wayrax

Nomads
  • Content Count

    58
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by wayrax


  1. Exactly.

     

    "Xoogaga Muqaawamada oo la wareegay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa xalay ay isaga bexeen ciidamadii Ethiopia iyo maleeshiyaadkii la socday.

     

     

     

    Ciidamo ka tirsan xoogaga wax iska caabinta islamarkaana wattay ilaa dhowr gaadiidka dagaalka ayaa maanta gaaray magaalada Baardheer kadib markii saakay subaxnimadii hore ciidamadii Ethiopian-ka iyo maleeshiyaadka Soomaaliya ee la socday ay isaga baxeen gudaha magaalada Baardheere.

     

     

     

    Ciidamadaani ka tirsan xoogaga wax iska caabinta ayaa markii ay gaareen magaalada Bardheere waxaa ay farisimo cusub ka samaysateen goobihii ay horay u daganaayeen ciidamada Ethiopian-ka sida Airport-ka,xarunta ADC-da,shiirkolaha,Buundada iyo saldhiga booliiska ee Baardheere."


  2. Gabadha uu Obama u calmaday in ay u noqoto Ergayga Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa waxay muujisay walaac iyo shaki badan oo ay ka qabto waxgalnimada qaraarka qabyada ah ee ay Wasiiradda Arrimaha dibedda ee haatan, Dr. Condoleezza Rice Golaha Ammaanka u qaybinaysay dhawrkii beri ee tagtay.

     

    “Aad buu Maamulka Obama ee imanaya ugu dha....

     

    http://www.realgedo.com/2009/01/caalamka-maamulka- barack-obama-ee.html