
nuune
Nomads-
Content Count
12,989 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by nuune
-
calaayata xaal, ka bax baan iri gabadha oo anoo ku arkaya oo ku sagootinaya hubsanaya inaadan meel kale ku leexanin soo bax, sidii buu iga yeelay, tan kale jinku wuu necebyahay in la garaaco, aad buu u xanuunsadaa, acuudu billaahi wuxuu ka necebyahay garaacista, anoo indhaheyga ku arkaya ayuu gabadhii ka soo dhax baxey Muslimna waa uu ahaa khayaana ha sameyn baan ku iri isagoo sii socda ayaan sii arkayey mana uusan ku leexanin qolkii kale ee sadexda gabdhood ku jireen, gabadhii hada laga baxey iyadana waan ka soo saarey meesha reerkeedi baan geeyey oo na sugayey aadna ula yaabanaa sidana u daahney, waxaana ku wargaliyey in aan maanta la kulaney jiman afku miciyaha ka taaganyihiin ee noo dulqaata afar saacadod oo kale, sadex gabdhood baa ka harey intii qolkeyga wadaada ku jirey, culimadiina wali wey wadaan akhrinta, waxaa durbaba adkeysan waayey sadexdoodi oo laba saac ka badan lagu wadey aduunyada, markiiba wey is dhiibeen, waxeyna yiraahdeen iyagoo jareenaya aad moodo in ay qarqarsanyihiin in la fasaxo oo la sii daayo, kii hore waxa ku dhacey bey ogaayeen, wali wax aan ul ku garaacney ma jiro, jinka kaligii marka uu yahay ayuu is waalaa, laakin marka ay koox yihiin wuxuu ku quus-qaataa kuwa asxaabtiis ah sida loo galey, sadexdii jin ee sadexda gabdhood ku jirey waxey isku raaceen in ay halmar baxayaan ammaan iyo nabadna siinayaan gabdhaha masaakiinta ah, sadexda jin kolba mid baan hadalka ka gurayaa oo wuu waramayaa waxa ku qasbey in uu sidan u galo gabadha mustaqbalkeedana dilo, waxey shegeen oo dhan aqbaltu baan iri waxbana uma aanan qabsanin wey dhacdaa baan iri ee yaan loo noqon sidan oo kale hadii kale ciqaabta imaata waad ogaan doontaan, sadexdan Jin gaalo ayey ahaayeen, jinka sidiisana marka uu gaal yahay ayuuba dhaamaa kan Muslimka ah, waayo kan Muslimka ah Quraankaad akhrin ayuu kula akhrin waqti ayey qaadataana in uu baxo acuudu hadaad dhahdo wuu kaa daba dhihi, waa mashaqo, sidii bey kubaxeen sadexdii jin, niman bey na wada ahaayeen codkooda, midbaa indhoole ahaa oo kan marka aan sadexdooda jin banaanka ula soo baxey iyiri reerkeyga ii gee waxba ma arkee, this was the third mistake of our day, waxaan ku iri i sug anaa ku kaxeyn, labadii kaloo Jin iyagu wey mirqeen markiiba hooskoodina meel fog ayaan uga sii jeeday, kii indhoolaha ahaa waxaan ku iri intaan ganbar meel yaaley u soo qaadey halkan fadhiiso, intuu igu qosley buu iyiri ganbar kuma fadhiisano iyo kuraas hadaan jiman nahey, salli jeex jeexan oo lagu tukado ayaan ku iri sii fadhiiso oo isug, waxaan u imid wadaadadeydi sagaalka aheyd een anigu tobanka ku ahaa, waxaan ku iri 21kii wadaad(mid waa la galey hada waa 21) ina keena aan caawine wey na sugayaanee, waxaan u soo galney 21kii wadaad oo dhulka wada yaalo laguna tumanayo oo la garaacayo, sadexdii jin iyo kii afaraad oo wadaadkeeni ahaa afartaas ayaa qumaati uga shaqeestey culimadeeni, meeshii wey qasantey, afartii jin ayaa dul taagan 21kii wadaad oo dhulka sakaraad sidii loo dilayey u wada yaalo, afartan jin xoogii baa intuu ka batey baan tab aad iskaga celiso aadan heleyn, afartan jin mid kasta shaash ayuu leeyahay oo timaha