
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
UNPOS moving to Mogadishu from Nairobi shocks the Secessionist, why?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^^lool. You have not answered the question lad. Try again.. -
UNPOS moving to Mogadishu from Nairobi shocks the Secessionist, why?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
http://www.tvsomalilandeurope.net/?page=newsReadDetails&Detail=4913 -
Madaxweyne; Maantana Maxaad Odhan? Muqdisho(Tvsle)-Waxa shalay 17 sannadood ka dib magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu guuray xafiiska Qaramada Midoobay ee siyaasadda ee qaabilsan Somaliland iyo Somaliya. Xafiiskaas oo uu madax ka yahay Danjire Augustine Mahiga, ayaa waxa Muqdisho ku soo daabulay laba diyaaradood, waxaana si diiran u soo dhaweeyay oo xafladii furitaanka xafiiskiisa ka qayb galay dawladda Sheekh Shariif oo si weyn ugu sacabo tunay go’aanka uu Muqdisho ku degay, waxaanu khudbad uu Mr. Mahiga jeediyay ku sheegay sida uu ugu faraxsanyahay inuu xafiiskii siyaasadda ee Qaramada Midoobay u raro Muqdisho oo ah caasimadda dalka Somaliya. Go’aanka uu danjire Mahiga xafiiskii siyaasadda ee qaramada Midoobay ugu raray Muqdisho ayaa wuxuu ka dambeeyay socdaal uu dhawaan halkaas ku tagay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon. Laakiin guuritaanka xafiiskiisani waxa uu saamayn ku yeelanayaa siyaasadda Qaramada Midoobay ee Somaliland. Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee loo yaqaan UNPOS oo hore u degenaa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa inkastoo aanu marka horeba wax nasteex ah u hayn Somaliland, haddana waxa ay dad badani u arkayeen in ugu yaraan uu degenaanshihiisa Kenya muujinayay inuu dhexdhexaad ka yahay arrimaha Somalida, laakiin go’aankiisan haddu wuxuu muujinayaa inuu si rasmi ah u gudo galay hawshii uu u xilsaarnaa ee Somaliya, waxaana cad in xafiisyada Qaramada Midoobay ee siyaasadda iyo mucaawinada hadda wixii ka dambeeya laga maamuli doono magaalada Muqdisho, taas oo uu macnaheedu yahay inay Qaramada Midoobay go’aamisay in Hargeysa laga maamulo Muqdisho. Waxase aan la garanayn go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadan doonto Danjire Mahiga iyo guud ahaan hay’adaha Qaramada Midoobay, waxase la ogyahay in xidhiidhka Somaliland iyo xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay uu isbedel weyni ku yimid tan iyo intii uu Madaxweyne Siilaanyo uu xilka qabtay, mana jirin xidhiidh wanaagsan oo ka dhaxayn jiray xukuumadihii hore iyo Qaramada Midoobay. Waxa kale oo la ogyahay sidii adkayd ee uu Madaxweyne Siilaanyo dhawr bilood ka hor u difaacay Danjire Augustine Mahiga oo ay xisbiyada mucaaradka iyo bulshada Somaliland ku eedeeyeen inuu dabada ka riixayay kooxda Awdal State. Si kastaba ha ahaate waxa ay dad badani sugayaan waxa ay maantana Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu kaga jawaabaan go’aanka ay Qaramada Midoobay qaadatay oo ay dad badani aaminsanyihiin inuu hoos u dhigayo meeqaamkii Somaliland. Ma sidii caadada u ahayd ayay xukuumadu difaaci doontaa Mr. Mahiga iyo siyaasadihiisa halista ah ee qunyar socodka ah mise waxay ka qaadan doonaan go’aan cad.
