
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
They wanted to overrun us, just like in 1990/91! God saved Gaalkacyo!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
^^^I think General Sakhar made a good observation. The Clan Courts have failed in their attack on Galkacyu.. Dagaalka dhacay Bandiiradley.(Allmudug.com 18-11-06). Allmudug.com 18-11-06:- Waxaa saaka weerar soo qaaday ciidamada Maxaakiimta Muqdisho oo ku hubaysan gawaarida dagaalka iyadoo weerarkaas ay jawaab kulul ka bixiyeen Ciidamada Puntland iyo kuwa K/Mudug Ciidamada Maxaakiimta ayaa dagaalka oo socday wax ka yar 20 Daqiiqo waxaa lagu khasbay inay baneeyaan aagii ay soo weerareen kadib markii laysu adeegsaday Hubka Culculus ee ka dhaca Madaafiicda iyadoo isla markiiba ay carareen Ciidamadii weerarka ahaa kadib markii loo awood sheegtay. Kusimaha Taliyaha Aaga Hore Ee Puntland Mr.C/salaan sanyare ayaa saxaafada usheegay isagoo ku sugan aaga hore ee dagaalka in ciidamadii soo weerray ay jawaab wanaagsan siiyeen kuna khasbeen inay si hal haleen ah uga cararaan goobta kadib markii ciidamo lixaadle oo aagaas fadhiyay ay is farasaareen. Dhanka kale Warar hoose oo aan ka helayno ilo muhiima oo kusugan Bandiiradley ayaa sheegaya in Ciidamada maxkamadaha ee halkaas kusugan ay laba ukala jabeen kadib markii sida la sheegay ay ku heshiin waayeen qaabkii loo dagaal kali lahaa qaybina ay sooo jeediysay in lagu fashilmay qorshaha gobolka Mudug hada wixii ka dambeeyana ay wacan tahay in laysaga baxo aaga oo ciidamada lagu jiheeyo meela kale maadaama Difaac adag oo aysan filayn la hordhigay. Wariyaha Jiida hore uga soo warama allmudug.com Cabdinuur Mohamed Seeraar qalay2005@hotmail.com -
Dagaalka dhacay Bandiiradley.(Allmudug.com 18-11-06). Allmudug.com 18-11-06:- Waxaa saaka weerar soo qaaday ciidamada Maxaakiimta Muqdisho oo ku hubaysan gawaarida dagaalka iyadoo weerarkaas ay jawaab kulul ka bixiyeen Ciidamada Puntland iyo kuwa K/Mudug Ciidamada Maxaakiimta ayaa dagaalka oo socday wax ka yar 20 Daqiiqo waxaa lagu khasbay inay baneeyaan aagii ay soo weerareen kadib markii laysu adeegsaday Hubka Culculus ee ka dhaca Madaafiicda iyadoo isla markiiba ay carareen Ciidamadii weerarka ahaa kadib markii loo awood sheegtay. Kusimaha Taliyaha Aaga Hore Ee Puntland Mr.C/salaan sanyare ayaa saxaafada usheegay isagoo ku sugan aaga hore ee dagaalka in ciidamadii soo weerray ay jawaab wanaagsan siiyeen kuna khasbeen inay si hal haleen ah uga cararaan goobta kadib markii ciidamo lixaadle oo aagaas fadhiyay ay is farasaareen. Dhanka kale Warar hoose oo aan ka helayno ilo muhiima oo kusugan Bandiiradley ayaa sheegaya in Ciidamada maxkamadaha ee halkaas kusugan ay laba ukala jabeen kadib markii sida la sheegay ay ku heshiin waayeen qaabkii loo dagaal kali lahaa qaybina ay sooo jeediysay in lagu fashilmay qorshaha gobolka Mudug hada wixii ka dambeeyana ay wacan tahay in laysaga baxo aaga oo ciidamada lagu jiheeyo meela kale maadaama Difaac adag oo aysan filayn la hordhigay. Wariyaha Jiida hore uga soo warama allmudug.com Cabdinuur Mohamed Seeraar qalay2005@hotmail.com
-
'Sheikh' Yusuf Indhacadde makes Afgoye the khaat capital of Somalia!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