aarka libaaxoo kale ayaa saas geesahooda uga halqaamaya, wax u dhawaadaa la la'yahay, anigu markaa meel yaroo duleel ah ayaan ka fiirinayaa, qorsha ayaan durbaba dagney aniga iyo culimadeydi maadaama aan guul ka gaarney inaan badbaadino shan gabdhood oo jimankii ku jirey ka saraney in aysan afartan jin ee kale waxba nala ahaaneen Ilaah idinkiis, Markiihba hala ii keeno ayaan iri ithinka lagu shito fooxa iyo luubaanta jaawiga iyo cuudka iyo waxyaala kaloon isku shidey, anoo ithinkii gacanta ku wato qaacana ka afuufmaya ayaan soo galey qolkii afarta Jin xaaranta ku heesato wadaadadeeni, halkan bey toob-dillaacsanayaan afarta Jin, qeelada iyo guuxa ka yeerayana meel dheer laga maqlayo, toban wadaad ayaan hada nahey, anooithinkii wata ayaan irrida uga soo galey, wadaadadii waa wada daadsanyihiin, kuwii ial socdeyna gadaasheyda igu daba-feela ayaan iri, afartii Jin markey arkeen gacanta waxaan ku wato ee qaaca ka baxaya ayaa mid ka mida igu yiri qoortaan kaa jari, waxaan ku iri kaalay soo soco aan qoorta iska wada jarnee, waan ku soo socdaa markaa anoo ka tallaabsanaya wadaadadii wadad daadsanaa ee 21ka aheyd, dhankoodaan ku soo socdaa bootadooda horaan u aqaaney, markaan ku soo dhawaadey ayey i hareereeyeen afartii Jin, sagaalkeygi wadaadna halmar bey irrida ka soo wada galeen ayagoo akhrinaya Quraanka iyo Thumma-Nathara, Jimanki baan dhaxda ugu jiraa, mid baa gacanta i qabtey anoo gacantii kalena ithinka fooxa ku wado, bal maan iska dhigo, another mistake, gacantii buu i maroojiyey, bahal candhuuf ah ayaan wajiga uga seyrey, wuu isii daayeysagaalkii wadaad ayaa hareeeraheena soo istaagey anna Jimanka ay igu hareersanyihiin, sagaalkeygi wadaad baa dhahay afartiina Jin hadiina ku fadhiisan laba il-biriqsi shaabuug baan idinla dhaceenaa, wey is waaleen Jimankii, afarta Jin laba naag oo jin ah ayaa ku jirey waxa rabshada iyo dhibka wadana ayagaa ugu daran, Waxaan is jiid-jiidnaba sidii bey afartii Jin ku fariisteen, wadaadaeenina Quraan yara saarney oy soo wada tooseen, hada 31wadaad ayaanu nahey kii Jinka naga galey baa 32 ku ahaa, markiiba strategy baan sameenay oo weegaar weyn baan sameenay si aan dhaxda u gashano Jimankii, sidii baan yeelnay, Quraankii baan wadnaa oon wadnaa, anigu waan yara baxey si aan uga wardoono Jinkii indhoolaha ahaa een salliga fariisyey, saladii maghrib ayaa soo dhaw, waxba kama harin, mugdi hadey nagu noqoto arligana waa naloo baqaa, Jinku habeenkii buu shaqeestaa, anaguna maalintii, markaan soo baxey baa waxaan u tagey Jinkii indhoolaha ahaa oo hurda la dhacey salligii, maba toosin markiiba waan isa soo majiirey oo qolkii baan ku soo noqdey, akhrintii baan wadnaa, laba Jin ah aya ais waaley, saan u qaraaceeney u tumeenay markuu gaduutey buu yiri mindhicirkaa i xanuuney waan iska baxayaa, saas ayuu ku baxey, waxaan ka yaabey inuu toosiyo jinkii hurdey ee indhoolaha ahaa, waan soo kaxeeyey waana hubsadey inuu toos u baxo, sidii buu ku tagey, hada saddex jin ayaa inoo hartey, iyaguna waxey dhaheen waan baxeenaa ee ammaan hanala siiyo, markey hadlayaan waa ay gariirayaan, Quraankiii baa ka tanbatey, saddex jeer baan Quraanka ku dhameenay, ciyaar ciyaar ma ahan, aduunyadii kalaa u dheereeyd waliba, sadexdii Jin ayaan soo kaxeeyey