
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Wafdi Sare oo ka socda Midowga Afrika oo kusii jeeda Jowhar Jowhar:- Maanta ayaa la sugayaa in ay magaalada Jowhar soo gaaraan wafdi balaaran oo ka yimid dalka Itoobiya kana socda Midowga Afrika. Wafdigan oo kasoo kicitimi doona xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Axad ah magaalada Jowhar kula shiraan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya. Socdaalka Wafdigan ayaa ah mid la xariira u kuur gelida xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii ay ugala hadli lahaayeen dowlada Federaalka qoraalka qorshaha Ciidamada Ururkaasi lagu keenayo dalka Soomaaliya. Qorshahan oo ah midkii uu horey u codsaday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo horey go'aano uga soo saaray arrimaha la xariira cunaqabateynta-hubka ee Saaran dalka Soomaaliya oo la sheegay in aan la qaadi doonin. Isla go'aankaasi ayaa waxaa lagu xusay in Midowga Afrika qorshaha uu ciidamada ku keenayo dalka Soomaaliya uu Golaha Amaanka soo dhaweeyey isla markaana laga codsaday qorshe dhameystiran oo ay ka wada shaqeeyeen Midowga Afrika iyo Dowlada Soomaaliya loo soo gudbiyo Golaha Amaanka si markaasi looga baaraan dego. Hadaba wafdigan ayaa sidoo kale indha indheyn doona qaabka ciidamada Midowga Afrika loo keeni karo dalka Soomaaliya. Sida ay sheegayaan xubno xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Jowhar oo u waramay HorseedNet ayaa sheegaya in Wafdigan ay Xukuumada Federaalka kala hadli doonaan sidii loo dhameystiri lahaa qorshaha ciidamada la keenayo. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in wafdigan uu kormeer kusoo maro xarumaha ciidamada ee magaalada Jowhar laga furayo. Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ayagu todobaadkan ku dhawaaqay in magaalada Jowhar laga furi doono labo xarumood oo ciidan. Xarumaha ciidamada oo laga sameyn doono deegaanka Mahadaay iyo aaga Koongo (Shabeelada Dhexe), halkaasi oo la filayo in lagu xareeyo ciidamada cusub ee loo qorayo dowlada. Waxaa la filayaa in wafdigan uu sidoo kale kulamo la yeesho madax ka socota saraakiisha hada ku sugan magaalada Jowhar. Midowga Afrika ayaa horey u soo dhaweeyey guuritaanka ay dowlada Soomaaliya ugu guurtay magaalada Jowhar. Waxaana jira isku day uu ururkaasi ku doonayo inuu ku mideeyo garabyada iska soo horjeeda ee dowlada Federaalka ee Soomaaliya. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
-
^^^ That made no sense what so ever. As for the sly underhand comments I am possesses only by the pusuit of vitue. Peace, stability and order is why I support this government. You on the hand mention Bossaso in order to highlight the clan that you want to associate with the government and thus create wedge between the ordinary layman and the government. Again stop fronting you have no right to speak for the people of MOGADISHU. The issue here is government versus looters and criminals, order Vs anarchy, stability and progress and the hopes of the Somali people. I belive Somalia can be much better, you on the otherhand seem to belive we the Somalis have never had it so good..
-
^^^ Assumptions is the mother of all ailments. You know what I belive and what I hope for??? Xoogsade dear brother your posts are gettingto be sader by the minute. The reality is there is desperation in the air, the strong boastful talk of the warlords your heroes is diminishing by the day. The media is a reflection of this, all we are getting from dayniile and the like is "war is coming" this country is giving "wepons" and so on and so forth.. You on the otherhand make silly comments as if one, Mogadishu belongs to you personally or that you have more right on it than say myself. For this reason you pretend that you are defending the people of Mogadishu as they are your people alone. Well get of your high horse, Mogadishu belongs to everyone and the people there are mine as well and I mean them no harm...
-
^^^ Lol, A few days ago you was certain that the government could not be based in Jowhar and was high on rhetoric. Today you are putting all your bets on a supposed incident in feer-feer. What we have here is a government growing everyday with clear programm of recreating the armed forces, it has the support of the people, and what have the desperate opposition? The hope that another civil war will happen... Its getting hot in hells kitchen..
-
Xoogsade, I beg your pardon but do you know what the definition of a capital is? Mogadishu was the capital of Somalia but since 1991 it has just been the biggest city in the country.. Once you undertsand that then everything else will become clear. NewYork and LA are bigger than Washington but they are not the capital. Mogadishu will once again be the capital insha Allah once the government of Somalia is based there perminently.. For now its the biggest city and former capital and no ammount of emotive langauage can change that truth..
