
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Shabakadaha Soomaalida middee magaceedu ku soo jiitey?
General Duke replied to Abwaan's topic in Politics
horseednet.com. goobjoog.net, midnimo.com, hornafrik.com. Have the best names. radiofreesomalia. Somaliweyn.com has by far the most cotent.. -
The most, desperate, humorous, ludicrous tabloid in Cyberspace
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Mr Bokero, I will take your advice to heart. Many thanks for that brother.. -
Safiirada Kenya, Oman, Jabuuti iyo Kenya oo maanta ay ansixiyeen xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Somaliweyn Media Center (SMC) Nairobi 09/02/07 Kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Federaalka kmg ee Somalia oo uu shir gudoominayey Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo ka dhacday xarunta dowlada kmg ee magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu go'aamiyey Safiiro. Maxamed Cali Ameeriko ayaa loo magacaabay safiirka dalka Somalia u fadhiya dalka Kenya wuxuuna hore u ahaa sii haye, General Ismaaciil Qaasim Naaji oo horey u hayey abaanduulaha Xooga dalka Somalia ayaa loo magacaabay Safiirka Somalia u fadhiya dalka Cumaan halka safiirkii joogay dalkaasi isagana loo magacaabay dalka Yemen, Xasan Faahiye ayaa isagana loo magacaabay safiirka Somalia u fadhiya Djabuuti. Magacaabistaan ayaa kusoo beegmaysa xili ra'iisul wasaaraha uu baryahan ku mashquulsan yahay sidii xukuumadiisa isugu shaandheyn lahaa iyadoo qaar badan oo wasiiradiisa ka mid ahaa ay waayeen xilalkoodii halka safiiro badan ay weyn doonaan kuwo cusubna la magacaabi doono. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in isku shaandheynta golaha wasiirada ay wali dhiman yihiin oo la rajaynayo in qaar kale xil loo magacaabo iyadoo mudadii la soo dhaafay ay jireen wasiiro aanan gudan xilalkooda waloow aysan jirin miisaniyad rasmi ah ay ku shaqeeyaan balse ay dhici karto in ra'iisul Wasaare Geedi uu soo bandhigo mar kale xukuumad cusub oo isku shaandheyn ah.
-
The most, desperate, humorous, ludicrous tabloid in Cyberspace
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Che one might agree with you, but find any that compares to this one.. -
Djibouti President highlights his full support for TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Reality has sunken I guess, this baffoon who has caused allot of trouble for the TFG is now composing sweet notes for the Somali goverment. -
Mogadishu: TFG capture more weapons and trouble makesr...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Jaylani, one loves your new found love for Mogadishu, I hope it stays that way forever. -
^^^They need to do more to build up the capital of Puntland.. Duqa degmada Boosaaso oo maanta qado sharaf u sameeyay saraakiil ka socota Baanka Islaamka Last Updated::2007-02-09 17:51:08 Boosaaso:- Gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Boosaaso ayaa maanta qado sharaf u sameeyay masuuliyiin ka socotay bangiga Islaamka oo booqasho ku joogta magaalada Boosaaso. Qado sharaftan oo ay sidoo kale goob joog ay ka ahaayeen masuuliyiin ay kamidyihiin Wasiirka dekadaha kaluumaysiga iyo khayraadka badda Siciid maxamed raage iyo ku xigeenkiisa C/wali C/raxmaan gayre, xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada Boosaaso, khaliif ciise mudan oo ah ganacsade wayn, gudoomiyaha hay’adda tadamun C/laahi sh. Xasan iyo marti sharaf kale. Ugu horayn kulankaasi qado sharafka ahaa ee loo sameeyay masuuliyiintan ka socota baanka Islaamka ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Boosaaso Khadar Cabdi xaaji mire oo xubnahan ajnabiga ah uga mahad celiyay waxqabadka wanaagsan ee ay ka wadaan deegaanada