-
Content Count
212,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee Atalanta oo ka howlgala Xeebaha Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta qabtay shir jaraa’id, isagoo ka hadlay xaaladaha ka soo kordhay Badda Cas ee weerarrada Xuutiyiinta iyo sidoo kale heshiiskii badda Itoobiya iyo Somaliland.
Admiral Ignacio Villanueva oo ku sugnaa Muqdisho tan iyo 22-kii bishaan ayaa kulamo la yeelanay mas’uulinta dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo kala hadlaya xaaladaha soo kordhay ee afduubka maraakiibta iyo damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.
Howlgalka Atlaanta oo soo bilaawday 2008, si looga hortago weerarada burcad badeeda ee xilagaas ka dhaci jiray xeebaha Soomaaliya ayaa guuleystay oo waxa laga adkaaday burcadii, balse todobaadyadaan Xutiyiibta ka dagaalanta Yemen ayaa afduub ka bilowday badda Cas.
Admiral Ignacio Villa mar la weydiiyay sida uu howlgalkooda u arko xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan damaca badda ee Itoobiya, ayaa wuxuu sheegay in arrimahaas aysan qeyb ka ahayn howlgalkooda, balse uu rajeynayo in qaab wadaxaajood ah lagu dhammeeyo xiisadda.
“Waa su’aal wanaagsan, waana inaan halkan ka taxaddaraa sababta oo ah shakhsi ahaan, anigu waxaan ahay oo keliya Taliye Hawlgaleed, markaa taasi waxay la macno tahay in shaqadaydu ku kooban tahay hawlgallada, waanse la socdaa xiisaddaas aad sheegtay ee Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin waxaan rajeynayaa in wadahadal iyo wada-tashi lagu dhammeeyo xiisadahaas,” ayuu yiri Admiral Ignacio.
Taliyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya aysan howlgalkooda saameyn ku yeela doonin.
“Ma filayo in ay saamayn ku yeelato qorshahayaga, ma ahan, waxaan filayey inaysan saameyn ku yeelan doonin qorshahayaga, waan sii wadi doonaa qorshahayaga, aan ku celiyo mar kale wixii Midowga Yurub hore ugu sheegay in golayaasha kala duwan ee ah, in midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay muhiim noo tahay, kolkaa ma filayo in ay wax saameyn weyn ah nagu yeelato, waxaana rajeynayaa in xiisadahaas ay meesha ka bixi doonaan dhawaan, iyada oo loo marayo wadahadal iyo gorgortan,” ayuu yiri.
Dhanka kale, mar wax laga weydiiyay weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku hayaan maraakiibta marta Marinka Baabul Mandab waxa uga qorsheysay ayuu Ignacio sheegay in ay iyaga hadda xoogga saari doonaan un xeebaha Soomaaliya, “howgalkeenu wuxuu ku egyahay xeebaha Soomaaliya oo aysan qeyb ka ahyan howlgalka Badda Cas ee ka dhanka ah Xutiyiinta.”
“Hadda, qorshahaygu waxa uu ku egyahay wixii naloo tilmaamay oo keliya, markaa aniga waxaa la ii igmaday oo keliya Soomaaliya, waxaana jiri doona hawlgal kale oo Midowga Yurub ah oo dhowaan dhici doona kaas oo wax ka qaban doona Badda Cas iyo khatartaas ka taagan, markaa taasi waa mustaqbalka, aad ayaana ugu faraxsanahay, sababtoo ah hadda waxaan si dhab ah awoodda u saari karaa Soomaaliya iyo baahiyaheeda amniga badda.” Ayuu yiri Ignacio.
BBC
The post Howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya oo ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online. -
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in qarax lagu burburiyay booyadii biyaha u dhaamin jirtay ciidamada PMPF.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa gebi ahaanba burburiyay booyadda sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ku sugan Boosaaso.
Waa qaraxii labaad oo mudda 24 saac ah ka dhacay Boosaaso iyadoo uu shalay halkaasi ka dhacay qarax khasaare xooggan sababay.
