dhulQarnayn

Nomads
  • Content Count

    948
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by dhulQarnayn

  1. Bismillah لَقَدْ جَاءَكُمْ رَسُولٌ مِّنْ أَنفُسِكُمْ عَزِيزٌ عَلَيْهِ مَا عَنِتُّمْ حَرِيصٌ عَلَيْكُم بِالْمُؤْمِنِي 1606;َ رَؤُوفٌ رَّحِيمٌ "Verily, there has come to you a Messenger from amongst yourselves. It grieves him that you should experience any injury or difficulty. He is anxious over you; for the believers, he is full of pity, kind, and merciful." [at-Tawbah: 128] 'A'ishah radi Allahu anha narrated: "Once, when I saw the Prophet in a good mood, I said to him: "O Messenger of Allah! Supplicate to Allah for me!" So, he said: "O Allah! Forgive 'A'ishah her past and future sins, what she has hidden, as well as what she has made apparent." So, I began smiling, to the point that my head fell into my lap out of joy. The Messenger of Allah said to me: "Does my supplication make you happy?" I replied: "And how can your supplication not make me happy?" He then said: "By Allah, it is the supplication that I make for my Ummah in every prayer." Reported in 'Sahih Mawarid adh-Dhaman' (# 1875), and it is in 'as-Silsilah as-Sahihah' (# 2254) dhulQarnayn :cool: Republic Of California
  2. Maliishiyooyin la sheegay in ay yihiin kuwa maxkamadaha oo maanta nin gajnacsade ah ku dilay tuulada qalimow ee gobalka Shabeelaha dhexe Wararka ka imaanaya tuulada Qalimow ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in maanta duhurkii halkaa lagu dilay nin ganacsade ahaa oo si weyna looga yaqiinay tuulada. Dadka deegaanka qaarkood oo aanu la xariirnay ayaa sheegay in ninkan ay dilkiisa fuliyeen maliishiyooyinka maxkamadaha beelaha oo hada ka taliya gobalka Shabeelaha dhexe,waxaana dilku uu yimid kadib markii maliishiyooyinku ay rasaas xoogan huwiyeen ninkan. Ilaa iyo iminka waxaan la garanaynin sababta loo dilay ninkan oo ahaa nin ganacsade ah aadna looga yaqaano Tuulada Qalimow ee gobalka Shabeelaha dhexe. Wararka ayaa intaa raacinaya in maliishiyooyinkii dilka ninkan rayidka ah geystay ay wali ku sugan yihiin isla tuulada iyadoo aanay jirin cid ku qabsanaysa ama la xisaabtameysa maadama uu gobalka shabeelaha dhexe hada yahay goob ay ka taliyaan maxdkamadaha beelaha oo ay maliishiyooyinkoodu iska sameynayaan wixii ay doonan.
  3. Roobow Abuu Mansuur oo sheegay in uu dagaalka kusii wadayo shacabka Soomaaliyeed xili lagu guda jiro bishii Cibaadada.{Waxaan la yaabanahay kuwa dadka leh waa bil cibaado ee ha la cibaadeysto,anaga xafladeenu waa dagaal} Dhamaanba dalalka Islaamka waxaa si weyn looga gudanayaa waajibaadka Ramadaanka,waxaana dowladaha islaamku ay bishan barakeysan awgeed cafiyeen maxaabiistii ku jiray xabsiyada,waxaana la yareeyay ciqaabaadkii iyadoo sidoo kalana dadka loo fasaxay in ay meel kasta iyo xili kastaba soconkarayaan,laakin arrinta aadka loola yaabay ayaa waxa ay tahy hadal kasoo yeedhay ururka AL shabaab oo ah in ay dagalka kusii wadayaan shacabka Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya sicir bararka iyo xaaladaha ad adage ee nololeed. ”Waxaan la yaabahay kuwa dadka ku leh bishani waa bil cibaado ee ha la cibaadeysto anaga xaflad ayaanu qabanay daahfur u ah dagaal socon doona ilaa iyo wadaca laga dhameysanayo”ayuu yidhi Roobow Abuu Mansuur. Afhayeenka Ururka AL Shabaab Roobow Abuu masuur oo hada ku dhuumaaleysanaya keymo ku yaala gobalka Bakool ayaa sheegay in ay maliishiyadiisu sii wadayaan dagaalo joogto ah ilaa iyo lixda bisha Shawaal. “Xitaa maalmaha wadaca la soomayo waanu sii wadaynaa dagaalada mana joojineyno”ayuu yidhi Roobow Abuu mansuur oo maanta shir jaraa’id oo dhinaca teleefonka ah u qabtay saxaafada magaalada Muqdisho. “Waa yaab iyo lama arag dad sheeganaaya islaam hadana ku dhiiranaya dilalka dadka islaamka ah saxaafadana ka shgeegaya in ay dilayaan dadka islaamka ah xiligan oo lagu jiro bisha barakeysneed ee Ramadaanka”ayuu yidhi ruux ku sugan degmada Wardhiigley gaar ahaana xaafadihii ay saaka dagaaladu ka dheceen oo shabakadan la hadlay kana gaabsaday macigiisa in la shaaciyo sababo xaga amaanka ah awgood.
