General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. The recent battles between the warlords and Islamic courts in Mogadishu has caused human tragedy. Sixth day of battles. Death toll over 130. The injured over 500. 10,000 have fled their homes. Sisi neaighbour hood destroyed. Sign this petition in support of the people of Mogadishu.. Call on the armed groups to halt their activities inside the city.. http://www.petitiononline.com/Jinoole/petition.html __________________ I changed the title, saaxiib. I hope you won't mind since a petition is created now. [ May 15, 2006, 00:13: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
  2. BBC/Q&A on the fighting Death toll soars in Somali fightingPublished: Friday, 12 May, 2006, 12:59 PM Doha Time MOGADISHU: Islamic militia and gunmen loyal to a US-backed warlord alliance fought pitched battles in the streets of the lawless Somali capital yesterday as the death toll from five days of clashes soared. Machine gun, rocket and mortar fire rained down on bullet-scarred neighbourhoods in northern and central Somalia, indiscriminately killing and wounding civilians while residents fled their homes in terror, witnesses said. Overnight violence claimed at least 17 lives as shelling of urban residential areas intensified and eight people died later as the two factions showed no sign of heeding widespread appeals for a truce, they said. “Seventeen people were killed overnight, mostly by heavy mortar shells,†Ahmed Idriss, a Somali peace activist, said, adding that another 36 had been wounded and taken to hospitals. Four civilians and four gunmen — three alliance fighters and one Islamist — were later confirmed killed by sources on both sides. Meanwhile, thousands of civilians fled the most-affected Huriwa, Yaqshid, Waharaade and Sisi neighbourhoods, leaving up to 70% of homes empty amid the continuing chaos, residents said. “There is very heavy fighting here with huge shelling,†said Huriwa resident Abdinasir Mohamed. – AFP
  3. Dagaaladii Muqdisho oo galay maalintii 6aad Oo dhaawac iyo dhimasho geystay saakay E-MAIL THIS PRINT THIS C/Qaadir M Cusmaan Email: somec3@yahoo.com Gaari Tikniko ah Waxaa hada uu ka socdaa dagaal degaanka SiiSii oo uu ka bilowday iyadoo dagaal xoogani uu ka socda dhabrka danbe ee hotel Lafaweyne iyo Dhabarka Sii Sii ee xaafada Tookiyo dagaalka subaxaan ayaa geystayu dhimasho iyo dhaawac. Dagaaladaan ayaa galay Maalintii lixaad iyadoo ay yihiin kuwa socda habeen iyo maalin layskuna adeegsanyo hubka noocyadiisa kala duwan, Fardowsa Maxamed Cabdulle oo ku sugan Gurigooda oo ku yaal Sii Sii ahna saxafiyad ayaa Goobjoog.com u sheegtay in dagaaladu ay ilaa xalay ay socdeen balse subaxnimadaan aad loo isticmaalayo Madaafiicda, fardowsa ayaa sheegtay in madaafiicda iyo xabadaha habowga ah ay aad u waxyeelaynayaan dadweynaha iyadoo noo sheegtay in wiil abtigeed uu dhalay oo guriga joogay uu dhaawacmay saakay. Khasaaraha Dagaalka ayaa lagu qiyaasayaa iney kor u dhaaftay 130 qof oo ku geeriyootay intooda badana ay yihiin dad rayid ah. Halka dhaawaca uu kor u dhaafay 200 qof. Shariif Maxamed oo aaga dagaalka degan ayaa isagoo u waramaya Goobjoog.com wuxuu u sheegay in ilmihiisii uu qixiyay isagana uu waardiyaynayo Guriga wuxuuna tilmaamay in cabsi weyn ay jirto in dagaalkaan qaab loo joojiyaa aysan jirin, wuxuuna intaa ku daray “dagaaladii hore waxaa ay ahayeen kuwo salka ku hayo qabiil iyo siyaasad oo Odayaal dhaqameedku dowr ku yeelan karaan in la joojiyo, hada ma naqaan waxa laysku dagaalayo, meel dadku ku badan yahay ayaa Soomaaliyoo dhami isugu timid si ay iskugu dagaasho†Isagoo hadalkiisu caro ka muuqato ayuu raaciyay “ Ma taageersanin cidna Maxkamad ama Argagixiso la dirir, xabada hanaga daayaan, waxaan rabnaa inaan nabad uun helno†Waxaa wararka intaa ku darayaan in guryaha qaar bililiqo loo geystay, oo cabsi weyn ay soo wajahday intii u hartay iney wardiyeeyaan Guryaha. Wararka xaqiiqdaa ayaa tilmaamaya in in lagu kala xoog raanaadaa ay aad u dhib badan tahay, waxaana ay u badan tahay xarig jiid aan dhaamaanayn.
