
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
^^^But at least the Morganist and Co but a fight against him and Mogadishu while he fled when he heard Indacade was coming.
-
For me Zidane represents all that is beautiful about the game. He played with such skill, concentration and belief that it inspired me. I watched him play against titans and make it look so easy for Juventus, for Madrid and for Le blue. He was at the centre of everything a man who was driven to success. A`champion, a legend even before the and icon in his native France, oh what joy to have watched the man in his prime.
-
Since the defeat by Italy and retirement the legend's reputation has steadily grown thanks to sites like youtube which has many dedicated fans putting together beautiful fotage of the one and only Zinedine Zidane, here are the top three. 1. Best player Ever Zinedine Zidane 2. 3. Zidane
-
BETTER THAN PLATINI & AN EQUAL TO MARADONA There is a debate in France as to who is the best ever French player - Michel Platini or Zidane. When I was growing up Platini was my idol, but for me Zidane is the best ever French player. I say that because he has won more trophies than Platini at international level - Zidane had that consistency. Zidane is one of the best technical players I have ever seen along with Maradona. I think he is on a par with Maradona, though I'm biased. An Argentine would say Maradona is above Zidane. SOURCE
-
WHAT THEY SAY ABOUT ZIDANE Zidane's mastery of his art has drawn plaudits from all corners of the globe - especially after his age-defying display against Brazil in Frankfurt on Saturday. Brazil coach Carlos Alberto Parreira was the first to pay tribute to the great Zidane, labelling him "a monster" for his performance. French legend Michel Platini believes Zidane is one of the most skilful players the game has ever known. "Technically, I think he is the king of what's fundamental in the game - control and passing. I don't think anyone can match him when it comes to controlling or receiving the ball," said Platini. German icon Franz Beckenbauer added: "Zidane is one of the greatest players in history, a truly magnificent player." Pele, a World Cup winner three times with Brazil, hailed the Frenchman after seeing his country go out: "Zidane was the magician in the game." Last word goes to Italy manager Marcello Lippi, who will have to stop one of his favourite sons - he coached Zidane at Juve - if his country is to win the final on Sunday. "I think Zidane is the greatest talent we've known in football these last 20 years, yet he never played the prima donna," said Lippi. "I am honoured to have been his manager."
-
In my opinion he is the best player to ever grace the game of football. Oh what joy to have watched the old master at work. At the 1998 World Cup, Cesare Maldini, the manager of the Italian team, said: 'I would give up five players to have Zizou in my squad.' Footballers throughout the game seem to respect Zidane because while he is an individual who can do just about anything with a ball, he is also an out-and-out team player and one who does not freeze on the big occasion. In 1998 he was voted European and World Footballer of the Year. And he has improved since then. Zidane attributes much of his progress to playing in Italy. He singles out the influence of Piero Ventrone, the Juventus fitness trainer, for dramatically increasing his explosive power (the use of body-building drugs has put Juve under scrutiny by the football authorities in recent years). Zidane dons UEFA's Jubilee crown Thursday, 22 April 2004 Zinedine Zidane has been voted the No1 European footballer of the past 50 years, in UEFA's Jubilee poll to find the top 50 players of the last five decades. Beckenbauer and Cruyff Zidane, a FIFA World Cup and UEFA European Championship winner with France, as well as a UEFA Champions League winner with Real Madrid CF, polled 123,582 votes. Franz Beckenbauer was second on 122,569 and Johan Cruyff third with 119,332 votes. source
-
^^^After the fact the brave Col could not say something yesterday. Anyhow if he keeps talking he will go the route of his old and the man who chased him out of Kismayu Goobale.
-
Kulan Lagu Taageerayo Magacaabista Mud Dr Cabdulqaadir Sh Maxamed Nuur ee loo Doortay Gud Sh.Hoose oo ka Dhacay Magaalada Manchester ee Dalka Ingiriiska:. Muqdisho DMC 12 May 2007.
