-
Content Count
211,964 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Facelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo ay xalay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay tijaabisay hub waa wayn oo si xoogan looga dareemay xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Kahor tijaabada hubkan ayaa waxaa ogeysiis soo saaray laamaha amniga oo wargeliyay shacabka inuu jiro hub loo ridayo si tijaabo ah, ayna u dul qaataan dhawaqa hubkaasi.
“Ciidamada Amnigu waxa ay ogaysiinayaan Shacabka Caasimadda in uu jiridoono tijaabo hub, sidaas awgeed haddii aad maqashaan dhawaqa hubkaas wax dhib ah majiraan” ayaa lagu yiri farriin kasoo baxday laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Hubkan oo xalay si weyn looga dareemay gudaha caasimada ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid cusub oo ay soo iibsatay dowladda, maadaama laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee muddada dheer saarnayd, taas oo u sahleysa inay soo iibsato hub waa wayn.
Haddaba sidee looga faceliyay tallaabada ay qaaday DF Soomaaliya?
Qaar kamid ah shacabka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay, iyaga oo ka falcelinaya hubka xalay lagu tijaabiyay magaalada Muqdisho.
Axmed Naaji Cabdalle ayaa yiri “Banaanka magaalada maa lagu soo tijaabiyo maxaa shacabka loo argagax galinaa?.
Fanaanada Xamdi Bilan oo kamid ah dadka ka falceliyay ayaa iyaduna si kaftan leh ugu jawaabtay “Sheeko bal dhanka degmada Hodan iyo dagmada Heliwaa ka ilaliya.”
Maslax Maxamed oo kamid ah dhalinyarada istcimaala baraha bulshada ayaa yiri “Qolo in lagu tijabiyo u baahan ayaaba jirtaa maa lala aado?”.
Maryan Maxamed Xuseen “Meeqo saac ayaa la tijaabinaa si dadku u fahmaan in tijaabadii hubka ee SNTV noo shegay tahay”.
Nuuradiin Xaaji ayaa ka mahadceliyay wargelinta ay soo saartay dowladda wuxuuna yiri “Waad mahadsantihin in aad noo shegtaan”.
Qalanjo Siman waxay iyaduna tiri “War Khawaarij ha lagu soo baroobeeyo yaana lagu dul ridin hubkaas is maqal ma jiraa?”.
The post Falcelin xoogan oo ka dhalatay tallaabo ay xalay qaaday DF appeared first on Caasimada Online. -
Somalia has faced decades of hardship. Fragmentation and internal conflicts have hampered progress and stability. In this context, Puntland's recent actions regarding the Ethiopian consulate risk further fracturing Somali unity, a goal all Somalis should strive for, even if some leaders, like Hassan Sheikh Mohamud, have a history of making promises they don't keep.
-
Mogadishu (HOL) — Somali Federal Government forces, assisted by local residents, struck an Al-Shabaab stronghold during a pre-dawn operation in the Bardale district of the Bay region.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Shirka oo looga hadlay arrimo xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu ansixiyay saddex heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.
Heshiiska koowaad ee ay golaha meel-mariyeen ayaa ah heshiis iskaashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya, kaas oo kor loogu qaadayo xiriirka labada waddan oo ka wada tirsan ururka ganacsiga ee bariga Afrika.
Sidoo kale heshiiska labaad ayaa dhigaya wareejinta Maxaabiista Xukuman ee ku xiran xabsiyada dalka Tansaaniya, kaas oo fursad siinayo muwaadiniinta ku xiran dalkaas oo dib loogu soo celinayo gudaha Soomaaliya.
Heshiiska saddaxaad Iskaashiga Dalxiiska, si ay labada dal isku dhaafsadaan booqashooyin iyo safarro dalxiis oo muhiim ah.
Intaasi kqei Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, xasillinta iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay sameyneysay horumar dhanka islaashiga dibadda ah, waxayna dalal waa wayn lasoo gashay heshiis muhiim ah iyo kuwa kale oo quseeya difaaca guud ee dalka
The post Sawirro: Golaha Wasiirada oo ansixiyay saddex heshiis oo lala soo galay dalka… appeared first on Caasimada Online. -
-
Komiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay toddobaad gudihiisa haddii ALLE yidhaadhdo ku soo saarayaan liiska codbixiyeyaasha kama dambaysta ah iyo jadwalkii doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo ururada siyaasadda oo u muddaysan inay qabsoomaan 13 November 2024.
Xubnaha Komishanka ayaa arrintan ka sheegay kulan ay shalay la qaateen xisbiyada qaranka iyo wefti ka socday dawladda Sweden.
Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, kaas oo u dhignaa sidan.
“Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa waxay shalay xafiiskooda ku qaabileen Wefti ay hoggaaminayo Safiirka Sweden Mr. Joachim Waern oo uu weheliyo Mr. Johan Svensson.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxay xog ka siiyeen Safiirka halkay marayaan hawlaha diyaar garowga doorashadu, waxay u caddeeyeen Safiirka in todobaadkan ay soo saarayaan liistada Codbixiyeyaasha Kama-dambaysta ah iyo Jadwalka Doorashooyinka isku-sidkan ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka.
Komishanka Doorashooyinku waxay ka codsadeen Safiitka iyo dawladda Sweden inay ka taageeraan arimaha doorashooyinka gaar ahaan dhaqaalaha.
Geesta kale waxa aanu la kulaney masuuliyiinta saddexda xisbi Qaran, UCID, WADDANI iyo KULMIYE, oo aanu kawada hadalnay hawlaha doorashooyinka iyo soo saarista jadwalka labada doorasho ee madaxtooyada iyo asxaabta Qaranka, waxa aanu isla qaadanay in doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka dhacdo.
