Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,379
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Posts posted by Saalax


  1. Warbixin Ku Saabsan Shirka Nairobi Ka Dhacay Ee Lagu Doortay Guddoomiye Urur Iyo Ku Xigeen.

    Written by Jidbaale

    Tuesday, 13 October 2009 09:12

     

     

    Nairobi(Jidbaale.com):-Tan iyo markii shirku ka furmay magaalada Nairobi waxaa is dhex xaluuqayey warar badan oo is burinaya, hasa yeeshee wararka naga soo gaadhaya magaalada Nairobi waxa ay tibaaxayaan in shirka aan lagu dooran madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee lagu doortay urur aan ka fogayn urur lagu hawl galinayo sidii dalka waxlooga qaban.

     

    Cismaan C/nuur Xaashi oo ah xubin miisaan ku leh bulshada dhexdeeda ayaa cadeeyey in aan goobtaas lagu dooran madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen hasa yeeshee lagu doortay hogaan siyaasadeed iyo mid difaac. Laguna midayn lahaa bulshada.

     

     

     

    Warar kale oo xogogaal ahi waxay sheegayaan in ururka NSUM waftigii ka joogay shirka ay hormuud ka ahaayeen waxa ka soo baxay shirka taageerana u muujiyeen iyaga oo wax ka sameeyey sharcigii lagu maamuli lahaa ururkan cusub, oo u muuqda in dhinacayadii markii hore fikirka ku kala duwanaa ay meel dhexe isugu yimaadeen, shirka ka dhacay Nairobi oo bulshadu indhaha ku haysay ayaa dad badani waxay aad u danaynayeen in aan loo tusin dadka in wax la hadoodilayo, taas oo oo soo baxday markii shirkii dhamaaday, xubnihii ka socday wufuuda qurbuhuna si deg deg ah u soo baxeen iyaga oo aan warbixin ka sheegin sida shirku u dhacayey.

     

     

     

    Wararkii ugu horeeyey ee ka soo baxay shirka ayaa markii magacyo kala duwan loo adeegsadey hogaankan iyada oo wararkii ugu horeeyey si kala duwan u soo baxeen, kuwo ku tilmaamay in amadaxweyne iyo ku xigeen la doortay iyo kuwo ku tilmaamay hogaan, taas oo dad badan shaki ku abuurtay, sida xaal u socdo.

     

     

     

    Dadweynaha Nairobi ku dhaqan ayaa fikrado kala duwan ka muujiyey natiijada shirka ka soo baxday iyada oo dadka qaar sheegayaan in ay haboonayd iyada oo laysku dhan yahay oo saxaafadoo dhami joogto doorashadan la qabto, ee aysan ahayn in meel qarsoon waxlagu soo habeeyo, ka dibna warar teel teel ahi dibada u soo baxaan qofwalibana siduu doonayo u adeegsado.

     

    Waxaana markiiba soo baxday iska warqab la,aanta wufuudii ka tagtay qurbaha iyo xubnihii ay ka soo kicitimeen taas oo keentay in lays weydiiyo qofkastaaba waxa uu ka qabo shirka, iyo halka ay ku danbeyeen intaba, aduunka oo maanta ka horumaray iskaadhsiinta casrina tahay ay keentay in warkiiba ka horeeyey kuwii shirka fadhiyey iyaga oo aan war laga helina ,oo war hordhac ahi faafay.

     

     

     

    Xaqiiqada shirka taalay ayaa waxa ay aad u xoojinaysaa in dhamaan xubnihii shirka ku sugnaa ay isla ogaayeen go,aanka ka soo baxay shirka kaas oo ah in la sameeyo hogaankan, waxa kale oo muuqata in ay kala hor dhaceen ha ku timaado maamul yac-yacoodsanaanta xubnaha shirka ku sugnaa dhamaantood.Isku soo wada duuboo arrintan ayaa hadda u baahan in dhamaan ergooyinka ku sugnaa shirka ay si daacadi ku jirto uga warbixiyaan wixii dhacay iyada oo markasta oo la daaho ay keeni karto in meelo badan wax loo tiiriyo.

     

    Jidbaale.com

     

    jidbaale.com@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


  2. Written by Qarannews

    Sep 21, 2009 at 07:37 AM

     

    Ceerigaabo(Qarannews ) Suldaan-C/raxmaan Maxamed Cilmi (Riwaaye) oo kazoo kicitimay dhinaca degaanka Oog ee gobolka Sool oo dhowaan lagu soo doortay ayaa galabnimadii Sabtida(shalayto) soo gaadhey magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

     

     

    Suldaankan oo kasoo jeeda Beesha ***** ayaa isaga iyo weftigiisa si weyn loogu soo dhoweeyey halkaas, iyadoo dadweyne watey gaadiid tiro badani kazoo horkeceen meel dhawr iyo toban km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Ceerigaabo, waxana suldaanka iyo wegtigiisa lagu dejiyey guri weyn oo kuyaalla magaalada Ceerigaabo.

     

    Suldaan-Riwaaye wuxu subaxnimadii Axadda(Saaka) garoonka kubbadda (Stadium Daallo) ee magaalada Ceerigaabo dadweynaha reer Ceerigaabo kagala qayb qaatay munaasibaddii Salaadda Ciidal-fidriga ee halkaas lagu tukadey.

     

    Waxana suldaanka beesha ***** fagaarahan hadal kooban uga jeediyey bulsha-weynta faraha badan ee halkaas isugu soo baxday, isagoo ugu horrayn uga mahad celiyey sida wanaagsan ee halkaas loogu soo dhoweeyey, isagoo sidoo kalena halkaas ka sheegay suldaanku in kastoo lagu soo doortay degaanka Oog ee gobolka Sool haddana in uu yahay nin u dhashay gobolkan Sanaag kuna soo biiray saaxadda madax-dhaqameedyada xilligan jira.

     

    Waxana suldaanku hadalkiisii ku geba-gebeeyey duco fara badan isagoo ilaah ka baryaya inuu addoomihiisa ka saaro abaarta ba'an ee xilligan jirta, uguna beddelo raxmaddiisa iyo caafimaadqab in ay ku gaadhaan ciiddan ciiddeeda, isagana uu ka dhigo kii caddaalad iyo sinnaan ku hoggaamiya bulshadiisa iyo guud ahaanba beelaha walaalaha eek u dhaqan gobolka Sanaag iyo guud ahaanba Somaliland.

     

    Qarannews

     

    Ceeriggaabo.

     

     

    http://www.qarannews .com/index.php?o...5 905&Itemid=62

     

    [ September 22, 2009, 12:07 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]