Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka hadlay hoowlgal maanta Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen Guri uu ka degganyahay Magaalada Muqdisho. Isaga oo warbaahinta kula hadlayay Guriga maanta ay Ciidamada Howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada ay amar la’aan galeen Gurigiisa. C/Qeybdiid ayaa sheegay in Gurigiisa la bur buriyay oo Al-baabada xoog lagu jejebiyay isaga oo Warbaahinta u fasaxay in ay duubaan. Waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada maanta galay Gurgiisa ay jir dileen mid ka mid ah ilaaladiisa oo xilligaas ku sugnaa Gurgiga. Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Duhurnimadii Maanta Saacadu markii ay aheyd 1:20 Daqiiqo ay Gurigiisa galeen Ciidanka socda dowladda kuwaas oo albaabka hore ee Gurgiisa ku jebiyay Gaari kadibna ay qoryihii ka qaadeen ilaaladiisa. Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Ciidamadu ay sidoo kale jebiyeen Albaabadii guriga isla markaana ay baaritaano ku sameeyeen Qolalkii Guriga,sidoo kale ay taleefoonadii ka qaateen dhammaan dadkii joogay Guriga oo ay ka mid aheyd Xaaskiisa. Wariyayaasha ayaa weeydiiyay cida ka dambeysa weerarkaas ayaa waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda uusan garaneyn balse uu soo wacay taliyaha ciidamada NISA ee gobolka Banaadir Saadaq un sheegay in Ciidamada weeraray Gurigiisa ay yihiin Ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta eek u sugan Muqdisho. Waxa uu sheegay in uu yahay Nin Sanoter ah oo xasaanad leh isla markaana Gurigiisa iyo waliba isaga aan la baari Karin iyada oo aan xasaanada laga qaadin. Sanoter Cabdi Qeybdiid faah faahino dheeri ah intaas ka badan kama sii bixin weerarka Duhurnimadii Maanta lagu qaaday hoygiisa oo ku yaalla Xaafada Seybiyaano gaar ahaan Beerta Jaadka ee degmada Hodan. C/Qeybdiid ayaa ka maqnaa Guriga xilliga ay Ciidamada tagayeen waxaase uu tagay kaddib markii ay Ciidamada baaritaanka sameeyeen. Ma uusan sheegin wax Guriga ay ka qaadeen Ciidamada,waxaana uu kaliya sharci darro ku tilmaamay weerarka Gurigiisa loo geystay sida uu sheegay. Halkaan hoose ka dhageyso hadalkiisa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cabdi-Xasan-Cawaale-Qeybdiid.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso:-Sanoter Cabdi Qeybdiid Oo war cad kasoo saaray Weerarkii Lagu Qaaday Gurigiisa appeared first on Caasimada Online.
  2. Garowe (Puntlandi) Hay’adda la dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee dowladda Puntland (PAC) ayaa maantay soo gabagabaeysay Olalihii wacygi gelinta iyo ka hortaga takoorka dadka la nool cudurkaan ee ka socday gobolada Puntland. Olalahaan oo socday bishaan December oo idil, ayaa maanta lagusoo gabagabeeyay jaamacadda Bosaso faraceeda magaalada Garowe, halkaas oo guddiga PAC iyo koox dhaqaatiir ah ay kula hadleen ardayda jaamacadda wax ka barta, kuwaas oo lasiiyay wacyo galin ku saabsan cudurkaan. Drs, Xabiibo Nuux Ismaaciil, oo kamid ah dhaqaatiirta Puntland, ayaa goobta ka jeedisay casharo muhiim ah oo ka hadlayay muhiimada ay leedahay in lasoo dhoweeyo islamarkaana aan la takoorin dadka cudurkaan la nool iyo heerka uu cudurkaan marayo. Drs, Xabiibo waxay sheegtay haddii la takooro ama xaqiraad lagu sameeyo dadkaan in cudurku uu sii faafayo, sababtoo ah waxay tilmamtay haddii la colaadiyo inay iyaguna cudurka sii faafinayaan, Dhaqtaradu waxay bulshada ku wacyi galisay inuu cudurkaan yahay mid uu ilaaheey keenay loona baahan yahay dadka la nool in loola dhaqmo si naxariis leh. Maxamuud Warsame Maxamud oo loo yaqaano