  4. Muqdisho: Wasiir ka tirsan dawladda Soomaaliya oo ku dhawaaqay in ay Kismaayo dawladdu uqalabqaadatey soo celinteeda Muqdisho- Wasiirka Dibu heshiisiinta ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cabdirisaaq Ashkir ayaa ku dhawaaqay in ay deg deg dawladda Soomaaliya wax uga qaban doonto xaalada Magaalada Kismaayo. Wasiirkan oo ka hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dawladda Soomaaliya qaaday talaabooyin ay ku dooneyso in ay Magaalada Kismaayo ku tagto. Wasiirku wuxuu sheegay in aysan marnaba aysan dawladda Soomaaliya wax lug ah ku laheyn qabashada Magaalada Kismaayo, wuxuuna qirey inaysan joogin halkaasi ciidamo ka amar qaata dawladda Soomaaliya. “Dawladda FKMG ee Soomaaliya ma aysan heysan magaalada Kismaayo, mana aysan joogin ciidamo taabacsan lama garan karo cid qabsatey & sababaha loo qabsaday toona, waxa ayna dawladda Soomaaliya dooneysaah soo celinta dhamaanba deegaanada ka maqan” Ayuu yiri Wasiirkan. Wasiirkan wuxuu baaq udiray Beesha Caalamka isagoo ugu baaqay in ay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan Kumanaan dad ah oo ku dhaqan dalka Soomaaliya, kuwasoo ay xaalad culusi la soo daristey isagoo walaac ka muujiyey abaaraha & dagaalada wali sii socda oo xaalada uga sii daraya. Hadalkan wasiirkan ayaa ku soo beegmaya xili ay dhawaan Sidoo kale Xildhibaanada ay isku heybta yihiin Barre Aaden Shire ay ku dhawaaqeen in qabsashada Kismaayo ay la mid tahay markii ay Jamhaduhu ka jireen oo ay ku dagaalamayeen, waxaan Jamhadihii Magaalada ku dagaalamay kala hogaaminayey Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) & Col. Barre Aaden Shire (Hiiraale).
  5. Muqdisho: Dagaalo xoog leh oo ka dhacay Magaalada Muqdisho Muqdisho- Dagaalo xoog leh ayaa ka bilowday Saakay Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya, waxaana dagaaladan lugu qaaday Xarumo ay leedahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Dagaalada ayaa lugu qaaday Xerooyin Milateri oo ay leedahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, taasna waxa ay keentay in ay dagaaladan ku fidaan 5 degmo oo ka mid ah 16-ka degmo ee gobalka Banaadir. Kooxaha Mucaaradka ee dawladda Soomaaliya ayaa hoobiyayaal ku weeraray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxa ayna taasi kaliftay in ay ciidamada dawladda Soomaaliya sameeyaan iska cabin. Suuqa Bakaaraha gudihiisa waxaa ku dhacay 10 Madfac, waxa ayna sheegayaan Warar Madax banaan in gudaha suuqaasi ay ka yimaadeen Hoobiyayaal lugu tuuray dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya. Degmooyinka Wardhiigley, Hodan ,Yaaqshiid & Huriwaa ayaa ah goobaha ay ka dhacayaan dagaaladan, waxa ayna ciidamada dawladda Soomaaliya xireen inta badan Wadooyinka gala degmada Wardhiigleey. Ciidamada dawladda Itoobiya ayaa dagaalka soo galay goor dambe waxa ayna rasaas xoog leh ku soo caabiyeen Kooxaha diidan maamulka Dawladnimada ee Soomaaliya, goor horeba waxa ay dawladda Soomaaliya sheegatay Guulo . Dagaaladan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili Madaxweyne Yuusuf dhawaan sheegay in uusan Maamulka Soomaaliya u dulqaadan doonin dagaalada looga soo horjeedo heshiiskii Jabuuti, dawladiisuna si buuxdo u doonayso nabad iyo nidaam ka hirgala Soomaaliya.