oon ku hubsadey iney toos u baxaan oon jid cidlaha ku sii daayey, hada sadexdii gabdhood qolka ayey jogoaan iyo wadaadkeeni nalaga galey, sadexdii gabdhood aban iyaguna reerahooda u geyney, wadaadkeenina reerkiisa u geyney waligii maantaa ugu horreesay wax sidan oo kale ah iyo meel jin lagu saarayo, wadaadaii waan kala direy, aan ka aheyn mid igu soo harey si uu iila hayo Jinkii indhoolaha ahaa, waxaan ku iri saaxiibkey iska hoyo orodoo reerkaaga u tag maantoo dhan baad ka maqneydee anaa la joogaya Jinkan indhoolaha ah oo kaxeenaya maadaama uusan waxba arkin, sidii baan kaligey ugu soo harey, wali wuu hurdaa alla qaadka, hurda weynaa ban maqli jire ma jinbaa, saladii maghrib baan hortiisa ku tukadey, wuu yara toosey markuu Allaahu Akbarta maqley, reerkii gurigoodi inoo goglry galabta ayaa ii imaadey markaan magrhibka tukadey si ay sharaab iyo shaah iigu keenaan, waxaan ku iri waa la ila joogaayee ee hadhow ha inoo ahaato shaaha iyo sharaabka, reerihii baa ial yaabey waa maxey waxa kula joogo, hadalkoodi maba ka sii jawaabin waxaan ka yaabey iney iga kala cararaan, sheekadan waan dhameestiri doonaa aniga iyo Jinkii indhoolaha ahaa waxa na kala qabsadey Ps: Hal mar baan wada rabey inaan soo wada qoro laakin waxaaba la igu yiri more than 10,000 words in one post kuma qori kartid, waxaan soo qoreyna 18,000 words bey ahaayeen, laba post ayaan ka kala dhigey kolka
-
^^ All rubbish, and always likes to mention the Quran in every post of yours, sxb meeshan meeshaada ma ahan ee iskaga bax inta jinka kugu jiro aan lagaa buufin, isagoo kugu dhax jiro oo kugu duqoobo ayaa inoo fiican anaga ha kugu dhax miciyeestee, what does camera has to do with Jin, no cameras existed when we used to remove Jinns from people, jinka jimanka ugu duqsan inuu dhakada kaa salaaxo ayaan kuugu duceeyey kolleey inkaartu wey ku dhinac mariye. Jacfar xageed ka soo heshay clipkan. Waxaa ugu darnaa marka inta naloo keenay 8 naagood oo midba jinka ku jiro uu kan kale ka daranyahey, sideedooduba waxey wada ahaayeen qaraabo iyo friends xaafada ah, wadaadadeena markaa tiradeenu waxey aheyd 32 si aan halkii gabadhba aan ugu hagaagno dhowr wadaad hadii kale hal hal hadaad ugu baxdo iska celin meysid, xilli galab gaabad ayey aheyd qorraxduna sii dhaceyso, 32deena wadaad waan iskala qeebiney, group 10 wadaad ka koobnaa anaa hor kacayey oo u wadey kutubta, tobankeena waa toban ku takhasusey ka saarista jimanka ee dumarka laga saaro, tobankeena waxaan rabnaa inaan shan dumar ah la kacno oon mid labo dumar ugu hagaagno, 22kii kale ee wadaad iyaguna meesha waa ku cusbaayeen oo back-up ayey noo ahaayeen balse aan gacanta u galiney sadexdii dumar ee soo harey. Waxaa naloo gogley laba barso oo iska soo horjeedo albaabadooduna is fiirinayo si hadii 22ka wadaad wax dhib ah kala kulmaan sadexda dumar aan u caawino, qorshaha wuxuu ahaa in halmar aan ka saarista jinka bilowno, plankii 10keena wadaad noo dajisnaa waxa uu ahaa in aan shanta naagood dhaxda fadhiisino, iyaguna dumarka iska sii horjeestaan wajiyadooda, anaga dhabarkooda unbaa na soo eegaya, this was the biggest mistake we have ever done, having 5 naagood oo jiman qabo at once in one place with only 10 wadaad, some of my fellow wadaadas can't