General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Hadalkii Madaxweynaha Iyo Gudoonsiintii Koobka Gobolka Banaadir Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxe’d ayaa ugu horayn u hambalyeey Gobolka Banaadir (Muqdisho) oo koobkan ku guulaystay waxaa kele uu hambalyeey Gobolada Bari iyo Nugaal kaalmaha 2-aad & 3-aad ka galeen tartankan. Mudane Faroole ayaa waxa kele oo amaan u jeediyey dhamaan dhalinyaradii ka kala socotay Gobolada dalka oo ka qayb galay tartankan. “Waxaan idiin sheegayaa inaad ogaataan in cayaarahan looga danleeyahay inay is dhexgalaan umada Somaliyed ayna ogaadaan inay yihiin walaalo” ayuu yiri Madaxweyne Farole. Madaxweynuhu waxa kele oo umadda Somaliyed ugu baaqay inay soo ceshadaan sharaftoodi iyo qaran nimadoodii “Aad baan ugu farxay koobkan inay ku gulaysato Muqdisho waxa kele oo aan ku faraxsanahay inay koobkan ay ku loolamaan labo gobol oo Koonfur & Waqooyiga Somaliya, Banaadir cayaaryahanadeedu waxaana uga faraxsanahy inay koobkan ay la tegaan iyo fariinta wacan ee ay ku arkeen Puntland oo ah ciidoodii” ayuu markele yiri. Qodobada kele ee Madaxweyne Cabdiraxmaan uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa nabada isagoo sheegay in kulamo ay Soomaalidu iskugu timid ay ka dhaceen Garoowe. Gababadii Madxweyne Farole koobka gudoonsiiyey Cayaaryahanada Gobolka Banaadir,waxa kele oo Bilado & Shahaado sharfayo gudoonsiiyey qaybaha warbaahinta oo cayaaran tabaniyey intii ay socdeen. Gobolka Banaadir ayaa markay munaasabadani oo ka dhacday qaybata VIP-da ee Garoonka Mire Awaare waxay cayaaryahandeedu bilaabeen dabal deg iyagoo wata Koobkan oo aad quruxbadnaa waxayna ku wareegeen iaygoo faraxsan guud ahaan daafaha Garoonka Iyadoo aan marna daawada yaasha Garoonku aysan joojin Sacab. GAROWEONLINE
  2. http://www.bbc.co.uk/somali/war/2010/12/101231_cayaaraha_gobolada.shtml
  3. Kooxda Banaadir oo qaadday koobkii gobollada Kooxda kubadda cagta ee gobolka Bari Kooxda kubbadda cagta ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleeysatay tartankii 18aad ee cayaaraha kubadda cagta ee gobolada Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Garoowe. Cayaartii kama dambeysta ahayd ee tartanka ee galabta oo dhexmartay kooxaha gobollada Banaadir iyo Bari ayaa waxa 1-0 ku bediyay kooxda gobolka Banaadir. Daar noocyada kale ee Maqal/muuqaal Cayaarta oo aad u xiiso badneyd ayaa waxa ka qeybgalay masuuliyiinta Puntland, oo uu ugu horeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed oo guddoonsiiyay kooxda Banaadir koobka iyo lacag gaareysa lixdan milyan oo shilin. Munaasabaddaasi ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay madax ka socotay gobolka Banaadir oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Nuur Tarsan iyo masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed. Cayaaraha gobolada oo markii ugu horeysay ay marti gelisay Puntland ayaa waxa ka qeybgalay 15 gobol waxaana ay socdeen muddo 16 maalmood ah.
  4. lol@Anthony Mariamo, and Tony Mariamo... ooops they were real names.
  5. ^^^Ayoub is clutching to straws, nothing sophisticated about that. As for the Queen and her "orphans" if that was said by a layperson it would have been bad, but it was the SNM Minister who stated that in public. More 60 million people are the Queens subjects as is British Law. The problem is you dont see anyone other than her real family claiming to be related, let alone Orphaned, while she is still alive..Poor secessionist, go try on that uniform you just looted.