-
Maanta oo Khamiis ayaa lagu wadaa in maxkamadda degmada Manhattan ee magaalada New York dib u amba-qaaddo, dhageysiga kiisaska dacawadeed ee tirad badnaa oo uu kujiro kiiska sumcad-dilista ah oo ka dhan madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, kaas oo ay maxkamadda geysay haweeneey qoraa ah oo lagu magacaabo E. Jean Carroll.
Haaweneydan ayaa hore ugu eedeysay Trump, inuu fara-xumeeyay sannadihi sagaashamaadkii iyada oo Trump uu beeniyay eedaha loo soo jeediyay.
Sannadki 2019-ki ayay maxkamad ka dacweysay iyada oo ku eedeysay inuu sumcad dilay.
-
Kaddib marki uu la kulmay wasiirrada arrimaha dibadda Ingiriiska iyo Jarmalka, ayuu ra’isul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu Arbacadi shalay ka shanqariyay, in Israa’iil ay iyadu qaadan doonto go’aannadeeda ku saabsan sida ay isu difaaceyso.
Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli dalalka reer galbeedka gaar ahaan kuwa xulufada la ah Isra’iil ay ku cadaadinayaan xukumadda Telaviv in ay is xakameyso oo ayna ka jawaabin weerarki ay dhawaan kala kulantay Iran.
Mareykanka Midowga Yurub, iyo dalalka warshadaha ku horumaray ee G-7 ayaa dhammaantood dhawaaqay qorshayaal ay ku saarayaan cuna-qabateyn hor leh. Arrintaasi ayaa loo arkaa mid ay reer Galbeedka ku direen farriin ah in Isra’il ayna ka aar-gudan Iran.
Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay, inuu uga mahadceliyay wasiirka arrimaha dibadda Jamralka Annalena Baerbock iyo dhiggeeda Ingiriiska David Cameron taageerada ay u muujiyeen, balse uu u caddeeyay in Israa’iil ay iyadu qaadaneyso go’aannada ay isku difaaceyso.
-
Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa madaafiic ku garaacay xarun ciidan oo ciidammada Israa’iil ku lahaayeen Waqooyiga halkaas oo ay ku dhaawacmeen 18 askari, iyadoo sheegtay inay aargoosi u ahayd duqeymo ay Israa’iil ku dishay xubno ka tirsan Xisbullah.
Kooxda Xisbullah ayaa sheegtay in ay weerar isugu jira gantaalo la hagayay iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku qaadeen xarun cusub oo sahan ciidan ah oo ku taalla Arab al-Aramshe, oo ah tuulo ay ku badan yihiin Carabta oo ku taalla waqooyiga Israa’iil una dhaw xadka Lubnaan.
Milatariga Israa’iil ayaa qirtay in 18 ka mid ah askartooda ay ku dhaawacmeen weerarka iyadoo lix ka mid ah askartaana ay xaaladoodu halis tahay.Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen saldhigyada Xisbullah ee bariga Lubnaan.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii Israa’iil ay duqaymo ka fulisay koonfurta Lubnaan ay ku dishay saddex qof oo uu ku jiro taliye ka tirsan Xisbullah oo ay ciidamada Israa’iil ku sheegeen magaciisa Ismail Yusaf Baz.
Maamulka maxalliga ah ee Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in saddex qof ay ku dhaawacmeen weerar ka yimid Lubnaan Talaadadii.
Isniintii, dhowr askari oo Israe’iliyiin ah oo u tallaabay dhulka Lubnaan ayaa ku dhaawacmay kaddib markii Xisbullah ay miino ku qarxiyeen, waana weerarkii ugu horreeyay ee noocan oo kale ah muddo lix bilood ah oo ay socdeen dagaallo.
War qoraal ah oo kasoo baxay ururka Xamaas ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay walxaha qarxa ku xidheen deegaanka Tel Ismaaciil ee koonfurta Lubnaan.
Hezbollah iyo Israa’iil ayaa in ka badan lix bilood is weydaarsanayay xabado barbar socda dagaalka Qaza oo ah colaadii ugu darneyd tan iyo sannadkii 2006-dii.
-
Iyadoo xiisada gobolka ay cirka isku sii shareereyso, Iran ayaa Arbacadii shalay soo bandhigtay diyaarado, gantaallo iyo askar si ay u muujiso inay diyaar u tahay jawaab kasta oo kaga timaada Israa’iil ka dib markii ay weerar aan hore loo arag ku qaaday cadawgeeda ugu weyn.
Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa toddobaadkii hore weerar toos ah ku qaaday Israa’iil, taasoo jawaab u ahayd weerar cirka ah oo 1-dii bishan April lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay magaalada Dimishiq.
Hawlgalka loogu magacdaray “Ballanqaadka Run ah”, wuxuu hoos u dhigay sharaftii maamulka Sahyuuniyadda (Israa’iil),” ayuu yidhi Madaxweynaha IRAN, Ebrahim Raisi oo khudbad kasoo jeediyey saldhig millatari oo ku yaal duleedka Tehran.
Raisi ayaa shalay ku celiyay digniino ka dhan ah “daan daansiga iyo gardarrada Israa’iil”, isagoo sheegay inay horseedi doonto “jawaab adag oo qadhaadh.”
Bandhiga arbacadii ayaa lagu arkay ciidamada qalabka sida ee Iran oo soo bandhigay qalab ciidan oo kala duwan oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada riddada dheer.
Waxaa ka mid ahaa noocyada kala duwan ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ababil, Arash iyo Mohajer iyo sidoo kale gantaalada ballistic-ga ee riddada dhexe ee Dezful iyo nidaamka gantaalaha difaaca cirka ee S-300.
-
Dalalka Sacuudi Carabiya iyo Pakistan ayaa si wadajir ah ugu baaqay in xabad joojin laga sameeyo Gaza, halkaasi oo muddo lix bilood ah uu ka socdo dagaalka Xamaas iyo Israa’iil.
