nuune

Nomads
  • Content Count

    12,989
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by nuune

  1. Fuleynimaa ileen kuu dheereed xerownimadii iyo awliyanimadii eed xoortey waa hore, ka gaar ma lihid, qumaati baad u dhaqaaqdey
  2. Originally posted by Jacaylbaro: Markaan Iliga arkay baan iska daayay oo mid bay i xasuusisay ,,,, Ma Jaan bey aheyd mise Jinni, explain sxb, laga yaabo iney adigana kula kulantayee
  3. Sheh lool, wasn't expecting inaad akhrineyso sheekadaas, but kudos to you, please sheekada ha isku bar-goyn ee wada akhri, qeebihii kale ayaan qaar maanta ka qorayaa hadaan jaanis helo
  4. ^^waan badsadaa laakin sunnooyinkii baan hilmaamaa waayo illaa bishii hore dhamaadkeeda waxaan la jogey qolyo jinni ah, ma waadan akhrin sheekadii gabadhii iliga la'eed ee lix naasleey een soo dhajiyey dhowr bari ka hor
  5. looooooooooool@anta waaxidun min ithneyn, immaa acuudu billaahi aw minka
  6. It is estimated that you will die at the age of 41 Years Old waaw, la sugaaye la arag, dhowr maalmood unbaa iga xiga, waa Mondayda soo socota, hadaad i weydaan, ruuxdeyda tagtey
  7. Dhuumaaleeysi baan ku tagi jirney intaan dusha uga dhacnaan ka aruursan jirney halihii yaraa ay soo gurubsadeen,,,
  8. Maxaad isga dhigi waxaan waligii tagin, xerow baadiyooobey inaad tahay ummada dhan baa wada ogee
  9. Madadaan sitooy madadan siti faadumooy madadaan barqadii khadiija dhashoow batuula naboow madadaan jowharooy jamiila naboow kuu jidboonayee madadaan dikrgeeda toow qalbigeego dabiibayeey madadaan sitiyeey sirtii nabiyeey sahro nuuri yaay madadaan sitiyeey salaam kunkun baan salaanayee madadaan madad madad madadan
  10. ^^ HAATUU, Which sub-clan are you voting for, the ***** one, or the **** one PS: I know recently you have being upset about that clashes in Garissa, reeraha waa la kala celiyaa ee dab lama sii shido waryaa, qalbi jileeca iska dhaaf, hadaad war buuxa u baahantahay waxaan joogaa gaarissa, Buulo Iftin waliba. Inaad reer Ijaara tahay waan ogaa, laakinse inaad wajeer wax kuu galaan maan ogeyn , carra-gaduudii Wajeer waan u xiisey wallee, 13 sano ka hor ayaan campaign manager u ahaa ina Afey in Wajeer, soo ta wax u soo dhawaada la waayey. [ October 18, 2010, 02:27 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
  11. QEEBTII 4aad Gacalisadeydi markey si fiican u dhuuxdey dadnimo jaceylkeyga iyo wadanimada igu jirto khaasatan marka laga hadlayo ibnu aadam oo dhan, waxey ogaatey in ciyaar ciyaar waxba la igu marsiin karin, waan iska soo horjeednaa hada oo labadeenuba dhulkaan fadhinaa, cuntadii waan cuney, sharaabkii caanaha dhayda ahaana waan cabey, anoo kici la' ayey igu tiri wax kale miyaad u baahantahay, waxaan ugu jawaabey Allahaa haduu Alle yahay meeshan iga kaxee inta aan la gaarin Salaada maghrib, anigu waqti ay tahay war uma hayo, qorraxda aan arko waa mid ka duwan taan arki jirey, balse waxaan arkaa in qorrax ku sheegan ay sii dhaceeso oo galabku uu yahay gabaabad, wax aan dhanneeyn 2 saac ayaa ka harsan Salaadii Maghrib, ma doonayo in habeen iigu galo dhul aan aqoonin, asxaabtydi aan la socdey een Istanbuul hoteel ku yaalo isla joogney mar hore ayey i