General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. MMA, It seems we have been here before. I never doubted or put into question my support for the President of Somalia. So why must you repeat the same infintite comments that we have addressed before? On the point of Baidoa the question should be put to Sharif Xasan and Xabsade, why they wasted a whole year and gave opportunity to the likes of Inda Cade and Co to derail the aspirations of the people of Bay & Bakool? One has to look at the joy of the people of Bay and Bakool since they found out their city was hosting the government.. While Somalia as a whole lost a year to get its act together, the script is still with the play master Yusuf and those who wanted other wise have achieved only in vindicating his point. 1. That Mogadishu is still too volitile, 2. That the government must build its capabilities before it rushes into adventures. In summary, I know what political agenda I support it was clear more than 2 years ago. What do you support? What can I deduce from your posts? That you are pro RRA, Xabsade and the likes anti Inda Cade yet pro Abdiqasin[contradiction] ............. You are pro Sharif Xasan but belived he was independent ignoring the influance of warlords such as Qaynyare . Hence the tool.. ............. You hate the insecurity of our capital but want the government to rush and move to Mogadishu. Ignoring the lessons of Abdiqasin/Mahid.. ................... You hate Geedi unless he turns on Ina Yey........... Looking at it, even a child would deduce that you mean well for your country howver you are a novice, and as such all one can say is that the fisrt part of your name suits you sir.
  2. Jowhar: Madaxwaynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf iyo wafdi la socda oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar. - Wednesday, February 15, 2006 at 14:36 Jowhar(AllPuntland)- Madaxwaynaha Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar. Dadwaynaha magaalada Jowhar oo ay hor kacayaan siyaasiyiinta ka tirsan golayaasha dawladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Shabeellada dhexe ayaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxwayne Yusuuf. Madaxwaynaha ayaa saacad iyo bar ka hor ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo asaga oo ay socdaalkiisa ku weheliyeen wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Federaalka . Madaxwaynaha iyo gaadiidkii galbinayay ayaa ka dhaqaaqay garoonka diyaaradaha ayagoo gaaray halka loogu talo galay in la dajiyo madaxwayne Yuusuf. Madaxwaynaha ayaa maalmihii ina dhaafay oo dhan kusugnaa magaalada Gaalkacyo , wuxuuna intii uu joogay wada xaajood la layeeshay , raysulwasaaraha Soomaaliya , Guddoomiyaha baarlamaanka, madaxwaynaha Puntland iyo wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta dhammaantoodna wuxuu kala hadlay arimo kala duwan oo midba si gaar ah u quseeya. Madaxwayne Yuusuf ayaa lagu wadaa inuu maalmo kadib uu u duulo magaalada Baydhabo halkaasi oo ay ka socoto qaban qaabo xooggan oo ku aaddan shirka baarlamaanka Soomaaliya. CCC Farayaamo AllPuntland
  3. ^^^ Its wonderful you pay such attention to my posts I am touched. Baidoa is wondrful because all the MP's will be going there to hold a metting with no strings attached. Its great now due to thefact that all the leaders of the town agree to such a plan including former stooges. Today its not about individuals and what they did yesterday but what they endevour to acheieve today. So all in all its pretty great today if one happens to supports Somali nationalism and unity.
  4. I agree with SKY on this, a single adminstration and a united Galkacyu would usher in an era of development. Galkacyu is too far away from Bossaso, Mogadishu, Hargaysa and so on. This would make it the most important city in central Somalia a crisroads to everywhere from the Somali region of Ethiopia to Somaliland, Puntland and the South. Thats why people would invest in Galkacyu it is in the centre of Somalia. Its clans are well known for their entreoreneurship nature..Thats a deadly combination.
