General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. The first war on terror took place in the 1980’s when America was under threat by the great powers of Granada, Nicaragua and Salvador. The great leader of the time President Reagan father of the free world fought against all odds to defeat these rogue nations that posed the gravest danger to civilisation itself. After the cancer of Central America was cut out a new tumour began to grow. A man of action was needed to rise to the occasion to confront the new evils of the world. This man was a simple, devout and courageous fellow, who was loved by all the folks for he responded to a higher calling. George Bush II. Like his hero Reagan picked up the torch of liberty and peace and like a supreme athlete ran with it illuminating the world, against great odds and with no help that peace full nation of ours managed to vanquish the great evil posed by that powerful entity Iraq.
  2. Great entertainment as ever overstepping the fallacy of the Oromo logistic, moral or financial support we find that the conflict in CeelWaaq is exclusively between two Somali clans who live side by side it has nothing to do with Saud authority or with the supposed Oromo invasion of Somali territory . As for patriot there is no point chasing ghosts the “SSDF†is no more and what ever you might think that movement in the end did defeat the former regime. Also stop with the bravado, I doubt that you can do anything for your clan in the present conflict other than fantasising on the net that they are indeed defending Ceel-Waaq from the barbarian hordes. Our very own great wall… As I stated before lets pray for peace and hope that our Somali kinsmen in CeelWaaq come to their senses. Remember there has been a major conflict ensuing in the NFD/Somali region of Kenya which has had ramifications in Ceel Waaq.
  3. Dawladda Suudaan:"2200 oo askari baanu dhakhso Soomaaliya ugu direynaa" Khartoum - 14.April.2005 War ka soo baxay maanta dawladda Suudaan kaas oo la gaarsiiyey warfidiyeennada magaalada Khartoum ayaa lagu sheegay farrimo ay dawladdu gaarsiisey urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika iyo ururka Jaamacadda Carabta, Waxana xukuumadda Suudaan ay sheegtay in ay ciidamo u soo direyso Soomaaliya, kuwaas oo ah xoogag nabad ilaalineed oo dhammays tiran. Afhayeen ku hadlay magaca wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Suudaan ayaa xaqiijiyey in tirada ciidamada dalka Suudaan ay Soomaaliya u soo direyso ay noqonayaan 2200 oo askari. Suudaan waxay sheegtay in ay ciidamadeeda uu hoggaamin doono jeneraal sare oo ka tirsan xoogagga dalka Suudaan, waxana la sheegay in ciidamada Suudaan ay dhawrayaan amar ka soo baxa urur goboleedka IGAD. Ilo kale oo wareed ayaa sheegaya in ay dawladda Uganda ay kordhineyso ciidamada ay ugu tala gashay in ay Soomaaliya u soo direyso. Waxaa kale oo jirta in wakhtigii ku talagalka ahaa ee loogu tala galay in Soomaaliya ciidamo loogu soo diro Soomaaliya ay dib dhacday taas oo ahayd 28-ka bishan April. Saraakiil Afrikaan ah ayaa sheegtay in dib loo agaasimi doono xilliga Soomaaliya ciidamo loo diri karo, kuwaas oo ay xitaa ku jiraan dalka Ururka Jaamacadda Carabta. Warka Suudaan iyo AU, ayaa soo baxay xilli ay kala qaybsanaani haraysay xubnaha golayaasha dawladda federaalka Soomaaliyeed taasi oo ku saabsan ciidamo shisheeye oo Soomaaliya loo soo diro. C/qaadir Maxamed Nuunow SBC Muqdisho
  4. Ugandha oo kordhisay Tirada Ciidamada ay u soo direyso Soomaaliya Kambala-14.April.2005 Xukuumada Wadanka Ugandha ayaa daboolka ka qaadey in Ciidamada ay u soo direyso Soomaaliya ay iminka diyaar yihiin isla markaana ay kordhisay tiradii ay horey u balanqaadeen. Taliyaha Booliska ee Wadanka Uganda Chris Bakesiima ayaa daboolka ka qaadey in ciidamo gaaraya 3,500 oo askari iminka diyaar uah, inay ka hawlgalaan Soomaaliya, waxaana Ciidamadaasi ay qaateen tababaro la xiriira hawlaha nabad ilaalinta iyo waliba culuun la xiriirta arimaha dhaqanka Soomaalida. Xukuumada Ugandha waa markii sadexaad oo ay kordhiso tirada Ciidmada ay ugu tala gashey inay u soo dirto Wadanka Soomaaliya, waxayna Ugandha markii koowaad sheegtey inay Ciidamo gaaraya 1200 ay u soo direyso Soomaaliya, halka markii labaad ay gaarsiisay 2,200, warkii ugu dambeeyey ee Xukuumada Ugandha ka soo yeeray ayay ku sheegtey in 3,500 oo askari ay ugu tala gashey inay ka hawlgalaan Hawlaha nabadilaalinta ee Soomaaliya. Maxamuud C/raxmaan Rood
  5. ^^^ The whole tragedy in Ceel Waaq is sickining, the people there like their brethren everywhere have enough trouble surviving and do not need this useless blood letting.. May Allah forgive the dead and I pray to him alone to bring peace to our people everywhere.