tabeen, iyagu laftirkooda magaalada aad uma aysan aqoonin oo anaa u ahaa hormuud oo gar-qaadayey, waqtigaa igu yar, gabadhan qorshaha ay iga wadato maxey tahay, i guurso weyba itiriyee, doonistaas maba xumo oo guurku waa midkii lagu nastee lagu nagaado, ee su'aasha meesha taal waa anoo ibnu aadam ah miyaad la aqal gali kara gabadh reera Jinni ah oon dhul Jinni ku guursan karaa. Anoo iska fakaraya ayey iga soo dhax gashey lix naasleey, markaasey igu tiri, waan ogahay waxa aad la murugeesantahay, waana daremi karaa inaad ka soo tagtey asxaabtaada ayna ku sugayaan, markey intaas tiri ayaan ku iri "shakhfir shartaada Ilaah ha iga duwo see ku ogaatey waxaan ka fakarayey", intey dhoola cadeeay iligii maqnaana qumaati u muuqdo asood moodo gumacii ku jirey qoriga tabsanka loo yaqaano ayey igu tiri "anagu hadaan nahay reera Jinni hadey noqoto cilmi iyo ka warranka mustaqbalka aad baan idin kaga naqaanaa" intaan soo boodey ayaan ku iri Ilaah mooyee cid kale ma sheegi karto waxa qarsoon iyo waxa soo socda, intey farta igu soo fiiqdey bey igu tiri kaalay soo dhawoow oo ma Ilaah ayaad rumeesan tahay, waxaan ku iri "astaqfurullaah dheh, waan rumeesnahay Muslimna waan ahay", markaan intaa iri ayey tiri "aabahay ayaa Muslim ah, anigana Gaal ayaan ahay", waxaan weydiiyay aabaheed waa kuma, markaas bey igu tiri "waa kii ku dharbaaxi jirey ee gaarigii weynaa dhaxda kaga jirey", ma inkaar qabihii dhabanada i xanuujiyey ayey tiri waa Muslim oo waa aabaheed, wajigii baa inta xanaaq dartiis ii gaduutey ayaan ku iri "walaaleey cowradaada naasaha ah maad iga qarisid waa kolba adiga dhankeyga u soo jeedinayee" gabadhu waa bahal balaaya xodxodasha badan oo intaas aan is ag fadhino il-jabis iyo dhoola cadeyn iyo cirridka ay ka hadasho ayey igu waashey, iney dareemahayga kiciso unbey rabtaa oon is celin waayo, hadhowna haf ku dhaho. Hada wax kasta waa ii kala cadyihiin, in gabadhu ay guurdoon tahay, in ay gaal tahay, in ay Jinni tahay, aabaheed Jinni Muslim yahay, in dhulku yahay dhul jinni, waxba igama qarsoona hada, guur jinni diyaar uma ihi, doonisteeda ay iga dalbatey inaan guursada kama aanan jawaabin, maya iyo haa midna la igama hayo, waxaan ciyaarayaa jar ka boodo, shaxdii aduunkaa ii dhisan, qorsha hadey wadato keygaa ka weyn, Jinni sida loola dhaqmo waan aqaanaa, horaan u soo arkey, wax igu cusub ma ahan walaw ayba ka duwantahay afduubkan la igula dhaqaaqey een soo maqnahay habeen iyo maalin, uma dulqaadan karo intaa ka badan, wax kastoon sameeyana awood uma lihi inaan ku laabto Istanbuul ama meel uu ibnu aadam joogo, waan iska nagnagleenayaa ma ogiyee waxba islama hayo, bootadeydaan iska wadan, wixii ka dhacana haka dhaco, hadaan iska hadlo ma afkaa la iga xiri. Hada qorshahyga waxaa ka mid ah inaan gabadhan Muslimiyo, oon soo hanuunsho, wadada baadida ah iyo jidkaas baadilka ah ay ku sugantahay inaan ka soo leexiyo, oon tuso siraadul mustaqiimka, waxaan go'aansadey inaan qaarkeeda hore ee naasaha badidood ku taxanyihiin inaan dhar u huwiyo, anigu dhar ma wato, shaarkaas cad waxaan aheyn ma wato iyo jeanskaas, waxaa shaarka iiga hooseeyo funaanad garan ah, waxaan iska furey shaatigii oon rabaa inaan gabadha