
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
^^^ Fair enough mate...So long as you dont make that mistake again.
-
-
Madaxweyne Cadde Musse oo kormeeray Terminalka cusub ee Bander Qasim Airport Last Updated::2006-05-27 13:39:28 Bosaaso:- Madaxweynaha DGPL Md.Cadde Musse Xirsi iyo xubno isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa maanta soo booqday dhismaha Cusub ee Airporka Bosaso. Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyey dhismaha cusub oo hada la dhameystiray dhismihii isla markaana lagu bilaabayo qalabeyn. Airporka Bander Qasim oo loo dhisay dhismoyaal cusub ayaa isugu jira Terminalka soo degida iyo Bixida iyo waliba Xafiisyo iyo qeybo kale oo loogu talo galay maamulka. Airporkan ee noqon doona kan ugu weyn Puntland, isla markaana dhismihiisa uu ka weyn yahay Airporka Hargeysa ayaa waxaa la filayaa inuu noqdo mashruucii ugu weynaa ee uu hirgliyo maamulka Puntland tan iyo intii la aasaasay sanadkii 1998dii. Airporka ayaa lagu wadaa in dhawaan la bilaabo dhismaha Jidka diyaaradaha kusoo degaan ee Runwayga iyo qalabeynta Airporka oo la dhigi doono qalab casir ah. Mashruucan ayey si wadajir ah uga qeyb qaateen Maamulka Puntland, Ganacsatada, iyo Mandaqada Sharjah ee dalka Imaaraadka Carabta. Xassan Ciise HorseedNet.com
-
However, unlike you Mr. DUKE, I don't see the world as black-and-white. Sool and Sanaag regions are "disputed" between two administrations in N. Somalia and military forces are stationed within miles of each other. There is no dispute, the land is part of Puntland and it an act of aggression on the part of the secesionist. There is no justification or even doubt on the issue. these areas are part of Puntland and as such part of the Somali state. Why Horn and yourself would spew the line of the secesionist is confusing to say the least.
-
NORTHERN SOMALIS FOR PEACE AND UNITY-A JOB WELL DONE
General Duke replied to QabiilDiid's topic in Politics
Wonderful stuff, Nayruus many thanks.. Absolute truth indeed... -
Minister Barre Hiiraale arrives in Baidoa....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Geedi needs the warlords of Mogadishu not for the governemtn but for his own survival. They are so ignorant and thats the reason why they will lose everything. Hiiraale is smart in compariosn to these bogus clan leaders... -
There seems to be two realities, one based on facts and what is happening on the ground and another SOL reality. The one Horn and Codetalker inhibit is the latter.. To suggest that LAS ANO or SSC is not in Puntland is a very bad joke. Reality seems to be at last prevailing in this forum, there can be no question what Puntland is, it is after all a Somali nationalisitc state and one that is open to all Somali's. As for Las Ano its no different to Garowe, Bossaso or any other major Puntland city.... Horn, and Codetalker I would suggest you open your eyes..
-
More pictures...
-
-
Bosaso:- Halkan ka daawo Sawirada Soo dhaweyntii maanta ee Airporka Bosaso, wafdigii uu hogaaminayey Shariif Xassan Shiikh Aadan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Shariif Xassan ayey safarkiisa ku wehliyeen 22 xubnood oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda Dowlada Federaalka. Wafdigan Balaaran ayey magaalada Bosaaso kusoo dhaweeyeen Madaxda sare ee dowlada Puntland oo ay hogaaminayaan Madaxweynaha, Madaxweyne kuxigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka PL, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiisha Ciidamada.
-
Minister Barre Hiiraale arrives in Baidoa....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The pressure now is on Geedi, what will he do to the stuborn warlords who are at this moment fighting in Mogadishu???? -
TFG sends Osman Ato on a peace mission......