  6. Dagaal xoogan oo saaka ka dhacay qeybo ka mida degmooyinka Holwadaag iyo wardhiigley {Afhayeenka xooga dalka oo saxaafada ku marti qaaday in ay soo arkaan meydadka 8 nin oo ay ka dileen ururka Alshabaab} Waxaa uu dagaalku bilaabmay salaadii subax kadib,taasina waxaa ay ka dambeysay kadib markii maliishiyooyin sheegtay in ay ka tirsan yihiin ururka Al shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimada ciidamada xoogu ay ku leeyihiin deegaanadan. Ururka AL shabaab ayaa sheegtay in uu masuul ka ahaa dagalkii lala galay saakay ciidamada dowladda federalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. Afhayeenka xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Maxamed Xersi ayaa saxaafada u sheegay in ay ciidamada dowladdu dagaalkii saakay ku dileen 8 ka mida dagalyahanka ururka ALshabab oo ay wali yaalaan halkii lagu dagaalamay oo aan ka fogeyn isgoyska sayidka. Waxaa kaloo sidoo kale lagaga dilay ururka alshabaab oo weerarka ahaa 13 kale dhanka jidka Aadan Cade oo sidoo kale dagaal qaraar ay fooda isku dareen ciidanka Madaxtooyada. “Saxaafada waxaa u furan in ay yimadaan oo sawirana ka qaataan raga argagixisada ah ee aanu dagalkii saaka ku dilnay oo wali dhulka daadsan”ayuu yidhi afhayeenka xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Maxdamed Xersi. Laakin Ururka AL shabaab masuuliyiintoodu waxaa ay sheegayaan in 4 ruux oo kaliya ay dagalka kaga dhaawacmeen iyadoo Shabaabka an horay looga baran in ay sheegaan khasaare yar haduu soo gaadho waxaana taasi ay muujineysaa saaka in ay jab la kulmeen. Tan iyo markii ay bisha Ramadan bilatay waxaa magaalada Muqdisho ay la kulmeysay dagaalo hadba dhacayay xiliyada salaada subax lagasoo boxo,waxaana ay dagaaladaasi kusoo beegmayaan iyadoo madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu dhawaan ku baaqay in qolyhaha dagaalada wada ay isku dayaan in ay bisha barakeysan xurmeeyan,kuwaas oo u muuqda in aanay dan ka lahayn Ramadaan haduu dhashay iyo hadii kale.
  7. Waraaq Furan oo ku Socota Wasiirka Dib-U-Heshiisiinta ee Dawladda Faderaalka Soomaaliya Md Mudane Wasiir sow ma Ogid in dhibaatada iyo xasuuqa baahsan ee ka taagan magaalada Kismaayo aanay todobaadkii tagay soo bilaaban, Mase Ogtahay in wasiirnimadaadu aanay ahayn mid hada bilaabanaysa oo aad horay wasiir u ahayd,lagaagana baahnaa dhib haduu dhacay loo geysanayo shacabka aan waxba galabsan in goor hore aad ka hadasho,mase Ogtahay sidoo kale Mudane wasiir in dadku ay is weydiinayaan sababta hada kugu xambaartay in aad afka labadii yeerto dhibaato horay u jiri jirtayna aanad ka hadli jirin???? Dhamaanba weydiimahaasi waa kuwo si weyn ugu dhex noq noqonaya maskaxda ruux walba oo wax garanaya,waxaana jawaabaha weydiimahaasi ay yihiin kuwo wali u rahman masuulka ay waraaqdan furani ku socoto. Wixii ka danbeeyey 1995-kii waxaa inta badan laga nastay duulaamadii ay wadeen JABHADIIHII Hogaamiye yaasha Indhoolayaasha ahi hor boodayeen,inkastoo 1999-kii ay timid JABHAD dadku u yaqaneen magacya badan oo mar la magac baxday WALAALAHA GALGADUUD,marna la baxday ISBAHAYSIGA DOOXADA JUBA,taas oo xoog kula wareegtay gobollo ay ka mid ahaayeen Jubooyinka, waxaana xarunta gobolka J/hoose gacanta ku dhigay kuwii loogu magac daray DOOXATADA JUBA ama WARAABAYAASHA GALGADUUD. Warabayashaas reer galgaduud waxaa ay gobalada jubooyinka gaar ahaana magalada kismayo ka geysteen xasuuq aan la’ilaawi Karin, balse dadbadani ay ku duugeen Diiwaanka la xisaabtanka Mustaqbalka dhow,lana ogsoonyahay cidii gaysatay iyo cidii ku gacan siisayba. Tan iyo markii WARAABAYAASHA GAL GADUUD ay gacanta ku dhigeen magaalada