Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Warbixin ay qortay warbaahinta Addisstandard ee laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in heshiiska ay wada gaadheen dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya uu wax weyn ka bedeli doono jawiga juquraafiyadeed iyo ka siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.

    Sidoo kale warbixintan ayaa lagu tilmaamay in heshiiska is fahan ee Somaliland iyo Itoobiya uu ka muuqdo horumar iyo is-bedel weyni, sidoo kalena tallaabadan istiraatijiga ahi aanay ahayn kaliya mid lagu wajaho amaanka badda gacanka cadmeed, balse sidoo kale wax lagaga qabanayo xasaradaha gobolka ee saameeyay badda cas iyo kanaalka Suweys.

    Hamidi Jaamac oo ah khabiir falanqeeya amniga baddaha, ayaa soo bandhigay ahmiyadda uu heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya u leeyahay dalka Masar. Khabiirkan oo qormo ku baahiyey Wargayska Addis Standard ayaa lagu sheegay in heshiiska dhex maray Somaliland iyo Itoobiya uu wax ka beddelayo jawiga juquraafi iyo ka siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, marka la eego muhiimadda uu saldhigga Ciidamada badda ee Itoobiya uu u leeyahay amniga marinnada badda cas iyo gacanka cadmeed.

    Khabiirkan ayaa sheegay in goobta juquraafi ee Somaliland dhacdo ay qayb laxaadle ka qaadanayso ammaanka gacanka cadmeed iyo Badda Cas, waxaa kale oo uu tilmaamay khabiirku in hirgelinta saldhiga ciidamada badda ee Itoobiya ay ku yeelanayaan xeebta Somaliland uu door weyn ku yeelan doono ammaanka marin biyoodka badda cas.

    Khabiirku wuxuu warbixintiisan ku soo bandhigay in heshiiskan labada dal dhex maray uu faa’iido u leeyahay daneeyayaasha caalamka oo dhan oo ay ku jirto Masar, maadaama uu kor u qaadayo amniga gobolka iyo inuu kordhinayo ilaalinta marinka Suweys.

    Khabiirkan ayaa warbixintiisa ku soo badhigay heshiisyo hore oo Maraykanka iyo Soofiyeedkuba ay ku garwaaqsadeen qiimaha istiraatijiyadeed ee Somaliland iyagoo gegida diyaaradaha ee Magaalada Berbera u isticimaali jiray Saldhig ciidan, waxaanu khabiirku sheegay in heshiisyadaas taariikhiga ahi ay dhammaantoodba ka marag kacayaan kaalinta ay Somaliland ku leedahay quwadaha waaweyn.

    Khabiir Hamidi Jamaac wuxuu warbixintan ku sheegay in diidmada Soomaaliya ee heshiiskani la xidhiidho aragtida ay ka aaminsan yihiin Somaliland oo ay sheegtaan, hase yeeshee waxa uu khabiirku caddeeyay in Somaliland ay soo bandhigtay in saldhiga ciidan ee ay Itoobiya ka siinayso xeebteeda uu horseedi doono aqoonsi buuxa oo Itoobiya siiso Somaliland.

    Khabiirku waxa uu soo xigtay waraysi uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi dhawaan siiyay Wargayska Financial Times, kaas oo uu ku faahfaahiyey in imaatinka ciidamada badda ee Itoobiya ay gacan ka gaysan karto xakamaynta khatarta Xuutiyiinta ee gacanka cadmeed, kuwaas oo carqalad geliyey marinkii maraakiibtu adeegsan jireen ee Baabul mandab.

    Khabiirkan ayaa sheegay in Saldhig ay ciidanka Itoobiya ku yeeshaan Somaliland uu horseedi karo xakameynta dhaq dhaqaaqyada xagjirka, iyo hubinta inay si badbaado leh u adeegsadaan marin biyoodkaas maraakiibta ganacsi ee caalamka.