Aakhiro, muddo 11 sano ahna la nool cudurka, ayaa sheegay tan iyo waqtigii uu cudurkaan ku dhacay inuu halgan ugu jiray sidii dadka qaba cudurkaan u qaadan lahaayeen dawooyinka, si ay naftooda u badbaadiyaan bulshada kalena aysan ugu gudbin. Wuxuu sheegay dadka qaba cudurkaan ee Dawada qaata inay haatan dhan yihin 400 kaliya, laakin wuxuu sheegay inay jiraan dad intaan ka badan oo cudurkaan qaba, kuwaas oo iska qariya bulshada, si aan loo takoorin. Wuxuu sheegay haddii takoorka la daayo inay banaanka usoo bixidoonaan dadyowga cudurkaan la dhuumanaya si ay Dawo uqaataan, arrintaasna wuxuu sheegay dedaalkeeda in looga baahan yahay dhalinyarada inay bilaabaan la dagaalanka Takoorka. Agaasimaha maamulka hay’adda PAC, Cabdirisaaq Nuur Hallac, ayaa soo xiray wacyi galintaan, wuxuuna sheegay inay ahayd wacyi galintii abid ugu balaarsanayd ee laga sameeyo gudaha Puntland. Wuxuu sheegay in dhammaan laga fuliyay gobolada Puntland lana tagay meel kasta oo ay bulshadu isaga timaado, xitaa Masaajida. Ujeedada laga leeyahay wacyi galintan ayuu agaasimuhu sheegay inay tahay sidii bulshada looga wacyi galin lahaa Takoorida dadka la nool cudurka HIV/AIDS, isagoo sheegay sababta uu cudurka ugusii faafayo Puntland inay tahay faquuqda loo geysanayo dadkaan, taasoo iyagana ku kalifaysa inay cudurkii qarsadaan ama ay sii faafiyaan. Puntlandi.com
  3. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo loo xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday Hoyga sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40-Askari oo ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday Guriga Sanatar Cabdi Qeybdiid. Sida ay qortay SONNA, Taliyaha ayaa sidoo kale xabsiga dhigay laba sargaal oo kale oo iyana arintaasi lala xiriirinayo, waxaana sidoo kale jira baaritaano ku soconaya saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarkii maanta lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii falkaasi uu dhacay ku amray durbadiiba taliyaha ciidanka Xoogga Dalka in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo cidii weerarkaasi ka dambeysay, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono. Goobjoog News Source
  4. Muqdisho (Caasimada Onlime) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si deg deg ah uga hadlay Weerarkii Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen Guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Madaxweynaha ayaa sheegay in falkaasi uu kuu amray taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gorod in uu baaris deg deg ah ku sameeyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka inuu baaritaan degdeg ah ku sameeyo falkii sharci darrada ahaa ee lagu galay hoyga Senator Cabdi Qaybdiid. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa lala tiigsan doonaa sharciga. — Villa Somalia (@TheVillaSomalia) December 30, 2017 Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta Weerar ku qaaday Guriga Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale” Qeybdiid” Cabdi Qeybdiiid Waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay kusoo qaadeen Weerar Abaabulan. Qeybdiid Waxa uu sidoo kale ku warramay in mid Kamid ah ilaaladiisa la Jirdilay, Qolalka Gurigiisa la Jajabiyay, Baaris badan laga sameeyay Hoygiisa iyadoon aan wax fasax ah looga heysan. Xildhibaanka ayaa sheegay in Gaari dagaal Gurigiisa lagu hor jaray ka dibna, Qoryo lagu qabtay Ilaaladii Gurigiisa. The post Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaraty weerarkii lagu qaaday guriga Cabdi Qeybdiid appeared first on Caasimada Online.