  4. Its great to hear such posative stories, more people need to go back to the motherland..
  5. Dagaal qaraar oo maalintii lixaad ka soconaya Muqdisho N,B ka fiiri hoos sawirada goobaha la isku hayo Mogadishu 12 May. 06 ( Sh.M.Network) Dagaal Qaraar oo saakay 7 dii aroornimo mar kale dib uga qarxay deegaanka Siisii ayaa ilaa iyo wali soconaya, iyadoo labada dhinac Madaafiic iyo hub culculus ay isku adeegsanyaan, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho ku socda madaafiic iyo rasaas Habow ah oo dad badan oo rayid ah ay ku waxyeeloobeen. Wariye Mekail Rashiid Barre oo ka tirsan Shabelle oo ku sugan goobta dagaalka ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu yahay mid marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, iyadoo maleeshiyooyinka labada dhinac ay saaran yihiin dabaqyo dhaadheer oo aan wax masaafo ah isku jirin, halkaasi oo ay iska liifayaan. Dagaalkaan oo u dhaxeeya maleeshiyooyin kala taabacsan Midowga Maxaakiimta islaamiga iyo Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ayaa geeystay qasaaro naf iyo maalba leh, iyadoo aysan jirin wali waanwaan rasmi ah oo laga dhex wado labada dhinac oo maalintii lixaad ku dagaalamaya Mag. Muqdisho. Madaafiic hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay goor dhoweyd dhowr guri oo ku kala yaala xaafadaha labada dhinac ay isku hayaan ayaa burburiyey guryo badan, inkastoo dadkii daganaa ay horey uga barakaceen. Dagaalkaan oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa laga maqlayaa sawaxanka rasaasta labada dhinaca ay is weydaarsanayaan deegaanada ku dhow dhow degmada Yaaqshiid oo inta badan dadkii daganaa ay ka qaxeen. Haweeneey ka mid ah dadka deegaanka Lafweyn oo wariyeyaasha shabelle kula kulantay goobta dagaalka ayaa waxa ay sheegtay in ay ka qixi laheyd halkaasi balse ay ka tagi la'dahay oday waayeel ah oo abaheed ah oo 110 jir ah , iyadoo sheegtay in gurigeeda labada dhinac ay dhufeysyo uga jiraan 4 gawaarida dagaalka ee loo yaqaano shilkaha, kuwaasi oo rasaas ka ridaya, loona soo jawaabaya, waxaana ay ku cataawday "dadkii waa baaba'ay, xabada hanalaga joojiyo, wax noo dhiman malaha, meel aan aadno malahan iyo ereyo kale".