  6. It must be a sick joke that Somali clans are now called Oromo..
  7. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u magacaabay Taliyaha Ciidamada Soomaaliyeed Gen.Ismaaciil Qaasim Naaji iyo xubno kale oo la magacaabay The full article
  8. Ra'iisal Wasaare Geedi oo maanta Magacaabay Mas'uuliyiin isugu Jira Ciidamada, Garsoorka iyo Bangiga dhexe, kadib Markii golihii ay shir maanta Yeesheen April 12, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaareha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed Cali Maxameded Geedi uu maanta Magacaabey Mas'uuliyiin isugu jira kuwo Madax u noqonaya Ciidamada Soomaaliya iyo ka shaqeyn doona bangiga dhexe ee Soomaaliya. Wararka waxa ay leeyihiin ra'iisal wasaaraha ayaa u magacaabay Gen: Ismaaciil Qaasin Naaji inuu noqdo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, halka C/llaahi Daahir Barre loo magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada, iyadoo Agaasimaha guud ee bankiga dhexena loo magacaabay Bashiir Ciise Cali kadib kulan ay maanta yeesheen xubnaha golaha wasiirada ee ku sugan mag. Nairobi. Kulankaasi oo socaday muddo shan saacadood ah ayaa looga hadlayey magacaabista xubnahaasi oo la sheegay inay ahayd talo soo jeedinta wasiirada difaaaca, maaliyada iyo garsoorka, waxaa sidoo kale xubnaha golaha wasiiradu isku raaceen dhismaha guddiga dastuurka iyo federaalka kuwaasoo kala ah: Avv. Sh. Cismaan Cumar Axmed, Max’ed Nuur Jileey, Max’ed ***** Ibraahin, Tahliil Xuseen Geed, Max’ed Buraale Ismaaciil. Muqtaar Cabdi Dhuubow. Avv. Ilyaas Max’uud Maalin. Max’ed Siyaad Naaleeye, Sh. Ibraahin Sh. Axmed iyo Ismaaciil Nuur Axmed, gudigan ayaa waxa ka dhiman xubnihii dirta waqooyi uga mid noqon lahaa iyadoo laga sugayo inay dhawaan soo gudbiyaan sida uu shabelle u sheegay afhayeenka ra’iisul wasaare geedi ninka lagu magacaabo C/raxmaan Diinaari. Ra’iisul wasaare Geedi uu sheegay in kaabayaasha gudiyada dhiman iyo kaabayaasha dhaqaalaha , xog-hayayaasha guud, taliyaha ciidanka booliska , hanti dhawraha guud, garyaqaanka guud intaba la magacaabi doono maalinta sabtida ah marka kulan ay yeeshaan golaha wasiirada. Maxamed Cali Maxamud (Madka) Xafiiska Markacadeey ee Muqdisho xafiiskamuqdisho@hotmail.com