u galiyo si ay bal iiga qariso sawaariikhdan indhaha igu soo taagayo iyo kan sinta ka laadlaado, Jinni waligey hammi igama galin, laakin xoogaa xoogaa ayaad moodaa inuu jaceel igu soo abuurmayo, bilowgiisi oo aad u dareema kacsan, dhidid ayaa falalaq iga leh, gabadhii baa igu tiri waxaan waa maxey, huwo oo gasho ayaan ku iri oo iga qari naasaha calaama alla ku saaryee. Sidii bey gabadhii inta badan naasaheeda ku qarisey, laakin hal mid baa harsanaa waa kan lixaad kaasoo ka laadlaado sinta, kan waxaan ku asturo uma hayo, balse qorshaan wataa oo shaatigii aan u galiyey gacantiisa dheer ayaan ka soo jarey, kadibna sidaas ku asturey naaskii lixaad, gabadhii wey yaabantahay, waan iska maamulanayaa, nin iyo xoolihii aragti baa ka dhaxeesaan maqli jirey, laba qofoo wada nool unbaan nala moodaa, waxaanba iska aaminaey iney hal iligleey tahay xaaskeyga, magac ayaan lix naasley u bixiyey, Jowhara Luula, uma aanan sheegin magacan cusub een anigu la jeclaadey gabadha, iyadana waligeed ima aysan sheegin magaceeda, mana aanan weydiin waxa la dhaho magaceeda, keygana waligeed iima aysan weydiin anna uma sheegin keyga, calaayata xaal, hada waxaan ku dadaalayaa inaan iligley ka dhigo Muslimad haduu Rabbi igu taageero. Mowqifkeygaan u bandhigey Jowhara, oon ku iri sidaas ayaan damacsanahay ee ka warran, ayadoon hadalba igu soo celin ayey iigu tiri waxa aad hada i weydiineyso aabahay ayaan ka maqli waayey oon in badan isku dagaalney, sababta aan adiga kuu soo kaxeesteyna ma ahan inaan qaato diinta aad heesato, hadaan gaal ahey waa caadi iska key guurso, markey sidaas tiri ayaan ku iri anigu bari ayaan kaa ahey ee walaaleey na kala wadi, gabadh gaal ah anigu guursan maayo, gaabsina kama rabo, dareenkii yaraa ee jaceelka ahaana wuu iska dhamaadey markey ii sheegtay iney kuffaar tahay, aabaheedna kaga daalay kaalayoo Muslim noqo, caasi waaldiin weeyaan gabadhu, xageen geen caasiyad hadana gaal ah. Waxaa soo dhawaadey xlgii qorraxda ay dhici laheed, gaduudkeedi baa sii buuxsamaya, godkey ku sii socotaa, cidlaan taagnahay aniga iyo gabadhii, waxey damacsantahay iyo qorshaheeda war uma hayo aan ka aheyn guurkaas aan isla af garan weynay, waan ka niyad jabey, mustaqbal kama rabo gaasha hanjafka aan laga jarin wali, khalad inaan sameeyo dooni maayo, afkeyga waan dhowrayaa, waxaan hada ka dib rabo inaan dhaho waa inaan ka fiirsadaa, fudeedkii badnaa waa iga dagey, waxaan ogaadey meeshaan joogo ineysan aheyn meel booto iyo hanjabaad waxba aysan ka tareyn, gabadhii baa wali agteyda fadhida een u galiyey shaatigeyga, halkan bey iska aamusantahay, aad moodid iney yara careysantahay oy ka xumaatey hadaladeydi ahaa ku guursan maayo gaalyahay, waan yara dhaxmoodey, maghrib baa la gaarey, salaadii baan doonayaa inaan iska rido, horaa loo dhihi jirey maghrib roobaboow iyo gabar guurkeed waa la dadajiyaa, midkoodna lama daahiyo, hada salaadaa iigu daran, ha ii danbeeso gabadhan guurkeeda, waan arkaa iney i jeceshahay, wey madluunsantahay, dhoola cadeyntii iyo qosolkii xodxodashada ahaa ma jiro. Weesaan gabagabeestay, salaadii baan iska ridey, mugdi weeye dhulku aan ka aheyn iftiin khaas oo aniga iyo gabadha na wada hayo