-
Content Count
30,080 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Posts posted by Xaaji Xunjuf
-
-
War yaa Muslinow Muse ismaciil ah sharcigina diiday habrihi iyo odayadi wada joogay na diiday guurtidi wada abtiyesna adeereysna oo cumaamadu wada saarnayd na wuxu ka so qaaday qaar aan cadalaada ku dhaqmayn isna cadalaadi inu wax ku daro ma rabo, oo wuxu na leeyahay haydaydan ila khaatumeyn waad kharash beeleysiin.
-
^^ Aaliyah i am not even from woqooyi galbeed lool or togdheer lol
Taleexi ma dastuur cusub baad rabta inaynu samaysano wa hagaag dee wa inaynu barlamaanka dhex marina adigu so farsame eeg wax walba wa flexible wax badan walaga tanasuli kara laakin inaynu wada joogno wa muhiim.
-
^^ maya dee taleexi awoow ma inaga kala marana soo isku qanuun iyo sharci ma nihin:D
-
Aaliyah we all know khaatumo is not part of Somalia it was rejected by the garowe clan enclave , khatumo is part of Somaliland khaatumities are citizens of the republic of Somaliland. If khaatumo was part of Somalia they would've been part of the garowe accord just a few days ago. But Khaaatumites fall under the jurisdiction of Somaliland.
-
Dhibaatada Somalida haysata waxa weye isma aminayan aniga iyo taleex famaly baanu nahay hadana ima aminayo wa dhibaato hor hel oo loo bahan in la daweyo laakin hada la yidha mamuul kasta wa dawlad state dee Somalia maxa u hadhaya , dawlad waxa lo bahanyahay asaas adag oo marka na decentralizationlugu sameyo gobolada dalka ay si gaar ah isku xukuman iyado oo ay dawlada dhexe jirto oo dalka ka taliso , Abwaan wa runti hadaan xumaan la rabo Walaalaha Somalida eeh Somalia waxan odhan laha wada gobolo noqda reerkasta tuuladisa ha u taliyo si anay u cago dhigan laakin runti odhan mayo sabab wanaagooda wa wanaagayga , aniga wanaagayga wa wanaaagooda. Eeg maha in wax kasta caasimada laga dhigo hayadaha dawliga dalka oo dhan ba la gaadhsin kara gobolkasta na wa is mamuulaya , laakin waxan mamuul goboleedyada badan la yidha waxay horseedeysa in mamuul beleedku tago kenya danta reerkisa u tago mid kale na Ethiopia tago dabeedna dawlada dhexe wax la taliyo oo u taliyo ba wayo ma sidaasad rabtiin, War niyo Somalidu siday wax u fahman halkay u socdaan ba ma oga federaal uun bay maqleen.
-
Federalismku runti Somalia uma wanaagsan goboleysi qabileysan dabeedna dawlad dhexe oo awood yar waxay danta ugu jirta Ethiopia iyo kenya awooda hadaad siisiid goboleysi dee maxaad so kordhisay Somalia ma dad kala diin iyo kala af iyo kala qawmiyada baaa? Oo la kala ilaalinayo Bal hadaad dhowr gobol oo caadi ah u samaysiid oo isku jir ah dawlad dhexe oo adag maha in wax walba xamar laga dhigo hayadaha dawliga qaar waxaad ka dhisi karta garowe qaar baydhabo qaar galkacyo si dalka oo dhan isu gaadho.
-
^^ Haa Amba waan fahmi wayey waxay ku diideen,mabay xumayn waxa ka so baxay garowe.
-
Why do they oppose it its not a bad deal
-
abwaan ururku waxa weye Somaliland sinaan cadaalaada daryeela.
Taleexi maad naga deysin idinku wabad isku toogatan markay barjeeyntu idinka wiiqanto:D
-
^^ wa urursiyasad ka tirsan urur siyasadeedyada Somaliland
-
M/weyne Siilaanyo oo gaadhay Britain kana hadlay rajada ay ka qabaan shirka London
February 19th, 2012
London (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayay ayaa maanta gaadhay magaalada London ee dalka Britain, waxaana madaarka Heathrow Airport si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin iyo xubno badan oo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK.