-
Hargaysa( Tvsle ) Cali Maxamed Warancade aayaa meel adag iska taagay in Somaliland wakhtigan ay ka qayb gasho shirka dalka Ingiriisku uu u qabanaayo Somalida. Sidoo kale waxa uu Warancade ku tilmaamay siyaasada raimaha dibada ee dawladan uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo mid ka leexatay wadadii ay hayeen oo uu ku tilmaamay inay ahayd mid lagu ixtiraami jiray gooni isku taaga Somaliland. Cali Maxamed Warancade wax uu sidan ku sheegay waraysi Khaasa oo uu siiyay b wargayska Geeska Afrika, sida oo kale waxa uu waraysigan kaga hadlay khilaafkii xisbigooda labada garab u kala jabiyay goorta xal laga gaadhaayo iyo arimo kale oo ay kamid yihiin xafiiska Qaramada midoobay ee laga furay magaalda Muqdisho. Waxaanu waraysigaasu u dhacay sidan: Cali Maxamed Warancade waxaad ka mid tahay siyaasiyiinta reer Somaliland wakhti badana maamulka dalka waad ku soo dhex jirtay, waxa jira shir baryahan aad loo hadal hayay oo dalka Ingiriisku uu u qabanaayo Somaliya, shirkaas oo Somaliland-na lagu soo casuumay adigu sideebaad u aragtaa shirkaas? Runtii anigu waxaan u arkaa shirkaasi inuu yahay shir khatar ku ah Somaliland, Himiladii labaatanka sano iyo intii ka horaysayba aynu u soo dagaalanayna uu ka hor imanaayo, runtii imika inooma cusba in laynoo yeedho oo shirarka Somaliya laynooga yeedho mudadaas labaatanka sano ahaydba waa laynoo yeedhayay, hasa yeeshee inagoo intan ka itaal daran, oo ka dhib badan, oo ka dawlad yar, oo ka dhaqaale xun ayaa laynoo yeedhayay markaa marnaba hadafkeena kamynaan leexan mudadaas labaatanka sano ah. http://www.tvsomalilandeurope.net/?page=newsReadDetails&Detail=4912
-
Mooshin ka Dhan ah Xukuumadda Somaliland oo Sabtida la Horkeenayo Golaha Wakiillada Last Modified: Fri 27th Jan,2012 Hargeysa (Jam)- Mooshin ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo ay saxeexeen in ka badan 30 xildhibaan, ayaa la filayaa in la horkeeno fadhiga Sabtida berri ee Golaha Wakiillada Somaliland. Sidaa waxa shaaca ka qaaday xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka mid ah mudanayaasha mooshinkaas soo diyaariyey oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay xarunta Baarlamanka, waxaannu nuxurka mooshinkaas ku tilmaamay inuu yahay mid Golaha Wakiilladu kula xisaabtamayo xukuumadda talada haysa, isla markaana lagaga doodi xaaladaha siyaasadeed iyo nabadgelyo ee waqtigan dalku marayo. “Arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo hoggaamintiisa waxa shacabka uga wakiil ah Golaha Wakiillada inay la socdaan kolba halkay wax marayaan iyo ilaalintooda. Waxaynu galnay marxalad cusub oo runtii khatarteeda leh. Haddii aan dadka loo sheegin ama aan go’aan laga soo saarin, sidaa awgeed waxaannu keenay mooshin oo aannu golaha hordhigi doono Sabtida oo uu noqdo qodobka kowaad ee ajandaha oo ay ku jiraan xeerar iyo wayxaabo, laakiin mid ka muhiimsan ayaa yimi, waxaanuna go’aamo ka soo saari doonaa arrimaha sida shirka London iyo arrimaha bariga dalka.” Xildhibaan Bashiir waxa uu sheegay in mooshinkan ay doonayaan inay xaaladda dalku ku qiimeeyaan uu yahay mid loo heellan yahay golahooda dhexdiisa iyo dhinaca dadweynahaba. Sidaa daraadeed, waxa uu rajo ka muujiyey meelmarintiisa. “Mooshinkan aad baa loogu wada heellan yahay, waayo dadweynihii baanu arkaynaa oo dareenkoodii nagu soo jeedo in wixii dareenkoodaa ka turjumaya annaguna aannu ka warbixinno weeye. Waxa mooshinkan saxeexay ilaa sodomeeyo mudane, rag kale oo maqanna way jiraan oo inay ka bataan waa laga yaabaa inta aanaan gudbin,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Md. Bashiir Tukaale.