Sacuudiga ayaa si gaar ah uu soo jeediyay in xiisadda gobolka la dajiyo iyadoo aanu soo hadal qaadin duqayntii Iran ay ku samaysay Israa’iil.
-
Mas’uuliyiinta gobolka Amxaarada ee ku yaal waqooyi-galbeed ee Itoobiya ayaa ku eedeeyey gobolka deriska la ah ee Tigray in uu weerar ku soo qaaday deegaankooda, taas oo ka dhigan in ay sii labo lixaadsatay colaadda dhuleed u dhexeysa labada gobol.
Waa dirirtii ugu horreysey ee ka curata soohdinta lagu muransan yahay ee labada maamul goboleed midba gaar u sheegto tan iyo markii la sixiixay heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii lagu hoobtay ee gobolka Tigray ka dhacay muddo haatan labo sano laga joogo.
Sida u uku soo warramayo wariyaha BBC ee Addis Ababa, isku dhacyada u dhexeeya ciidamadao kala taabacsan maamullada Tigrayga iyo Amxaarada ayaa billowday Sabtidii, illaa markaasna waxay ka sii socdeen deegaanno hoos taga degmada Raya Alamata. Sida laga soo xigtey dadka degaanka, ciidamada Tigray ayaa galay qaybo ka mid ah degmada.
Saraakiil ku sugan magaalada Kobo ee halkaas ka ag dhow, islamarkaana ka tirsan gobolka Amxaarada ayaa BBC u sheegay in ay halkaas oo gaareen dad ka soo qaxay dirita.
Mas’uuliyiinta labada maamul ee Tigrayga iyo Amxaarada ayaa eedeyn isku tuurtuuray, iyadoo qoloba qolo ku eedeysay in ay dagaalka biilowday.
Madx maamulka KMG ah ee Tigray ayaa eedda dusha ka saaray waxa uu ugu yeedhay cadowga heshiiska nabadda.
Dowladda federaalka oo iyadu heshiiska la sixiixatay ciidanka Tigray 2022 ayaan weli ka hadlin xiisadda aloosan. Waxayna horay ugu dhawaaqday qorshe int axal laga gaadhayo khilaafka maamulka dhulka lagu muransan yahay loogu wareejinayo ciidamada federaalka. Inkstoo heshiisku uu damiyey dabkii ka holcayey Tigray, haddana colaaddu waxay ka sii socotay qaybo kale oo Itoobiya ka mid ah.
-
Maayarka magalada waqooyiga Ukraine ku taalla ee Chernihivayaa sheegay in 8 qof ay ku dhinteen, 18 kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn uu Ruushku ka gaystay magaaladaasi.
Guddoomiyaha gobolka ayaa isna sheegay in saddex gantaal ay ku dhaceen meel ku dhaw badhtamaha magaalada.
Maamulayaasha magaalada ayaa dalbanaya dhiig shubid balaadhan si loogu gurmado dadka dhaawaca ah.
Dhinaca kale warrar ayaa sheegaya in Ukraine ay iyana duqeysay saldhig milatari oo ruushku leeyahay oo ku yaalla gobolka la haysto ee Crimea.
-
Beledweyne (HOL) - At least six people were killed in inter-clan fighting in areas along the border between Hiraan and Middle Shabelle regions over the past few hours.
-
Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Luga dheere” ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Kismaanyo wafdi ka socda Hay’adda Save the Children oo booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee dowlad Goboleedka Jubbalaan.
Kulanka ayaa looga hadlay Mashaaricda Hormarineed ee ka socda deegaanada Jubbalaand ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxda Hay’adda Save the Children ee Switzerland ,Sweden, koofurta iyo waqooyiga qaaradda Afrika iyo ku xegeenka u qaabilsanaha arrimaha Soomaaliya.
Madaxweyne Ku Xegeenka ayaa Hay’adda Save the Children uga mahadcelinayay Mashaaricda hormarineed ee ay ka wadaan Jubbaland, islamarkaana wuxuu ku tirtirsiiyay inay sii laba jiraan.
“Howlaha aad ka wadaan Jubbaland waan ku faraxsanahay, waana la socanna oo wasaaradda Caafimaadka ayaa warbixinno joogto ah inaga siisa” ayuu ka yiri Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Luga dheere) shir jaraa’id oo ay si wadir ah u qabteen gabangebadii kulanka.
Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inay Jubbaland tahay dowlad Goboleedka ugu ballaaran oo ay baahiyo caafimaad iyo kuwo hormarineedba ka jiraan, islamarkaana loo baahanyahay in shacabka wax loo qabto.
Jubbaland oo ah dowlad Goboleedka labaad ee ugu faca weyn maamulada dalka ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo ka dhashay abaaro raagay iyo dagaalka Alshabaab.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub oo si weyn u taageero dowladda federaalka iyo howlgalka ATMIS ayaa mar kale qaaday tallaab ku aadan horumarinta amniga Soomaaliya, wuxuuna ansixiyay malaayiin doollar oo ku baxaysa amniga dalka.
Midowga Yurub ayaa haatan Soomaaliya u ansixiyay $74.4 milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay qorshaha kala guurka ee ay ciidamada ATMIS uga baxayaan gudaha Soomaaliya.
Lacagtan ayaa si gaar ah loogu qarash gareyn doonaa wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ciidamada ATMIS oo la filayo inay Soomaaliya ka baxayaan dhammaadka sanadkan 2024.
Waxaa kale oo jirtay lacag kale oo gaareysa $42.5 milyan oo uu Midowga Yurub ku taageeri doono ciidamada Xoogga dalka, si ay awood ugu yeeshaan la wareegidda amniga dalka.
Taageeradan dhaqaale ee ay dalalka Yurub ku bixinayaan Soomaaliya ayaa wax badan ka tari doonto amniga dalka, maadaama la dhisayo ciidan Soomaali ah oo beddalaya ATMIS.
