-
Content Count
30,097 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
80
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Hindiya U Fadhiya Imaaraadka Carabta April 25th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dawlada Hindiya u fadhiya dalka isu taga imaaraadka carabta Lokesh Mysore Kapanaiah, oo weftiga Madaxweynaha ku soo booqday Huteelka ay degan yihiin ee magalaada Abu-dubia. Madaxweynaha iyo safiirku waxay iska xog waraysteen xaalada Somaliland iyo wadciga siyaasadeed ee ka jira mandaqada. Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo laga soo saaray kulankaasi,waxaanu war-murtiyeedkaasi u dhignaa sedan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hoggaaminaayo kuna sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa Maanta (25/04/2011) ku soo booqday Madaxweynaha JSL, Hotel-ka uu Degan yahay Safiirka Waddanka HINDIA u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Mr. Lokesh Mysore Kapanaiah. Safiirka oo kulan Saacaddo qaatay la yeeshay Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa waxa uu ka hadlay Aragtida Wadankiisu uu ka qabo Somaliland iyo Guud ahaanba Mandaqada Geeska Afrikada Bari Gaar ahaana Dhinaca Nabad-gelyada, Budhcad-badeeda, Argagixisada dhinaca Dhaqaalaha intaba. Safiirku waxa uu sheegay in uu Wadankiisu ka war hayo in Somaliland tahay qayb markii hore ka mid ahayd waddankii laysku Odhan jiray Soomaaliya, laakiin imika ay Muddo labaatan (20) sanno ah ay Goonideeda u taagnayd, in uu Waddanka Somaliland yahay waddan Mutaystay in la Gacan-qabto oo ku guulaystay inuu dhinaca Nabad-gelyada iyo Dhinaca Dimu-quraadiyada aad uga Horu-marro waddamada ku xeeran qaarkood gaar ahaana Waddankii uu markii hore ka mid ka ahaan jiray ee Soomaaliya oo isagu Weli ku sugan Xaalad Xasilooni Daro ah ayuu yidhi Safiirka waddanka Hindia u fadhiya Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta oo Madaxweynaha uga Waramaayey Aragtidiisa ku aadan Mandaqada iyo sida ay u arkaan wax-wada qabsi ay waddankiisu la yeeshaan Wadanka Somaliland. Safiirku waxa uu sheegay in waddanka Hindiya danaynayo wax la qabsi dhinaca Dhaqaalaha ah oo uu la yeesho wadanka Somaliland, waxaanu sheegay in uu Shirkaddo waa weyn oo waddankiisa ka soo jeedaa danaynayaan Maal-gashi gaar ahaana Dhinaca Macdanta. Madaxweynaha Somaliland ayaa isaguna dhiniciisa waxa uu uga waramay Safiirka Baahida ay Somaliland u qabto in ay somaliland wax la qabsato Hindia waxaanu warbixin ka bixiyey dhinaca Budhcad-badeeda iyo dhinaca Nabad-gelyada labada sidii loo sii adkayn lahaa Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay labadaasba ka bad-qabto Somaliland laakiin Nasiib darada haysataa Somaliland ay tahay in labadaasiba ay halis ku yihiin oo ay ku badan yihiin Wadanka la jaarka ah ee Soomaaliya ee ay la wadaagto bad-weynta hindiya ee Budhcad- badeedu hada ka ugaadhsato iyo Dhinaca Bada-cas gaar ahaana dhinaca Soomaaliya iyo weliba Argagixisada oo iyadu xarunba isagga noqotay Waddanka Soomaaliya oo Dabcan Somaliland-na mar-mar badan saamayn ku yeeshay. Laakiin waxa uu Madaxweynuhu uga waramay in ay shacbiga iyo Dawladda Somaliland-ba si wayn isaga kaashadeen sidii ay isaga Dayri lahaayeen dhibaatooyinkaa kaga imanaaya deriska ee la xidhiidha bada iyo beriga labadaba. Madaxweynuhu waxa uu dhiiri-geliyey Aragtida Safiirka ee ah in uu soo hogaamiyo ama soo dhiiri-geliyo shirkadaha waa weyn ee waddanka Hindia ee Maal-gashiga Somaliland diyaarka u ah ama Danaynaya. Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa kale oo uu safiirka kala hadlay dhinaca wax-barashada oo uu sheegay in wadanka Hindia ka caawin karo somaliland dhinaca wax-barashada gaar ahaan (Scholarships), Scholarship-yada dhinaca Ardayda Dhamaysatay Dugsiyada Sare iyo Jaamacadahaba ee reer Somaliland, Safiirkuna waxa uu soo Dhaweeyey Arrintaasi waxaanu sheegay in waddanka Hindia taa wax weyn ka qaban karayaan dalkiisana uu kula noqon doono.”