oo kaliya, sariir ma jirto, kursi lagu fadhiisto maleh, gawaankaa adeega badan ayaan salka ku hayaa, ayadaaba iga sii daran oon ka naxey waayo qaarka danbe dhar kuma xirna balse si habeysan ayaa maqaarkeeda diirka ugu dadanyihiin cowradeeda hoose illaa lugaha, iney dhaxameesantahay iyo in kale war uma hayo, inaan weydiiyana ma doonayo, hurda ayaa i heeso, inaan iska gamco oon soo toosin illaa waqti ayaan rabaa, mar hore ayaa hurdo iigu danbeesay, daal iyo rafaad ayaa iga muuqdo, gaaja ima heyso, neef dhan ayaa igu tagey oo wali aan la daacdaacayaa, gabadhii ma aanan weydiin iney cunta soo cuntey iyo in kale, jinku cunta ma cunaa, ma anaa war u hayo, markaan ogaa wey cuni jireen, tanse ayaadoo afka wax saareysa wali maana arag, wali sidii bey iigu dhirifsantahay, gafuurkey taageysaa, hada anaa ka awood badan oo hadaan dhahaba ku guursan maayo wey ii xanaaqi. Waan iska seexdey in mudo ah, salaadii cisho waxaan raaciyey tii maghrib, intaan foorarsanayey oon sujuudayey wey i daawaneysay, kuma cusba qof tukanaya, aabaheed oo kibriyaani ah oon salada fooda darin baa dhalay, mar mar unbuu tukadaa, waa taariku salaad ilaah ka furtey laakin sidiisa kale ah ninka Jimanka kale caawiya khaasatan kuwa Muslinimada ku cusub, waa nin madax ah, jago jecel oo doonaya kursigiisa inuu ilaalsado, bulshadiisa ayuu magac ku leeyahay, rabana inuu ka dhax muuqdo, sidaa darteedna caawimaad u fidiya jimanka intooda tabaaleysan ee faqrigu diloodey. Waxaan jiifeyba xalay oo dhan waxaan soo toosey subixii, waagii baa baryey, salaadii subax ayaan boobsiis kaga tuurey oo mar hore ayey iga tagtey, gabadhii wali waa i ag fadhidaa, oo maba aysan seexan, ma jin baa seexda, ma anaa war u haya markii iigu danbeesay jinku waa seexan jirey, tanse waaba jin nooc kale ah, dhaxan ma qabato, ma daasho, ma hurdooto, uma baahato musqul iyo kaadi, xoola jini, balaaya jinni, inkaar kugu dhacdey, waxan intee la iiga keenay, hadaan guursado maxey ii dhali, caruur noocma ah, ayaduse uur miyey qaadi, mise marka hore een isla seexano ayey isla markiiba ilma dhali, isla habeenkaan aqal galnaba miyey foolani, seense ooga dhalin, imisey ii dhali, ma hal qura mise labaatan jinni oo yaryar, waxaas ayaa qalbigeyga ku wareegeesanaya, oon xataa dhowr jeeer ku qarwey markaan xalay hurdey. Maanta waa maalin isniin ah, taariikhda aan aniga ibnu aadam hadaan ahay heestana waa isniintii ugu danbeesay ee bishii septemberta la soo dhaafey ee 2010, laakin taariikhda jimanka waxaa lagu jiraa May 2018, taariikh waalan iyo waqti wareersan waxaan hada isku mashquulinaya ma ahan, gabadhii baan ku iri "subax wanaagsan walaal", waxey iigu jawabtey "wanaagsanoo wacan waagoon baryin ayaan wajigaaga eeganayoo waxaa igu abuurmey walbahaar xambaarsan jaceyl", waxey kaloo ii qaadey hees aad u macaan, cod aad u macaana wey ku qaadey, heestu hees aan la dhacey ayey aheyd, waxna hada kama xasuusto, laakin codkeeda macaanka badan iyo bushumaheeda madoow ayaa wali madaxeyga ka sii qeelinaya. Wali meeshii cidlada aheyd ayaan joognaa, magaalo walaa miyi wax la dhahaa ma jiro, waa xilli subax ah cadceeduna ay ilayskeedu indhaha kaa galayso, maxaad ubaahantahay ayey igu