Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Liibaan


  1. " frameborder="0" allowfullscreen>

     

    VIDEO: Madaxweynaha & Shacabka Maakhir State oo Taageero Iyo Hambalyo u Diray MadaxWeynaha Cusub Soomaaliya Prof. Xasan Sheikh

     

    Shacabka Maakhir State Ayaa Si Buuxda u Taageeray MadaxWeynaha Cusub

     

    Badhan: magaalada badhan ayaa waxaa baryahan laga dareemayey tageerada loo qabo midnimada somaliya iyo madaxwaynaha cusub waxana maalintii shalay ahayd banaanbax wayn lagu sameeyey magaalada

     

    http://www.galgalanews.com/?p=15996


  2. " frameborder="0" allowfullscreen>

     

    Shacabka KHaatumo oo Siwayn u Taageeray Madaxwaynaha Cusub ee Somalia( Daawo Full Video)

     

    Damaashaad balaaran ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Buuhoodle, kaasi oo reer Buuhoodle ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsanyihiin madaxweynaha cusub ee Xasan Sh. Maxamuud.

     

    Isu soo baxa oo ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa ka hadlay indheer garad isugu jira rag iyo dumar, waxayna aad u soo dhaweeyeen guusha madaxweynaha cusub.

     

    Ciyaaraha hidaha iyo dhaqan ayay barbaartu isu jiibinaysay halka haweenkuna ay mashraxad iyo Alalaas ay ku xardhayeen. Sawirada madaxweynaha iyo calanka Soomaaliyeed ayaa la warfinayay, waxayna dadku ku qaylinayeen Soomaali waa Guul iyo erayooyink kale oo badan oo qaarna lagu amaanayo madaxweynaha qaarna ay xambaarsanaayeen wadaniyad iyo dal jacayl.

     

    KismaayoNews.com

     

     

    Banaanbaxa-Buuhoodle1.jpg


  3. Radio Muqdisho

     

     

    Banaanbax lagu taageeraayo Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda oo ka dhacay Buuhoodle “DAAWO SAWIRRADA”

     

    http://radiomuqdisho.net/banaanbax-lagu-taageeraayo-madaxweynaha-cusub-ee-jamhuuriyadda-oo-ka-dhacay-buuhoodle-daawo-sawirrada/

     

     

    Banaanbaxan oo lagu taageeraayo madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada faderaalka ee soomaaliya Mudane Hassan Sheekh Maxamuud.

     

    Banaanbaxan oo shacabka soomaaliyeed ee Buuhoodle iskugu baxeen fagaarayaasha waaweyn ee gudaha magaalada Buuhoodle, Yadoo ay halkaasi qudbado kasoo jeediyeen ugu horeyn Cuqaasha gobolka Sool,Madaxda Maamulka Khaatumo State,Ururada Haweenka , Dhalinyarada iyoc Dhamaan Qaybaha bulshada

     

    Waxaa halkaasi ugu qudbado kasoo jeediyey madax katirsan mamaulka khaatumo iyo madaxda dhaqanka deegaanka waxana kamid ahaa Caaqil Maxamuud Nuux maxamed ”Sanweyne”, Caaqil Aadan Cali Axder iyo Cuqaasha kale

     

    “Mudane madaxweyne waa in aad dalka , dadka iyo diintaba ku dhaqdaa sinaan iyo cadaalad “.ayuu yiri nabadoon sanweyne oo banaabax shacabka kala hadlayey

     

    Dhanka kale waxaa halkaa ka qudbado aad u qimo badan kasoo jeediyey, madaxda kala duwan ee maamulka Khaatumo State, Oo uu ugu horeyo Wasiirka Waraarada Arimaha Gudaha Yaasiin Axmed Sulub iyo gudoomiyaha degmada Buuhoodle ee Gobolka Sool Cabdicasiis Ducaale Qanbi, Sidoo kale Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha ,Maxamuud Sheekh Cumar.

     

    Banaanbaxa ayaa kusoo gebageboobay jawi farxadeed waxaana Banaabaxan uu imaanayaa xili ay guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed dhigeen banaanbaxyo ay ku taageerayaan Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud.

