Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Wafdi ballaaran oo ka socda hey’adda Cunnada aduunka ee WFP oo uu wehliyo fanaanka caanka ah ee 50 cent ayaa booqasho ku tagay degmada Dooloow Soomaaliya, iyagoo halkaasi kula kulamay dedka deegaankaasi. Wafdigani ka socday hey’adda WFP ee gaaray degmada Dooloow Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkooda ku wehliyay fanaanka caanka ah ee 50 cent, waxaana degmada Dooloow ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha degmadaasi, saraakiisha ciidammada dowladda iyo dadka deegaanka. Wadfiga WFP iyo fanaanka 50 cent ayaa booqday xarumo Waxbarasho iyo deegaannada ay ku nool yihiin dadka degmada Doowool Soomaaliya, oo ay kula hadleen dadka halkaasi degnaa. 50 cent oo dadka deegaanka kala sheekeystay xaaladdooda nolololeed, kadib ayuu warbaahinta qaranka u sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu Soomaaliya soo gaaro, balse uu kula kulmay daruufo aad badan oo heysta dadka degmada Dooloow ku nool, waxa uuna carabka ku adkeeyay in dadkii uu la kulmay ay ugu darnaayeen Haween qaba xanuunno kala duwan. Fanaanka caanka ee madowga ah dhallashadiisu tahay Mareykan ayaa ballan qaaday in uu gacan ka geysan doono caawinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa uu kula kulmay Dooloow Soomaaliya. Wafdiga hey’adda Cunnada aduunka ee WFP iyo fanaanka 50 cent ayaa dib uga laabtay degmada Dooloow Soomaaliya, waxaana ay noqoneysa markii ugu horeysay ee uu Soomaaliya soo gaaro fanaankaasi, taasi oo ka digeysa in is badel uu ka jiro Soomaaliya maadaama ay ka abuurmeyso taariikh cusub.
  2. Munaasabad Shahaadooyin lagu gudoonsiinayey Arday tiradoodu gaareyso 500 oo Arday kuwaasi oo ururka SYL II xirfado kala duwan uusoo baray. Tababarkan oo soconayey mudo Lix bilood ah ayadoo maadooyinka loo tababareyna ay kala ahaayeen:- Saxaafadda,Computerka,Caafimaadka,xogheynnimada,Farsamada gacanta iyo aqoon guud.
  3. 6 takfiirs ayaa la diley maanta, Allahu Akbar.
  4. Bandow lama qaadaayo inta AS ay guryaha isku qarinaayaan, kii qariya, kii garka xiirta, iyo kii guri u ijaarana qoorta ayaa laga goyn.
  5. Arbaco, Feberaayo 08, 2012 (HOL) − Wafdi ka socda hay’addaha gargaarka islamarkaana uu horakacayay xiriiriyaha arrimaha bani’aadanimada QM Mr Mark Bowdan ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdiga oo markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha loo soo galbiyay guri ama xarun ay magaalada ku leedahay hay’addaha WFP, ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa saraakiil ka tirsan hay’addaha UNDP, UNHCR, iyo waliba UNICEF, kuwaasoo kala hadllay mas’uuliyiintii ay la kulmeen xaalada gobollka iyo sidii loo bilaabi lahaa howlihii gargaarka. Max’ed Nuur Caga-joof oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka oo ay wafdiga is arkeen ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka wada hadlleen dardargalinta howlaha dhinaca bani’aadanimada, iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa sugida amaanka, isaga oo intaa ku darray in dhinacooda ay balan qaadeen in ay kala shaqeynayaan hay’addaha samafalka sidii ay nabad-galyo ugu gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo. "Ma’aha oo kaliya wax yaabihii aynu ka wada hadalnay arrimaha bani’aadanimada, ee sidoo kale xitaa mas’uuliyiintii ka soctay hay’addaha UNDP waxaa isla soo qaadnay arrimaha la xiriira hormarinta, sida dhimaha ciidamada, iyo sare u qaadita tayada dhinaca aqoonta shaqaallaha maamulka, waana ay soo dhaweeyeen arintaa iyada ah ayuu yiri,’’ Max’ed Nuur Caga-joof warfaafinta u qaabilsan maamulka Dooxada Shabeelle. Wafdiga sidoo kale waxaa ay kulamo la yeesheen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada, iyaga oo ka dhageystay warbixino kala duwan oo la xiriira xaaladaha dhinaca bani’aadanimada ee ka taagan gobollka Hiiraan. Wafdiga maanta gaaray magaalada Beledweyne oo uu horkacayay Marka Bowdan ayaa noqonaya wafdigii ugu sareeyay ee magaalada booqda tan iyo markii 31-kii bishii December ee ina dhaaftay laga saaray magaalada xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Beledweyne, Soomaaliya
  6. I was only following God's orders Joseph Kallinger
  7. Intaas waaye caqligaada dhan! waxaad ku hadasho markaad weyso ayaad la soo boodaa maalaayacni, title-ka aad qortey dib u aqri, Jilib miyaa ku qoran, speaking of Jilib. Somalina;775788 wrote: AUN to the dead. http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/61226-Breaking-news-Kenyan-jets-bombard-Jilib-Gosha!. Don't troll on your own thread.