-
Muxuu La Calaacalayaa Faysal Waraabe? (Cod) Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah siyaasiyiinta gobolada Waqooyi galbeed Soomaaliya ee gooni goosad doonka ah isla marklaana ah shaqsiga ugu cunsurisan maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa todobaadkan bixiyay waraysi noocisa aan horay looga baran. Mr Waraabe ayaa shaaca ka qaaday in riyadii 20 sano ahayd ay soo afjaran tahay isla markaana ay geeriyootay iyadoo labaatan jir ah. Waraabe waxaa hadalkiisa ka muuqata nin garan la meel uu u dhaqaaqo oo ay ka luntay jihadii isla markaana waxa alaga dareemayaa niyad jab aad u weyn. Faysal Cali Waraabe oo laga hayo kalimada ahayd ” wiilka Adds abab ku dhashay ayaa iga xiga kan Xamar ku dhashay” hadalkaas oo uu dhawr sano ka hor yidhi ayaa uu hada dib uga goocnayaa. Waraabe wuxuu waraysigan ku sheegay in ay dambaabeen oo dadkooda ay dambi ka galeen kuna go’doomiyeen meel cidla ah hadana gaadhiigii uu hashkadeeyay oo ay garan la yihiin meel ay u dhaqaaqaan. Wuxuu faysal qirayaa in ay maanta meel cidla ah yaaliin oo siyaasadii Soomalaida looga dheereeyay isagoo sheegay in Puntland maanta hogaaminayso siyaasada Soomaalida oo shirar calami ah lagu qabanayo Garowe. Wuxuu xusay in dastuurka Soomaaliya loo qoray ee qabyada ah aan meel lagaga xusin riyadoodii isagoo intaa raaciyay in beesha caalamku mar qudha xiriirkii u jartay oo daaqadaha laga xidhay.
-
Bargaal: Assassins murder an MP cause the opposite effect
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The confused secessionist. The MP who was killed was a native of the region. How can it be against anyone? This action has united our people, our elders and our State. -
Dowladda oo ka tacsiyeysay Dilka Agaasimihii Idaacadda Shabelle (WAR SAXAAFADEED) Posted by pi G1 on January 28th, 2012 Inaa Lilaahi wa inaa Ilheyhi Raajicuun (Mogadishu, Janaayo 28, 2011) Dowladda Federaalka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya waxay canbaareyneysaa falki foosha xumaa ee caawa dilka loogu geystay Allaha u naxariistee Xasan Cusmaan Cabdi oo ahaa Agaasimaha Radio Shabelle ee Mogaalada Muqdisho oo ay koox dhagar qabayal ah si gaadmo ah ugu toogteen meel aan ka fogeyn hooygiisa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa ku tilmaamay dilka marxuumka arin naxdin leh aadna looga xumaado, asigoo xaqiijiyay in hey’adaha amniga baaritaan deg deg ah ku sameyn doonaan fal danbiyeedkaan. Wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyski iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xasan Cusmaan Cabdi, wuxuuna ilaahey uga baryay inuu janadii fardowsa ka waraabiyo. Waxaa xusid mudan in saxafiyiinta Soomaaliya ay ku shaqeeyaan duruufo khatar badan, iyagoo mar kasta ay beegsadaan kooxaha xag jirka ah ee doonaya in ay hakiyaan tebinta gabood falka ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed iyo saxaafada xorta ah. Samir & iimaan rabi haka siiyo qaraabadi, ehelki iyo asxaabti uu ka baxay Xasan Cusman Cabdi. Aamiin Aamin, Aamin DHAMMAAD
-
Bargaal: Assassins murder an MP cause the opposite effect
