
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
PEACEKEEPERS TO DEPLOY WITH OR WITHOUT THE CONSENT OF WARLORDS.
General Duke replied to NASSIR's topic in Politics
Good news indeed. -
^^^ Mohamed Dhere is one tough dude.
-
President Yusuf PM Geedi recieve a warm welcome in Egypt
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha soomaaliya oo Caawa Xaruunta Jaamacadda Carabta kula kulmi doona Xoghayaha Guud ee Carabta. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in madaxweynaha soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi caawa Xaruunta Jaamacadda Carabta kulan gaar ah kula yeelan doonan Xoghayaha Guud ee Carabta Caamir Muuse. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha soomaaliya oo la socota Xaaskiisa iyo Cali Maxamed Geeddi oo garab taagan xaaskiisa marka ay la kulmaan Xoghayaha Guud ee Carabta u gudbin doonan qorshaha Dowladda KMG ah ee ku aadan dhismaha dalka soomaaliya. Kulanka dhex marayo madaxda soomaaliya iyo Carabta kadib ayaa la filayaa in Wafdiga Soomaalida la kulmaan Jaaliyadda soomaalida ee Masar sida uu ii sheegay wariye jooga Qaahira. Wadahadalkii dhex maray Madaxweynaha Masar iyo Wafdiga soomaalida ayaa waxaa goojoog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Masar iyo Afhayeenka Baarlamaanka Masar. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com -
President Yusuf PM Geedi recieve a warm welcome in Egypt
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Sorry bro, you have to do with the text.. Madaxweyniyaasha Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimaha hub ka dhigista soomaaliya Madaxweynaha soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa saacadu ka hor waxay gaareen Magaalada Qaahira ee Xaruunta dalka Masar, halkaas oo ay ku soo dhaweeyen xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Dowladda Masar. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa markii ay gaareen Magaalada Qaahira waxaa si toos ah loo geeyay Xaruunta Madaxtooyada Masar halkaas oo ku qaabilay Madaxweynaha Masar Maxamed Xusni Mubaarak, waxayna ka wada hadaleen arrimaha dalka soomaaliya iyo kaalinta dowladda Masar ka qaadan karto dib u dhiska dalka soomaaliya. Labada madaxweyne ayaa waxay wadahadalkooda ka mid ahaa Ciidamada la keeni doona dalka soomaaliya, in kastoo war cad laga soo saarin kulankaas haddana waxaa muuqata in Masar weli si rasmi ah uga hadlin arrimaha dalka soomaaliya. Wafdiga Madexwynaha waxa ka mid ah Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geedi iyo xaasaska Madexweynaha iyo Ra'iisalwasaaraha, laba Ra'isalwasaare ku-xigeen iyo dhowr wasiir oo muhiin ka ah dowladda cusub. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com -
President Yusuf PM Geedi recieve a warm welcome in Egypt
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhoweeyay Dalka Masar March 14, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf iyo Wafdi uu horkacayey oo saaka hiirtii waaberi ka ambabaxay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa waxay saaka ka dageen Garoonka Dayuuradaha ee Magaalada Qaahira. Diyaaradii sidey wafdiga C/laahi Yuusuf ayaa waxay ka degtey Garoonka Dayuuradaha ee Qaahira saaka saacadu markii ay ahayd 9:30 xiliga Afrikaca bari. Wafdiga Madaxweynaha DFKMG ah C/laahi Yuusuf oo ay ka mid ahaayeen Ra'salwasaaraha DFKMG ah Cali Maxamed Geedi, ku xigeenka Ra'salwasaraha ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Eng.Xuseen Maxamed Caydiid, Ku xigeenka Ra'salwasaaraha ahna Wasiirka Maaliyada Saalim Caliow Ibrow, Wasiirka Arimaha Dibada C/laahi Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah C/risaaq Jurille iyo Wasiirka Waxbarashada Cali C/laahi Cosoble, Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Dayuuradaha ee Magaalada Qaahira waxaa ku soo dhaweeyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Baarlamanka Dalka Masar iyo waliba Masuuliyiin ka socdey Ururka Jaamacada Carabta,waxaana wafdiga Madaxweynaha markiiba la dajiyey Qasriga Madaxtooyada ee Masar. Madaxweynaha Wadanka Masar Maxamed Xusni Mubaarak iyo Ra'isalwasaarihiisa Axmed Nadiif waxay si wada jir ah ugu qaabileen Xarunta Madaxtooyada dhigooda Wadanka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Prof.Cali Maxamed Geedi, shirkaasi ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xubnihii kale ee Wafdiga Madaxweynaha