
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Somaliland will be Attanding the London Conference
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Lol. They will be attending the Somalia conference to be held in London. -
Duufaan;785352 wrote: General this is typical of you, if you do not known anything about this issue, get informed. this is fact, Rangers is not going to drill th e Nugaal Valley with faroole contract.Yes Daroor valley Duufaan, it's laughable that you actually want to make yourself believe such a think. The drilling program is for Shabelle 1 & Shabelle North in Dharoor. Then Libaax 1 & Libaax 2 in Nugaal. Thats the program the rig was brought for.
-
Congratulations You Lost. A Dr_Osman Response To Bilan.A.Aden
General Duke replied to Dr_Osman's topic in Politics
Osman, some valid points there. -
Dufaan adeer, lets stick to facts and not what you want to believe. The Range project right now is to explore the potential of the Dharoor sites, which will be two drilled and the Nugaal, Garowe site which will be two. This is the area that we are discussing, that is being dealt with. Thus your comment before about the agreement being void due is baseless. You can inject what ever you want but we are dealing here with cold facts. The Raange, Africa Oil deal is these two areas. And these areas are not in dispute.
-
List Of The Delegates From Somaliland For The London Meeting
General Duke replied to Duufaan's topic in Politics
^^^^Again you are all over the place lad. -
List Of The Delegates From Somaliland For The London Meeting
General Duke replied to Duufaan's topic in Politics
Freedom;785239 wrote: Here say remorse Somali news is not advanced like here in the west. Remorse spread like crazy unless I here from it from the source or a western news outlet I don't believe it. So the rumors are that your Siilanyu is going then? -
General Duke;785213 wrote: Waxyaabaha Taariikhdu qori doonto waxa ka mid ah: 1. Siilaanyo waxa uu taariikhda ugu suntanaandoona inuu Somaliland gacantiisa ku burburiyey oo ummad dhan masiirkoodii afka ciidda u geliyey taas oo uu masuul ka noqon doono. 2. Reer Somaliland 1960gii waxay dhiibeen waddankoodii waxaana loo bixiyey *******. Maanta maxaa loo bixin doonaa? 3. Somaliya waxa ay ka gaashaamandoontaa inaanay Somaliland mar saddexaad u kicin raggii 1961kii ka dhiidhiyey dulmigii dawladdii 1960kii iyo 1982kii dawladdiiSiyaad Barre ee SNM. 4. Inaan qof dambe oo ka soo jeeda Somaliland in qof kale oo isna ka soo jeeda Somaliland ka aqballi doonin waa nayla dulmiyey ama xukuumad Somaliya ah baa wax i yeeshay. Doodo iyo su'aalo badan baa iman doona waqtigeeda ayaan eegi doonaa haddii ilaahay ka dhigo. Poor secessionists, they have to eat their own droppings.
-
Duufaan;785205 wrote: t With Khaatumo state in the rangers contract is invalid any way. Not sure what you are on about lad. The exploration is taking place in Dharoor near Ufain, and the next its off to Nugaal region and East of Garowe. No other area is being worked on at this point, thus not sure what your line meant?
-
List Of The Delegates From Somaliland For The London Meeting
General Duke replied to Duufaan's topic in Politics
^^^^So what are all the secessionist news outlets reporting right now? -
I hope our secessionist brothers see the light and get on the right path. We have wasted 20 years and now its time to unite and rebuild our Somalia. So far we have had a few good months. The Garowe Conference, Mogadishu united under the TFG, the Oil exploration and now the secessionists seeing the error of their ways. Things can only get better..