  8. Congratulations Maaddeey! 10 + Somali oo aan waxba galabsan ayaa la isku qarxiyey maanta at bar fatxi. Is qarxis kan ka daran waa la soo arkey, cid u joojisey hawshoodana ma jirto, infact dadaalkooda ayey sii laba jibaareen. Maanta dad Soomaaliyeed ayaad leyseen, maysan hubeysneen, hantidooda ayaad burburiseen; ninkii tima jaraha ahaa ee familkiisa biilaayey, barbershopkiisa waad burburiseen, ninkii taksiilaha shaqeysanaayey waad gowracdeen, ilmihiisa waa agoon, kii maqaayada lahaana hantidiisa ayaad burburiseen. Ilaahay ha u naxariisto, marxuumiintii ku shahiidey arxandarandaan is qarxinta ah ee sheydaanka khawaarijta kula beegsadeen. Janatul Firdowsa kuligood Ilaahay haka wada waraabiyo. Inaa Lilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun. http://www.jowhar.com/?p=13504
  9. Reer Somaaliya way isku soo bixi doonaan, calankii buluugana wey babin doonaan IA.
  10. Did you just call Khatuma kastumo?
  11. Windows folks, arghhh! What are you working with?
  12. Ra’isul Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa shalay magaaladda Juba ee dalka cusub ee South Sudan wuxuu heshiis laba geesood ah iyo cilaaqaadka labada wadan dhexmara kula saxiixday wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dalkaas Nhial Deng Nhial. Ra’isul Wasaare ku xigeenka waxaa safarkiisa ku wehliyay lataliyaha wasaaradda arrimaha dibada Xarbi Cali Kullane iyo sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee koonfurta Sudan Maxamed Cusmaan, halka dhinaca Koonfurta Sudan uu xafladda heshiiska lagu kala saxiixday goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka xiriirka caalamiga ah Prof. Elias Nyamieli Wakoson. Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa xukuumada South Sudan kala hadlay arrimaha Soomaalida ka ganacsada dalkaas, waxayna intii ay ku sugnaayeen caasimadda Jubba xabsiga laga siidaayay dhowr qofood oo Soomaali ah oo xirnaa. Wasiirka arrimaha dibada ee South Sudan ayaa ballan qaaday inuu dhawaan booqosho ku tagi doono magaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isla markaana ay xukuumadiisu gacan ka geysan doonto dhismaha safaaradda Soomaaliyae ee South Sudan, si heshiisa diblumaasiyadeed ee laba geesoodka ah uu u dhaqan galo. Waa markii ugu horeysay ee labada dal ay kala saxiixdaan wax heshiis ah, maadaama dalka South Sudan uu ku cusubyahay Siyaasadda Caalamka iyo dowaladaha Dunida. Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa bilihii la soo dhaafay ku mashquulsanaa hagaajinta cilaaqaadka kala dhexeeya Soomaaliya wadamada kale ee caalamka. Dalka South Sudan ayaa bishii July ee sanadkii hore ka xoroobay dal weynaha Sudan, waana markii labaad ee wafdi heer qaran oo Soomaali ah ay booqasho ku tagaan magaaladda Jubba ee caasimada Koofurta Sudan. Wasaaradda Arrimaha dibadda
  13. I was LOLing at a totally different thing.
  14. LOL. I am waiting for Carafaat's next Somali capitals thread.
  15. First, get your facts straight people then you can throw the grenades.