iyo waliba Wasiiro iyo Xubno Baarlamanka Wadanka Masar. Shirkaas ayaa waxaa looga hadley amuuro ku aadan xaalada Soomaaliya iyadoo si gaar ah looga hadley laba qodob oo kala ahaa 1.Dib u dhiska iyo Taageerida DFKMG ah ee Soomaaliya iyo Xukuumada Masaarida oo si gaar ah ugu dhaw Soomaalida inay Wadamada Carabta ka raarido sidii loo taageeri lahaa Xukuumada cusub ee Soomaalida, iyadoo kulanka Madaxda Wadamada Carabtu ay ku yeelan doonaan Magaalada Al-Jaris ee Wadanka Al-Jeeriya la hor dhigo qorshe taageero balaaran oo ay ka mid tahay mid dhaqaale loogu fidin lahaa DFKMG ah ee Soomaaliya. Sidoo kale qodobada kale ee laga wadahadley ayaa waxaa ka mid ahaa Ciidamada shisheeye ee la doonayo in la keeno Soomaaliya. Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya iyo wafdiga kale ee la socda ayaa lagu wadaa inay caawa kulan kula yeeshaan Xarunta Jaamacada Carabta ee Magaalada Qaahira Madaxda Ururkaas oo ugu horeeyo Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Caamir Muusa. Maxamed Cali Maxamud (Madka) Xafiiska Markacadeey ee Muqdisho xafiiskamuqdisho@hotmail.com -
Heshiiskii Xildhibaanada Beesha ****** oo la mucaaraday Axad, March 13, 2005 (HOL)@21:30GMT: Iyadoo aaney 24 saacadood ka soo wareegan heshiis ay magaalada Nairobi ku gaareen Xildhibaanada beesha ****** ayaa maanta waxaa warsaxaafadeed heshiiskaas lagu mucaaradayo soo saaray xubno tiradoodu ku dhowdahay toban Xildhibaan oo isla Beesha ****** ka soo jeeda, kuwaasi oo aan la dhacsaneyn qaabka ay wax u wadaan Hoggamiyayaasha heshiiskaas gaaray. Xubnahan ayaa Warsaxaafadeedkooda waxay ku sheegeen in ay nasiib darro tahay in xubno magac qabiil sheeganaya ay Axdigii iyo Dastuurkii lagu heshiiyay ku tuntaan iyagoo aan ka tarjumeynin beesha ****** . sidoo kalena waxay sheegeen in xubnahan isku qaldayaan xiligii lagu jiray Nidaamka Fowdada iyo haatan oo ay Ddowlad dhisan tahay, waxayna ku eedeeyeen in xubnihii heshiiska gaaray ay qoraalkooda ku xuseen qodobo af-duubayo Baarlamaanka, iyagoo sida ay yiraahdeen hareer maray go'aankii ay Xukuumadda u gudbisay guddoonka Baarlamaanka ee ku saabsanaa in Ciidamo Shisheeye Dalka Soomaaliya la geeyo. Xubnaha warsaxaafadeedkan soo saaray ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in aaney dheg jalaq u siinin warka ka soo yeeraya Hoggaamiyayaashii sheegay in ay maamul u sameynayaan Gobolka Banaadir, Magaalada Muqdishana ay nabadeynayaan, waxayna shacabka u soo jeediyeen in ay sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan Dowladda, iyagoo sidoo kalena Beesha Caalamka ku booriyay in ay sii laba laabaan taageerada ay u hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Warsaxaafadeedkan ayaa ugu baaqaya Hoggaamiyayaashii heshiiska gaaray in ay dhowraan, una hoggaansamaan Axdiga iyo Dastuurka u degsan Dalka, waxaana warsaxaafadeedkan ku qornaa Xildhibaanada kala ah Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmadheere, Cali C/llaahi Cosoble, C/llaahi Geedi Shadoor, C/llaahi Axmed Afrax, Salaad Cali Jeelle, Hilowle Iimaan Cumar, Maxamed Xasan Qoono, Ibraahin Sh. Cali Jeebo iyo xubno kale. Dhanka kalena, waxaa mucaaraday heshiiska ay Hoggaamiyayaasha Xildhibaanada Noqday ee Beesha ****** ay ku gaareen Nairobi Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Md. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), kaasi oo sheegay in haddii gobolka Banaadir maamul loo sameynayo loo mari karo oo kaliya labo waddo, kuwaasi oo uu ku kala sheegay beesha ****** oo deegaan ahaan arrintaas loogu tixgelinayo iyo Dowladda Federaalka, wixii ka soo harana ay yihiin wax aanan soconeynin. www.hiiraan.com
-
^^^ What bullets are you talking about fake soldier? You never have experienced battle in your life so stop the silly references to war and unnecessary glorification. Anyhow this politics and Somalia’s interior Minister Husserin Aydeed has made his move, it’s for the other side of amateurs to get him back. In 24 hours their bluff has been called, Mohamed Dheere has clearly shown how weak they are, the loss of Aydeed highlights how unorganised the whole process was. Its easy to make statements and promises its harder to impalement these, so far the agreement has not been worth the paper it was written on.
-
No we will keep searching for unity till the end of days. Puntland Republic is hard to swallow. We belong tp Somalia.