Waxaa haatan dowladda federaalka ay waddaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ee la wareegidda amniga, maadaama uu si tartiib ah ku bilowday qorshaha bixista ATMIS oo horay ciidamada Xoogga dalka ugu wareejisay xarumo iyo saldhigyo muhiim ah.
Dhinaca kale waxaa dhowaan la qorsheynayaa in 4,000 oo askari oo dheeraad ah oo ka tirsan howlgalka ATMIS laga saaro Soomaaliya dhamaadka bisha soo socota June.
Si kastaba, Midowga Yurub ayaa taageera dhaqaale oo weyn ku bixiya howgalka ATMIS, isaga oo horay u siiyay ku dhawaad 2.87 bilyan oo dollar tan iyo 2007.
The post Midowga Yurub oo malaayiin dollar u ansixiyay Somalia iyo waxa lagu qabanayo appeared first on Caasimada Online. -
Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas ayaa la sheegayaa in uu diiday qorshe halis ku ah in Falastiin noqoto dowlad madax-bannaan oo uu usoo bandhigay Madaxweynaha Mareykanka , Joe Biden.
Madaxweyne Biden ayaa ka dalbaday Maxamuud Cabbaas in uu joojiyo qaraarka qabyada ah ee Khamiista la horgeynayo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay.
Qaraarka ayaa haddii loo codeeya Falastiin u aqoonsanaya dal madax bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobey, balse waxaa jira dareen ah in qaraarkaasi uu diiddayo Mareykanka ama xubnaha kale ee reer galbeedka.
Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay qaraarka inuu san caawinayn xalka labada dawladood ee uu taageersan yahay Mareykanka , laakiin ma aysan sheegin in Mareykanka uu diidi doono.
In ka badan kala bar waddamada caalamka ayaa taageersan in ay Falastiin noqoto dal madax bannaan , si meesha ay uga baxdo colaadda daba-dheeratay ee salka ku haysa aqoonsiga ay hesho dowladda Falastiin.
PUNTLAND POST
The post Maxamuud Cabbaas oo diiday qorshe uu u soo bandhigay Madaxweynaha Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Edwad jiin wuxuu ku dhashay magaalo lagu magaacaabo lagroos oo ka tirsan gobolka wiskonsiin ee dalka maraykanka sanadkii 1906.
Wuxuu ahaa da’dii labaad ee ay isku dhaleen agoosto jiin iyo jowrajiin oo ahaa labadiisa waalid, waxaana ka weynaa wiil lagu magacaabo hinri jiin.
Hooyadii waxay ahayd haweenay aad u kul kulul oo aan naxariis iyo jixin jix lagu aqoon, aadna u qalbi adag, balse aabbihiis ayaa aad u calool-jilicsanaa oo damqasho iyo diirnax badnaa.
Magaalada ay edwad iyo qoyskiisu deganaayeeni waxay ahayd mid macaasi badan oo tumashada iyo cabbidda qamrigu ay carruur iyo cirrooleba dadka meherad u wada ahaayeen.
Hooyadiis arxan la’aanta waxaa u wehisay badraanimo ama dhaqaalo-darro oo nolosha qoyska si aan loo meel dayin ayay ugu tagri fali jirtay, carruurtana wax daryeel iyo dareen waalidnimo ah toona u hayn.
dabcan qani ama hodan ayay ahaayeen oo hanti faro badan way haysteen, beer aad u weyna way lahaayeen, balse damiir iyo dadnimo ma jirin oo nolol aad u qariban ayay ku jireen.
Carruurtu waxay inta badan daawan jireen aftaanta hooliwuudka maraykanka, gaar ahaan kuwa dambiyada iyo dilalka dadka ku saabsan, waxayna had iyo jeer ku dhex arki jireen gacan ku dhiigleyaal la soo qabtay oo silsiladaysan iyo kuwo si kasta loo raadiyay, balse gacanta lagu soo dhigi waayay.
Edwad jiin markii uu weynaaday waxaa asaga iyo walaalkiis la geeyay iskuul, waxaana u billaabay waxbarasho iyo la dhaqan dad ka duwan qoyskooda.
Edwad inkastoo uu markii hore waxbarashada xiisayn jiray haddana firfircooni uma hayn oo casharada iyo tagidda iskuulka iskuma xilsaari jirin sidoo wuxuu ka xishoon jiray macalimiinta, balse hinri ayaa aad u dadaali jiray
Inkastoo uu waxbarashada habsan ka ahaa haddana wuxuu aad u akhrin jiray buugaagta sheekooyinka ee carruurta iyo qisooyinka.
Edwad jiin dabeecad ahaan wuxuu ahaa ruux qunyar socad ah oo aan jeclayn inuu dadka dhex galo ama la sheekaysto, qof uu la hadlona waxaa ka jiray labadiisa waalid iyo carruurta kale ee la dhashay.
Sanadkii 1940-kii waxaa geeriyooday aabbihiis, waxayna hinri iyo edwad billaabeen inay hooyadood tabcidda beerta iyo howlaha kale ka gacan siiyaan, maxaa yeelay shaqadaa odayga ayaa kaligiis qaban jiray wuuna iishay.
Labada wiil isku waxqabad ma ahayn oo edwad ciidamin badan lagama heli jirin, inta badanna fadhi iyo baashaal ama film daawasho ayuu amminta ku idlayn jiray, hinri’se wuxuu mar walba u tafa-xaydnaa inuu howl kasta si wanaagsan uga soo dhalaalo.
Maalin maalmaha kamida hinri ayaa aad u canaantay oo wahsi iyo inaanu hooyadii baarri u ahayn ku haaraamay, balse Ed jiin dheg jalaq uma siin oo kajan iyo gafuur taag ayuu uga falceliyay.
Edwad jiin wuxuu dhibsaday waanada iyo waxsheega walaalkiis, wuxuuna ka nebcaaday jinnigii isha caddaa oo araggiisa ayuu sidii dugaagga uga dudi jiray.