Puntland. Sidoo kale masuul u hadlay xubnahan ka socda baanka Islaamka oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Saalim ayaa halkaasi ka sheegay waxyaalihii bangiga Islaamku ka qabtay Puntland gaar ahaan wixii ka dambeeyay masiibadii sunaamiga. Masuulkan waxaa uu sheegay inay gargaar gaarsiiyeen magaalooyinka Gaalkacyo qardho burtinle iyo xaafuun iyadoo dhawaana ay 25 laash ay ugu deeqeen qoysaskii ku waxyeeloobay musiibadii badda gunteeda hoose ka dhalatay ee Sunaamiga gaar ahaan degmooyinka Eyl iyo dangoroyo ee gobolka Nugaal. C/risaaq Cismaan Bulqaas ccbulqaas@hotmail.com Horseednet.com
-
Djibouti President highlights his full support for TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti oo sidoo kale la waydiiyay su’aal ahayd miyaydaan ka baqayn inaad bartilmaameed u noqotaan kooxaha Al qaacida maadaama jabuuti ay saldhigyo laga ugaarsado argagaxisada ay ku leeyihiin dalal ay kamid yihiin faransiiska maraykanka iyo kuwa kale ayaa taasi madaxweynuhu kaga jawaabay ma rajaynayno. Sidoo kale Mr geele waxaa uu xusay in dowlada jabuuti ay tahay dowlada kaliya ee xiriir wanaagsan la leh wadamada Eriteria, Ethiopia, yemen Sudan, Kenya iyo Somalia. -
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti oo ka hadlay arimaha Soomaaliya. Last Updated::2007-02-09 18:03:45 DJibouti:- Madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti Ismaaciil cumar geele oo waraysi khaas ah siiyay Tv-ga afka carabiga ku hadla ee Al jazeera ayaa sheegay in dowladiisu ay si wayn u taageersan tahay dowlada federaalka ee Soomaaliya. Madaxweynaha jabuuti waxaa uu sheegay in beesha caalamka uu ugu baaqay in dowlada federaalka laga taageero sidii loo dhisi lahaa ciidamadii booliska iyo kuwii xooga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay yihiin kuwa kaliya ee hanan kara amaanka wadankooda. Mr geele oo la waydiiyay sida uu u arko weeraradii ciidamada maraykanka ay ka gaysteen cirirfka koonfureed ee dalka Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in diyaaradihii maraykanka ee duqaynta ka gaysanayay halkaasi ay kasoo duulayeen saldhigyada maraykanka uu ku leeyahay dalka Jabuuti ayaa sheegay in hadafkii laga lahaa weeraradaasi aan lagu guulaysan balse lagu laayay dad masaakiin ah. Sidoo kale madaxweyne Ismaaciil cumar geele oo la waydiiyay in xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee jooga jabuuti ay magangalyo siyaasadeed ka dalbadeen dowladiisa iyo in kale ayaa waxaa uu sheegay in xubnahani ay yihiin masuuliyiin Soomaliyeed ayna joogi karaan wadanka jabuuti balse taasi macnaheedu aysan ahayn in jabuuti ay saldhig ka dhigtaan kuwa kasoo horjeeda dowlada kumeel gaarka ah. Madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti oo sidoo kale la waydiiyay su’aal ahayd miyaydaan ka baqayn inaad bartilmaameed u noqotaan kooxaha Al qaacida maadaama jabuuti ay saldhigyo laga ugaarsado argagaxisada ay ku leeyihiin dalal ay kamid yihiin faransiiska maraykanka iyo kuwa kale ayaa taasi madaxweynuhu kaga jawaabay ma rajaynayno. Sidoo kale Mr geele waxaa uu xusay in dowlada jabuuti ay tahay dowlada kaliya ee xiriir wanaagsan la leh wadamada Eriteria, Ethiopia, yemen Sudan, Kenya iyo Somalia. C/risaaq Cismaan Bulqaas ccbulqaas@hotmail.com Horseednet.com
-
Somali girl becomes the first to get new passport
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Come on people the girl has a quite a different name, how many Eropes, Starlin, Barlin have we come across? Taliban, there is nothing wrong with Diinaari, he had a car accdident in the lower Shabbele, and seems to be well enough to attend that meeting. Bambo The passport will be made universal by the middle of the year when the old one expires... -