I like it how Afgoyee a mere town is difficult to curb while the largest city Qad is burnt? Degmada Afgooye oo noqotay meesha loo qaad tago koonfurta Somaliya ka dib markii muqdishu laga joojiyay ka gacansiga Qaadka Posted to the MOL November 18, 2006, 7:40 am Muqdishu:- Wararka ka imaanaya degmada Afgooye oo 50km u jirta magaalada Muqdishu ayaa la sheegayaa in halkaasi uuka socdo ganacsi aad sareeye oo dadkii Muqdishu Qaadka ku cuni jirey ay halkaas u tageen si ay Qaad uga soo gateen ka dib markii shalay si rasmi ah Maxkamadaha Muqdishu u joojiyeen keenida, cunida iyo ka ganacsiga Qaadka oo ah maandooriye fara ba’an ku haya shacabka Somaliyeed meel walba oo ay joogaan. Haddaba waxaa la yaab noqotay in maxkamadaha Islaamiga Muqdishu ay qaadkii ka joojiyaan magaalada Muqdishu iyo Kismaayo balse wali si toosa u soo galayo oo looga ganacsanayo degmada afgooye oo Muqdishu u muuqata. Arintaas ayaa dad badan u fasirteen naas nuujis maadaama uu afgooye ka taliyo nin lagu magacaabo Cirfe oo uu adeer u yahay Sh. Aweeys oo madax ka ah maxkamadaha Muqdishu. Tuhunka ah in maxkmadaha Muqdishu aysan si is le’eg u fulin sharciga ayaa wuxuu isa soo tarayay bilahaan dambe. Iyadoo Muqdishu ay maxkamaduhu ku gubeen Qaad aad u tiro badan oo dad badan qasaare weyn ka soo gaaray ayaa haddana Afgooye wali lagu gadayaa. Dhinaca kale degmada Marka ayaa wali waxaa gacanta ku haya Sh. Indhacade oo ka mid ahaa dagaal oogayaashii Muqdishu dadka ku badi jirey haaatana loo dalacsiiyay inuu noqdo u qaybsanaha arimaha amniga ee maxkamadaha Islaamiga isagoo walina maamula magaalada Marka oo sidii hore maleeshiyadiisu dadka masaakiinta ah u baado. Mudugonline.com -
Thug Indacade Vs Abu Qutaybe.....Qad + clan killing...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Degmada Afgooye oo noqotay meesha loo qaad tago koonfurta Somaliya ka dib markii muqdishu laga joojiyay ka gacansiga Qaadka Posted to the MOL November 18, 2006, 7:40 am Muqdishu:- Wararka ka imaanaya degmada Afgooye oo 50km u jirta magaalada Muqdishu ayaa la sheegayaa in halkaasi uuka socdo ganacsi aad sareeye oo dadkii Muqdishu Qaadka ku cuni jirey ay halkaas u tageen si ay Qaad uga soo gateen ka dib markii shalay si rasmi ah Maxkamadaha Muqdishu u joojiyeen keenida, cunida iyo ka ganacsiga Qaadka oo ah maandooriye fara ba’an ku haya shacabka Somaliyeed meel walba oo ay joogaan. Haddaba waxaa la yaab noqotay in maxkamadaha Islaamiga Muqdishu ay qaadkii ka joojiyaan magaalada Muqdishu iyo Kismaayo balse wali si toosa u soo galayo oo looga ganacsanayo degmada afgooye oo Muqdishu u muuqata. Arintaas ayaa dad badan u fasirteen naas nuujis maadaama uu afgooye ka taliyo nin lagu magacaabo Cirfe oo uu adeer u yahay Sh. Aweeys oo madax ka ah maxkamadaha Muqdishu. Tuhunka ah in maxkmadaha Muqdishu aysan si is le’eg u fulin sharciga ayaa wuxuu isa soo tarayay bilahaan dambe. Iyadoo Muqdishu ay maxkamaduhu ku gubeen Qaad aad u tiro badan oo dad badan qasaare weyn ka soo gaaray ayaa haddana Afgooye wali lagu gadayaa. Dhinaca kale degmada Marka ayaa wali waxaa gacanta ku haya Sh. Indhacade oo ka mid ahaa dagaal oogayaashii Muqdishu dadka ku badi jirey haaatana loo dalacsiiyay inuu noqdo u qaybsanaha arimaha amniga ee maxkamadaha Islaamiga isagoo walina maamula magaalada Marka oo sidii hore maleeshiyadiisu dadka masaakiinta ah u baado. Mudugonline.com -
Thug Indacade Vs Abu Qutaybe.....Qad + clan killing...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