16-kii bishii may sanadkii 1944-kii hinri ayaa ku geeriyooday dhacdo lama filaan ah, taasoo ahayd dab xoogan oo beertooda qabsaday.
Edwad qudhiisu wuxuu ku foognaa daminta dabka balse dhimashada walaalkiis wax saameyn ah kuma yeelan oo waaba ku farxay, markii uu guriga ku soo noqdayna hooyadii ayaa weydiisay waxa ku dhacay hinri, balse uma jawaabin oo afka ayuu ka xirtay.
Booliska iyo qolyaha dabdamiska ayaa goobta degdeg u soo gaaray, waxayna raadiyeen meydkii balse way waayeen, ka dibna edwad ayaa tusay oo dabkii si xun uga shiilmay, madaxana uu dhaawac weyni uga yaal.
Waxaa lagu shakiyay inuu asagu dilay haddana maadaama uu aamusane xishood badan ahaa, qof walibana ma aamini karin inuu ku dhiiran Karo inuu walaalkii khaarajiyo.
29 December sanadkii 1945-tii waxaa geeriyooday agoosto oo ahayd edwad hooyadiis, kaligiis ayaana qoyskoodii oo dhan ka haray maadaama ay labadiisii waalid iyo halkii wiiloo la dhashayba wada dhinteen.
Kaligiis ayuu noqday noloshiisiina way is badashay oo inkastoo uu macangag ahaa haddana cidlo iyo walwal ayuu dareemay, Cid uu weheshadona waa uu waayay.
Wuxuu ammin dheer ama saacado badan ku qaadan jiray sariirtii hooyadiis asagoo buugaagta iyo qisooyinka nolosha carruurta la xariira akhrinaya.
Maalmo ka dibna wuu ka digarogtay buugaagtii carruurta wuxuuna billaabay inuu akhrinayo kuwo ku saabsan habdhqankii hugaamiyihii dalka jarmalka Adolf Hitler iyo sidii uu dadka u layn jiray.
Dabcan waxay ahaayeen dhiganeyaal ka hadlaya falka qurgoynta iyo jirdilka ee bin’aadamka loo gaysto kuwii ugu darnaa, iyo qaababkii ugu fool xumaa ee dad loo inqaabay.
Sidii uu waxaa u akhrinayay ayuu noqday xagjire manaxe ah oo aan arxan lahayn, mar walbana jecel inuu sidii Hitler dadka u laayo.
Maalin maalmaha kamida waxaa soo booqday wiil deris la ahaa, wuxuuna qolka edwad ku arkay waxyaabo argagax iyo anfariir leh, oo ay ka mid ahaayeen madax bini’aadam oo go’an iyo xubno kale.
Wiilkii oo yaab iyo irkag la jarcinaya ayaa gurigiisii ku noqday, wuxuuna dadkii magaalada deganaa uga warramay wixii uu ku soo arkay qolka edwad, balse waxaa loo qaatay inuu kaftamayo ama aanu Kala garanayn wuxuu soo arkay iyo wax kale.
Edwad oo si feecan u dheegtay sidii bahalnimada ahayd ee uu Hitler dadka uu laayo madaxooda weelasha uga samaysan jiray ayaa asna ku fakaray inuu dadka maqaarkooda Dhar ka farsamaysto, wuxuuna billaabay inuu Barto sida wax loo tolo.
1-dii bishii may sanadkii 1947-kii wuxuu afduubtay gabar 17 jir ahayd oo lagu magacaabi jiray joorjiya wiglar.
Sanadkii 1952 wuxuu afduubtay laba qof oo ugaarsato ahaa oo lagu Kala magacaabi jiray taraafabas oo nin ahaa iyo haweenay la oran jiray ray bayragsa, raqdooda iyo ruuxoodana dib looma arag.
Sanadkii 1953-dii wuxuu guri ay ka shaqaynaysay ka afduubtay haweenay lagu magacaabo efilayn haartilay, Aabbeheed ayaana dhowr jeer wacay qoyskii ay u shaqaynaysay balse waa la waayay oo meel ay gashay ayaa la garan waayay.
Sanadkii 1954-tii edwad wuxuu afduubtay haweenay kale oo lagu magacaabi jiray maariya hoogan, balse booliska ayaa rasaas ka helay goobtii uu falka afduubka ihi ka dhacay.
Sanadkii 1957-dii wuxuu afduubtay gabar lagu magacaabi jiray barniis waardan oo ku sugnayn goobteeda shaqo, balse booliska ayaa ogaaday inuu qofkii ugu dambeeyay gabadhii agteeda ka dhawaa uu ahaa edwad, waxayna toos u abbaareen gurigiisa.
Markii ay gudaha u kaleen waxay ku arkeen meydkeeda oo maqaarkii laga bixiyay qaadona ay agtaal, waxay la anfariireen falkaa argagaxa leh ee uu gaystay, maxaa yeelay lagama filayn inuu sidaa u arxan daranyahay oo maskiin aamusane ah ayaa loo haystay.
Gacanta ayaa lagu dhigay muddo 10 beri ah ayaa baaritaan lagu waday, balse afkiisa erayna waa laga soo saari waayay oo Shibta ayuu galay, hadalna waa laga waayay.
Maalmo ka dib ayuu go’aansaday inuu hadlo wuxuuna qirtay inuu asagu dilay dilay barniis, balse aanu Cid kale waxyeelo u gaysan, sidoo kale wuxuu sheegay in dhammaan meydadka gurigiisa laga helay ay ahaayeen kuwa uu magaalada ka soo ururiyay, balse aanu asagu dilin.
Baaritaanno faro badan ka Dib haddana wuxuu qirtay dilki maariya hoogan, balse wax faahfaahin ah kama aanu bixin qaabkii uu u khaarajiyay, wuxuuna sheegay inaanay maskaxdiisu caadi ahayn markii uu falkaa gaysanayay.
