Xidigo

Nomads
  • Content Count

    561
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Xidigo


  1. Ku socoto: Dadka reer Awdal , Ka socoto: Dadka reer Sool

    by M. Ali

    (Updated:Sat.17.December.2009

     

     

    -------------------------------------------------- ----By. M. Ali

    Jan.16,2009

     

    Waxaa jirta odhaah tidhaahda " Dadka Reer Afrika in la dulminayo iyo in ay wax dulminayaan waxba ugama dhexeeyaan"

     

    Hadaba hadda waxay noqotay "Dadka reer Hargeysa iyo Burco in la dulminayo iyo in ay wax dulminayaan waxba ugama dhexeeyaan".

     

    Waxay mar walba ka cawdaan in la dulmin jirey,haddana waxay u heellan yihiin in ay wax dulmiyaan.Markaa mar mar waxaad is odhanaysaa 'Malaa waxayba ku fiican yihiin in laga ilaaliyo awood ay wax ku dulmiyaan,oo mar walba ay noqdaan iyagu kuwa dulman oo loo taliyo'.

     

     

    Xaqiiqda marka laga hadlo waa markii ugu horreysey taariikhda ee awood madaxbannaan ay gacanta la helaan dadka reer Hargaysa iyo Burco.

    Markiina waxay u isticmaaleen si khaldan taas oo keentay in lagu dulmiyo dadyowga kala duwan ee ay walaalaha yihiin ayna deris iyo dan wadaagtaba yihiin iyagoo doonaya in ay arrimaha u muujiyaan sidii wax la wadaago oo la wada leeyahay,haddana doonaya sad bursiinyo ku salaysan qabyaalad.

     

    Waxaa wax lala yaabo ah in ubadka yar-yar ee soo koraya iskuulada lagu baro nacayb iyo qabyaalad,lagu beerayo in dadka dega W/galbeed iyo Burco ay yihiin Mujaahidiin keligood usoo halgamay xornimada dhulka,halka qabiilada kale laga dhigo kuwii laga xoreynayey dhulka.

     

    Runtuse waxay tahay in waxa loo soo dagaalamayey ay ahayd in wax la dulmiyo.

     

    Dadka ku dhaqan Gobolada W/galbeed iyo Togdheer waxay dhaxleen wax allaale wixii hub iyo awood ciidan ay lahaayeen ciidmmadii qaranka Soomaaliya,waxayna u isticmaaleen aarsi qabiil iyo cabbudhin toosan oo aan la qarin.

     

    Ma aha dadka la dulmiyo reer Awdal iyo reer Sool oo keliya ee waxa dulmigan iyaguna qaba kuwii soo dagaalamayey sida beelaha dega galbeedka Sanaag iyo Ceel-afweyn(Habar Yoonis) oo laga ilaaliyey in ay jago muhiim ah ka qabtaan dalka.

     

    Waxaynu wada ognahay dhibaatada ay qabaan dadyowga laga tirada badan yahay ee deggan Hargeysa,sida;Midgaha iyo Tumaalada kuwaas oo aan wax horumarin ah laga fulin goobaha ay degan yihiin,lagana qayb gelin mashaariicda horumarinta.

     

    Waxaynu wada ognahay sidii loo weeraray gobollada Sool iyo Cayn oo aan dadkoodu marna raalli ka ahayn in la kala gooyo dalka Soomaaliya.Arrintaasi waxay dhalisay barakac dad rayid ah iyo dhibaatooyin badan,taas oo mustaqbalka horseedi doonta colaad qabiil oo aan damin.

     

    Waxaynu wada ognahay sida loo maamulay diiwaangelintii doorashada ee gobolada,taas oo ujeedada ka dambaysa ay tahay in loo muujiyo in dadka dega gobolada qaar ay iyagu yihiin 80% dadka degan Somaliland,qabiilada kalena ay yihiin dad yar oo aan cod weyn ku lahayn jaangoynta siyaasada iyo mustaqbalka dalka. Iyadoo isla markaa la doonayo in lagu yaboohsado magaca gobolada waxna loogu qaybiyo nidaamkan.

     

    Waxaa dhiirrigelin leh sida ay dadka reer Awdal uga dhiidhiyeen dulmigan una qaadan waayeen ,iyadoo taariikh ahaan la ogyahay in dadka reer Awdal ay yihiin dadka ugu horreeya xaga waxbarashada iyo aqoonta gebi ahaan ummada Soomaaliyeed ayna leeyihiin taariikh aad u fog,isla markaana ka soo qayb qaatay halgamadii xornima doonka.

     

    Haddaba;

     

    Waa in meel looga soo wada jeesto ka dhiidhiga dulmiga xag siyaasadeed iyo xag sharciba.

    In dib loo eego nidaamkii lagu dhisay maamulkan ,kaas oo ahaa mid xaqdarro kudhisan isla markaana leh ujeedooyin gurracan oo fog. Waa in la tuuro gebi ahaan dastuurka iyo hab dhismeedkan(Revoke and Nullify since it is illegal).