  5. Xaflad sagootin ah oo maanta loo sameeyay xildhibaannata Muqdisho ku sugan Posted to the Web Feb 14, 16:57 Muqdisho (PP) - Xalad si heer sare ah loo soo agaasimay oo sagootin ah ayaa maanta loogu qabtay xidlhibaanadii inta sannadka ku dhow ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana xafladdaas soo qabanqaabiyay haweenka horumarinta nabadda iyo Nolosha ee HINA, waxayna si weyn ula dardaarmeen xubnaha ka ambabaxaya maalmaha soo socda Muqdisho. Haweenka Horumarinta Nabadda iyo Nolosha ee HINA ayaa waxay xafladdaas si weyn ula dardaarmeen Xubnaha dowladda ee aadaya Baydhabo, iyagoo kula dardaarmay inay ka dhabeeyaan u saqeynta shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay u shaqeeyaan si nabad iyo niyadsami leh, waxayna sidoo kale kula dardaarmeen inay ka dhabeeyaan dhaartii ay u soo dhaarteen inay shacabka Soomaaliyeed ugu shaqeynayaan si niyadsami ah. Xubnihii maanta ka soo qaybgalay xafladdaas oo hadallo kala duwan ka jeediyay Hotelka Naaso-hablood oo ay xafladdu ka dhacday ayaa sheegay in xafladdaan ay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana ay tahay mid ay aad ugu farxeen, waxaana ay sheegeen in dardaarka ay kula dardaarmeen xubnaha soo qabanqaabiyay xafladdaan ay aad u taageersan yihiin. Waxaa xafaladdii sagootinta ahayd ee lagu qabtay Hotelka Naaso-hablood ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa: Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Cusmaan Xaaji Maxamuud (Dufle), Wasiirka Badda iyo Dekedaha Xirsi Aadan Rooble, Xildibaan Saleebaan Colaad Rooble iyo xubno kale oo aad u fara badan, waxaana ka muuqatay wajiyadooda inay si weyn ugu faraxsanaayeen xafladda ay soo Diyaariyeen haweenka HINA. Xafladdaas ayaa ku soo gabagabowday galabta jawi wanaagsan, waxaana ka dhacay Hotelka ay ka dhacaysa isla dardaaran aad u xoog badan, balse ma aysan sheegin xubnihii halkaas isugu yimid inay dib ugu soo laabanayaan Muqdisho iyo in kale. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu - Somalia
  6. Guddiyo lagu dhisayo Baydhabo Baydhaba - 15.February.2006 Kulan ay isugu yimaaddeen hoggaamiyayaasha RRA-da iyo xubnaha labada gole ee dawladda federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Shariif Xasan Shiikh Aadan habeenkii xalay ayaa looga doodey sidii loo dhisi lahaa dhawr guddi oo ay kamid yihiin guddiga nabadgelyada iyo guddiga abaabulka kalfadhiga baarlamanka, guddiga soo dhoweynta iyo dejinta martida, guddiga dib u heshiisiinta beelaha digil iyo Mirifle, guddiga nadaafadda iyo guddiga kormeeridda guddiyada kale. Guddiyadan ayaa waxaa magacaabaya afhayeenka baarlamanka federaalka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wasiirka beeraha dawladda Soomaaliya, Col. Shaati Guduud, iyo wasiirro kale. Guddiyadan oo ay dhiman tahay magacaabistoodu ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo dhowaan. Dhismaha guddiyadan ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada Baydhaba ku sii qulqulayaan dhammaan xubnaha ku jira dawladda federaalka Soomaaliya. Maryan Saylac SBC Baydhaba