     

    248526_501983236480019_1370334712_n.jpg

    404090_501983299813346_158265278_n.jpg

    487533_523787890969044_1672439089_n.jpg

    552092_501983383146671_1738721091_n.jpg


  4. khaatumo_event_SD1.jpg

     

    Jaaliyadda Khaatumo State Ee North Amerika Oo Hambalyo u Diray Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya

     

     

    Jaaliyadda Soomaliyeed Khaatumo State ee ku nool North Amerika ayaa hamabalyo iyo bogaadin u soo dirtay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof.Xasan Sh.Maxamuud oo 10 kii Bishaan loo doortay In uu noqado madaxweynaha Soomaaliya.

     

    Jaaaliyadada ayaa sidoo kale sheegtay in ay aada ugu faraxsanyihiin in Pro.Xasan Sh.Maxamuud loo doorto Madaxweyna umadda Soomaaliyeed,iyagooan sheegay in uu yahay shaqsi aqoon yahan ah ,islamarkaana dalka gaarsiin karo Horumar,Cadaalada iyo Nabad lagu nasto.

     

    Shariifo Xasan oo ka Mid ah Xubnaha Jaaliyadda Soomaliyeed Khaatumo State ee ku nool North Amerika ayaa sheegtay In Soomaaliya hada ay qabatay wadada saxda ah ayna ka rajeyneyso hogaan sare ee dalka in ay isbedel weyn keeni karaan madaama loo doortay shaqsiyaad aqoon leh oo u horseedi karo dalka in uu gaaro hor u mar iyo baqwaaqo.

     

    Ugu dambeytii Jaaliyadda ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ugu baaqay in uu soo dhiso ra’iisul wasaare aqoon yahan ah kartina u leh in uu wax ka qabto xaaldda murug ee jirta dalka Soomaaliya.


  5. AYOUB;868430 wrote:

     

     

    وَلَوْ أَنَّمَا فِي الأَرْضِ مِن شَجَرَةٍ أَقْلاَمٌ وَالْبَحْرُ يَمُدُّهُ مِن بَعْدِهِ سَبْعَةُ أَبْحُرٍ مَّا نَفِدَتْ كَلِمَاتُ اللَّهِ

     

    إِنَّ اللَّهَ عَزِيرٌ حَكِيمٌ

     

     

    27. And if all the trees

    On earth were pens

    And the Ocean (were ink),

    With seven Oceans behind it

    To add to its (supply),

    Yet would not the Words

    Of God be exhausted

    (In the writing): for God

    Is Exalted in power,

    Full of Wisdom.

     

     

     

    Ayah 27 Surat Luqmaan

     

    Good choice Ayoub, there is another ayah in Surah Al-kahf with the same meaning.

     

     

    18_109.png

    Say, "If the sea were ink for [writing] the words of my Lord, the sea would be exhausted before the words of my Lord were exhausted, even if We brought the like of it as a supplement."

     

    18_110.png

    Say, "I am only a man like you, to whom has been revealed that your god is one God. So whoever would hope for the meeting with his Lord - let him do righteous work and not associate in the worship of his Lord anyone."


  6. Banaanbax Balaadhan oo Lagu Taageerayo Madaxweynaha Cusub Prof. Hasan Sheikh Mahamud Oo Ka Dhacay Tukaraq

    (Video+Sawiro)

    Lasanod Online. Wednesday, September 12, 2012

     

     

     

     

    Tukaraq,(lasanod Online)- Dibadbax weyn oo lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ayaa ka dhacay..

     

    magaalada tukaraq oo kamid ah G sool iyo deegaanada hoosyimaada.

     

     

     

    Dibad baxyo kale ayaa saaka ka socda Degmooyin badan oo ka tirsan Gobolka sool, waxaana lagu taageerayaa Madxaweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

     

    Boqolaal dadweyne ah oo Bulshada qaybaheeda kala duwan ka socda ayaa isugu soo baxay Degmooyinka Tukaraq, Xudun, Sarmaanyo,Taleex,Saaxdheer, Boocame ,Godaalo iyo Deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Cayn. Hoos ka daawo Maqal iyo muuqaal..