tiri ood cuneysaa quraac, si dabacsan baan ku iri "saaka waxaan cunayaa waxa aad adiga cuneysid", qaab siyaasadeed ayaan hadalkaa u iri oo waxaan ogaan rabaa iney wax cuneyso iyo in kale, cuntadu waxey ku macaantahay marka la isla wadaago, walaalaa wax isla wadaago waabna isla galo anoo walwaltirayaasha akhrinaya maxaan waraabe wadkiis ka tallaabsadey, maanta se jin inaan la cunteeyo waxba ilama ahan, hamigeyga aad ayuu u weynyahay, inaan cuntada ka boobo ayaan rabaa, gaajaa si xun ii heesa, caloosheydi ayaa dhawaaq saa'id ah ka yeerayo, daryaan aanan horey u maqal, neefkii aan shalay ku qadeeyey wax u cod eg intaan la qowricin ka hor ayey caloosheyda la cabaadeysaa. Markaan ku dhahay waxaad cuneysid ayaan cunayaa, ayey iigu jawaabey "maanta waan soomanahay", markiiba waan gartey iney wax iga qarineyso, ma ay dooneyso iney iga fiigsiiso oon ka boodo hadey i tiraahdo cunto ma cuno, aniga iyo ayadaba waan isa sireenaa, Lillaahi iyo Laqdaba meel ma wada maraan, laakin anigu Ilaah baa i wato, Ilaah baan aaminsanahay oon tala saartey, markaan toosayey saakana waan soo xijaabtey, Qul Uuxiya iyo Wal Casrina waan isku waaley, wax aan ka baqayaa ma jiro, Jin walaa Jaan, Cirfiid walaa Ibleez, waan shab-dhabanayaa, wax aan fooda daro ayaan doonayaa, cabsi iyo culeys kurbo i saaran ma jirto, waxaadba moodaa inaan Jin soo noqonayo, oon sidoodi u yara dhaqmayo, laakin xaalku saas ma ahan, cabsidii ibnu aadamka ku jirtey unbaa iga tagtey. Markii bey ii keentay quraac kala nooc ah, oo cuntada Bariga Dhexe ah, aadna looga cuno wadanka Falastiin, tiibaan isku wadey oon iskala daaley, sadex bey dadku isku bartaan, inaad jid isla martaa, ood jabad isla gashaan, jiidna isla cuntaan, intiiba gabadhan waan isla helnay, waxba nagama maqna, faraxalkii iyo sharaabkiina waa ii diyaar, markaan wada dhameesteyna alaabtii meel ay aadey waan garan waayey, xilli aan yaabo kuma jiro, xilli aan afka qabsado lama joogo, hada iyo waxa ka danbeeya waa inaan nacam iska dhahaa wixii la i dhaho, gabadhii baa igu tiri sey cabbaar u aamusneed "ma u jeedaa reerkeyga ayaa hareerahaaga dagan oo ku daawanaya" ma anaan boodin oo sarwaalkii i dabrin kabihii aan xirnaana xarigoodi intey ii laabmeen miyaanan af af u dhicin oo gafuurka ka murxin, dhaawicii darraato ee lafaha ay igu qaraacdeyna wali waa iga qoyanyahay, oo xanuun ayaan dareemayaa, af ganbigan aan u dhacey ayaaba iiga sii daran waxan oo dhan, bishintii hoose ayaa i dillaacdey, sankiina waa i xoqmey, wajigii buus buus ayaa soo gaarey, fardhaxada gacanta midigtana waan ka jabey, si xun ayaan dhulka ugu dhacey, xanuun saa'id ah ayaan dareemay, yaa ii arxan ah, iligley baa iga naxdey Allow ku daa, kor intey ii soo qaadey ayey dhabta i saartey. LA SOCO QEEBTA 5naad
  12. Juxa hadaad PM u dirto horey bey maxkamad kaa geyn, dadka sharci yaqaanka looma dhawaado,,,
  13. Originally posted by Jacaylbaro: I'm sure Xaaji Xunjuf is one of them ,, iyo aniga, dadka nafta u keenay Ibti anaa ka mid ah, ask Juxa
  14. Originally posted by NGONGE: Snakes on the ground and mice falling from the sky. Yaaba heli kara that combination, it is barwaaqo iyo nicmatul fashuuq baan oran lahaa anu.