Midda la yaabka leh ayaa ahayd inuu dhowr jeer sheegay inuu meydadka iyo qabuuraha weheshado, booliska oo arrintaa laga dhakafaarsan ayaa dhaqaatiirta cilmi nafsiga ku wareejiyay si ay bedqabkiisa maskexeed u hubiyaan.
Natiijadii baaritaan ee dhaqaatiirtu waxay daboolka ka qaaday inuu miyir ahaan iyo caafimaad ahaanba aad u feecanhay, balse uu yahay qof damiirka ka dhintay oo aan waxba u Aabbeyeelayn.
Gurigiisa waxaa laga helay xubno jir bini’aadam ah oo googo’an, qaarkoodna si gaar ah loo saafay si waxyaabo kale looga farsameeyo.
Sidoo kale waxaa lagu arkay kuraas lagu xardhay madaxyo dad, majo sariiro lagu rakibay,maryo laga sameeyay maqaarka dadka,suuman laga sameeyay laabta ama xabadka dumarka, faynuus laga sameeyay waji bini’aadam iyo waxyaabo kale oo argagax leh.
Edwad dadka uu dhibaatada u gaystay intooda badani waxay ahaan deriskiisa iyo dadkii kale ee magaalada deganaa, maxaa yeelay kama aanay shakisanayn oo guryohooda ayuu iska soo gali jiray.
Maalin maalmaha kamida taariikhduna ay ahayd 1958-dii gurigiisa ayaa dab qabsay, waxaana saxaafadda qabsaday xogo arrintaa la xariira.
Ugu dambayn ninkii dhibkaas oo dhan gaystay lama toogan, xabsina lama galin ee waxaa la geeyay isbitaal dhinaca dhimirka ah oo uu inta noloshiisa ka Dhiman ku jirayo.
26-kii bishii juulay sanadkii 1984-tii Edwad jiin wuxuu ku geeriyooday isbitaalka, balse qisadiisana ayaa noqatay mid layaab leh oo buugaag badan laga qoray.
-
Magaalada Dubai dalka iskutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ku dhuftay daadad xooggan, kadib roobab xadigoodu sareeyo oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’y ay halkaas, waxaana hakad galay guud ahaan isku socdka kadib markii daadad kusoo rogmadeen garoonka caalamiga ah ee magaalada Dubai.
Wakaaladda wararka ee WAM ee ay dowladdu maamusho ayaa ugu yeertay roobka Talaadada “dhacdo cimilo oo taariikhi ah” taasoo dhaaftay “wax kasta oo la diiwaangeliyey tan 1949-kii, roobabkaan da’aya ayaa la sheegayaa in xadigooda aad u sareeyay uu sababay sameynta roob macmal ah iyo xilliga Gu’ga.
Roobabkan ayaa billowday galinkii dambe ee Isniintii, iyagoo gaarat 0.79 inch cabirka roob ah, sida ay muujinayso xogta saadaasha hawada ee laga soo ururiyay garoonka caalamiga ah ee Dubai. Dabeylaha uu Roobku watay ayaa sii xoogeystay abaarihii 9-kii subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah ee Talaadadaii.
Dhammaadkii salaasadii, in ka badan 5.59 inji oo roob ah ayaa ka da’ay Dubai 24 saacadood oo Celcelis ahaan sannadkii waxa lagu arkaa 3.73 inji oo roob ah oo ka da’aya madaarka caalamiga ah ee Dubai, oo ah xudunta isu socodka dheer ee Imaaraadka, biyaha ayaa gudaha u galay goobo badan oo ganacsiyo ah.
Roobabka ayaa sidoo kale ka da’ay dalalka Bahrain, Oman, Qatar iyo Saudi Arabia. Si kastaba ha ahaatee, roobabku waxay ahaayeen kuwo aad u daran oo ka da’ay guud ahaan Imaaraadka. Hal sabab ayaa laga yaabaa inay tahay taas oo lagu macneynayo “daruur abuurka ah ee la sameeyay xilli roobaadkaan Gu’ga.
Iskuullada ku yaal Imaaraadka Carabta, ayaa gabi ahaan la xiray sababo la xiriira duufaannada dhacaya, Shaqaale badan ayaa sidoo kale ku sugnaa guriga, inkastoo qaarkood ay ku dhiiradeen,gawaaridooda ku xirmay biyo ka qoto dheer ayaa la isku dayayaa in laga baaro dad ku go’doonsanaa gaadiidka kale duwan. -
LONDON, United Kingdom, April 17, 2024/ — For 60 Years, the Eastern Africa Association (EAA) (www.EasternAfricaAssociation.org) has been at the forefront of promoting trade and investment between the UK and East Africa through networking events, information sharing, and direct support for members when they face challenges.
The EAA is marking its 60th anniversary this year – operating throughout a period covering most of the extraordinarily dynamic post-independence history of the region. It has had an enduring positive influence on the economic development of East Africa, encouraging international investment during periods of significant economic growth, as well as more troubled periods of political upheaval and sometimes conflict.
EAA Chairman Lord Valentine Cecil said: “We are very proud of what we have done to promote long term trade and investment in the countries of East Africa, which offer great opportunities across multiple sectors, thereby supporting sustainable development in the region,” noting that the 500 or so companies that form the EAA network employ an estimated 10,000 people in the region.
Established in Kenya and the UK in 1964, the EAA has grown into a pivotal business information service, benefiting a diverse array of regional and foreign investor corporations. It remains centered on enhancing economic ties, understanding political landscapes, and supporting members in navigating the vibrant East African markets. It maintains excellent diplomatic and Government ties, and brings together industry leaders, corporates, academic and public sector parties to support its mission aims.