     

     

     

     

    Copyright © 2012 Lasanod.com

     

     

    2.JPG

    1.JPG


  7. 55_60.png

    - Is the reward for good [anything] but good?

     

    55_61.png

    - So which of the favors of your Lord would you deny?

     

    Surah Ar-Rahman

     

    _____________________________________________________________

     

     

    89_27.png

    - [To the righteous it will be said], "O reassured soul,

     

    89_28.png

    Return to your Lord, well-pleased and pleasing [to Him],

     

    89_29.png

    And enter among My [righteous] servants

     

    89_30.png

    And enter My Paradise."


  8. 39_49.png

    - And when adversity touches man, he calls upon Us; then when We bestow on him a favor from Us, he says, "I have only been given it because of [my] knowledge." Rather, it is a trial, but most of them do not know.

     

     

    39_53.png

    - Say, "O My servants who have transgressed against themselves [by sinning], do not despair of the mercy of Allah . Indeed, Allah forgives all sins. Indeed, it is He who is the Forgiving, the Merciful."

     

     

    39_73.png

    - But those who feared their Lord will be driven to Paradise in groups until, when they reach it while its gates have been opened and its keepers say, "Peace be upon you; you have become pure; so enter it to abide eternally therein," [they will enter].

     

    39_74.png

    - And they will say, "Praise to Allah , who has fulfilled for us His promise and made us inherit the earth [so] we may settle in Paradise wherever we will. And excellent is the reward of [righteous] workers."

     

    39_75.png

    - And you will see the angels surrounding the Throne, exalting [ Allah ] with praise of their Lord. And it will be judged between them in truth, and it will be said, "[All] praise to Allah , Lord of the worlds."

    Surah Zumar 73-75


  9. I don't have one favorite ayah, because there are many beautiful aayaat, and the whole quran is full of wisdom, masha allah.

     

    Here are some aayaat:

     

    2_2.png

    - This is the Book about which there is no doubt, a guidance for those conscious of Allah -

     

     

    2_152.png

     

    - So remember Me; I will remember you. And be grateful to Me and do not deny Me.

     

    2_286.png

    Allah does not charge a soul except [with that within] its capacity. It will have [the consequence of] what [good] it has gained, and it will bear [the consequence of] what [evil] it has earned. "Our Lord, do not impose blame upon us if we have forgotten or erred. Our Lord, and lay not upon us a burden like that which You laid upon those before us. Our Lord, and burden us not with that which we have no ability to bear. And pardon us; and forgive us; and have mercy upon us. You are our protector, so give us victory over the disbelieving people."

     

    Al-Baqarah

     

    ___________________________________________________

     

    14_24.png

    - Have you not considered how Allah presents an example, [making] a good word like a good tree, whose root is firmly fixed and its branches [high] in the sky?

     

    14_25.png

    - It produces its fruit all the time, by permission of its Lord. And Allah presents examples for the people that perhaps they will be reminded

     

    14_26.png

    And the example of a bad word is like a bad tree, uprooted from the surface of the earth, not having any stability.

     

    14_27.png

    Allah keeps firm those who believe, with the firm word, in worldly life and in the Hereafter. And Allah sends astray the wrongdoers. And Allah does what He wills.

     

    14_34.png

    - And He gave you from all you asked of Him. And if you should count the favor of Allah , you could not enumerate them. Indeed, mankind is [generally] most unjust and ungrateful.

     

    Surah Ibrahim


  10. I agree, lets have fresh start, new president, new prime minister and new team of ministers.

     

     

    xasan-shiiqoo_6.jpg

    Prof. Hasan Sheikh Mohamud, September 9, 2012

     

    xasan-shiiqoo_5.jpg

    The Former PM Prof. Cali Khaliif campaigned for presidential candidate Prof. Hasan Sheikh Mohamud, September 9, 2012

     

     

    September 09, 2012

     

    Musharax Prof. Xasan Sheekh oo Qado Sharaf u Sameeyey Xildhibaanadda cusub

    Xildhibaan Cali Khaliif Galeydh oo isana ka hadlay kulankaa yaa ku sheegay in "Musharax Xasan Sheekh uu yahay Ruux Ka Walwala Xaaladda Dalka Soomaaliya lehna dareen Qaran islamarkaana Taariikh Wanaagsan ku leh Bulshadda Soomaaliyeed iyo Aduunkaba"