midnimo.com -
MUQDISHO: Yuusuf Indho-cadde iyo Maxkamadaha oo qarka u saaran inay isku dhacaan, iyo Yuusuf Indho-cadde oo ka baxay Muqdisho Posted to the Web Nov 18, 15:09 Muqdisho (PP) - Maamulka Maxkamadhaa Midoobay ee Muqdisho iyo Yuusuf Indho-cadde ayaa la sheegay inay isku khilaafsan yihiin joojinta jaadka iyo cunistiisa, waxaana Yuusuf Indho-cadde uu diiday in jaadka la joojiyo. Warar hoose oo ay puntlandpost ka heshay xubno ku dhowdhow mas'uulka dhanka Ammaanka u qaabilsan Maxkamadaha Yuusuf Indho-cadde ayaa waxay sheegayan in Yuusuf Indho-cadde uu si dhab ah uga hor caddeeyay Madaxda Maxkamadaha in jaadka la joojiyo. mas'uuliyiintaan oo diiday in magacyadooda la xuso ayaa waxay sheegeen in Yuusuf Indho-cadde uu qorsheynayo in gobolkii uu madaxda ka ahaa ee Shabeelada Hoose uu dib ugu laabto isla markaana uu isaga baxo howlaha Maxakamadaha. Arrintaan oo ah khilaaf soo cusboonaaday una dhexeeyay maxkamadaha iyo Yuusuf Indho-cadde ayaa warar ay shacabka Reer Muqdisho isla dhex marayaan waxay sheegayaan in laga yaabo inay dagaallo isaga horyimaadaan. Yuusuf Indho-cadde ayaa haatan ka maqan Magaalada Muqdisho; waxaana magaalada uu ka baxay isagoo careysan sida ilo ku dhow-dhow Maxkamdaha ay tibaaxayaan, waxaana si dhab ah aysan u garanayn Madaxda Maxkamaduhu halka uu dhab ahaan u abbaaray Yuusuf Indho-cadde. Khilafkaan ayaa wuxuu sababi karaan isku dhac fudud oo dhex mara Maxkaamdaha iyo Yuusuf Indho-cadde waxaa isku dhacaan uu saameyn ku yeelan karaan howlaha nabadgalyo ee ay wadaan Maxkamadaha Midoobay. Daabacaad: www.puntlandpost.com
-
Dhoolatuska Ciidamo Maraykan iyo Kenyan ah ay ku samanayaan xadka Kenya la leedahay Somaliya oo shaki badan dhaliyay Last Updated::2006-11-17 07:16:07 Garissa:-Hawlagalka Milatere ee ay si wada jirka u fulinayaan ciidamada dalalka Maraykanka iyo Kenya xadka Kenya la leedahay Somaliya ayaa waxaa uu shaku wayn ku abuuray --- Dadka reer Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya . Kolonyo gaadiidka dagaalka ah oo ay wataan ciidamada Maraykanka ayaa waxaa ay horay uga soo talabeen magaalada Garissa kadib markii ay dawlada Maraykanka ay ka digtay in weeraro argagaxiso ah laga soo abaabulayo dalka Somaliya kuwaas oo ku wajahan dalalka Etoobiya iyo Kenya Barasabka gobolka waqooyi bari Kenya Mr Kiritu Wamae ayaa isaga oo doonaya inuu meesha ka saaro shakiga wayn ee ay dadka reer Garissa ka muujiyeen ciidamadan waxaa uu sheegay in ciidamadani ay u yimaaden in ah meeshan ka fuliyaan hawlagalo bini'adanimo waxana uu sheegay in ay hawlahooda ka mid yihin dib u dejin iyo in ay 10 ceel ka qodaan magaalada Garissa. Qaarka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Garrisa ayaa waxa ay ku andocoonayaan in ciidamadan ay doonayaan in gobolka u adeegsadaan qorshahooda la xiriira la dagaalanka argagaxisada . Waqtigii kan ka horeeyay ee ay ciidamada Mariniska yimaadeen magaalada Garrisa ayaa waxaa dhacday in ciidamada Maraykanka ay si dhaqso ah isaga baxeen Garissa kadib markii ayku kaceen culumada diinta ee Garrissa iyaga oo ku eedeeyay in ay u yimaadeen hawlo basaasnimo . HorseedNet.com
-
I second that...
-
^^^Djabouti is a small player that would not exst if it was not for the French and now US bank rolling it. A Somali sister nation, but an imprtan player in the Horn..