-
Somaliland Minister of Justice we represent the people of awdal.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Qurba Jooga Reer Awdal Ee Ku Hawlan Awdal/State Waxa aan ku Casuumaynaa Xabsiyo Badan Oo aan Dhisanay, Shir:Jaraa'id Wasiirka Cadaalada Somaliland Prof:Ismaaciil 26/04/11-Hargaysa-(Bnn) Wasiirka Cadaalada Iyo Garsoorka Somaliland Prof:Ismaaciil Mu'min Aar ayaa Shalay ku qabtay Xafiiskiisa Shir Jaraa'id oo uu kaga hadlayay Arimaha in dhawaalaba ka socday Dibada Somaliland Ee ah Maamul Goboleedka Lagu sheegay Awdal State Ee Ay wadaan Qaar ka soo jeeda Gobolka Awdal Ee uu Isagu ka soo jeedo. Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlayay Xafiiskiisa ayaa waxa uu cadeeyay Mawqifkiisa ka siyaasi ahaan ku waajahan Maamul goboleedkan Awdal/Satate waxa uuna sheegay in Siyaasiyiinta Reer Awdal Meel kasta oo ay joogaan ayna la qabin Fikirkan kuna tilmaamay in uu yahay mid ay ka danbeeyaan Dad wax ma garatay ah , oo kuu sheegay in ay yihiin Bujuubujuulayaal, Ayna Dhalinyarada Xaga danbe ka taagan yihiin kuwaas oo uu sheegay in ayna soo cadaanayn iyagu, waxa uuna dadkaas dabada caruurta ka soo riixaya kula taliyay in ay banaanka isa soo dhigaan inta ay dhalinyarada ku gabanayaan. Dhanka kale waxa uu sheegay in dhalinyarada la khalday ayna uga nasteexaynayaan in ayna maqlin raga danta gaarka ah wata waxa uuna sheegay in dhalinyarada ka soo jeeda Gobolka Awdal ee ku sugan dalka dibadiisu yihiin Xoog lagu faani karo oo wadankooda iyo dakoodaba wax u qaban kara, laakiinse ayna haboonayn in ay ka qayb qaataan qaranimadeena iyo jiritaankeena wax dhaawici kara, isaga oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu yidhi wasiirku, Markii Jabhadii SNM ay wadanka Xoraysay ee la iskugu tahay shirkii Burco waxa ay reer Awdal ahaayen Qoladii Ugu horeysay Ee ogalaatay in laga go'o soomaalida Kale, taasina waxa ay maanta ina dhaxalsiisay in aan ka dhex muuqana Maamulka Somaliland ee Maanta hadhsanayno. Ugu danbayn ayaa wasiirku waxa uu Digniino Culus u diray Cid walba oo ku hawlan Fikirkan Awdal/State ee Joogta Qurbaha Ama gudaha ay u diyaariyeen Xabsiyo uu ku sheegay in ay ku soo dhawayn doonaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in xabsiyo Badana ay dhisteen kuwo badan oo kalena ay soo socdaan. Si kastaba ha ahaatee Mas'uulkan ayaa noqonaya Mas'uulkii ugu sareeyay ee Maamulka Somaliland ku jira ee ka soo jeeda Gobolka Awdal oo cadeeyay Mawqifkiisa Siyaasadeed ee ku aadan Fikirkan cusub ee ka socda wadanka dibadiisa isaga oo ay horey u hadleen qaar ka mid ah Xldhibaanada Labada gole ee ka soo jeeda Goboladan Awdal/Salal. -
Roobab lagu qabawsaday Oo Ka da'ay Hawdka iyo Baligubadle - Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in General
Mashallah nice allow roobka noo badi -
Taleexi;714502 wrote: JB: Xejiso abti ... cidba walba kaa hoos baxdee habrihiina iimaansada.... wallee khaldaamiintii waa kululaadeen. horta ereyga Khaldaan ma wax reer kaliya ku kooban ba mise wa lahjad reer woqoyigu ay iska leeyihin wa waxa aad beryahan xita Woqoyi ad ugu sheegtaan Hargeysa idinkuna aad isku haysatiin inad south africa agteeda ku taalin;)
