
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Madaxweynaha Puntland oo booqday degmada Cadaado Last Updated::2006-12-31 16:55:50 Cadaado:- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo gaaray degmada Cadaado. Wafdigan ka yimid Puntland ee gaaray degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa la sheegay in ay halkaasi tageen kadib markii ay casumaad u fidiyeen oday dhaqameedyada deegaankaasi. Wafdiga ka yimid Puntland ayaa kala hadlay odayaasha deegaankaasi xiriirka labada dhinac iyo wabilaba arrimo la xariira maamul u sameyn deegaankaasi. Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale booqday xarumaha ay ciidamada DFKMG iyo kuwa Puntland ay ku sugan yihiin. Wafdigan ayaa dib ugu noqday magaalada Gaalkacyo oo ay horey uga yimaadeen. Magaalada Cadaado oo ahayd xaruntii Maxaakiimta ee gobalada dhexe ayaa waxaa ka bilowday shirar ay dadka deegaanka ka yeelanayaan sameynta maamul u gaar ah oo la shaqeeya Dowlada Federaalka. Cabdifutaax Shirwac HorseedNet.com
-
Bananaanbaxyo lagu taageerayo dowladda oo ka dhacay Muqdisho Bannaanbaxyo lagu taageerayo oo ay kasoo qeybgaleen boqolaal dadweyne ayaa maanta ka kala dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo dadweynaha ay ku dhawaaqayeen erayo ay kusoo dhoweynayaan xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. Deegaanada Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga soo dhoweeyay ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee soo galay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana maanta dadweynaha ay kor u sideen sawirada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyadoo erayo ay ka mid ahaayeen soo dhowaaw Mudane Yuusuf iyo soo dhowoow Mudane Geeddi, waxayna sidoo kale ay ku shirbayeen QABIIL QABIILKA WAA QUBMEE, QARANKA MA ISLA QAADANAA iyo erayo kale. Banaanbaxyadan oo ka kala dhacay wadooyinka Fiat ilaa Sanca iyo mid kale oo isagana ka dhacay Hotelka Ramadaan ilaa Towfiiq, waxaana dadku ay maanta hilmaameen munaasabada Ciidul Adxaa oo aan si weyn looga xusin Muqdisho.
-
Kismayu: Ulema tell courts spare Kismayu as you have Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
source -
Kismayu: Ulema tell courts spare Kismayu as you have Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Sheikh Fiqqikhayre: Aways is well known for ptotecting his kinsmen even when they where occupaying whole regions, more on the Kismayu story.. KISMAAYO: Madaxda Maxkamadaha oo loogu baaqay inay isaga baxaan Kismaayo dhallinyaradana aysan xabbad ku layn Posted to the Web Dec 31, 12:43 Kismaayo (PP) - Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa u sheegay Shabakadda Wararka ee Puntlandpost in Mas'uuliyiintii Maxkamadaha ee halkaas gaaray lagu wado inay halkaas isaga baxaan. Wararka ayaa waxay sheegayaan in lagu wado inay u tallaabaan dhanka dalka Kenya, halkaasoo la sheegay in magangalo ay u fidisay Dowladda Kenya, waxaana lagu wadaa inay halkaas gaaraan dhawaan. Socdaalkaan ay ku abbaarayaan xubnaha Maxkamadaha ayaa lagu sheegay inuu yimid kaddib markii xubno ka tirsanaan jiray Maxkamadaha oo haatan ku sugan Nairobi sida Ibraahim Xasan Caddoow oo dhanka Arrimaha dibadda u qaabilsanaa uu u sheegay in r ruux walba uu is dabbaro, maadaama laga awood badiyay. Sida wararka ay sheegayaan Caddoow ayaa u sheegay madaxda sarsare inay ka baxaan Magaalada Kismaayo isla markaana aysan dagaal dambe ku baabi'in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo raacay dhanka Magaalada Muqdisho. Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo kaabiga ay isku saaran yihiin ciidammada Dowladda iyo Malleeshiyooyinka Maxkamadaha ee ku sugan Degmada Jilib, waxaana lagu wadaa inay halkaas ku dhex maraan dagaallo aad u qaraar. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com -
Kismayu: Ulema tell courts spare Kismayu as you have Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Saxib, no doubt they will try to make terror attacks, a bomb here and there, but they will not suceed any more than their millitary offensives prior. As for the Eritreans, Ormo and foreign fighters, they are there, the people have seen them, they invited them, Aferwarki speaks on the Clan Courts defence. UN monitoring group, and all other agencies have enough evudance that the whole clan courts was funded from the outside. Also its the TFG that is in control of Mogadishu, no Ethiopian runs the show, no one is denied going to mosques, so cut the clan crap. -
Kismayu: Ulema tell courts spare Kismayu as you have Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The Ulema of the city are also born and raised, the elders, the whole city want them to leave. They wont fight in the open hence the retreat from all corners. Sharif Ahmed, Xasan Dahir, Suuley, Adan Xashi Cayrow, Turki, Eritrean, Oromo fightres and others, none were born or raised in Kismayu Also many of their fighters in Mogadishu gave up, so why are the forcing the fight on Kismayu? Xalane, Insha Allah, the TFG will complete the job of chasing these clowns out of the country. Fanisha, sister, they have been shown to have double standards.. -
Kismayu: Ulema tell courts spare Kismayu as you have Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
What logic is it 'We saved the citizens of Mogadishu but we don't want to spare the lives of the innocent in Kismaayo', is the life of Mogadishu residents more valuable than that of reer Kismaayo? I don't think so. -
Deegaan Iyo Dhul Dad Kale Leeyihiin In La Gumeysto Waa Xaaraan”-Cabdullaahi Yuusuf Oo Ka Hadley Afgooye. Cabdullaahi Yuusuf Oo Ka Hadley Afgooye.12/30/06 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Laba maalmood ka dib markii ay ciidamada Dowlladda Kumeelgaarka iyo kuwa Itoobiyaanku si buuxda ula wareegeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa booqasho deg-deg ah magaalada Afgooye u yimid Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna halkaas kula kulmey siyaasiyiinta iyo Odeyaasha dhaqanka ee degmada Afgooye iyo Gobolka Banaadir, wuxuuna kala hadley in ciidamada Xoogga Dalka gacan lagu siiyo adkeynta nabadgelyada, gaar ahaan wuxuu si gaar ah ula hadley reer Shabeellada Hoose oo uu sheegey in dulmigii muddada dheer saarnaa laga dulqaadey islamarkaasna ay Dowladooda isgarab taagaan. Odeyaasha Dhaqanka ee Gobolka ayaa Madaxweynaha u mahadceliyey, waxayna ku nuuxnuuxsadeen in si deg-deg ah ay Dowlladdu u dhisto maamul iyagu ay leeyihiin