-
In Ku Dhow 50 Dhallinyaro Ah Oo Loo Xidhay Mudaharaadkii Berbera Iyo Jawaabaha Xukuumaddu Ka Bixisay Somaliland.Org — Berbera, Somaliland — 16 November, 2006 -------------------------------------------------------------------------------- Berbera (Somaliland.org) – Wararka caawa naga soo gaadhey magaalada Berbera ayaa sheegay in ka badan 50 dhallinyaro ah oo laga qabqabtay suuqyada magaalada. Waxaana si weyn loo adkeeyey ammaanka, gaar ahaan dekedda iyo meelaha kale dowladda, kadib mudaharaadkii shaqaaqada watey ee maanta ka dhacay magaaladaas. Dhallinyarada la qabqabtay ayaa la filayaa in isla caawa guddiga nabadgelyadu xukumo, isaga xukunkooda u adeegsanaya xeerka Xukunka Degdegga ah ee Golaha Wakiilladu laalay, balse weli lagu dhaqmo. Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadheya Berbera, ciidamo laxaad leh ayaa la dhigay magaalada, gaar ahaan meelaha halbowlayaasha ah, sida Dekedda iyo Haamaha Shidaalka. Dekedda oo habeen iyo maalinba shaqayn jirtey ayaa caawa loo diidey in dadku galaan, waxaana la hakiyey shaqadii ka socotey. Maamulka Gobolka Saaxil iyo degmada Berbera ayaa ku tilmaamay mudaharaadkii maanta ka dhacay magaaladaas mid ay ka soo shaqeeyeen dad “ujeedooyin kale leh”, isla markaana aanay jirin iskaraab la dhoofinayo, balse loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo ammaanka magaalada Berbera oo ah isha dhaqaale ee dowladda Somaliland. Tallaabooyinkan lagu adkeeyey ammaanka dekedda iyo meelaha kale ee adeegga guud ayaa iyana dadka reer Berbera waxay u arkaan mid ku salaysan cabsi ay ka qabto in ay falal kale lagula kaco. Dadweynaha Magaalada Berbera ayaa mudaharaadka ay maanta sameeyeen waxay kaga soo horjeedeen qorshe la sheegay in xukuumaddu damacsan tahay in qalabka wershaddii Sibidhka ee Berbera ay dhoofiso, iyada oo la sheegay in Iskaraab ahaan looga iibiyey shirkad Jarmal ah oo la sheegay inay dhisayso wershed cusub oo Sibidhka ah. Warkani waxa uu soo baxay kadib, markii dhowaan ay dalka yimaadeen wefti ka socda Shirkad Jarmal ah oo la sheegay in Madaxweyne Riyaale la saxeexday heshiis maalgelineed oo ay dalka kaga hirgelinayaan wershed Sibidhka soo saarta, dhuxul-dhagaxda iyo macdanta, isla markaana ay booqdeen wershedda Sibidhka Berbera. Hase yeeshee, war saxaafadeed kooban oo uu maanta duhurkii soo saaray Afhayeenka Madaxweyne Riyaale, Mr. Cabdi Idiris Ducaale ayaa sheegay in aanu jirin cid xukuumaddu heshiis kula gashay ama ruqsad u siisay inay Iskaraab ahaan u rarato qalabka Wershedda Sibidhka Berbera. Waxana uu intaa raaciyey “Haddii uu jirona la joojiyey”. Waxa kale oo ay dadka reer Berbera ee mudaharaadayey ay ka cabanayeen maamulka Gobolka. C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
-
Dadweynaha Magaalada Berbera Oo Mudaharaad Gadood Ah Kaga Hortegey In Iskaraab Ahaan Loo Dhoofiyo Wershaddii Sibidhka Somaliland.Org — Berbera, Somaliland — 16 November, 2006 -------------------------------------------------------------------------------- Berbera (Somaliland.org) – Mudaharaad ballaadhan oo rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada dekedda ah ee Berbera. Mudaharaadkan oo ay ka qaybgaleen boqolaal ka mid ah dadweynaha magaalada Berbera, gaar ahaan ardayda dugsiyada iyo kooxo dhallinyaro ah waxa uu ahaa mid ay dadweynaha reer Berbera ku muujinayeen dareenkooda sida ay uga soo horjeedaa tallaabo xukuumaddu doonayso inay iskaraab ahaan u iibiso Wershaddii Sibidhka ee Berbera, taas oo hadda la sheegay in loo diyaariyey in la dhoofiyo. Dadweynaha magaalada Berbera oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey isu abaabulayey mudaharaadkaas ayaa saaka 8:30 subaxnimo bilaabay mudaharaadkooda, iyaga oo socod ku marayey dariiqyada waaweyn ee badhtamaha magaalada Berbera, isla markaana ku dhawaaqayey erayo iyo hal-ku-dhegyo ku lid ah Madaxweyne Riyaale iyo xisbigiisa UDUB, sida “Riyaale ha dhaco… Udub mar baa