  7. Goobta fadhiga barlamanka lagu qabanayo oo la shaaciyay Baydhabo:-Warar ka Ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Ayaa Sheegaya In dha indhayn dheer kadib in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya iyo Mas uuliyiin tii kale oo lasocday oo Kawada Tirsanaa dawlada Federaalka Somaaliya Ay Go aamiyeen in EX-Dugsgii Sare 11 Janaayo uu Noqdo Halka Kulanka Baarlamaanka Uu Ka Dhacaayo bishaan Gudaheeda. EX-Dugsgii Sare 11 Janaayo Ayaa La Sheegay in uu yahay Halka Ugu Haboon in Lagu qaban karo kulan ka Baarlamaanka madaama uu Yahay Iskuul Aad ubalaaran Leeyahayna Qolol Iyo Hool Aad uwaaweyn Qaadana wafuud Aad utira badan . Gudoomiyaha Baarlamanka Somalaiya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si toos ah u iclaamiyay in kulanka uu ka dhaco dugsigaasi.Waxaa Lafilayaa In Dugsigaan EX-Dugsgii Sare 11 Janaayo uu Noqon Doono Meel wada qaadi doonta Dhamaan Xildhibaanada Iyo Martida kale ee wehelisa Sida Warbaahinta Kormeerayaasha iyo waxii lamida. Jamaal Mohamuud Ahmed shuuriye shuurye55@yahoo.com Kenya Nairobi
  8. Galkacyu unied would help the whole of Somalia in general and the people of Mudug in particular. The people of Glkacyu have a choice of uniting and prospering or keeping these sensless divisions. Puntland should not put too many conditions to the "other side", nor should Southern Mudug keep to the stuborn side. United police force and city council and a share of all public institutions. Galkacyu will then compete to become a truly great city in comparison with the rest of Somalia.
  9. Somali leaders vow to work together, end rifts Posted to the Web Feb 13, 19:10 Source Reuters NAIROBI, Feb 13 (Reuters) - Somalia's president, prime minister and parliamentary speaker appeared to put aside their differences on Monday and vowed to work together to end anarchy in the Horn of Africa country. President Abdullahi Yusuf, Prime Minister Mohamed Ali Gedi and Speaker Sharif Hassan Sheikh Aden promised to promote reconciliation and unity among the country's 275 legislature for the benefit of the Somali people after a three-day meeting. The three leaders urged feuding Somalis to "stop inter-clan wars and meaningless hostilities" in a joint statement released on Monday in Galkaayo, 735 km (456.7 miles) north of Mogadishu and obtained by Reuters in Nairobi. "The President, Speaker of parliament and the Prime Minister will work closely together in the remaining interim period of the Transitional Federal Government in order to achieve confidence and unity among the national leaders."it said. The trio also promised to ensure the successful opening of the Somali parliament in the town of Baidoa on Feb. 26. The deal for parliament to meet in lawless Somalia has raised hopes among Somalis that the government can finally put a stop to the anarchy that has plagued the country since former strongman Mohamed Siad Barre was ousted in 1991. "It's very positive, it shows that we are going in the right direction." said Mohamed Ali Nur, the coordinator of Somali affairs in Kenya. "It is really good to see that our top three leaders have reached an agreement." The interim government was formed in late 2004 following protracted talks among rival Somali factions in Kenya. It returned to Somalia last year and has been split into two factions, one based in Mogadishu and the other in the provincial town of Jowhar.