  5. The Ugandan military said on Saturday it had completed the first withdrawal of 281 peacekeepers as part of condition-based drawdown of its over 6,000 troops deployed in volatile Somalia. Ugandan military spokesperson Brig. Richard Karemire told Xinhua that withdrawal of the troops is in compliance with the African Union and United Nations approved reduction of 1,000 uniformed personnel serving under African Union Mission in Somalia (AMISOM) by the Dec. 31 deadline. Uganda early this month begun the phased withdrawal the peacekeepers. “We have already fulfilled our requirement as per the United Nations Security Council resolution. We have already reduced our troops there [Somalia] by 281 in compliance with the Dec. 31 deadline,” said Karemire. The UN Security Council in August 2017 extended the mandate of AMISOM until May 31, 2018, and approved a reduction of its uniformed personnel to a maximum 21,626 men by Dec. 31, with an eye toward the gradual handover of responsibilities to Somali National Security Forces. Special Representative of the African Union Chairperson for Somalia, Francisco Madeira announced last month that some 1,000 soldiers from the 22,000 strong regional force will be withdrawn from the war torn country by Dec. 31. AMISOM is comprised of troops drawn from Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia and Djibouti who are deployed in six sectors covering south and central Somalia. The phased withdrawal of troops and gradual handover of security responsibilities will be based on the ability of the Somali National Security Forces to ably take over the country’s security, according to AMISOM exit strategy. As part of the military drawdown, the pan-African body will deploy an extra 500 police officers to strengthen training and mentoring for Somali police. Xinhua
  6. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisoow] ayaa ka hadlay weerarkii guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale [Qaybdiid] oo ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Somalia ay gudaha u galeen Duhurnimadii maanta. Ciidamada galay guriga Cabdi Qaybdiid ayaa la sheegay inay baaritaanno ku sameeyeen qaybo ka mid ah guriga, inkastoo Senator Qaybdiid uu sheegay in qaybo ka mid ah gurigisa la burburiyay oo aanu garanayn sababtii lagu galay gurigiisa isagoo xasaanad leh. Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku amaray in baaritaan deg-deg ah uu ku sameeyo falkii hoyga Qeybdiid ay ku galeen ciidammo baaritaan ku sameeyay. Twitter-ka Villa Somalia ayaa lagu soo qoray in si sharci darro ah lagu galay hoyga General Cabdi Qeybdiid, islamarkaana cid walbo oo ku lug yeelata lala tiigsan doono sharciga. Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Yariisow], ayaa iagana bartiisa Facebook-ga ku qoray in Dowladda Somalia ay waddo baaritaan ku aaddan weerarkii ay maanta ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ku qaadeen hoyga Sen. Cabdi Xasan Cawaalwe [Qaybdiid]. Dhanka kale, Wuxuu sheegay in sharciga la horkeeni doono cid walbo oo ay ku cadaato inay falkaas ku lug leeyihiin, waliba sida ugu dhaqsiyaha badan. “Dowladda Federaalka waxay waddaa baaritaan ku aadan sababta iyo ciddii ka dambeysay falkii lagu weeraray Guriga Senator Cabdi Qeybdiid, sharciga ayaana la horkeeni doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Wasiirka. Ugu dambeyn, Ciidammo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka, gaar ahaan kuwa ay Tababartay Dowladda Imaaraadka ayaa maanta Weeraray hoyga Muqdisho uu ka dagan yahay Sen. Cabdi Qaybdiid. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo ka Hadashay Weerarkii lagu Qaaday Guriga Senator Cabdi Qaybdiid appeared first on Puntland Post.