    Source


  2. Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa amar ku bixisay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo amaanka goobaha warshadaha ah maalin kaddib markii uu dab qabsaday warshad batariyada sameysa, taasoo ay ku dhinteen 22 qof oo shaqaale ah, iyadoo weli la la’yahay hal qof.

    Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta Qaranka,Booliska iyo Dabdamiska ayaa gudaha u galay Warshada,kuwaasi oo baaritaano ka wada, islamarkaana daba-gal ku samaynaya sababta keentay dabkii dhimashada badan horseeday.

    Dabka oo ka kacay gudaha bakhaar ay ku jiraan 35,000 oo batariyada lithium-ka ah ayaa sababay in shaqaalihii ku sugnaa ay miyir beeleen oo ay ku dhintaan ilbiriqsiyo gudahood, ayagoo ku sumoobay qiiqii goobta ka baxayay, sida ay sheegeen saraakiisha dab-damisku.

    Dabkan oo ahaa mid kamida shilalkii ugu xumaa ee waayadan ka dhaca Kuuriyada koonfureed ayaa galaaftay nolosha daraasiin ka mid ah shaqaalaha wax soo saarka, waxaana l filayaa inay dowladdu qaado tillaabooyin ay ku sugayso bedqabka goobaha wardashadaha ah.

    Source: goobjoog.com


  3. Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Baanadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Deyniile ayaa xalay waxay gacanka ku soo dhigeen nin uu sheegay taliska boolisku inuu ku eedaysanyahay inuu dil geystay.

    Eedeysanaha lasoo qabtay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe Ina Muraayo Muxumud Siyaad ayaa la sheegay inuu dil u geystey hooyadii dhashey iyo abtigiisa oo lagu kala Magacabijiray.

    Marxuumada: Muraayo Maxamud Siyaad.55 jir ah Iyo Marxuum: Yuusuf Muxumud Siyaad 85 jir wuxuu dilka u adeegsadey toorey oo sitoos ah ugu weerarey labada marxuum.

    Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir.

    Ciidanka Booliiska ayaa sheegay in ay ku wadaan baaritaano ninkaan.

    Muqdisho billihii lasoo dhaafay waxaa ku batay dilalka ay isku geystaan dadka ehelada ah.

    Source: goobjoog.com


  4. Polish_20240625_080901047.jpg?resize=720

    Ciidanka Booliska Puntland iyo Booliska Dowlad degaanka Soomaalida DDS oo is kaashanaya ayaa gacanta ku dhigay shabakad ka shaqayneysay Tahriibinta Dhalinyarada.

    Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in shabakadda gacanta lagu dhigay oo ka kooban 8 xubnood ay wadeen dhalinyaro laga tahriibiyay degaannada Puntland si loogu gacan geliyo kuwa lagu magacaabo Magafayaasha.

    “Ciidanka Booliska Puntland iyo Ciidanka Booliska Dowladd deegaanka Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay shakabad tahriibayaal ah kuwaa oo waday dhalinyaro laga tahriibiyay deegaanada Puntland loona waday in magafe loo gacangalaiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska.

    Taliska Booliska Puntland ayaa sidoo kale shaaciyay magacyada Shabakadda oo lagu qabtay degmada Qabri Dahar ee Dowlad degaanka Soomaalida DDS.

    1. Maxamed Maxamuud Muuse
    2. Yuusuf Cabdi Ciise
    3. Raxma Jaamac Maxamed
    4. Caasha Maxamed Maxamuud
    5. Saamiya Yaasiin Maxamuud
    6. Cabdi Risaaq Geelle Maxamed
    7. Farxaan Maxamed Barre
    8. Ladaned Cali Cabdullaahi

    “Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan qaybta danbi-baarista CID ee Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale wada how-galo lagu dabar jarayo shabakadahan oo caadaystay in ay marin habaabiyaan dhalinyarada Puntland” ayuu sii raaciyay Qoraalka Booliska.