  10. Heshiika Gaalkacyo Ay Ku Gaareen Masuuliyiinta Ugu Sareeysa Dowlada Federaalka Warbixin Dheer Oo Aan Idinkaga Soo Diyaariyey Iyo Qudbooyinka Oo Dhamaystirsan Somaliweyn - Taar-City-Hotel-Gaalkacyo -Somalia - 13/02/06 War murityeed ay si wadajir ah usoo saareen Madaxweynaha Somalia Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Gudomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aden iyo Raysul wasaraha Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Hotel Taar ee magaalada Gaalkacyo Waxaa kasoo qayb galay, labada gole ee dowlada federaalka Somalia , Madaxweyne k/xigeenka Puntland ahna kusimaha madaxweynaha Puntland Xasan Daahir Afqurac Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland, iyo marti sharaf kale. Waxaa ugu horeeyn halkaasi laga aqriyey warmurityeedkii ay soo saareen sadaxda masuul ee ugu sareeya dowlada Federaalka waxaana halkaasi ka aqiryey Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen, Wasiirka Tacliinta Sare ee dowlada Federaalka. War murtiyeed Madaxweynaha Somalia, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo Raysul wasaaraha Somalia waxay si wadajir u gaareen war murtiyeedkan: 10-13 waxaa shirar isdaba jog ah ugu socday sedexdan masuul waxayna isku afgatteen. in ay si wadajir ah ay fuliyeen heshiiskii Cadan ee dalka Yemen. In magaalada Baydhabo lagu qabto 26ka bishaan kulan ay isugu imaanayaan golaha shacabka. In si isku duubni uwada shaqeeyaan si isku duudbi ah barnaamijaka dib usheeshiinsnta sidii loogu hirgalin lahaa dhamaan dalka Somalia. Sidii ay si wadajir ah ugu shaqyn lahaayeen isu soo dhaweynta isu keenida bulshada soomaliyeed. In furitaanka Baydhabo ay goobjoog ka noqdaan beesha caalamka, Qaramada Midoobay, Jaamacada Carabta, AU, EU iyo dalka Mareykanka. Waxaa si wadajir loogu baqayaa in colaada la joojiyo gobolada dalka qaar ka tirsan oo ay ka sodaan dagaaladaasi, iyo in beesha caalamka dadijso wax uqabashada abaaraha goblada dalka qaar ka jira. Ugu danbaynta war murtiyeedka la soo saaray waxaa lagu sheegay in mahadcelin gaar ay usoo jeediyeen dowladahii iyo hay'adihii isku hawlay dib u heshiisiinta gaar ahaan madaxewnaha Yeman Cali Cabdalla Saalax iyo madaxda beesha caalama ee taageerada la garab taagan umada soomaaliyeed. Waxaa ku saxiixnaa war murityeedkani Ra'iisul Wasaaraha Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed 13.2.2006. Hadaba wasiirka Tacliinta sare oo halkaasi ka aqriyey warmurtiyeedkani ka dib ayaa waxaa si kala gooni gooni ah uga hadlay Madaxbadan waxaana ugu horeeyey:
  11. ^^ No your earlier comment was funny, not the comment of the brother Yancir.
  12. What is the role of the dispora to wait on the international community?
  13. Ganacsatada Reer Muqdisho Oo Dadka Abaaraha Waxyeelaysay Ugu Deeqay Lacago Iyo Booyadob Guddiga gurmadka deg degga ee abaaraha iyo ganacsatada gobalka Banaadir ayaa maanta kulan deqo loogu aruurinayo dadka ay abaaraha Wax yeelaysay ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulankan ay yeesheen Ganacsatada Gobalka Banaadir iyo gudiga gurmadka Abaaraha ayaa waxa uu ka dhacaqy Xarunta shirkadd isgaarsiinta Nationlink ee Magaalada Muqdisho, iyada oo laga wda hadlay sidii deeq dag dag ah loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaruhu la dagtay. Midawga ganacsatada gobalka Banaadir ayaa wada hadal iyo falaqayn kadib sidii dadkaasi dhibaataysan Baad iyo Biyo loo gaarsiin lahaa ku deeqay lacag gaaraysa $63,000 oo doolarka maraykanka ah iyo 10 Booyadood oo kuwa biyaha lagu dhaamiya ah. Deeqadan ay m,aanta ku deeqayn Ganacsatada Gobalka Banaadir, ayaa qayb ka ah deeqo dadka Soomaaliyeed ay ugu eeeqeen walaalahooda ay wax yeelada u gaysatay Abaarta, iyada oo tilaabooyinkaasina la dhihi karo waa kuwo ku dayasho Mudan. Y C S (Yaxye Yare) Gedonet Muqdisho