Ilaa saddex ruux ayaa ku dhintay qaraxii shalay oo ka dhacay meherad lagu qayilo halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 qof oo kale
Labadii todobaad ee u danbaysay waxa Boosaaso ka socday qaraxyo lagu beegsanayo xarumaha ganacsiga iyo meherada la isugu yimaado kuwaas oo khasaare kala duwan sababay.
PUNTLAND POST
The post Boosaaso: Booyadii biyaha u dhaamin jirtay Ciidanka PMPF oo qarax lagu burburiyay appeared first on Puntland Post.
-
Ku-xigeenka Safiirka Itoobiya u Fadhiya Qarammada Midoobay oo Madal Caalamiya ka Difaacay Heshiiska ay la Galeen Somaliland
Hargeysa – Kuxigeenka Safiirka Itoobiya u qaabilsan Qarammada midoobay, Samuel Isa, oo ka qaybgalay shir ay Magaalada Kampala ku yeesheen dalalka G77 iyo Shiinaha, ayaa ka hadlay ahmiyadda iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ay dhawaan is-fahamka ka gaadheen.
Danjire Samuel Isa wuxuu sheegay in heshiiska is faham ee Somaliland iyo Itoobiya uu waafaqsan yahay xeerarka caaalamiga ah ee kastamada iyo shuruucda badda.
“Heshiiskani wuxuu si cad u jidaynayaa oo loogu talo galay inuu wax ka taro arrimaha ganacsiga si ay uga faa’iidaystaan muwaadiniinta Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yidhi diblomaasigaasi.
Samuel Isa waxa kaloo uu intaas ku daray “Waxa isfahamkan loo maray qaab nabadgelyo ah oo ku sallaysan wadahadal iyo iskaashi wadajir ah oo dhinac waliba guulaystay, kaasi oo kor loogu qaadayo nabada iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika.”
Heshiiska is faham ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhigaya in Jamhuuruyadda Somaliland Itoobiya ka kirayso 20km oo ay ka dhigtaan saldhig millatari oo badda ah, iyadoo Itoobiyana ay noqon doonta dalka u horreeya ee aqoonsada Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 33ka sannadood u halgamaysay inay caalamka ka hesho ictiraaf caalamiya.
-
UK oo ka Hadashay Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya
Hargeysa(Qaran news)-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, & Xafiiska Barwaaqo-sooranka UK , ayaa la weydiiyey su’aal ku saabsan haddii uu wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland la yeelan karo wadaxaajood ku saabsan amniga gobolka, iyo addeegsiga dekedda Berbera.
Wasiirka ayaa ku jawaabay.” Ilaa iyo markii ay soo shaac baxday isafgaradka Somaliland iyo Itoobiya, Dowladda Ingiriisku waxa ay xidhiidh dhow la lahayd dhamaan dhinacyada ay khusayso, oo ay ku jirto Somaliland, annagoo ugu baaqaynay in xaalada la dejiyo, lana wadahadlo. Waxa aannu dhinacyada oo dhan ugu baaqnay in ay ka dheeraadaan wixii ficil ah ee si taban u saamayn kara amniga gobolka, gaar ahaan la dagaalanka Alshabaab.
Si taa ka duwan, Dowladda Ingiriisku waxa ay taageero ka geysatay mashruuca “Berbera Corridor” oo qayb ka ahaa mashruuca “Ibofurka Barwaaqada ee Geeska”. Taageeradan oo ay qayb ka ahayd 25 milyan oo Ginniga Ingiriiska ah kaasi oo loogu talagalay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo jidka si loo fudaydiyo isku xidhka Berbera, Itoobiya iyo gobolka intiisa kale”.
-
NAIROBI, – Ethiopia’s deal to lease a port in Somalia’s breakaway region of Somaliland has infuriated the government in Mogadishu and prompted concern it will further destabilise the Horn of Africa region.
-
Wasiirka Daakhiliga oo Kormeeray Ciidanka Xeebaha Somaliland
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kormeeray Taliska Ciidanka ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Sareeyo Guuto Axmed Hurre Haarriye iyo saraakiisha kale ee Ciidanka ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyey Taliska Ciidanka.