    PUNTLAND POST

    The post Shabakad Dhalinyarada ka tahriibin jirtay degaannada Puntland oo gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post.


  5. Quddiga Qaran ee Qabanqaabada Dabaaldagayada Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya oo Kulan ku Yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa ka wadahadlay dardargelinta arrimaha horyaallo guddiga iyo sidii loo qaban lahaa howlaha todobaadka barri bilaabanaya.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga oo ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

    Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen xubnaha guddiga ee wasiirrada ah, hey’adaha amniga iyo gobolka Banaadir ayaa lagu meeldhigay qabanqaabada, bandhigyada iyo guud ahaan howlaha xuska maalmaha qaran ee Xoriyadd

    Source: goobjoog.com


  6. baalle.jpg?resize=1000%2C474&ssl=1

    Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Danjire Abuukar Cusmaan Baalle ayaa warbixin ku saabsan Soomaaliya ka jeediyay Shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

    Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay in in uu billowday dadaal u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, kaas oo la xiriira sidii loosoo gabagabeyn lahaa hawlaha xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM).

    Danjiraha ayaa u sheegay golaha ammaanka in koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban xubno ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey in ay bilaabeen wada tashiyo ku saabsan sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah ee UNSOM.

    Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay hawlgallada ka dhanka ah kooxda aragagixisada ah ee Al-shabaab ee ay fulinayan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaga oo taageero ka helaya saaxibada caalamaka.

    Hawlgalladaas waxaa ka dhashay in la xoreeyo degaano muhiim ah oo ay hore uga talinaysay argagixisadu. Guulahaas ay soo hoyeen ciidanku waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya sida uu sheegay Abuukar Baalle.

    Danjire Abuukar waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay sii xoojiso taageerada Soomaaliya, iyaga oo bixinaya agabka iyo kaalmada farsamo ee loo baahan yahay si loo dhaqan geliyo isbedelada la qorsheeyay iyo tillaabooyinka la xiriira arrimaha amniga.

    PUNTLAND POST

    The post Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey oo warbixin siiyay Shirka Golaha Ammaanka appeared first on Puntland Post.


  7. 2-860x573-1.jpg?resize=860%2C573&ssl=1

    Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliya mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay safiirka dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

    Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Imaaraadku ay SoDMA uga taageeri laheded mashaariicda u adkaysiga aafooyinka, soo kabashada waxyeelladii ay geeysteen fatahaadihii hore ee El-nino iyo in laga shaqeeyo mashaariicda soo kabashada xalalka waara.

    Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qorshaha soo socda ee dhawaan Dolwadda Imaaraadka ka saacideeyso hay’adda SoDMA u diyaar garowga waxyaabaha dhici kara xiliyada soo socda ee laga cabsi qabo inay roob yari dhacdo taas oo sababi doonta abaar iyo In loo diyaar garoobo lana helo kayd dhammeystiran si deg deg looga jawaabo.

    PUNTLAND POST

    The post Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliya oo la kulmay safiirka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.


  8. FB_IMG_1719294543170.jpg?resize=720%2C43

    Dowladda Mareykanka ayaa mar kale diginin xooggan ka bixisay is afgaradkii badda ee ay galeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, waxayna taageero u muujisay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

    Ku-simaha danjiraha Mareykanka ee Qaramada Madoobey Robert Wood ayaa mar kale ku celiyey sida Mareykanka uga walaacsan yahay xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

    “Saaxiibayaal, Maraykanku waxa uu weli aad uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo saamaynta taban ee ay ku yeelanayso danaha amni ee ay wadaagaan,” ayuu yiri Wood oo  ka hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee QM ee arrimaha Soomaaliya.

    “Waxaan ku biiraynaa Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si aan ugu celino taageeradeena ku aadan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wadahadal diblamaasiyadeed ayaa ah dariiqa lagu dejin karo xiisadaha, waana dariiqa kaliya ee loo mari karo,” ayuu sii raaciyay Wood.