-
Col. Yuusuf iyo Prof. Geeddi oo 48-dii saac ee la soo dhaafay qadka taleefonka ee Muqdihso kula soo xiriiray mas’uuliyiin kor u dhaafaya 103 qof Waaga Cusub News Online, Muqdisho Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo ra’iisal wasaarihiisa Cali Max’ed Geeddi ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay qadka taleefonka kula soo xiriiray in ka badan 103 mas’uul, kuwaasoo qaarkood ay isku maandhaafeen qorshihii uu kala hadlayey. Mas’uuliyiintaan oo isugu jirta qaar ka tirsan xubnaha golayaasha Muqdisho, ganacsatada, culimaa’uddiinka, aqoonyahannada, maamulayaasha idaacadaha iyo Website-yada madaxa bannaan gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda siyaasadda dowladda Itoobiya ayaa waxaan ka soo qaadan karnaa Muuse Suudi Yalaxow, Cismaan Xasan Cali Caato, Bootaan Ciise Caalin, Yuusuf Dheeg, Cabdi Qeybdiid, Abuukar Ganeey, Sh. Jaamac Xaaji Xuseen, Shariif Xasan Sh. Aadan, Eng. Caddow, Bashiir Raage Shiiraar, Abuukar Cumar Caddaan, Max’ed Faarax Jimcaale, inkastoo aanu ka gaabsanay in aan soo bandhigno magacyada wariyeyaasha ay la soo xiriireen. Dedaaladaan dhinaca taleefonka ah ee uu C/llaahi Yuusuf Axmed kula wada xaajoonayey guud ahaan mucaaradkiisa ku sugan Muqdisho, ayuu ku codsanayey in la taageero siyaasaddiisa, wuxuuna ragga qaarkood kula gorgortamayey ballan qaadyo dhaqaalo, mid xileed iyo tixgalin gaar ahaaneed. Si kastaba ha ahaatee illaa iyo hadda lama kala caddeyn karo inta u hoggaansami doonta codsiyadiisa iyo inta u dhoolacaddeyn doonta. Daahir Cabdulle Calasow. Muqdisho – Somalia waagacusubonline@yahoo.com Xafiiska Wararka Waagacusub & Gobanimo.
-
No more threats to Jowhar, now its all about who to blame? And of the coming "clan war".. The final hope of he mediation of the UN...Desperate times indeed for the HYPE-media, cheerleaders and their warlords who are stranded in Xamar... Guddoomiyaha baarlamaanka oo ay xaalad adagi ka haysato wasiirada & xildhibaanada hubeysan ee Muqdisho Muqdisho Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayey wararku sheegayaan in xaalad adag oo is mari waa ah ay kala taagan yihiin wasiirada & xildhibaanada hubeysan ee Muqdisho ku sugan, waxeyna warar ku dhow dhow sheegayaan in guddoomiyuhu kulamo uu la yeeshay wasiirada hubeysan oo ay kaga wadahadleen in wax laga qabto xaaladaha ammaanka magaalada ee sii xumaanaya & qaadista Isbaarooyinka yaala gudaha magaalada in qodobadii ay ku heshiiyeen guddoomiyaha & wasiirada hubeysan in waxba ay ka soo bixi waayeen. Qaar ka tirsan wasiirada hubeysan ayaa qaadista isbaarooyinka u yaala gudaha magaalada & hareeraheeda maleeshiyooyinka taageersan shuruud ku xiray, waxeyna qaarkood soo gudbiyeen lacago fara badan oo maleeshiyooyinka taageersan ka soo gala Isbaarooyinka u yaal waddada, waxeyna ka codsadeen guddiga Isbaara qaadista ee uu madaxda ka yahay Eng. Max’ed Xuseen Caddow in ilaa meel la saaro lacagahaasi in maleeshiyooyinkooda aaney diyaar u aheyn in ay qaadaan Isbaarooyinka, taasoo si weyn kaga careysiisay guddoomiyaha baarlamaanka & xubnaha labada gole ee Muqdisho aanan ku hubeysneyn Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa horay dhowr jeer ugu hanjabay in uu xilka ka degayo oo uu is casilayo, taasoo ka dambeysay culeys uga yimid dhinaca beesha caalamka oo dhaliilay mowqifkiisa siyaasadeed ee ku wajahan in Muqdisho ay farriisin u noqoto dowladda taasoo meel mar noqon weysay markii dilal kala duwan ay magaalada ka dhaceen. Nasrudiin Ceydiid Salaad.Dayniile,Muqdisho diinicadde@hotmail.com
-
Jaytee is in Jowhar, what does that tell u? Tells you Jowhar is the capital of Somalia.. Yet General Naji and the deputy defence minister with Jayte were in Beledweyne a few days ago.