Ugu horreyn Taliyaha ayaa war bixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL shaqada culus ay qaranka u hayaan Ciidanka ilaalada Xeebaha, kuwaasoo ilaaliya badda dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ayaa faray Ciidanka Ilaalada Xeebaha in ay laba laabaan shaqada ay Qaranka u hayaan, xoojiyaana ammaanka Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo Wasiirku ku ammaanay Ciidanka ilaalada Xeebaha dedaalkooda muuqda.
-
Hargeisa (HOL) - The President of the self-declared Republic of Somaliland, Muse Bihi, has expressed regret over an earlier agreement with Somalia concerning the transfer of air control amid increasing diplomatic tensions in the region. Bihi's comments come after Somalia refused to allow Ethiopian and Thai-registered aircraft to enter its airspace, flights which were destined for Somaliland.
-
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-gudoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo #FGC,oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay hannaanka dib-u-habeynta Maamul Wanaagga Maaliyadda ee toban kii sano ee la soo dhaafay waxyaabaha u qabsoomay iyo hiigsiga qorshayaasha horumarineed ee Maaliyadda dalka.
Wasiirka Maaliyadda DFS Md Biixi Imaan Cige oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka Shirka ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam daah-furnaan ay ku dheehan tahay iyadoo la raacayo nidaamkaMaamulkaGuudeeMaaliyaddadalka, waxa uu sidoo kale tilmaamay hannaanka isla xisaabtan ka iyo Dowlad-Wanaaga in uu qeyb ka yahay kobcineyno dhaqaalaha Soomaaliya.
Kulankaan waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay qaar kamid ah masuuliyiinta Dowladda sida Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, maamulka Sare ee Golaha dhaqaalaha Qaranka, Bangiga Adduunka iyo Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Ethiopia, a landlocked nation with a population exceeding 120 million, urgently seeks sea access to bolster its economy.
This pursuit intensified after Ethiopia’s then-province, Eritrea, gained independence in the early 1990s, leaving Ethiopia without a coastline.
Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed has been vocal about this need, citing historical claims to the Red Sea and emphasizing the economic burden of depending on Djibouti’s ports, which costs the nation over $1.5 billion annually in fees.
A contentious deal sparks tension
On January 1, a pivotal agreement was reached between Ethiopia and Somaliland, a self-declared independent region in Somalia.
Ethiopia agreed to lease 20 km around the port of Berbera for 50 years, offering stakes in Ethiopian state-run companies and potentially recognizing Somaliland’s sovereignty in return.
This move, however, has been met with fierce opposition from Somalia. President Hassan Sheikh Mohamud denounced the deal as an invasion of sovereignty, signing a law to nullify it and refusing dialogue with Ethiopia.
Somalia’s stance: A challenge to autonomy
The heart of Somalia’s discontent lies in its claim over Somaliland, which declared independence in 1991 but remains unrecognized globally.
Somalia views the deal as a direct challenge to its territorial integrity. Recognition of Somaliland by Ethiopia could set a dangerous precedent, encouraging other nations to follow suit.
This escalating dispute raises alarms over the stability of the Horn of Africa, a region already grappling with political volatility.
External powers, including Middle Eastern nations like Saudi Arabia, the UAE, Turkey, and Qatar, have vested interests in this strategic location, making the situation more complex. Their involvement ranges from economic investments to military presence, potentially exacerbating tensions.
International reactions: A call for sovereignty
Internationally, the reaction has been cautious. The Arab League, African Union, European Union, and the United States have all reaffirmed Somalia’s sovereignty over Somaliland.
Egypt’s President Abdel Fattah al-Sisi, amid tensions with Ethiopia over the Nile dam dispute, expressed support for Somalia’s territorial claims.
The UAE, a significant player in the region and manager of Berbera port, has limited its response to aligning with the Arab League’s statement.
This dispute is more than a mere lease agreement; it’s a litmus test for regional dynamics and the balance of power in the Horn of Africa.
As Ethiopia seeks economic growth and maritime access, and Somalia defends its territorial integrity, the actions of regional and international players will be pivotal in shaping the future stability of this strategically significant region.