  15. ^^ It is always crazy being surrounded by English speaking people, and the use of certain words such us sorry, excuse me etc. Recently I was leading a prayer at a local mosque, we missed the Jamaaca, it was a maghrib prayer, I recited some aayaat from Sura Taah, first Raka' went fine, second Rak'ak I made a mistake, still in Sura Taah though, aayad baa igu dhiiqatey oo ahaa kuwii ka hadlayey Nabi Muusa iyo Fircoon iyo Saaxiriintii soo muslimi jirtey, markey igu dhiiqatey ayaa waxaan iri "sorry sorry" markaan ogaadey inaan tiinbadey oy iga hallaawdey oon baxar galey ayaan gadaal u soo rogtey si la iiga badalo imaamnimada, qof kale ayaan horey u takhaantikhiyey lineka hore ku jirey si uu salaada u sii wado, anigii gadaal baan kala sii qabsadey salaada, rakcadii iga tagtey een ku tunteyna halkii ku gutey
  16. QEEBTII 3aad Markaan jawaabtii bixiyey ayaa gaarigii weynaa kursigii ka soo dhax baxey waxaa isla hoosta fud ka soo yiri nin ku labisan dharka tuutaha balse aan la arakeenin wajigiisa iyo madixiisaba, gacmahana waa u qarsoonyihiin, ninku aniga waa i arkaa, gabadhiina waa i ag taagantahay, qiyaasta aan ku qiyaasi karo ninkan waa dhererkiisa ugu yaraan 6 meter, ninkiibaa kurisiga ku soo fadhiistey, gacanta inta uu kor u qaadeyna sidii wax amar bixinaya ayuu igu yiri si meedaar ahaan soo durug oo kaalay, baabuurtii kale wali wax ka soo dagey ma jiro, naxdin iyo cabsi toona iguma jirto, cid aan ka baqayo oon Ilaah aheyn ma jiro, Alam-Nashrx ayaan hoosta ka akhrinayaa. Gabadhii baa halkan iska dhoola cadeeneeso, iyadu gabi ahaanba dhar iney xirantahay iyo in kale la kala garan maayo, wax maryo oo ka muuqdo ma jiro cawradeeda hoosena waa qarsoontahay ood moodaa iney iskaba malaasantahay, sidii aan horey u sheegayna lix naasna wey leedahay intaan ka tiriyey aniga, dhabarkana wey ka duleeshaa, wali aniga inaan gabadhan ka salgaaro unbaan rabaa waxey tahay ee baabuurtan waxey yihini shaqadeyda ma ahan, hadaan ogaado gabadhan waxa ay tahay gaadiidkan waan ogaan karaa illeen ayadaaba saarneed oo ka soo dagtey. Ninkii gacanta iigu inshaarey ayaan gaarigiisa weynaa ee dhaxda ku jirey ayaan u soo dhawaadey, gacalisadeydana waa i agrab socotaa, waan hoos istaagey gaarigii, ninkii dhererka badnaa ee wajigiisa iyo meel kale aanan ka muuqanin ayaa fadhigii ka kacey si uu qumaati iigu arko, markuu arkey iney gabadha i garab socoto ina garab taagantahay ayuu cod kale oo weyn ku yiri "ibnu aadam kibir badan waan aqaanaa sida loo edbiyo" hadalkii ba iga careysiiyey aniga anoonba baaritaan ku sameen hadalkaa micnihiisa, waxaan markiiba ugu jawaabey "kibriyaani kursi dhakadiis ku dul taagan waa waji qabaxaaga oo kale" hobseyd weyn ayaan galey, waan dhax tiibaxey, wey iga turuqdey, weyna iga dhicistey, meeshaan joogo iyo hadalkaan iri isma lahan, hadal aan la iga filaneenin ayaan dhahey, bal maxaa igu watey, anigu is difaac iyo is adkeysi unbey iga tagey, anoo Soomaali ahna cid horteyda igu af lagaadeen karto ma jirto iskaba daa wax aan la aqoon wuxuu yahay oon wajigiisa arkin wali. Gabadhii baa damacdey iney u jawaabto ninkii inta uusan abaalkeyga i marin illeen hadal xun ayaan ku iri, ninka dulqaadka ayaa ku yaraa, kursigii buu inta ka soo boodey gaarigii dushiisa ka soo haadey ayuu agteyda ku soo dhacey si habeysan oon la dareemeyn, asoo i agtaagan unbaan ka war helay, intuu dhuunta i qabtey ayuu i ceejiyey, intaan cabaadey sidii neef ari ah oo neefta igu dhagtey ayaan yara suuxey oon xoogoow yara salaama naqsadey sidii lax suuxsan, wuu isii yara daayey si aan u soo yara miyirsado oon u neefsado, markaan daqiiqado ka dib caadi noqdey ayaa waxaan ka war helay oon arkey baabuurtii