wait the session to start, anaa la iga sugayaa inaan kutubta furo iyo waraaqaha, gabdhaha waa amusanyihiin waana na hor fadhiyaan, weyna gariirayaan oo jimankii ku jirey ayaa og waxa aan soo wadno, waxaan wadanaa ulo iyo shaabuugyo waaweeyn iyo suumankii waaweeynaa ee macawiista loo xiranjirey ee jeebadaha lahaa, qolyihii wadaadadeeni kale ee naga soo horjeeday ee sadexda dumar ah hayey ayaan u tagey si ay u bilaabaan howsha, aniguna aan durba ku soo noqdey qolyaheygi, kitaabkii baan kala furey, kutubtii baan wada furney, waraaqihii baan sii wada deyney, taxliishii baan seyrney, korbaan wada eegnay, hoosna waan ku darney, this is a tactic to scare jinka biefre akhrinta aanan bilaabin, hareeraha iyo jihooyinkana wada milicsaney, marka ay arrintu intaa mareyso ayaa mid ka mida jimankii gabdhaha ku jirey ayaa dhulka isku ridey, wey rafatey, jinkii baa la raftey afartii kale waa sidoodi, anaa ciidankan wadaada u hayo amarka waxaan la hadley jinkii rafanayey, oon ku dhahay maxaa kugu dhacey ood dhulka iskugu ridey, wuxuu cod nin ah nagu yiri "i fasaxa waan iska tagayaayee waana ka baxayaa gabadhan", waxaan ku iri maxaad markii hore u soo gashey ood u dhibtey mu'minadan, wuxuu jinkii iigu jawaabey "iyadaa iga gardarneed oo i soo raadsatey" markuu intaa yiri jinkii walina rafanayo oo lugaha iyo boqnaha kolba cirka u taagaya ayaan waxaan iri orodoo bax hada intaan ku arkeeno ka bax albaabka hana nagu soo noqon, sidii buu uga baxey gabadhii, gabadhiina qumaati u fariisatey iyadoo dhaheeso alxamdulillaahi codkeeda dumarna ku hadleeo ayaan ku war galiyey wax yar yara joog daqiiqado waa intaas uu bannaanka kugu sugayo jinkee, kutubtii waa noo furantahay wali, waraaqihiina waa noo daadsantahey, anagoo is leh gabadha iska fasaxa oo sii sagootiya reerkeeda ha aadee ayaa waxaan maqalney qeylo aad u dheer oo fajac iyo argagax dhalisey, qeelada waxey ka imaatey barsadii wadaadad kale kula jireen sadexdii gabdhood ee jinku ku jirey, irridaan uga soo galey, waxaana arkey mid ka mid ah wadaadadii 22ka ka koobneeyd oo la dhax galey, isna rafanayo, waxaana sidan u galey jinkii gabadha qolkeeni ka soo baxey meel dheer maba uusan aadin meeshii kale unbuu ku leexdey, calaama Alle ku saar, this was the second mistake we have made to release a jinn and enter into another of one of our minor wadaado, wadaadkan maskiinka ah ee la dhax galey maantaa ugu horreesay in aan u soo kaxeesano in aan gabdhaha uu nala caawiyo, laakinse isagii baaba la galey, waxaan ku iri wadaadii kale oo akhrinta iyo kutubtii u furneed in wadaadkan la dhax galey in asna dhaxda la fadhiisiyo oo sadexdii dumar dhaxdooda uu fadhiisto, kadib anu waan iska soo noqdey, qolyaheygi ayaan u soo noqdey iyo shantii gabdhood ee uu jinku dulleesey, gabadhii uu jinka ka baxey ayaan ka soo kaxeeyey meesha anoo qumaati u soo xijaabtey(waardiya culus iska hayo in uusan jin noo soo dhawaan), gaabdhii reerkeedi baan keenay, anna aan durba isa soo majiirey si aan ugu noqdo meeshii, talo inteysan faraha ka bixin ayaan orod isa soo xaabiyey anoo cumaamadii cadeydna iga dhacdey cadey yar oon wateyna iga lumey, afar gabdhood ayaa hada meesha noogu jiro, sadexna wadaadaii 21ka ahaa yaa wado howshoodi wadaadkii la galeyna