loo khaldanay, mar dambe loo khaldami mayo…”. Waxayna socod ku tageen xarunta maamulka Gobolka Saaxil ama xafiiska Badhasaabka, halkaas oo ay ugu horrayn is hor tubeen, kadibna ciidanka booliska ayaa rasaas kala horyimi, taasina waxay sababtay in mudaharaadku isu rogo mid rabshad wata. Intaa kadibna mudaharaadayaasha oo gadoodsani waxay xoog ku galeen xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Berbera, halkaas oo ay ka bilaabeen dhagaxtuur u suurageliyey inay gudaha galaan, kadib markii askar boolis ah oo ilaalinaysey ay u baneeyeen. Waxayna jejebiyeen daaqadaha xafiisyada maamulka, iyaga oo qaar ka mid ahna inta ay galeen aburburiyey wixii qalab yaalley. Dadkaas mudaharaadayey waxay kadib u dareereen dhinaca Dekedda. Hase yeeshee, ciidanka bookiska ee ilaalada dekedda ayaa joojiyey, iyaga oo kala horyimi rasaas ay kor u ridayeen si ay u kala eryaan. Kadibna, waxay dib ugu soo noqdeen dadka mudaharaadayey oo ay weerareen xafiiska maamulka Gobolka, xarunta Maxkamadda iyo xarunta Wakaaladda Biyaha Berbera. Waxayna khasaaraha ugu badan u geysteen dadka mudaharaadayey xarunta Wakaaladda Biyaha oo ay jejebiyeen qalabkii yaalley, isla markaana dibadda lagu arkay qaar ka mid ah faylashii xafiisyada. Waxa kale oo ay dadkaasi si cadho leh u burburinayeen sawirada Madaxweyne Riyaale oo sudhan inta badan xafiisyada dowladda. Waxana ay taayiro ku gubeen dariiqyada magaalada. Mudaharaadkaas oo xadhkaha goostay, isla markaana sii ballaadhanayey marba marka ka dambaysa, waxa uu socdey ilaa 1:00 duhurnimo ee maanta, markaas oo mudaharaadayaashu ay iskood isaga kala dareereen. Mudaharaadkan oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca magaalooyinka Somaliland sanadahan dambe, ma sugna khasaaraha dadka ka soo gaadhey. Hase yeeshee, masuuliyiinta cusbitaalka Berbera ayaa sheegay in cusbitaalka la keenay 5 qof oo ku dhaawacmay mudaharaadkaas, kuwaas oo mid ka mid ahi ay tahay gabadh uu jiidhay gaadhi. Waxa kale oo ka mid ah laba arday oo ay ku dhacday rasaas seeraaro ah. Laba askari ayaa iyana la sheegay in dhaawacyo sahlani ka soo gaadheen dhagaxtuurkii dadweynaha. Dhinaca kale, waxa duhurkii galay magaalada ciidamo Milateri ah oo wata gaadiid tikniko ah si ay u kala dareeriyaan mudaharaadayaasha, kuwaas oo ilaa caawa lagu arkayey iyaga oo wareegaya dariiqyada magaalada Berbera. Ciidankaas ayaa la sheegay inay ka qabqabteen dariiqyada magaalada, kadib markii ay soo galeen, iyaga oo u aanaynaya inay ku luglahaayeen mudaharaadka. Xaaladda magaalada Berbera ayaa degganayd ilaa gelinkii dambe ee maanta. Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana shir u fadhiya Guddida Nabadgelyada Gobolkaas oo la filayo in ay go’aamo ka soo saaraan arrintan. Tirada dadka loo xidhxidhay mudaharaadka, war madaxtooyadu ka soo saartay iyo wixii war ah ee ka soo kordha la soco goor dhow. C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
-
Mudaharaad Aad U Balaadhan O Ka Soconaya Berbera Iyo Dad Ku Dhaawacmay Somaliland.Org — Berbera, Somaliland — 16 November, 2006 -------------------------------------------------------------------------------- Berbera (Somaliland.Org) War hada naga soo gaadhaya magaalo xeebeedka Berbera ee Somaliland ayaa sheegaya in ilaa saaka subaxii mudaharaad aad u balaadhan ka soconayo magaaladaas. Dadka mudaharaadaya oo aad u tiro badan ayaa waxay yihiin ardaydii iskulada iyo shacabki magaaladda, kuwaas ka gadooday qorshe xukuumadda Rayale damacsan tahay inay warshaddii sibidhka kaga warejiso magaaladda qalabkedina is-karaab ahaan u iibsato. Sida wararku sheegayan kadib markii ciidanki policeka ee magaaladdu la safteen shacabka mudaharaadaya ayaa xukuumadda Md Rayale ku dalbatay ciidamada militariga si ay shacabka u kala eryaan. Halkaasna waxa ku dhaawacmay dad tiro ah. Mudaharaadyasha ayaa wadooyinka ku gubay shaagag iyaga oo xafiisyada dawladdana weerarayay. Warkan oo tifa tiran kala soco mar dhow Somaliland.Org