  14. Shariifka, Geeddi & Yuusuf oo khubad ka jeediyey K/Galkacyo Gaalkacyo - 12.February.2006 Gaalkacyo gaar ahaan xaafadda Baraxley, saddexda mas’uul ee ugu sar sarreeya dawladda federaalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah, madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamanka. Saddexdan mas’uul, wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta iyo guddoomiyaha maamulka koonfurta Gaalkacyo ayaa dadweynaha kala hadlay arrimaha nabadda gaar ahaan dhammaynta colaadaha soo noqnoqda ee dhex mara beelaha wada dega deegaannada koonfurta Mudug iyo gobolka Galgaduud. Guddoomiyaha Koonfurta Gaalkacyo, Imaam Xasan Jiinow, ayaa ugu horrayntii kulankaasi ka jeediyey khudbad diirradda saareysey arrimaha nabadgelyada iyo horumarinta koonfurta gobolka Mudug. Mr. Jiinow, waxaa uu codsaday in wax laga qabto xaaladda abaareed ee koonfurta gobolkaas, waxana uu dawladda federaalka Soomaaliyeed ka codsaday in ay hay’adaha gargaarka cadaadis ku saarto in ay deegaannadaas ka hawl galaan. Waxaa uu uga hambalyeey isla markaasna uga mahad naqay dawladdu, dadaalka ay ugu jirto haatan ka horna ay ka muujiysay nabad ku soo dabaalidda koonfurta gobolka Mudug. Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta, Cismaan Xasan Cali Caato, oo isla kulankan ka hadlay ayaa sheegay in nabaddu ay mudnaanta kowaad leedahay ayna tahay in wax walba laga hor mariyo, waxana uu intaasi ku daray in xukuummaddiisa ay ka go’an tahay in la horumariyo koonfurta gobolka Mudug. Intaa kadib ayaa waxaa hadalkii qaatay madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxana uu mahad celin u jeediyey wasiirrada iyo xildhibaannada ka soo jeeda koonfurta gobolka Mudug oo dadaal u galay sidii uu kulankani u qabsoomi lahaa. Madaxweynuhu waxaa uu labada beelood ee ku dagaallamay gobolka Mudug ka codsaday amaba ugu baaqay in ay sameeyaan xabbad joojin rasmi ah, waxana uu tilmaamay baahida loo qabo in hay’aduhu ay ka hawl galaan dhinaca koonfureed ee gobolka Mudug. Waxaa uu sheegay Cabdullaahi Yuusuf Axmed in hay’aduhu u baahan yihiin in ay arkaan ‘nabad’ ka hor inta aanay halkaas ka hawl gelin. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ballan qaaday in dawladda federaalka Soomaaliyeed ay ka qodi doonto ceelal biyood dhinaca koonfureed ee gobolka Mudug. Kulankan ayaa ku soo geba-geboobey jawi aad u wanaagsan iyo sidii loogu tala galay. Mukhtaar Cabdullaahi SBC Gaalkacyo
  15. Gaalkacyo: Isu soo bixii ugu ballaarnaa oo ay ka qaybgalaan madaxwaynaha Soomaaliya, guddoomiyaha baarlamaanka iyo raysulwasaaraha ayaa maanta ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo. Posted to the Web Feb 12, 12:36 Gaalkacyo:-(PP) Isu soo bax aysan u kala harin dadwaynaha magaalada Gaalkacyo ayaa saaka lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee C/laahi Ciise oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo. Isu soo baxan ballaaran ayaa waxaa goob joog u ahaa , hadallana ka jeediyay madaxwaynaha Soomaaliya Md: C/llaahi Yuusuf Axmed , Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan , raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Cismaan Xasan Cali Caato, wasiirka horumarinta