-
Hambalyo iyo Talobixin Ku Socota Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Sh/Hoose: Muqdisho DMC 12 May 2007. Waxaa weli na soo gaaraya dhambaalada hambalyo ee loo dirayo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellada Hoose Mud.Dr Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Nuur. dhambaalkii u dambeeyay ayaa wuxuu naga soo gaarey mid ka mid ah Jaaliyadaha Beelaha Awdigil ee ku Dhaqan Dalka Ingiriiska. Mudnaha Dhambaalkan na soo gaarsiiyey ayaa wuxuu Guddoomiyaha Cusub kula dardaarmey Inuu Caddaalad iyo sinaan ugu adeego dadka Gobolka,sidoo kale wuxuu kula taliyey inuu hourmariyo adeegga Bulshada Sida Caafimaadka,waxbarashada,Biyaha ,xoolaha iyo Beeraha. Mudane Xuseen Xaaji Yuuqoow ayaa wuxuu ku taliyey dadkii Gobolkan muddada dheer xaaraanta ku haystey,islamarkaasna ku sifeeyey dhaqanka SAHYUUNIYADDA oo kale inay ku dhaqmeen ayaa codsadey in la soo taago maxkamad Islaami ah ama mid caalami ah oo laga qaado tallabada ku habboon. Yuuqoow ayaa dadkaas ku eedeeyey inay ku xadgudbeen xuquuqda deegaaneed,Maalka gaarka,iyo kan Guud ee ay iska leeyihiin shacabka Gobolka shabeelada Hoose. Sidoo kale wuxuu ku booriyey inaan la qaadin tallaabo aargudasho ah,hase yeeshee la mariyo wixii ay mutaan,marka la horkeeno Maxkamada Caddalad rasmi ah Qaadda,waxaan rajeynayaa buu yiri in inta dembiga adag gashey ay carareen . Ugu dambeyntii Xuseen Xaaji ayaa wuxuu Guddoomiyaha iyo Shacabka Gobolka shabeellada Hoose u rajeyeeyey Guul iyo Horumar,wuxuuna kula dardaarmey inay isku duubnaadaan oo ay ka fekeraan dib-u-dhiska dalkooda. Dadka doonaya inay talloyin iyo hambalyo u diraan guddoomiyaha cusub waxay u soo marsiin karaan emailka hoos ku qoran: soomaali2006@yahoo.se
-
Anyhow the days of IndaCade, the JVA and other clowns are over. There is a governemnt here with teeth and it will bite into those who thought the gun was king.
-
-
Isku duwaha gargaarka bani'aadnimada ee Q.M oo soo gaaray Muqdisho Mogadishu 12, May.07 ( Sh.M.Network) Isku duwaha gargaarka bani'aadnimada Q.M Mr. John Holms oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ujeedka socdaalkiisa lagu sheegay in ay salka ku heyso qiimeynta xaaladda bani'aadnimo ee Somalia. Abaarihii 10 kii subaxnimo ee saakay ayaa Mr. John Holms iyo xubno la socda ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi ay ku soo dhaweeyeen Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere, Taliyaha ciidamada booliska Somalia Gen. Cabdi Qeybdiid, saraakiil ka tirsan Midowga Africa iyo Mr. Francois Fall oo ah wakiilka Q.M ugu qeybsan arimaha Somalia. Mr. Holms oo saxaafadda ugu waramay garoonka Muqdisho ayaa waxa uu yiri " howl-galkeena waxa uu yahay si aan u caawino dadka, waana mid fudud arinkaasi, waxaana sidoo kale raadineynaa sidii aan dowladda ugala hadli laheyn arinkaasi , waxaana ay tahay walaaca ugu daran oo aynu qabno dadka ka qaxay Muqdisho oo wali ku nool daafaha caasimadda". Mr. John Homs iyo saraakiishii la socotey ayaa u gudbay dhanka xafiiska UNDP, halkaasi oo kulamo ay kula leeyihiin saraakiisha sar sare ee hay'adda UNDP, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay kulankaan. Socdaalka Sarkaalkaan ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmay xilli qarax xoogan uu gil gilay wadada KM4 ee magaalada Muqdisho, iyadoo sawaxanka qaraxaan uu argagax galiyay socdaalka wafuudaan, iyadoo marka qaraxa uu dhacay wafuudaan ay dib ugu laabteen Airaporka lamana oga in halkaasi ay ka duuleen iyo in kale.