    PUNTLAND POST

    The post Maraykanka oo mar kale walaac ka muujiyay is-afgaradkii badda ee Itoobiya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.


  9. IMG_1563.jpeg?fit=656%2C447&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo naxdin leh ayaa caawa laga soo weriyey degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kadib markii nin uu dilay Hooyadiis iyo Abtigiis.

    Falkaan xanuunka badan ayaa ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile, waxaana geystay nin dhimirka ka xanuunsan.

    Goobjoogayaal Caasimada Online uga waramay dhacdadaan ayaa sheegay in ninkaas uu dilka u adeegsaday Toorey, isla markaana uu Hooyadiis gowracay.

    Abtigiis oo isku dayey inuu duqda badbaadiyo ayuu isna dilay, kadibna waxaa la sheegay inuu ag-seexday meydka Hooyadiis iyo Abtigiis.

    Dadka deegaanka ayaa ku soo baxay guriga uu falkaani ka dhacay, kadibna waxaa la qabtay ninkii, iyadoo loo gacan geliyey hey’adaha ammaanka.

    Sida ay noo sheegeen dadkii deriska la ahaa, ninka ayaa la’aa dhimirka iyo dhegaha, waxaana adkaatay in la ogaado sababta ku kaliftay inuu sameeyo falkaan argagaxa badan.

    Ciidamada ammaanka ayaa sida la sheegay ninkii u kaxeeyey xarunta dembi baarista booliska ee CID-da, halkaas oo baaritaan adag uu uga bilowday.

    Sidoo kale meydadka labadii marxuum ee uu dilay ayaa la geeyey CID, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sababta ka dambeysay in ninkaasi uu halgoob ku dilo Hooyadiis iyo Abtigiis.

    The post Dhacdo argagax leh: Nin hal-goob ku gowracay Hooyadiis iyo Abtigiis appeared first on Caasimada Online.

  10. IMG-20240624-WA0002.jpg?resize=1000%2C66Ahmed Gutale, the Auditor General of the Federal Republic of Somalia.

    Garowe (PP Comment) —Puntland State of Somalia is rightly described as the promoter of the federal system in post-1991 Somalia. The formation of federal member states in Somalia since 2013 paved the way for the implementation of fiscal federalism. The cornerstone of this macroeconomic policy is to share information on how tax is collected and spent at the central government and federal member levels.

    IMG-20240624-WA0003.jpg?resize=1000%2C66Bihi Egeh, the Somali Federal Finance Minister.

    Fiscal federalism obliges federal member states to submit details about the different types of taxes authorities levy. The tax revenue disclosures from federal member states are kept online by the Federal Finance Ministry. In 2023, Hirshabelle, Jubaland, Southwest, Galmudug, and Banadir submitted the tax revenues collected during the 2022 fiscal year. Puntland, a founding federal member state, has not committed to disclosing its tax revenues. Disagreements between the Federal Government of Somalia and the Puntland State Government affect the exchange of public finance data.

    IMG-20240624-WA0004.jpg?resize=1000%2C66Puntland Auditor General Osman Mohamud Ali. IMG-20240624-WA0007.jpg?resize=828%2C113

    In the Financial Governance Report 2023, the Financial Governance Committee urged Puntland to “be brought into the new framework so that its [fisheries] licensing arrangements are not conducted separately.” Puntland features in the report ten times, whereas Somaliland appears five times, all in reference to the illegal maritime Memorandum of Understanding signed by Somaliland Administration President Muse Bihi Abdi and the Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed. The Somaliland Administration has representation in the federal institutions. The Finance Minister, Bihi Egeh, hails from areas controlled by the Somaliland Administration, but the report gives the impression that the Somaliland Administration is exempt from disclosing its tax revenues.