-
^^^^ As ever you are mistaken dera brother, and here is an audio from Minister Jayte of Beledweyne explainig why we should not belive the warlord media hype.. Waraysi: Wasiir ku xigeenka Hub ka dhigista Maleeshiyaadka Soomaaliyeed Mudane Cali Jayte Cusmaan, ayaa ugu Baaqay Idaacada Honafrik in aysan ka beensheegin Xaqiiqda dhabta ah, ee ka jirta Gobolka Hiiraan Magaalada Baladwayne Posted by : webmaster on Sunday, July 31, 2005 - 02:27 AM Halkaan ka Dhagayso Waraysiga Audio of minister from Hiiraan.. Mudane Jayte oo isagu ka hadlaayay Wararkii dacaayada ahaa ee laga fidiyay Gobolka hiiraan ayaa ka bixiyay faah faahin dheeraad ah markale. isaga oo kusugan Magaalada Baladwayne. Wasiir kuxigeenku waxa uu ugu baaqay marka hore, Idaacada Hornafrik in aysan ahayn Siyaasi ee ay tahay Idaacad la dhagaysto, haboon tahayna xaqiiqda jirta in ay sheegto, ee aysan Buun buunin wax aan jirin. Wasiir kuxigeenku waxa uu sheegay dagaaladii la sheegay in ay ka dhaceen Gobolka Hiiraan,hadiiba ay jiraan in khasaare imaan lahaa, taas micnaheeduna yahay in aan wax dagaal ahiba dhicin. Wasiirku kuxigeenku waxa uu sheegay, in ay jiraan Ciidamo ka yimidGoboladaPuntlland, yimidna Magaalada Baladwayne iyaga oo watay Booyad ay Biyo ku doonayeen, wax dhibaata ah oo ay la kulmeen iyo wax dagaala oo dhacayna aysan jirin, xaqna u leeyihiin in ay magaalada yimaadaan. Wasiir kuxigeenku waxa kale oo uu sheegay in loo gudbay Qaran, oo laga tagay Jabhadayntii, hadii Qaran loo gudbayna loo baahan yahay Ciidan Qaran. Wasiir kuxigeenku waxa uu tilmaamay in dadka diidan Ciidan Qaran, aysan doonayn Qaranimadii Soomaaliyeed, ayna tahay in aan laga hortago. Wasiir ku xigeenku waxa uu tilmaamay in Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed meel walba, iyo dagma walba la gaynayo, cid ka hor imaan karta iyo cid diidi kartaana aysan jirin. Idamaale News
-
The article below is from Ayaamaha, Mogadishu newspaper and a big supporter of the Mogadishu group led by the warlords and fronted by the tool Sharif..... Howlihii Isbaarro qaadista Magaallada Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo lagu guuldarreystay Posted by: editor Iyadoo maalmihii la soo dhaafay Guddi ka socday Dowladda Federal-ka KMG ah ay ku howlanayeen in ay Isbaarrooyinka gebi ahaanba ka qaadaan Magaallada Muqdisho ayaa howlahaasi geba-gebadii waxay ku dhammaadeen guuldarro. Qaar ka tirsan Isgoysyadii ay Isbaarrooyinku u yaalleen kooxaha maleeshiyada ah ayaa lagu guuleystay in la qaado, sida isbaarradii taallay Isgoyska Kaaraan, Afarta Darjiino illaa Ceel Cabdi, kuwii dhex daadsanaa waddada weyn ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, hase yeeshee maalin kaddib markii la qaaday Isbaarrooyinkaasi ayay subixii ku xigay ku soo noqdeen goobihii ay lacagta baadda ah gaadiidka dadweynaha uga qaadan jireen. Waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa haatan waxaa dhex teedsan in ka badan dhowr iyo toban Isbaarro, halka dhowaan ay rajo yar soo gashay dadweynaha Magaallada Muqdisho markii halkaasi ay ku soo hareen saddex Isbaarro oo qura, hase yeeshee riyadaasi waxay noqotay "Riyo maalmeed aan dhab ahayn". Sidoo kale kooxihii iyagana lacagaha ka qaadan jirey gaadiidka mara Jidka Wadnaha ayaa iyaguna howlohoodii lacag ururinta dib u bilaabay, iyadoo saakay la arkayay dadweyne aad u fara badan oo u lugeynaya Isgoyska Siinaay, maadaama ay gawaaridii halkaasi mareysay ay sheegeen in ay ku eg yihiin oo keliya Waddada Isgoyska Howl-wadaag, aysanna awood u lahayn in ay bixiyaan lacagahaasi. Mid ka mid ah Darawallada gaadiidkaee BL-ka ee waddada Wadnaha oo u warramayay weriye ka tirsan Wargeyska ayaa sheegay in sababaha ay Baabuurtooda Howl-wadaag ugu ekeeyeen ay tahay in haddii ay bixiyaan lacagta hal isbaarro ay kuwa kale oo dhan isku daba daysanayaan kaddibna lacago fara badan oo baad ah iyo kooxo cusub oo Isbaarrooyin ah lagu arkayo waddadaasi. Shariif Xasan Sh. Aadan oo ah Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Dowladda FDKMG ah ayaa isna mar la wareystay waxa uu sheegay in ay intii karaankooda ah ay isku dayeen in ay gebi ahaanba isbaarrooyinka ka qaadaan Magaallada Muqdisho, haatanna ay sii wadi doonaan dadaalkaasi.