Madaxweynaha waxa ku soo dhaweeyay saraakiil ka socday xafiiska Raysal wasaaraha Britain iyo Wasaaradda khaarajiga dalkaasi, Wasiirul dawladaha arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed-rashiid Sh. Xasan, Wasiir Ku xigeenka arrimaha dibadda Md. Maxamed Yoonis Cawaalle, Wakiilka Somaliland ee UK iyo xubno badan oo ka mid ah jaaliyadda Somalland ee wadanka UK.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo markii uu ka soo degay madaarka London saxaafadda u waramayay ayaa si weyn ugu mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee soo dhawaysay.
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay shirweynaha Ingiriisku ku qabanayo 23-ka bishan magaaladda London oo uu tilmaamay in isaga iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayaa ay ku casuuman yihiin kana filayaan in qadayadda Somaliland lagu dhegaysto shirkaas.
“Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa dadka I soo dhaweeyay ee reer Somaliland, waxaan socdaalkayaga u imid dalkan inaan ka qeyb galno aniga iyo wefti balaadhan ee ila socdaa oo aan rajaynayno inaan kaga hadlo danaha Somaliland Inshaalaahu,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Shirkan waxaanu ka filaynaa waxa weeye inay duniddu na dhageysato mashaakilka mandaqadda ka jira, horumarka aanu samaynay iyo baahiyahayaga , waxaanu doonaynaa inaanu arrimahaasi ka hadalno.”
Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo xoghaynta gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Cali.
Waxa kale oo la filayaa magaaladda Addis-ababa ay ka soo ambo baxaan maalinta bari weftigii kale ee uu Hoggaaminayay Wasiirkaa warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade,oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Xanaanadda xoolaha Dr. Cabdi Aw-Daahir, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada iyo masuuliyiinta sadexda xisbi qaran.
-
Siyaasi Ka mid ah Ururka SSCD oo dhaliilay kana Soo hor Jeestay Dhawaqii Taleex Sheegayna in Ururkani uu ka tarjumaayo Danaha Beesha Degta Dhulkaasi.Waraysi Md CabdiKariim Axmed
February 19, 2012 - Written by Admin
Gudoomiyaha Ururka SSCD ee Dalka Mozambique Md CabdiKariim Axmed Maxamuud oo Maanta Khadka Telefanka Kula Soo Xidhiidhay Shabakadda Wararka ToggaHerer ayaa Ka Hadalay arrimo badan oo ay Ka mid Yihiin Arrimaha Ka Taagan Buuhoolde Ururkiisa SSCD Baaq Nabadadeed oo uu u diray Somaliland iyo Shacbiga Reer Buuhoodle .
Mudane Md CabdiKariim Axmed Maxamuud oo Ka mid ah Ururka SSCD Ahana Gudoomiyaha Ururka ee Dalka Mozambique Ayaa Sidoo Kale dhaliilay kana Soo hor Jeestay Dhawaaqa Taleex Sheegayna in Ururka SSCD uu ka turjumaayo Danaha Beesha Degta Dhulkaasi.
-
Well done dawlada hoose eh Ceerigaabo
-
-
Buurmadow daahir calasow waagacusub funny stuff:D
-
War Deg Deg ah:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Siilanyo iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Goor dhawayd ka soo Dagay Heathrow Airport London
February 19, 2012 - Written by Admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Waftigii uu Hogaaminayay ayaa Goor dhawayd Soo Gaadhay Caasimada Wadanka Ingiriiska ee London.
Waftiga Madaxweynaha ayaa ka soo Dagay Garoonka Diyaaradahu Soo Caga dhigtaan kana haadaan ee Heathrow Airport iyaga oo ka soo duulay Wadanka Kenya Waxaana Madaxweynaha Ku weheliya Safarkiisan Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskashiga Caalamiga Ah Dr Maxamed Cabdilaahi Marwada Madaxweynaha Marwo Amina Waris iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.
Waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Siilanyo ayaa ka qayb galaya Shirka Soomalida loogu qabanayo UK gaar ahaan London 23 Bishan February .
Geesta Kale waxa La filayaa in Waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilanyo ay kaga Biiraan Xubno kale Wadanka UK iyada Xubno kalena la filaayo in ay Maalinta Berri ah ka ambabaxan Caasimada Ethiopia ee Addis Ababa .
Wararka Waftiga Madaxweynaha Inshaa Allah Kala Soco Shabakadda Wararka ToggaHerer
-
Guys it will all come down to negotiations the world in particularly the west is tired of Somalia's problems piracy international terrorism Alqaeda.The biggest obstacle for Somaliland and Somalia to restore bilateral relations is because the world continuously made the mistake that by supporting a government in Mogadishu with Millions of dollars in aid and international support. instead of engaging with Somalilands legal govt and perhaps in the long term with the established ineffective TFG govt in Mogadishu this however requires the needed mechanism to once and for all solve the wars an instabilities in Somalia and restore a government in Somalia which will be effective.The west made the miscalculation by not giving Somaliland and Somalia its equal status even when discussing the dissolution of the union 21 years ago.When ever they try to restore a government in Mogadishu they are knocking on the wrong doors they are trying to fix Mogadishu from London. Gone are the days faraah that Somaliland and Somalia were one country that union is long dissolved. Oodweyne Somaliland statehood is indisputable the leaders in Somaliland know that they know that very well, also why do you think Siilaanyo wanted the entire nation to support him in par taking the conference if he was so certain about his seat he would've not be walking on thin ice. He knows what is at stake and the government of Somaliland just changed its policy when it comes how to deal with Somalia clearly Somaliland has a special status at the conference the brits made that clear but the brits are also not trustworthy when it comes to their deceivisive diplomacy as they did not clarify the aim of the conference a six hour conference we shall see the outcome good luck Somaliland leaders.
-
Where is the stadium it looks like meesha dabaajirta Bosaaso xashisha ka gurtan.
-
Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii oo ka soo Duulay Cigaal International Airport una sii jeeda Dalka Kenya
Hargeysa(Waaheen) Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa hada ka soo Duulay Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaaladda Hargeysa, waxaanu u sii jeeda dalka boqortooyada Ingiriiska isagoo ku sii hakan doona dalka Kenya.
Madaxweyne Siilaanyo oo qolka Nasashada ugu waramay Warbaahinta ka hor intaanu duulin ayaa sheegay ujeedada Socdaalkiisu inay la xidhiidho shirka Ingiriiska ka dhacaya oo lagu marti qaaday.
Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo ka jawaabay Su’aalo laga weydiiyay Musuq maasuqa lagu Eedaynayo qaar ka mid ah Xukuumaddiisa waxaanu sheegay in ay jiraan Hay’addo ku shaqo leh isla markana aanay jirin waxa la sheegayo isagoo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir ku Tilmaamay nin Xildoon ah oo ka turjumayn xaqiiqada waxa uu sheegayo
-
Che -Guevara;790540 wrote:Carafaat ayaanba waxyi baa kusoo daga. This is one of those moments.:D muxu yidhi kiki wa sister waba af yaro iska salamu calaykum ah
-
Puntland is a federal state of Somalia it comes under Somalia and under the authority of the TFG and Putting the Somalia Flag next to the regional flag of a regional state is just despicable i cannot accept this.
-
Kii hore eeh dawladi Maxammad siyaad bare baan haysta waxan hada la mal maluuqey ma haysto
-
Why does it look like two head of states meeting protocolka waxba ka qaldan faroole wa governor Madaxweynuhu wa sharif
-
Mandeeq ku tabnay ku tabnay who knows markanu u lisno reer Somaliland Somalida kale wax walaga siin
What does it mater Somalia puntland manay isku mid ahayn galkacyo haday raacdo Galmudug ama Pudhlayn wa isla halki adeer wa isla wixi uunadeer halkeed u kala wada. Look at you're name Somalia hadana ur a puntlander:D
Dhegeyso Garaad Xumada Beelaha Dhexe: Boqor Buur Madaow oo Kor Iyo Hoosba Is-Burinaya
in Politics
Posted
Aaliyaah wa runteed shaadhka khaatumo waan xiidha shaadhka ssc waan xidha shaadkha usp waan xiidha shaadhka somalilayn waan xiddha oo halkaas babay ku wada aroorta waba halkaynu ka bilownay asaaskeeni .reer cali shire iyo reer Cali koore haday xuruguftan ka dhaxayso cidi u gurmanayso wa aniga isna wa ogyahay mana foga taleexi wuxu diidsanyahay na wa in la xaliyo. Oo sidi xal waarta loo dhalin laha wa in tanasul badan yimaado weye. Dadkani way wada noolayeen inti anu frenjigu ino iman oo cid walba og taas waxani wa iska yar siyasad yar oo meel loo Waayey.