asna lagu wado hawsha, barsadii baan soo galey ee afarta gabdhood joogey iyo sagaalkii kale ee wadaad, kutubtii inoo furnaa ayaan akhrintoodi galney, waxana wadno oon wadno mudo shan daqiiqo ah kala istaag aan laheyn ayaa halmar waxaa wada istaagey afartii gabdhood, anagu waan naqaantacticada noocan oo kale strategy ayaa inoo dagsan hadey dhacdo sidan oo kale oo nalaga xoog bato ama dusheena la istaago, halmar ayey afarta jinba nagu tuman karaan oo na khaarijin karaan, akhrintii ayaan iska sii wadaney, waxbaba ma aanan is dhibin iney wax dhaceen iyo in kale, sagaalkii wadaad ee kale ha istaagina ayaan ku dhahey hana la wado hawsha, anaa markaa soo istaagey oo strategyda aan watey ayaa aheyd in ciidankeyga ay fadhiyaan anna aan istaago haduu jinku istaagsanyahay in mudo ka badan afar daqiiqo, markaan istaagey ayaa afartii gabdhood labo ka mida ayaa dhankeyga u soo leexdey, anigu intaas aan taaganahay waxaan shubayaa qumabanaha akhrinta Quraanka iyo aduunyadii kale, waan xijaabnahay mala itaaban karo, bootadooduna waxba iga tari meyso iney xoog ii sheegtaan ma ogiyee, amrkaas wax dhuubanoo nafta ka sii baxeyso ayaan ahey oo xabeebtu dishey suu wax u akhrinayey, labadii gabdhood ee jinku ku jirey ayaa gacmaha inta ay is qabsadeen dhankeyga u soo yara tallaabsadey, akhrinteeda ayaan wadaa madaxana hoos iyo kor u ligligayaa akhrinta xooga aan sameenayo daraadeed anoo taagan, labadii jin ee gabdhaha mid ka mida ayaa igu yiri isagoo cod odey waayeel ah ku hadlayo oo ka dhamaatey "maxaad u istaagtey" markiiba waan u jawaabey oon ku iri "khaa'inyahow edebta daran ee Ilaah caasiyey gabadhan maskiinta ah inta aada dhax galeeso wir wakaasee aniga ii imood ahadaanan kadabkaa goyn", inuu iga cabsiiyo ayuu rabey halkii baan akhrinteyda ka sii watey, wuu yara ruqaansadey gabadhii kale ee uu gacanta hayeyna sii daayey, halkii uu fadhiyey ayuu ku noqdey, hada hal gabadh ayaa istaagsan, anna waan la taagnahay oo waan ku yara durkey si aan isku difaaco, jinkan gabadha ku jiro waa mid aad u buuran oo aad iyo aad u xoog weyn, halmarna gacantiisa igu jabin karo, gabadhan marka ay meesha soo fadhiisaneysey caadi bey aheyd mana buurneed xoogna ma laheyn, jinkii ku jirey baa aad u buufiyey si uu isku difaaco, waxaan ku iri "fadhiiso naarta Ilaah haku galiyee" markiiba wuu hadleywuxuuna igu yiri "naarta ha iigu duceyn Muslim baan ahayee" waxaan ku iri adoo Muslim ah ayaad gabadh Muslimad ah dhibeysaa ood dhuunta u gashey maxey kaa galabsatey naari ku cuntayee, markiiba wuxuu igu yiri in uusan dhibaato dooneyn ee uu maslaxada ka talinayo, waxaan ku iri maslaxo hadaad dooneyso ka bax gabadhan hadii kale hilibkaaga ayaan jarjari, markana intaa iri waana mid iga xoog weyn ayuu kor inta uu u boodey ayuu madaxa darbiga qolka aan ku jirney ku dhuftey, hadana dhulkuu xoog iskugu dhuftey, wuu raftey, wuu qeyliyey, wuu ooyey, wadaadadii kale hawshoodi ayey wataan weyn fadhiyaan, kan is waalaya anaa la taagan, hadana intuu soo istaagey ayuu damcey inuu feer igu dhufto qoortana i kala gooyo, markiiba sheekada waan ku fahmey feerkuu igu soo wadey ayaan intaan ka gabadey ayaan caloosha ka galey bahal teesta ahna araxda uga dhuftey anoo is maqiiqanaya, intuu dhaxda i qabsadey ayuu cirkaa