-
Maxaa talo ah ama soo jeedin Waxa xaqiiq ah in aan Somaliland waxba ka soo gaadhayn haddii aanay shirka London ka qayb gelin waayo Somaliland cid waliba waa ogtahay xaalkeeda. Xukuumadda Somaliland waxay ku timi doorasho sidaa darteed waa inay tixgelisaa rabbitaanka shacabka UKna sidaa ha u sheegto waayo xukuumada UKba waxa ay ku timi codka shacabka sidaa darteed waa la tixgelinayaa haddii Siilaanyo arrinta sidaa u dhigo. Teeda kale dawladda UK waxay u shaqaynaysaa danta dadkeeda iyo dalkeeda sidaa darteed cid kale waxba kama gelin wixii talo ahna waa qaadanaysaa laakiin Somaliland masuul kama ah maantana lama joogo markii Somaliland ahayd UK colony. Somaliland adduunku waa u baahan yahay siiba arrimaha ammaanka ee geeska Africa markaa halkeeda ayaa loogu iman oo waxba ka xumaan maayaan ee Somaliland waa inay ku adkaysataa mowqifkeeda. Shalayna waxan doonayaa ictiraaf maantana shirkii Somalida ayaan ka qaybgelayaa berrina waxan odhanayaa Somaliland baan ahay macquul maaha. Shirka London tegistiisu waa ka noqosho goonni isutaaggii Somaliland weeye macneheedu? Yaan dadka been lagu maaweelin ninkii rag ahi waa garanayaa ninkii kalena loo sheegi maayo. Somaliland ha ku qanciso UK in ay habboon tahay in marka hore Somaliya la nabadeeyo markaa ka dib wixii garnaqsi ah waa la geli karnaa Somaliya si loo kala baxo. Shacabka iyo waxgaradka waxa laga rabaa inay xukuumada ku taageeraan sidii shirka London looga baaqan lahaa. Sidaan hore u soo sheegnay haddii Siilaanyo doonaayo inuu tago London waa nin meeli u caddahay meeli ka madow sidaa darteedna wixii laga yeelaayo shacabk reer Somaliland bay u taal waayo Siilaanyo awalba kursiga uun buu rabay waana madaxweyne one term ah cidna isagu u joojin maayo waayo waa ninka intuu aamusay oo aanu meelna tegin dadkii mar qudha ku yidhi cidina inna aqoonsan mayso. Siilaanyo awalba waa la ogaa inuu Somaliweyn doonaayo ballanna waa qaaday in marka la doorto uu Somaliland Somaliya ku soo celin doona waana maanta. Siilaanyo ayaa laga hayaa 2003 mar uu BBCda ka hadlaayey hadday nagu qaadanayso 80 sannadood waxan ku jiraynaa aqoonsi la'aan mar Cawke weydiiyey waqtigii doorashada wuxu yidhi taariikh fiican baan reer Somaliland uga tegayaa "waarrimayside war ha kaa hadho"????. Haddalaas iyo qaar kaleba waxay ahaayeen waxyaabihii Siilaanyo kursiga ku soo fuulay dadkana ku hoday inta aan aqoon. Prof Warfaa oo ah aqoonyahan reer Awdal oo ku nool USA yaa la weydiiyey Siilaanyo waqtigii ololaha doorashada, wuxu yidhi Siilaanyo Somaliland cidla ayuu kaga carayaa, wax la yidhi waayo, wuxu Warfaa sheegay Siilaanyo waa ninkii markii SNM dalka soo gashay London u caray lamana arag nin dhan oo madax u ah urur dagaal ku jira inuu ka cararo dadkiisa iyo dalkiisa oo dagaal ku jira???. Qaran news Hargeysa
-
Waxyaabaha Taariikhdu qori doonto waxa ka mid ah: 1. Siilaanyo waxa uu taariikhda ugu suntanaandoona inuu Somaliland gacantiisa ku burburiyey oo ummad dhan masiirkoodii afka ciidda u geliyey taas oo uu masuul ka noqon doono. 2. Reer Somaliland 1960gii waxay dhiibeen waddankoodii waxaana loo bixiyey *******. Maanta maxaa loo bixin doonaa? 3. Somaliya waxa ay ka gaashaamandoontaa inaanay Somaliland mar saddexaad u kicin raggii 1961kii ka dhiidhiyey dulmigii dawladdii 1960kii iyo 1982kii dawladdiiSiyaad Barre ee SNM. 4. Inaan qof dambe oo ka soo jeeda Somaliland in qof kale oo isna ka soo jeeda Somaliland ka aqballi doonin waa nayla dulmiyey ama xukuumad Somaliya ah baa wax i yeeshay. Doodo iyo su'aalo badan baa iman doona waqtigeeda ayaan eegi doonaa haddii ilaahay ka dhigo.
-
Shirka London Saamaynta uu ku yeelan doono Somaliland waxa ka mid ah: 1. Waxa ka dhici kara Somaliland kacdoon shacab oo xukuumada Siilaanyo lagaga soo horjeedo. 2. Dhibaatada ka jirta Soomaliya oo loo soo wareejin doono Somaliland taas oo sababi doonta ammaan darro iyo deganaan la'aan. 3. Kala dambaynta iyo nidaamka dawliga ah oo meesha ka bixi doona taas oo dadku ku andacoon doonaan mar haddii uu meesha ka baxay wixii lagu heshiiyey inaan cidina cid xukumin. 4. dadka oo kooxo ama beelo u qaybsami doona oo beel waliba aayahooda ka tashan doonaan oo aan cidina cid u joojin oo kii Xamar tegaaya iyo kii kaleba la is dhex yaaci doono oo la is garab yaaci doono. 5. Dadka oo kala aammin bixi doona oo aanu jiri doonin wax dambe oo laga wada tashada ama lagu heshiiyaa. 6. Waxa suurtagal ah in la isku qabsado degaannada iyo khayraadka dhulka taas oo sababi doonta dagaal sokeeye iyo kala aarsi.