  9. Kulankii Golaha Wasiiradda DFKMG ah oo lagu magacaabey Masuuliyiin kala duwan Nairobi-12.April.2005 Shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirada DFKMG ah ee Soomaaliy ee maanta lagu qabtey Magaalada Nairobi ayaa waxaa si weyn looga Hadley Qodobo kala duwan oo ay ugu muhiimsaneyd Magacaabida Xubno kala duwan, iyo Amaanka Magaalada Muqdisho. Kulanka Golaha Wasiirada DFKMG oo lagu qabtey Silver Springe Hotel ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa shir gudoominayey Wasiirka koowaad ee DFKMG ah Prof.Cali Maxamed Geedi waxaana ugu horeyn uu Mr.Geedi uga warbixiyey Xubnaha Golaha Wasiirada Safarkii dhawaan ay ku tageen Wadanka Liibiya, waxaana Ra’salwasaaraha uu tibaaxey in ay ku guuleysteen dhamaan codsiyadii ay hordhigeen ee ahaa in ay taageero Xukumada Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu sheegay in ay Xukuumada Liibiya la soo saxiixeen Heshiisyo kala duwan oo ku aadan Iskaashiga iyo dhaqaalaha. Intaasi ka dib ayaa waxaa shirkii maanta lagu lafagurey qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Xaalada amaanka Qorshaha Caasimadda, iyo magacaabida Gudiyo kala duwan. Waxaana loo magacaabey Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen.Ismaaciil Qaasim Naaji, Agaasimaha Bandhiga Dhexe ayaa waxaa loo magaacabey Bashiir Ciise Cali halka Xeer ilaaliyaha Guud loo magacaabey C/laahi Daahir Barre. Sidoo kale waxaa isla kulankii manta lagu magacaabey Gudiga Dastuurka iyo Arimaha Federaalka kuwaasi oo Beelaha Soomaalida ee wax ku qaybsanayey dhawaanahan nidaamka 4.5 ayaa Afarta Beelood waxay u kala qaateen min 3 xubnood Xubnood, halka Beesha Shanaad ay qaadatey 1 xubin. Xubnahaasi ayaa waxaa isla markiiba lagu soo gudbiyey isla fadhigii Golaha Wasiirada waxayna kala yihiin 1- Avv. Sheekh Cumar Axmed 2- Max’ed Nuur Jiley 3- Max’ed ***** Ibraahim 4- Tahliil Xuseen Geeddi 5-Max’ed Buraale Ismaaciil. 6- Xasan Ugaas Daahir 7-Mukhtaar Cabdi Dhuubow 8- Avv. Ilyaas Max’uud Maalin 9- Eng. Max’ed Siyaad Naaleeye 10- Avv. Sheekh Ibraahim Sheekh Axmed 11- Ismaaciil Nuur Maxamed Waxaa sidoo kale lagu wadaa in lagu daro Maxamed Axmed Kulan. Beesha Dirta Waqooyi ayaa xubnihii Gudigan uga mud noqon lahaa ayaa lagu wadaa in dib laga soo magacaabo. Kulankii maanta ayaa waxaa la isla gartey hawsha Amaanka Magaalada Muqdisho iyo go’aankeeda in lala sugo Xubnaha Wasiirada ka mid ah ee haatan ku sugan Magaalada Muqdisho. Canab Mumtaaz SBC Nairobi.
  10. ^^^Apologise old man, sorry for the delay... for coverage go to midnimo.com, sbconline, allpuntland.com and others...
  11. what ever you can share bro.. Its all welcome.
  12. 15 Qof oo ku dhimatey & 50 kale oo ku dhaawacantey dagaalkii ka dhacey Galkacyo Galkacyo - 11.April.2005 ............Edited............... Saadaq Cabdi Guumbe SBC Galkacyo.