reer miyiga Maxamed Guuleed (Gacmodheere)madaxwayne kuxigeenka Puntland ,Xasan Daahir Afqurac , iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cismaan Dalmar Yuusuf iyo siyaasiyiin ka tirsan DFKGS , waxaa kaloo goob joog ahaa maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo koonfurta gobolka Mudug. Jawiga goobta uu hadalku ka dhacayay. Dadwayne boqolaal gaaraya oo isugu jira arday, haween iyo dhallinyaro ayaa saaka waabarigii lagu diyaar gareeyay garoonka C/laahi Ciise si ay ugu soo dhaweeyaan halkaasi wufuudda dawladda ka tirsan . Ereyo soo jiidasho leh oo a kamid ahaayeen " Jaalayaalow , soo dhawaada" ayaa lagu dhawaaqayay ka hor intay wafdigu soo gaareen goobta iyo markii ay yimaadeen intaba. Wufuudda ugu saraysa dawladda ayaa si saf mar ah u salaantay dadkii garoonka ku sugnaa oo aad ula dhacsanaa inay wafdiga dawladda ugu saraysa ugu yimaadaan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan koonfurta Gaalkacyo. Khudbadaha. Iimaan Xasan Jiiroow oo madax u ah koonfurta gobolka Mudug ayaa halkaasi ugu horayn hadal kasoo jeediyay, wuxuu salaan diiran usoo jeediyay masuuliyiintii kulanka ka qaybgashay. Wuxuu wax lagu mahadnaqo ku tilmaamay in maanta madaxdii ugu saraysay ee dawladda ay marti u yihiin koonfurta gobolka Mudug , shacabkiisa, wasiiradiisa iyo xildhibaannadiisa. Md: Jiiroow wuxu sheegay in koonfurta gobolka Mudug marka loo eego dalka intiisa kale uu yahay gobol la illaaway isla marakaana dib udhac wayn uu ku yimid ayadoo aysan ka hawlgalin hay'adaha gar gaarka , dadkuna ay dhibaatooyin badan tabanayaan. Madaxda dawladda wuxuu ka codsaday in loo soo jeesto koonfurta gobolka Mudug iyo wax ka qabashadiisa iyo sidii ay bulshada kale ee Mudug wax ula qaybsan lahayd. Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Cismaan Xasan Cali Caato ayaa sidoo kale halkaasi hadal kasoo jeediyay , wuxuuna ugu horayn u mahad celiyay madaxda dawladda asagoo si kaftan ah u tilmaamay in magacyadooda uu isku khalday taasna ay ugu wacan tahay waqti badan oo ay kala moogaayeen. Cismaan Caato wuxuu sheegay in maanta dadka daggan koonfurta gobolka Mudug ee marti qaadkan samayeeyay ay ammaan u tahay in markii ugu horaysay magaaladoodii ku marti galayaan madaxdii ugu saraysay ee dawladda Soomaaliya. Raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa asaguna halkaasi ka hadlay , inkastoo hadalka raysulwasaaraha uu gaabnaa haddana wuxuu mahad ballaaran usoo jeediyay madaxda gobolka Mudug oo soo dhawayntan heerka sare ah u sameeyay . Cali Maxamed Geeddi wuxuu sheegay inaysan dawladdu mar naba illaawi doonin gobolka Mudug isla markaana ajandayaasha dawaladda ay meel ballaaran uga jirto gobolka Mudug. Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayay dadwaynuhu sacab iyo mashxarad u soo dhaweeyeen markii uu hadalka qabsaday asagoo tilmaamay in isu soo baxan uu muujinayo sida dadka Gaalkacyo oo aan u kala harin ay qoraxdan isugu soo bexeen si ay mar kaliya u soo dhaweeyaan madaxdooda. Guddoomiyaha baarlamaanku wuxuu ku ammaanay dadka gobolka inay yihiin dad soo dhawayn fiican leh, wuxuu kaloo sheegay in baahiyihii uu soo bandhigay guddoomiyaha koonfurta gobolka Mudug ay tahay mid jirta , dawladduna aysan waxba hagran doonin. Madaxwaynaha Soomaaliya Md:C/laahi Yuusuf Axmed ayaa isu soo baxii maanta hadalkii ugu danbeeyay ka jeediyay , wuxuuna madaxwaynuhu aad uga hadlay colaadaha ka taagan gobolka Mudug, Wuxuu sheegay madaxwayne Yuusuf in Gaalkacyo waxyaabihii uu yimid ay kamid