-
Jaaliyada Reer Awdal/Salal Iyo Gabiley Ee Magalada London oo Mawqif Adag Ka Istaagtay waxa loogu yeedhay Awdal State Jaaliyada Reer Awdal/Salal Iyo Gabiley Ee Magalada London Oo habeenkii xalay shir aan caadi ahayn ku yeeshaan magalada casimada ah ee london,oo bayaan cad kasoo saaray waxa loogo yeedho awdalstate,shirkaasi oo ay kasoo qayb galeen dadweynaha ku nool magalada london ee sadaxda gobol ee somaliland ku nool oo ay horkacayaan aqoonyahano cuqaaal dhalinyaro iyo haweenka jaaliyada awdal/salal iyo gabiley Xubnaha Jaaliyada u hadlayay waxay hoosta ka xariiqeeen nin somalilandnimadu muqadis tahay ayna ceeb ku tahay dadkiii 8sano soo xugumayay oo markii kursiga laha helay si xalaal iyo xor ah yiraahda ma nihin somaliland samaystana dowlad malo awaaal ah oo meel ay kasoco iyo meel ay u socoto la garan layaan jaliyada reer awdal/salal iyo Gabiley waxay ku booriyeen dadka carurta beenta loo sheegay inay ka qayb qaataan horumarka gobolada galbeed ka socdaaa sida wadada laamiga ee dila iyo camuud isku xirtaaa waxay dhamaantood isku raacaan inayna qaadin doonaanin inay caruurtoodu sameeyay waxayna walidkood rabin dadkii halkaasi ka hadlay waxay wacad ku maray dadka dhalinyarada marin hababiyay ee daba ka riixaayaa inay sharciga wadankan iyo sharciga wadankeena somaliland la tiigsan doonaan ayna soo qori doonaan magacyadooda oo dhamaystirin,waxayna isku racaaan dhamantood inay somaliland yihiin waligoodna ahaan doonaaan Shirka jaaliyada reer awda;/salal iyo Gabiley oo Maqal iyo muqaal ahna waan idin soo gudbin doonaaaaa 1.Nuur Xuseen 2.Adan Axmed Diiriye 3.Abokor Daahir Obsiiye 4.Maxamed Jamac Cabdilahi 5.Maxamed Cusman Suldaan (Janaale) 6.Mustafe Yuusuf Wayrax 7.Daahir Tukaale Askar 8.Axmed Nuur Beegsi 9.Maxamed Farax Rijaal 10.Cabdisalaan Shekh Cabdilaahi 11.Farxaan Farah Sigad 12.Axmed Aden Daahir 13.Ibraahim Cilmi Coofleh 14.Xuseen Cige Mike 15.Cali Daahir 16.Cabdiraxmaan Farax Sigad 17.Mustafe Miicaad Allale 18.Xasan Nuur Allaale 19.Bashiir MAXAMUUD Yuusuf 20.Axmad Maxamud (KAYD) 21.Maxamud Awbashbash 22.Maxamed Rashiid Cige 23.Rashiid Cabdale 24.Nuur Haayir 25.Maxamed Cilmi Coofleh 26.Siciid Cabdi Guray 27.Maxamed Xabdi Guray 28.Xasan Xadi Coofleh 29.Mustafe Timacade 30.Cabdale Farag Sigad 31.Axmed Muxumed Sacad 32.Maxamud Cumar Sheekh Ibraahim 33.Mooge Jamac Aye Urdoox 34.Maxamed Jamac Oday( -CILMI AXMED 3-MUKHTAAR COLMADOW 4-SALEEBAAN DAAHIR 5-KHADIIR MUUSE 6-XUSEEN SALEEBAAN DAIHR 7-QAASIM AARE 8-XUSEEN MAXAMAD 9-NAASIR IBRAHIM RIIRASH 10-CAABI SICIID CISMAAN 11-KENADIID SICIID CISMAAN DUCAALE 12-SHIINE SICIID CISMAAN DUCAALE 13-ABIIB AXMED YUUSUF 14-KHADAR ISMAACIIL QAMAAN 15-BASHIIR YUUSUF 16-CISMAAN DUCAALE JIRIIR 17-CABDIFATAAX MAXAMUUD 18-CUMAR DANHAAG 19-CABDILLAHI AXMED AARRE 20-KHADAR CABDI DUSIIYE 21-SAMAALE CABDILLAHI 22-MUKHTAAR MAXAMED CABDILLAHI YAASOO 23-MAXAMED XASSAN CADAR 24-MAXAMED AADEN CAMESH 25-MUSTAFE AADEN CAMESH 26-YUSUF AADEN CAMESH 27-MAXAMED IBRAAHIM XUSEEN 28-MAXAMED ISMAACIIL 29-AXMED ROOBLE 30-MAXAMED CABDI DUGSIIYE 31-MAXAMUUD DAAHIR 32-CABDILLE CALI TALYAANI 33- XASSAN CAGDHOODHE 34- JAAMAC AFRIKAAN 35-FATXIIYA CALI CILMI 36- XALIIMO MIICAAD 37- FOSIYA MUUSE HUFANE 38-KHADRA ROOBLE 39- FOOSIYA DAAHIR JIILANE 40-KHADRA ADEN CAMESH 41-FADUMO MAXAMED KAAHIYE 42-IFRAAX MAXAMED QAMAAN 43-HODAN ABUBAKAR SHEEKH 44-IFRAAX CABDI 45-CAASHA CALI WACAYS. 46-Mahamed cali Gabiley 47-Sucdi Sh Muse 48-Fadumo Daahir Elmi 49-Mahamed Yoonis Cateeye