Somali girl becomes the first to get new passport
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Come on people the girl has a quite a different name, how many Eropes, Starlin, Barlin have we come across? Taliban, there is nothing wrong with Diinaari, he had a car accdident in the lower Shabbele, and seems to be well enough to attend that meeting. Bambo The passport will be made universal by the middle of the year when the old one expires... -
Wafdi ka socda dawladda Puntland oo u amba baxay Baargaal iyo Caluula Last Updated::2007-02-09 12:37:41 Bosaso:- Wafdi ballaaran oo ka socda dawlad goboleedka Punltand ayaa maanta u amba baxay degmooyinka Baargaal iyo Caluula ee gobolka Bari, kaas oo ah wafdigii ugu ballaarnaa ee ka socda dawladda Puntland ee booqda deegaannada ku yaal cirifka bari ee Puntland amaba gobolka Bari. Wafdigan ayaa waxay ku hor mari doonaan degmada Baargaal ee xeebta badweynta India, iyagoo markaasi kadib uga sii gudbi doona magaalada Caluula oo dhacda xeebta Badda Cas si halkaasi looga hir geliyo golayaasha deegaanka degmooyinka. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ahna guddoomiyaha guddiga dhismasha golayaasha degmooyinka Puntland, Cali Cabdi Awaare, waxana kamid ah wafdiga, wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, dalxiiska iyo dhaqanka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, guddoomiye kuxigeenka kowaad ee gobolka Bari, Yuusuf Muumin Bidde, iyo duqa degmada Caluula Xareed Cartan iyo shakhsiyaad kale oo doonaya in ay degmooyinkaas daraasad iyo xog ururin ku soo sameeyaan. Degmada Baarlgaal ahaa ah degmo taariikhi ah taas oo ah meeshii ugu horreysey ee maamul laga sameeyo kana mid ah meelaha ay xadaaraha Soomaalidu ka soo bilowdeen sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Dr Bangax. Degmada Caluula ayaa iyana ah mid kamid ah degmooyinka ugu faca weyn gobolka Bari, waxana ay ku taal Raasi Casayr oo ah halka ay iska galaan Badda Cas iyo Badweynta India, ahna meel istaraatiiji ah. Maxamuud Faarax Bile HorseedNet.com
-
Madaxweynaha maamul goboleedka puntland ayaa maanta soo gaaray magalada Boosaaso Last Updated::2007-02-09 17:08:28 Boosaaso;-Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso Madaxweynaha ayaa soo maray dalal ay ka mid yihiin Jarmalka iyo Imaaraadka Carabta, waxaana safarka Madaxweynaha ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xassan Cismaan Maxamuud Alloore. Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Cali Yusuf, Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Caasho Geele Diiriye, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda, Gudoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Deg.madda Bosaso, Ururadda Bulshada , Isimadda Gobolka iyo dadweyne aad u faro bada. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ku qaabiley Xarunta madaxtooyadda wefdi ka socdey Dalka Jabuuti wefidgaan ayaa ka socdey dekadda Jabuuti, waxa ayna ku sugnaayeen muddo afar cisho magaalada Bosaso oo baaritaano aad u badan ku sameeyay dekadda Bosaso, waxa ay madaxweynaha u sheegeen in ay dib u habayn weyn ku samaynayaan dekadda, ayna doonayaan in ay la sameeyaan iskaashi wanaagsan dawladda Puntland lana doonaayo in labada dekadood ee Jabuuti iyo Bosaso in ay wada shaqeeyaan wefdigii ka yimid dalka Jabuuti ayaa isla maanta dib ugu noqdey Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ayna sheegeen in muddo yar kadib ay dib ugu soo laabanayaan Bosaso ayna ka hawlgalayaan Dekadda Bosaso. Maxamed maxamuud welcome Horseednet.com
-