intuu darbiga sare ii gamey dhulka igu dhuftey, anoo dhulka yaalo oo xanuun dartiis dhinaca ila xanuunaya ayaan arkey isagiiyoo i dul taagan oo laakin dhanka kale fiirniayo, wadaada kale sana horey ugu sheegay yaan la iigu tagin baan iri jinkan aan isla taagneen, markiibaa intaan gaadey baan labada boqnood gooyey buu dhulka ku dhacey, guuxa ka yeeray jinkan hadaad maqli laheydeen inaad sastaan ayaan ka yaabi lahaa, wax aan horey u maqley ma ahan cabaad noocan ah, wlaigeyna maan arag mana maqal jin sidan u cabaadaya, waxaan ku qiyaasi karaa un rati la gowracayo cabaadkiisa oo toban jibbaar ah ninkii arkey baa arkey rati la gowrcayo, Sidii baan jinkii oo dhulka yaalo dushiisa soo kor istaagey, oon ku war galiyey suunkaan kugu garaaci qoortana waan kaa goyn ee adoo nabad ah ma ka bixi irrida, the biggest mistake aan sameenayna wuxuu ahaa labada qol ee barsada aan iska soo hor jeediney, waxaan gadaal ka ogaadey wuxuu jinkan dhulka iskugu ridayey oo anigana cirkaa iila kacey in uu ahaa jin kale oo kii hore sii dhax galey, jinkan oo ka soo baxy qolkii kale ee sadexda gabdhood ku jireen iyo wadaadkii la galey, jinkaan saarnaba qolka kale ayuu sii aadi, albaabadii ayaan iska soo horjeedinayey, waxaa naga hallaabey qorshihii, laba saacadood ayey mareysaa xilligii aan bilaawney iyo hada, badanaa naguma qaadan jirin nus saaac wax dhan, laakin ciidanka jimanka ayaa hada ah sideed kii aan saarney ee horena wadaadka dhax galey sidaa bey sideed ku yihiin wali tirada, to be continued
-
Inshaaradeydu waxey ii sheegtay inaan dhimanayo anoon Soomaaliyoo nabad ah arkin!
-
^^ nin gablamey, nin good qaadey(yixaas) nimuu libaax gowracey waxaaba ka daran ninkan Qodax, bal sagaal red oo reputation ah waxa uu ku galabsadey ayaa is weydiin leh, sidaasuuna iskula qumanyahay, Zack in yaroo qaruurax ah ayaan gaaweetada kuugu soo ridey Val , adna xoogoow baan dhankaaga u soo gamayaa Ps: When Ngonge started this topic, he had around 5 or 6 greens, now he has being getting and hitting the doors of others to fish for some bakhshiish, horta AT&T imisa green ayuu heestaa, intuu heestay ayaaan ka yaabi in laga miirto. Pss: I got deducted 2 greens by that topic of God Bless Odayaasha Soomaalida, inkaartoodaa i heshay
-
Ilaah tala saarta Inshaa Allaah
-
Adigu AT&T reerihii aad odeyga u aheyd xal ma u heshay Odayaasha I found out they have being coming to this spot for the past 20 years for sheeko doon and waqti dilis, I might meet them again once I pass that place, but what will the meeting do, they now know I am Rusian and will run away from me Hade salaanta ma anaa bilaabi mise ayaga(sida sharciga qofka fadhiyaa la salaamaa), illeen anigu waan fadhiyee, iney iyagu bilaabaan bey aheyd, waan fahmayaa wey yara cabsadeen oo axadkan Soomaaliba ma ahan bey is yiraahdeen ee tijaabiya hadii uu soo dhax gali karo sheekada, markaas waxaan xirnaa funaanad garan ah oo kilkilaha ka bannaan iyo dabagaab aad u weyn oo lowyaha ii joogey, meeshu waa kuleel. Malika, haye, waan raali galin odayaasha kolka, shaahna waan wada cabeenaa
-
Thanks for the updates yaa Cawaale, Madinat Nasri ma soo gaarey mudaaharaadka lol
-
The protesters had access to weapons in the case of Somalia in late 80s and early 90s!