-
Maamul goboleedka Cigo State oo goor dhaw lagu Dhaawaqi doono
Xaaji Xunjuf replied to oba hiloowlow's topic in Politics
oba hiloowlow;714479 wrote: Xaaji camaro duubow maahe agteyda fadhiheeysa guddoomiye ku xigeenka dhamaa aa tahay ;);) -
China willing to play constructive role in peace process in Somalia: FM Monday, April 25, 2011 Chinese Foreign Minister Yang Jiechi ® shakes hands with Mohamed Abdullahi Omaar, deputy prime minister and foreign minister of Somali transitional government, during the signing ceremony of bilateral cooperation documents in Beijing, capital of China, April 25, 2011. (Xinhua/Xie Huanchi) BEIJING, April 25 (Xinhua) -- Chinese Foreign Minister Yang Jiechi said Monday that China will continue to play a constructive role in the peace process and rebuilding of Somalia, together with the international community. China has consistently supported the peace process in Somalia and the transitional government's efforts to restore domestic peace, said Yang when holding talks with Mohamed Abdullahi Omaar, deputy prime minister and foreign minister of the Somali transitional government. Yang said China cherishes the traditional friendship with Somalia and is willing to make joint efforts with the Somali side to further promote bilateral ties. Omaar thanked China for helping Somalia in its development over the years, adding that he hopes China will continue providing valuable support for the peace process and the rebuilding of his country. Omaar said that Somalia attaches importance to China's role in international issues and will continue its adherence to the one-China policy. The two sides also exchanged views on regional and international issues of common concern. Omaar arrived in China on Saturday for a working visit at the invitation of Yang. Source: Xinhua
-
Maamul goboleedka Cigo State oo goor dhaw lagu Dhaawaqi doono
Xaaji Xunjuf replied to oba hiloowlow's topic in Politics
oba hiloowlow;714476 wrote: loool anigana beritoole maamul goboleed cusub aan ku dhawaaqa oba hiloowlow State.. Aniga na igu casun aan camarada ka duube eh -
Somalia´s Crimes in Somaliland: Forgiven but unforgettable – Part I
Xaaji Xunjuf replied to AfricaOwn's topic in Politics
Taleexi;714465 wrote: Anigu mar hadday sheekadu tahay waxaan doono aan sameeyo, waxaan doono aan ku hadlo, waxaan doono aan diido, weliba si kastaba anaa u saxan. Dee anigu dhagax dixeed inaan la dagaalamo mooyee lama doodi karo abti. Taleexi adigu wax aan la is barbar dhigi kareyn baad rabta inad is barbar dhigtiid waxad ku doodaan xasuuq ba agagaarka buhoodle ka dhacay ,,wali na wax cadayn ah maydan keenin, waxad ku doodaan Laascanood ba maalin kasta dad lugu xasuuqa , taleexi waligeed ma dhacday laascanood ina wiilasha reer laascanood ama kuwa gobolka cayn in 40, 40 la so qabtay oo geed lugu xidhay oo rasaas lugu sii dayey dabeedna maydadkoodi laga so dhiijiey sii ay u noqdaan Dhiiig spare ah for askarta Cadawga eeh duulaanka ah. -