-
-
John Holmes Oo Soo Gaamar Muqdisho -------------------------------------------------------------------------------- Muqdisho(Calanka.com) 12-May-2007 Wafdi ka kooban dhowr xubnood oo uu horkacayay wakiilka xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada Mr. John Holmes aya soo gaaray maanta magaalada Muqdisho, isagoo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wafdigan oo ay ku soo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb (M.dheer), Taliyayaasha ciidamada Qalabka sida, wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr. Maxamed Cali Foon iyo taliyaha ciidamada AMISOM iyo xubno kale. Wafdigan oo muddo dhowr saacadood ah ku sugnaa xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho ayaa imaanshihiisa ku soo beegmay xilli uu qarax ka dhacay Waddada ay ku yimaadeen oo aheyd KM4, halkaasna ay ku dhinteen sadex qofood, afar kalena ay ku dhaawacmeen. Mr. John Holmes oo markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha la hadlay saxaafadda gudaha iyo dibadda ayuu sheegay in imaanshihiisu ay tahay ujeedada ka dambeysa inuu la kulmo madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ra’iisul wasaare Geeddi iyo xubnaha dowladda. Isu duwaha gar-gaarka Deg-degga ah (ERC) ee Qaramada MIdoobay John Homes wuxuu booqanaya Soomaaliya bisha Maajo 12-13keeda si uu qiimeyn ugu sameeyo xaaladaha aadanimo ulana yeesho wada hadallo dowladda Federalka ku meel gaarka ah iyo bulshada rayidka ah. Ujeeddooyinka booqashada Mudane Holmes waa sidan: Si uu dhinacyada Soomaaliya ugu qanciyo oo ay ku jiraan kuwa ciidamada, in ay ixtiraamaan xeerarka caalamiga ah (oo ay ku jiraan ilaalinta dadka shacabka ah, ixtiraamaanna xuquuqda aadanaha), ayna dhiira geliyaan nabadad iyo degenaanshaha oo dan u ah dadka Soomaaliyeed. Inuu maamulka ka xaqiijiyo dhammaan taageerada loo baahan yahay si si buuxda oo aan xannibaad laheyn loo gaarsiiyo dadka sida ba’an ugu baahan taageerada iyo ilaalinta xuquuqdooda, isla markaana loo xaqiijin lahaa in ixtiraam buuxa la siiyo dhex-dhexaadinta, u dhexeynta iyo madax banaanida dhammaan howlaha gar-gaarka ah ee aadanimo. Kor u qaadidda ogaanshaha caalamka iyo taageerada Soomaaliya si wax looga qabto jawaabna looga bixiyo musiibada aadanimo ee ka dillaacday Soomaaliya . Taariikh nololeedka John Holmes Holmes waxa uu xoghayaha Guud ee Qaramada MIdoobay Ban ki Moon uu u magacaabay isu duwaha Gar-gaarka deg-dega ah ee Qaramada Midoobay oo uu si rasmi ah ula wareegay 1-da Maarso 2007. Intii aanu ku soo biirin qaramada Midoobay John Holmes wuxuu ahaa safiirka Ingiriiska ee Faransiiska, jagadaas oo uu hayay tan 2001, wuxuu ku biiray arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Ingiriiska sanadkii 1973, wuxuuna ka soo qaatay kaalimo kala duwan oo ballaaran. Wuxuu shaqadiisa ka bilaabay London, oo ay ku jirtay mar uu Qaramada MIdoobay u qaabilsanaa oo ay ka mid aheyd waqti 1975 oo Golaha loo dhan uu u matalayay isagoo ka mid ahaa ergada Ingiriiska ee Qaramada MIdoobay ee New York. Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay John Holmes wuxuu ka shaqeeyay Moscow, London, Paris iyo India isagoo daboolayay Bariga dhexe, AFrika, Aasiya, Amerikada Koonfureed iyo MIdowga Yurub. Mudane Holmes wuxuu madax ka noqday barnaamijka kaalmada ee Ingiriiska iyo India, oo uu qunsul ka ahaa siyaasadda, kaddibna dhaqaalaha iyo ganacsiga, laga bilaabo 1991 ilaa iyo 1995. 1998, waxaa loo magacabay Safiirka Ingiriiska ee Burtaqiiska, jagadaas oo uu hayay iilaa looga magacaabay Baariis. Wax yar kaddib markii uu ku soo noqday London 1995, wuxuu noqday xoghayaha Gaarka ah ee arrimaha dibadda iyo la taliyaha Diblomaasiyadeed ee Wasiirkii koowaad ee hore John Major. Mudane Holmes wuxuu sii waday kaalintaa xilliga Tony Blair, isagoo noqday xoghayaha Gaarka ah ee ugu muhiimsan. 1999kii waxaa abaal gud loo siiyay billadda Knighthood kaalintii uu ka qaatay geedi socodka nabadeed ee waqooyiga Ireland iyo heshiiskii Jimcihii wanaagsanaa (Good Friday Agreement). John Holmes wuxuu ku dhashay Preston, oo ku taalla waqooyiga Ingiriiska sanadku markuu ahaa 1951, wuxuun wax ku bartay jaamacadaha Balliol ee Oxford. Muuse Maxamuud Jiisow Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