Madaxweynaha maamul goboleedka puntland ayaa maanta soo gaaray magalada Boosaaso Last Updated::2007-02-09 17:08:28 Boosaaso;-Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso Madaxweynaha ayaa soo maray dalal ay ka mid yihiin Jarmalka iyo Imaaraadka Carabta, waxaana safarka Madaxweynaha ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xassan Cismaan Maxamuud Alloore. Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Cali Yusuf, Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Caasho Geele Diiriye, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda, Gudoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Deg.madda Bosaso, Ururadda Bulshada , Isimadda Gobolka iyo dadweyne aad u faro bada. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ku qaabiley Xarunta madaxtooyadda wefdi ka socdey Dalka Jabuuti wefidgaan ayaa ka socdey dekadda Jabuuti, waxa ayna ku sugnaayeen muddo afar cisho magaalada Bosaso oo baaritaano aad u badan ku sameeyay dekadda Bosaso, waxa ay madaxweynaha u sheegeen in ay dib u habayn weyn ku samaynayaan dekadda, ayna doonayaan in ay la sameeyaan iskaashi wanaagsan dawladda Puntland lana doonaayo in labada dekadood ee Jabuuti iyo Bosaso in ay wada shaqeeyaan wefdigii ka yimid dalka Jabuuti ayaa isla maanta dib ugu noqdey Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ayna sheegeen in muddo yar kadib ay dib ugu soo laabanayaan Bosaso ayna ka hawlgalayaan Dekadda Bosaso. Maxamed maxamuud welcome Horseednet.com
-
BOOSAASO : Xassan Aloore “ bil gudaheed baan ku bilaabaynaa hawlaha shidaalka iyo Macdan soo saarinta Puntland" Posted to the Web Feb 09, 14:28 Boosaaso:-Wafdi uu hogaaminayo M.waynaha Puntland Cadde Muuse Xirsi oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wakiilada Shidaalka iyo Macdanta Puntland Xassan Maxamuud Cismaan (X.aloore) oo muddo dalka dibadiisa ugu maqnaa safar-shaqo oo la xiriira arimaha soo saarista khayraadka dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay Puntland waxaana Puntlandpost warbixin ku saabsan safarkooda dibada ee madaxdan siiyay Xassan Aloore. Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Shidaalka iyo Macdan-baarista Puntland ayaa sheegay in ay shiirkado waawayn ay la kulmeen isaga iyo M.waynaha mudadii ay joogeen magaalada Dubai ku waa soo ay ka wadahadleen arimaha soo saarista khayraadka dalka wuxuuna sheegay in uu rajaynayo in ay muddo bil-gudaheed ah ay dalka ku yimaadaan iyakoo wata qalabkoodii. Aloore wuxuu sheegay in Shirkada Conmax ay iminka haysato muddo bil ah xiliga lala balamay in ay hawlaheeda ay ka bilowdo Puntland sidaasdarteedna ay si dhakhso ah ka shaqa bilaabayso gudaha dalka. Agaasimuhu wuxuu sheegay in ceelasha ugu horeeya ay shirkaduhu ka bilaabayaan dooxada Nugaaleed ( Nugal Valley ) halkaasi oo ay ku yaalaan ceelal muhiim ah islamarkaana lagu xijin doono deegaanka dharoor. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay iminka si toosa ay u bilaabayaan qaadashada shaqaalihii ku haboonaa shaqada ay Wakaaladdu ay qabanayso wixii ka dambeeya qorista shaqaalahana ay Wakaaladdu ay hawlaheeda ay si caadi ah u bilaabayso haddii Eebe idmo. Puntlandpost.com
-
Puppet prime minister demotes Aideed to a security guard
General Duke replied to Castro's topic in Politics
Hussain Aydeed has been demoted for the gaffe he made earlier, he is now Minister of Public works and Housing which is not bad post at all and deals with infrustructure on behalf of the nation. There is a whole sale change within the TFG, gone is the other hapless figure of Sharif Xasan, and in comes the much more tough and honest figure of Adan Madobe. There will be more changes insha Allah, a reduction in the number of cabinet members and so on.. -
Somali girl becomes the first to get new passport
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Somali girl becomes the first to get new passport