  6. Maalintii lixaad oo ay dagaallo aad u cul-culus ka socdaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Posted to the Web May 12, 09:57 Muqdisho (PP) - Dagaalladii u dhexeeyay dhinacyada ku dagaallamaya Magaalada Muqdisho oo galay maalintoodii 6-aad iyadoo dagaalka socda maanta uu ahaa mid soo billowday habeennimadii xalay saqdii dhexe. Ugu yaraan 23-qof ayaa ku dhintay in ku dhow 40-maeeyo kalena waxay ku dhaawacmeen dagaalladii xalay ka dhacay Muqdisho illaa haddana socda, waxaana Puntlandpost u xaqiijiyay dhaawacyada dadkaan aadka u faraha badan qaar ka mid ah isbitaallada ugu waaweyn Muqdisho. Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka argagaxisada oo iyagu ku loolamaya gacan ku haynta magaalada Caasimadda ee Muqdisho ayaa ka naxayn dadka ay ku kor dagaallamayaan, waxaana xalay ay ku tuurayeen magaalada Muqdisho madaafiic aad u fara badan. Dadka Deegaanka lagu dagaallamayo ku nool qaakrood oo Puntlandpost u warramayay ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid aad culus isla markaana ay dhowr jeer ka codsadeen labada dhinac inay dagaallka ka joojiyaan balse ay diideen. Dadkaas waxay sheegeen in labada dhinacba ay si isku mid ah ula dhaqmaan marka ay xaafadaha soo galaan, waxaana mid ka mid ah dadka deegaanka uu sheegay inay dhacdo in mararka qaarkood dadka guryahooda ku haray ee doonaya inay ilaashadaan ay la kulmaan hanjabaado iyo dilal gardarro ah. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Puntlandpostmog@hotmail.com
  7. Farxan, another new name. Welcome to the politics section. As for the topic, should we ignore it. The worst battles in 12 years. Six days of stright fighting, Is it not news worthy? If you care about the suffering of the people, those daying, those fleeing then take action against those raining mortars on their streets. I have documented and criticised the main players. Musa Sudi, Qaynyare, Bashir Raage, Inda Cade, Xasan Dahri, Sharif Ahmed. It is they and those who support them that should be brought down. But alas the Somali cowardice, you are quick to blame clans, Ethiopia or compare warlords, but will never face the truth. Who is killing the people of Mohadishu and what will you do?
  8. ^^^It seems you are running out of ideas with which to try and attack. Thisthread is with regards to the news coming out of Mogadishu, why not share your views with us on this topic. What do you think of it all? Or are you here just to try shadow box with me..
  9. ^^^What evidance is in front of me, do you have the names of these suglers who your collegue state were operating openly in bossaso? Do you have any proof that the Puntalnd authority are part of the outfit. The answer seems to be no. I dont deny that there are people smuggling and that it is organised. So stop the sniffling comments..Or bring something to the table..
  10. Dagaalkii ka socday Muqdisho oo caawa iskiis u hakaday Muqdisho-11.May.2006 Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalkii u dhaxeeyay Midowga Maxkamadaha Islaamiga iyo Isbahaysiga la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada uu iskiis u qaboobay markii uu gabalku dhacay. Dagaalkan oo ka socday xaafadaha Sii Sii, Yaaqshiid iyo Hiriwaa ayaa ahaa mid socday inka badan 24 saacadood oo aan kala go’ lahayn ayaa sababay dhimasho aad u tira badan iyo dhaawac. Maalintii 5aad ayaa u go’day dagaalka iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 100 ruux. Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Xalay iyo kii maanta wuxuu ahaa mid aad u badan iyadoo Isbitaallada la dhigay dad aad u tira badan sida uu ku soo warramay wariyaha SBC ee magaalada Muqdisho MM Dhoore. Wariyuhu wuxuu sheegay in waxyeellada ugu badan ee dagaalka ay soo gaartay dadka rayidka ah. MM Dhoore SBC Muqdisho
  11. ^^^ I have no evidance to implicate the government of Puntland. If you bring this evidance then I will not only retract my statement but will propogate this fact and take steps to bring this government to account. But it is hard for me to take the words of two secesionists seriously..
  12. ^^^ Again you bring nothing to the tabe. Your bias has consumed even your reasoning. What can he do? He has made his position clear and made statements regarding this issue. His goevernment have released countless statements regarding this issue. If he gets involved in any way, it might make the situation even worse. As for the guns, the government needs to equip its troops and even gain international support. You know that and I know that...
  13. Suldanka, again no evidance, Just some utterances with the sole aim of blaming Puntland. Human traficking is big business around the world, bigger and more powerful nation have been unable to make a dent on it, what hope is there for Puntland. There is a lot to be done. As you know everything, let us know the names and where abouts of the culprits. Where they live in Bossaso? Thats the challange..