kale oo gidigood laga soo wada dagey, la iguna hareersanyahay, aniga iyo gabadhii qalbigeyga aheyd iyo ninkii i ceejinayay sadexdeena ayaa dhaxda ku jirno, wixii baabuurtka ka soo dageyna dhamaantood wajiga uma qarsooneen, sida ninkii madax ku sheega ahaa uma dheera, waa balaaya wada gaagaaban, gaduudan ood moodo gaaja iney heyso, cukursanoo cunaha aad moodo iney ka alxamanyihiin, xagna dhukursan oo qoodaar camal u sameesan, qootaar ahoo dhuubni haleeshay, dhakafaaran xagna dhabar godan, malaasan oo diirkoodu muuqdo, waxdhar ahna aan qabin, luga lagu istaago oo adkeysi lehna ma lahan, si bey dalbo u leyihiin, jilbahooduna weegaarsanyahay, qumaatina aan u istaagi karin, gacmadhooduna sidii qaansada usoo godan, wax tin la yiraahdo ma lahan, dhago aan ku qiyaasey iney la egyihiin kuwa dameerkana waa leeyihiin, sankoodu waa kan banii aadamka oo kale, laakin sadex duleel leh, afkooda wuxuu matalaa yixaaska kiisa, balaadhan oo baaldi mugiis la eg, ilka malahan, carrab malahan, indhahuna hog bey kaga jiraan, maalintaas hadaan heesan lahaa qalin qori wax lagu qoro waan sawiri lahaa ama aanan phonekeyga damin sawir baan ka soo qaadi lahaa. Markaan arkey in la igu hareersanyhay, gabadhii lix naasleyna ee iligleyda aheydna ay midigteyda taagantahay, ninkii madax ku sheega ahaana dhankeyga bidixda ah joogo, ayaa waxaan iri si jees jees ah "idinkoon la idin aqoon waxaad tihiin oo foolxumo iyo falaad ilaah idiin dhameeyay ayaad rabtaan inaad anigoo Soomaali ah ii booteesaan, hanjabaadiina waxba iga tari meyso ee waarkiina cadeesta". Intaas markaan dhahay ayaa gabadhii baa tiri si aanan filaneyn "i guurso oo xaqeega i mari anagaad naga mid noqoneysaaye" balaaya kugu dhacdey oo lagu sii qaad calaama alle kugu rid ee maxaad tiri, waan shakiyey durbaba, meesha waan ogaadey in banii aadam ka dhaween, meesha aan go'doonka ku ahayna ay tahay ummaad aan xoolo iyo sanku neefla toona aheyn, yaad tihiin isku key sheega ayaan cod dheer ku iri si ay ii wada maqlaan, markaan aad u qeyliyey ayey codkeyga u adkeysan waayeen malaha frequencyga banii aadamka ayaan dhagahooda u rooneen, sababta ay dhagaha dameerka u leeyihiina waa sidaas baan is iri. Odeygooda ugu weynaa ee bidixdeeda taagnaa baa jawaabey oo dhahay waxaan nahay reera Jinni, oo ka tirsan bah Jinni, kuna abtirsada reer banii Jinni, waxan ugu jawaabey waxyahow wajiga maskaraatiga leh kula hadli maayee ha ila hadlin ee waxad rabto inaad i dhahdo gabadhan ee aqoonta na dhax martey iigu sheeg, intaas markaan iri ayuu dharbaaxsho wajiga iigu dhuftey, dhulkaan ku faniiney sidii qumbe geed laga soo ridey oo kale, dhakadaa i dillaaci gaartey, dhabankeyga barar dartiis ayaa biya u galey, madaxii baa laba i kala noqdey, yaa ii arxan ah, yaa Muslim ah oon u dhawaaqdaa, ma maantaan xero Jinni iyo hawdkoodi galey, anigu ma raadsan ee waa la i soo afduubtey, inkaar qabtadiii lafaha aruursaneysay ayaa i soo sirtey, maalin axad ah ayaan ku jiraa sida caadiga ah oo sepember 2010, laakin sida u phonekyga sheegay inta uusan damin ka hor waxaan ku jiraa May 2018. Hal saac wax lagu qiyaaso ayaan cidladii dhulka aheyd ku dhacsanaa, waxadba moodaa inaan u baahnaa dharbaaxshadaas illeen hurdey iga keentay, waan gamcey, dhagtaan iri ma toosin, markaan halkii saac hurda bogtey ayaan soo toosey, markaan sare u yara kacey ayaan baabuurtii iyo balaayadii i wada ag joogtey ka waayey meesha, gabadhii kaliya unbaa agteyda sidii wali u taagan, anigey rajo i iga qabtaa oo inaan is guursano ayey rabtaa oon mustaqbal wada wadaagno ubad wada dhalno, gabadhii baan ku iri naa heedhe gaajaa i heysee bal waxaan cuno ii soo raadi, intey dhoola cadeesay iligleey bey igu tiri maxaa