     

    http://www.midnimo.com/2012/09/09/musharax-xasan-sheekh-oo-qado-sharaf-u-sameeyey-xildhibaanadda-cusub/

     

    http://boramanews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=2364&catid=34&Itemid=53


  11. " frameborder="0" allowfullscreen>

     

     

    VIDEO+Pics: Banaanbax Weyn oo Lagu Taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Somalia Prof. Hasan Sheikh Mahamud Oo Ka Dhacay Buuhoodle

    Lasanod Online. Wednesday, September 12, 2012

     

     

     

     

    Buhoodle,(lasanod Online)- Dibadbax balaadhan oo lagu taageerayo madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya, Xasan shiikh Maxamuud,

     

    ayaa maanta ka dhacay magaalad buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

     

     

    Madax ka tirsan maamulka khaatumo ayaa halkaasi ka hadlay, waxayna sheegeen in ay soo dhowaynayaan madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. Hoos ka daawo Maqal iyo Muuqaal..

     

    DSCN0639.JPG

    DSCN0609.JPG

    DSCN0605.JPG

    DSCN0631.JPG

    DSCN0625.JPG


  12. " frameborder="0" allowfullscreen>

     

     

     

    VIDEO : Khaatumo State Oo Soo Dhoweysay Doorashada Madaxweynaha Xasan Sh. Maxamuud

    Lasanod Online. Tuesday, September 11, 2012

     

     

     

     

    Taleex,(lasanod Online)- Banaanbax ballaadhan oo lagu taageerayey doorashada madaxweynaha cusub ee Dalka Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud,

     

    ayaa lagu qabtay caasimada maamulka Khaatumo state ee Taleex.

     

    Dibedbaxan oo ay kasoo qaygaleen madaxda sare ee maamulka Khaatumo iyo dhamaan qaybaha kala duwan e bulshada ku nool caasimada Taleex ayaa waxaa lagu muujiyey taageerada maamulka Khaatumo u hayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya..

     

    Khaatumocalan.jpg

     

     

     

     

    Copyright © 2012 Lasanod.com


  13. Jaaliyada KHaatumo ee Imaaraadka Oo Taageero, Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirtay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Mudane Prof. Xasan Shiikh Maxamud

     

     

    MUDANE MADAXWEYE.

    Anaka oo ah jaaliyada khaatumo ee ku dhaqan wadanka imaaraadka isla markaana hadh iyo habeen ba u so

    jeedey doorashadii madxweyne ee ka dhacdey magaalo madaxda umada soomaaliyeed ee muqdisho waxaanu

    ku faraxsanahey hadaanu nahey umadii soomaaliyeed ee ku nooleyd wadankan imaaraadka gaar ahaan kuwa

    ka soo jeeda maamulka khaatumo waxaanu kuu soo direynaa hambalyo iyo bagaadin ku aadan xilkaas culus ee

    laguu doortey waxaadna ogaataa in umada soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin hadii alla idmo.

    waxa ay umada khaatumo dal iyo dibadba kugu duceynayaan in ilaahey isagaa awood leh uu xilkaas kuu fududeeyo

    isla markaana ilaahey kaa dhigo kii dalkiisa iyo dadkiisaba ka saari lahaa marxalada uu ku sugan yahey maanta

    kana shaqeyn lahaa midnimada iyo walaaltinimada umada soomaaliyeed lagu yiqiin

    CODSI AY UMADA KHAATUMO U DIREYSO UMADA SOOMAALIYEED DAL IYO DIBADBA

    Umada khaatumo waxa ay shacbiga soomaaliyeed ka codsaneysaa ha ahaadeen gudoonka baarlamaanka iyo

    ku xigeenadiisba iyo baarlamaankaba iyo golaha wasiirada ee la magacaabi doono hadii alla idmo in madaxweynahaas

    la garab istaago isla markaana si niyadsami ah loola shaqeeyo si ay u soo noqoto sharaftii iyo karaamadii iyo midnimadii

    lagu yiqiin dalka soomaaliya .