The post Ethiopia’s Somalia sea claim: Destabilizing Horn of Africa appeared first on Caasimada Online. -

Garowe (HOL) - A delegation of key leaders and politicians has arrived in Garowe, Puntland's capital, for President Deni's inauguration following his recent re-election earlier this month.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ay soo saareen Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in meesha laga saaray u tartamista kaalinta saddexaad ee ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya.
Xiriirka ayaa sheegay in la ciyaari doono kulanka kama dambaysta ah marka ay taariikhdu tahay 27-ka bisha January, sida ku cad qoraalkaan uu galabta soo saaray.
Ciyaartii ugu xiisaha badneed waxay galabta dhexmartay Banaadir iyo Galmudug, waxaana soo baxday oo Final iska xaadirisay Galmudug.
HirShabelle oo horay Final u timid, kadib markii ay ka soo reysay Jubbaland iyo Galmudug oo galabta ka reysay Banaadir ayaa 27-ka bishaan dheeli doona ciyaarta kama dambeysta ah.
Xulalka Galmudug iyo HirShabeelle kii raaya ayaa qaadi doona koobka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo aad looga xiiseeyo Soomaaliya.
Ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa horay waxaa uga haray maamulka goboleedka Koonfur Galbeed, kadib weerar lagu qaaday ciyaartoyda, xilli ay la socdeen bas ka soo qaaday garoonka.
Ciyaarta galabta la dheelay waxay kanmid aheyd kulamadii la sugayey ee xiisaha lahaa, taageerayaashii ugu badnaa ayaa garoonka buux dhaafiyey, waxaana la isla gaaray rigoore ay Galmudug ku soo baxday, mana jirin wax gool ah oo dhashay intii ay socotay ciyaartii galabta.
Dhanka amniga aad ayaa loo adkeeyey ciidamada ammaanka ayaa fashiliyey qarax ismiidaamin ahaa, waxaana warbixin ka soo baxday booliska lagu sheegay in ninka is qarxiyey uu beegsaday kaalin shidaal markii uu ogaaday in ciidamada uusan ka badbaadeyn.
Labo qof oo dhimasho ah iyo labo kale oo dhaawac ah ayuu xaqiijiyey boolisku, sidoo kale waxaa gubatay kaalintii Shidaalka ee naftiisa haliguhu beegsaday, markii ay eryadeen ciidamada ammaanka, halka uu ku qarxay ayaa 1 KM u jirta garoonka ay ciyaartu ka socotay.
Hoos ka eeg warqadda xiriirka
The post Guushii Galmudug kadib, xiriirka kubadda cagta dalka oo war cusub soo saaray appeared first on Caasimada Online. -
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wareysi cusub bixiyay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ictiraafka Somaliland ka xigo geeri, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markale difaacay heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen isaga iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.
“Heshiiska dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya wuxuu ahaa heshiis ku saabsan danaha labada dal. Madaxweyne kastaa danta dadkiisa ayuun buu u adeegaa. Itoobiya waa dal aan bad lahayn oo dadka ugu tirada badan ee Geeska Afrika ku nool yihiin, dhaqaalihiisuna uu aad u koraayo. Sidaas darteed, waynu ognahay inay muddadba ku taamaysay inay hesho deked,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay in ka badan 30 sano raadineysay ictiraaf, ayna xaq u leedahay in ay bad kiro ah ku bedelato ictiraafka ay mudada badan raadineysay, sida uu hadalka u dhigay.
“Somalilandna muddo dhawr iyo soddon sannadood ah waxay raadinaysay ictiraaf. Markaa markii aanu wadahadalnay isaguna (Abiy Ahmed) bad buu u baahday annaguna ictiraaf taas ayuu ku fadhiyaa heshiiska isfahamka ah in ciidankooda badda laga kireeyo saldhig badda ah oo ay degaan, Itoobiyana ay noqoto dalkii u horreeyay ee Somaliland ictiraafa labadaas qoddobna ay mar wada dhacaan, labadaas qoddob ayaa saldhig u ah heshiiska wixii kale waa iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, nabadgelyada iyo isbeddelka cimilada.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in cadaawada Soomaaliya u hayso Somaliland uu banaanka keenay madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii heshiiskan xad-gudubka ah la saxiixay, xilli dhawaan ay dowladda federaalka ay Hargeysa ka celisay diyaarad siday wafdi Itoobiyaan ah.