  13. Dagaal Maanta ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ....Edited.................. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.co
  14. HOGGAAMIYEYAASHA DAGAALKA EE MUQDISHOW HA ISKU DAYINA INAAD SACABADIINA KU MOOSTAAN WEBI SOO FATAHAY!! Haddii malaayiin Soomaali ah oo ay si weyn u dilootay dhibaatadii xanuunka badneyd ee dalka ka dhacday mudadii 14-ka sano ahayd u ooman yihiin nabad, dib u heshiisiin iyo Dowlad Qaran oo samatabixisa, waxaa jira kooxo fara ku tiris ah oo diidan in la helo nidaam, kala dambeyn iyo adeegsiga sharciga, dhufeys adagna ugu jira inaan marnaba laga tallaabsan xaalada maanta taagan oo ay u arkaan inay maslaxadooda ku jirto. Isbedelka iyo guur guurka wakhtiga ayaa sal u noqday in hannaanka ugu sahlan ee maanta masraxa siyaasadda lagu soo fuuli karo uu noqdo adeegsiga Qoriga iyo dhiig daadinta, bal dib u raac taariikhda dagaal oogayaasha maanta Wasiirada noqday ee diidan in dib loo unko dhismaha Qaranka, midkoodna maka dhex muuqday siyaasadii Dowladnimo?, 14-sano kahorse maxay ahaayeen?, waxaa kuu muuqanaya inay ge-bigoodba daaqada ka soo galeen masraxa siyaasadda kaddib ridistii xukuumadii Kacaanka, kuna soo caan baxeen habka fowdada ku dhisan. Hoggaamiyeyaasha dagaalka ee Muqdisho waxay iminka ku sugan yihiin xaalad jaha wareer ah, iyadoo durba ay hareysay rajo mugdi ah, waxaana dhabarjab weyn ku dhacay kolkii ay waayeen ifafaalaha iyo gacan haatintii beenta ahayd ee uga imaaneysay kooxo isugu jira siyaasiyiin fashilantay oo masraxa siyaasadda ku hungoobay, Ganacsato beeleed iyo ururro diimeedyo ujeeddo kala gaar ah leh. Hoggaamiyeyaasha dagaalka haddii shalay shacabku ugu garba duubnaayeen beer laxawsi qabiil, maanta waxaa dhacay isbedel mug leh, waxayna shacabku u guntadeen inay gartaan halka ay dantoodu ku jirto taasoo ah taageerida iyo u hiilinta Dowladda Federaaliga ah ee ka soo ifbaxday shirkii mudada dheer loo fadhiyay ee uu EEBBE ku guuleysiiyay inta ay daacada ka ahayd daba qabashada inta ka hartay shacabka. Geesinimadu ma aha sida ay dad badan u qaateen oo ah inaad ku adkeysato oo aadan dhanna uga nuuxsan mowqifkii aad hore u taagneyd, oo waa inaad wax badan ka tagtaa oo aadan ku hungoobin riyo dhalanteed ah, waxaana hoggaamiyeyaasha dagaalka ee Muqdisho la gudboon inay garwaaqsadaan inuusan haatan fikirkoodu miradhal noqoneyn, dhankoodana ay ka raacaan Tareenka nabadda inta aan meel cidlo ah looga tegin. Baaqii 29-ka qodob ka koobnaa ee ay soo saareen hormuudkana u ahaayeen hoggaamiyeyaasha awooda Ciidan ku leh magaalada Muqdisho 12/3/05 wuxuu u muuqday awr kacsi siyaasadeed, iyadoo ruug cadaayada salka iyo baarka kala socda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya ay durbadiiba caddeeyeen in qorshahan uu noqonayo Webi bacaad ku dhammaaday, haddii hoggaamiyeyaashani ay Muqdisho nabadeyn karaan maxaa ka hor istaagay mudadii 14-ka sano ahayd, xageyse ku dambeysay colaadii loo caal waayay ee sababtay in Mu-qdisho qeybo yar yar oo ay qabaa’ilo iyo hoggaamiyeyaal ka kala taliyaan u kala jajabto, aqrrinta xalay dhalay laga dhigay xal ma keeni kartaa?. Bandhigga Mashruuca nabadeynta iyo dhismaha maamulka G/Banaadir waxaa fashiliyay markii 27/3/05 Cumar Xaashi Aadan iyo 9-xubnood oo uu hoggaaminayo ay Muqdisho soo gaareen, iyadoo la ogyahay in Cumar Xaashi awood siyaasadeed iyo mid Ciidan toona uusan ku lahayn magaalada Muqdisho, wuxuuse iska dhex jibaaxay Barnaamij uusan fulin karin isagoo garabsanaya shaqsiyaad aan ehel u ahayn siyaasadda isla markaana aan u dhalan degaanka, sida Firimbi iyo Shaawey oo kala sheegta Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada oo ay Saxaafadda aan aqoonta lagu saleyn u caleema saartay. Dowladda Federaaliga ah waxay ku qasban tahay inay soo degto magaalada Muqdisho caasimada dalka, waase goormee?, Marka uu isbedelo muuqaalka maanta jira, waana ma dhacdo inay Dowladdu megen u noqoto maleeshiyooyin beeleedyo ka amar qaata kooxaha hadafkoodu yahay KOR iyo HOOS danna aan ka lahayn dhismaha Qaranka iyo samatabixinta shacabka, hore ayaa loo yiri «Waxaan daacad ahayn dabadey ka xumaadaan», ragga Muqdisho nabadeynteeda iyo maamul u sameynteeda fikirkeeda wata, kuwa ku dhawaaqay iyo qaarka loo xilsaarayba ma aha kuwo u daneynaya shacabka, waxayna wataan ujeeddooyin siyaasadeed, waxaanse gabagabadii leeyahay: HOGGAAMIYEYAASHA DAGAALKA EE MUQDISHOW HA ISKU DAYINA INAAD SACABADIINA KU MOOSTAAN WEBI SOO FATAHAY!!. W/Q: Muuse Max’ed Cusmaan muusekiimiko@hotmail.com muusekiimiko@yahoo.com