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cismaan Caato oo caddeeyay in laga aqbalay waanwaantii ay u yimaadeen Muqdisho Posted to the Web May 27, 15:09 Muqdisho (PP) – Cusmaan Xasan Cali Caato oo ah Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan dowladda oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa sheegay inay labada dhinacba ka ogolaadeen dhexdhexaadinta. Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saxaafadda u sheegay inay wahadallo la sameeyeen labada dhinac ee ku loolamaya awoodda magaalada Muqdisho ay ka ogolaadeen inay qaataan nabad iyo heshiis. Cusmaan Caato wuxuu sheegay in dadaallada ay ku doonayaan inay ku dhameeyaan khilaafaadyada dhaliyay dagaallada ka socda magaalada Muqdisho muddada 100-casho ay tahay mid ay u soo xilsaartay dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana ay wax walba ha ku qaadatee ay dhameyn doonaan. “Waxaan annagu u nimid Muqdisho waa inaan nabad ka dhalinno isla markaana aan dadaal weyn u galno sidii aan heshiis waara u dhex dhigi lahayn xubnaha isaga soo horjeeda dagaalada xoogga badan, waxaanan dadaal dheer u galaynaa inaan dhameyno dhibaatooyinkaas†ayuu yiri Cismaan Caato oo intaas ku daray: “Ma joogno xilligii shacabka la dhameyn jiray balse hadda waxay maraysaa in la badbaadiyo intii ka badbaaday dagaalladii 15-ka sano ka socday dalka Soomaaliya, magaalada Muqdishana ay u darnaydâ€. Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tirsan wasiirrada hubeysan ayaan isagu ka mid ahayn xubnaha ku bahoobay la dagaalanka argagaxisada, waxaase uu u muuqdaa mid doonaya in nabad ay ka dhalato magalaada Muqdisho. Dadka magaalada Muqdisho ayaa aada ugu riyaaqay imaanshaha xubaha ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyagu isku xil saaray inay dhameeyaan khilaafaadyada sababay dagaallada ka socda magaalada Muqdisho. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com -
Cismaan Caato oo kulan la qaatay Midowga Maxkamadaha Mogadishu 27 May. 06 ( Sh.M.Network) Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato iyo wasiiro kale oo Muqdisho u yimid nabadeynta dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Midowga Maxaakiimta islaamiga iyo Sheekh Yuusuf Indho Cadde. Cismaan Caato, Wasiirka howlaha guud iyo Guryeynta Xubno uu ka mid yahay wasiirka howlaha Guud iyo Guryeynta, Wasiirka Macdanta iyo biyaha iyo xildhibaan Cali Calas qaareey ayaa kulan la yeeshay Sheekh Yuusuf Siyaad Indho Cadde, Maxamuud Cumar Cadaan iyo Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta islaamiga ee Muqdisho Sheekh Shariif , kulankaasi oo ka dhacay Hoyga Sheekh Yuusuf Indho Cadde ayaa si weyn loogu lafo gurey xaaladaha Colaadeed ee K/Muqdisho iyo sida loo joojin karo dagaalka. Kulankaasi ayaa si gaar ah looga hadlay jidgooyooyinka yaala wadooyinka magaalada Muqdisho oo ay u yaalaan dad isaga soo horjeedo maxaakiimta iyo isbaheysiga. Cismaan Caato oo kulankaasi ka dib Saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo xal