“Waxa dareenka Soomaaliya ku jira Xasan Sheekh ayaa muujiyay imika, malaa hub uun baanu haynine wuu ina soo weerari lahaaye waadiga arkaya waxa ka dhacaya ninkaas oo Somaliland baa la ictiraafayaa geeri buu ka xigaa waanay ka siman yihiin oo dhammaantood waa kuwii isku raacay,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray “Dad baa yidhaahda gaallo ayaa ina qabsanaysa, Soomaalida Itoobiya degani tiro ahaan waa qowmiyadda saddexaad Axmaarada iyo Oromada uun baa ka badan. Waad arkaysaa labaatankii sannadood ee la soo dhaafay horumarka uu gaadhay deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ciidan yar oo aynu xeebteenna soo dejina ayaa ina gaalaynaya cidda lihina waa caqliga xagjirka.”
The post Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in Xasan Sheekh uu soo weerari lahaa ee uusan… appeared first on Caasimada Online. -

Suldaan Said Ahmed served as Special Envoy on Peace Mediation in the Horn of Africa also in 2022–2023, appointed by Minister for Foreign Affairs Pekka Haavisto.
Finland has long-standing bilateral relations with several countries in the Horn of Africa. The challenges faced by the fragile region include several political and armed conflicts, in addition to which the region suffers from the worst drought in decades.
Peace Mediation is one of the priorities in Finland’s foreign and security policy. “Resolving conflicts peacefully has always been an aim of Finnish foreign policy. Said Ahmed’s extensive networks are a great asset in our work for stability in the region” says Minister for Foreign Affairs Valtonen.
The post Finland appoints special envoy on peace mediation in the Horn of Africa appeared first on Caasimada Online.
The appointment is a personal position of trust that Said Ahmed will carry out alongside his paid employment and duties as a city councillor. -

Kooxda Kubadda Cagta Galmudug ayaa u gudubtay Final-ka tartanka koobka dowlad goboleedka iyo gobolka Banaadir, kadib ciyaar xiiso leh oo ay la qaadatay kooxda gobolka Banaadir, taas oo aheyd Sami-Finalka tartanka, waxaana Finalka ay ku wajihi doontaa kooxda Hirshabeelle oo Jubbaland soo dhaaftay.
Ciyaartu waxa aheyd mid xiiso badan, labada dhinac ayaa kala gambanayay,oo mid walba waxaa ay diiday in shabaqeeda la gaaro, weerar iyo weerar celis u muuqday Conter Attack labada dhinac kuma guuleysan dhalin wax gool ah, waxaana labadii qeyb ay kusoo idlaatay goolal la’aan iyadoo Rigooro la wada ’aaday.Nasiibku waa halkiisa, labada goolhaye Cabdisalaam oo Galmudug ah iyo Karaama oo Banaadir ah ayaa walaayada la saartay, waxa sidoo kale door lahaa ciyaartooyda ay labada macalin Daadir Amiin Daada iyo Axmed Tahliil Cali ay usoo xusheen in ay tuuraan gool ku laadyada taas oo keeni karta guusha middooda.
Ciyaarta labada kooxood ayaa muhiimad gaar ah u laheyd macalin Daadir Amiin Daada iyo Axmed Tahliil Cali, oo markii ugu horeysay 3 kulan kadib guul ka gaaray dhigiisa Daadir, halka ay ku adkaatay macalin amiin inuu sii wato ambiitinka uu ka heystay macalin Axmed Tahliil oo lasoo afjaray isagoo laga reebay.Galmudug oo ku hormartay tuurashada waa cuneen, rajada ayaa luntay markii shabaqooda la gaaray oo laga hoggaamiyay, laakiin Cabdisalaan ayaa noqday ninka soo celiyay rajada Galmudug markii uu qabtay tuurashadii labaad ee Banaadi, waana sii socotay ilaa ay usoo idlaatay 5-4 oo Banaadir lagu soo xaaqay.