kismaanyo, waxaa gabi ahaanba ay burburiyeen dhamaan goobihii adeegyada shacabka, waxaana ay xoog ku dhisteen dhulal ay lahaayeen dadka magaalada mudada dheer daganaa ee loo yaqano FAARAX DEEGAANK oo loola jeedo “qofka deegaanka u dhashay”,iyagoo sidoo kalana bur buriyay guryo dadka magaaladu lahayeen oo ay ka sameysteen dhismayaal waaweyn oo dabaq yo ah,waxaana dadkii deegaanka ay ka dhigeen kuwo ay barakiciyeen iyuo kuwo ay laayeen oo qabuuro wadareedyo sameysmay maanta ku aasan. Inkastoo shacabka reer kismaayo ay yihiin kuwo dulqaad badan, jecelna Nabada iyo haygalka dowladeed, haddana waxaan meesha ka marnayn shacabka reer kismaayo in mar waliba ay ka dhursugayeen Dowlada Fedaralka KMG ahi in gobolkaasi Burcada Xooga ku qabsaday ay wax ka qabato oo ka sifeyso si la mdia gobalada kale ee dalka Soomaaliya. La-Mood-Noqonse-Weyday ee sanadku markuu ahaa 2006-dii waxaa magaalada Kismaayo la wareegay gacan ku heynteeda maxaakiimtii beelaa midoobay oo ay suruagal u noqotay in ay si fudud kagala wareegaan Hogaamiye Kooxeedkii xooga ku heystay,isla markaana ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Fedaralka kmg Bare Aadan Shire "Bare Hiiraale" . Balse Dagaalkii u qaraaraa wuxuu Bare Hiiraale iyo maliishiyadiisa uu ku qabsaday Degmada Bu'aale ka dib markii ay kaga daba tageen Maliishiyadii Maxkamadaha oo markaasi kasoo saaray magaalada Kismaayo ,Maliishiyada Bare Hiiraale oo baaburta dagaalka ay ka dhiiqootay kana dul dagaalamayay ayaa markii danbe qaarkood isku dhiibeen iyaga iyo gawaaridii dagaalka ay wateen maliishiyadii maxkamadaha, halka kuwa kalana ay ka carareen gawaaradii dagaalka ay wateen , taas oo maxkamadaha u sahashay in ay Tikniko badan gacanta ku dhigaan. Nasiib darada ku dhacday Bare waxaa ay ahayd in kuwii uu isku dhajinayay ee maxkamadaha ay soo ceyrsadeen uuna miciin biday in uu galo magaalada Baydhabo oo isagoo wasiir ah loogana sharaf haayay uu diiday in uu tago mar looga yeedhay. Bare Hiiraale oo aan gacanta waxba ugu jirin isaga iyo maliishiyadiisa ayaa hab firxad ah ku galay magaalada Baydhaba oo isla markaasi u ah fadhi ku meel gaar ah dowlada fedaralka Soomaaliya, waxaana halkaasi loogu dhaariyey Bare Hiiraale Wasiirka Gaashandhiga dowlada Fedaralka isaga iyo Maliishiyadiisana loogu labisay tuutaha iyo astaanta Dowladeed ee Soomaaliya, waxaana dib loogu soo celiyey iyaga oo sita qoryo kuwii hore ka waaweyn Magaalada Kismaayo. Haddaba markii Dowlada Fedaralka kmg ahi iyo Xoogaga Itoobiyaanku ay duulaan ku soo qaadeen deegaanadii ay ka talin jireen Maxkamadihii Islaamiga sheegan jirey, ayaa waxaa u suurto gashay inay gacantooda dib ugu soo noqoto kooxaha laga saaray magaalada kismaanyo, waxaana Dowlada Fedaralka KMG ah ee iyadu dulmiga ka gashay shacabka Gobolada Jubooyinka ay hub iyo Saanad iyo Ciidan ahaan ka dhistay Kooxihii WALAALAHA GALGADUUD, ka dibna waxaa ay durbadiiba bilaabeen in ay si fudud isaga xayuubiyaan shaatigii ay u soo xirtay Dowlada Fedaralka iyo ciidamada nabad ilaalinta Itoobiya oo ay xirteen Shaatigoodii WARAABAYAASHA GALGADUUD, waxaana maalin qura gobolkii Jubada hoose uu gacanta u galay kooxaha Moor'yaanta ah. Waraabayaashaas Reer Gal gaduud Waxaa ay bilaabeen xasuuq ay kula kacayeen dadka deegaanka oo ay ku tuhmayeen in aanay la dhacsanayn joogitaankooda magaalada Kismaayo waxaa kaloo marag madoonto ah dilal joogto ah dhac kufsi IWM oo aan loo meel dayin habeen iyo maalin lagula kici jiray dadka deegaanka u dhashay ee looguna tagay. Dowlada Fedaralka xaaladaasi waxeey ula socotay saaca ber saaca iyo xasuuqa loo geysanayay shacabka reer kismaayo mana aysan ka