The EAA will hold its 60th anniversary gala event on 29th May, starting with a Market Close Ceremony in its honor at the London Stock Exchange, followed by a VIP Reception and Gala Dinner, connecting key industry leaders with a shared interest in the East and Horn of Africa.
Mr. Abi Ajayi, Head of Africa and Middle East Primary Markets at the London Stock Exchange (LSEG) confirmed the market close ceremony in honor of the East Africa Association’s (EAA) diamond jubilee. In his announcement, Mr. Ajayi highlighted the work of the LSEG’s Africa Focus Group, which aims to strengthen the connection between the London Stock Exchange and Africa’s capital markets. This effort supports the increase of global investment into Africa and the development of effective financial market infrastructures. “We therefore congratulate the association on this milestone and look forward to hosting the EAA’s Market Close ceremony. It reflects our commitment to working in partnership to promote trade and investment flows in the Eastern Africa region and beyond,” said Ajayi.
Distributed by APO Group on behalf of Eastern Africa Association (EAA). -
Mogadishu (HOL) — The African Development Bank's three-day mission to Mogadishu concluded on Wednesday with discussions focused on assessing and advancing Somalia's development objectives. The delegation, led by Bubacarr Sankareh and Edward Sennoga, wrapped up the Interim Country Strategy Paper (I-CSP) for 2022-2024 and initiated planning for the 2025-2029 strategy.
-
Qoryooley (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo markale maanta dib uga qarxay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu maanta ka dhacay xaafada Buulo Siidow, wuxuuna saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi.
Sawirro laga soo qaaday bartamaha Qoryooley ayaa muujinaya degmada oo haawaneysa, isla markaana cidlo ah, maadaama dagaalka si weyn looga dareemay halkaasi.
Ilo deegaanka ah Caasimada Online u sheegay in dagaalka uu weli socdo, isla markaana la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, ayna cakiran tahay xaaladda.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo marar badan kusoo laa laabtay aagga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Xiisadda ka taagan Qoryooley oo u dhexeyso labada beelood ayaa todobaadii u dambeeyay ka taagnayd magaalada, waxaana fashilmay dadaallo lagu xalinayay labada dhinac.
Marka laga tego Qoryooley, waxaa jira magaalooyin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed, sida Diinsoor iyo Buurhakaba oo iyana ay ka taagan yihiin dagaal beeleedyo, waxaase faro-gelisay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ciidan gaysay degmooyinkaasi.
Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee maamulka, waxaa iyadana ka jirta xiisad kale oo u dhexeyso ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan magaaladaasi.
The post Dagaal culus oo mar kale ka qarxay Qoryooley + Sawirro appeared first on Caasimada Online. -
Midowga yurub ayaa ku dhawaaqay inay wadaan qorshe cusub oo ay dalka Iiraan ku saarayaan cuna-qabataynno hor leh, taasoo falcelin u ah weerarkii 13-kii bishan ay ku qaadday Israa’iil, kaas oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.
Cuna-qabatayntan ayaa si gaar ah loogu beegsan doonnaa shirkadaha diyaaraha iyo gantaallada sameeya ee ku yaalla jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan, arrintaan ayaa cadaadis xooggan ku keeni karta hormarinteeda dhinaca Milatariga Iran.
Madaxweynaha Golaha Yurub Charles Michel ayaa ka sheegay gebagebadii shir madaxeedka golaha oo ka dhacay magaalada Brussels, ayna ka qaybgaleen madaxda 27-ka waddan ee xubnaha ka ah ururka midowga yurub in cuna-qabatayntan cusubi ay falcelin u tahay weerarkii gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn isugu jiray ee ay tehraan ku qaaday maamulkaIsraa’iil.
Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaan go’aansannay inaan cunaqabatayn ku soo rogno Iiraan, taasoo ah farriin cad oo aan u dirnayno Iiraan kaddib markii ay si aan horay loo arag weerar ugu ekeysay gudaha Israa’iil.”
Waxa uu intaa ku daray in cuna-qabatayntu ay cuuryaamin doonto shirkadaha doorka ku leh samaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha.
War murtiyeedkii ay ka soo saareen gunaanadka shir madaxeedkooda ayay goluhu ugu baaqeen Dhammaan dhinacyada xiisadda bariga dhexe ku lugta lihi inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo kordhinaysa xiisadda gobolka.”
Iiraan ayaa 13-kii bishan boqolaal gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeratay maamulka Israa’iil, Iyada oo sheegtay inay ka jawaabayso weerar gantaalo ah oo lala beegsaday qunsuliyaddeeda magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya horaantii bishan April.
-
Dadka leh kelyaha dheeraadka ah inta badan kuma baraarugsanaa ilaa ay la soo deristo xaalad caafimaad taas oo ku qasabta in ay dhakhtarka booqdaan, iyagoo aan ka warheyn heybadda dheeraadka ah ee uu ilaahay siiyay, waxayse ogaadaan marka lagu sameeyo baaritaan, oo ay ka warhelaan oo kaliya ka dib baarista ultrasound-ka ama qalliin ka dib.
Dadka leh kelyaha dheeraadka ah ee laga diiwaan geliyay adduunka oo dhan ayaa ah kaliya saddex ruux iyada oo qofkii afaraad haatan laga helay gudaha Soomaaliya.Wiil da’yar oo dhakhaatiirtu ay ka gaabsadeen shaacinta magaciisa ayaa noqday bukaan baaritaan dheer ka dib la ogaaday in uu leeyahay afar kelyood.
Isbitaalka tababarrada iyo cilmi baarista Somali Turkish ee horay loogu yaqiinnay Digfeer, ayaa waxaa booqday bukaankan isaga oo ka cabanaya xanuun uu ka dareemayo killidiisa bidix, waxana dhakhaatiirtu ay amreen in baaritaan lagu sameeyo taas oo lagu ogaaday in uu bukaanku leeyahay afar killiyood iyo in dhinaca uu ka cabanayo uu dhagax kaga jiro.