Shacabkamedia: SSC Iyo Somaliland Waa Inay Midoobaan: Cali Khaliif
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Kheyr baan idin rajeynayaa taleexi. -
Maamul goboleedka Cigo State oo goor dhaw lagu Dhaawaqi doono
Xaaji Xunjuf replied to oba hiloowlow's topic in Politics
ehehehehehehehehe wa ino iyo mamuul goboleed cusub -
Somalia´s Crimes in Somaliland: Forgiven but unforgettable – Part I
Xaaji Xunjuf replied to AfricaOwn's topic in Politics
A_Khadar;714458 wrote: Beelo and qaranimo in one sentense caadi maha.. Qaran dee wa ummadu isku tegey ma wax kalaad u haysata oo asaas sameystey oo ay ku bahoobeen -
Declaration of the Consultative Conference of SSC
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
These guys live in their own world did he just say Somaliand does not reach some parts of Ceerigaabo:D:D let me ask you a question what xafaad does Somaliland not control ileen ceerigaabo wa affar xafadood eh? -
Somalia´s Crimes in Somaliland: Forgiven but unforgettable – Part I
Xaaji Xunjuf replied to AfricaOwn's topic in Politics
Taleexi adiga yidhi Somali ba raba inay wada joogaan anigu na ma arko Somali wada joogta oo rabba inay wada joogaan bal adiga anu kaa so qaadno , waxad tahay nin taleex ka yimi nimanka jaajaleya oo qardhona wa ku muqata walaalkaga qardho kula degen dal iyo mamuul lama qeybsan kartid balse waxad aminsatahay inad tol tihin xigaal iyo xidid iyo wixi la mid ah dal iyo mamuul na ma wadaagi kartan anigu cilada ma samayn . Kuwa dad iskugu xiga eeh galkacyo wada degen ba hal mamuul ah yeelan kari wayey kuwa Woqoyiga muqadisho iyo kooonfurta Muqadisho ba kala xidhan. Dhuusamareeb galguduud na sadex mamuul ba ka taliya Gobalada Jubooyinka waxa lo sameyey 4 mamuul greenland jubbaras state azania iyo jubbaland dadkan somalida aad sheegeysid eeh rabba inay wada joogaan adeer halkeed ku aragta? Taleexi anagu wixii aad ku sheegi jiirteen Xooga dalka Somalia baan u babac dhignay oo waliba wata south african iyo qaar caloosha u shaqeystayaal Somali maxammad jareer iyo jilleyc waxane ay rabeen inay dhulkayaga ummado kale ku beeran laakin wa runta Mujahidin ba u kacay oo carada difaacay. Laakin SNM kolkey ay dalka xoreyeen oo calanki u tageen ummadaha Somaliland degan waxay u yeedheen dhamaan beelihi Somaliland wada degi jirey ahna inti u ingriisku gumeysan jirey British Somaliland protectorate waxana lugu heshiyey in ay Somaliland noqoto dal xor ah oo xalaal ah oo calan leh oo noqota jamhuuriyada madax banaan reerkasta oo Somaliland degen na waxay tabanayeen inay miiska so dhigaan shirki ugu horeyey wuxu ka dhacay burco shirki labaad na wuxu ka dhacay borama shirki ugu danbeysti na wuxu ka dhacay Ceerigaabo sanaag inta ba waxa lugu heshiyey inaynu noqono beelo u bahoobay qaranimo. -