-
^^^^^^^^^ Am I dreaming bro or is it you and your lost hero's. Nairobi: Xuseen Maxamed Caydiid, Ra'iisal Wasaare ku Xigeenka, ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya oo Sheegay in aanu Waafaqsanayn Go'aanadii Dhawaan Nairobi lagu Gaaray - Monday, March 14, 2005 at 14:47 Nairobi (AllPuntland) - Ra'iisal Wasaare ku Xigeenka Dawladda Soomaaliya, ahna Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa si rasmi ah u sheegay in uusan ku waafaqsanayn go’aannadii ay magaalada Nairobi ka soo saareen qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyada Muqdisho. Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa hadalkan sheegay wax yar kahor intii uusan u duulin magaalada Qaahira asaga iyo wafdi sare oo uu hogaaminayo madaxwaynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed. Wuxuu sheegay inuu mawqifkiisii hore uu ka noqday kadib markii uu arkay in danta guud ee Ummadda aysan ku jirin in Soomaalida dib loo celiyo kadib labo sano iyo bar oo laga shaqaynayay in Soomaaliya ay dawlad yeelato. Sidoo kale Xuseen Maxamed Caydiid Wuxuu sheegay in Go’aankaasi uu gaaray kadib markii kulamo saacado socday uu la yeeshay Ra'iisal Wasaaraha dalka Soomaaliya Md. Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ay isla garteen in la iska illaawo wax Ummadda Soomaaliyeed u keeni kara niyad jabka. Md. Caydiid wuxuu soo jeediyay inaan loo baahnayn in la iska horkeeno golaha wasiirada ee DFKGS wuxuuna sheegay maadaama uu yahay Ra'iisal Wasaare ku Xigeen inuu arintaasi xalkeeda ka shaqayn doono. Wuxuu codsaday in aan arimaha Soomaaliya loo daba marin masuuliyiinta ugu saraysa ee dawladda ee kala ah Madaxwaynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha, isla markaana arinta kusaabsan in ciidan lakeeno Soomaaliya iyo inkale ay noqoto mid looga danbeeyo Baarlamaanka. Mar uu kahadlayay maamul u samaynta gobolka Banaadir ayuu sheegay Xuseen Maxamed Caydiid in arintaasi ay u taallo dawladda isla markaana dastuurku uu qeexayo ee aan loo baahnayn in la abaabulo wax aysan dawladdu ka warqabin. Ugu danbayntii Xuseen Maxamed Caydiid wuxuu beeniyay in Golaha SRRC uu yahay mid awood ku leh dawladda marka loo eego siyaasiyiinta dalka ayuu sheegay in ay SRRC haysato xubno aad u yar marka la eego Baarlamaanka oo ay ku leedahay 35 xubnood, Golaha wasiiradana ay ku leedahay 12 xubnood. CCC Farayaamo AllPuntland
-
^^^^ Like the PM said they will be taught politics. They will learn soon that making decesions on a clan basis will not necesserily stick. They have shown their hand way too early, Musa has a problem in that his sub-clan power brokers are with the PM, including Mohamed Dhere, Ali Mahdi, Afrax and others within or without. His kinsman Cumar Finsih can not be trusted. Qaynyare's problem is that he lacks the power or skill coming from a third rate clan power to do anything alone he relies on others specialy Ato who is an old has been. Their fear of foreign troops has been nooted. Xuseen Aydeed is borderline, he will be satisfied only when his full portfolio is returned as interior minister, I hear he si delighted to be going to Cairo. As things are moving soon neither their status or names will mean much.
-
Juma, I was happy with their statement, but they dont have to convince me brother but the other stakeholders of Mogadishu. The PM, Mohamed Dhere and his group, other clans who are in the Parliment and even the yes-men to the President Planning is only 10% son implementation takes up 90%. So we wait and see what Musa and Qaynyare do, apart from lose their job's.
-
President Yusuf PM Geedi recieve a warm welcome in Egypt
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xuseen Caydiid oo ka mid ah wafdiga Madaxwaynaha. Posted on Sunday, March 13 @ 20:27:00 CET by editor wafdi uu hogaaminaayo Cabddulaahi Yuusuf Axmad oo ay ka mid yihiin Geedi,Xuseen Caydiid,Saalim Caliyoow Ibroow iyo Cali cosoble siyaad ayaa tagaya magaalada Qaahira ee Masar. Sida ay sheegayaan illo muhiim ah oo ku dhow xukuumada kumeelgaarka ah, Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha DKMG Cabdullaahi yuusuf Axmed ayaa maalinta beri waxay u ambabaxayaan magaalada qaahiro ee caasimada dalka masar, wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah ra'iisal wasaarihiisa Cali maxamed Geedi