-
Banaanbaxyo dad ay ku dhinteen kuwana ay ku dhaawacmeen oo looga soo horjeeday joojinta Qaadka oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. November -16-2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia. Banaanbaxyo dad ay ku dhinteen kuwana ay ku dhaawacmeen oo looga soo horjeeday joojinta Qaadka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Isgosyada baar ubax Black sea iyo Albaraka ayaa maanta waxaa hareeyey banaanbax balaaran oo ay sameeyeen inta badan Haweenka iyo Ragga ka ganacsada qaadka iyo Carruurta garaabiistayaasha kuwaas oo noloshooda ay ku xiran tahay la shaqeynta Haweenka iibiya Qaadka oo ay ka raadsada nolol maalmeedkooda. Banaanbaxyaasha ayaa sheegay in mamnuucida jaadka islamarkaana lagu gubay hantidooda ay tahay mid si aad ah ay ugu xun yihiin iyagoo sheegay inay tageero u ahaayeen golaha maxaakiimta balse imminka si aad ah uga xun yihiin. Isgosyada ay maanta ka dhaceen banaanbaxyada ayaa ilaa iyo hadda inta la og yahay waxaa ku geeriyooday hal qof iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale. Mid ka mid ah dadka maanta banaanbaxaas dhigayey oo HornAfrik wax ka weydiisay arrintan banaanbax ayaa sheegay inay banaanbaxa wadayaan, maxaakiimtana ay rasaas ugu jawaabeen maanta. Sidoo kale, Haweenka iibiya Qaadka ayaa sheegay inay qaadka ka masruufan Carruur badan oo Aabahooda nooleen iyagoo sidoo kale xusay in Haweenka inta badan Qaadka iibiya ay yihiin kuwa ay ku kaliftay daruufta waxa ayna sheegeen in imminka aaney heynin wax shaqo ah marka laga reebo Jaadkii laga joojiyey iyagoo xusay in golaha maxaakiimta Islaamka ay u sameeyaan mashruuc ay ku howlgalaan si noloshooda ay uga soo saartaan. Haweenka ka ganacsada Qaadka ayaa sheegay in hanti badan oo jaadka uga jirtay looga gubay iyagoo ka xumaaday in marka hore loo baahnaa in lagu wargaliyo si ay uga digtoonaadaan balse ay xuseen in Qaadkii shalay laga gubay uu ka yimid dalka Itoobiya kaas oo cadowtinimo kala dhaxeyso dalka Soomaaliya islamarkaana ay dowr bideen inay dalka Kenya ka keensadaan kuwaas oo soo marsiinaya diyaaradaha ka shaqeeya Muqdisho iyo Kenya balse ay sheegeen in golaha maxaakiimta markii ay dareemeen in waxa la sido uu yahay Qaad ay u diideen inay kala soo baxaan garoonka Muqdisho taas oo markii dambana la gubay. Hantidaas ayey sheegeen in golaha maxaakiimta looga baahan yahay inay gartaan inay leeyihiin shaqsiyaad loona baahan yahay in aan hantida qofeed lagu ciyaarin. Banaanbaxan maanta laga sameeyey magaalada Muqdisho ayaan aheyn kii ugu horeeyey ee ka dhaca goobaha ay ka taliyaan golaha maxaakiimta iyadoo banaanbax midkan la mid ah hore looga sameeyey magaalada Kismaayo kaddib markii lagu soo rogay xayiraada Qaadka
-
Caabudwaaq: We are pro-Islamic Sharia, but anti-ICU.
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
Kulan ka dhacay Caabudwaaq oo ay Beelaha Deegaankaasi uga hadleen arrimaha Maxaakiimta Last Updated::2006-11-16 16:29:32 Caabudwaaq:- Kulan ka dhacay magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayay Beesha **** uga xaajeysatay arrimaha la xariira Maxaakiimta gobalkaasi ku sugan. Kulankan ayaa salka ku hayey talo ka timid Culumaa'udiinka beeshaasi oo soo jeediyey in ay dhistaan Maxkamad Islaami ah oo u gaar ah. Inta badan Cuqaasha iyo odayaasha Beesha **** ayaa ka soo horjeestay in ay taageeraan Maxaakiimta Islaamiga ah ee ka jira gobalka kuwaasi oo hoostaga magaalada Muqdisho. Balse cuqaasha kulankaasi isugu timid ayaa waxay isku raaceen in ay ku dhaqmaan shariicada Islaamka. Magaalada Caabudwaaq ayey horey uga dhaceen mudaharaadyo looga soo horjeedo Maxaakiimta Muqdisho, gaar ahaan wakhtigii ay maleeshiyooyinka Maxaakiimta magaalada Bu'aale ku dileen 5 nin oo aan hubeysneyn oo dhaawac ahaa. Maxamed Cabdi HorseedNet | Muqdisho info@horseednet.com -
One point I agree with Clan Courts.........