Shacabkamedia: SSC Iyo Somaliland Waa Inay Midoobaan: Cali Khaliif
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
A khadar adeer who are you fooling your garaads have more power then your Xaglatoosiye and sabaray when garaad abshir said i am going to talk to the Somaliland officials your xaglatoosiye could not stop him. while buurmadow gets beaten up by some of his tribes men in the UAE you can't compare the two try again. -
Somalia´s Crimes in Somaliland: Forgiven but unforgettable – Part I
Xaaji Xunjuf replied to AfricaOwn's topic in Politics
Taleexi;714442 wrote: War raggu cabaad badanaa.... bal Soomaali oo dhan baan waxba isula hadhin oo haddana rabta inay wada noolaato.... Some folks never learn... Adeer bal tirtira beelaha kale ee idinkula nool waqooyiga waa sidii hore loo yiriye bal aarsada oo hadalka naga daaya. Somali rabta inay wada noolato anagu manu arkin after 20 years halkeed ku maqnayd 20 sannadood eeh ay xabadu maalin kaliya is taagin -
Somaliland Minister of Justice we represent the people of awdal.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ that was funny afka wax ka xadeen 8 sannoh xaabsade wuxu laha Somali diid from 1999 till 2007, hada affar sannoh wuxu leeyahay Somalilandiid give him time hala qabsado niyo -
Somaliland Minister of Justice we represent the people of awdal.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ wa sidu wasiirku hadalka u dhigay -
Somaliland Minister of Justice we represent the people of awdal.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wasiirka Cadaaladda Ee Somaliland Oo Sheegay In Dadka Reer Awdal Aanay Weligood Ka Laaban Doonaan Midnidamada Somaliland. Hargeysa (Ramaas)Apr. 25, 2011- Wasiirka wasaarada cadaaladda iyo gasoorka ee Somaliland Pro Ismaaciil Muumin Aare, ayaa maanta shaaca ka qaaday in aanay shacabka ku nool gobolka Awdal marnaba taageerin doonin qorshe lagu wiiqayo midnimada Somaliland oo ah mid muqadasa. Pro Aare oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada caasimada ah ee Hargeysa, ayaa beeniyay warar ay warbaahinta ku faafiyeen dad qurojoog ah oo u dhashay gobolka, kuwaas oo sheegay in dadka reer Awdal ay ka noqdeen midnimada Somaliland oo ay taageersanyihiin maamul ay ula baxeen Awdal State oo fadhigiisu yahay wadanka Maraykanka, isaga oo sheegay in wararkaas ay yihiin dacaayado raqiis ah oo aan sal iyo raad lahayn. Waxa uu sheegay in beeshiisu ay hormuud ka ahayd shirarkii dib heshiisiinta beelaha Somaliland oo dhidibada loogu taagay Jamhuuriyada Somaliland, iyada oo ay labaatankii sanno ee u dambeeyay ay masraxa siyaasada Somaliland ay ka dhexmuuqanayeen siyaasiyiin ka soo jeeda oo talada dalka mansabyo ka sare ka soo qabtay, waxa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee dalku Md Daahir Rayaale Kaahin oo hogaanka hayay muddo sideed sannadood ah uu ka soo jeedo gobolkaas sidaas darteedna shacabka looga baahan yahay in aanay dhagjalaq u siin kooxaha Somaliland diidka ah. Pro Aare waxa uu sheegay kooxda in maamulka Awdal Stat kaga dhawaaqday Maraykanku ay yihiin qaar aan wax taageero ah ka haysayn oo marin habaabiyeen dad dano gaar ah ka leh burburinta Somaliland oo adeegsanaya si ay u gaadhaan yoolkooda, waxaana uu sheegay in midnimada ay markasta tahay muqadas ay u wada hogaansanyihiin dhamaanba shacabka reer Somaliland. -