-
^^^ Its also a capital of a whole region called Bakool, which is in Southern Somalia. However Jowhar is the temporary seat of power until such time as Mogadishu is secured. So dont make a meal of it...
-
Shariif Xasan Sh.Aadan oo kubaaqay inay udiyaar yihiin inay Wadahadalo dhexdhaxaadin ah layeeshaan Xubnaha Dowlada ee Jowhar. Posted to the Web Jul 30, 18:25 Muqdisho:-Gudoomiyaha baarlamanka ee Dowladda FKMG-ka ee Soomaaliyeed Mudane Shariif xasan Sh.Aadan ayaa maanta sheegay in ay xubnaahooda ku sugan magaalada Muqdisho ay diyaar u yihiin in ay wadahadalo kula yeeshaan goob walba xubnaha kale ee ku sugan magaalada Jowhar ee gobalka Sh/dhexe ee ay xagga fikirka si aad ah ugu kala duwan yihiin. Gudoomiyaha ayaa hadalkani sheegay mar uu maanta saxaafadda kula hadlayey Hotelka Saxafi oo ay maanta kulan ay albaabada u xiran yihiin ay ku yeesheen dhammaanba xubnaha labada gole ee Dowladda ee Muqdisho joogta. Shariifka waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin xubnahooda Xamar ku sugan in ay wadahadalo fool ka fool ah ay kula yeeshaan goob waliba kuwaasi oo lagu xalinayo khilaafka baahsan ee dabadheeraaday ee u dhexeeya xubnaha labada gole, si buu yiri loo badbaadiyo mirihii ka dhashay shirkii dib u heshiisiinta ee Soomaalida loogu qabtay dalka Kenya,islamarkaana loo taageero dadaalka ay iminka waddo Qaramada Midoobey ee lagu dhaxdhaxaadinayo xubnaha Dowladda ee is khilaafsan. Gudoomiyaha baarlamanka ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayey arrimaha Isbaaro qaadista waxaa uu xusay in ay iminka mareyso heer gabagabo ah oo la qaaday intii badneyd Isbaarooyinka ee muhiimka ahaa. Kulankii ay maanta xubnaha labada gole ay ku yeesheen Hotelka Saxafi, ayaa waxaa kaloo la iskula soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen: Sidii amniga Magaalada Muqdisho wax looga qaban lahaa,sida laga yeelayo Arrimaha Isbaaro qaadista iyo waxyaabaha ka haray,Khudbadihii ay dhawaan jeediyeen Madaxweynaha iyo R/wasaaraha,iska hor imaadkii dhawaan ka dhacay halka loo yaqaano Ceelgaal ee ka tirsan Gobalka Hiiraan iyo qodobo kale oo muhiim ah,iyadoo kulanku intii uu socdayna uu kusoo biiray Wafti dowladda FMKG-ka ka tirsan oo kasoo kicitimay dalka kenya oo uu hogaaminayey R/wasaare ku xigeenka kowaad Maxamuud C/laahi Jamac Sifir iyo xubno kale. ugu dambeyntiina kulankan ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyey dilkii naxdinta lahaa ee xalay loo geystay Aalaha u Naxariistee Marxuum Sheekh Maxamed Muumin Haaruun oo kooxo dablay ahi ay dileen. C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhajaceyl) Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya
-
Gobolka Shabeelada Dhexe oo uu Maamulo Mudane Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere, ayaa la qorsheeyay in laga Hirgaliyo Laba saldhig Milatery oo Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed ay Yeelanayso Posted by : webmaster on Saturday, July 30, 2005 - 08:58 AM Bartilmaameedka Koowaad ee Ciidamo ay yeelan doonto Dowladda Federaalka soomaaliya ayaa la sheegay inuu noqon doono degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, sidoo kalena Saldhig Labaad ayaa la sheegay in Ciidamada Dowladda KMG ah uu noqon doono halka loo yaqaano Kongo oo dhinaca magaalada Muqdisho soo xigta marka aad ka soo baxdo