laga gaaro dagaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in kalsooni uu ka heeysto labada dhinac. Wasiirka waxa uu sheegay in lagu balamay ciidamada labada dhinac in la kala geeyo meelihii ay kala joogeen tan iyo waxii ka dambeeyay 18 kii Feberaayo, xiligaasi oo ay bilowdeen dagaaladii ay isaga soo horjeedaan wali. Sidoo kale kulankaasi ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta islaamiga Sheekh Shariif oo sheegay in uu soo dhaweynayo isla markaana ay ku qanacsan yihiin xubnaha wasiirada dadaalada ay wadaan. Wafuudaan nabadeed oo uu horkacayo ayaa lagu wadaa in kulan ay la yeeshaan dhinaca kale ee isbaheysiga la dagaalanka argagixisada. Shabelle Media Network, Somalia
-
Bare Hiiraale oo soo gaaray magaalada Baydhabo Last Updated::2006-05-27 16:00:01 Baydhabo:- Wasiirka Hawlaha Dib u Dhiska iyo Dib u dejinta Col.Bare Hiiraale ayaa maanta soo gaaray xarunta Dowlada Federaalka ee magaalada Baydhabo. Bare Hiiraale oo kamid ahaa wasiiradii dhawaan loogu yeeray magaalada Baydhabo ayaa kusoo aaday wakhti uu Raysalwasare geedi 7 maalmood oo kale ugu daray in ay Wasiirada Xukuumadiisa kamid ah kusoo galaan magaalada Baydhabo. Wakhtigii hore ee loo qabtay shan Wasiir oo kamid ah Dowlada Federaalka oo uu kamid ahaa Bare Hiiraale ayaa ku egkaa maalinimadii Khamiistii lasoo dhaafay. Bare Hiiraale oo maanta diyaarad ay kasoo qaaday magaalada Kismaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo. Bare Hiiraale ayaa noqday Wasiirka kaliya ee illaa iyo hada aqbala amarka Raysalwasaaraha ayadoo 4 wasiir oo kale ay weli ka dhego adeegayaan imaanshaha magaalada Baydhabo. Wasiirada Arrimaha Amniga, Diinta, Ganacsiga iyo Dhaqan Celinta Maleeshiyooyinka oo kamid ah hogaamiyaasha dagaalada ka wada magaalada Muqdisho ayaa illaa iyo hada diidan in ay u hogaansamaan awaamiirta Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi. Raysalwasaare Ayaa xalay soo saaray Qoraal kama danbeys ah oo uu ku amrayo Wasiirada iyo Wasiirul Dowlayaasha iskood u maqan in ay sid deg deg ah usoo galaan 7da maalmood ee soo socda. Wakhtigan ayuu ku sheegay Raysalwasaaraha inuu yahay kii ugu danbeeyey ee u qabto Wasiirada kamaqan xarunta Dowlada ee Baydhabo. Asagoo Qoraalkiisa Cali Maxamed Geedi ku sheegay inuu tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cidii amarkan siduu yahay u qaadan waaya. Qoraalkii Ugu danbeeyey Raysalwasaare Geedi
-
Sharif Xasan to visit PUNTLAND : wrong time?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Sharif Xasan can visit Puntland any time he wants. Puntland should and will no doubt welcome him as he is a national leader. Why vsit now, when the parliment needs to delebrate on the Mogadishu issue? I think its another example of this TFG's incompetence..It really does disapoint me. -
Indeed we are all Somalis, 100%... Comrad, I got ya..LA is an important part of Puntland, which is part of the Somali republic. Our capital Mogadishu and our flag that beautiful blue with its white Star.