Wasiirka Cadaalada Oo Sheegay Inaanay Masiirka Awdal Aanay Go’aamin Karin Shakhsiyaad Qurbo-joog Ahi April 25th, 2011 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aare, ayaa maanta jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay shakhsiyaad Somaliland diid ah oo ka soo jeeda qurbo jooga gobolka Awdal, kuwaasi oo sheegay inay qorshaynayaan sidii Maamul gaar ah ay ugu sameyn lahaayeen Gobolka Awdal. Wasiirka Cadaalladda oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa wuxuu sheegay inaanay iraadada shacbiga Gobolka Awdal aanay majaro habaabin Karin shakhsiyaad qurbo joog ahi. Wasiirku wuxuu sheegay in dadweynaha Gobolka Awdal ay kaalin wax ku ool ah ku lahaayeen Somaliland illaa xiligii gobinimo doonka iyo marxaladihii dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland ee shirkii beelaha Somaliland ku yeesheen sanadkii 1991-kii Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer. Prof. Ismaaciil Muumin Aar waxa uu sheegay inaan mugdi la gelin Karin mowqifka Somalilandnimo ee shaciga gobolka Awdal, waxaanu tilmaamay in Magaalada Boorame lagu qabtay sanadkii 1993-kii shirkii labaad ee beelaha Somaliland kaasi oo lagu soo doortay maamulkii uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal isla markaana uu Madaxweyne Ku Xigeen ka ahaa Mujaahid C/Raxmaan Aw- Cali Faarax. Wasiirku wuxuu sheegay in muddo sideed sanadood ah uu Somaliland Hoggaaminayay Madaxweyne ka soo jeeday Gobolka Awdal , imikana ay u hoggaansamayaan Hoggaanka dalka. Waxaanu xusay in shakhsiyaadka qurbo jooga ah ee dibadaha ka hadaaqayaa aanay ka tallin Karin masiirka siyaasadeed ee reer Awdal. Prof. Ismaaciil Muumin Aarre wuxuu u soo jeediyay shakhsiyaadka dhalinyarada ah ee Somaliland diidka ahi ay dadkooda wax ka soo taraan abaaraha ba’an ee dalka ka jira, waxaanu ku dooday in cidii wax ka tabanaysa xukuumadda uu ka tirsan yahay ay la xidhiidhaan dawlada dalka ka jirta. “Shacbiga reer Awdal Somalilandnimadooda muran kuma jiro oo Somaliland reer Awdal baa leh cidi kama laha, cidna uma dabo fadhiisanayayaan, waxyaabaha ay tabanayaanna Anagaa xukuumaddii ugu jirna oo matalayna Xildhibaanadii iyo waxgaradkii ayaa qoray tabashadoodii waxaana loo gudbiyay Madaxweynaha Somaliland,”ayuu yidhi Md. Ismaaciil Muumin Aare. Wasiirku waxa uu u soo jeediyay dadka ka dambeeya dhalinyarada qurbo jooga ahi ay wax kale ka waantoobaan “Waxaan leeyahay raga dhalinyarada yar yar ee qurbaha ku dhashay marin habaabinaya ee ku gabraaranayoow wax kale raadso waxani idiin suurtoobi maayaane’e.
-
Somaliland:The Mayor of hargeysa Mr Jicir opens a new road+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
War niyo wadada ha mucaraadin niyo wa wado ku so korodhay caasimadeena.
-
Popular Contributors