oo ka duwan kii xoogga ku haystey. Sidoo kale waxay odeyaashu ka digeen in aysan Dowlladdu ku dhicin dabinta ay maleegayaan kuwo ka tirsanaan jirey xisbiga SNA oo mas’uul ka ahaa qabsashada Gobolkan gaar ahaan waxay digniin ka bixiyeen kuwa deegaanka u dhashey ee xisbigaas dulmiga ku dhisan ku jirey, haddana doonaya inay iyagoo magac deegaanka wata ay maamulka Gobolkooda qabsadaan, taas oo uu Madaxweynuhu meesha ka saarey wuxuuna sheegey in awood dambe oo deegaan iyo dhul dad kale leeyahay lagu qabsan karin. Dhinaca kale waxaa banaanbax rabshado wata ay ka dhaceen inta u dhaxeeysa isgoyska Black Sea iyo Suuqa xoolaha kuwaas oo ku dhawaaqayey in aysan dooneynin Hoggaamiye Kooxeed iyo Dowlladda Itoobiya waxayna dalbanayeen inay dalka ka baxaan. Waxay bannaanbaxyaashaas gubayeen taayarro iyo dhagxaan ay ku tuurayeen Ciidamada Itoobiya oo ku sugan Xerada Maslax. Mas’uuliyiinta u hadashey Dowlladda ayaa mudaaharaadkaas ku eedeyey haraadigii Golaha Maxaakiimta, haddii aysan ka waantoobinna ay tallaabo adag ka qaadi doonaan. Qabsashada Dowllada ay qabsatey Muqdisho ayaa ku soo beegantey Ciida Carafo ee Ciidul Adxaa, waxaana magalada Muqdisho ciiddaani ahayd mid aan si wanaagsan looga ciidin marka xaqiiqda laga hadllo waayo dadka intiisa badan gaar ahaan kuwa xooggooda maali jirey ama dulmiga ku noolaaan jirey ayay u ahayd maalin madow. Sidoo kale dadka ay diintu dhab ka tahay islamarkaasna dulmigii horey jiri jireyna ka xummaa ayaa afkii juuqda gabey. Hoggaamiye Kooxeedyada magaalada Muqdisho oo qaarkood ku soo noqdey magaalada ayaa wararka ay bixinayaan wuxuu ka duwanaa kuwii ay horey u jeedin jireen ee looga bartey, waaxayna eedeyn u jeedinayeen Golaha Maxaakiimta oo ay ku sheegeen inay dalkan ajnabi iyo Al-Qaacida gacanta u geliyeen, waxayna shacabka ku boorinayeen inay Dowlladda la shaqeeyaan islamarkaasna ay hubka iyo malleeshiyooyinka iska xaadiriyaan goobaha loo carrifey. Imaanshaha Madaxweynaha ayaa waxaa laga yaabaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho iyadoo xaley uu Cali Maxamed Geeddi uu ku hooydey magaalada Muqdisho isagoo ay goroonka ku dejisey diyaarad Helikobtar ah. Waxaa socota qaabkii magaalada ammaankeeda loo sugi lahaa hubkana shacabka looga dhigi lahaa. Xilliga kala guurka waxaa dadka ka faa’ideystey malleeshiyaadkii isbaarada dhigan jirey oo xitaa jidadka qaarkood iyo suuqyada ka billaabey urursiga lacagaha baadda ah, waxaan idhaheyga ka qaadey malleeshiyaad ka tirsanaan jirey kuwa Maxkamadaha oo Leejo ka qaata suuqa loo yiqaanno Suuqa Caanaha. Waxaa dad badan laga ceyrsadey guryahooda oo markii hore laga haysan jirey oo ay Maxkamaduhu kau wareejiyeen. Mas’uuliyiinta iyo ciidamada Golaha Maxaakiimta ee iskugu tagey Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegey inay si adag isku difaacayaan iyadoo ay ku soo wajahan hihiin ciidmadii jebiyey lexaadkooda. Wararka aan halkaas ka heleyno ayaa sheegayaa in shacabka magaalada Kismaanyo ay ka dalbadeen in aysan magaaladooda ku dagaalamin ee ay iskaga baxaan mar haddii aay difaacan waayeen magaalada Muqdisho, waxaana saaka Saxaafadda la hadlley Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegey inay si adag isku Difaacayaan. Mas’uuliyiin kale oo ka