-
There is news that Sharif Xasan is on his way to visit Puntland. This will be his first visit to Bossaso and Garowe. The visit is coming at tiem when there is a dispute between PM Geedi and the state of Puntland. Howeevr I belive that this is the wrong time for the Parliment Speaker to go on holiday when the parliment has to address the Mogadishu problem as well as what tod o with the warlord ministers..Puntland can wait.. Booqashada Shariif Xasan ku imaanayo gobalada Puntland Last Updated::2006-05-26 14:45:48 Bosaso:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro Puntland dhawaan. Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ayuu safarkan u yahay kii ugu horeeyey oo uu si rasmi ah ugu imaanayo Bosaaso. Shariif Xassan ayaa horey u yimid magaalada Gaalkacyo oo ay kulamo kuwada yeesheen Madaxweynaha DFKMG iyo Raysalwasaaraha. Balse Guddoomiyaha ayaa hada la sheegay inuu safar kii hore ka dheer ku imaan doono Puntland. Maamulka Puntland ayaa asagu shalay sheegay in ay si weyn usoo dhaweyn doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka. Kulankii shalay ka dhacay Madaxtooyada Garowe ee Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay soo dhaweynta Guddoomiyaha oo lagu wado inuu kasoo dego magaalada Bosaso. Booqashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kusoo aadeysa wakhti ay erayo kulul is dhaafsadeen Madaxweynaha DGPL MD.Cadde Musse iyo Raysalwasaaraha DFKMG Cali Maxamed Geedi. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kamid ahaa xubnihii la gaarsiiyey qoraalkii dhawaan kasoo baxay Dowlada Puntland, ayaa la sheegay inuu balamo la leeyahay Madaxweynaha Puntland. Shariif Xassan ayey safarkiisa ku wehlin doonaan Xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xassan Ciise HorseedNet.com
-
Mogadishu: Calm no reports of fighting...civilians
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wararkii ugu danbeeyey ee Muqdisho iyo Maxkamadaha oo ku jira diyaar-garow Last Updated::2006-05-26 14:05:58 Muqdisho:- Maleeshiyooyinka Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho ayaa wada dhaq dhaqaaq iyo hub arursi ay ugu diyaar garoobayaan weerar uga yimaada dhinaca Isbaheysiga. Maleeshiyooyinka Maxkamadaha ayaa si weyn loogu arkayaa nawaaxiga deegaanadii ay shalay dagaaladu ka dhaceen ayadoo ay socdaan diyaar garow xoogleh oo ay wadaan saraakiisha Midowga Maxkamadaha. Mar ay HorseedNet xiriir la sameysay qaar kamid ah hogaamiyaaha Maxkamadaha ayey ka gaabsadeen in ay wax faah faahin ah ka bixiyaan dhaq dhaqaaq ay wadaan, balse sheegay in ay diyaar u yihiin dagaal kale oo ay la galaan Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada. Maleeshiyooyinka Maxkamadaha ayaa ayagu dhiirgelin u noqotay guulo ay shalay ka gaareen dagaalkii ka dhacay Koonfurta Muqdisho. Maleeshiyooyinkaani ayaa gacanta ku dhigay Hotel Saxafi oo uu lahaa ganacsade C/rishiid Ilqeyte oo kamid ah Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada. Midowga Maxkamadaha ayaa sidoo kale la wareegay illaa iyo inta u dhaxeya Airporka iyo KM4 ayadoo halkaasi si weyn dib loogu riixay maleeshiyooyinka Isbaheysiga. Dhinaca Isbaheysiga ayaa ayagu laftooda sheegtay in ay guulo waaweyn kasoo hooyeen dhinaca waqooyi ee magaalada, ayagoo markaasi sheegtay in ay hada gacanta ku hayaan jidka isku xira deegaanka Galgalato iyo Xamar, balse warkaasi ayey beeninayaan maxkamaduhu. Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada ayaa asagu sheegay inuu dib u hanan doono goobihii laga qabsaday, ayagoo markaasi sheegay in ay khasab tahay in ay magaalada ka saaraan waxa ay ugu yeereen argagaxisada. Xaalada xaafada Siisii ayaa ayaduna si weyn looga soo deyrinayaa ayadoo ay xalay halkaasi ka dhaceen dagaalo labada dhinac ay isaga horyimaadeen. Maleeshiyooyinka maxkamadaha oo shalay ayagu soo baneeyey qeybo kamid ah Xaafada Siisii ayaa shalay makhribkii weerar kale ku qaaday xaafada Siisii oo qeybo kamid ah la wareegeen Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada. Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ee Xaafada Siisii ayaan la ogeyn ayadoose la sheegay in dhaawacyo iyo dhamashaba ay jiraan. Koonfurta magaalada Muqdisho ayaa maanta ka degan sidii shalay, balse waxaa hawada ku jirta cabsi iyo dhiilo colaadeed, ayadoona labada dhinac u muuqdaan kuwo isu diyaarinaya iska horimaad horleh. -
Puntland no longer recognise Geedi as PM...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Consort Pvt, LTD., is partly owned by "some" PL ministers. Now, Range Resources, LTD., published a letter, naming Libaan Muuse Boqor to its board of directors. Still, "some" of you don't see anything fishy about this Puntland-Range "deal"? No nothing fishy at all, care to enlighten us why this Mr Boqor is not suitable to the post he has just been assigned to, do you know him well, or is this another attempt at making a point? MMA, sometimes you do act a bit too innocent, how on earth do you compare, Musa Sudi, Mohamed Dheere and Mogadishu warlords to Cade Muse? Your hypothetical scenario is a bit lame, since no firm would ever sign a deal of this magnitute with the fellows you mentioned above. Why do you ask? Because they are no more than clan gangsters who are at this moment killing women and children for their won selfish ends. Puntland, like it or not is moving forward and it needs not worry itself too much on the opinions of ill informed individuals or some who claim the Mountains belong to their clan and thus only they can profit from it. Cade was not my choice as leader however I accept himas leader for the greater good of the state and its people. -
Dadka rayidka ah oo ka qaxaya Caasimada Somalia Mogadishu 26 May. 06 ( Sh.M.Network) Waxaa Saakay wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho lagu arkayay dad rayid ah oo ka qaxaya dagaalada ka qarxay caasimadda, iyadoo gaadiidka Bl ka ahna uu yaraaday. Qoysas alaabo iyo caruurtooda gacmaha ku sita oo ka cararaya dagaalada Dadka oo ka qaxaya xiisadaha dagaal ee ka oogmay caasimadda Qoysas caruur gacmaha ku sito oo ka qaxaya dagaalada ka qarxay Muqdisho Boqolaal dad ah oo raxan raxan u socda gacmahana ku sita Caruur ayaa lagu arkayay Isgoyska Isbital Banadir ee K/Muqdisho, kuwaasi oo doonaya in ay u qaxaan dhinaca degmada Afgooye si ay uga fogaadaan dagaalada u dhaxeeya Midowga Maxkamadaha iyo isbaheysiga la dagaalanka argagixisada. Dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada KM, Deyniile, Galgalato ayaa sababay qasaaro nafeed oo ka badan 30 ruux halka tiro ka badan 300 oo kalena uu dhaawac soo gaaray, kuwaasi oo intooda badan ahaa dad rayid ah oo madaafiic iyo Hoobiyeyaal ay ku habsadeen. Dagaaladii ka dhacay Degaanka Deyniile iyo Galgalato ayaan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee dagaaladaasi ay geesyteen, iyadoo wararka saakay laga helayana ay tilmaamayaan in aanu wax guulo ah lagu kala gaarin dagaaladii ka dhacay deegaanka Gal-galato, oo wali la isku horfadhiyo. Madfac ku soo dhacay xalay deegaanka Sos ee magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashad 10 ruux oo hal mel wada Joogay, iyadoo madfacaasi uu ka soo dhacay dhinaca Gal-galato. Dhinaca kale warar xog ogaal ah oo laga helay magaalada Jowhar ayaa waxa ay tilmaamayaan in 12 ruux shalay looga dhaawacay Maleeshiyada Max'ed Dheere dagaaladii ka dhacay Gal-galato. Shabelle Media Network, Somalia