-
^ xoogoow baan dhankaaga ku soo halgaadey Ps: Look Qodax , waaba RED wada socda, one green or two waan fahmey, laakin siduu ku helay shan red waa wax lala yaabo
-
Anoo qof ku sugaya boosteejada weyn ee ku taala centreka Abu Dhabi ayaan meel iska fadhiistey gudaha terminalka oo meel la iskaga nasto ah, kadib laba odey oo Soomaali ah oo saaxiibo ah ayaa midna horteyda soo fadhiistey, kan kalena midigteyda, markaa sports football ka socdey tv on da wall ayaan ku mashquulsanaa. Odayaasha waxey iga rabeen inaan salaamo ama sheeko iska camirano, aniguna markaa muraayadaan football asia cup ka daawanayey, 10 minutes passed, then odeygii iga soo horjeeday ayaa saaxiibkii ku yiri "qaabkiisaan garanayaayee waa qolyahaa reer Xamar", TVgaan iska daawanayaa laakin waan maqlaa, kii kalaa u jawaabey saaxibkii oo yiri "waan ka shakkisnahey inuu qolyahaa reer Xamarka ah yahay" kii markii hore yiri waa reer xamar ninkan ayaa hadana yiri "waa reer Xamar, iyagaa lagu yaqaan aamuska intey meel soo fadhiistaan waa dabeecadooda", kii midigteyda fadhiyaa u jawaabey sxbkii oo yiri "mayee waa reer Waqooyi", markiiba hadalka waxaa dafey kii hore oo yiri "haduu reer Waqooyi yahay hal daqiiqo ka badan maba aamusnaan laheyn oo indhaha ayuu faraha kaa galin lahaa", labadii odey waxey murmaan kolba dhinac ii gadiyaan mar yiraahdaan waa reer Bari, marna dhahaan waa Baajuun, marna yiraahdaan waa qolyaha reer Malindi ee Kenya, marna dhahaan waa Eritrean, sheekadana waan ku fahmey waxaa la rabey inaan isa sheego qofkaan ahey oon sidaa ku soo dhax galo sheekada Markuu murankoodi batey anna aan iska aamusnahey oo TVga iska daawanayo ayaa odeygii hore ee sheekada bilaabey yiri "maandhoow waan daalnayee oo dhimaney ma noolinee maad na kala qabatid" , intaan soo fiiriyey ayaan ku iri "inta aad sheegteen maba ihi" markaasna Af Carabi ayaan ku leeyahay oo lahjatul-Saxaaba ah, intey isku yaxyaxeen oo wajigoodi is badaley ayey i dhaheen xageed ka timid, kolkaasaan iri Ruushka ayaan ka imid in Af Carabi oo Ruush ayaan ahey, intey istaageen labadoodiba ayey iga ag dhaqaaqeen, hope I wasn't mean to them
-
Jacaylbaro;690114 wrote: Didn't I say waa "marfuucul Qalam" ?? ,,, Rawaahu dabaraaniyu wasaxxaxahuu tirmithiyu .... Qaalal kisaa'isu innahuu mucancanun laakiinahu qawiyun min Riwaayatin ukhraa lol@mucancanun, wa fii haathihil riwaaya rajulun yusammaa Yusuf wa qiila innahu kathaba marrtan waaxidah, wa hakathaa kaanal xadiithu daciifun mursalu mucallaqun shaathun ghariib. Qarax, sxb xalay maan barjeyn, maantaa se waxaa ii goglan xaafad la iga marti qaadey laba marduuf oo qoyana wey i sugayaan
-
Ma inaad marfuucul qalam tahey ayaad diideysaa(waalantahay dhabal qac madaxa ku socda), waliba majruurun aakhiruhu bidhamatin muqadaratin calal yaa'i
-
You cant satisfy a somali women with only primary education, she will need a bigger diploma. aawey JB, war ila arag waxa uu Qoraq qorey
-