  15. Good info, more info on this town or "little village" as Sky put it..
  16. ^^^ I think we need to stop asking such questions. The issue is not OG-Girl and her background, if she is Somali or not. Lets not personalise the topic and reply and make necessery comments on the topic at hand. Thanks
  17. Maxamed Qanyare Afrax Oo Heshiis Hoose La Galay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyne uga soo horjeeday qorshaha Col. Cabdullaahi Yuusuf uu ku doonayo inuu xukuumadda xarun KMG ah uga dhigo magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar ayaa imanka warar lagu kalsoon yahay waxaa ay xaqiijinayaan inuu Maxamed Qanyare ka soo dabcey meeshii uu markii hore ku dhaganaa uuna hadda aqbalay qorshaha Madaxweynaha iyo Ra`iisul-wasaaraha. Isbadalkaan ku yimid Maxamed Qanyare Afrax ayaa ka dambeeyey kadib markii ay wadahadal hoose yeesheen asaga iyo Col. Cabdullaahi Yuusuf. Wadahadal-kaan oo ay ka soo shaqeeyeen dublumaasiyiin shihsheeye ah oo ka tirsan IPF -iyo dublumaasiyiin Reer Kenya ah oo ayagu xiriir hoose la leh maxamed Qanyare Afrax. Heshiiskaan la sheegay inuu dhex maray Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamed Qanyare Afrax ayaa waxaa ka mid ah inuu Maxamed Qanyare maamulo lacagaha loogu talagalay dhaqan celinta maleeshiyooyinka Muqdisho iyo dhamaan qarashaadka ku baxaya wax ka qabashada ammaanka Muqdisho taas oo uu Maxamed Qanyare ogolaadey. Dhanka kale, Maxamed Qanyare ayaa sida ay wararkaani sheegayaan waxaa uu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf u balanqaadey inuu kala furfurayo kooxaha ka soo hor-jeeda qorshaha Madaxweynaha iyo Ra`iisul-wasaaraha. Waxuuna si gaar ah u balan qaadey inuu dhex-dhexaaadiyo Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan oo la rumayusan yahay inuu si weyn ugu dhaga nugul yahay Maxamed Qanyare Afrax Warkaan oo laga soo xigtay ilo muhiim ah oo ayagu ka qeybqaatay wadahadaladaas ayaa intaas ku daray in uu Maxamed Qanyare ka baaqsan doono safar la filayey inuu katago magaalada Muqdisho asaga iyo koox xildhibaano ah. Maxamed Qanyare Afrax ayaa waxaa lagu yaqaan nin si weyn oo fiican u yaqaan dabaal joogtada siyaasadda Soomaaliya, asagoo ilaalsada hadba meesha ay siyaasadu uguurayso si uusan geedigaas uga gaabin.