-
Maxaakinta Isku Magacaabay Islaamiga ee Muqdisho Iyo Isbahaysiga Isku Magacabay Argagaxiso la Dagaalanka Midna Midka kale Ma dhaamo Posted to the MOL May 25, 2006, 1:09 pm Magaalada muqdisho ee caasimda dalka soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaal aad u kharaaraa oo dhex maray Maleeshiyaad isku magacabay kuwa la dagaalanka argagaxisda iyo kuwa kale oo isku magacaabay maxaakinta islaamiga ah waxaana dagaalkaasi uu socday mudu 8 maalmood ah waxaana ku dhintay sid an la soco dad ku dhaw dhaw 160 qof in ka badan 300 oo qofna way ku dhaawacmayn waxaana dadkaasi ay u badnaayeen kuwa rayid ah oo aqaladii ay jiifeen ku habsadeen madaafiic ay ku soo hageen labada dhinac oo aan dan iyo hiilo ka galin umda soomaaliyeed. Dagaalada ka dhacay magaalada muqdisho ayaa waxaa hormud ka ah Maxamed Qanyare afax, Muuse Suudi Yelexow, Bootaan Ciise Caalim, Cumar Maxamuud Cumar Finish, Maxamed Cumar Xabeeb, oo dhamaan ah kuwa is bahaysiga la dagaalanka argagaxisada waxaana kuwaasi oo u mooqda ragii iyagu 15ka sano ku hayay dhibatada umada soomaaliyeed gaar ahaana shabacabka magaalada muqdisho iyadoo ay sidaasi tahay ayaa dhibka ay gaysteen si aysan u soo wadin waxaa laga dhigay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DFKMG ah balse waxaasi oo idil waxba uma arag oo way ka dhaga iyo indha qarsadeen waxaana arintaasi iyaduu laga doolayo raiisul wasaare Cali Maxmed Geedi wasiiradaasi u qabtay mudu hal asbuuc ah iyadoo aan wax ka soo jabaabay aysan jirin. Dhanka kale Waxaa hormuud ka aha Xasan Daahir Aweys Sheekh Shariif Shiikh Muxiydiin Axmed Yusuuf maxamed siyaad indhacade Aadan Xaashi Cayrow. Dhaman ragaasi oo ah kuwa ah Ururka Diimadka Al Itaxaad waxaana qaar ka mid ah lagu xasuustaa ka qayb qaadashada dagaalada sokeeye ee ka dhacay dalka soomaaliya gaar ahaana deegaanada Puntland waxaana ay dagaalkaasi uga faaiidaysteen magac diimeed iyadoo la soo khalday dhalin yaro aan markaasi iyada ah fahan sanayn jihaadka waxaana dagaaladii ka dhacay Puntland sagaashameeyadii ku dhintay boqolaal qof oo dhalin yaro ah oo labda dhinac Xasan Daahir Aweys ayaa xiligaasi isagu dagaalka qayb ka ahaa oo hormuud u ahaa Ururuka Al Itaxaad. Balse maanta waan aragnaa dagaalada ay ka wadaan magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya waxaana dagaalkaan ay ku tilmaamayn inoo yahay mid jihaad ah balse jihaad ka duwan jihaad waa waxaa uu lee yahay oo islaamku u dajiyay shuruud balse dumar iyo caruur waayeel lagu dul dagaalamo maahan mid soo jireeen ah oo aan horay loo soo arag waxaana dhalinyarada dagaalka qayba weyn ka gaysnayso loo soo sheegay in ay arintaan tahay jihaad jidkii ele loo maray oo jano lagu galyo '' Jiis ama Qof Jiifa oo aan jid oo maro jirn Jiib lagu garaaco miyaa Jano Lagu galayaa '' su'aal miyaa ka taakan in arintu sidaasi tahay oo dagaalku yahay mid jidkii loo tugu talay galay laga leexiyay. Magaca Maakinta islaamiga ah waa mid aad u fiican hadii la marsiiyo wadadii loogu tala galay oo sharci laga dhigo balse iyagu maahan kuwa xaqa masiiyo kan awooda leh iyaguu marsiiyo kuwa aan awooda lahayn tusaale ahaan falkii dila ahaa ee dhawaan lagu qisaasay ninkaas oo aha dadka aan hubaysnayn. Ma Xasuustaan Miyaa Qolada Maxaakinta Islaamiga ah Xadiithka ama Xadiiska Nabiga Naxariis iyo Nabad