  6. 31 Dec 31, 2010 - 7:15:39 AM Xulka gobolka Banaadir ayaa galabta 31.12.2010 ku guuleystey koobkii tartanka cayaaraha gobolada Somalia ee 18aad oo ka socdey magaalo madaxda Garowe ee Puntland. Cayaartaan oo aheyd mid adag ayaa waxaa isku herdiyey gobolada Banaadir iyo gobolka Bari ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Farole, Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland, Xildhibaano, Wakiilada qunsuliyada Ethiopia u fadhiya Puntland, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamud Axmad Nuur Tarsan, Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab, Guddoomiyaha gobolka Barri sheekh cabdi Xaafid iyo Dadweyne farabadan kuwaasoo ka kala yimid gobolada Puntland iyo Somalia. Cayaartan oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxaa 1:0 xulka gobolka Banaadir kaga badiyey Barri oo runtii cayaar wanaagsan soo bandhigey. Dhinaca kale goor sii horeysay ee maanta ayaa waxaa wada cayaarey xulka gobolka Nugaal iyo Jubadda Hoose kuwaasoo u tartamayey kaalinta 3aad iyadoo halkaas guushu ku raacdey caayrtoydii mataleysay Nugaal oo ku adkaadey 3:0. Madaxweynaha Somalia oo halkaas khudbad dheer ka akhriyey ayaa gobolada tartanka 18aad ee cayaaraha gobolada Somalia ka galey kaalinta 1aad, 2aad iyo sadexaad gudoonsiiyey bilado, abaalmarino lacageed isagoo ugu dambeyntii captanka gobolka banaadir gudoonsiiyey koobkii caayaraha gobolada Somalia. Waxaan idiin soo gudbin doonaa sawiro iyo khudbado saacadaha soo socda iyadoo aan idinla socodsiineyno in Radio Garowe oo sponsor-gareeyey gobolka Nugaal halkaas ku qaatey shahaado sharaf. GAROWEONLINE
  7. ^^^Puntland is celebrating the end of the most successful Somali event since 1991.. Hunger for uniforms and attention seeking antics of the secessionists is not an issue, Puntland needs to worry about.
  8. Xulka Banaadir oo hantay guusha koobka 18-aad ee gobollada Somaliya, 1-0 kaga badiyey xulka Bari. Garowe, Dec 31 - Xulka kubadda cagta ee gobolka Banaadir ayaa galabta mulkiyey koobkii 18-aad ee loo qabtay gobollada Soomaaliya, kaddib markii ciyaartii kamadanbaysta ahayd ee galabta ay 1-0 uga guulaysteen xulka gobolka Bari. Ciyaartu markii ay dhammaatay ayaa hal mar sacab iyo sawaxan qaylo huwan ay afka furteen taageerayaasha xulka gobolka Banaadir, halka ciyaaryahannada isla Banaadirna ay orod iyo damaashaad farxadeed ku dhaxmareen qaybaha kala duwan ee garoonka Mire Awaare, iyagoo mid mid u gacan qaaday kumanaan taageerayaashooda ah. Ciyaartooyga gobolka Bari ayaa iyana la arkayey iyagoo dhaxyuurura bartamaha garoonka kaddib markkii ay waayeen hankoodii ahaa in ay kor u qaadaan koobka qalinka ah ee loo dhigay tartanka ciyaaraha 18-aad ee gobollada Soomaaliya. Isla markii ay soo dhammaadtay ciyaartii fiinaalaha ahayd, waxaa garoonka Mire Awaare ka bilaabatay xaflad aad u ballaaran oo damaashaad ah, taas oo kooxda baambayda iyo fanaaniintu ay ku muujiyeen dareen farxad huwan, iyadoo madadaalo kadibna la bilaabay munaasabadda wareejinta koobka iyo billadaha kala duwan. C/fitaax Cumar Geeddi, Idaacadda Daljir
  9. Gobolka Banaadir oo qaadey koobkii Ciyaaraha Gobolada soomaaliya Posted by admin on December 31st, 2010 Garowe(puntlandi.com) Gobolak Banaadir ayaa 1-0 uga badiyey gobolka Bari ciyaartii finalka ee koobkii 18aad ciyaaraha gobolada Soomaaliya oo maanta ka dhacdey Garowe,ciyaarta oo aheyd mid garoonka ay soo buuxdhaafsheen dadweyne aad u fara badan ayaa boqolaal kun oo soomaali ahina kala socdeen idaacadaha Soomaaliya. Gobolka Banaadir ayaa muteystey koobka Gobolada Soomaaliya sidaasna ku noqdey horyaalka kubada cagta ee gobolada Soomaaliya.