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Juje, as ever you present nothing new to the table. Lets not waste time, the clan courts [not an inslut] its a title, are led by a single clan and have used the same arguments against the TFG and Puntland that clans warlords used, i.e defending against Ethiopia and so on. Now I have not labled them becuase I have a grudge, which I dont personally the clan courts are my abti's and inlaws and I love the clan but here we are discussing politics and the Somali state. I agree with the emphasis on Islam, as I belive that system is just and no one, Yusuf/Cade or anyone else has a right to oppose it. However is even an Islamic system in place in Mogadishu? Is it written, have the people been notified of their rights in the law and their responsability? No there is not even an adminstration all we see is business as usual and even new aggression and centralisation of power in the hands of the clan courts... This is what I appose, if you want an islamic system, then start at home, put emphasis on its implementation and not on clan warfare as is the case.. -
Been Abuurka laga sameeyey Beelaha Cali Saleebaan Ee Taageerida Maxaakimta. KU: Madaxwaynaha Dowlada Fadaraalka Somaliyeed. KU: Madaxwanaha Dowlad goboleedka somaliyeed ee Puntland. KU: Golaha wakiilada ee Dowlad goboleedka Puntland. KU: Wakaladaha amniga ee Mamul goboleedka Puntland. OG: Dhamaan Meesha laga Sameeyey Been abuurka. Ujeedo-- Beeneey Raad beeshooy, Intee baad soctaa!!!? Marka hore waxaan salmaynaa, dhamaan, bulshada Soomaaliyeed iyo dhamaan bahwahwaynta reer Puntland (Salaamucalaykum Waraxmatullaahi...) salaam ka dib walalayaal., Waxaan ognahay ka dib markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaliyeed, wadanka kama aysan jirin wax sharci ah ama kala danbayn ah ayadoo qof walbaa uu u socdo siduu asagu uu maago. Hase yeeshee waxaa taas ka sii daran, in shaqsiyaad danaystayaal ah ama haddii aan si kale u dhigno la dhihi karo (Calool u shaqaystaal) ay been abuur ka samaystaan dad aan waxba ka ogayn waxay maleegeen, haddaba kadib markii lagu arkay Website-yada/ Internetka, beentaan cad ee aan raadka lahayn ,waxaa raaligelin mudan horta dadkii beenta laga sameyey oo weliba lagu soo qoray Websites ka. Hadaba, kadib markii laga war helay in uu ahaa waxba kama jiraan, waxay ugu yeereen Kulanka Beelaha Cali Saleebaan ayaa lagu tilmaai karaa meel ka dhac loo gaystay beesha maadama aanay ka muuqan qoraalka ay meesha soo geliyeen, Isimadii beeshu & weliba culimaa udiinkii beelaha Cali Salbaan iyo weliba ganacsatadii iyo aqoonyahanadii loogu soo hagaagi jiray beelaha Cali Salbaan, sida dadka ay ka mid yihiin ü Beeldaaje: Farah Xaaji Beeldaaje ü Shiikh : Ismaciil (Kutuba wayne) ü Suldaan : Bashiir Muuse (koonte) ü Suldaan : Ciise Xassan Omar ü Nabadoon: Maxamed Khuurshe ü Nabadoon: Abdulqaadir Maxamuud (Qandala) ü Nabadoon: Siciid, Omar Kashawiito ü Nabadoon: Cumar Ismaciil (sanwayne) ü Nabadoon: Catoosh ü Ganacsade: Xiddig Xaaji Farah ü Ganacsade: Bashiir Abdulaahi Saalax deer ü Ganacsade: Farax Maxamed (Toox) ü Ganacsade: Liibaan Yousuf Maxamed (Liibaan dheere) ü Ganacsade: Maxamed Shabeel. ü Ganacsade: Amed Ibrahim Shiiqsade ü Ganacsade : Faarax Baruuj Hadaba, kadib, markii qolooyinkii waraaqada iyo qalinka intay soo qateen, ayadoon cid kulantay iyo meel lagu kulmayna aysan jirin, samyey qoraalkaas tirada ka batay, lagana tagay , Cuqaashii, culimadii, isimadii, ganacsatadii, beelaha Cali Saaleebaan hormoodka u ahaa, baa lagu tilmaami karaa, sharaf ka dhac ay u gaysteen koox yar oo la laab kacsanaa taageerida Maxaakimta isku sheega ah. Hadaba waxaan ku waninayaa shaqsiyaadka, af jabsaday, beelo dhan, been abuurtayna, in ay waxaas ka waantoobaan, ogadana in beelaha Cali Salbaan ay, go’aan kasta ay gaari karaan, markii la rabo iyo meeshii la raboba, beeluhu, waxay qayb aad muhiim u ah ka yihiin, isu taga, Dadyoga isirka ah ee ku middbay, Maamul goboleedka La magac baxay Puntland, sidaas oo ay tahayna, awood buuxda ay u leeyihiin, la jaanqaadka iyo la socodka, kacdoon walba oo siyasadeed, mid dhaqaale, iyo waxii lamid ah. Oo ku yimaada puntland state of Somalia. Sidaas darteed, wakhtigaan isaga ah ma jiraan horena uma jirin, hadal ay kasoo sareen beeluhu, Qolyoowga sheegtay Maxkamado Islaami ah, waxayna, arinkaas isga ah isku siyaasad ka yihiin, Mamul goboleedka somaliyeed ee puntland. Gabogabo: Waxaan ogaysinaynaa, bulsho waynta somaliyeed gaar ahaan dadwaynah puntland, in ay iska ilaaliyaan wax alleh waxii keeni kara, bur bur, iyo khilaaf soo kala dhexgala maamulka iyo shacabka nabada jecel ee puntland. Waad Mahadsantihiin. Afhayeenka waraaqdaan: Aqoonyahan: Maxamuud Maxamed (Xalaani) Tell: +923452742419 Office: +92287491 Email: Xalaani77@hotmail.com
-
Riyale Kahin using people's money to build homes abroad
General Duke replied to RedSea's topic in Politics
Red Sea, is there more evidance than just the pic, also A/Qasin also built houses in Cairo and he even led a worse admin than Riyaale.. Its the habit I guess.. -
One point I agree with Clan Courts.........