hadlin walina afka kuma aysan dhufan xasuuqaasi loo geystay dadkaasi Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Deegaanada Jubada Hoose gaar ahaan Magaalada Kismaayo. Hadaba su’aalaha dhowrka ah ee haatan horyaala dowaldda fdederalka Soomaliya loogana fadhiyo in ay ka jawaabto ayaa waxaa ka mid ah :Shacabka Reer Kismaayo miyeysan aheyn Shacab Soomaaliyeed? Shacabka Reer Kismaayo Miyaysan ahayn Birmageeydo? Shacabka Reer Kismaayo miyeysan Xaq Ku Lahayn Dalka Soomaaliya iyo Dowlada Soomaaliyeed Intaba? Su’aalahaas jawaabtoodu waxaa ay tahay mid si guud looga sugayo dowladda federalak Soomaaliya,waxaase soo raaca su’aalo kale oo iyaguna si gaar ahaaneed u horyaala wasiirka dib u heshsiinta ee shalay afka labadii yeedhay horayna aamusnaanta loogu bartay,waxaana ay su’aalahaasi ku xusan yihiin baaragaraafka koobaad ee mqaalkan.
  8. ^^^Eeeew, thats nasty! Waxay ilatahay salaadii ina lagu kala yaacay...lol! Ninyahow MM, waxaan kuugu talinayaa inaad taraawixda aadin adoona hal saac meelahaas soo lugeen...waayo aadoo dibirsan hadaad salaad xiratid waxaa laga yaaba inaad bahal dhuusa ah aad ka wareeegtid- sidii habeenkii ugu horeesay Ramadaanka, oday aan ku ag tukanayey! Saaxiiib mar walba oo la rukuucsanayey buu bahal aan caadi aheen ka wareegayey...hadana mid carab ah oo waalaan buu ahaa ee asagoo weesadii ka jabtay ayuu wali salaada utaagnaa. Habeenkii oo dhan, qosol iyo yaqyaqsi ayaan latukan waayey. dhulQarnayn :cool: Republic Of California
  9. Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: Walee adigaa geed ugu xidhan oo ka daba qaylinaya meel kasta oo uu istaago ..... GEED INUU IIGU XIRANYAHAY ANAA KU TUSI DOONA EE, CAR HA SOO QORO WAX! WIRRRR, BAAN KU IRI! LOL dhulQarnayn :cool: Republic Of California
  10. ^^^Bullocks mate...lies I tell you...ALL LIES! The republic of Somaliland in la-la land is a sovereign and soon to be recognized country. This guy you're quoting doesn't know anything. Viva Somaliland! dhulQarnayn Republic Of California
  11. Originally posted by Abtigiis &Tolka: quote: Originally posted by dhulQarnayn: ^^^ Ma waxaad rabtaan SomaaliGalbeed inuu kusoo biiro oo aad caano booraha isla walaaqataan. War hoy ninkaan haadaan yuuna kaa ridin. dhulQarnayn :cool: Republic Of California Adeer,Somalidu waa isku mid, baahina wax isma dhaanto. Yaase ku yidhi dad baa baahi lagu caayaa! Which moral school taught you so? More and more I am realising I am arguing with someone who haven't been to the gates of schools; but managed to learn typing in the internet and picked up English from the street! because your language is that of the street. Shaqsiyan haddaad rabto inaan isu cayno, shaad kaan kuu dhigan, because the likes of you mistake xishood for fear. Laakin leave the Reeraha out of this. Is is SHAME! And this is the last comment from me to you. And if you think the Somaligalbeed people (who are composed of all the somali clans by the way- although your focus is on one clan alone) are cowards and beggars, perhaps it is time you take up the the responsiblity of liberating and feeding them. Like that racist poet Rudyad Kipling, you should: " Take up the white man's burden - The savage wars of peace Fill full the mouth of famine And bid the sickness cease!" CRY ME A RIVER, OW! Sing with me, A&T...Cry me a river, ow...lol! Saaxiib I've lost my appetite today, I think inaan CAANO BOORE ku afuri doono maanta:D By the way A&T, how do you like to drink your Caano boore during afur, Cold or warm? Mise kuma afuraysid galabta, xalay ayaad ku suxuuratay, miyaa? dhulQarnayn :cool: Republic Of California