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Gabar Soomaaliyeed oo nasiib u yeelatay inay noqoto qofkii ugu horeeyey ee Baasaboorka Cusub qaata Somaliweyn Media Center (SMC) Nairobi 08/02/07 Rania Maxamed Cali oo noqotay qofkii ugu horeeyey ee Basaboor Somalia qaata No 001 Waxaa xaflad aad ubalaaran lagu qabtay safaarada dawlada Federaalka Somaaliya ee Magaalada Nairobi iyadoo aay Xafladaan ay kasoo qayb galeen Madax iyo Masuulyiin kala duwan ayna kamid ahaaayeen wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Dibada Md. Xasan Axmed Jaamac (Daafeedoow), Md. C/raxmaan Nuur Maxamed Dinaaari sii hayaha safaarada soomaalida ay ku leedahay dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur Ameerika iyo Madax kale. Xafladaan ayaaa waxa ay ahayd xaflad qaran oo lagu Maamusayey Maalin tii uhoraysay ee Muwaaadin Somaaliyeed lasiiyo Basaborka ay Dawlada Federaalka Somaaliya soo saartay kaasoo loogu talagay in Shacabka Somaaliyeed ku dhofaan, Xafladaan ayaaa waxaa aayado quraan ah ku furay Afhayeenka Dawlada mudane dinaari isagoon Makarafoonka kusoo dhaweeyey Ambassador Maxamed Cali Ameerika isagoo Mudanuhu sheegay in Ay dawlada Somaaliya Farxad utahay in ay Dadka Somaaliyeed Basabor nocaan ah ay helaan. 95 Qafoon oo ah Muwaaadiniin Somaali ah ayaa maanta Qaatay Basaboorada iyagoo sifarxad leh loo gudoon siiyey Qofkii ugu horeeyey ee nasiib uyeeshay in uu qaato Basaborkaan ayaaa waxa ay noqotay Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Rania Maxamed Cali waxayna sheegatay in Dareenkeedu aad ukacsan yahay ayna ku faraxsan tahay qadashada Basaborkaan Cusub oo ay nasiibka u yeelatay inay noqoto lambarka Koowaad. Basaboorkan ayaa ah baasabor casri ah oo Aduunka dalal yar ay is ticmalaaan iyadoona ay isticmalaan ilaa iyo 40 Dal Somaaliyana lagama filayn in ay Basaborkaan hesho Balse dadaal Dawladu Gashay ay Shacabka Somaaliyeed Nasiib uheleen in ay helaan Basaboorkaan Qaaliga ah oo aan la been abuuri Karin iyagoo galay Booska 41aad dalalaka qaatay, waxaa lafilayaa sanadka 2015 in guud ahaaan Basaboorkaan Casriga ah Aduunka kale ka dhaqan galo. Basaborkii hore ee Somaaliya ayaa ku eg sanadka bisha 8-da May 2007 oo ay hada wax yari naga xigaan, safaarada Somaaliya ee Magaalada Nairobi ayaa maalin nimadii shalay ahayd waxa ay Basaborkaan uqaybisay Safaarado Badan oo ku yaala Magaalada Nairobi iyadoo Wasiir kuxigeenkana uu sheegay in ay socdaan in la dhigayo dalal badan oo dunida ka tirsan Airobooradooda. Waxaa lagu tilmaami karaa Dhaqangalka Basaborkan cusub hawl qaran oo ay dawlada Federaaalka Somaaliya ku kacday oo ay shacabka Somaaliyeed sugayeen mudo badan in dowladda ay samayso horumar maadaama la joojiyey isticmaalka baasaboorka soomaaliga oo qof walbaa qaadan karo. Jamaal Maxamed Shuuriye Kenya-Nairobi Mohamed Abdulle Hassan Siidi Kenya-Nairobi
-
Kismayu: Hundreds of millitia start training
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dowladda Soomaaliya oo manta Tababar u furtay Ciidamo gaaraya ilaa kun Xerada Luglow oo 15km ka xigta dhanka waqooyi ee Magaalada Kismaayo Ilaa kun Maleeshiyo oo ay dhowaantan Dowladda Soomaaliya ka soo uruurisay Deegaanada Gobolada Jubooyinka, ayaa manta waxaa tababar ciidan uu ugu bilowday Xerada Luglow 15km u jirta Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose. Tababarkan oo ay macalimiin ay ka yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Ethiopia, ayaa loogu tala galay Maleeshiyadan in lagu ciidamadeeyo, isla markaana lagu xoojiyo Guutada 3aad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya. C/llaahi Sheekh ismaaciil Fartaag oo ah Taliyaha Guutada 3aad ee Ciidamada Xooga Dalka ayaa sheegay in Maleeshiyada oo la ciidamadeynayo, tababarna la siin doono, si ay qeyb oga noqdaan Ciidamada Difaaca. Waxa uu sheegay in marka uu u dhamaado tababarka ay tagi doonaan meel alaala meeshii looga baahdo, iyagoo qeyb ka noqonaya buu yiri Guutada 3aad ee Ciidamada Xooga Dalka. Muddo 10 cisho ah ayuu tababarkan u socon doonaa Ciidamadan laga soo uruuriyay Gobolada Jubooyinka, waxeyna talaabadan noqoneysa markii ugu horeysay ee Dowladu qaado talaabo lagu aruurinayo maleeyiyo kasoo jeeda gobolada jubooyinka. Xafiiska Warqabadka ee Carmooyin.com -