ahayd in hal maamul loo sameeyo gobolka Mudug oo ay joogsato kala qaybsanaanta jirta. Si kaftan ayaa madaxwaynuhu u yiri" War mar haddii ay joogaan Cismaan Caato , Xaaf iyo Gacma dheere" diyaar ma u tihiin in la midoobo oo lawada shaqeeyo" dadwaynuhuna waxay ku jawaabeen Haa. Dhinaca kale wuxuu madaxwaynuhu aad ugu dheeraaday dagaallada ka dhex socda beelaha Sacad iyo Saleebaan, asagoo tilmaamay in labada beelood aysan marna kala guuri doonin sidii ay doonaan ha isku laayaane. Wuxuu si aad ah uga codsaday madaxda labada beelood inay heshiiyaan oo colaaddooda soo afjaraan , haweenka iyo wax garadka beelaha koonfurta gobolka Mudugna wuxuu ka codsaday inay dirirtaasi soo afjaraan oo ay u ololeeyaan. Waa isu soo bixii koowaad uguna ballaarnaa ee ay si wada jir ah u joogaan madaxda ugu saraysa dawladda ee ka dhaca Soomaaliya. Xigasho:-Allpuntland Puntlandpost.com
  16. You have no solid political foundation whatsoever. You're entire political orientation revolves around that of your idolized warlord-turned-selected President Col Yeey. Get a grip, man! This episode just shows who the real "tool" is, however. Brother lets not kid ourselfs, the Sharif when he was on the side of the few warlords did not enjoy mine or reer Puntlands support. However as you know politics is fluid things change over night. Today Sharif has the support of not just Galkacyu but also his constituancy of Bay. He has agreed to work within the institution and let the PM and President do their job. They in turn have allowd the Parliment to meet without any condition. This is posative unless of course you never wanted a government?
  17. Hamas team to visit Moscow soon Friday 10 February 2006, 19:20 Makka Time, 16:20 GMT Putin: We must recognise Hamas came to power via elections Alexander Kalugin, Russia's envoy to the Middle East, has said he expects a delegation from Hamas to visit Moscow later this month. Speaking to Aljazeera on Friday, Kalugin said "the Russian side would urge Hamas to negotiate with Israel on the basis of previous agreements". Vladimir Putin, the Russian President, made an unexpected move on Thursday in announcing he was planning to invite Hamas leaders to Moscow for talks in a bid to deter a fresh conflict in the region. The movement won a landslide victory in Palestine's general elections in January. "Today, we must recognise that Hamas came to power via legitimate, democratic elections in the Palestinian National Authority, which is why we must respect the choice of the Palestinian people," Putin said at a news conference in Madrid. Recognition of Israel Hamas won a landslide victory in the January elections Kalugin said earlier that Moscow was seeking to convince Hamas to recognise Israel and observe existing agreements between Palestine and Israel and the road map peace initiative proposed by the UN, the United States, the European Union and Russia - the international mediators in the peace process. Responding to Putin's comments, Hamas leader Ismail Haniyah from Gaza was quoted as saying that the group's members would be "delighted" to visit Russia if they were officially invited. Meanwhile, Russian Defence Minister and Deputy Prime Minister Sergei Ivanov said on Friday that many countries would be forced to maintain relations with Hamas eventually. Ivanov said: "Many leading countries - including the countries of the 'quartet' - will come into contact with Hamas sooner or later, some way or another."
  18. Gaalkacyo: Masuuliyiinta ugu saraysa dawladda Soomaaliya oo shir kuleh Gaalkacyo iyo wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta oo asaguna shir kula jira Odayaasha koonfurta Gaalkacyo. - Friday, February 10, 2006 at 16:46 Gaalkacyo(AllPuntland)- Madaxwaynaha Somaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed , guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo raysulwasaare Geeddi oo ay weheliyaan xubno 30 kor udhaafaya oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa shir uga socdaa Hotel Taar oo ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo. Shirka ka socda Hotel Taar oo aannu isku daynay inaannu ka qayb qaadanno ayaa nalaka hor joogsaday , waxaase la hadal hayaa in kulanku u badan yahay hore u sii dhaqaajinta hawlaha dawladda . Shirkaan oo ka duwan shirarkii hore ayaa si qoto dheer loogu eegayaa in meel la iska dhigo khilaafaadka yar yar ee mar soo kala dhex galay xubnaha dawladda iyo in si midaysan dawladda loo hago. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay weheliyaan xubno isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno maanta kasoo duulay Baydhabo ayaa duhurnimadii waxaa qado sharaf loogu sameeyay isla Hotel Taar ee Gaalkacyo. Guddoomiye Shariif wuxuu u mahad celiyay dadka Gaalkacyo oo uu sheegay inay yihiin dad soo dhawaynta ku fiican isla markaana hasyta ammaan, dhammaan umadda Soomaaliyeed ayuu ka codsaday inay nabadda ku dadaalaan. Dhinaca kale wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Cismaan Xasan Cali Caato oo la socday wafdiga guddomiyaha baarlamaanka ayaa iminka shir kula jira odayaasha iyo wax garadka koonfurta gobolka Mudug. Arimaha laga wada hadlayo ayaa naloo sheegay inay ugu wayntahay sidii loo gudo gali lahaa qorshe nabadayn oo laga dhex bilaabi doono beelihii dhawaan ku dirirayay koonfurta gobolka Mudug. Hotelka uu kusugan Yahay Cismaan Caato waxaa kula sugan xubno isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno ,waxaana naloo xaqiijiyay marka kulamadoodu ay dhammaadaan in Cusmaan Caato kusoo biiri doono kulamada ka socda Hotel Taar ee duleedka Gaalkacyo. CCC Farayaamo AllPuntland
  19. I think this a very divisive topic. All Somali's like their brothers in Islam felt anger at the insluts directed at our holly Prophet Mohammed (Peace Be Upon Him). I suggest brother you should change the topic to was there any protest in Somaliland? Because I know for a fact that my people in that area felt as bad as their brothers elswehere. This issue is bigger than our silly squables. So lets not drag our clanish differences to a matter that affects the whole Umah.
  20. War deg deg ah Shariif Xasan & Caato oo ka soo degay Gaalkacyo Baydhabo-10.February.2006 Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cismaan Xasan Cali (Caati) iyo xubno kale oo ka mid ah DFKMG ah ayaa goor dhoweyto waxay soo gaareen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa iminka ka socda soo dhaweyn balaaran, waxaana dadweyne boqolaal gaaraya iyo masuuliyiin kala duwan ay isugu urureen garoonka. Waa markii ugu horeysay ee uu Shariif Xasan soo gaaro magaalada Gaalkacyo tan iyo markii loo doortay xilka gudoomiyenimada baarlamaanka. Mudada uu ku sugnaan doono magaalada Gaalkacyo Shariifka waxaa la filayaa inuu kulamo kala duwan kula yeesho halkaasi madaxweynaha dowladda Federaalka kmg ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo mas'uuliyiinta maamul goboleedka Puntland. Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug xubno ay ka mid aheeyeen Kuxigeenka Madaxweyne Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Xasan Daahir Af-Qurac, Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntlanad Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf, xubno ka mid ah golayaasha DFKMG ah iyo maamulka Puntland iyo boqolaal dadweyne ah. Shariifka iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo sii galbiyey Hotel Taar City oo ku yaal duleedka Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha & Ra'isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Mukhtaar C/laahi SBC Gaalkacyo.
  21. Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun waxaan halkan tacsi uga direynaa dhamaan ehelkii iyo qaraabaddii uu ka tegey ama ka geeriyoodey Marxuum Garaad Cabdu-Qani Garaad Cali oo lagu xasuustu dadaalladiisii nabada.Waxaan Ilaahey uga bereynaa marxuumkaas dembi dhaaf iyo in uu Jannaddii fardowso laahey ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo imaan. Amiin Amiin