General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Banadir defeats Nugaal.. Well done and great games, so far.. Now for Bari Vs Lower Juba
  2. http://somalitalkradio.com/cod/cshakuur_mire1.mp3 Audio
  3. CabdiShakuur Mire Aaden: Dawladda la soo dhisayo ma aha in laga doono Muqdisho – “Danta aan leenahay ka sugi meyno Muqdisho, 20 sano kaddib looma luga xirnaan karo loomana jilba xirnaan karo in la yiraahdo Muqdisho. Waayo iyaga maxayba hayaan waa 4 kiilo mitir. Taasi waa hawaawirka beenta ah ee dhibka ku ah ummadda Soomaaliyeed in dawlad aan dhawr kiilomitiri xakumin la yiraahdo waa dawlad.” …” maamulka TFG waa maamul dadka Soomaaliyeed loo sameeyey, wax laguu sameeyeyna kuma matalo,”…. ”Waana in caasumadda laga raro Muqdisho…” Sidaas waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud ee Puntland, CabdiShakuur Mire Aaden oo magaalada Jabuuti waraysi ku siiyey SomaliTalk.com: CabdiShakuur Mire Aaden, oo magaalada Jabuuti kaga qayb galay kulan ay yeesheen ururka Maskax-Maalka Soomaaliyeed (PEN) oo aan waraysi la yeelanay ayaan wax ka weydiiney qoraaladii iyo buugaagtii uu qoray iyo arrimo siyaasadeed oo la xiriira DFKMG, Puntland iyo Somaliland iyo sida uu u arko xalka Soomaaliya oo uu sheegay waa in ay ugu horayso in aan xalka laga raadin Muqdisho. C/shakuur Mire waxa rumaysan yahay in xalka Soomaaliya uu ku jiro nidaamka Federaaliisma, iyo in caasumadda Soomaaliya laga wareejiyo Muqdisho. Wasiir ku xigeenku waxa uu hadalka ku adkeeyey in Puntland aysan doonayn in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’do, isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri “Yaan ka goosaanaa, yaanse u goosanaa, Soomaalinimada ka goosan meyno.” Waxana uu yiri “Soomaalinimada waxaa laga diidan yahay waa Muqdisho.” … “Soomaaliya halka ay ka jirran tahay oo ka soo kaban la’dahay waa Muqdisho,” ayuu yiri. “Soomaalinimadu waxay ka dhowdahay Hargeysa, ee Muqdisho kama dhawa. Meesha wax laga raadinayo in Soomaaliya dawlad noqoto, in ay horumarto, in caqligii soo noqdo, ma aha in aan Muqdisho ka raadino, dad gaar ahna riixi maayo, waa in laga doonaa Baydhabo, Kismaayo, Hargaysa, Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo laga doonaa, ee ma aha in Muqdisho laga doono, labaatan sano ayaa lagu hungoobay, oo waxba ka soo bixi waayeen, in garashada, Soomaalinimada iyo soo noqoshada Soomaalinimada, iyo sharaftii maha in laga doono Muqdisho, ee waa in laga doono magaalooyinka kale.” “Waxaan kuu sheegayaa, oo ku celinayaa markale, in Soomaaliya nabadeeda aan laga sugin Muqdisho, oo aan laga soo bilaabin Muqdisho, dadka siyaasadda u horseeda ee Muqdisho ayagaa diidey, Soomaaliya halka ay ka socon la’dahayna waa inta la leeyahay Soomaaliya waa Muqdisho, Muqdishona waa Soomaaliya,” ayuu yiri C/shakuur Mire. C/Shakuur Mire oo Waraysi siinayey Maxamed ALLMAN, SomaliTalk jabuuti Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud ee Puntland waxa kale oo uu xusay in Maamulka Galmudug uusan ahayn maamul “base” leh oo sida Puntland oo kale u dhisan. Waxana uu tilmaamay in maamulka Galmudug uu yahay “Qayb ka mid ah magaalada Gaalkacyo iyo magaalada Hobyo.” Waxana uu xusay in Soomaaliya ay ku soo bateen waxa loogu yeero maamul samaysi oo laab la kac ah, waa sida Jabhabadihii Soomaaliya ka samaysmay, ee la wada baxay S-ta, ayuu