hadashey magaalada Kismaanyo ayaa sheegey in Maxkamadaha uu dhabar jebiyey Yuusuf Indhacadde oo shirqool u dhigey islamarkaasna dalka iskaga baxey waxaana la sheegey inuu joogo dalka Jarmalka, iyadoo dadweynaha hadal hanytooduna u badan tahay sida uu Indhacadde Maxaakiimta u Gatey. Isku soo duub haddii aysan Dowlladda iyo ciidamada magaalada qabsadey la imaanin qorsho hufan oo ammaanka lagu sugayo waxaa halis ku jiraa ammaanka shacabka magaalada Muqdisho iyadoo dilka iyo dhaca 48 saacadood ee aan soo dhaafney uu yahay mid sidiisa hore u soo laabtey. Dadweynaha ka soo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose ayaa ku mashquulsan inay ogaadaan halka uu ku sugan yahay Yuusuf Indhacadde. Haddii ay caddaato in uu ku sugan yahay dalka Jarmalka sida dadku sheegayaan ayaa qaarkood waxay wacad ku mareen inay ku dacweyn doonaan Maxkamadda Hague, waxayna Aqoonyahannada iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose ka dalbadeen inay ninkaas dacwad ku soo oogaan si looga abaalmariyo dimbiyada uu ka galey dadka Shabeellada Hoose. Shabakadda Warqabadka DMC Muqdisho Aadan Cusmaan Bokoola@hotmail.com
-
Kismaayo: Culimada Kismaayo oo ugu baaqay maxkamadaha sidii ay Muqdisho u bad baadiyeen inay Kismaayana u bad baadiyaan. Sabti, December 30, 2006 Kismaayo(AllPuntland)- Culimada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee aan kamidka ahayn maxkamadaha ayaa maanta si toos ah ugu soo jeediyay maxkamadaha Muqdisho inay Kismaayo ka bad baadiyaan dagaal ka dhaca sida ay usoo bad baadiyeen Muqdisho, oo ay uga soo tageen ayagoon wax xabbad ah ka ridin, isla markaana ciidankii la wareegay aysan cidna xabbad ku ridin. Culimadan oo kasoo jeedda dadka deegaanka Kismaayo iyo deegaannada kuxeeran ayaa masaajidda maanta kasoo jeediyay qudbooyin si toos ah u taabanayay khatarta kusoo fool leh Kismaayo haddii maxkamaduhu ku dagaallamaan. Culimadu waxay codsatay in maxkamaduhu ay ka baxaan gudaha magaalada Kismaayo, si loo baajiyo nolosha dadka degmada Kismaayo oo dagaallo kasoo daaleen. Midowga maxkamadaha ayaan codsiga culimada kaga yimid aan wali ka jawaabin, hase ahaatee waxay sheegeen inay la dagaallamayaan ciidamo ay ku tilmaameen cadaw kusoo duulay dalka. Sheekh Shariif oo maxkamadaha madax u ah ayaa sheegay in haddii shacabku taageero ama uusan taageerinba mar walba ay ka go’an tahay inay dagaalka galaan. Odayasha iyo wax garadka Jubbooyinka ayaa maxkamadaha kala hadlaya inaysan dagaal ka ridin Kismaayo, waxaana odayaashu ay sheegeen inay ku rajo wayn yihiin inay maxkamadaha ka dhaadhiciyaan inay Kismaayo u bad baadiyaan sida caasimadda oo kale. CCC Farayaamo AllPuntland
-
Historic speech by Abdullahi Yusuf in Afgooye!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Good job Shiekh.. Yusuf In Mogadishu, thats amazing.. -
Xoogsade, dear brother, I understand your pain, since those who you used to support have been thrashed out of the fertile south. This is a great day, the first Eid since the early 1990s. The people of lower Shabbele are free. I heard Barawe has been liberated. No more clan courts or IndaCade gang. A landmark moment. Camir, Yes its the first time President Yey has been in Afgoyee since 1977..Historic indeed.