-
Francois Fall oo Puntland ku ammaanay nabadgelyo iyo horumar Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Somalia Mr. Francois Lonesy Fall ayaa dawlad goboleedka Puntland ku ammaanay xasilooni iyo horumar, waxana uu u soo jeediyey maamulayaasha Puntland in ay xoojiyaan arrimaha nabadgelyada iyo dhinacyada horumarka. Francois Fall ayaa hadalkan jeediyey kahor inta aanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Konoko ee duleedka magaalada Garoowe, kadib markii uu madaxtooyada magaalada Garoowe habeenkii xalay kulamo gaar ah kula yeeshay madaxweyne kuxigeenka Puntland, Xasan Daahir Maxamuud. Puntland iyo wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ka wada hadlay arrimaha gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn waxana uu maamulka Puntland ku tilmaamay wada hadalladaas kuwo la isku af gartay. Mr Fall ayaa sheegay in Puntland iyo Qaramada Midoobey ay iska kaashan doonaan xasilinta koonfurta Soomaaliya, waxana uu sheegay in uu xafiis hoosaad ka furan doono magaalada Garoowe ee caasimadda ah. Mr Fall ayaa maanta u dhoofay magaalada Hargeysa waxana garoonka Konoko ee Garoowe ku sii sagootiyey madaxweyne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud. Cabdinaasir Yaasiin SBC Garoowe
-
Thanks for the update people. Aydeed Jr is either a genious or an *****, but he is gone now. Hiiraale is also gone, a suprise move but thats that.
-
M.Dhere oo la kulmey Ganacsatada 11 May 11, 2007 - 2:25:10 PM Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa maanta hotelka Lafweyn kula kulmay ganacsatada Gobolka Banaadir, kulankaasi oo looga hadlayey sidii ganacsatada ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka iyo dib u soo nooleynta bilicda magaalada Muqdisho. Maxamed Dheere ayaa ganacsatada gobolka Banaadir ka codsaday in ay qeybtooda ka qaataan sidii loo horumarin lahaa bilicda magaalada iyo howlaha nadaafada ee laga wado magaalada Muqdisho, wuxuun ka dalbaday ganacsatada in ay bixiyaan lacag dhan 200 Kun oo Dollarka Mareykanka taasoo wax looga qabanayo nadaafadda iyo bilicda gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ganacsatada ku wargeliyay in loo baahan yahay in la helo canshuuro si maamulka gobolka Banaadir howshiisa u noqda mid horumariya guud ahaan gobolka iyo adeegyada bulshada. Ganacsatadii ka soo qeybgashay kulankaasi oo ka badnaa 150 qofood ayaa balan qaaday in ay la shaqeyn doonaan maamulka gobolka Banaadir isla markaana ka soo bixi doonaan qeybta kaga aadan horumarka gobolka. Maxamuud C/kariin Gabeyre oo ah guddoomiyaha ganacsatada gobolka Banaadir oo kulankasi ka hadlay ayaa shegay in ay diyaar u yihiin wax walba oo lagu harumarinayo gobolka isla markaana ay bixin doonaan lacagta maamulka uu ka codsaday, isagoo sheegay in 24-ka saac gudahood ay ku soo jawabi doonaan ganacsatada Somaliyed ee gobolka Banaadir. Waa markii ugu horeysay ee ganacsatada gobolka Banaadir iyo maamulka cusub ee gobolka ay wada kulmaan, iyadoo Maxamed Dheere maalintii shalay ku eedeeyay ganacsatada Soomaaliyeed qarkood in ay ka danbeyan qaraxyada ka dhaca Muqdisho isla markaana ay maalgeliyaan kooxaha falalka amaan darada ka wada Muqdish Cali Muxayadiin,Muqdisho
-
^^^The war thus was not aganst the faith, nor the Somali people nor aimed at occupiying the country. The aim was to support the TFG against a coloition of antigovernment groups led by a group who all happen to be from the same sub-clan. They stuck their kneck out and they send heir boys to fight. Funny how they are willing to now negotiate and meet the governemnt?
-
Abwan, I commend you for the effort. But again they did not close the market, all you provided was the intention. However it was never closed.
