Koora-Tuunshe

Nomads
  • Content Count

    1,078
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Koora-Tuunshe


  1. Thankful: Kula yaaabi maayo horaa waxaa loo yiri “dheg wax xun maqleysaa, wax fiican ma weriso”. Hadba wixii laguu sheego lasoo shir tag.

     

    Warbixintan anigoonan si fiican u aqrin ayaa waxaa ii muuqda qaladaad badan.

     

    Tusaale ahaan, warbixintu waxay qoreysaa in Puntland ay kordhisay la dagaalanka burcad badeeda, misna waxay leeyihiin ragan madaxda ah ee puntland waa burcad badeed. Adeer qoraalka naftigiisa ayaa ah mid wax badan ka qaldanyihiin.

     

    Warbixintan horta waa warbixin cusub, mideeda kale jawaabteeda way heleysaa (lawsuit or not). Laakiin adiga ma aha inaad buunbuunisid wax adiga lagugu cayn doono.


  2. Thankful: Adeer Diana ayaad ku waalatey. No one is waging war against Diana.

     

    Waar ninkan ina adeerkii ayaa lagu badalay (there is nothing holy about Diana, you know that), Biinge seems more qualified, you should give him a chance).

     

    Mideeda kale ma aha in aad state dhan burcad badeed ku sheegtid. Teeda kale, aqri C/laahi Siciid Samatarka aad leedahay waa la weerarey, reportka wuu ku jiraa Raga la leeyahay waa burcad badeed. :DRIIX.

     

    These are baseless and blunt accusations and you are quick to credit the incredible.


  3. Col. Canjeex waa nin aad u xoog badan oo derbi ah. Isagoo kusugan maqaayad lagu qeylayey ayaa waxaa damcey sadex nin oo qaadireysan iney dilaan Col. Canjeer iyadoo waagaas lagu tuhmayo inuu dilkii Jasiiro geystey.

     

    Waad iska "Garan kadhaaye" sadexdii ayuu sidii loxooxdii is dul saarey, iyagoo u eg baasto mirqaansan. Marka qeybta uu ka hadlayo isku day dil ayaa la ii geystey, isagaaba wax diley markaa. :D


  4. Col. Canjeex waan u hambalyeynayaa in uu qoraal kasoo saaro, dhacdadii Jasiira, isagoo waliba isticmaalaya marqaatiyo nool.

     

    Anigu waligey waxaan maqli jirey in dilkii Jasiira uu fuliyey Col. Canjeex ayaa laakiin waxaa ii sheegey nin la yiraahdo Hayeena oo ahaa Captain reer Sanaag ah oo markaasi la socdey ciidankii Canjeex.

     

    Muran kama taagno, in dalku xasuuqyo badan ka dhacay. Jasiira kan ka dhacay kuwa 19 jeer ka badan ayaa dhacay. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa looga hadli waayey kuwii ay jabhaduhu geysteen? In shacab (maato iyo caruur) loo laayo "in the name of Qabiil".


  5. Qaran news cuqdad ayaa dishey. Adeer sanaag af laguma sheegto ee awoodbaa lagu sheegtaa.. Qaran News sawirka waxay kasoo xadey Dhahar.com. warkana sidan ayuu ahaa:

     

    Badhan : Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxa magaalada Badhan soo gaadhey koox ka kooban 12 qof , oo isugu jirey Injineerro iyo hawl wadeenno ka mid ah shirkad biyaha qodda , kuwaas oo ujeedadoodu ahayd iney baadhis biyood ku sameeyaan magaalada Badhan.

     

    Kooxdan ayaa shaqadoodii si habsami ah usoo gebagebeeyey muddo sadex casho ah , waxana la filayaa iney dhowaan xog rasmi ah ka soo saari doonaan meelaha biyaha leh ee ku hareeraysan magaalada Badhan , iyagoo rajo aad u fiican oo hordhac ah ka muujiyey arintaas.

     

    Waxana la filayaa in dhowaan laga hirgeliyo ceel riig ah magaalada Badhan , hawshaas oo uu masuul ka yahay Inj. Maxamuud Siciid Xiirey oo lagu yaqaan hawl karnimo uu kusoo fuliyey mashaariic biyood oo badan iyo weliba kuwo caafimaad iyo waxbarasho.

     

    Dadweynaha ayaa si aad ah usoo dhoweeyey qorshahan , maadaama ay magaalada Badhan tahay meelaha ugu bulshada badan gobolka Sanaag , isla markaana ay ka jirto baahi biyood oo aad u daran.

    qubane.jpg


  6. Sidey ila tahay:

     

    Madaxweynuhu marka hore wuxuu kor iyo hoos yeelan lahaa la taliye. La taliyuhu waa qof aad ku kalsoontahay oo xeeldheer u leh waxa uu kaala talinaaya. Marka madaxweynuhu wuxuu is tusey in wiilkiisa labadaasba uu ka heli karo.

     

    Anigu aragtideyda, ina Faroole shaqadiisa dhaliil wali kama arkin. Waxay ila tahayna inuu muwaadinyahay shaqadana qaban karo. Faroole wuxuu u dhiibi karey wiilkiisa wasaarado waaweyn, sida Amniga, Gudaha, Maaliyada iyo wixii la mid ah. Laakiin shaqada uu hada u dhiibey waa macquul, qibrad ayuu u leeyahay... wuuna kala talin karaa dhanka saxaafada. Ceeb maleh so far.

     

    Laakiin---- Awmuusow, waxaa iga su'aal ah. Ninka dabalaabka ku xaragoonaya ee dhexda ku jira, ma adigaa? :D