    Waa in la eego aayaha shacabka gobollada Waqooyi dega oo dhan,lana tix geliyo rabitaanka mustaqbalkooda,oo aan lagu khasbin rabitaanka cid kale.

     

    Ujeeddada fog ee ka dambaysa maamulkan doonaya in uu ka go'o Soomaaliya waa mid ku dhisan qabiil doonaya in uu marka hore helo aqoonsi caalami ah, dabadeedna helo awood dhaqaale iyo mid milateri oo uu ku cabudhiyo qabaailada kale ee dega dhulka.

     

    Dadka reer Awdal waxay haystaan maanta fursad ay ku horjoogsan karaan taa iyada ah,marka loo eego xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya reer Awdal iyo Madaxweynaha Jabuuti,iyo iyadoo aan weli la aqoonsan maamulkan.

     

    Midhaha aynu maanta u tacabno ayay goosan doonaan ubadkeennu.Waxa aynu maanta wax ka qaban karno waxaa jiri doonta maalin aynaan wax ka qaban karin.Taariikhda ayayna gelaysaa wixii wanaagsan ee loo qabto mustaqbalka ubadka soo koraya iyo dhulka ay dhaxlayaan.

     

     

    Qore: M.Ali

    modaher291@gma

    Web Boramanews.com


  2. Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

    U know xidigo can write an article and publish it on the internet just like this one ,,,, doesn't change anything on the ground.

    The genius who picked you as the 'Somaliland' spokesperson on this forum probably also picked Duke to speak for the TFG. And we all know how that ended.

     

    Awdal was here before your ancestors came along and it will be here long after you're gone. Today, we are for Somalia so baroortaada geelu ha ka cabo.

     

    SNM Gang godad ha sii samaysato :mad: . The Awdal movement is uderway.


  3. ^ Waar ilayn Clan lander baad ahay, waxaan is lahaa waar maxaad ninka ku samaysay uu furka u tuuray thread kii kale. There is nothing call Somali-land. So go ahead and join the hallucination committee Aka NG, JB and more :rolleyes:


  4. Originally posted by General Duke:

    JB: The man and the army that humbled you in SOOL are returning, thus no threat this is a promise.The game is set, Puntland without the souther issues will become a power much bigger than it has ever been, thats a promise insha Allah.
    :D

    Oo waad dhaaranaysaa ba, inaad dagaal kale ka bilowdo Other side of Somalia,

    waar ileen ayaan daro badanaa. Adoo MN shaaha kulul ku cabaya ayaad dagaal iyo dhibaato u rajaynaysaa umada. :rolleyes:


  5. Originally posted by General Duke:

    Its good news, after the 5th our boys should be heading home.

    I thought you were supporting Somalia's peace and prosperity. I remember you said that you love Somalia and you want nothing but a peace and stability, I thought you were for unity. What is this nonsense you speak of? Aren’t the Puntlanders Somalis? Isn't puntland part of Somalia? Please stop this madness of being Qabiilist, go have a cup of tea from the Starbucks and think about ways you can support the coming administration. I am sure it will be another stooge government but if they bring peace and stability to Somalia that will give me a chance to open my wax waliba haye tukaan in the center of Mugadisho.

     

    P.S. The difference between you and a Somalilander is hypocrisy.


  6. Originally posted by Kool_Kat:

    Xidigo,
    King Khalid is here too with them...But meeshey ku dhigayaan baa meel eheen, $30ka eesheegaayaan iska daayee $10 meelaga dhiibi karo ma'aha meesha...Thanks to Ayeeydeey wiilkeeda, A/wahaab Antar Naaji, our tickets will be at the door - if we decide to go...
    :D

    Ala ayeeydaa ayaa dhashay A/wahaab? He is a very good musician. next time you see him tell him atariishadii Abiil male ayaa ku soo salaamaysay. :D


  7. Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

    Dear Editor,

     

    Can we secure some funds for Xidigo to go visit Borama in January 2009. This would do a lot for her, her family and the commuity as a whole.

     

    Thanks

    Dear Editor,

     

     

    If I secure the funds to visit my region, specially my beautiful Borama and Inshala I will by this coming summer, I can guarantee that my xaafadii Axmed gurey, would welcome me with gacmo furan. However, I would really appreciate if you can provide me with security from JB’s bazooka and bunduq attack. I can almost be certain that JB would not hesitate to squeeze my pencil neck if he has the opportunity. (Yacni ciil baa ku gadhoodhay lool)

     

    JB and I have had very special friendship, but ever since he discovered something extremely delusional called Somali-land (on our side we call it Clan-land, meaning it is fake country with one clan) things have never been the same. You see JB spends most of his time creating or searching for propaganda for sake of recognition. But what he fails to realize is that this whole thing is a fake dream. And I am afraid that when he wakes up from this dream he might do unthinkable and run naked from Allaybaday to Wajaale. Lool :D