  18. Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah ee Soomaaliyeed oo dib ugu soo laabtay Nairobi Posted to the Web Apr 08, 08:00 Nairobi:-Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah Cabdullaahi yuusuf Axmed ayaa xalay 1:30 habeynimo saqdii dhexe ka soo degay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta Internataional Airport ee magaalada Nairobi,isagoo ka soo laabtay socdaalo uu ku kala bixiyey qaar ka mid ah dalalka Carabta. Madaxweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa waxay ka qabqaleen shirkii Madaxweynayaasha dalalka Jaamacadda Carabta uga furmay 21kii bishii tagtay magaalo madaxda dalka Aljeeriya ee Aljeris,iyadoo warmurtiyeedkii Madaxda Jaamacadda Carabta kulankaasi ka soo saareen ku sheegay in Soomaaliya laga taageero dhinacyada dhaqaalaha,siyaasadda,farsamada iyo ammaanka,waxayna weftiga Madaxweynuhu u sii gudbeen dalka liibiya,waxaana weftigaas ku biiray wefti balaaran oo uu hoggaaminayo Ra'iisal wasaaraha Xukuummadda FKMG ah Cali Maxamed Geedi. Madaxda sar sare ee soomaaliyeed ayaa waxay kulamo kala duwan la yeesheen Madaxweynaha dalka Liibiya iyo Madaxda dalkaasi,iyadoo waxyaalihii la isla soo qaaday ay ak mid ahaayeen sidii dalka Liibiya taageero buuxda ugu fidin lahaa Dawladda FKMG ah,islamarkaasna dalka liibiya gacan uga geysan lahaa sidii Soomaaliya loogu diri lahaa ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Afrika iyo Jaamacadda Carabta. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo safar gaaban ku soo maray Dalka Uganda,ayna Wafuudii la socotay uga hareen Liibiya ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Xubno isugu jiray Golaha baarlamaanka iyo Wasiirada,isagoo markaas ka dib u gudbay Aqalka uu ka degen yahay Magaalada Nairobi,waxaana lagu wadaa in Weftigii balaarnaa ee ku haray Tripoli ee uu ka mid yahay Ra'iisal wasaaraha Xukuummadda FKMG ah inay ka soo dagaan Nairobi maalinta Axadda ah ee soo socota. Soo laabashada Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ee Magaalada Nairobi ayaa waxay ku beegantay xili qaarka mid ah Xildhibaanada FKMG ah u kicitimeen Magaalada Muqdisho,iyadoo halkaasi uga sii horreeyeen dhawr iyo toban Xildhibaan,islamarkaasna ay jiraan khilaaf soo xooggaysanaya oo u dhexeeeya Golaha baarlamaanka iyo Wasiirada. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya
  19. Nairobi: Wafti uu Hogaaminayo Madaxweynaha DFKG Soomaaliya oo ka Degay Nairobi - Friday, April 08, 2005 at 04:53 Nairobi (AllPuntland) - Wafti uu hogaamnayo Madaxweynaha DFKG Soomaaliya Md. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa qiyaastii 1:30 caawa waqtiga Geeska Afrika soo cagadhigtay geggida diyaradaha Jomo Kenyata ee Nairobi, caasimadda dalka Kenya. Waftiga Madaxweynaha oo aad u koobnaa, ayna ku weheliyeen Madaxweynaha tiro yar oo shaqaalihiisa khaaska ah ayaa waxaa ku soo dhaweeyey madaarka caalamiga ah ee Jomo Kenyata in ka badan 160 xildhibaan oo ka tirsan Golayaasha Wakiilada iyo Wasiirada ee Dawladda iyo Xukuumadda FKG Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa mid mid u gacanqaaday dadkii ku soo dhaweeyey madaarka Jomo Kenyata isaga oo la kaftamayey, weedhana ay is-dhaafsanayeen xubno ka mid ah golayaasha dawladda. Waxaan aan ka dhexmuuqan xildhibaanada qaabilay waftiga Madaxweynaha Ra'iisal Baarlamaanka Soomaaliya Md. Shariif Xassan iyo tiro yar oo ka mid golaha wakiilada. Waxaa daka Libya ku sugnaa labadii usbuuc ee la soo dhaafay wafti balaaran oo ka socda Dawladda Soomaaliya ayna hogaaminayeen Madaweynaha, Ra'iisal Wasaaraha iyo ku Xugeenadiisa, Wasiirada Arimaha Dibedda iyo Maaliyadda, iyo xubno kale oo ka tirsan labada Golle ee Dawladda oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madaxda Jamaahiirta Carbeed ee Libya. Madaxda labada dal ayaa wadahadaladoodu ku salaysnaayeen iskaashi dhaqan-dhaqaale oo dhexmarta labada Ummadood, taageero dhaqaale iyo mid ciidan oo Libya ay u fidiso Soomaaliya, Xukuumadda Madaxweyne Gadaafi oo dawr firfircoon ka qaadata dib u heshiisiinta garbaha ku hardama siyaasadda Soomaaliya, iyo sidii wadamada