    Waa in meel looga soo wada jeestaa masuulkii isku daya in uu ka horyimaado dowladaas ay ku mideysan yihiin dhamaan

    beelaha soomaaliyeed oo dhan waayo baarlamaanka doortey madaxda dowladaas uu madaxweyne ka yahey D.R XASAN

    SHEEKH MAXAMUUD waxaa ku jira dhamaan 18 gobol ee ay ka koobneyd soomaaliya. markaa waa in dhinacyada la iska

    wada taagaa meelna looga soo wada jeestaa cid kasta darajada uu doono ha lahaadee cidii naga dumineysa.

    WAXAA HAHBALYO GAAR AH U DIYA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA.

    1/ ENG CALI XAAJI CIGE XUBIN GUDIGA FULINTA G.10 EE MAAMULK KHAATUMO

    2/ G/SARE Maxamed cumar cigaal gudoomiyaha jaaliyada khaatumo ee imaaraadka

     

     

    sssss.jpg


  14. madax.jpg

    41.jpg

    2.jpg

     

     

    Caasimada Taleex: Maamulka Khaatumo State oo Si Weyn u Soo Dhoweeyey Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Prof. Hasan Sheikh Mohamud

     

     

    MadaxWeynaha KHaatumo Maxamed Indhosheel Ayaa Hambalyo Iyo Bogaadin u Diray MadaxWeyne Prof. Hasan Sheikh Iyo Dhamaan shacabka Soomaaliya

     

    Waxaa Saaka Hirtii Waaabari Kabilaabmay Caasimada Maamulka Khaatumo State Ee Taleex Banaanbaxyo Lagu Taageerayo Looguna Hanbalyaynayo Madaxwaynaha Cusub Ee Dalka Soomaaliya Kadib Markii Habeenkii Xalay Ay Baarlamaanka Dalka Soomaaliya Ay Cod Aqlabiyada Ugu Doorteen Madaxwaynaha Dalka Soomalaiya Ee Afarta Sano Ee Soo Socda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

     

    Banaanbaxan Maanta Hadheeyey Caasimada Maamulka Khaatumo State Ee Taleex Ayaa Waxaa Kaqayb Galay Madaxda Maamulka Khaatumo State Golaha Wasiirada, Cutubyo Katirsan Ciidamada Maamulka Khaatumo State Iyo Dhamaan Shacabka Degmada Taleex.

     

    Ugu Horayntii Ayaa Waxaa Warbaahinta Halkaas Kula Hadlay Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac(Indhasheel) Isagoona Ugu Horayn Uhanbalyeey Soona Dhaweeyey Madaxwaynaha Cusub Ee Dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Isagoo Sida Kale Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Ugu Hanbalyeeyey Kabixitaanka Kumeelgaadhka.

     

    Sidoo Kale Waxa Uu Madaxwaynuhu Uu Hanbalyo Udiray Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Guushan Wayn Ee Uu Maanta Gaadhsiiyay Shacabka Soomaaliyeed Kadib Markii Uu Maanta Kasaaray Waqtigii Kumeel Gaadhka Ahaa Galiyayna Marxalada Cusub.

     

    Waxaa Kaloo Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac(Indhasheel) Uu Sheegay In Maamulka Khaatumo State Ee Uu Isagu Haatan Hogaamiyo Ay Marwalba Utaaganyihiin Midnimada Umada Soomaaliyeed Isla Markaana Ay Kasoo Horjeedaan Cidii Walba Ee Diidan Midnimada Umada Soomaaliyeed.

     

    Dhinaca Kale Waxaa Mirkifoonka Lagu Soo Dhaweeyey Madaxwaynii Hore Ee Maamulka Khaatumo State Axmed Cimi Cismaan(Axmed Karaash) Uu Hanbalyo Udiray Madaxwaynaha Cusub Ee Dalka Soomalaiya Iya Dhamaan Bulshada Deegaanada Khaatumo State Isagoo Sida Kale Hanbalyo Culus Udiray Xildhibaanada Baarlamaanka Dalka Soomaliya Ee Iyagu Gartay Inuu Dalku Ubaahanyahay Hogaan Cusub Isla Markaana Wax Kabadala Marxalada Uu Haatan Dalku Marayey.