-
Cidda ku khasaaraysa shirka London iyo samaynta Soomaliweyn ama Loserska ah waxa ka mid ah: 1. Cid kasta oo aaminsan qaddiyadda goonni isu taaga Somaliland. 2. Dadkii naftooda iyo maalkooda u huray xorayntii Somaliland sida mujaahidiintii SNM. 3. Dadkii dadkooda lagu xasuuqay ama lagu dilay dagaaladii xorraynta Somaliland iyo dagaalkii Sokeeye ee ka dhacay Somaliland dhexdeeda. 4. Dadkii doonaayey in sharciga la horkeeno dadkii dadkooda dilay ama xasuuqay sida Cali Samatar, Moorgan IWM. 5. Dadkii dhashay ilaa qaxii ama 1980skii oo aan Somaliland mooyee aqoon Somaliya oo intaa beenta loogu sheegayey reer Somaliland baad tihiin kuwaas oo ah maanta dadka ugu badan Somaliland.
-
Midaynta Somaliya yaa dani ugu jirtaa ama ah Winners, waxaa ka mid ah: 1. Koonfurta Somaliya, Puntland, Khaatumo State iyo Awdal State. 2. Kooxihii reer Somaliland ee Somaliweyn u ololayn jiray sida Cismaan Jaamac, Sifir, Jaamac Yare, Cabdalle Xaaji, Cali Khaliif IWM. 3 Ururka Al-shabaab oo qaddiyadda Somaliland aad uga soo horjeeday. 4. Kooxaha kale ee aad ugu ololeeya Somaliliweynta sida ilma Samatar iyo kuwa kale oo badan. 5. Hadhaagii xukuumaddii Siyaad Barre sida Gen. Moorgan iyo Cali Samatar. 6. Cid kasta oo ka soo horjeedda qaddiyada Somaliland. 7.Ciidamadii xukuumaddii Siyaad Barre ee SNM xoogga kaga adkaatay.
-
Qodobada uu Siilaanyo shirka London la tegaayo waxaa ka mid ah: 1. In habka federaalka ah lagu koobo Somaliland iyo Somaliya ama labadii 1960kii midoobey isagoo ku doodaya habkii Cabdiraxmaan Tuur ku taliyey markuu uu koonfurta Somaliya tegay. 2. In la bedelo nidaamka awood qaybsiga ee 4.5ka kaas uu Siilaanyo ku doodaayo looma dhammayn ama qaar baa naga joogey shirkii Carta oo saxeexay ee imminka ha la kordhiyo (isaga oo ka cararaya *** woqooyi baa tihiin wixiinniina hore ayaa u qaadateen). 3. In dhaqaale badan la siiyo si uu ugu dejiyo shacabka Somaliland ee ka biyo diidsan shirka London. 4. In Siilaanyo oo keliya arrimaha Somaliland wax laga weydiiyo ilaa iyo inta la soo dhisaayo xukuumada dhexe ee Somaliya. 5. In aan la bilaabin wax dembiyo dagaal ah oo lagu qaadayo dadkii Somaliya xasuuqa ka geystay waayo isaga ayaa ahaa hoggaamiyey urur dagaallama.
-
Habka Siilaanyo ugu guulaystay inuu shirka London ku tago waxa ka mid ah: 1. Siilaanyo ayaa ka aamusay oo aan mar qudha ka hadal arrinta shirka isagoo hoos ka bilaabay olole uu dadka kaga dhaadhicinaayo in shirka la tago. 2. Siilaanyo ayaa si uu boodhka isagu qariyo dadka ku soo dhex tuuray in shirka lagu tago talo qaran si ay taasi ugu suurto gasho soo xushay cid isaga taageersan sida aan hore u soo sheegnay, golayaasha iyo xisbiyadii hore. 3. Siilaanyo ayaa sabab uga dhigay oo u sheegay dadka in haddii aan tegi weyno in la odhan doono ***** qudha ayaa diiday oo waa la inna go'doominayaa taas oo aan jirrin laakiin ay dad liitaa run u qaateen. 4.Siilaanyo ayaa bilaabay shir doceedyo oo uu beelaha hoos ula yeeshay oo ka soo xushay odayaal iyo salaadiin isaga arrintaas ku taageersan gacantana u buuxiyey. 5.Siilaanyo ayaa suuqa ku soo daayey guulwadayaal badan oo meelahaa wax ku qora oo ku muusanaaba shirka ha la tago. 6. Siilaanyo ayaa saxaafaddii digniin siiyey inaanay arrintaas wad wadin dadkana wax fahan siin qaarna xadhig gudaha ku dhigay qaarna dhaqaale ku iibsaday taas oo meesha ka saartay wax qaddiyaddii Somaliland ka hadla. 7.Siilaanyo ilaa maalintii u dalka taladiisa la wareegay wuxuu diyaargarow ugu jiray siduu uu shir Somaliweyn ah u tegi lahaa waxaana kaaga markhaati ah sida uu u burburiyey Somaliland ee aan kor ku soo sheegnay.