galyo Hadii ay Faadumo Bintu Rasuululaah wax xadu xadkaa la marsiin lahaa waxaana ay arinaasi ku timid Qisadaan "" haweenay ka dhalatay midka mida qabaa'ilka ugu sharafta badan carabta ayaa wax xadday Alaab waqtigii Nabiga Scw. Saxaabadii waxay yiraahdeen war gabadhas waa qof sharaf leh oo qabil wayn ka dhalatay ee nabigi scw haloo diray ergay halaga cafiyo xadka gacan goynta waxaa loo diray Zayd bin xarith nabigu ergada xadka ilaahay bu ka xanaaqay wuxuuna fuulay manbarka isagoo leh: wallaahay hadday faadumo Bintu Rasuul xadtooyo samayso gacanteeda baan goynayaa"' bal fiiri arintaasi farqiga u dhaxeeyo taas xatooyo bay ahayd tana waa dil iyo kufsi maxaakintu argayan oo ay cidii awood le daynayan cidii aan awood lahayn oo ka dhasha beelaha aan hubaysnayn ku fulinyo waa arin khilafsan Xadiithkasi nabiga NNKH. Hadii ay diin difaacayaan magaca ay sitaan horta ha ka run sheegaan Maxaakinta islaamiga ah waxaana ay u mooqdaan sida muuqta kuwu sida magaca bilaa shaqo ah waxaana markasi ka dib ay ku dhaqaaqi karaan waxii ay si sharci ah u soo maraan oo wadadii loogu tala galay shacabaka soomaaliyeed waan in ay is ilaaliyan. Wasiirada hubaysan ee ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah waa kuwa 15 sano afduub iyo been ku haystay umda soomaaliyeed gaar ahaana kuwa gobolada koonfurta soomaaliya waxaaana haboon in dadka soomaaliyeed ay indha furtaan oo ay cidii wada danta diintooda iyo dalkooda raacda cidii kalna ay iska ilaaliyaan Waxaa soo Diyaariayay Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan Nairobi Kenya -botaan1@hotmail.com
-
^^^ Las Anood is part of Puntland and not between it and the other entity. But hey Horn you seem to be bent on trying to divide a sub, subclan. Why? LA capital of SOOL, Puntland Somalia..
-
Puntland no longer recognise Geedi as PM...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ The deal is still on, so Makhir and Paragon and those baring bad fruit, nothing Geedi has done has changed anaything. Puntland is right to exploit its resource in order to create what is termed a viable economy. The clan card has run its course, claiming Majiyahan has run its course...The deal is still on. -
Waa sidee xaalada Magaalada Muqdisho kadib markii gabalka uu dhacay. Last Updated::2006-05-25 21:11:07 Muqdisho:- Maleeshiyaadka isbahasyiga la dagaalanka argagixisada ayaa lagu soo waramayaa in ay khasaarooyin waaweyn ay kasoo gaareen dagaalkii ka dhacay deegaano kala gedisan oo kamid ah magaalada Muqdisho. Maleeshiyaadkii isbahaysiga ee ku soo duulay deegaanada Geed Timirka ee agagaarka deegaanka Galgalato iyo kuwii kale ee ku yimi dhanka degmada kaaraan ayaa khasaaro kala kulmay isku day ahaa in ay gacanta ku dhigaan deegaanka istiraatiijiga ah ee Galgalato iyo ilaha dhaqaalaha dekadaha Ceel Macaan iyo Ceel Cadde. Dagaalkii maanta ka qarxay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa iskiis u qaboobay gabalkii markii uu dhacay, ayada oo dagaalkaasi uu si xoogan uga socday deegaanka Dayniile iyo agagaarka xeradii hore ee 77 iyo warshadii hore ee Kabka. Sidoo kale iska horimaadkii ka dhacay deegaanka KM4 ayey ku gacan sareeyeen maleeshiyooyinka maxkamadaha oo ayagu gacanta ku dhigay Hotel Saxafi iyo isgoyska KM4. Hadaba dagaalkii maanta ayaa sababay khasaare naf iyo maal leh, ayada oo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in ugu yaraan 40 qof ay ku geeriyoodeen dagaalkii maanta halka dhaawacana uu sii caga cageynayo 120 qof, taasi oo ay sii dheer tahay barakac baahsan oo soo gaaray dadka rayidka ah. HorseedNet.com