yiri. Waxana uu si xooggan ugu dooday in xalka Soomaaliya uu yahay nidaamka Federaaliisamka. Waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha ay isku hayaan Puntland iyo Soomaaliland in ay ku dhamaysanayaan wada hadal oo aysan ku dhamaysanayn dagaal. Waxana uu sheegay in la adeegsanayo caqliga. C/shakuur Mire Aaden, Jabuuti Dec 2010 Waxa uu xusay dad hore looga celiyey Puntland isagoo sheegay in kumaanaan qof oo koonfurta Soomaaliya ka soo barakacay ay ku nool yihiin Puntland, waxaase la celiyey dhalinyaro da’doodu u dhaxayso 15 jir ilaa 30-jir oo looga shakiyey in ay tababar yihiin, ayuu yiri. Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd in heshiisyada ay gelayaan ay u soo maraan Dawladda Federaalka iyo in kale, waxa uu yiri “Danta aan leenahay ka sugi meyno Muqdisho, 20 sano kaddib looma luga xirnaan karo loomana jilba xirnaan karo in la yiraahdo Muqdisho. Waayo iyaga maxayba hayaan waa 4 kiilo mitir. Taasi waa hawaawirka beenta ah ee dhibka ku ah ummadda Soomaaliyeed in dawlad aan dhawr kiilomitiri xakumin la yiraahdo waa dawlad.” C/shakuur Mire Aaden waxa uu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Muqdisho laga raro caasimadda Soomaaliya. Soomaaliya soo noqoshadeeda Muqdisho waxaa uga dhow Hargeysa oo ay joogaan dad Soomaaliyeed oo dhahaya Soomaaliya ayaan ka go’nay, marka ma aha in waqti badan lagu lumiyo Muqdisho iyo dadka jooga. Balse waxaa weeye si Soomaaliya loo helo waa in waqti lagu lumiyo Hargeysa iyo dadka jooga ee dhehaya waanu ka goosanay,” ayuu yiri. “Maamulka Somaliland waxaa samaystay dadka Somaliland, maamulka Puntland waxaa samaystay dadka Puntland. Laakiin maamulka TFG waa maamul dadka Soomaaliyeed loo sameeyey, wax laguu sameeyeyna kuma matalo,” ayuu yiri. C/shakuur Mire Aaden oo hore u ahaan jirey wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland, haddana ah Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud ee Puntland, oo ka hadlaayey Saxaafadda iyo Puntland ayaa yiri “hadda ma jiro hal weriye oo ku xiran Puntland.”
  4. Garoowe:Takhaatiir Ajinabi ah oo Barnaamijyo Caafimaad oo Culus kawada Maamulka Isbitaalka guud ee Garoowe...(Warbixin). Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawlada Puntland kusugnaa Wafti Takhaatiir ah oo ay Wasaarada Caafimaadka ee Puntland ku casuntay gudaha Puntland kuwaas oo kamid ahaa Waftigii Turkhish-ka ahaa ee Horey dalka u yimid balse waqtigaas ka dib dhacay,Waxaana ay Takhaatiirtani howlo culus oo dardarleh kawadaan isbitaalka Guud ee Garoowe. Takhaatiirtan oo isugujira kuwa Daweeya Cudurada Haweenka Iyo Cuduro ay kamidyihiin kuwa ku dhaca qeybaha jirka ee Muhiimka ah gaar ahaan Dhegaha,Sanka,Afka & meelo kale ayaa Maalmihii lasoo dhaafay qaabilay Boqolaal Dadweyne ah kuwaas oo ka sheeganayey Cuduro kaladuwan,waxaana ay sidoo kale ay qaliimo kusumeeyeen dad ay Xaaladoodu liidatay. Agaasimaha Isbitaalka Guud ee gobolka Nugaal Maxamed Jaamac Xirsi ayaa APL u sheegey in Takhaatiirtan oo baahiyo waaweyn loo qabay ay qabteen Shaqooyin culus oo u badnaa eegis & Talo siin dhanka barnaamijyada Caafimaad ee Quseeya ah,waxaana uu sidoo kale sheegey in ay jiraan dad ay Xaaladoodu liidatay oo ay Takhaatiirtu u sameeyeen Qaliimo Caafimaad oo deg deg ah. Sidoo kale Agaasimuhu wuxuu sheegey in Takhaatiirtan oo mudadii loogu talagalay