Jowhar. Wararka laga helayo Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Jowhar ayaa waxay sheegayan in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya haatan qorsheeyeen in Labadaas saldhig sida ugu dhaqsiyaha badan loo dayactiro. Saldhiga Kongo oo ah halka ay hadda ka ilaaliyaan Ciidamada Maamulka Maxamed Dheere Gobolka shabeelaha dhexe iyo ammaanka magaalada Jowhar ayaa noqon doona mid tababar lagu siiyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, siyadoo taliska guud ahaan doono magaalada Jowhar. Degmada Mahadaay waxaa ku tiila Warshad Sameyn jirtay Rasaasta ayaa hadda la qorsheeyay in laga dhigo Saldhiga Ciidamada dowladda xareyn doonta. Idamaale News
-
Dubai Bank reps arrive in Garowe Puntland..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Garoowe: Wafdi kasocda bangiga Dubai oo Garoowe yimid. - Saturday, July 30, 2005 at 15:46 Garoowe(AllPuntland)- Waxaa manta soo gaary magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland xubno ka socda bangiga Dubai , kuwaasoo ka koobnaa afar xubnood oo uu hogaaminayay guddoomiyaha dib u dhiska dhaqaalaha iyo saboolnimada ,Xasan Jibriil ayna ku weheliyeen maamulaha guud ee bangiga dhexe ee Dubai Xuseen Al-Jubayri iyo kuxigeenkiisa V. Cher iyo sidoo kale sargaal ka tirsan bangigaas oo lagu magacaabo C/salaam Yuusuf. Wafdigan oo maanta abbaare 12kii duhurnimo soo gaaray magaalada Garoowe waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Wasiirka shaqada shaqaalaha sportiga iyo dhallinyarada ,Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiir kuxigeenka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah, C/wali C/raxmaan iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Wafdigan oo kulan gaaban kula yeeshay xarunta madaxtooyada madaxwayne kuxigeenka iyo xubno kale oo katirsan golaha xukuumadda ayaa ka warbixiyay ujeedada socdaalkooda . Waxay sheegeen inay u socdaan sidii ay uga hirgalin lahaayeen maamul goboleedka Soomliyeed ee Puntland horumarka bangiyada. Xasan Jibriil oo ah guddoomiyaha dib u dhiska dhaqaalaha iyo la dagaallanka saboolnimda ee dalka Emaaraadka caraabta ayaa sheegay inay laamo ka furan doonaan magaalooyinka Garoowe , Boosaaso , Gaalkacyo iyo Laascaanood isagoo intaasi ku daray in mustaqbalka dhowna ay kuwo lamid ah ka hirgalindoonaan gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya. Madaxwyne kuxigeenka Puntland oo asaguna halkaasi ka hadlay ayaa si diiran usoo dhaweeyay martidan ka timid dalka Emaaraadka , wuxuuna sheegay inay tahay arin muhiim ah oo loo baahanyahay in hawlaha bangiyada la hirgaliyo , Puntland ayuu sheegay madaxwayne kuxigeenku inay diyaar u tahay sidii ay gacan uga gaysan lahayd hawlahaasi , xubnhan waxaa lafilayaa inay u gudbaan magaalooyinka kale ee Puntland. Ganacsatada iyo xawaaladlayda Soomaaliyeed ayaan ayagu inta badan aqoon u lahayn qaababka casriga ah ee ay isticmaalaan bangiyada caalamka, waxayse lacagohooda ku gudbiyaan oo kaliya qaabka xawilahaadaha . Faarax Yuusuf Nuur (KK) AllPuntland,Garoowe. -