  14. ^^^ Again you lose the plot, in my last post I stated if you blame Puntland then also blame Yemen. Your answer was that yemen is doing a good job, then why does it not stop, why is this trade lucrative and why do people take the risk if Yemen is not seen as a soft spot. As for the map the area in red is still quite a long strip and the Puntlandauthority does ot have the man power to man it. As for this trade itself, people pay loads of money and travel long distances to take a risk most are aware of. The problem is socio economic one, and unless you address the underlying cause, this exodus go on and these tragedies will continue... It happening in North Africaas well with many crossing the sahara desert to get into Europe. Mr Suldan, you have yet to present any evidance to support your excited claim that Puntland authority is in this business. Individuals from Puntland I have no doubt play a role and should be brought to justice. But the authority I doubt it. So present your evidance...
  15. ^^^ I like that pic, as for those who doubt us, we already beat Juventus, Real Madrid and Villarial, and we did not concede a goal. As for Barca they are good, with some unbelivable players, Chelsea fans know this. But I truly belive this is our season... The Arsenal 2.0 on the night with Henry scoring in front of his home crowd...
  16. Shir jaraa'id oo Maanta uu qabtay Dufle isaga oo ku baaqay in Dhaqaatiirtu ay joojiyaan hawlaha sida Private-ka ay u wadaan. Muqdisho (AOL 11, May, 06) Wasiir ku xigeenka caafimaadka dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya Cisman Maxamud Dufle ayaa ugu baaqay dhaqaatiirta ku sugan gudaha magaalada Muqdisho in ay joojiyaan howlaha ay ka hayaan Isbitaalada sida gaarka ah ay u leeyihiin isla markaana ay kusoo biiraan howlaha gurmadka ah ee ka soconaya Isbitaalada Madiina iyo Keysanay oo haatan lagu daryeelayo inta badan dadkii kusoo waxyeeloobay dagaalada maalintii shanaad ka soconaya xaafada Siisii iyo deegaanada ku xeeran. Wasiirka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in loo baahanyahay xiligan in dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay usoo jeestaan wax u qabashada bulshada maadaama lagu jiro xili dagaal,Isbitaaladana lasoo dhigayo dhaawacyo aad u fara badan. Mr Dufle ayaa sidoo kale ugu baaqay hay'adaha caafimaadka ka shaqeeya in lala soo gaaro xarumaha caafimaadka Muqdisho dawooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo dhaawacyada marba marka kasii danbeysa sii kordhaya,isagoo sheegay in Isbitaalada waa weyn ay haatan la ciirciirayaan dhaawacyo aad u fara badan xili daawooyinka ay sii yaraanayaan. Si kastaba ha ahaatee Baaqa wasiir ku xigeenka caafimaadka dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya Cisman Maxamuud Dufle ayaa kusoo beegmaya xili dagaalka ka soconaya magaalada Muqdisho uu galay maalintii shanaad,isla markaana sar u kac uu ku yimid dadka ku waxyeelabaya dagaaladan. Dhinaca kale agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr.Sheekh Doon Salaad ayaa sheegay in Isbitaalka Madiina ay yaalaan dhaawacyo xaaladoodu ay aad u liidato,isagoo xusay in dhaawacyada ay sii kordhayaan saacadba saacada ka danbeysa,waxaana uu ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in dagaalka ay joojiyaan isla markaana shacabka ay u naxaan. Bashir Mohammed Abdulkadir (Al-Bashiir) Xafiiska Allbanadir Somali Media ee Muqdisho. Allbanadir@yahoo.com
  17. money is what its all about. And the puntland authority is right in the middle of it. How else would our Duke explain then, the fact that the culprits are driving around in Bosaso as we speak and almost everybody knows them that they are the same ones that dumped a boat load of innocent people in the middle of nowhere Dont make accusations without prove, you dont like Puntland and thats your problem. But to say Puntland is in on it, then Yemen is also in on it as it does not stop the trafickers from coming into their sea at will. This is an illicit and lucrative busienss, there are agents across Somalia in Mogadishu, Baidoa and Somaliland who trafick people. Puntland has along coastline that is easy for the transportation of people. Also as I have pointed out the Puntland authority has signed an agreement with Yement to combat this problem. it has failed due to lack of resources and incompetence. Suldanka keep trying to dirt the image of Puntland, it wont get you far...