    IMG-20240624-WA0005.jpg?resize=828%2C577

    When President Bihi claims that previous agreements with the Federal Government of Somalia entitle the Somaliland Administration to lease a coastal district to Ethiopia, he is misinterpreting clauses in the agreement that presuppose common adherence to the imperatives of sovereignty. Although fiscal federalism provides opportunity for accountability, it creates schism and erodes institutional trust when applied selectively or halfheartedly. Puntland argument against tokenistic and divisive representation of Somaliland Administration in the federal institutions of Somalia has strong merits on the basis of the national interest.

    © Puntland Post, 2024

    The post Fiscal Federalism Unwittingly Promotes Secession in Somalia appeared first on Puntland Post.


  11. Abuukar-Baale.jpeg?fit=2048%2C1362&ssl=1

    New York (Caasimada Online) – Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay,  Danjire Abuukar Cusmaan, oo maanta khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa iftiimiyay  horumarka laga gaaray hannaanka dowladnimada iyo arrimaha amniga ee dalka.

    Danjire Abuukar Baale waxa uu carrabka ku dhuftay inuu billaawday dadaal u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaas oo la xiriira sidii loosoo gabagabeyn lahaa howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

    Danjiraha ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban xubno ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay bilaabeen wada tashiyo ku saabsan sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah, iyada oo ujeedadu tahay in la hagaajiyo  isuku duwidda iyo hannaanka taageeridda Soomaaliya.

    Nidaamkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo qaab-dhismeedka iyo dadaallada horumarineed Soomaaliya

    Danjire Abuukar oo hadalkiisa sii wata  ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya ugu heelan tahay dib u habeynta lagu hirgelinayo nidaamka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod.

    Talaabadaan ayaa muujinaysa in laga guurayo habkii ku dhisnaa awood qaybsiga qabiilka, waxeyna daliil u tahay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in la  helo maamul loo dhan yahay oo meteli kara shacabka.

    Doorashooyinka soo socda ee dalka, waxaa  loo qorsheeyay in la xoojiyo awoodda shacabka.

    Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay howlgallada ka dhanka ah kooxda aragagixisada  ah ee Al-shabaab ee ay fulinayan  ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaga oo taageero ka helaya saaxibada caalamaka.

    Howlgalladaas waxaa ka dhashay in la xoreeyo deegaano muhiim ah oo ay hore uga talinaysay argagixisadu.

    Guulahaas ay soo hoyeen ciidanku waxa ay kaalin muhiim ah  ka qaadanayaan nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xasilloonida, waxeyna albaabada u furayaan dadaallo dheeraad ah oo isagu jira dib u dhis iyo horumarin.

    Danjire Abuukar Baale waxa  uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay sii xoojiso  taageerada  Soomaaliya iyaga oo bixinaya agabka  iyo kaalmada  farsamo ee loo baahan yahay, si loo dhaqan geliyo isbedelada la qorsheeyay iyo talaabooyinka la xiriira arrimaha amniga.

    Isla falgalka dowladda iyo Qaramada Midoobay waxay astaan u tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday in dalku gaaro isku filanaansho.

    Xafiiska UNSOM waxa uu ka qaybqaatay hirgelinta doorashooyin iyo guulaha laga gaaray kooxda Al-shabaab, waana arrin ka marqaati kaceysa horumarka iyo adkeysiga Soomaaliya.

    Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si wanaagsan uga riyaaqay warbixinta Danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Baale), waxeyna xaqiijiyeen  taageerada ay u hayaan hiigsiga  Soomaaliya ee nabadda iyo horumar mustaqbalka.

    The post DF oo shirka QM ka jeedisay warbixin xasaasi ah iyo go’aankeeda xafiiska UNSOM appeared first on Caasimada Online.

  12. 182041-scaled-1.jpg?fit=2560%2C1920&ssl=

    Moscow (Caasimada Online) – Kremlin-ka ayaa Isniinta maanta ah uga digay Maraykanka “cawaaqib” waxayna u yeertay safiirkeeda, maalin kadib markii Moscow ay sheegtay in weerar ay Ukraine u adeegsatay gantaal Mareykanka uu sameeyey uu afar qof ku dilay Crimea.

    Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ku tilmaamay weerarka Sevastopol “wuxuushnimo,” wuxuuna ku eedeeyay Washington “inay dishay carruur Ruush ah.”

    Laba ka mid ah dhibanayaasha ayaa ahaa da’yar.

    Peskov ayaa tilmaamay hadallo ka soo baxay madaxweyne Vladimir Putin horraantii bishan oo ku saabsanaa hubeynta waddamo ay suurtagal tahay in ay weerarro ku qaadaan bartilmaameedyada Reer Galbeedka.

    “Ku lug lahaanshaha Mareykanka, ku lug lahaanshaha tooska ah, oo horseeday dilka shacab Ruush ah, ma noqon karto cawaaqib la’aan,” Peskov ayaa sidaas u sheegay suxufiyiinta.

    “Waqtiga ayaa sheegi doona waxa ay noqon doonaan,” ayuu yiri.


    Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegtay in ay u yeertay ergayga Mareykanka Lynne Tracy Isniintii.

    Bayaan ay goor dambe soo saartay ayey ku sheegtay in Washington “ay Kyiv la xambaareyso mas’uuliyadda dilalkan” islamarkaana weerarka uusan noqon doonin “mid aan la ciqaabin”.

    Ruushka ayaa sheegay in weerarkii Axadii lagu qaaday magaalada Sevastopol loo adeegsaday gantaalka ATACMS ee uu Maraykanka siiyey Ukraine.

    Saraakiisha maxalliga ah ee ay magacowday Moscow ayaa sheegay in gantaalku uu ku dhacay meel ka mid ah magaalada dekadda ah oo leh xeebo iyo hoteello.

    Kulan uu bishan la yeeshay wakaaladaha wararka caalamiga ah oo ay ku jirto AFP, Putin waxa uu dhaleeceeyay hubka riddada dheer ee reer galbeedka ay geeyeen Ukraine.

    “Haddii qof uu isleeyahay waa suurtogal in hub nocoaas ah la geeyo goob dagaal oo dhulkeena lagu soo weeraro oo dhibaato na loo abuuro, maxaa noo diidaya in aan hub la mid ah aan gaarsiino gobolo ka mid ah caalamka oo ay ka dhici doonaan weeraro ka dhan ah xarumaha xasaasiga ah ee wadamadaas (galbeedka)?” ayuu yiri Putin.

    “Taasi waa, jawaabtu waxay noqon kartaa mid aan sinneyn. Waan ka fikiri doonnaa,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

    Peskov ayaa sidoo kale dib ugu celiyay hadallada Putin ee ah in xogta bartilmaameedyada ay weerartay Ukraine ay bixiyeen waddamada reer galbeedka.

    Crimea ayaa waxaa goostay oo ku darsaday Ruushka 2014-kii.


    Andriy Yermak, oo ah madaxa xafiiska madaxweynaha Ukraine, ayaa Isniintii yiri: “Crimea waa Ukraine”.

    “Ruushka waa inuu ka baxaa jasiirad u yaalka. Ciidankooda iyo agabkooda militari ee halkaas ku sugan waa inay meesha ka baxaan,” ayuu ku yiri baraha bulshada.

    Kaaliyaha sare ee madaxweynaha Ukraine, Mykhailo Podolyak, ayaa sidoo kale soo jeediyay in Crimea ay tahay bartilmaameed militari oo sharci ah.

    “Crimea sidoo kale waa xero militari oo weyn iyo bakhaar, oo ay ku yaalaan boqolaal bartilmaameed millatari oo toos ah, kuwaas oo Ruushku ay isku dayayaan inay qariyaan oo ay ku hoos qariyaan shacabkooda,” ayuu yiri.

    The post Ruushka oo digniin adag u diray Mareykanka kadib weerarkii… appeared first on Caasimada Online.