Wafdi ka socda bangiga Dubai maanta ka soo degey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland Garoowe - 30.July.2005 Wafdi ka socda bangiga Dubai ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Conoco ee magaalada Garoowe. Wafdigan oo ka koobnaa afar xubnood ayaa waxaa hoggaaminayey Xasan Jibriil oo ah guddoomiyaha dib u dhiska, dhaqaalaha iyo la dagaallanka saboolnimada ee bangiga dhexe ee Dubai. Sidoo kale waxaa wafdigan ka mid ah, maamulaha bangiga Dubai, Xasan Subeyri iyo saraakiil kale, waxanay magaalada Garoowe ka soo degeen abbaara 12:00 duhurnimo. Xasan Jibriil oo ah guddoomiyaha dib u dhiska, dhaqaalaha iyo la dagaallanka saboolnimada ee bangiga Dubai, ayaa SBC u sheegay in ujeeddada safarkoodu uu yahay sidii ay Puntland uga hir gelin lahaayeen bangiyo ganacsi oo madax bannaan. Xasan Jibriil waxaa kale oo uu intaasi raaciyey in ay qorshaynayaan sidii ay laamo ugu yeelan layaayeen magaalooyinka Boosaaso, Garoowe, Laas Caanood iyo Gaalkacyo. Sidoo kale mas’uuliyiinta bangigan ayaa qorshaynaya sidii ay laamo ugu yeelan lahaayeen gobollada dhexe ee dalka Qaarood. Wadigan ayaa waaxa garoonka diyaaradaha ee Conoco ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey; wasiirka ganacsiga Puntland C/nuur Biindho, wasiirka shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo isboortiga, Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga, Cali Cabdi Awaare, wasiir kuxigeenka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah iyo Cabdiweli C/raxmaan Geyre. Wafdigan ayaa madaxtooyada magaalada Garoowe kulan kula yeeshay madaxweyne kuxigeenka ahna sii hayaha xilka madaxweynaha, Xasan Daahir Afqurac, wasiirka ganacsiga Puntland C/nuur Biindho. C/naasir Yaasiin SBC Garoowe
-
First of all lets not get carried away. There is no need to bring the late Siyad Barres name into this topic. As for father of the nation I guess thats neither here nor there. The man who best deserves that title is Aden Abdulle Osman, as the first leader of the independent republic. Everyone else is toast.. Now lets get back to the topic, nothing really has changed, old Juma and Co desperate as ever, are clutching on to every straw that happens to come their way. Their hope now is that reer Hiiraan will do the dirty work for their otherwise impotent leaders. However the news from Hiiraan is that nothing much took place and that the army recruitment is going smoothly. So making up stories, following up dayniile, waagacusub style scoops wont make any difference on the ground.
-
CIIDAMADA LOO QORAYO DOWLADA FADERAALKA SOOMAALIYEED OO LOO BALAN QAADAY LACAG GAAREYSA 250$ ASAKARIGIIBA. Abaanduulaha ciidanka xooga dalka soomaaliyeed Jen.Ismaaciil Qaasim Naaji iyo guddi saraakiil ah oo kus ugan Xerada lama galaay ee B/weyne oo ay ka socoto howl lagu diiwaan galinayo ciidamadii hore ee ka tirsanaa Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shalay sii cagacageynayay 350 askari iyadoo dhinaca kale bar bar socoto diiwaan galinta maleesgiyooyinka hubaysan kuwaasoo marka la soo dhameeyo la tababari doono iyadoo inta xiligaan la diiwaan galiyaya gaarayso 170 maleeshiyo ah. Dhinaca kale wararika laga helayo wasaarada gaashaandhiga dowlada faderaalka KMG ah Soomaaliya ayaa sheegaya in aslarigii kasta ay dowladu u balan qaaday in mushaar ahana loo siin doono 250$(labo boqol iyo konton Doolar) oo look ala siin doono 150 cadaan ah iyo 100 raashin waxaana lku sii qul qulaya B/weyne saraakiishii,saraakiil xigeenkii,alifleydii iyo debleydii ka tirsanayd ciidanka xooga dalka soomaaliyeed kuw-aasoo doonaya inay is diiw-aan galiyaan.
