeen sida wanaagsan ee uu shirkan ku bilowday islamarkaasna kusoo dhamaaday -
Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa Maanta magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland kusoo gabagaboobey shir sadexdii cisho ee lasoo dhaafay Magaaladaas ugu socday Haween Soomaaliyeed oo ka kala yimid Qeybaha kaladuwan ee Geeska Afrika ay Soomaalidu ka degentahay & guud ahaan Qaaradaha kaladuwan ee ay Soomaalidu joogtu kuwaas oo ka xaajoonaya Nabadeynta Soomaaliya & qeybta Haweenka uga aadan. Shirka ayaa maanta laga soo saaray Qodobo kaladuwan kuwaas oo bilowgii lagu codsaday in la joojiyo Dagaalada ka dhacay Koonfurta & bartamaha Dalka iyadoo ay haweenku si gaar ah Kooxaha Muqdisho ugu dagaalamaya ka codsadeen in ay qaataan baaqan islamarkaasna ay joojiyaan Dagaalada dadku ku dhamaadeen. Sidoo kale Haweenku waxay isku raaceen in lasameeyo Dallad ay ku midaysanyihiin Haweenka Soomaaliyeed ee kusugan Dunida gaar ahaan Wadamada ay Soomaalidu ka degentahay Geeska Afrika,Yurub & Waqooyiga Maraykanka taas oo ay Haweenku ku sheegeen inay noqdoonto Dallada Haweenka ee aanan Xuduuda lahayn ayna ka qeybqaadan doonto deminta & Joojinta Colaada dhiiga Soomaaliyeed uu ku daadanayo. Waxaa sidoo kale Haweenka Soomaaliyeed ee shirka ka qeybqaatay ay Codsi u direen dhamaan Bahweynta Saxaafada Soomaaliyeed oo ay ka codsadeen inay ka caawiyaan ka qeybqaadashada Nabada ay imika bilaabayaan,iyadoo bulshada Caalamkana ka codsaday in laga qeybqaato Hor’umarinta Saxafiyiinta Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaarada Haweenka ee dawlada Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo kulankan lsoo abaabushay islamarkaasna ahayd Shirgudoonka shirkan ayaa sheegtay in uu shirku ku dhamaaday sidii ay filayeen,waxaana ay sheegtay in haweenku ay 25-ka bisha October u aqoonsaday maalinta Nabada Haweenka Soomaaliyeed. Shirkan ka socday Garoowe sadexdii cisho ee lasoo dhaafay ayaa ahaa kii ugu balaarnaa ee abid ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya waxaana ka qeybgalay Boqolaal Haween ah oo ay kujiraan Xildhibaano Haween ah oo katirsan Dawladaha Puntland,Somaliland,Ethiopia,Kenya & Jabuuti iyadoo ay sidoo kale joogeen Haween magacweyn kuleh geyiga Soomaaliyeed iyadoo ay Maanta dhamaan Haweenkii shirkan ka qeybgalay ku faraxsanaayeen sida wanaagsan ee uu shirkan ku bilowday islamarkaasna kusoo dhamaaday. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Garowe: Update on International Somali Woman's conference: pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Beautiful Somali young lady, welcoming the Turkish Medical delegation to Garowe May Allah bless our beautiful Women... -
15 killed in Southern Somalia, gunmen killed 6 clerics in 'Adado town 27 Oct 27, 2010 - 10:21:16 AM A military offensive by Somalia's interim government forces has left at least 15 people dead as the TFG soldier attempted to capture in Bakol region south Somalia from insurgent group, Radio Garowe reports. Heavy fighting between TFG troops and Al-Shabaab erupted in southern Rabdhure in Bakol region, where Al-shabaab controls. “Fierce combat started in the morning, dozen combatants from both sides were killed in the clashes,” witness told Radio Garowe. Upwards of 15 people were killed in Tuesday's clashes in Bakool region, next to Somalia's border with Ethiopia. Forces loyal to the Somali Government forces now controlling the battle field after Al-Shabaab rebels leave the places. On the other hand, at least 6 people loyal to Himan and Heeb have been killed by unidentified gunmen in the central Somali region of Galguduud, witnesses said. The religious men were gunshot by the gunmen after they left from the mosque. “The killing of top religious leader were miserable to the resident,” one of Adado official, Mohamed Aden Tiicey. Reports indicated that Ahlu-sunna was behind the attack but Ahlu-sunna spokesman Sheikh Abdullahi Abdirahman also known as Abu-yussuf denies the allegation, claimed that Al-Shabaab was behind tragedy. So, far no group has claimed the responsible. Somali government forces took over various districts since an offensive launched to take back areas held by militants. Al-Shabab militants took control of the several areas in Jan. 2009 after Ethiopian troops, who had entered to support Somalia's transitional government, withdrew from Somalia. GAROWE ONLINE
-
Three days of national mourning are in order for the Somali secessionists...
-
SL: Khilaafka DF oo laga hadlay 28 Oct 28, 2010 - 6:37:20 AM Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay markii ugu horeysay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Sh. Shariif iyo Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, isagoo sheegay inuu yahay khilaaf ku saabsan awood-bursi. Faysal Waraabe, wuxuu sheegay in khilaafkaas uu daba joogo khilaafkii uu isku casilay Ra'iisul wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, isagoo xusay inay ula muuqato in khliaafkan uu meesha kaga bixi doono Madaxweyne Sh. Shariif. "Haddii Sh. Shariif gacmaha loo qabtay Ra'iisul wasaarihii hore uuna taas isku casilay ma dhacayso in Shariif Xasan gacmaha loo qabto, balse isaga ayaa meesha ka bixi doona" ayuu yiri Faysal Waraabe. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa sheegay in Sh. Shariif uu doonayo inuu isagu awooda dalka oo dhan uu isku koobo, balse taas aanay beesha caalamku ka yeelayn, ayna ka hortagayaan inta aanu awooda oo dhan maroorsan. Khilaafka u dhexeeya Sh. Shariif iyo Shariif Xasan, oo horay saaxiibo u ahaa, ayaa gaaray heer ay beesha calaamku faragelin ku sameyso, si ay u qaboojiso khilaafka, balse lama oga wixii kasoo baxay kulan dhexmaray Augustine Mahiga iyo labada Shariif. Madaxweynaha Somalia iyo Gudoomiyaha Barlamanaka, ayaa isku khilaafay qaabka codka kalsoonida ah loogu qaadayo Ra'iisul wasaaraha cusub ee uu laba todoobaad ka hor soo magacaabay Madaxweyne Sh. Shariif. Gudoomiyaha UCID, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uusan waxba ka qaban arimaha dib u heshiisiinta iyo xasilinta dalka, isla markaana uu ku dhameeyay waqtiga muran kala dhexeeyay xubnaha ku hareeraysan ee talada la wadaaga. Muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda DF ayaa wuxuu saameyn xoogan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka, kuwaasoo laba garab u kala jabay, iyadoo koox ka mid ah ay qabto in codeynta laga dhigo gacan-taag, halka kooxda kalena ay qabto inuu ahaado qarsoodi.
-
Garowe: Puntland President meets Turkish Doctors..PIC
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Thanks for the update. -
Garowe: Update on International Somali Woman's conference: pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Qaar ka tirsan Haweenka kulanka uga qayb galey Somaliland -
Garowe: Update on International Somali Woman's conference: pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dumarka Puntland oo ka qayb galey kulanka Haweenka Somalia -
Garowe: Update on International Somali Woman's conference: pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wasiirka Wasaarada Hawenka Puntland Marwo Caasho Geele