Kismayu: Hundreds of millitia start training
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
gedoent. -
Kismayu: Hundreds of millitia start training
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xerada Luglaay oo tababar loogu furay ciidamo loo tababarayo DF. Kismaayo, Khamiis 08 February 07 Simba Radio In ka badan 900 oo ciidan ayaa maanta waxaa tababar Dowlada Federaalka ugu furtay Dugsigii hore Tababarka Luglaay ee Gobalka Jubbada Hoose. Ciiidamadaan tababarka loo furay ayaa la sheegay in laga soo kala aruuriyay Degmooyin ay kamid yihiin Kismaayo,Afmadoow, iyo Xagar iyo Tuulooyin fara badan. Tababarkaas ayaa waxaa xariga ka jaray Taliyaha Guutada saddexaad ee Ciidamada DF Gobolada Jubbooyinka, Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, isagoo ku booriyay ciidamada inay tababarkooda dhameystaan si ay ugu mid noqdaan ciidamada DF. Sidoo kale, waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ethiopian ayaa u sheegay ciidamada inay tababarka si wanaagsan u qaataan isla markaana ay Somalia iyo Ethiopia ay yihiin dad walaala ah. Waxaa lagu wadaa dugsigaasi tababarada Luglaay in la keeno boqolaalo ciidamo ah oo tababarayo Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia . Simba Media Center, Muqdisho Somalia Email: simba@simbanews.com -
Kismaayo: Ciidamo laga soo aruuriyay gobolada Jubboooyinka oo tababar maanta ugu furmay xerada ciidamada Lugloow. Khamiis, February 08, 2007 Kismaayo(AllPuntland)- Ciidamo laga soo aruuriyay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo gaar ahaan degmooyinka Kismaayo, Afmadow, Jilib, Garbahaarey, Luuq, Bu'aale iyo deegaano kale ayaa maanta ugu furmay tababar ciidan oo in mudo ah socon doona. Furitaankii tababarkan ayaa waxaa xariga ka jaray Taliyaha Guutada sadaxaad ee ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee gobolada Jubbooyinka C/llaahi Sh. Ismaaciil (Fartaag) oo halkaasi ka hadlay, wuxuuna sheegay in ciidamadan ku biiri doonaan marka ay dhameystaan tababarkooda dowladda Federaalka, wuxuuna ku booriyay in ciidamadan in tababarkooda ay si wanaagsan u dhameystaan. Saraakiishii maanta ka hadashay halkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Dowladda Itoobiya oo sheegay in tababarkan muhiimad gaar ah u leeyahay ciidamada, isagoo intaa raaciyay in dowladda Itoobiya ay kaalin buuxda ka qaadan doonto sare u qaadista tababarada iyo milateriga ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Tababarkan oo qeyb ka ah tababaro ka socda qaar ka tirsan gobolada dalka Soomaaliye iyadoo gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan xerada Bali-Doogle uu ka socdo tababar noocaan oo kale ah. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho Related Articles
-
Mogadishu: TFG capture more weapons and trouble makesr...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Jaylani, The national army has many recruits from Mogadishu, right now being trained others have already been trained. The Police that is taking knocks are all from Mogadushy, the head of this is a man who is from Mogadishu, what on earth are you talking about. Saxib the man conducting this hunt is from the clans of Mogadishu..