-
Baladweyn:Wasiir kuxigeenka hubkadhigista malleeshiyooyinka oo shir jaraa’id ku qabtay Baladwayne , muxuuse kaga hadlay?. - Saturday, July 30, 2005 at 15:49 Baladwayn(AllPuntland)- Maalmihii ina dhaafay waxaa warbaahinta Soomaalidu wax ka qorayeen ciidamo ka tagay Puntland oo fariisimo ka dhigtay magaalada Baladwayn iyo meelo kamid ah gobolka Hiiraan. Ciidamadaasi ayaa sidoo kale lasheegay in ay iska horyimaadeen ciidamo kale oo ay dhibaatooyin aan badnayn isku gaysteen. Hadaba wasiir kuxigeenka hubkadhigista malleeshiyoooyinka Soomaaliyeed Cali Jayte Cusmaan ayaa shir jaraa’id oo uu arimahaasi uga hadlayo ku qabtay magaalada Baladwayne ee gobolka Hiiraan. Mud: Jayte wuxuu sheegay inaan marka horeba la oran Karin ciidan Puntland baa jooga Baladwayne hase ahaatee ay yihiin ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo wasiirku beeniyay war uu ku tilmaamay mid ah saxaafadda qaarkeed buun buunisay oo ah in iska hor imaad uu dhacay , wuxuu xusay in aysan wax dagaal ah ama isk hor imaad ah uusan ka dhicin gobolka Hiiraan.. Wuxuu sheegay in saraakiisha ciidamada xoogga dalka meel walboo ay kayimaadaanba ay xiriir leeyihiin kulamana ay maalinwalba yeeshaan. Dhinaca malleeshiyooyinka baladwayne lagu xereeyay ee laga soo uruuriyay gobolka Hiiraan ayuu ku sheegay inay gaarayaan 1,500 oo nin , waxaana haatan ay ku jiraan xerada DHAAYFII. Mud: Jayte wuxuu sheegay in ciidankaasi la xereeyay loo magacaabay horjooge magaciisu yahay Ibraahim Cali Dhayte. Wasiir kuxigeenka hub kadhigista malleeshiyooyinka ayaa maalintii shalay ahayd kayimid magaalada Jowhar oo maalmahan kawaday hawlaha uu dawladda u hayo. CCC Farayaamo AllPuntland
-
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan: “lagama hor joogsan karo ciidanka Puntland gobolka Hiiraan†Jawhar - 29.July.2005 Guddoomiyaha cusub ee ay dawladda federaalka Soomaaliyeed u magacawday gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar ayaa war uu ka soo saaray magaalada Jawhar, ku sheegay in aan gobolka Hiiran laga hor istaagi karin ciidamada Puntland oo uu ku tilmaamay guddoomiyuhu “ciidan Soomaaliyeed oo hawlgal qaran ku jira, gobolka Hiiraanna aan laga xiginâ€. Hadalka guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii ciidan Puntland ah oo ka gudbi lahaa gobolkaas si ay u gaaraan magaalada Jawhar, ay dabley hubaysani u gashay dhexda. Yuusuf Axmed Hagar waxaa uu sheegay in uu Hiiraan yahay gobol Soomaaliyeed oo ay cid kastaa imaan karto, ayna jiraan dad doonaya in ay khalkhal iyo mugdi geliyaan taabba galnimada dawladda federaalka Soomaaliyeed waxana uu sheegay in laga guulaysan doono aakhirka. Ma uu ka hadlayey guddoomiyenimadiisa, waxaa uu sheegay in ay tahay mid sharci ah dadweynaha gobolka Hiiraanna ay taageersan yihiin. Axmed Xasan Mahad SBC Jawhar
-
lol@thedesperate dudes. Jowhar is in the SOuth of Somalia, Xuddur is even deeper in the south. If the Pres was running it would have been in the opposite direction. You of little faith
-
Madaweyne C/llaahi Yuusf Iyo Imaam Max'ud Oo Maanta Kulan ku yeeshay Caasimada KMG Magaalada Jowhar Somaliweyn - Jowhar--Somalia - 28/07/05 Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf Axmad ayaa maanta kulan la yeeshay Imaam Max'ud Imaam Cumar oo ah Imaamka Beelaha ****** ahna Duubka ugu Weyn Duubabka ****** Kulanka maanta u Madaxweyne C/llaah Yuusuf La yeeshay Imaam Max'ud ayaa ahaa arin inteeda badan looga hadlayay arimaha dalka soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegay in uu Imaamka U Sheegay in Dowlada ay imaamyada ka dooneyso sidii gobolada iyo Degmooyinka Dalka dib U heshiisiin laga hergelin lahaa sida ay ku soo warameen ilo ku dhow dhow imaamka Imaam Max'ud imaam Cumar Ayaa sheegay In Duubabka ay had iyo jeer ay Dadaadl ugu jiraan sidii ay dib u heshiisiin