-
Thousands welcome the PM + TFG takes over Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Pics of the troops being welcomed in North Mogadishu.. source -
Thousands welcome the PM + TFG takes over Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Thousands greet Somalia's PM in capital Somalia, Friday, Dec. 29, 2006. AP Photo/Mohamed Sheikh Nor MOGADISHU, Somalia (AP) - Somalia's prime minister entered the capital Friday, a day after an Islamic movement's fighters retreated ahead of his Ethiopian-backed troops, and was welcomed by thousands of cheering residents of the battle-scarred city. -
Thousands welcome the PM + TFG takes over Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somali PM enters Mogadishu, crowds line route MOGADISHU (Reuters) - Somalia's prime minister swept into Mogadishu in an armoured convoy on Friday a day after his Ethiopian-backed forces drove Islamist rivals from the city they had ruled by sharia law since June. Ali Mohamed Gedi's arrival in a 22-car convoy, including six pick-ups mounted with heavy weaponry, crowned a dramatic turnaround in the Horn of Africa country after an Ethiopian invasion by land and air to combat the Islamists. Crowds lined the streets of the bullet-scarred coastal capital as the Western-backed interim government's prime minister drove in smiling and waving. However, the welcome was not universal. In a northern part of the city, hundreds of protesters took to the streets and threw stones at Ethiopian army trucks. Gedi went to the international airport where Ethiopian tanks sat beside the runway, before heading to the sea port, where Somali government troops stood guard on streets outside. "We were fighting for our political survival but with the will and the support of the people we are the winners," Gedi told reporters. "We are here to start our work." Asked how long he would stay in Mogadishu, the man who nearly lost his job in a no-confidence vote just a few months ago said: "I will stay forever. This is the capital city." Gedi and President Abdullahi Yusuf may have a tough task to establish their authority given that the Islamist leaders remain in the southern city of Kismayu and are promising resistance. -
Thousands welcome the PM + TFG takes over Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalia's prime minister reaches capital, promises peace after 15 years of war Associated Press Writer Somali Prime Minister, Ali Mohamed Gedi, third left, and Deputy Prime Minister Hussein Aidid, right, with his delegate as he arrives in Mogadishu, Somalia, Friday, Dec 29, 2006. The prime minister promised thousands of cheering Somalis peace and stability after he drove through battle-scarred Mogadishu in an armed convoy, a day after an Islamic movement's fighters abandoned the capital ahead of his Ethiopian-backed troops "Today is the beginning of a new life, new stabilization and a new future for Somalia," Ali Mohamed Gedi said. (AP Photo) MOGADISHU, Somalia — Somalia's prime minister promised thousands of war-weary Somalis peace and stability Friday as he formally took control of the battle-scarred capital for the first time since his government was formed two years ago. Ali Mohamed Gedi drove through the streets of Mogadishu in a heavily armed convoy a day after Islamic fighters fled and his Ethiopian-backed troops seized the city. "Today is the beginning of a new life, new stabilization and a new future for Somalia," Gedi told cheering residents. As a sign of goodwill, President Abdullahi Yusuf and the Ethiopian government declared a 24-hour cease-fire to mark the Muslim holiday of Eid al-Adha on Saturday. -
Thousands welcome the PM + TFG takes over Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Thousands welcome the PM + TFG takes over Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho Dhanka kale Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa soo gaaray bartamaha magaalada Muqdisho waxeyna fadhiisimo ka samaysteen dekeda caalamiga ah iyo Airporka waxaana ciidamadan oo si isdaba joog ah ugu soo qulqulaya magaalada Muqdisho la sheegay inay tegi doonaan goobo baro kontroolo ah oo ay leedahay Dowladdii hore ee Soomaaliya. -
Thousands welcome the PM + TFG takes over Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Cali Maxamed Geeddi oo si aan kala har lahayn Muqdisho loogu soo dhaweeyay. Jimce, December 29, 2006 Muqdisho(AllPuntland)- Raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Dad aad u fara badan oo ruxayay caleemo qoyan ayaa buux dhaafiyay waddooyinka lagu soo dhawaynayay magaalada Muqdisho, halkaasi oo ammaankeedana aad loo adkeeyay. Cali Maxamed Geeddi iyo wafdiga la socdaa waxay u amba bexeen marka ay soo galeen Muqdisho garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, wuxuu kaloo booqday dekedda wayn ee magaalada Muqdisho. Waxaa socdaalka raysulwasaaruhu kusoo beegmay xilli magaaladaasi ay galeen ciidamadii xoogga dalka ee tabobarada kusoo qaatay magaalada Muqdisho. Ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya ayaa iminka kusugan xeradii Ameerikaanka ee magaalada Muqdisho,waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay ciidankaasi gudo galaan hawsha ammaan sugidda. Madaxwaynaha Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa in asaguna uu tago magaalada Muqdisho, walow xilliga rasmiga ah ee uu tagayo Muqdisho aan wali la sheegin. CCC Farayaamo AllPuntland -
Thousands welcome the PM + TFG takes over Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Thousands welcome the PM + TFG takes over Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Thousands welcome the PM + TFG takes over Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Thousands welcome the PM + TFG takes over Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Oh I heard Yusuf garad's attemot at damage limitations.. But the people welcomed the TFG troops and leaders to the capital.. Here are more pics. -
Red Sea, Captain Xalane and the Shiekh. Eid Mubarak to you my brothers.