loo raadin anoo kula joogo ayaad heli waxaad rabto, weyna iska garatey waxa aan qalbiga ku hayey oon damacsanaa inaan cuno, hilib baa i hayey, sin xun ayuu ii hayey, dhawaananahnba ma aanan cunin, isla il biriqsigiiba waxaan arkey horteyda oo daadsan wax neef ari oo la soo jarjarey la eg, qeeb la sooley, qeeb la kariyey, qeeb kebab ah iyo qeeba kale oo qaabka jinka wax u karsadaan ah oon waligey aanan arag. Hada waxaa ii muuqatey in gabadhu ay jin tahay, dhulka aan joogana uu arli jin yahay, baabuurtii iyo balaayadii saarneydna ay jin ahaayeen, waqtiga lagu jiro uu waqti jinni yahay, cunto jini, saacad jinni, taariikhh jinni, lafo jinni, sakaar jinni, hada ka hor baan maqli jirey lafo xoolo iyo jinbaa is jecel, bal markey gabadha shalay ila kulmeesay ay bacda cagaaran ku wadatey lafaha maan iska garto iney jin tahay, wey isirtey, wey isoo af duubtey, wey iga caqli badisey, intaasba waxba uma arko, baaritaan unbaan aniguna watey iyo inaan barto qalanjadan qoorta dheer lahee naasuhu ka laadlaadaan, tira badnaa ma hanagaarac baa. Hilibkii iyo wixii kaloo la socdey unbaan ka dhargey, saan iskugu wadey ayaan fuurey oo dibiro sakaraat la noqdey, maxaad cabeysaa bey igu tiri, waxaan ugu jawaabey caano dhay ah baan rabaa, markaasey igu tiri inaad Soomaali tahay waan garanayaa, dadkiinana qaar baan asxaabo nahay, waxaan ugu jawaabey beenaleey khaaimad ilaah ka furatey dadkeyga been haka sheegin aniga unbaad isoo af duubatey ee si kale igumaadan hesheen, daacadnimo iyo dad jaceyl baa alkan i dhigtey. LA SOCO QEEBTA 4aad
  17. Originally posted by N.O.R.F: Ever walked into the mosque just as the prayer finished? The late comers look and shuffle towards each other with everyone not wanting to lead. Well, I was to lead after everyone made an excuse. I was even wearing 3 qtr length shorts but a few nudges and I had no choice. The nerves set in. Will I stutter? Will I get an ayah wrong? Sweat began to gather on my forehead. Those walking out had a quick look. The numbers behind me doubled and quadrupled before the 2nd rakca. A relief. Read quite well even if I say so my self. Probably the most nervous I have been since walking into my wedding heh. Dhibkaas dhan ma kugu dhici laheen had you being a xerow long time ago and lead taraawiix and tahajjud regularly, but I am guessing waligaa dugsi loox xataa maadan tagin , illeen waxaan is leeyahay xagee buu Norf's salaad iska qaban la'dahay, you need that dose of quud-awliyo waryee
  18. ^^^ Waxaan aaminsanahay inuu AT&T ka dhax qeelinayo qoraalkan ee uu Xaaji Xiin soo bandhigey, taasna waxaa daliil u ah in Xiin uu sadex waxyaalood isku keenay, Baarreey, Faarax Macalin, iyo gugii Da-arood intaa waa iga kaftan, Hada ka hor baa NGONGE wuxuu yiri "clan is everything" in Somali politics, maalintaas ayaanba ka sii niyad jabey anoo awalba nacsanaa aafada, si fiican buu ula helay, waana run, waana sababtaa igu sii dhalisey inaan iska ilaaliyo ku xeel-dheeraashada ama gorgortanka siyaasadeed ee Soomaaliya, xag taageero loo siiyo qolo gooni ah iyo gobol etc. Dadka siyaasada Soomaaliya u adeegsada hab qabiil waxaan aaminsanahay in ay soo qurquriyeen taxliil mariid ku jirta taas oo ku daxaleesatey qalbigooda, adagna in laga sifeeyo!
  19. ^^ Why gabadh loogu raadin while he can use saabuunta liif ama doof
  20. ^^ Sax Ayoub, MMA meeshaa wuu khaldey Soosaare, producer ayaana sax ah ee ma ahan director, laakin agaasime waxey noqon kartaa director iyo exuctiveba, eray kale haduu jiro soo raadsha. Shukran Ayoub
  21. nuune

    Changes.

    22 jir kala xiran, bislaatey, alleylahey bislaatey
  22. Shukran AKHYAARTA, waan idin ku raacsanahey sixitaanka