Finalka oo Axadda ah ayaa waxa wada ciyaaraya Galmudug iyo Hirshabeelle oo is-aragoodii Groups-ka ku kala baxay 1 , waxaana sidoo kale jirin in la ciyaarayo tartanka kaalinta 3-aad oo Meesha laga saaray sida uu shaaciyay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed oo bayaan uu soo saaray ku xusay in la iska daayay.Garoonka Stadium Muqdisho ayaa sanadkaan martigelinaya tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana tartanku uusoo maray marxalado kale duwan, waxa hadda la soo gaaray Finalkam oo ay wada joogaan kooxaha Galmudug iyo Hirshabeelle oo middood noqon doonto Champions-ka 2024.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo isugu jira madax iyo siyaasiyiin culus ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdiweli Cali Gaas ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe.
Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid Deni, Madaxweyne ku-xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Golayaasha Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan bulshada magaalada Garoowe ayaa wafdiga madaxweyne Lafta-gareen uu hogaaminayey kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.
Wafdigan maanta gaaray Garoowe ayaa qeyb ka ah masuuliyiinta ku casuuman caleemo saarka madaxweynaha mar labaad la doortay ee Saciid Deni oo maalinta berri ka dhacaya halkaasi.
Sidoo kale waxaa horey Garoowe u joogay madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe, madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo wafdi ka socda Jubbaland.
Caleemo saarka Deni ayaa sidoo kale waxaa ku casuuman madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, lamana oga illaa hadda inuu ka qeyb-gali doono caleemo saarka Saciid Deni oo uu khilaaf kala dhaxeeyo.
Si kastaba, Saciid Deni ayaa ku adkaaday doorashadii 8-dii bishaan ka dhacday Garoowe, taasi oo uu kaga adkaaday mucaaradkii ay is-hayeen, kuwaasi oo qaarkood ay dhawaan isku laab xaarteen Madaxtooyada Puntland.
The post Sawirro: Lafta-gareen, Kheyre, Gaas iyo Rooble oo gaaray Garoowe appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay meel aan ka fogeyn garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, oo ay ka socdaan ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Wararka hordhaca ah ee helayno ayaa sheegaya in qof naftii hallige ah uu is-qarxiyay, kadib markii ciidamada ay ka shakiyeen, uuna diiday inay baaraan.
Ciidamada ammaanka ayaa ninka qaraxa isku soo xiray ku joojiyay inta u dhaxaysa isgoyska Cali Kamiin iyo Laba Dhagax.
Shaqsigaan oo doonayay in uu dadka shacabka dhibaateeyo ayaa kadib markii ciidanku ka shakiyeen is-qarxiyay, sida aan ku helayno wararka hordhaca ah.
Qaraxaan ayaa lasoo warinaya inuu ka dhashay khasaare kala duwan, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.
Wixii faah-faahin ah ee kasoo kordha isha ku hay Caasimada Online.
The post Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online. -
Maamulka Oodweyne Oo 4 Baabuur Dhuxulaysato ah ku Qabatay Oodweyne
Hargeysa(Qaran news): Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Daadmadheedh, ayaa ka hadlay 4 gaadhi oo ay ku soo qabteen dhul, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigtay wasaaradda degaanka oo kaashanaysa ciidamada booliska ee degmada Oodweyne.
Maamulka degmada Oodweyne ayaa sheegay in toddobaadyadii u danbeeyay ay ku jireen hawlgalo ay kula dagaalamayaan dhuxuleysatada.
Guddoomiyaha gobolka Daadhmadhee
dh ayaa ciidamada booliska uga mahadceliyay sida ay markasta ugarab taagan yihiin, waxa uu intaas raaciyay in geedkii lajaraa aanu dib u soo noqonayn, waxaanu bulshada ku booriyay kuna adkeeyay inay gacan ka siiyaan sidii dhirta iyo degaankaba loo ilaalinlahaa, isla markaasna dhuxulaysatada faraha baas ku haysa degaanka sidii meel looga soowada jeesanlahaa.