iyo wasiirka Arrimaha Gudaha xuseen Maxamed ceydiid, iyo rag kale oo iskugu jira xildhibaano iyo wasiiro dowlada katirsan. Sida ay sheegayaan xubnaha dowlada ka tirsan ee wafdiga kamidka ah waxaa madaxweynaha casumaad ufidisay dowlada masar waxayna joogidoonaan magaalada qaahiro mudo sedex beri ah, waxaa lafilayaa in uu fawdigaan lakulmo ma'uuliyiin sare oo katirsan dalka masar iyo xoghayaha guud ee jaamacadda carabta caamir muusa. waxaa kaloo lasheegayaa in uu madaxweyne cabdullaahi yuusuf uu dowlada masar ka codsan doono in ay ciidamo soomaaliya usoodirto si ay uga mid noqdaan dalalka soomaaliya ciidamada udiraaya, sidoo kale cabdullaahi yuusuf waxa uu kacodsan doonaa masaarida in ay wadamada kale ee carabta ayka dhaadhiciso in ay soomaaliya ciidan usoo diraan. Casumaadaan ay hada u fidisay dowlada masar cabdullaahi yuusuf, ayaa waxay u tahay fursad weyn oo uu mudo raadinaayey illaa iyo intii ladoortay, iyadoo uu cabdullaahi yuusuf uu tagay masar markii jinaasada lagu dukanaayey madaxweynihii hore ee falastiin yasir carafaad Balse uu fursad u waayey uu dowlada masar kula hadlo iyadoo ay dowlada masar waqtigaas ayna wax casumaad ah ayna ufidin balse uu u tagay arrinkusaabsaneyd carafaad allaha u naxariistee. Cali Afrikaan. Nairobi -
President Yusuf PM Geedi recieve a warm welcome in Egypt
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
MADAXWEYNAHA DOWLADDA FEDERAALKA OO CAAWA AADAYA MASAR Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane. C/llaahi Yuusuf Axmed oo uu la socda Ra’iisul Wasaarihiisa Prof. Cali Maxamed Geedi iyagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee dalka Masar. Madaxweynaha ayaa la filayaa in mudad uu joogayo dalka Masar uu kulamo la yeelan doono dhigiisa dalka Masar Xusni Mubaarak, Madax ka tirsan Dowladdaas iyo kuwa Jaamacadda Carabta isagoo kala hadli doona sidii ay gacan u siin lahaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf ayaa horay u dhaliilay kaalmadii Hal Malyanka iyo barka aheyd ee Jaamacadda Carabta ku yaboohday Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynaha sheegay in shirweynaha Jaamacadda Carabta ee ka dhici doona Al-Jeeriya uu ka dalban doono Yabooh lacageed oo kasii ballaaran intaas. -
Bare Hiiraale "Waan taageersanahay in ciidamo dariska ah la keeno Soomaaliya" Kismaayo. 13 Mar 2005. Gudoomiyaha Is abahaysiga Dooxada Jubba ee haysta Kismaayo mudane Bare Shire Hiiraale ayaa sheegay in is bahaysigiisu ay taageersan yihiin in ciidamo safka hore ah la keeno Soomaaliya. Barre Hiiraale wuxuu yidhi "Anigu waan ka soo horjeeday markii hore la keeno ciidamo ka socda dalalka dariska ah, laakiin hadda waan taageersanahay, sababtoo ah xal kale iima muuqdo" "Saf hore iyo mid danbe uma baahnin ee waxaan u baahanahay xasilooni iyo kala danbayn" ayuu yidhi Hiiraale. Bare Hiiraale oo is bahaysigiisu uu qayb ka yahay malayshiyada haysata magaalada Kismaayo ayaan la ogayn sababta rasmiga ah ee badashay mawqifkiisa. Qolayaha ay xulafada yihiin aad ayay uga soo hor jeedaan in ciidamo shisheeye la keeno Soomaaliya. Taageeradan Bare Hiiraale waxay ka danbaysay diidmo uu diiday ciidamada shisheeyaha ninka ay iskula jiraan is bahaysaiga ee la yidhaahdo Yuusuf Indha Cade oo shalay banaabax ka hadlay lagu qabtay Marka. Indha Cade wuxuu si kulul u canbaareeyay dadka u ololaynaya ciidamada ajbaniga ah isagoo sheegay inay ku jihaadi doonaan ciidan kasta oo la keeno Soomaaliya. Arinkan waxaa loo qaadan karaa inay kala durkayso afkaarta Bare Hiiraale kooxdiisa iyo kooxaha saldhigoodu yahay Xamar. Is bahaysigan dooxada Jubba oo kulmiya malayshiyooyin ka kooban beelaha ********* iyo Habar Gidir ayaa dabayaaqadii sanadkii tagay gubay magaalada Dhoobley iayagoo halkaas ka gaystay falal waxshinomo ah sida ay gubeen Masaajidyo, ceelal iwm. SomaliTribune
-