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Juje, I have respect for some of the points you make. I am not resistant to change when it is posative. The Islamic law issue is essential for the future of Somalia as a whole. However clan agression, occupation of land, looted properties, clan dominance and all that illegal stuff I will highlight. Those issues are still to be resolved in Mogadishu and by the armed clans or yesterdays USC The clan courts will never occupy Puntland as you already have seen. The state never had te problems of Mogadishu and dealt with its roadblocks and clans 10 years ago.. All for Islam no for what you are pushing which is USC dominance with another name. -
One point I agree with Clan Courts.........
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Juje, Puntland is a Muslim regions thus Islamic rule is essential. It would actually be quite easy to implement, the admin would need to just create a legislative body run by the religious leaders of the state who then would work on amending the constitution and so on. The business groups elits and pro Ethiopian officials would find it problamatic, but I find clan based courts more problamatic as the central state would disintigrate and we would be back to violence and competing sub-clans -
One point I agree with Clan Courts.........
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
I am all for Islamic law, I have always been, what I am against is the Abukar Cadaan, business models and the clan centric policies of certain groups.. Here is what I wrotte a while back on SOL long before the clan courts came to power. Regarding a manifesto for the Somali's... manifesto thread page 2 My manifesto was about Aim: The creation of a self-reliant independent Islamic republic of Somalia . • Denouncing clan sectarianism, regional secessionism and religious extremism. Reducing the clan as a major factor in the body politic of Somalia. A top priority was ..... Curbing the cancer that is QAD¦ Through legislation [Drug and Alcohol legislation] address the QAD problem, which destroys homes, creates dependent zombies of the work force and takes expendable cash to neighboring countries and away from investment. This single plant has caused more misery and deaths than any regime and clan militia and has left the Somali people straggling behind the rest of the world. -
One point I agree with Clan Courts.........
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Xox-Ogaal I think the limit to some of the real reformers in the courts come from the Clan structure, the business men who support the courts also dable in Qad trade. This is a great move, its the first time this happened in Mogadishu. Puntland admin is being pressured to implement Shariah law and insha Allah it will. -
One point I agree with Clan Courts.........
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Qaad maalintii labaad lagu gaybay caasimadda Somalia hoos ka daawo sawirada Mogadishu 16, Nov.06 ( Sh.M.Network) –8 tone oo nuuca qaadka loo yaqaano Miroga oo ay ganacsato Soomaaliyeed ka soo dajiyeen maanta gegida caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa ciidamada golaha maxkmaadaha islaamka ay ku gubeen galabta dugsiga tababarka Xalane ee magaalada Muqdisho. Jaadkaan oo lagu keenay diyaaradda African Express sida ay sheegeen Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa ahaa qaadkii ugu badnaa ee lagu gubo magaalada Muqdisho, waxaana uu ku jirey kartoono iyo boorsooyin lagu soo qariyay, isagoo u xirxirnaa marduufo marduuf, waxaana lagu bil bilay basiin, deetana dab ay qabadsiiyeen ciidamo ka tirsan maxkamadaha islaamka. Qaadkaan oo lagaga soo qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagaga soo qaaday 5 gawaari oo nuuca Lancrusser Pick up ah ayaa lagu daadiyay dugsiga tababarka xalane ee duleedka galbeed ee garoonka Muqdisho, waxaana lagu qabadsiiyay dab. Madaxa amaanka gobolka Banadir C/laahi Naxar Abu Quteyba oo shir Jaraa'id ku qabtey halkii lagu gubay Qaadka ayaa waxa uu ka sheegay in gubitaanka qaadka uu amar uga heystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, balse aaneey shabaabka Maxkamadaha iskood go'aan uga gaarin. Waana maalintii labaad ee qaad lagu gubo caasimadda Somalia ee Muqdisho, iyadoo shalay qaad lagu gubay Siinka dheer ee Ex Ctrl Afgooye