Guddoomiyuhu waxa uu soojeediyay in lacagta dhallinyarada gaadiidka loo siinayo aan loo siin balse shirkado ganacsiyo kale oo shaqaynaya in loogu darro, sidoo kale waxa uu sigaara fariin ugu diray guddoomiyayaasha degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka Daadmadheedh, waxaanu caddeeyay in aanu masuul noqonayn nin degaankii baabi’inaya.
Ciidanka booliska ee gobolka Daadmadheedh ayaa sheegay in aanay cidna ka aqbalayn dhuxuleysiga sharcidarada ah, waxaaney cidkasta oo ku hawlan jarista dhirta qoyan ee laga dhigayo dhuxusha ka codsadeen inay joojiyaan, waxaa ay intaas ku dareen in qorshahoodu yahay haddii ay suuragasho inay soo afjaraan dhuxuleysatada degaanka faraha ba Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shalay kormeer ku tagey Taliska guud ee ciidanka ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirku marku uu gaadhay taliska guud ee ciidanka ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ku soo dhaweeyay xarunta taliska taliyaha ciidanka Sareeyo Guuto Axmed Hurre Haarriye iyo saraakiisha kale.
Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa wasiirka siiyay warbixin dheer oo la xidhiidha hawlaha hawl socodsiinta ciidamada ilaalada xeebuhu Qaranka u hayaan, kuwaas oo habeen iyo maalin heegan u ah ilaalada baddaha Somaliland.
Gaba-gabadii wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha JSL ayaa faray Ciidanka Ilaalada Xeebaha in ay laba laabaan shaqada ay Qaranka u hayaan, isla markaana xoojiyaan ammaanka Xeebaha JSL, waxaanu ciidanka ku ammaanay dadaalkooda muuqda. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay wixii maanta ka dhacay kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka, kaasi oo lagu ansixiyay habraaca wax ka beddelka dastuurka.
Shariif ayaa sheegay in tallaabadii uu qaaday guddoonka Baarlamaanka aysan ahayn hab dhaqan u qalama BFS iyo shacabka Soomaliyeed, sidaas darteedna ay tahay mid dhaawacaysa sarraynta sharciga, midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka, xilli loogu baahi badan yahay.
“Waxaan cambaaraynayaa habka gurracan ee loo agaasimay kulankii maanta ee Baarlamaanka iyo go’aankii loo gaaray habka khilaafsan xeerarka dalka iyadoo aan waxba la xeerin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.
Waxa uu intaas kusii daray “Marxaladda lugu jiro darteed madaxda qaranka waxaa waajib ku ah in ay raacaan sharciga kana fogaadaan wax kasta oo baal marsan sharciga.
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;
Bismillahi,
Dustuurku, waa sharciga ugu sarreeya dalka, waxa uu quseeyaa cid kasta, hab raaciisuna waxa uu leeyahay muhiimad aad u wayn, ku dhaqan iyo ixtiraamna waxa uu ku mutaystaa habka loo sameeyo.
Waxaa wax aad looga xumaado ah wixi ka dhacay maanta kulankii labada aqal ee Baarlamaanka, ma ahayn hab dhaqan u qalama BFS iyo shacabka Soomaliyeed.
Waxaan cambaaraynayaa habka gurracan ee loo agaasimay kulankii maanta ee Baarlamaanka iyo go’aankii loo gaaray habka khilaafsan xeerarka dalka iyadoo aan waxba la xeerin.
Waxaan la soconnaa in muddo ah in laga codsanayay Guddoonka labada Gole in la sameeyo Xeer-hoosaadkii kulamada wada jirka ah ee ay ku wada shaqeyn lahaayeen labada gole ee Baarlamaanka JFS sida uu dhigayo qodobka 62aad ee Dastuurka KMG ah, faqradiisa 2aad balse uu ka dhaga adeegay guddoonku.
Xeer-hoosaadyada labada Aqal xeer in la ansixiyo wuxuu u dajiyay hab loo maro, marka uu marayo marxaladda ansixinta, waa in xildhibaannada loo qaybiyo inta aan la ansixin ka hor maalmo, si ay ugu soo baaraan degaan, sidaa daraadeed waa sharci darro dhaawacaysa sarraynta shaciga, midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka xilli loogu baahi badanyahay in habraac aan golaha laga qaybin Akhrintiisii labaad kadib la yiraahdo waa la ansixiyay.