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wasiirka Amniga Puntland “Ciddii Xildhibaan Bile dishey tallaabo adag ayaa laga qaadayaa” Updated:- 4 hours ago| 2 Commnets Waxaa maanta xarunta maamulka gobolka Bari ee magaalada Boosaaso kulan ku yeeshay mas’uuliyiinta ugu sareysa laamaha ammaanka ee Puntland iyo maamulka gobolka Bari. Mas’uuliyiintaas oo ay kamid ahaayeen wasiirka wasaarada amniga, hub ka-dhigista, iyo dhaqan celinta ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax, gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan, taliye ku-xigeenka guud ee ciidamada Booliska Puntalnd Muxiyadiin Axmed Muuse, iyo taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari Cismaan Xasan Cawke (Af-dalow). Kulankaas oo ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa markii uu soo gaba gaboobey kadib Saxaafadda shir u qabtay wasiirka wasaarada amniga, hub ka-dhigista, iyo dhaqan celinta ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan. Wuxuuna sheegay in dowlada Puntland ay ka go’an tahay inay qaado tallaabo walba si gacanta loogu soo dhigo cidii ka danbeysey dilka xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo xalay kooxo dabley ahi ay ku dileen kantaroolka degmada Baargaal ee gobolka Bari. Mudane Khaliif wuxuu sheegay in dowladu ay adeegsan doonto cudud mileteri oo xoogan si ay ammaanka deegaanadaas u xaqiijiso, wuxuuna mar uu ka jawaabayey su’aal la weydiyey oo ahayd sida ay ka yeelayaan baaq ay isimada iyo waxgaradka deegaanadaasi maanta soo saareen oo ah in dowladu xal ka gaarida arintaas ay iyaga u deyso uu sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka Isimada ayna qaadanayaan talo walba oo dhankooda uga timaada. ” Waa talo fiican hadii ay isimadu dadka dejiyeen, ma rabno anagu in meesha fidmo ka dhalato, dad walaala ah oo ehel isu ah ayaa meesha wada degen, laakiin in lasoo qabto baa muhiim ah nimankii falkaas geystey wado kasta haloo maree “ wasiirka amniga Puntland ayaa yiri. Khaliif Ciise Mudan ayaa ugu danbeyntii sheegay in xildhibaanka geeriyoodey uu deegaankaas safar shaqo ugu baxay isagoo u tegey sidii uu waxgaradka iyo guud ahaan bulshada degmada Baargaal ugala arinsan lahaa dhismaha gole deegaan oo cusub kaasoo maamulka gobolku uu dhowaan iclaamiyey in loo sameyn doono degmada Baargaal oo in mudo ah aan wax maamul degmo ah lahayn. Wasiirku wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in xildhibaanku uu hordhac u ahaa wufuud kale oo Puntland ka tirsan oo iyagu isu diyaarinayey sidii ay Baargaal ugu bixi lahaayeen haseyeeshee ay jidka u galeen dabley uu soo diray nin uu sheegay inuu Burcad-badeed yahay oo lagu magacaabo Xareed Ciise Cumar. Si kastaba ha ahaatee shirka jaraa’id ee uu wasiirka amniga Puntland maanta qabtay ayaa daba socdey kulan ay isaga iyo mas’uuliyiin kale oo maamulka gobolka, golaha wasiirada, iyo laamaha kale ee ammaanka ka tirsani magaalada Boosaaso ku yeesheen. Waxaana geerida xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf si aad ah u canbaareeyey goleyaasha dowlada, isimada, waxgaradka, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland. Maxamed Salaad Horseed Media Boosaaso -
Bargaal: Assassins murder an MP cause the opposite effect
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Isimada iyo waxgaradka Cal-bari oo canbaareeyey dilkii -AHN- xilbaan Bile Maxamuud [sawiro] Updated:- 7 hours ago| 0 Commnets Isimada iyo waxgaradka deegaanada Cal-bari oo maanta kulan yeeshay ayaa si aad ah u canbaareeyey dilkii -AHN- xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo xalay lagu diley kantaroolka degmada Baargaal ee gobolka Bari. Shir jaraa’id oo ay maanta Hotel Rooble ee magaalada Boosaaso ku qabteen Isimka guud ee beelaha Cal-bari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo qaar kamid ah waxgaradka deegaanadaas ayey kasoo saareen qodobo dhowr ah oo ku aadan