  10. War Deg-deg ah: Gobolka Banaadir oo Noqdey Horyaalka Gobolada Soomaaliya ee Kubadda Cagta December 31, 2010 | 9 comments3 Wardeg deg ah: – Waxaa goordhaw soo dhamaatey ciyaartii Final-ka ee u dhaxaysey gobolada Bari iyo banaadir, gobolka Banaadir ayey u suurta gashey in daqiiqadihii u horeeyey ee ciyaarta ay shabaqa gobolka bari ku hubsadaan hal gool, Goolkaas waxa uu u horseedey in gobolka Banaadir uu ku guuleysto ciyaarta kadib markii 90 daqiiqo ee ciyaarta gobolka bari ay u suurta geli weydey in ay la yimaadaan goolka barbardhaca.
  11. WAR DEG DEG AH: Xulka Banaadir oo ku guuleystay Cayaarihii Gobollada Soomaaliya Jimco, 31 December, 2010 (HOL) – Xulka gobolka Banaadir ayaa galabta ku guulaystay tartanka koobka gobollada Soomaaliya ee ka soconayay magaalada Garowe ee caasimada Puntland,ka dib ciyaar aad u adag oo ay wada qaateen xulka gobolka Bari oo ay final wada yimaadeen. Ciyaartii galabta waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin aad u badan oo ka tirsan dhinacyada Puntland iyo DKMG ah ee Soomaaliya ,waxaana ay ahayd mid labada kooxoodba ay ugu tartamayeen qaadashada koobka. Madaxdii ka soo qayb gayb gashay waxaa ka mid ahaa madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole iyo gudoomiyaaasha gobollada Banaadir iyo Bari. Waxaa kaloo joogay dhamaan gudiga xiriirka ciyaaraha gobollada Soomaaliya iyo ciyaaryahno taariikh ku leh baalka Sports-ka Somaliya oo uu ka mid ahaa orod-yahankii caanka ahaa ee Cabdi Bile Cabdi. Gobolka Banaadir goolka ay ku qaadeen koobka waxaa u saxiixay mid ka mid ah ciyaaryahanada uga ciyaara afka hore ,umana suurtagalin xulka gobolka Bari in ay la yimaadaan goolka bar-bar dhaca oo rajadooda wax ka badali lahayd. Madaxwaynaha Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu u hambalyaynayo dhamaan ciyaar-yahanadii ka qayb galay koobka intii uu socday ,isagoo amaan ballaaran u jeediyay guusha ay Banaadir gaartay. Tababaraha xulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu aad uga faraxsanyahay guusha ay gaareen ,isla markaana waxa uu ku tilmaamay mid ay waqti badan kaga baxday sida ay koobka uu qaadi lahaayeen. Ciyaartii galabta ayaa ku soo dhamaatay hal iyo waxba 1-0 oo ay guushu ku raacday xulka gobolka Banaadir ,kaalinta labaad waxaa ku jirta Bari ,halka kaalinta sedexaad ay galeen xulka gobolka Nugaal Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online Boston@hiiraan.com bosaaso,Soomaaliya
  12. Congrats to Banadir, well done to all the teams, this was great and we must continue the games, and more events to bring the people together.....
  13. Somaliland releases Russian crew Six Russian crew members given suspended one-year sentences for trying to fly arms into Puntland region Friday, December 31, 2010 Six Russians have been released by a court in Somaliland after being sentenced to one-year suspended prison sentences for entering the enclave's airspace illegally and landing a plane with military supplies in violation of a UN embargo. In his ruling on Thursday at the court in the city of of Hargeisa, judge Abdirqahman Jama Hayan also fined each man three million Somaliland shillings, or around $600. The six Russians were arrested earlier this month after they landed an Antonov-24 cargo plane at the Egal International Airport on December 10. Two South African citizens on board the plane have since been released. The cargo on the flight also reportedly included bullet and grenade pouches. Aden Ahmed Diriye, assistant general prosecutor, told the court that claims by the crew that an emergency landing was necessary because the plane was suffering from a fuel shortage were false. Kadar Mohamed Guleid, the Russians' lawyer, said he was satisfied by the verdict and would not appeal. All of the weapons on the plane will be confiscated, the judge announced. Somaliland declared itself independent from Somalia in 1991 following violent crackdowns against local people by President Siad Barre, who led Somalia from 1969 until his downfall in 1991, which precipitated the war that still engulfs the country. Puntland, which unlike Somaliland does not seek recognition as an independent state, was formed in 1998. Somaliland is involved in a border dispute with Puntland and the two security forces sometimes clash. Source: Agencies
  14. lol@ the secessionist, thank you for showing your real worth. Now watch the games, I wonder where Abdi Bile Abdi is today? Oh not in Hargaysa thats right...