waqti horeleh ku darsaday ay intabadan maalinkii shaqaynayaan,isagoo sheegey inay jiraan Dad badan oo Qaliimo kaladuwan loo samaynayo kuwaas oo Qaliimahoodu ay bilaabmayaan Maalmaha soo socda,wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in ay Takhaatiirtani qabtaan Adeegyo Caafimaad oo Muhiim ah oo aysan bulshadu helin mudo dheer. Dhinaca kale Maxamed Jaamac Xirsi Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Garoowe wuxuu sheegey in Isbitaalka guud ee gobolka Nugaal ay shaqadiisu u socoto si habsami leh islamarkaasna ay socodaan Dhamaan qeybaha kaladuwan ee Isbitaalku ka koobanyahay gaar ahaana qeybta Bukaan socod eegtada,Qeybta Jiifka,Qeybta Sheybaarka,Qeybta Xaalada deg deg ah Iyo Qeybo kale oo ay habacsanaani kajiri jirtay balse maamulka cusub ee Isbitaalka garoowe ay waxbadan ka badaleen. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  5. Sonnet 46 William Shakespeare Mine eye and heart are at a mortal war, How to divide the conquest of thy sight; Mine eye my heart thy picture’s sight would bar, My heart mine eye the freedom of that right. My heart doth plead that thou in him dost lie, A closet never pierc’d with crystal eyes But the defendant doth that plea deny, And says in him thy fair appearance lies. To side this title is impannelled A quest of thoughts, all tenants to the heart; And by their verdict is determined The clear eye’s moiety, and the dear heart’s part: As thus; mine eye’s due is thy outward part, And my heart’s right, thy inward love of heart.
  6. *Blessed;682406 wrote: Duke, No one is putting the blame on individuals. Dawlada marka la soo qaado dadka u doodaya iyaga ayay jirtaa laakin Somaali oo dhan way ogtahay in aany dawladaasu Somaalida khayr ula iman. Some might choose to forgive but no one will forget. I don't see why that would be a problem. That government was brutal and its actions a historic crime against the people of Somalia. I agre with you. we should never forgett what took place in those dark days...
  7. Mudug has already played two of the strongest teams in Banadir & SOOL and did not lose. This shows their strength and depth.. Hope for an easy draw next round and on to the semi's..
  8. First of all May Allah forgive the dead and bestow his mercy on them. May he also forgive us of our sins and bestow his mercy. Zack said it correctly, he and the Somali people as a whole did not kill anyone. The remnants of the hated regime are today top leaders in Hargaysa . Including Siilanyu who was a top Minister of Siyaad Barre for 9 years, that’s nearly half the dictators rule. Riyaale who was an NSS commander and tasked with capturing and dealing with SNM supporters. Faisal Cali Waarabe was also a well known spy. Thus its absurd to attack the flag, Mogadishu and all the Somali people while rewarding the same members who directly took part in the massacre on behalf of the regime.. However no one can excuse no wish away the tragedy that took place against our people in NW Somalia. The regime was brutal and the poor innocent civilians in Hargaysa, Burco suffered as did their brethren in Galkacyu before them and Mogadishu, Baidoa and the south after.. Lets never forget the tragedy, but lets not blame those who did not partake in it while protecting and rewarding those who did..