  18. ^^^ What can he do, but to continue his work. Its not just the President, the whole Somali people are just watching this massacre from a distance, because without the state power all one can do is just make commnets and writte articles.. Jaylani, this is the reason I advocate strongly for te TFG so in the future this type of incident does not happen. 14 years ago Aydeed fought Ali Mahdi, the infamous 4 months war for Mgadishu. We dd not get a national government and today we are all replaying that terrible period...
  19. ^^^ Puntland in my eyes , has been incompetent regarding this issue. The credibility of the ruling authority has been damaged badly. Yet Cade has tried to address this many times issue and has signed an agreement with Yemen.
  20. Islaamiga oo ku gacansareeya dagaalka Muqdisho Last Updated::2006-05-11 16:55:24 Muqdisho:- Wararka naga soo gaaray goobaha uu dagaalka ka socdo magaalada Muqdisho ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa sheegaya in Maleeshiyooyinka Maxkamadaha ay hada ku gacan sareeyaan dagaalka sida uu u muuqdo. Maleeshiyooyinka Isbaheysiga argagaxiso la dirirka ayaa lagu soo waramayaa in ay qaarkood dib uga gurteen goobihii ay difaaca uga jireen ee xaafada SiiSii ee degmada Yaaqshiid. Maleeshiyooyinka labada dhinac ayaa adeegsanaya hub aad u culus ayadoo tirada dhimashada ee dagaaladan maalmihii lasoo dhaafay socday ay kor u dhaaftay 120 ruux. Dhaawaca ayaa ka badan 200 ayadoo ay jiraan dhaawacyo badan oo weli lagu hayo qeybo kamid ah xaafadaha ay dagaalada ka socdaan sida Siisii iyo Waxarcade. Dagaalka ayaa socda maalintisii shanaad ayadoo xalay sidoo kale magaalada Muqdisho laga maqlayey madaafiicda Hoobiyaha iyo Lidka diyaaradaha oo ay isla dhacayeen labada kooxood. Weli ma jiraan wax xabad joojin ah oo labada dhinac la dhex dhigay, waxaana hirgeli waayey baaqyo kala gedisan oo loo diray labada dhinac ee dagaalka wada. Shacabka magaalada Ku dhaqan gaar ahaan kuwa ku sugnaa Waqooyiga magaalada ayaa codsaday in la joojiyo dagaalka isla markaana la soo dhexgalo labada gara oo u muuqda kuwo ay ka go'an tahay in ay sii wadaan dagaalada. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  21. I think many here are exagerating the importance of this letter. The Americans wont give an inch to a letter from a tin can letter as they see it.
  22. ^^^ Tragic indeed. May Allah give his mercy on the dead and lliviate the suffering of the living..