  12. Allow me to quote a previous thrashing I gave you, Mr Suldaanka.... Originally posted by dhulQarnayn: [QB] quote: Originally posted by Suldaanka: ^^Kani muxuu is mooday talaw??? Do you think I give a damn of what you think of me. Suldaanka , I'm sorry young lady, I have no idea what you're on about... need I say that your temper tantrums here are an called for... is qabooji saaxiib ! dhulQarnayn Republic Of California
  13. ^^^ Flaming Homo...not the guy who posted it, but the man in the clip.
  14. Originally posted by Suldaanka: DhulQarnayn, You are not the first person I busted on these forums. It is obvious to tell when you come across a dubious article, specialy one that is provided as a "prove". There are so many mistakes in that sentence. First it lacks coherence and is completely disjoined from the rest of the article. No professional journalist would repeat this long title "The country's vice-minister for transport and communications" twice within that span of text. Besides the obvious spelling mistake of the word "contingent" the over-explaination of the "reason" for "forces" is ludicrous to say the lease. The area in discussion is not known for "Somali Terrorism" either. Food for thought, dhulQarnayn. You tried to come in here for support but you leave with a bloodied nose. Here we have again the aforementioned evasion tactics that you my friend are miserably failing to employ, once again. Instead of admitting that the article does infact PROVE that there IS an ethiopian presence in berbera, which is part of the initial statement, you dodge it by stating girlie accusations that you've busted me and that it isn't a first for you- NEITHER OF WHICH RELATES TO THE ORIGINAL POST! This is pathetic, sir, to say the least! dhulQarnayn :cool: Republic Of California
  15. ^^^^^^^ ha ha ha...the only thing that is busted are my senses by your slow-wittedness saaxiib. I am glad though that you've found A LINK that does show that the ethiopians use the port of berbera. Now keep searching saaxiib and let us know when you find the full Efoyta article,Okay! dhulQarnayn :cool: Republic Of California
  16. Suldaanka, I posted a statement in reply to the lead post by Mr ME, and this is your reply? Very sad walahi! If you don't believe what I posted about the use of the port of berbera by the xabasha, you should research it for yourself and USE AN INTERNET SEARCH ENGINE! Need I say Suldaanka that asking for evidence is not a point and is not an argument. This was a petty attempt to prove yourself "right" by tossing the burden of proof onto me and hoping that I wouldn't be able to vet your silly insinuation. Saaxiib, you cannot seriously go through life believing that so long as someone cannot produce a link that they are wrong. This is trully dangerous and reeks of self-delusion. But then again, who am I kidding- Seccesionists have a tendency to be incalculably myopic. dhulQarnayn :cool: Republic Of california
  17. Originally posted by jamaal7777: Abtigiis i think you have a talent for telling stories. Dhulqarnayn dee waa run ee ninka weerarka aad kuwadid yaakhay kadaa saxiib. Jamaal, walaale kan geed buu iigu xiranyahay. Rabaayad buu ii yahay ee ha u jicinjixin! Why do you think I keep encouraging him to stick with the bedtime stories he has so much talent for? dhulQarnayn :cool: Republic Of California