Dr Cabdikariin Xuseen Maxamed Gabayre, dhakhtarka daaweynta iyo qalliimada xanuunnada kaadi mareenka & taranka ragga oo ah dhakhtarka qalliinka ku sameeyay bukaanka ayaa BBC-da u sheegay qaabka ay xaaladdan ugu baraarugeen.
“Bukaanka oo soo booqday isbitaalka ayaa baaritaan kadib lagu ogaaday xaaladdan, waxa ay noqotay mid la yaab leh maadama adduunka oo dhan lagu ogaa saddex qof oo kaliya isla markaana uu noqonayo qofkii afaraad, intaas kadibna waxa aan u howlgalnay qaabka ugu wanaagsan ee loo geli karo daryeelka iyo daweynta bukaankan maadaama uu yahay ruux ka duwan dadka kale”.
Bukaanka ayaa sidoo kale lagu sameeyay qalliinka xanuunkii uu ka cabanayay maadaama killidiisa bidix laga helay dhagax ku raagay.
Bukaanka waxa aan la tacaalnay xaaladdii uu isbitaalka u yimid waxa lagu sameeyay qalliin, maadama uu yahay bukaan leh xaalad ka duwan tan caadiga ah, qalliinkiisa iyo daweyntiisaba wey ka duwanaayeen kuwa caadiga ah, waliba waxa aan qoyskiisa kula dar daarannay in ay si gaar ah ula socdaan”, ayuu yiri Dr Gabayre oo qalliinka ku sameeyay.Bukaanka oo la sheegay in uu dareemayay xanuun badan ayaa baaritaanka ka dib dhakhaatiirtu waxa ay go’aamiyeen in lagu sameeyo qalliin deg deg ah, waxaana lagu sameeyay qaab ‘leysar’ ah ama toos loo tooganayo dhagaxa iyadoo markii lagu guuleystay uu bukaanku dib ugu laabtay hoygiisii
Faa’iido mase faa’iido darro afarta kelyood
Bukaanka ayaa in muddo ah la xanuunsanayay dhagaxa killida kaga beermay iyada oo dhakhaatiirtu ay sheegeen in biyaha wasakhda ah ee la cabo iyo cunista hilibka guduudan, iyo waxyaabo kale oo badan ay sababaan dhagaxaanta kelyaha ku beerma.Bukaankan leh afarta killiyood leh ayaa kelyihiisu waxa ay yihiin kuwo caafimaad qaba oo si caadi ah u wada shaqeynaya, waxaa muuqata in labada killiyood ee dhinaca midig ay kala madax bannaan yihiin, halka labada killiyood ee dhinaca bidix ay qayb isaga dheggan yihiin.
Killiyaha oo inta badan ay ku soo dhacaan waxyaabaha la cabo iyo wasakhda ka dhalataba waxa ay u nugul yihiin, in uu dhagax ku beermo taasoo dhakhaatiirta bukaankan ay ku micneeyeen in uu u nugul yahay dhagxaanta marka loo eego dadka caadiga ah ee leh labada killiyood.
“M ahan saameyn ama dhibaato gaar ah in bukaankan uu leeyahay afar killiyood laakiin waxa ay u nugul yihiin killiyihiisa xanunnada la xiriira dhagxaanta, maadaama afar killiyood uu leeyahay waxa uu xanuunka ka dareemi karaa fartaba maadaama dadka caadiga ah labada xanuunaan, taas oo noqon karta in xanuunkiisa uu ka bato sida caadiga ah”, ayuu yiri Dr Gabayre.
Tayo ahaan maka duwan yahay dadka leh labada kelyood
Bukaanka oo ku dhashay xaaladdan afarta kelyood ayaa la’is weydiinayaa tayada kelyihiisa iyo haddii uu ka faa’iido badan yahay dadka leh labada killiyood.Dhakhaatiirtu waxa ay sheegayaan in tayada afartiisa kelli ay la mid tahay qof leh labo killiyood isla markaana aysan jirin faa,iido ka badan dadka caadiga ah, haddii ay noqoto waxqabad iyo shaqo.
Waxa kale oo xusid mudan in haddii laga saaro labo ka mid ah killiyihiisa ay la mid tahay in qof leh labo killiyood laga saaray middaas oo la micno ah nusqaan ku imaanyesa.
Dhakhaatiirta ayaa ehelka bukaanka kula taliyay la socosho iyo daryeel gaar ah, sidoo kale waxa ay sheegeen in mar kasta oo loo baahdo daweyn caafimaad uu u baahan yahay daryeel ka duwan midka caadiga ah maadaama uu ku ku jiro xaalad ka duwan tan dadka kale.
bbcsomali
The Political Detention of Dr Kulmiye in Hargeisa Sets Unsavoury Precedent
in News - Wararka
Posted
Hargeisa (PP Editorial) — The detention of Dr. Abdirahman Kulmiye, a Somali-Australian citizen, in Hargeisa, allegedly on false espionage charges by Somaliland authorities, raises concerns about the political judgement of its leaders and civil society.
In 2015, Puntland government released poet Gama’diid, thanks to advocacy by traditional leaders and evidence showing baseless charges. However, in the case of Dr. Kulmiye, neither civil society nor the Somaliland Human Rights Center in Hargeisa has ensured his rights amidst conflict in Sool.
Detained by order of Interior Minister Mohamed Kahin, Dr. Kulmiye’s detention risks damaging the bond of free movement between Puntland and Somaliland territories. It is imperative for Somaliland authorities to release Dr. Kulmiye promptly to prevent irreparable damage to inter-clan and civilian relationships, and enable him to seek remedies for unlawful detention.
© Puntland Post, 2024
The post The Political Detention of Dr Kulmiye in Hargeisa Sets Unsavoury Precedent appeared first on Puntland Post.