ku midoobay Ururada Midawga Afrika iyo Jaamacadda Carabtu ay kaalin taam ah uga qaadan lahaayeen dib u dhiska Dawlad Soomaaliyeed iyo hirgelinta arkaanta bud-dhiga u ahaa shirkii dib u heshiisiinta ee dhalay dawladda iyo xukuumadda Soomaaliya. Wadamo Carbeed oo ay ugu horeeyaan Libya, Sudan, Yemen iyo Sucuudiga ayaa ballan qaaday in ay taageero dhaqaale iyo ciidanba u fidin doonaan dawladda Soomaaliya. Sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan waftiga dawladda Soomaaliya ee booqashada ku joogay Libya, waxaa lagu wadaa in wafti balaaran oo uu hogaaminayo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayna weheliyaan ku Xigeenadiisa Xuseen Maxamed Caydiid iyo Salim Aliyow Ibrow ay ku soo fool leeyihiin Nairobi maalmaha soo socda. Sidoo kale wafti uu hogaaminao Wasiirka Arimaha Dibedda Md. Cabdullahi Sheekh Ismaaciil ayaa lagu wadaa in ay u kicitimi donaan dalka Talyaaniga halkaas oo ay kaga qaybgali doonaan aaska Wadaadkii Diinta Masiixiga ah, faraca Katoliga Pope John Paul oo dhawaan ku geeriyooday mandaqadda Vatican-ka. Aaska ayaa waxaa uu kulmin doonaa Madaxda Diinta iyo kuwa Siyaasadda ee wadamada Caalamka. Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa ka soo duulay Triopli, Libya oo ay booqasho hawleed ku joogeen muddo laba usbuuc ah. Waftiga ayaa ku soo hakaday magaalada Kampala ee dalka Ugandha halkaas oo la sheegay in ay wadahadlo kula yeesheen xubno ka tirsan xukuumadda Ugandha. AllPuntland
  20. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Oo Nairobi Dib ugu Soo laabtay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo qeyb ka mid ah waftigiisii ayaa xalay goor dambe dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi kadib markii ay kasoo kicitimeen dalka Liibiya oo ay mudo tobon casho ah ku sugnaayeen. Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee JKIA waxaa ku soo dhaweeyey xildhibaano iyo wasiiro isku jira oo tiradoodu kor u dhaaftay 160 xildhibaan. MadaxweyaneCabdullaahi Yuusuf ayaa in mudo ahba laga sugayey magaalada Nairobi si loo soo afjaro khilaafka hareeyey madaxda iyo xildhibaanada dowladda dibad jooga ah. Waxaa la filayaa in goob-joogayasha caalamig ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya ee loo yaqaan IPF inay waqtiga ugu dhaqsaha badan isku soo horfariisin doonaan gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Adan iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ayagu kala hogaaminaya labada dhinac ee ay dolwddu u qeybsan tahay. Wararku waxaa kale oo intaas ay ku daraayaan in ay jiraan xildhibaano badan oo isbadalay kadib markii ay ka war heleen in madaxweyne Cabdullaahi Yusuf soo helay lacag taageero ah oo ay dowladdiisu u isticmaalayso dib ugu laabashada dalka gudihiisa. Gedonet.com
  21. Waraysi - Cismaan Cilmi Boqorre, Ku Xigeenka IIaad ee Baarlamaanka Soomaaliya - Radio Daljir - Friday, April 08, 2005 at 19:26 The interview of the second deputy who claims he is in Xamar to pacify the city. Also claims there is no major rift, that they will accept peace keeping troops from Africa and the world with open arms.. http://www.allpuntland.com/news/news_item.asp?NewsID=3964#Scene_1
  22. ^^^ Why is that Qudac, do you know the new governor?
  23. Ra’salwasaare Cali Maxamed Geedi oo magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tripoli-08.April.2005 Ra’salwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi oo haatan booqashada ku jooga Dalka Liibiya Liibiya wuxuu magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir. Qoraal uu soo saarey Ra'isalWasaare Geedi ayuu ku sheegay ka dib markii uu la tashi la sameeyey Ra’salwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Eng.Xuseen Maxamed Caydiid in uu u magacaabey Maxamuud Xasan Cali (Cadde) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdisho. Magacaabistan Ra’salwasaare Cali Maxamed Geedi uu magacaabey Maxamuud Xasan Cali in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxay noqon doontaa tii ugu horeysay ee Masuul ka hawlgalaya Gudaha Wadanka la magacaabo. Maxamuud C/raxmaan Rood SBC Monitoring.