  18. Originally posted by me: I keep hearing information about Ethiopian troops that are stationed in a former Somali military base near Berbera. Can anyone confirm this? and if it's true why has it not received any publicity? I found this article in a weekly Amharic newspaper called Efoyta, where the xabasha admit their presence in Berbera. ETHIOPIA-SOMALIA: Ethiopia using Somaliland port of Berbera Ethiopia's transport ministry has confirmed the port of Berbera in Somaliland has been successfully opened to Ethiopian traffic. A weekly Amharic newspaper 'Efoyta' quoted the country's vice-minister for transport and communications, Ayenew Bitewligne, as saying a total of 30,000 mt of relief food has so far been transported to Ethiopia via the port. Reuters reported that there Ethiopia also plans to use Port Sudan in future. Ayenew said Denmark was assisting efforts to renovate and upgrade the road from the Ethiopian border to Berbera. The country's vice-minister for transport and communications also stated that a small contingent of Ethiopian defense forces have also been stationed near the port to protect the relief from the instability that may come from Somali terrorists. There you have it saaxiib, the confoundedly cretinous secessionist denial is baseless. dhulQarnayn :cool: Republic Of California
  19. ^^^ Ma waxaad rabtaan SomaaliGalbeed inuu kusoo biiro oo aad caano booraha isla walaaqataan. War hoy ninkaan haadaan yuuna kaa ridin. dhulQarnayn :cool: Republic Of California
  20. ^^Saaxiib Zack, I was just passing a compliment. Personally, I like the bedtime stories my homeboy A&T is very good at narrating. Marka, what're you on about mate? dhulQarnayn :cool: Republic Of California
  21. Boqol jeer oo hore baan ayaan kuu sheegay in ee siyaasadu u baahantahay aqoon iyo khibrad dheeraad ah ee sheekooyinka baabu raqiiska ah yaad ku fiicantahan ee halkaagaas iska joog. dhulQarnayn :cool: Republic Of California
  22. A&T, Somaligalbeed are cowards...because Eritrea which was much smaller and weaker and did not have the support of any country ayaa xabashi iska xoraysay...marka idinkoo umada somaliyeed oo dhan ee ni garab taaganatahay maxaaad la xoroobi la'dihiin? Xagee la idiinka haystaa? ma qoriga sida loogu dagaalamo ayiinan baran, mise fulaynimadiina ayaa fulaynimo dhaaftay oo xabashidaan laciifka ah ayaad iska kicin la'dihin. Ilahay waxaan kabar yeenaa inuu idiin dhasho geesi idiinka xoreeya xabashida futa madow. Kuwaan geesahaaga ka qalaadaya sidii orgi deera-dhaaf ah oo iskaaga dhigaya inay kuu hiilinayaan waa kuwii xabashida kuu dhiibay maantana kugu maadsanayah ba'aaga iyo jabkaaga. dhulQarnayn :cool: Republic Of California.
  23. Originally posted by Abtigiis &Tolka: By your every utterance, you are exposing your spite for X or Y clan. Ummadoo dhan haddaad nacdid, yaad rabtaa in aad dawlad u dhisto? I am sure you also hate reeraha Xassen Daahir iyo Sheekh Shariifna? A&T, war laclacyahow, ma anaa qabiil kaa lahadlay. Dadkaan aad ileedahay waad nacebtahaynah ma qalbi haatuf baad tahay, sidee ku ogtahay? Horta anigu shakhsi baan ahay, qabiilna uma taagni; hase ahaatee fikradayda aan qabo, ama ku farax ama ka nax, ma jecli waxa qaranka somaaliyeed bililiqaysto, ma jecli nin'aan karti laheen oo isticmaarka hoos jiifo, mana jecli wax somaaliween kala gaynaya. Hate or love! dhulQarnayn :cool: Republic Of California p.s I laughed AT J.a.c.a.y.l.b.a.r.o, because he said I wasn't "educted"- whatever the heck that means. Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: ... using the keyboard doesn't mean someone is educted dee. I guess he meant it as a joke, but forgot the punchline. J.a.c.a.y.l.b.a.r.o, I suggest the next time that you feel an urge to embarrass yourself that you resist the temptation.
  24. ^^^lol@ J.a.c.a.y.l.b.a.r.o