ugu dhex wadi lahaayeen umada soomaaliyeed Ra'iisul Wasaare Geeddi iWasiirka Qorsheynta Qaranka C/risaaq Juriile iyo xubno kale ayaa habeenkii xalay booqday Imaam Max'ud Guriga Uu ka Degan yahay Magaalada Jowhar isagoo Imaam Max'ud uu u mahad celiyay Booqashada ay Mas'uuliyiinta sar Sare ee dowlada ku soo booqdeen Guriga uu Jowhar ka degan Imaamka ayaa beryahan ku sugnaa magaalada Jowhar iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in uu gobolka Shabeelaha Dhexe uu u yimid dhex dhexaadin uu ka dhex waday beelo dhowaan gacan ka hadal ku dhex maray Degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan G/Sh/Dhexe
-
Madaweyne C/llaahi Yuusf Iyo Imaam Max'ud Oo Maanta Kulan ku yeeshay Caasimada KMG Magaalada Jowhar Somaliweyn - Jowhar--Somalia - 28/07/05 Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf Axmad ayaa maanta kulan la yeeshay Imaam Max'ud Imaam Cumar oo ah Imaamka Beelaha ****** ahna Duubka ugu Weyn Duubabka ****** Kulanka maanta u Madaxweyne C/llaah Yuusuf La yeeshay Imaam Max'ud ayaa ahaa arin inteeda badan looga hadlayay arimaha dalka soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegay in uu Imaamka U Sheegay in Dowlada ay imaamyada ka dooneyso sidii gobolada iyo Degmooyinka Dalka dib U heshiisiin laga hergelin lahaa sida ay ku soo warameen ilo ku dhow dhow imaamka Imaam Max'ud imaam Cumar Ayaa sheegay In Duubabka ay had iyo jeer ay Dadaadl ugu jiraan sidii ay dib u heshiisiin ugu dhex wadi lahaayeen umada soomaaliyeed Ra'iisul Wasaare Geeddi iWasiirka Qorsheynta Qaranka C/risaaq Juriile iyo xubno kale ayaa habeenkii xalay booqday Imaam Max'ud Guriga Uu ka Degan yahay Magaalada Jowhar isagoo Imaam Max'ud uu u mahad celiyay Booqashada ay Mas'uuliyiinta sar Sare ee dowlada ku soo booqdeen Guriga uu Jowhar ka degan Imaamka ayaa beryahan ku sugnaa magaalada Jowhar iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in uu gobolka Shabeelaha Dhexe uu u yimid dhex dhexaadin uu ka dhex waday beelo dhowaan gacan ka hadal ku dhex maray Degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan G/Sh/Dhexe
-
Madaweyne C/llaahi Yuusf Iyo Imaam Max'ud Oo Maanta Kulan ku yeeshay Caasimada KMG Magaalada Jowhar Somaliweyn - Jowhar--Somalia - 28/07/05 Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf Axmad ayaa maanta kulan la yeeshay Imaam Max'ud Imaam Cumar oo ah Imaamka Beelaha ****** ahna Duubka ugu Weyn Duubabka ****** Kulanka maanta u Madaxweyne C/llaah Yuusuf La yeeshay Imaam Max'ud ayaa ahaa arin inteeda badan looga hadlayay arimaha dalka soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegay in uu Imaamka U Sheegay in Dowlada ay imaamyada ka dooneyso sidii gobolada iyo Degmooyinka Dalka dib U heshiisiin laga hergelin lahaa sida ay ku soo warameen ilo ku dhow dhow imaamka Imaam Max'ud imaam Cumar Ayaa sheegay In Duubabka ay had iyo jeer ay Dadaadl ugu jiraan sidii ay dib u heshiisiin ugu dhex wadi lahaayeen umada soomaaliyeed Ra'iisul Wasaare Geeddi iWasiirka Qorsheynta Qaranka C/risaaq Juriile iyo xubno kale ayaa habeenkii xalay booqday Imaam Max'ud Guriga Uu ka Degan yahay Magaalada Jowhar isagoo Imaam Max'ud uu u mahad celiyay Booqashada ay Mas'uuliyiinta sar Sare ee dowlada ku soo booqdeen Guriga uu Jowhar ka degan Imaamka ayaa beryahan ku sugnaa magaalada Jowhar iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in uu gobolka Shabeelaha Dhexe uu u yimid dhex dhexaadin uu ka dhex waday beelo dhowaan gacan ka hadal ku dhex maray Degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan G/Sh/Dhexe
-
I like the shades..
-
Juma is fighting out of pride, so never mind him, he does not see the destruction, roadblocks thugarry and murder, he ignores it all out of clanistic sentiment. Like Cawad said remove the roadblcoks then we will clap..