-
Habkii Siilaanyo u bilaabay inuu u burburiyo Somaliland waxa ka mid ahaa: 1. Siilaanyo markii la doortay wuxu ka reebay xukuumaddiisa dadkii nafta lahaa ee xisbiga Kulmiye iyo mujaahidiintii SNM ka mid ahaa. 2. Siilaanyo wuxuu sameeyey xukuumad ururis ah oo aan isku mabda'ahayn oo aan lahayn wax khibrad ah kana kooban wasiirro ah guulwadayaal iyo Mr Yes. 3. Siilaanyo wuxu dib u soo nooleeyey qabyaaladdii iyo dadkii oo beelo noqday waxana meesha ka baxay maamulkii dawligi ahaa. 4. Siilaanyo iyo xukuumaddiisa oo bilaabay inay u dhaqmaan hab dhaqankii Siyaad Barre oo boob, musuqmaasuq, eex, sedbursi, xadhig, cabudhis iyo qaybi oo xukun ku saleeyey maamulkiisa. 5. Siilaanyo iyo xukuumaddiisa oo fogeeyey beelaha darafyada oo uu ka dhigay siyaasiintooda qaar aan waxba la weydiin sida madaxweyne ku xigeenka Saylici oo dhowaan loo garqaaday iyo Xaabsade oo aan laga talagelin arrinta Buuhoodle, Sool iyo Taleex. 6. Siilaanyo oo colaad ka bilaabay dalka sida dagaalkii Kalshaale, Buuhoodle iyo Siilaanyo oo aan waxba ka qaban dilkii Ceelberdaale iyo Seemaal oo weli taagan. 7. Siilaanyo oo meesha ka saaray goleyaalkii qaranka ka dib markii Gurtidii iska baaba'day oo Saleebaanna iskaga tegay cidna lagu bedelin iyo wakiiladii oo uu hore Siilaanyo gacanta ugu dhigay. 8. Siilaanyo ayaa oodda ka qaaday in dalka xisbiyo la wada furto si uu iyaga isugo mashquuliyo oo aan loo mucaaraddin. 9. Siilaanyo ayaa hawada ka saaray Udub iyo Ucid oo ku soo dhextuuray dad isaga u adeegaya una kala qaybiyey garabyo iska soo horjeeda taas oo meesha ka saartay mucaarad tayo leh oo dalka u hadla ama la qeemeeyo. 10. Siilaanyo ayaa dadkii ka soo horjeeday qaddiyadda Somaliland oo dhan dalka ka soo buuxiyey sida Cismaan Jaamac, Sifir, Jaamac Yare, Cabdalla Xaaji iyo qaar kale oo badan. 11. Siilaanyo ayaa u diray wasiirkiisa arrimaha debeddu inuu si toos ah u tago shirarka Somalida sida kii London. 12. Siilaanyo ayaa faraha ka qaaday arrintii aqoonsi raadiska Somaliland oo aan cidna waxba weydiin sidii dhowaan wasiir ka mid ah UK uu u sheegay inaan muddo sannad ah xukuumadda Somaliland weydiin wax ku saabsan ictiraaf. 13. Siilaanyo ayaa meesha ka saaray xidhiidhkii u dhexeeyey Somaliland iyo dalka Ethiopia isla markaana xidhiidho la yeeshay dawladaha ka soo horjeeda Somaliland sida Jabuuti iyo Masar. 14. Siilaanyo ayaa dheerrigeliyey in Somaliland ay ka dhex samaysmaan maamul goboleedyo sida Khaatumo iyo Awdal State. 15. Siilaanyo ayaa suuqa soo geliyey inaan Somaliland cidina aqoonsannayn si cadna uga sheegay fadhigii uu dhowaan la yeeshay labada gole oo yidhi shir walba waan tegayaa.