  23. Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalada maalinta Shanaad galay Muqdisho E-MAIL THIS PRINT THIS Shariif Maxamed (Email: shariif55@yahoo.com) Dadkii ugu badnaa oo Muqdisho ka qaxay, Isbitaalladda oo dhaawac la buux dhaafay iyo dadaalkii nabadda oo horumar gaari waayay War degdeg ah: Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaara goobta dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada Midowga Maxkamadaha ay xoogaa horumar ka gaareen dagaalka, kadib markii dagaal culus Duhurtii maanta ka dhacay degaanada dhabarka dambe ee Lafweyn iyo suuqa Arjantiin. Weriye ka tirsan Goobjoog oo ku sugan degaankaasi ayaa soo xaqiijiyay in ciidamada Maxkamaddaha ay qabsadeen dhabarka danbe ee Hotelka Lafweyn ilaa Suuqii Arjantiin oo weli dagaalku kasoconayo. Dagaalkii duhurnimadii Maanta ayaa ahaa kii ugu qaraaraa ee labada dhinac dhex mara 5-tii maalmood ee dagaalku socday, iyadoo ay labada dhinac ku soo biireen gurmadyo u yimid, si ay dagaalka ugala qeyb galaan. Dagaalkii xalay ayaan soo kordhin wax aan ahayn qasaare shacab lagu laayay, halka dagaalkii qaraaraa ee maanta ka sokow qasaaraha uu geystay haddana aanu isbedel weyn soo kordhin. Wixii soo kordha kala soco Goobjoog, Insha allaah Warbixintii dagaalka ee xalay & Saaka Dagaalka Degaanka SIISII ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ku dhex maraya labada dhinac ee kala taabcsan Isbaheysiga Argagixiso ladirirka iyo Midowga Maxkamadaha ayaa maanta galay maalintii Shanaad iyadoo xalay uu dhacay dagaalkii ugu qaraaraa ee caasimadda ay ka kulanto oo habeen dhaca. Xalay 8:00 fiidnimo ayay dagaal culus labada dhinac dhex maray, wuxuuna dagaalkaasi socday ilaa Waaberigii, wuxuuna dagaalka habeenkii socda dadka Muqdisho ku noqday arrin lala yaabo taasoo aan hore loo arki jirin, waxaana caadiyan dhici jirtay in marka Gabalku dhaco rasaastu iskeed u joogsato. Madaafiic aan xad lahayn ayaa xalay ku dhacay degaano badan oo ka tirsan Yaaqshiid, Kaaraan iyo Heliwaa, waxaana isla xalay qax degdeg ah bilaabay dadka shacabka ah, siiba kuwii markii hore is adkeynayay oo diidanaa inay qaxaan, waxaana Xalay ilaa maanta socday qax aad u fara badan oo lagu cidleeyay degaanada dagaalka iyo inta ku xeeran, dadkii ugu tirada badnaa ayaa ka qaxay goobaha dagaalada oo qaarkood afka saaray Gobollada Sh/Dhexe iyo Sh/hoose. Qasaare aan hore loo arag ayay dadka u geysteen Madaafiicda waxaana dadka xalay ku dhintay dagaaladii la isku miray lagu sheegay inay gaarayaan 19 ruux, dhaawaacuna tiro la’aan marayo, Saaka mar kale ayay dagaaladu dib uga bilowdeen Degaanka SIISII, waxaana si goosgoos ah u socday dagaalada. Dadaalkii laga waday si dagaalka loo joojiyo ayaa u muuqda inaysan guuleysan, inkastoo Midowga Maxkamadaha ay dhinacooda xabbad joojin ku dhawaaqeen, inkastoo ay socdaan dadaallada nabadeed waxaa hadda xaalada sii cakiray dagaalada ka sii daraya mar waliba. Dadka ugu badan ee dagaalada ku waxyeeloobay ayaa ah Shacabka masaakiinta ah oo u qeybsamay dhimasho, dhaawac, iyo Barakac, iyagoo aan heysan wax hanti ah oo markii horeba ku noolaa nolol Sabool ah. Isbitaaladda Muqdisho ayay buux dhaafiyeen dad dhaawac ah, waxaana saarmay culeyskii ugu weynaa ee ay muddooyinkan dambe arkaan, wasiir ku xigeenka caafimaadka Cusmaan Dufle ayaa maanta baaq ka soo arrintan, isagoo ugu baaqay dhaqaatiirta inay u gurmadaan labada Isbitaal ee culeyska saaran yahay oo kala ah: MADIINa & KEYSANEY oo si mutadawacnimo ah ugula qeyb galaan wax u qabashada dadka dhaawaca ah ee sida xad dhaafka ah loo geysnayo labadaas Isbitaal. Dad ka badan 110 ayaa lagu qiyaasayaa inay ku dhinteen dagaalada Muqdisho iyadoo in ka badan 250 kale dhaawac yihiin, welina dagaalku waa socdaa...