  9. Its great that we have; Kismayu, Jowhar, Mogadishu, Bossaso, Galkacyu, Garowe, Beledweyne all in the next round..
  10. Well done to Mudug. My team is through to the next round.
  11. Ciyaaraha Gobolada: Nugaal Vs Hiiraan iyo Jubadda Hoose Vs Galgaduud Arbaco, 22, Dec, 2010 (HOL)- Afarta gobol ee galabta kuwada kulmay garoonka Mire awaare ayaa kala ahaa Jubadda Hoose Vs Galgaduud iyo Nugaal Vs Hiiraan oo ku kala jira Group-yada A iyo D. Ciyaartii ugu horaysay ayaa dhexmartay gobollada Jubadda Hoose iyo Galgaduud ,waxaana ay ahayd mid xiiso badan oo ay ka soo qayb galeen dad wayne aad u fara badan. Gobolka Jubadda Hoose ayaa u awood sheegtay gobolka Galgaduud ,iyadoo kulankii ay wada qaateen uu ahaa mid ciyaaryahannadu ay soo bandhigeen ciyaaro wanaagsan,waxaana ay ku soo dhamaatay Jubadda Hoose 3-1Galaguud. Kulanka kale ee aadKA loo wada sugayay waxaa u dhexmaray gobollada Hiiraan iyo Nugaal oo labaduba u soo gudbay wareega 8-aad ee koobka gobollada Soomaaliya. Waxaaa ciyaartii labada kooxood dhexmartay ay ahayd mid kooxuhu ay muujiyeen ciyaar wanaag ,hase ahaata waxa sedex dhibcood garoonka kala hoyday gobolka Nugaal 4-3 Hiiraan. Taageerayaasha xulka gobolka Hiiraan ayaa aaminsanaa in nasiibka uu ka hiiliyay gobolkooda ,isla markaana hadii waqti dheeri ah lagu dari lahaa ay la imaan lahayeeen goolka bar bar dhaca. Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Bosaaso,Soomaaliya
  12. ^^^lool. You need to do much better than that adeer. But thanks never the less.
  13. Garoowe:Natiijada Ciyaarihii Maanta ka dhacay Garoonka Caasimada Puntland. 22. december 2010 APL Garoowe:(Allpuntland)-Ciyaarihii Gobolada ee Koobka 18-aad ee Gobolada Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa weli si xiiso & Kulayba leh uga soconaya Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawlada Puntland oo sanadkaan martigelinaysa,waxaana Galabta wada ciyaaray Afar Kooxood oo kamid ah 15-Gobol ee ka qeybqaadanaya Ciyaarahan kuwaas oo kala ahaa Galguduud,Jubada Hoose,Hiiraan & Nugaal,waxaana ay kooxuhu galabta u ekaayeen kuwo aanan nasinayn Shabaqyada Goolasha qaarkood. Ciyaartii Koowaad ayaa galabta dhexmartay Kooxaha Galguduud & Jubbada Hoose,waxaana ay Xulka gobolka Jubadda Hoose galabta u ekaayaan kuwo usoo diyaar garoobay Weerar culus oo ay ku qaadaan Goosha gobolka Galguduud,waxanaa ay taasi goobta ka raacisay guushii ugu balaarnayd. Ciyaarta labadan Kooxood ayaa ahayd mid culus,waxaana galabta shabaqa gobolka Galguduud uu ahaa mid aanan ka nasan Kubbada ka imaanaysa Xulka Gobolka Jubbada Hoose,waxaana ay Ciyaartaasi kusoo dhamaatay buundooyin kala fog markale loo eego ciyaarihii hore iyadoo ay ku dhamaatay 3-1 taas oo Gobolka Jubbada Hoose uu goobta kala tagay Dhibco badan oo Mustaqbalka Ciyaarihiisa meel dahab ah ka gashay. Dhinaca kale waxaa iyana Isla galabta Mire Awaare ku ciyaaray Xulalka Gobolada Nugaal Iyo Hiiraan,waxaana ay labadan Gobol u ekaayeen kuwo ay Ciyaartooda ahayud mid adag islamarkaasna ay kooxuhu waxba ukala haraynin,iyadoo kusoo dhamaatay 4-3 ay Guusha ku raacday gobolka Nugaal ee Puntland oo ah Martigeliyaha Koobkan. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  14. Todays scores: Nugaal 4: Hiiraan 3 Lower Juba 3:Galgaduud 1
  15. Greatest leader of "Somaliland" Bsc in Qad, MSc in Beating up an SNM supporter Salaax, your greatest leader Dahir Riyaale Kahin. completed his undergraduate Degree in Qad Merchandising at Abo Siyaad Technical School. Then he went to graduate School and studied how to beat up an SNM supporter earning his NSS Diploma with distinction. He then got a job making millions as the leader of the Hargaysa Junta, beating the hell out of SNM supporters and all you could do was watch clapping enthusiastically as you did for Siyaad Barre before him.
  16. Salaax; Like my Shadowe you are everywhere, and like my shadow you are a reflection and nothing more, as for doing anything, adeer go get angry. I like a boastful secessionist, they end getting Mugged in their own threads
  17. Yup Hiiraan team are through, so are Middle Shabeele, Lower Juba.... Banadir we shall see tommorrow.
  18. ^^^This was never personal lad. Its you who is suffering from the Green eyed monster at the strength of Unity shown by the Somali people.