MAXAMED DHEERE: tears into Qaynyare+ Jowhar and Baidoa TFG base?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maxamed Dheere: " Laba shaqsi ayaa ****** ka leexatay (Muuse Suudi & Cumar Filish) inta kale dowladda ayay raacsan yihiin Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa shaaciyay in hogaamiyeyaasha beesha ****** ee dowladda ka mida aysan wax maamul ah u dhisi karin keligood magaalada Muqdisho, awoodna u lahayn isagoo ku eedeeyay go’aannada ay soo saareen inay yihiin dabinno loo dhigayo dowladda federaalka. “Dowladda federaalka waxay ku tiirsan tahay taageerada beesha ******,99% ayidsan yihiin oo ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal wasaarahana ka yahay Cali Maxamed Geediâ€ayuu yiri Maxamed Dheere, isagoo yiri mar kale†Laba shaqsi ayaa ****** ka leexatay (Muuse Suudi & Cumar Filish) inta kale dowladda ayay raacsan yihiin†ayuuna yiri. Maxamed Dheere waxa uu shaaca ka qaaday in magaalada uu ka taliyo ay noqon doonto goobta ugu horeysa ee ay xarunta kumeelgaarka ah ka dhigan doonto dowladda Soomaaliya kadibna ay u guuri doonto Muqdisho. Maxamed Dheere ayaa waxaa uu ka mid yahay Siyaasiyinta ****** ee taageersan Siyaasadaha Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo dhawaana ku guuleystay in Jowhar socdaal ku tagaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com -
MAXAMED DHEERE: tears into Qaynyare+ Jowhar and Baidoa TFG base?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Labo Magaalo oo la sheegay in ay si wada jir ah u martigelin doonaan Dowladda Federaalka inta laga hagaajinayo Ammaanka Caasimadda Muqdisho Axad, March 13, 2005 (HOL) @7:35GMT: Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo bandhigtay in ay dooneyso in ay si wada jir ah saldhig uga sii dhigato labo magaalo oo ka tirsan Soomaaliya kuwaasoo ay Xukuumaddu xustay in ay ammaan ahaan yihiin kuwo la isku haleyn karo, isla markaana ay si KMG ah u sii degi karto Dowladda inta laga hagaajinayo nabadgelyada Caasimadda Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan in magaalooyinkaas oo kala ah Baydhabo iyo Jowhar ay noqon doonaan kuwo ay cod aqlabiyad leh Xukuumaddu uga hesho Xubnaha Golaha Baarlamaanka, inkastoo aaney weli soo bixin tafaasiisha ku saabsan sida ay madaxda dowladda ama labada gole u kala degi doonaan labadaas magaalo. Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee dhowaan booqashada ku tegay deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa soo arkay ammaanka labadaas magaalo, inkastoo madaxweynaha laga soo xigtay in uu wax xoogaa dhaliilay maleeshiyooyin aan nidaamsaneyn oo uu ku arkay magaalada Baydhabo, halka magaalada Jowharna uu aad ula dhacay ammaanka iyo kala dambeynta ka jirta. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia -
MAXAMED DHEERE: “Hogaamiyeyaasha ****** ee diidan hadafka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ha ogaadaan in 99% ay taageeran yihiinâ€â€¦ Guddmoooyaha Maamulka Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in ay Hoggaamiyeyaasha ****** ee ka gooban labada gele ee ku sagan maaalada nayroobi ay wadaan wax uu ugu yeeray diban daabyo ay la doonayaan FKMG ah isagoo ku tilmaamay iney yihiin kuwo ku heshiiyay diban daabyada. “Hogaamiyeyaasha ****** ee diidan hadafka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ha ogaadaan in 99% ay taageeran yihiin cududda beesha ****** isla markaana ay dowladdu saldhiga koowaad ka dhiganeyso Jaowhar kadibna ay u gudbi doonto caasimamad Muqdisho†ayuu yiri Maxamed Dheere. Dhinca kale Md. Maxamed Dheere oo ka hadlayey maamul u sameynta ay wadaan qaar ka tirsdan Hoggaaamiyeyaasha Muqdisho ee ku sagan Naryroobi ayaa sheegay ineysan laheyn kaligood awood ay maamul ugu smaeeyan gobolka Banaadir. “Maxamed QAnyare iyo kuwa hoostiisa ka nugnugleh xaq uma laha iney maamul u sameeyaan Gobolka Banaadir, Maamul loo sameeyo Banaadir wuxuu ku imaan karaa mid ka yimaada dadka deegaanka ama mid dowladeed†ayuu si kulul u yiri Maxamed Dheere oo hadalkiisa u muuqday midkii ugu kulalaa ee todobaadkan kasoo baxa Siyaasiyiinta. Md. Maxamed dheere ayaa ku cel celiyay in aaneyn jirin cid is hortaagi karta natiijada shirka mudada labada sano iyo barka ka socday Nayroobi isla markaana cidii nabad diida qaarkood la xer xeri doona gaar ahaan hoggaamiyeyaasha damacsan sida uu sheegay iney dibandaabyo la rabaan Dowladda. Maxamed Muxiyaddiin Cali panorama100@hotmail.com Midnimo Information Center Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com
-