Kool_Kat;689874 wrote: Wyre, before aan afkeyga (well, faraheyga in this case) kala furin, meeqo sano ayaad jirtaa? Exact age ha'ii sheeginee, ma dhalinta labaatanka horey kasaaran baa dahay mise gadaal, mise sodonmeeyadii baad kortay, mise ku dhex socotaa, mise kasii dagi rabtaa? Hade afartan hadeey sheekadu gaar siisan tahay, waa halkii ayeeydeey (AUN) "kabaxay anigu"! Koolo, hadii uu yiri 2004kii ayaa walidiinteyda rabey iney igu daraan gabadh reer baadiya ah, 2004kii almost 7 years laga joogaa, markaas da'diisu waxey aheyd 25 jir, oogu dar 6 sano iyo jajab, hada marka wuxuu jiraa loox anqaastii dhameestey(31 jir ama sodonka juz oo looxa lagu dhameeyey oo Juz camma laga soo bilaabey mar kale), waxaana filayaa in uuba adiga kaa weynyahay bil xaqiiqa
-
Ducaysane;689855 wrote: Nin qooq hayo school ma dhigto.
-
Sexism or just a bunch of Neanderthal Ngonges - you decide!
nuune replied to SayidSomal's topic in General
-
Jin qayilayo oo barjeenaya waaba sexy and romantic Dhowr gabdhood oo jiman ah ayaan is naqaanaa hadaad dooni mid aan kugu soo xiro aad isla geerisheysaanee
-
Ngonge 1 - 1 Norf I will declare a winner at the end of the month, how about that
-
Adiguna mid afartan miciyood leh baa kugu jira, kolleey qofkii ku arkey unbaa arkey jinkaaga, anigu agtaada mari maayo waxaan ka yaabi in awliyadeyda iyo jinkaagu isku xeyd-xeytaan hadhowna aan bahal qonof ah idinla kacno ood noqotaan lax salaama naqsaneysa
-
^^ Waa lazy ma isagaaba qori kara, tell him to use this Image 2 Text Converter loooooool@TD ma waayinee anoo kaa naxayaan LG gaagan doorto Talaw qoraha ma kuwa baabuurta ka faashleeya ayuu ahaa
-
Niikisku murquhuu u fiicanyahay awliyo walaa awliyo la'aan, hadaanse niikin soo halbowlayaaasha iyo lafta-niikaduba i istaagi maayaan
-
soo awliyo ma ihi, ma sawir baaba la ogol yahay inuu i qabto, kii Tuujiska ahaa eegbal siduu u edeb badanyahay iyo siduu hada noqdey
-
^^ Never, unless I come there in the summer
-
^ Ismalura, what exactly did you miss in Dugsi Loox, ma ulaha aad soo guri jirtey, ma qada aad cayaalka ka xadi jirtey, ma kabiirnimo aad ahaan jirtey oo cayaalka faraha ka tumi jirtey, ma looxa aad shiil-shiili jirtey, ma qalinka aad afka ka dhuubi jirtey, ma subciska habeenkii oo qofka kuugu dhaw aad quraanjada dharka ugu ridi jirtey and sometimes jiir dhintey, mise habeenkeey cambuulo jirto when ardeyga uu dhameeyo Juz oo saxan loogu talagay 10 qof aad ku cuntaan 3 ardey intii kalena aad u hanjabtaan(habeenkeey jirto canbuulo when one ardey finishes Juz waan ugu soo tala gali jirney and made plans for the night sidii aan dhowr saxan ku faquuqsan laheyn), intuba hadaad miss-gareesey then dugsi loox missed you too Horta Tuujiska, MMA waan uga jeedaa meesha, laakin mid JB aan moodayo inuu yaheyna halkaa geeskuu soo dhaka-taaganyahay
-
^^ oo imisa smart phone ayaad gadaneysaa, the motorola one would be your fifth one I guess. The thing looks nice, and it would be a good replace for my ipad or even iphone I guess.