Marxaldda lugu jiro darteed madaxda qaranka waxaa waajib ku ah in ay raacaan sharciga kana fogaadaan wax kasta oo baal marsan sharciga.
The post Muxuu Shariif ka yiri ansixinta wax ka beddelka dastuurka? appeared first on Caasimada Online. -
Dowladda Findland ayaa Suldaan Saciid Axmed u magacowday Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Africa, kadib war rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Finland.
Mudane Suldaan Saciid Axmed ayaa horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland iyo ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibedda Finland u qaabbilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Afrika.
Suldaan oo asal ahaan ka soo jeeda geeska Afrika ayaa isagoo kaashanaya aqoontiisa duruqsan ee uu u leeyahay dhaqanka iyo qaab-dhismeedka bulshooyinka gobolka horay u kasbaday kalsoonida hoggaanka siyaasadda, diinta, dhaqanka iyo dhallinyarada bulshada gobolka, isagoo sare u qaaday xiriirka togan ee u dhexeeya dalalka dhaca geeska Afrika iyo dowladda Finland.
Magacaabistiisa ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo siweyn looga dareemay gobolka geeska Afrika iyo Qaaradda, waxaana xudid mudan in golaha nabadgalyada iyo midowga Afrika ay hore ugu soo magacaabeen ergay, Soomaaliya ayaa shuruud ku xirtay wadahad kasta oo dhexmara.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dib-u-howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maalgeliso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.
Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Isbitaalka Sheikh Zayid ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah dowladda Soomaaliya, xilli ay kula jirto heshiisyo kale duwan oo dhanka difaaca iyo hormarinta arrimaha bulshada ah, iyadoo Imaaraadka gargaaar ku bixisay abaartii iyo El-neno.
-
Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay tallaabadii uu maanta qaaday baarlamaanka, ee uu ku ansixiyay habraaca wax ka beddelka dastuurka ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay wixii maanta dhacay.
Qoraal uu soo saaray madaxweynihii hore ayaa waxa uu ku sheegay in tallaabada maanta ay qaaday Villa Somalia ay fasiraad aan wanaagsaneyn ka bixineyso qorshaha laga sugayay ee ku wajahan damaca Itoobiya.
“Nasiib darro ka weyn ma jirto in hoggaanka dowladdu ay kala dhantaalaan midnimada dadkeenna Soomaaliyeed oo marxaladdan xasaasiga ah u taagnaa difaaca dalkooda iyo gobanimadooda,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale waxa uu xusay in madaxda sare ee dalka ay dhag jalaq u siin waayeen baaqyadii madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ee la xiriiray wax ka beddelka dastuurka, taasi oo uu sheegay inay caqabad ku noqonayso dib u eegista dastuurka oo ay aas-aas u ahayd heshiis bulsho, wadatashi iyo is-qancin.
Hoos ka aqriso qoraalka
Nasiib darro ka weyn ma jirto in hoggaanka dowladdu ay kala dhantaalaan midnimada dadkeenna Soomaaliyeed oo marxaladdan xasaasiga ah u taagnaa difaaca dalkooda iyo gobanimadooda.
Tallaabada maanta ay qaadday Madaxtooyadu waxay fasiraad aan wanaagsanayn ka bixinaysaa qorshaha laga sugayey in ay ku wajahaan damaca ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.
Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanku in ay dhagaha ka fureysteen baaqyada Madaxdii Hore, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Xildhibaannada dalka, hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah iyo waxgaradka waxay caqabad ku noqonaysaa dib u eegista dastuurka oo ay aas-aas u ahayd heshiis bulsho, wadatashi iyo is-qancin.
Dalkeennu maanta ma xamili karo kala ququb hor leh iyo in koox gaar ah ay ku takrifasho awoodaha dowladda.
The post Farmaajo oo si weyn u naqdiyay tallaabadii uu maanta qaaday BF appeared first on Caasimada Online.
Waraysi lala yeeshay siyaasi Cabdiqaadir Jirde daawo
in News - Wararka
Posted
Qaran News