Bayaan Ka Dhan ah Kii Ay Soo Saareen Hogaamiyaasha Beelaha ****** Oo.. 12 ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirrada beelaha ****** ugu jira labada gole ee Baarlamaanka iyo wasiirrada ayaa bayaan ay ku naqdinayaan qodobbadii wakiillada ****** maanta ka soo saaray magaalada Nairobi. Bayaanka ayaa u qornaa sidan: Annagoo ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirrada beelaha ****** ugu jira dowladda kmg ah ee Somalia , kuna saxiixay war saxaafadeedkan tix raacaynana warsaxaafadeedkii shalay oo ay bishu ahayd 12 march , 2005 kaas oo ay sii daayeen qaar ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirrada iyagoo sheeganaaya magaca beesha ****** , ayna ku diidanaayeen go'aankii golaha wasiirrada sida aqlabiyadda ah loogu oggolaaday, iyagoo qaarkoodna ka mid ahaa golihii wasiirrada ee go'aankaasi meel mariyay kaasi oo walina horyaalla golaha baarlamaanka, sidaasi daraaddeed innagoo ka jawaabayna war saxaafadeedkaasi, waxaan soo jeedinaynaa qodobbada hoos ku qoran: 1. waxaa nasiib darro ah labo sano iyo bar ka dib markii la dhisay dowlad soomaaliyeed in xubno ka mid ah labada gole oo sheeganaya magaca qabiil ay si bareer ah ugu xad gudbaan axdiga qaranka kmg ah. 2. waxaa hubaal ah in aysan ka turjumaynin magaca beesha ay sheeganayaan. 3. waxaan is waafaqi Karin iyagoo ka qayb qaatay meel marinta go'aankii golahla wasiirrada in ay haddana ka hor dhacaan go'aanka golaha baarlamaanka iskuna dayaan in ay afduubaan go'aanka baarlamaanka soomaaliyeed, iyagoo qoraalkooda ku sheegay in aanu baarlamaanku ka doodi karin go'aanna ka gaari karin qodobbada hor yaalla, taas oo la yaab ku noqotay ummadda soomaaliyeed kana hor imaanaysa axdiga qaranka. 4. xubnahaasi, waxaa isaga khaldan kala duwanaansha xilligii dowlad la'aanta fowdada iyo kooxaysiga iyo xilligan cusub oo ay jirto dowlad federal ah oo beesha caalamkuna aqoonsantahay. Ugu dambayntii waxaanu ku baaqaynaa ayay yiraahdeen qodobbada hoos ku qoran: • bushada soomaaliyeed waa in ay garab istaagaan barnaamijyada dowladda iskana jiraan hadallada keeni kara iska horkeenka bulshada soomaaliyeed ee walaalaha ah. • Beesha caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ay sii wadaan taageeridda hagar la'aaneed ee ay dowladda siinayso. • Xubnihii saxiixay baaqii 12 kii March waxaan ugu baaqaynaa isla markaana xusuusinaynaa in ay dhowraan axdiga kmg ah, oo ay marar badan beesha caalamka iyo bulshada horteeda ku dhaarteen. Xubnaha war saxaafadeedkan ku saxiixan waxaa ka mid ah: C/laah Cosoble Siyaad Axmed xasan Ibraahim Maxamed Maxamuud Guuleed "Gacmo dheere" Maxamed Deeq ***** "Abaadir" C/laahi Geedi Shadoor Prof: C/laahi Axmed Afrax Salaad Cali Jeelle Hilowle Iimaan Cumar Xildhibaannada iyo wasiirrada aan baaqan saxiixin waxaa ka mid ah Ibraahim Cali Jeebbo Cali Cusmaan Jayte Iyo Ibraahim Xirsi waarre oo dalka dibaddiisa ku maqan. Farqi wayn ayaa u dhexeeya baaqa maanta iyo kii shalay iyadoo kii shalay in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta beelaha kale ee baarlamaanka iyo golaha wasiirradu ay goobjoog ka ahaayeen,halka shir saxaafadeedkani halkii uu ka dhacayay ay goob joog ka ahaayeen xildhibaanno aad u tiro yar oo ka kala socday beelaha kale . Liibaan Cabdi Cali Hayaan_8@hotmail.com
-
OPTION A - PM Ghedi - professor of vetenary science, even before Somalia political downfall. Therefore, a noted and important member of civil Somali society. OPTION B - Commerce Minister al-Xaaji Calasow - illiterate limo driver before the war; brutal warlord during the war Nuff said ...
-
Duke sxb you are a blatent liar oo aan weliba xishoniin lol Juma, why you trying to make yourself sound foolish dear cousin? Now the Duke writtes articles for websites in Somali For I posted articles from Somali website's regarding the statement Minister Hiiraale made. If anyone was lying or spinning it is either Hiiraale or the webmasters of those sites. So stop with the crap son, either back up your chat as I do or keep quite lad. Let me refresh your memory old man regarding the websites...... www.hornafrik.com www.goobjoog.net – as you know both are well known President Yusuf supporters . Juma you sound distressed and desperate, and this has had a somewhat negative effect on your reading and comprehension capabilities. Now let me reassure you I am here for you if you need help anytime, anyplace. As for Hiiraale here is another Duke story enjoy http://www.somaliweyn.com/pages/news/Mars05/13mars12.htm Bare Hiiraale ayaa cadeeyey baarlamaanka Soomaaliya haddii uu ansixiyo ciidamada safka hore in la keeno dalka uu aqbali doono.