-
MUQDISHO: Baaritaanno maanta laga sameeyay Suuqa Bakaaraha iyo Agagaarkiisa oo lagu qabtay saddex xubnood oo... Posted to the Web May 11, 17:19 Muqdisho (PP) - Ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee maanta howlgallada ka sameeyay Muqdisho ayaa waxay gacanta ku dhigeen saddex mas'uul oo mid ka mid ah uu ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamiga ahaa. Xubnaha la qabtay oo kala ahaa: Axmed Maxamed Cabdulle (Axmed Qare) oo ahaa madaxii Urur lagu magacaabi jiray Difaacada Diinta iyo Dalka lana ahaa olog Maxkamadihii Midoobay, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) oo isaguna ahaa guddoomiyihii Degmada Afgooye ee Shabeellada Hoose iyo Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo isaguna ahaa madaxii ciidammada ee Isbahaysigii Dooxada Jubba. Guri ku yaalla suuqa Bakaaraha ayaa laga qabtay xubnahaan waxaana gacanta ku dhigay ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethiopian-ka ah iyagoo u gudbiyay isla markaaba taliyaha ciidammada booliiska ee Gobolka Banaadir Cali Saciid Xasan Cawaale oo markii dambe sii daayay. Xubnahaan ayaa la sheegay inay sii daysmadooda qayb ka ahaa Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor oo ka soo jeeda Beesha ******, waxaana loo sheegay ciidammada Ethiopian-ka inaysan xilligaan raggaan ku jirin dagaallo ka socda Muqdisho, isla markaana aysan qaraxyada dhaca habeenkii lug ku lahayn, balse ay ahaayeen rag isaga jira guryahooda oo aan soo dhaafin. Markii la sii daayay xubnahaan ayay u sheegeen saxaafadda inaan wax dhibaato ah loo geysan isla markaana aan si xun loola dhaqmin, balse loola dhaqmay si wanaagsan oo insaannimo ah. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
-
Muqdisho:Warar dheeraad oo ka soo baxaday howlgalkii maanta ay ciidamada DFKMG iyo Kuwa Ethipia ay ku qabteen Goobaale Xusen Cali Cirfo iyo Sh Axmed Qare Ciidanka dowlada Ethiopia iyo kuwa dowlada fadaraalka KMG somaliya oo saaka aroortii hore isku gedaamay suuqa ugu weyn somaliya ee bakaaraha ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen bartamaha iyo koofurta somaliya dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2006 kii midowgii maxaakiimta oo ka ariminaayey mudo lixbilood ah. Waxaa baaritaano lagu sameynayey dadka iyo guryaha la soo bartilmaameytay oo markii danbe laga soo baxay qaar ka tirsanaa mas.uliyiintii midowgii maxkadaha iyo rag kale oo laga yaqaanay magaalada muqdisho waxeyna kala ahaayeen ku xigeenkii madaxa arimaha bulshada axmed maxamed cabdulle ( axmed qare ) xusseen cali weheliye ( cirfo ) iyo maxamed rooble jimcaale ( goobaanle ) waxaana la arkayey ciidamo badan oo si aad ah u hubeysan iyo kuwa dowlada oo ku sugan wadooyinka soo gala suqa weyn ee bakaaraha iyaga oo sameynayey howgalo ay ammaanka ku sugayaan xalay ayey ayed markii lagu weeray bamka gacanta laga tuuro waxeyna ku jawaabeen rasaas fara badan iyada oo saaka lagu arkayey wadada laba qof oo meyd ah oo la garan waayey cidii ka danbeysay dilka labadaas ruux waxaana la fiilayaa in ay waxyeelo ka soo gartey rasaastii xalay ay ridayeen cidamo ku sugan isgoyska adan cade , Wixii warar ah ee ku soo kordha muqdisho isha ku haay Shabakada. http://www.kismaayopost.com/ Muuse Maxamuud Jiisow Kismaayoppst Muqdisho Somali39@hotmail.com
-
The security sweep in and around Bakarah market resulted in the capture of Goobanle former boss of JVA, former occupier of Afgoyee district Cirfo, and the inciter of the clan courts Qare. All these men were captured laying low in an apartment inside the market. They were taken for questioning, warned and released to the Banadir police chief who led them out. This is a clear message to the former big shots, no one is safe from the law and that their cover of hidfing behind militias is no more. 2. Ahmed Diriy, the spokesperson for the Looter Inc militia's house was raided by the police. They searched the house and left. The Duke will now provide the news clips and audio [of Diriye[/b] regarding todays security sweep.