dilka xildhibaanka. Beeldaaje Ismaaciil oo Saxaafadda shir u qabtay ayaa sheegay in dhacadada xalay degmada Baargaal ka dhacday ay ahayd mid xad gudub ah islamarkaana ay cidii falkaas geysatey si aad ah u canbaareynayaan. Beeldaajuhu wuu sheegay in arintani ay tahay mid khatarteeda leh sidaas darteedna loo baahan yahay in sida ugu dhakhsaha badan loo xakameeyo, isagoo ugu baaqay waxgaradka kale ee deeganada wax ka dheceen ku sugan inay arintan xil weyn iska saaraan. Isimka beelaha Cal-bari Beeldaaye Ismaaciil Beedaaje Yaasin waxa uu gaba gabadii tacsi u diray eheladii iyo asxaabtii uu ifka kaga tegey -AHN- Bile Maxamuud Yuusuf oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka ee Puntland. Faarax Fuq-yare oo isna kamid ah waxgarada deegaanada Cal-bari ayaa ka hadlay sida ay muhiim u tahay in nabadda iyo xasiloonida looga shaqeeyo, Fuq-yare waxa kale oo uu bahda Saxaafadda kula dardaarmay inaysan arintan buun buunin si looga hortago dhibaato intaas ka weyn oo dhaca. Gabagabadii Isimada iyo waxgaradkii maanta Boosaaso ku kulamay ee ka arinsanayey dhacdadii xalay deegaanka Baargaal ka dhacday ee ahayd dilka xildhibaanka ayaa soo saaray bayaan ka koobnaa sadex qodob una qornaa sidan. 1- Isimada iyo Waxgaradka Cal-bari waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ifka kaga tegey marxum Bile Maxamuud. 2- Isimada iyo Waxgaradka Cal-bari waxay si aad ah u canbaareynayaan dilkii foosha xumaa ee lagula kacay -AHN- Bile Maxamuud Yuusuf oo ahaa oday dhaqameed iyo mas’uul ka tirsan dowlada Puntland. 3- Isimada iyo Waxgaradka waxay soo jeedinayaan in waxgaradka iyo intii kale samaha jecliba ay xil iska saaraan sidii arintaas loo xakamayn lahaa si deg deg ahna xal looga gaari lahaa. Maxamed Salaad Horseed Media Boosaaso -
The aim of the assassins could have been to settle a personal score or to ignite political divisions within the State. Its clear that whatever their aim, the killing of Bile Mohamoud in the countryside of Bargaal has caused a great deal of anger and outrage within the region. Today the State and the population are united against the killers and those who would want to create discord within the people. They have failed in their attempt, they neither settled any score nor divided the population....
-
Beautiful.
-
-Again less on what other people are doing and concentrate on the matter at hand. Make sure you do your best to stop sending young men to their death. Your milita are clearly out of their depth.
-
You are only confusing yourself. Puntland General Hospital of Gallacyu is helping the people Warlord Siilanyu has waged a war on.
-
Mintid Adeer I have been here. It seems your avatar has been dusted off in order to support the ever weakening SNM. You lads went from pretending to be Stalin to inacting Tom and Jerry.. Attacking civilians in Cayn won't get you anything.
-
Galkacyu is closer and the people have mobilized to help their brethren. Again Siilanyu & his group should be brought to justice.
-
^^^Warlord Siilanyu & his gang are responsible.
-
Warlord Siilanyu has allot to answer for.
-
It's plural. May Allah rest the poor souls. Who died for an illegitimate cause on the orders of cowards far away.
-
Don't worry what support they will get. Worry about your dead corpses that you had to flee from. I thought you had all of this locked in? Insuggest you stop sending poor young men to their deaths.
-
Lad it's not for a llack of effort that you have not been winning so far!