-
Kampala: Wasiirada Gaashaandhigga IGAD oo Go'aamiyay Ciidamo Hub ka Dhigis ah oo Somaliya loo Diro - Sunday, March 13, 2005 at 00:25 Kampala (AllPuntland) - Wasiirada Gaashaandhigga ee Urur Goboleedka IGAD ee maalmahanba shirku uga socday magaalada Kampala ee xarunta Uganda ayaa maanta soo saaray go'aamo cad cad oo kusaabsan fikraddooda ku aaddan Soomaaliya. Kulankan ay lahaayeen wasiirada gaashaan dhigga ayaa ahaa mid looga xaajoonayay in ciidamo loo diro Soomaaliya , inta ay noqonayaan , dalalka diraya iyo kharashaadka ku baxaya , waxayna ugu danbaystii isla qaateen qodobadan: 1. In Soomaaliya ciidamo loo diro, 2. In ay ka socdaa Urur Goboleedka IGAD oo kaliya, 3. In laga maarmo Midowga Afrika oo ay ku filan tahay hawsha hub ka dhigista IGAD oo kaliya, 4. In dalalka ciidamada diraya ay noqdaan Ethiophia, Uganda, Djibouti, iyo Ereteria. Dawladda Uganda ayaa illaa iyo haatan carabka ku dhufatay tiro ciidamo ah oo ay diyaarisay waxayna sheegtay inay diyaar u yihin 700 oo askari hase yeeshee waxay sheegeen inay intaasi kasii badin doonaan. Ungand ayaa sidoo kale codsatay in loo soo diro khuburo ka tababara ciidamadeeda ka qayb qaadanaya hub ka dhigista dhinaca dhaqanka Soomaliyeed. Go'aankan kasoo yeeray wasiirada gaashaandhigga ee IGAD ayaa ahaa mid Soomaalida badankeed ay u dhagtaagaysay waxa uu noqon doono; wuxuuna ku soo beegmayaa xilli ay qaar kamid ah hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya ay diidmo qayaxan ka muujinayeen ciidamo shisheeye oo ka qaybqaata hub ka dhigista. CCC Farayaamo AllPuntland
-
So much for Egypt dont like Yusuf Yey Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah iyo wefti uu horkacayo oo berito u kicitimi doona dalka Masar Posted to the Web Mar 13, 14:58 Nairobi:-Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah ee Soomaaliyeed Md.Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa wefti uu horkacyo waxay berito u kitimi doonaan Caasumadda dalka Masar ee Qaahira,iyadoo socdaalkaas ku wehelin doono Ra'iisal wasaaraha Xukuummadda FKMG ah Md.Cali Maxamed Geedi,Ra'iisal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimha Gudaha Xuseen Caydiid,Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliyeed. Socdaalka madaxweynaha ee uu ku aadayo Masar ayaa ka dambeeyey sida wararka hoose sheegayaan martiqaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalkaas,iyagoo muddo saddex cisho ah ku maqnaan doonaan Qaahira,iyadoo warar kalena tilmaamayaan in laga yaabo inuu u gudbo dalal kale oo aan la magacaabin. Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha DFKMG ah ayaa waxa uu safarkoodu ku soo beegmay xili xasaasi ah oo ay socdaan u ololaynta labo arrimood oo iska soo horjeeda,taasoo mid lagu diidan yahay keenitaanka ciidamo ka socda dalalka safka hore dalka,halka tan kalena lagu taageerayo sidii dalka loo keeni lahaa ciidamao nabad ilaalineed oo aan lakala qaadin,waxayna Xukuummadda FKMG ah si rasmi ah ugu gudbisay baarlamaanka barnaamijkii dalka lagu keeno lahaa ciidamadaas ee ay horey u ansixyeen Golaha wasiirada si markooda Xildhibaanaduna uga dhiibtaan fikirkooda ku aadan arrintaas,iyadoo marka weftigaas kenya ku soo laabto baarlamaanku guda gali doono u coddeynta barnaamijka dawladda. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya
-
USC and the people of Mogadishu are not against peace, lets not generalise its not healthy. Like any clan or area there are contradictions and of course there are a few who are against change and a number who are afriad they will lose out.
-
Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dawladda FKMG ah oo ka soo jeeda Beesha ****** oo maanta qabtay shir jaraa'id oo ay ku diidan yihiin heshiiskii Madaxda Muqdisho gaareen Posted to the Web Mar 13, 12:28 Nairobi:-Waxaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Hotelka Hilton oo ku yaal bartamaha magaalada Nairobi xubno ka koobnaa Wasiiro,wasiiro ku xigeeno iyo Xildhibaano ka tirsan Dawladda FKMG ah oo dhamaan ka soo jeeda Beesha ****** ,kaasoo ay ku diidan yihiin heshiiskii Madaxda Muqdisho shalay saxiixeen ee looga gol lahaa nabad ku soo dabaalida magaalada Muqdisho oo mudadii 14 sano ahayd ku sugnayd qas,dagaal joogta ah iyo maamul la,aan. Xubnihii shirka jaraa'id qabtay maanta oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Waxbarashada ee Dawladda FKMG ah,Cali Cabdullaahi Cosoble,Wasiirka Horumarinta Reer miyiga, Maxamed Maxamud “Gacma Dheere,Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali Jeelle,Wasiirka ku xigeenka Tamarta Maxamed Sh.Cismaan,Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Afrax,Xildhibaan Cabdullaahi Geedi Shadoor,ayna shirkooda jaraa'id si goob joog ah uga soo qaybgaleen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka FKMG ah ayaa waxay sheegeen inay ka jawaabiyeen Qoraalkii shalay ee qaar ka mid ah Golaha wasiirada iyo Xildhibaanada ****** ee dawladda ku jira faafiyeen,iyagoo ku hadlaya magaca beeshaas oo sheeganayey inay si rasmi ah wakiil uga yihiin. Shirka jaraa'id ee maanta ayaa waxay xubnihii qabtay ku sheegeen inaysan go,aankii shalay ee Madaxda Muqdisho ahaa mid lagu deg degay,islamarkaasna Golihii wasiirada ee sheegay inay diidan yihiin ciidamo dalka yimaada si aqlabiyad ah wax uga ansixiyeen go,aankii Golaha wasiiradu ku ogolaanayeen in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo hub ka dhigis ka sameeya dalka,ayna jirto inaan go,aankaas horyaal baarlamaanka si looga doodo,iyadoo go'aan ka gaarideeduna u taal baarlamaanka oo si rasmi ah loogu wareejiyey Guddoomiyaha baarlamaanka,islamarkaasna ay nasiib darro tahay in lagu xadgudbo Axdiga KMG ah labo sano ka dib heshiiskii lagu dhisay Dawladda FKMG ah,iyadoo lagu andacoonayo hab qabiil. Golaha wasiirada iyo baarlamaanka ee maanta saxaafadda u waramay ayaa waxay sheegeen inay meel ka dhac tahay in go,aanka keenitaanka ciidamo shisheeye ee loogu talagalay inay dalka hubka ka dhigaan lagu sheego qoraalkii soo baxay shalay inaysanba baarlamaanku ka doodi karin,islamarkaasna Xubnahaasi maanka ku hayaan Jabhadayntii laga soo gudbay iyo wakhtigii fawdada oo ay halmaansayihiin in dalku dawlad yeeshay dhexe,iyagoo ugu baaqay inay xubnihii shalay dhawraan Axdiga FKMG ah. Warsaxaafadeedkii maanta soo saareen Golaha wasiirada iyo Xildhibaanada ****** ayaa waxa uu u qornaa sidatan:
-
Nairobi:Warsaxaafadeed ay soo saareen xubno ka tirsan labada gole ee xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya ee ugu jira beesha ****** oo lagu beeninayo qoraalkii shalay ay soo saareen......... - Sunday, March 13, 2005 at 11:49 Nairobi(Allpuntland)-Waxaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Hilton Hotel ee magaalada Nairobi xubno ka tirsan labada gole ee xukuumadda oo ugu jira beesha ****** taasoo ay kaga soo horjeedaan warsaxaafadeed ay shalay xubno kale oo isla beesha ka tirsan oo ka mid ah golaha xukuumadda iyo baarlamaanku ka soo saareen magaalada Nairobi. Warsaxaafadeedkaan oo ay qabteen xubno ay ka mid ahaayeen: -Wasiirka Waxbarashada Cali Cabdullaahi Cosoble -Wasiirka Horumarinta reer miyiga Maxamed Maxamuud Gacmadheere -Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali Jeelle -Wasiir ku xigeenka Tamarta Maxamed Shiikh ***** -Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Afax -Xildhibaan Cabdullaahi Geeddi Shadoor iyo xubno kale ayaa u qornaa sidaan: WARSAXAAFADEED: Annagoo ah Wasiirada iyo xildhibaanada ka tirsan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya kuna saxiixan warsaxaafadeedkaan ,tixraacaynana warsaxaafadeedkii shalay oo bishu ahayd 12 March, 05 kaasoo ay sii daayeen qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Wasiirada ,iyagoo sheeganaya magaca beesha ****** . Xildhibaanadaas oo ku doodaya inay wakiil ka yihiin Beesha ****** ,Warxaxaafadeedkoodaas oo ay ku sheegeen inay ku diidan yihiin go'aankii Golaha Wasiirada ee sida aqlabiyada ah lagu ogolaaday ,iyagoo qaarkoodna ay ka mid ahaayeen Golihii Wasiirada ee go'aankaas meel mariyey ,go'aankaas oo ilaa hadda horyaala baarlamaanka si looga doodo ,go'aan kama danbays ahna looga gaaro ,kaasoo dawladdu ku wareejisey Guddoomiyaha Baarlamaanka. Sidaasi daraadeed annagoo ka jawaabayna warsaxaafadeedkaas waxaan soo jeedinaynaa qodobada hoos ku qoran: 1-Waxaa nasiib darro ah in muddo 2 sano iyo bar ah ka dib markii la dhisay dawlad Soomaaliyeed in xubno ka mid ah labada gole oo sheeganaya magac qabiil ay si bareer ah ugu xadgudbeen Axdiga Qaranka ee KMG ah. 2- Waxaa hubaal ah inaysan ka tarjumaynin rabitaanka beesha ay sheeganayaan. 3- Waxaan is waafaqi karin iyagoo ka qaybqaatay meel marintii go'aankii golaha Wasiirada inay hadana ka hordhacaan go'aankii golaha baarlamaanka,iskuna dayaan inay afduubaan go'aanka baarlamaanka Soomaaliyeed iyagoo qoraalkooda ku sheegay inuusan baarlamaanku ka hadli karin go'aana ka gaari karin qodobada horyaalla ,taasoo la yaab ku noqotay ummadda Soomaaliyeed ,kana hor imaanaysa Axdiga Qaranka. 4- Xubnahaas waxaa isaga khaldan kala duwanaanta xilligii dawlad la'aanta,fawdada iyo kooxaysiga iyo xilligan cusub ee ay jirto Dawlad Federaal ah oo beesha caalamkuna aqoonsan tahay. Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaan ugu baaqaynaa qodobada hoos ku qoran: 1-Bulshada Soomaaliyeed waa inay garab istaagaan barnaamijyada dawladooda iska dhegatiraan hadalada keeni kara iska horkeenka bulshada Soomaaliyeed ee walaalaha ah. 2-Beesha caalamka waxaan ugu baaqaynaa kana codsanaynaa sii wadida taageeradooda hagar la'aaneed. 3-Xubnihii saxiixay baaqii 12 March,05 waxaan xasuusinaynaa uguna baaqaynaa inay dhawraan una hoggaansamaan Axdiga KMG ah oo ay marar badan beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ku dhaarteen. WABILLAAHI TOWFIIQ March,13,05 Iimaan Cali Cabdi Allpuntland,Nairobi