-
Thousands welcome the PM + TFG takes over Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho oo maanta xasiloon ka dib markii dawlada KMG ah gacanta ku dhigtay goobaha ugu muhiimsan magaalada(Daawo Sawiro) Posted to the MOL December 29, 2006, 6:49 am Muqdisho:- Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dawlada haatan ay magaalada ka joogaan goobo muhiim ah. ciidamada ayaa la soo sheegayaa inay magaalada ka soo galeen laba dhinac ee waqooyi iyo koonfur. Dhinaca Koonfur ayaa ciidamadu hadda la wareegeen dekada iyo Garoonka caalamiga ah ee Muqdisho Waxayna dhinaca koonfureed hadda soo dhaafeen KM4. Dhinaca waqooyi ayaa markii hore ciidamadu la wareegeen degmada huriwaa iyagoo hadda ku soo siqaya gudaha magaalada. Wafti iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Somaliya oo uu hogaaminayo wasiir K/xigeenka G/dhigga dowladda Somaliya Salaad Cali Jeele(Sawirka dhexe) ayaa qudbad uu ka jeediaya gudaha dekedda Muqdisho wuxuu ku sheegay inay dekedda ay furan tahay hawlaheeduna aysan joogsan doonin, waxaa kaloo la ogolaaday inay garoonka diyaaradaha ka soo degaan diyaardaha kaalmada u sida dadka Muqdisho. R'iisal Geedi, Xuseen Caydiid iyo taliyaha poliiska Somaliyeed oo Agyooye lagu soo dhaweynayo. Maanta ayaan Muqdisho lagu arkin maleeshiyooyinkii hubaysnaa ee shalay xaafadaha qaarkood ka gaystay bililiqada. Wararka ayaa intaas ku daraya in magaalada muqdisho lagu soo rogi doono bandow si loo sugo amniga dadka iyo hantidaba. Ciidamada Dawlada oo aad u nidaamsan kana muuqato tababar sare ayaa dadka reer Muqdisho waxay u soo dhaweeyeen si aad u saraysa iyadoo dadku safteen dhinacyada jidadka iyagoo ruxuya calanka Somaliya iyo caleemo qoyan. Dhinaca kale Ra'iisal wasaare Geedi ayaa maanta dhinaca dhulka ku tagay degmada Balcad halkaas oo uu kula balansan yahay odayaasha deegaanka iyagoo ka arinsanaya sidii ay Somaliya ugu dambeyn nabad loogu soo dabaali lahaa iyadoo fursada dawlada maaanta heshay tahay mid qaali ah oo dadka Somaliyeed sugayeen 16 sanno. Maleshiyaddii Maxaakiimta ayaa hadda isku urursaday magaalada Kismaayo halkas oo la sheegay inay balan ku qaadeen inay ka sii wadaan dagaaladoodii. Wararka ayaa intaas ku daraya in Sh. Shariif iyo Sh. Aweys labaduba iminka ku sugan yihiin magaalada Kismaayo iyagoo diiday inay joojiyaan dagaalka kuna gacan sayray balanqaadkii dawlada ee ahaa hadday isdhiibaan in cafis loo fidin doono. Ciidamada Dawlada KMG ah oo ku dhex jira maxkamaddii sare ee Somaliya, Muqdisho. Source: Reuters Mudugonline.com -
Thousands welcome the PM + TFG takes over Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics