Land_Soldier

Nomads
  • Content Count

    535
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Land_Soldier

  1. Thankful, Dont mind JB. tell me how the whole Galgala issue is at the moment. Did Puntland catch Atam. If you catch him will he be executed like the other Makhirir's and SSC in prison? Or are there any courts in Puntland.
  2. Somaliland is a divers country with all kind of people from diffrent clans. Eventhaught some people would like to see it dominated by one clan, its not. accept that.
  3. Well Thankfull thinks Somaliland should invade SSC region. So Puntland would look less bad with the whole Galgala issue.
  4. what Jahilnimo? its a fact. And I think it deserves to be told.
  5. Come on guys, there must be other supporters of the SUPER Party.
  6. There have been so many clan fights since the run on oil and natural resources. This has created instability. You guys try to ignore the real cause of these conflicts.
  7. Khadar, you still havent answered the question? What were you doing the past 20 years, if you say I have wasted my time.
  8. The new director of the Somaliland Road Authority is from the ********clan. See how divers our country is. I hope he improves some of the roads. And the roads to Dilla, Erivago and Badhan finnally get finished. Maareeyaha Cusub Ee Hay’ada Wadooyinka Oo Maanta Xilkii Si Rasmi Ah Ugala Wareegay Maareeyihii Hore (Hadhwanaagnews) Wednesday, September 01, 2010 Hargeysa (HWN) Maareeyihii hore ee hay’ada wadooyinka Somaliland Maxamed C/laahi Faahiye ayaa maanta si rasmi xilkii ugu wareejiyay Mareeyaha cusub ee Ha’yadaas C/waaxid C/qaadir C/raxmaan. Xaflada ay labada masuul xilalka kula wareegayeen oo ka dhacday xarunta hay’ada wadooyinka ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Ganacsiga. Ugu horeyn wasiirka wasaarada Maaliyada oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Si guud haddii aan uga hadlo mashaariicda hada inoo socota, dariiqyadu waa laf dhabarta koboca dhaqaalaha dalka, magaalada Ceergaabo waxa inaga xidhay dariiqaa aan dhisnayn, ganacsigooduna badanaa waxa uu xidhiidh la leeyahay Somalia, haddii loo guntadana waa dariiq samayntiisa la dhamayn karo, gobolkaasina intii loo hiloobayayba wuu leeyahay, markaa maanta waxa inaga gooyay waxa weeyaan dariiqaas aan samaynayn” ayuu yidhi wasiirka Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi. Wasiirka maalyada ayaa dhinaca kale cadeeyay in waxa keliya ee lagu horumarin karo dalkeena waliba dekedu ay tahay iyada oo dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo aanay lahayn deked loo sameeyo dariiqyo badan, kuwaas oo sahli karaya in uu ganacsi xoog lehi ina dhex maro “Ethiopia waa meesha aynu ku taamayno in ay dekedeenaa berbera ay isu furnaadaan, dekedeenana aynu horumaru marino waayo iyagu bad xidhan bay ku jiraan, hadaba waxa lagu gaadhi karo dariiqyada ayaa ka mid ah” Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa kale oo uu tilmaamay in miisaaniyada dawlada lagu daro doono hay’adan wixii suurtogal ah “Waxa uu soo jeediyay maareeyaha cusub in hay’adan Miisaaniyada dalka wax loogu daro, anigu waan qabaa in wax loogu daro, wixii suurtogal ahna waxa la inooga baahan yahay in aynu xisaabta ku darsano, waayo waxa ay soo saarayaan ayaa ka badan waxa la siinayo, waxa aynu u baahanahay in aynu qalabkii lagaga shaqayn lahaa dariiqyada yeelano oo soo iibsano” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Mud. Maxamed Cabdi Gaboose oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu marka hore soo dhaweynayo Mareeyaha cusub ee Hay’ada wadooyinkii, isla markaana u ducaynayo in uu ilaahay u fududeeyo xilka culus ee uu tunka u ritay kii hore ugu hambalyaynayo mudadii uu xilka hayay wixii uu soo qabtay “Anigu Cabdi Waaxidoow kuu hambalyaynmaayo ee waan kuu ducaynayaa, waayo hawsha ku hortaalaa way ii muuqataa, anaguna waxa aanu ku jirna guddida hawsha kugula jirta, waxa aad waliba ku sii nasiib badan tahay weelkii lacagtu ku jirtay ayaa guddida lagu darayoo waxba waayi maysid. Waliba waxa aan kaaga sii farxinayaa waa nin (Wasiirka Maaliyada) hadal gaaban oo hore waxba ugama soo dhacaan, laakiin maanta waxa ka soo dhacday lacag badan, markaa waxa aan kuu rajaynayaa in uu ilaahay kugu garab galo hawsha balaadhan ee aad tunka u ridatay. Kaabayasha dhaqaalaha ee ugu waaweyn weeyaan waayo ninkii beer lihi haddii aanu haysan meel uu soo mariyo wixii uu beertiisa ka soo goostay beertii way xanibmaysaa” ayuu yidhi wasiirka wasaarada arrimahag gudaha Somaliland. Waxa isna gabogabadii xaflada ka hadlay wasiirka wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka Md. Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu wasiirka wasaarada maaliyada ka codsaday in cashuurta laga qaado gaadiidka lagu shubo hay’ada wadooyinka si buu yidhi wax looga qabto baahiyaha dhinaca jidadka. Waxa kale oo uu wasiirku tilmaamay in wasaarada loo dhiibay ee hawlaha guud ay tahay mid naafo ah oo aanay hada gacanta ugu jirin gaadiidkii iyo hantidii ma guurtada ahayd. Wasiirka ayaa tilmaamay in isha keliya ee ilaa hada u dhaqdhaqaaqaysa wasaaradiisu ay tahay hay’ada wadooyinka “Wasaaradayadani waa naafo, ilaa hadana waxa aan gacmaha ugu jirin dhulkii iyo gaadiidkii, laakiin meesha keliya ee noo dhaqdhaqaaysaa waa ha’ada wadooyinka, waxaanan codsan lahaa lacagta laga qaado gaadiidka si toos ah ugu soo dhacdo hay’adan si wax looga qabto wadooyinka” ayuu yidhi wasiirka wasaarada hawlaha guud. Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay maariyihii hore oo sheegay in ay waxyaabo badan u soo qabsoomeen isla markaana uu la shaqayn doono maareeyaha cusub. Maareeyaha cusub ayaa isna tilmaamay in uu inta karaankiisa ah wax ka qaban doono wadooyinka, waxaanu shaqaalaha kula dardaarmay in ay ula shaqeeyaan sidii fiicnayd ee ay u soo wada shaqeeyeen maariyihii hore. Najax Aadan Cunaaye Hadhwanaagnews/Office Hargeysa/Somaliland Najax@hadhwanaag.org
  9. Inadeero, ramadaantan waan ku waayay. maad iga gaabsataa? ilahay kheyr ha ku siyee, Iida sawiro wacan noo soo gali meeshan. siiba habliihii yar yaraa soo sawir.baryahanba waan ka soomanaa sawiradadii.
  10. it feels like Somaliland ine istaagtay oo ka dibna fariisatay. its a feeling, I know its not the case. I cant help it. I miss my former P and VP. Ilaahay kheyr ha siiyo odayaashan.
  11. What am I assuming? Atleasy Riyaale knew how to deal with these traitors.
  12. After 18 years Somaliland is free. Free from Xali Xoor Xoor, the Berbera Port Manager. A new day, a new dawn full of New hope for my beloved Berbera. Thank you President Silaanyo. Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera ee 18-sano ka dib shalay si rasmi ah Xilkii u wareejiyay http://gabiley.net/pages/tDetails.php?source=news&ID=13509&permission=1&audioFile= Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo labadan Masuul xilka kula kala wareegayeen, laguna qabtay Xarunta Dekedda... Daawo Video gan Mareeyihii hore ee Dekedda Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor xoor), ayaa shalay si rasmi Xilkii ugu wareejiyay Maareeyaha Cusub ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) u soo magacaabay Dekada Maxamed Yuusuf Dirir. Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo labadan Masuul xilka kula kala wareegayeen, laguna qabtay Xarunta Dekedda, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Kalluumeysiga iyo Maamulka Dekeddaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Maamulka Gobolka Saaxil iyo Shaqaalaha Dekedda Magaalada Berbera. Munaasibadan uu Xilka ku wareejinayay Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor xoor) oo mudo 18-sano ah soo hayay Maamulka Dekedda, ayaa hadal uu ka jeediyay Xafladaa Xil-wareejinta waxa uu si qoto dheer uga waramay waxyaabihii u qabsoomay Mudadii uu Maareeyaha ka ahaa Dekedda Berbera, isaga oo sheegay in marxalado kala duwan uu ay soo martay Dekeddu, isla markaana Maanta ay mareyso meeshii ugu fiicnayd. Mareeyihii hore ee Dekedda oo halkaa hadal ka jeediyay waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Dekedda Berberi waa meesha uu u ku tiirsanyahay Dhaqaalaha Dalka mid shacaba iyo mid Dawliyiba, waana meesha aynu xidhiidhka kala leenahay Caalamka ee waxna inooga dhoofaan waxna inooga soo dagaan. Wadamada aynu jaarka nahay waxaa u mara badeecado kala duwan.” Ayuu yidhi Eng: Cali Xoor xoor. Waxaanu intaasi ku daray oo uu sheegay Maareeyuhu in lacag dhan 275,000$(laba boqol iyo todobaatan kun oo Dolar), ay qasnada Dawlada ugu jirto oo ay wareejinayaan. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera Maxamed Yuusuf Dirir, waxaanu ku amaanay Maareeyihii sidii hawl karnimada lahayd ee uu shaqadiisa u gudan jiray intii uu Xilka hayay. Maareeyaha Cusub waxa uu balan qaaday inuu halkaasi ka sii anba qaadi doono siina horumarin doono Dekedda Berbera. Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga, Khayraadka Badda iyo Dekeddaha oo ka hadlay Munaasibadaa Xil wareejinta ayaa waxa uu mahad celin balaadhan u soo jeediyay Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera oo uu sheegay in mudadii Sideed iyo tobanka sano aheyd ee uu hayay Xilka Dekeda Berbera uu muujiyay wax qabad muuqda waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu mahad celinaynaa Maareeyihii hore ee Dekedda Cali Xoor xoor, oo muddo dheer ka soo shaqeynayay Dekedda Berbera, lana odhan karo waxyaabo badan ayuu Dekedda ka qabtay intii uu joogay. Taana waanu ku amaanaynaa Xilkuna waa meerto oo maalinba ninbaa qabanaya.” Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Badhasaabka Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste (Ramaax) iyo Maayarka Magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab, kuwaas oo dhamaantood amaan u jeediyay Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor xoor, balana qaaday inay la shaqayn doonaan Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera Maxamed Yuusuf Dirir Gabiley News Desk Hargeisa/somaliland
  13. In 2003 Generaal Qaalib was arrested at the airport after he tried to enter the country. Jaamac Maxamed Qaalib oo Hargeysa lagu xiray[/b] Axmed Saciid Cigeh - BBCSomali.com Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ah siyaasiyiinta u ololeeya midnimada Somaaliya, oo haatanna ka qayb gelayay shirka kooxaha soomaaliya uga socda Nairobi, ayaa shalay maqribkii ay ciidanka boliiska ee Hargeysa jeelka u taxaabeen. Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib siday ii sheegeen askarta boliiska ee gegida dayuuradaha ee EGAL INTERNATIONAL AIRPORT waxaa la qabtay isagoo ka soo degay dayaarad ay leedahay sharikadda DALLO AIRLINES shalay maqribkii, duulimaadkaasi oo ka yimid Nairobi, soona maray jabuuti. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada La magac baxaday Somaliland, Ismaaciil Aden Cusmaan oo faahfaahin ka bixiyay xadhiga generaalka wuxuu ii sheegay in jaamac maxamed qaalib-waa siduu hadalka u dhigaye-uu u banbaxay had iyo jeer minjaxaabinta jiritaanka qarannimada Somaliland, taasoo uu marar badan ka qayb galay ayuu yidhi shirarka somaliweyn oo uu kaga dodo inaanay Somaliland marnaba goonni isutaagi kareyn . Wasiirku wuxuu intaa ku daray inay ka warqabaan in maalmo ka hor uu jaamac maxamed qaalib isagoo dhex fadhiyay genneraalladii xasuuqa ka geystay Somaliland ee moorgan iyo gaanni shirka kooxaha soomaliya ee Nairobi uu kaga doodayay hub ka dhigista Somaliland. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Ismaaciil Aden Cusmaan wuxuu kaloo sheegay inay muddoba isha ku hayeen dhaqdhaqaaqa jaamac maxamed qaalib, kana warqabeen imaatikiisa hargeysa oo ay usii diyaargaroobeen. Wuxuu sheegay wasiirku in markii boliisku qabteen generaal jaamac la mariyay nidaamka sharciga u yaalla Somaliland markiiba , iyadoo la mariyay buu yidhi xeer ilaalinta , garsoore maxkamadeedna la horkeenay sidaana xabsiga loogu gudbiyay . Wasiirka oo aan weydiiyay waxa jaamac maxamed qaalib uu kaga duwanyahay dadkii isaga la midka ahaa oo qaar badani ay haatan si xor ah ugu noolyihiin magaalinka Somaliland ? wuxuu ku jawaabay wasiirku inay jiraan dadkaasi laakiin ay markii hore cafis dawladda Somaliland u soo qorteen. Wuxuu intaa ku daray wasiirku ismaaciil aden cismaan in Jaamac Maxamed Qaalib uu iska yimid isagoon wax cafis ah soo qoran. Dhinaca kalena, Guriga Jaamac maxamed qaalib oo maanta aan tegay ayaa waxaan kula kulmay wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed qaalib wuxuuna ii sheegay in loo diiday saaka inuu arko aabihii markii uu doonay inuu jeelka ugu geeyo gogol iyo cunto , ilaa iyo haatanna aanu garaneyn waxa aabihii lagu xidhay ee loo haysto. Wararka qaar ayaa sheegaya in generaal Jaamac Maxamed Qaalib uu u socday magaalada muqdisho laakiin waqtiga oo madow noqday ay diyaaradda noqotay in ay u hoyato hargeysa markii ay dhigtay rakaabkii u socday hargeysa.
  14. General Jaamac Maxamed Qaalib Oo Imanaya Somaliland. Miyuu Cafis Ka Helay Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo (Hadhwanaagnews) Wednesday, September 01, 2010 Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib (HNW)- Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ah masuuliyiinta mudada dheer ku soo jira siyaasadda mandaqada, ayaa lagu wadaa inuu Ciidda Ramadaan oo ay inaga xigaan maalmo koobani ka soo dego garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa. Sida Shabakadda Somalilandpress u xaqiijiyay Wiil uu dhalay Jeneraal Qaalib oo ku sugan magaalada Hargeysa, socdaalka uu dalka ku imanayo waxa uu ka dambeeyaa kadib markii is-afgarad uu dhex-maray xukuumadda Somaliland ee dhawaan xilka la wareegtay ee la soo doortay. Isla markaana Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed oo u waramayay weriye Cabdiqani Xuseen Baynax iyo xafiiska Somalilandpress ee Hargeysa, ayaa sheegay in aabihii uu xilligaas si rasmiya u iman doono Hargeysa. Hase yeeshee, ma jiraan warar rasmiya oo cadaynaya imaatinka Jeneraal Jaamac iyo weliba ilaa hada waxyaabaha ay dawladda Madaxweyne Siillaanyo ka wada hadleen. Dadka siyaasada u dhuun-daloola ayaa waxay sheegayaan in Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib iyo Madaxweyne Axmed-Siillaanyo ay ahaayeen saaxiibo isku dhaw, iyada oo Jeneraalku xidhiidh adag la lahaa Md. Siillaanyo waqtigii uu Ururkii SNM hogaaminayay, isla markaana uu siin jiray warbixino siro ahaa oo ku saabsan hadba halkii xaal marayay, xataa isaga oo ka tirsanaa waqtigaas dawladii Maxamed Siyaad Barre, kuna sugnaa magaalada Muqdisho. Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo Wasiirkii Arrimaha Guddaha Dawladii Soomaaliya ugu mudada dheeraa, lana sheegay inuu ahaa kii ugu awoodda badnaa, ayaa arrimihii ay isku khilaafeen Maxamed Siyaad Barre waxa ugu waynayd isaga oo lagu eedeeyay kaaimihii uu ka ciyaaray taabo-gelinta Ururkii dib-u-xoraynta dalka ee SNM. Jeneraal Jaamac Yare oo ka tirsan Inter-Poll ama Booliska Caalamiga ah, ayaa sidoo kale xubin ka ahaa Baarlamaankii ugu horeeyay ee Somaliland yeelato waqtigii maamulkii SNM xilka wareejiyay, waxaana uu hada ka mid yahay siyaasiyiinta ugu magaca wayn Somaliland iyo Somalia-ba. Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu dambaysay Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo sanadkii 2003-dii, waqtigaas oo uu safar aanu ku guulaysan ku yimi dalka, ka dib markii ay xabsiga u taxaabay xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale, iyada oo weliba dalka laga mastaafuriyay, sidaa aawadeed-na waxa uu u sii gudbay dhinaca dalka Djibouti, halkaasoo marka horeba uu socdaalkiisu ku jeeday si uu uga qaybgalo shir waqtigaa halkaa ka dhacayay. Xigasho: Ogaal
  15. So, at least the ones with sufficient amount of money can stay.
  16. I think you should focus your anger to Maxamed Xaashi who insulted a collegue in the media. Or are you one of those clan cheerleaders, who is supporting this mad men?
  17. Why does Puntland deport all these people to the South? What crimes have they committed?
  18. Thankful or GD, how many has Puntland deported till now?
  19. Its been only 1 month that they started working and now already Mahamed Xashi is picking fights with another Minister. Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Ku Sheegay Wasiirka Kaluumaysiga Khayraadka Badda Iyo Maamulka Dekedaha Inuu Meel Kale La Heysto (Hadhwanaagnews) Wednesday, September 01, 2010 Maxamed Xaashi Cilmi Hargeysa(HWN) Wasiirka Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababa keenay wakhtigan kor u kaca raashinka quutal daruuriga iyo hoos u dhaca lacagta Dolarka, isaga oo ku eedeeyey tijaarta Somaliland inaanay dawladnimada ogolayn,waxaanu yidhi “Laakiin tijaartu dawladnimadda ma ogola, mar haday madaxweynaha, haystaan cid kale waxba kama dhegaystaan oo kuwaasi waa nimanka dadka halkaa dhigay, ee hadba sicirkay doonaan wax ku iibinaya, taasi waa ta raashinka,” Mar uu Wasiirku ka hadlayey sababaha wakhtigan keenay inay Lacagta Dolarka ahi hoos u dhacdo ayaa waxa uu yidhi “Xaga Dolarka hoos u dhaca ku yimi waxa sababay dhawr arimood oo is barkan, kuwaas oo kala ah, baanka oo aanay oolin shilin Soomaali uu suuqa ku sii daayaa iyo adhigii oo furan oo lacag Dolar ah lagu iibsanayo, oo sababtay in doolar badani suuqa soo galo iyo dadkii dibadda ka soo xagaa baxay oo iyaguna doolar sitay, laakiin waxay ahayd mar hadii doolarkii jabay in markii hore intii doolar ee uu siinayay uun ganacsatadu ku iibshaan raashinka, oo aanay Dolarkii Dolar kale ku sii darin, ilayn shaygu intii uu markii hore ku iibin jiray uun buu ku joogaaye. Laakiin waxa fursadaa siiyay ganacsatadda sharciyadii lagu xakamayn lahaa oo aan golaha wakiiladda ka soo bixin.” Wasiirka Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi waxa soo bandhigay wakhtigan qorshaha uu maagan yahay, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Imika qorshaha aanu wadno waxa ka mid ah inaanu cashuurtii beriga kor u soo qaadno oo aanu xafiisyadii samayno, markaa waxaan filayaa inay cashuurteenu aad u badan doonto, Cali Sanyarena maqaal uu qoray ayaan arkayoo horta kolay anagu dayn ka tagi mayno, waxaanan qabaa wax la’aani inama hayso, Ethiopia kalluunka ayeynu u iibgayn lahayn, milixda ayeynu u iibgayn lahayn, waxyaabo kale oo inaga dhexeeyana waynu ka qabsan lahayn, waayo xuduud ayeynu wada leenahay, markaa dhaqaalaheenu wuxuu ku xidhnaanayaa inta badan wadamada aynu jaarka nahay.” “Dakhliyadii aan qasnada dawlada gali jirin ee dekedu ka mid ahayd ee ay TOTAL ka mid ahayd ee Al-Jaabiri ka mid ahaa wixii dawlada u qornaa waxaan idhi mid walba halagu soo shubo dakhliga dawlada. TOTAL todobaadkii hore waxa laga qaaday 131 kun oo doolar oo qasnadda dawladda ku dhacday, Al-Jaabiri inta xoolaha la saaray adhiga waxa saaran doolar iyo badh, hadaad maqasheen cashuur bay kordhiyeen, warbaahinta ayaa waxaa iska qor qortaye, badhkaas uun baanu ku darnay, lo’da iyo geelana min saddex doolar, waxa lagu shubi jiray Abu Dubai waxaan ku idhi halkan ayaad ku soo shubaysaan waxa qabta kastamka Berbera, markaa wixii aan dakhliga gali jirin dekada ayaanu isku hadhnay.”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ku eedeeyey ganacsatada Somaliland inay wax ka badan waxa loogu cashuuray ay raashinka saaraan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Dhinaca maciishada kacday waa bilaa xad, waayo ninka ganacsadaha ahi wixii uu ku keenay ee loogu cashuuray wax ka badan ayuu dadkii saarayaa, waxaan la hadlay wasiirka diinta waxaan ku idhi dadka ku wargeli inay bisha ramadaan dadka ka dhimaan sixirkan qaaliga ah. Laakiin tijaartu dawladnimadda ma ogola, mar haday madaxweynaha, haystaan cid kale waxba kama dhegaystaan oo kuwaasi waa nimanka dadka halkaa dhigay, ee hadba sicirkay doonaan wax ku iibinaya, taasi waa ta raashinka, xaga doolarka hoos u dhaca ku yimi waxa sababay dhawr arimood oo is barkan, kuwaas oo kala ah, Baanka oo aanay oolin shilin Soomaali uu suuqa ku sii daayaa iyo adhigii oo furan oo lacag doolar ah lagu iibsanayo, oo sababtay in doolar badani suuqa soo galo iyo dadkii dibadda ka soo xagaa baxay oo iyaguna doolar sitay, laakiin waxay ahayd mar hadii Dolarkii jabay in markii hore intii doolar ee uu siinayay uun ganacsatadu ku iibshaan raashinka, oo aanay doolarkii doolar kale ku sii darin, ilayn shaygu intii uu markii hore ku iibin jiray uun buu ku joogaaye. Laakiin waxa fursadaa siiyay ganacsatadda sharciyadii lagu xakamayn lahaa oo aan golaha wakiiladda ka soo bixin.” Maxamed Xaashi waxa uu ku eedeeyey Wasiirka Dekedaha inuu meelo kale la heysyo, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Dekedana wasiirka cusub aragtidiisu meelo kale ayey ku xidhan tahay oo innala mid maaha ama waaqiciga ayuu ka yar fog yahay, waxaanse imika u kala saarnay wax dekeddu leedahay oo adeegyo ah iyo wax dawladda dhexe leedahay,” Isaga oo hadalkiiisa sii watana waxa uu yidhi “Taas waxaan filayaa inaynu ka gudbayno oo ay noqon doonto cashuur go’an iyo dariiq la kala maro arrina way fiicnaan lahayd haddii la helayo meelaha qaarkood waxa jira in ninka wasiirka ahi jecel yahay in qofka lacagta qaadayaa inuu meeshiisa ahaado, barigii aan ganacsiga joogay waxaan idhi liisamada la bixinayo halagu soo bixiyo baanka oo qofku waraaqda oo keliya ha soo qaato oo gacantan badan ee ay soo marayso laga joojiyo si dadkana ay ugu dhib yaraato. Laakiin wasiirada qaar baa iska jecel inay iyagu xisaabiye meesha ku lahaadaan, waa arrin u baahan in la xaliyo.” “Anigu wasiirkii iga horeeyay ee aan xilka kala wareegay wuxuu ii soo gudbiyay dayn, tiro badan oo aanay cadayn sifaha lagu galay iyo waxa lagu qaatay, kolkaa Maxamed ahaan (Isaga wasiirka maaliyadda), anigu waan diiday inaan la wareego, dayn aan sifo sharci ah oo cadaynaya lahayn waxaanan codsaday in odhat la galiyo, oo hanti dhawrka qaranku cadeeyo, balse markii danbe gudi madax banaan ayaa loo saaray, guddidaasi xogtii ay ka keeneen iyo raad raacii ay soo sameeyeen way nagu soo celiyeen, anaguna cidii xaqa u lahayd in loo geeyo oo ay hawshooda ka qabsato ayaanu u gudbinay oo waxay taala imika guddidiinan joogtadda ee golaha waxaana haya gudoomiyaha guddida joogtadda ah ee golaha wakiiladda, waajib baana idinka saaran, inaad xogta gudidu soo gudbisay, eegtaan cidii danbi leh, ee sifo sharciga baal marsan wax u isticmaashayna, waa xil idin saaran inaad waajibkeeda marisaan. Sababtoo ah, hadaan qofka danbiilaha ah ee hore ciqaabtiisa la marin, ka danbana waxba laguma samayn karo, oo wuxuu odhanayaa kii hore ee reer hebelba waxba lagama qaadin ee ma anagaa la noo jeedaa, oo kolkaas ayuu jeebka kala soo baxayaa kaadh qabiil,” Sidaa waxa uu Wasiirka Maaliyaddu ku sheegay mar uu shalay hor tagay guddida joogtadda ah ee golaha wakiiladda Somaliland, kulankan wasiirku ku hor yimi gudidda joogtadda golaha ayaa ka danbaysay qoraal yeedhmo ah oo isla Guddidu hore wasiirka ugu direen, halkaasoo ay warbixin dheer kaga dhagaysteen, su’aalo badanna ku waydiiyeen Guddigu. Gudoomiyaha Gudidda joogtadda ah ee golaha wakiiladda Professor. Maxamed Barkhad Miigane ayaa wasiirka uga mahad celiyay sida wanaagsan Mar uu Wasiirka Maaliyadu la hadlayey Golaha Wakiillada waxa uu yidhi “Waxa kale oo loo baahan yahay oo gole ahaan idiin yaala inaad samaysaan, sharciyadii lagu dhaqi lahaa baanka dhexe, waayo maba lihin baan dhexe oo inooma dhisna waa magac u yaal, waxaanan talo ku soo jeedinayaa imika nin cusub baa loo magacaabay baanka si masuulkaasi ula wareego wax uu garanayo waa in baadhitaan la galiyaa oo la ogaadaa, akoonadan madhan lacagtoodi meesha ay qabatay.” Mustafe-Janaale Hadhwanaagnews.com/Office Hargeysa/Somaliland Email:Janaale94@gmail.com
  20. Originally posted by General Duke: ^^^Your grasp of English is quite poor.. Someone is angry. Wonder why?
  21. Originally posted by Thankful: I can't state something that I didn't say first without giving credit to the person who did. General Duke and I may differ on some things but we both want to see Somalia prosper with Puntland leading the way. What if Puntland is not allowed to lead?
  22. Yet, I cant help to think that soon we can finally embrace eachother. And all will be good, like the old days. And I feel there will be some mass weddings soon in Buhoodle and Yagoori like the old days, were we can marry some girls and boys from your tribe to some from mine. And then we can do some friendly horse racing competitions in Taleex. A friendly footbal match in Xagal. We will attend another Garaad crowning in Bulwadal. Do some traditional dancing in Xudun. Maybe even some drinking of "camel milk" in Boocame. Old men from our tribes will insult eachother again through poetry. Happy times are coming for us, my friend.
  23. Originally posted by Thankful: As General Duke has pointed out, Who is the real poster now?
  24. Xabashi friend passing by, you dont understand Somaliland. But it aint no Ethiopia. We dont arrest or kill political leaders, we cheer for them.