  24. Ra'iisal Wasaare Geeddi oo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Posted to the Web Apr 08, 18:16 Nairobi:-Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Ra'iisal Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi oo ku taariikhaysnaa 7 April 2005 summadiisuna tahay Dekreeto Lam.OPM/057/05 ayuu wuxuu ugu magacaabay laga bilaabo 7da bishaan April Mudane Maxamuud Xasan Cali (Cadde) inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho. Sida ku cad qoraalka Ra'iisal Wasaaraha ayaa magacaabistani waxay ka danbeysey sida uu qorayo Axdiga KMG ah iyo qadarrinta marxaladda xasaasiga ah ee dalku ku sugan yahay iyo baahida loo qabo baahinta xukuumadda iyo weliba tixgelinta soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Xuseen Maxamed Caydiid,iyadoo sida isla qoraalka ku cad magacaabistaan lagu qorayo faafinta rasmiga ah. Magacaabista Mudane Maxamuud Xasan Cadde ayaa ah tallaabadii kowaad ee ay xukuumaddu xil sare ugu magacawdo maamullada gobollada iyo kan deegaankaba ee dalka Soomaaliya ,iyadoo gobolka Banaadir uu yahay midkii ugu horreeyey ee qorshaha magacaabistan laga fuliyo maadaama uu yahay mid muhiimadiisa leh marka la eego dhinaca xukuumadda oo danaynaysa in la helo nidaam iyo maamul ka hirgala magaala madaxda oo saldhig u ah nabadgelyo ka dhalata dalka oo dhan. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
  25. Beelaha USCda oo la layahay meel u roon oo aan ka aheyn in ay Sooamliya oo idil isbaaro u sii dhigtaan Muqdisho Sida aan la socona muda shan iyo tobonsano waxaa afduub loogu jiraan beelaha USCda oo ayagu isbaara dhigtay hal boowlihii shacabka Soomaliyeed sidii casimadiid dalka iyo dhulbereedkii ay kuwada noolaan jireen dhamaan umada Soomaliyeed . Beelaha USCda ayaa leysku dayey in mar uun la qanciyaa si foodada u dayaan ayadoo dhor mar oo shir Soomaliyeed la qabtay la siiyey hogaanka ugu sareeya ee Soomaliya tasoo keentay in ay isku aqoonsadaan wadanka sii galiyaan bur bur uusan ka soo waqsan karin 50 sano hadii aad booqata faras magaalahii magalada Muqdisho indhahaada ilma ayaa ku soo joogsanaya sidii ay u galeen waxaad isleydahay ma Gaalo iyo Muslin ayaa ku dagaalay halkaan ,hadaba maxaa helay wax garadka beelaha USCda mise sidaan ayeey modeen nolo mase sida wax loo xukuma aysan wax ka garanenin sababtoo ah macquul ma ah in mar walboo leesku dayaa in xal loo helo Soomaliya ay bilabaan fooda hor leh ayagoo adegsanaya wax magarato aan damiir wadaninimo aan laheyn,ayagoona hal qabsi ka dhigtaa wadankii Axmaaro ayaa loo gacan galiyey ayagoona ah kuwa ka daranba Axmaarada maxaa yeelay hadii aad diido in dalka uu yeesho maamul soo celiya kala danbeenta soo u sahlanaaneyso in kuwii aad cadoga ku sheegeysay ay si sahal ah ku soo galaan wadanka ileen adigaaba ka dhaqan xun Axmaarada. Mucshida ugu daran oo aan daawa looga layahay hab dhaqanka beelaha USC ayaa ah Isbaarada maxaa yeelay waxa dhigta Isbaarada Culmadii wadanka ayagoo hugsan magaca Maxkamada Islaan , Siyaasiyiintii rabay in ay wax xukumaan iyo odayaashii laga sugaaya xalka marka meel ay isbaaro dhigteen dadkii xalka laga suagayey maxaad ka sugee wax magardkoodii . Bal arag gabartaan yar siday u galeen dagaalada u dhaxeeya beelaha USCda dhaxdooda Tan ugu daran oo ah mar walboo wax la yagleelo waxey la imanayaan wax kale oo aysan ku dhaqmeynin bal eeg 29 qodob ay soosareen Xildhibanadii ku abtirsanayey beelaha USC sida ay u quruxbadan yihiin iyo sida aan loo fulineynin marka ay sidaan tahay dadoow ayaa u kala gar qaadi doona beelha USC iyo shacabka Soomaliyeed oo mar uun sugayey xal laga helaa qeybaha ay daganyihiin dadka ku abtirsadaa beelaha USC ase sii jiri doonaa hamiga beenta ah ee beelaha USC waa jawab lagaa sugaya diga Ku noqo beejka webmaster@dayniile.com