  7. Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C.raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Facebook-giisa wuxuu kusoo qoray in dowladdu ay waddo baaritaan ku aadan weerarkii ay maanta ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaalwe Qeybdiid. Waxa uu sheegay wasiirka in sharciga la horkeeni doono cid walbo oo falkaasi ku shaqo leh, waliba sida ugu dhaqsiyaha badan. “Dowladda federaalka waxay waddaa baaris ku aadan sababta iyo ciddii ka dambeysay falka ka dhacay guriga Senator Cabdi Qeybdiid, sharciga ayaana la horkeeni doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri wasiirka. Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka ayaa maanta oo Sabti ah weerar ku qaaday hoyga magaalada Muqdisho ka deggan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Goobjoog News Source
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku amaray in baaritaan degdeg ah uu ku sameeyo falkii lagu weeraray maanta hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Bogga Villa Somalia ee Twitter ayaa lagu soo qoray in si sharci darro ah lagu galay hoyga Qeybdiid, islamarkaana cid walbo oo ku lug yeelata lala tiigsan doono sharciga. Ciidamo la sheegay iney ka tirsan yihiin xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay iney maanta weerareen hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  9. Ciidamo katirsan kuwa NISA ayaa weerar ku qaaday hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho. Sida ay Puntlandi u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo, ciidamadaan ayaa baaritaan xoogan ku sameeyay guriga Cabdiqeybdiid oo ku yaala Degmadda Hodan gaar ahaan agagaarka isgoyska Banaadir, lama garanayo ujeedada ka dambeysa baaritaankaan, Dhinaca kale, Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo goor dhowayd soo saartay qoraal waxay iska fogeeyeen in howlgalkaan dowladdu federalku wax kala socota, waxaana madaxweyne Farmaajo amray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo falkaan lagu galay guriga Cabdiqeybdiid. Puntlandi.com
  10. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo saxaafadda kula hadlay hoygiisa ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay maanta ciidan ka tirsan dowladda Federaalka ku qaadeen gurigiisa. Qeybdiid ayaa sheegay in gurigiisa markii la weerarayey uu ku maqnaa xarunta aqalka sare oo uu soo gudanayey waajibkiisa shaqo. Ciidamada weerarka ku qaadey gurigiisa ayuu sheegay in ugu horreyn ay albaabka kore ku jabiyeen gaari, ciidankii halkaasi ku sugnaana ay hubkii ka qaateen. Intaasi kadib ayuu sheegay Qeybdiid, in ciidamadan ay jabin ku bilaabeen albaabada guryaha iyo sidoo kale armaajooyinka, sidoo kalena taleefannaddii gacanta laga qaatay xaaskiisa iyo sidoo kale gabadhiisa. “Aniga oo ah Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ahna guddoomiyaha guddiga dastuurka ee Labada aqal ee baarlamaanka, waxaan rabaa inaan warbaahinta u sheegay in maanta markii ay ahayd 1:20 PM gurigeyga oo aan deganahay ayaa waxaa soo weeraray ciidan dowladeed, albaababka hore ayeey baabuurka kusoo jabiyeen, kadibna waardiyihii bay qoryo ku qabteen, qoryihiina ka qaateen, aniguna shaqo ayaan ku maqnaa, golaha aqalka sare ayaan jiray, gudaha ayaa loo soo galay, markii loo soo galayna waa la baaray, waa la jabiyey dhammaan albaabada, meel walbana wey galeen” “Armaaajooyinkiina wey soo daadiyeen wixii ku jiray, qolalkii dibadda ku yaallay iyo kuwii gudaha dadkii ku jiray gacmaha kor u taaga bay dhaheen, Taleefannadii bay xaaskii iyo gabadheydii ka aruursadeen, xaaska oo musqul ku jirta wey ugu jabiyeen oo waa ay ugu galeen..ma garan karo sababta ay arrimahaasi ku dhaceen illaa iyo hadda, cidda waxaan sameysayna warbixintii ugu horreeysay ee xaaskayga markii ay isoo wacday kadib waxaa isoo wacay ninka taliyaha nabad sugidda ka ah gobolka Banaadir oo la yiraahdo Saadaq, wuxuu ii sheegay ciidankaasi waxay ahaayeen ciidanka Imaaraadka ayuu yiri” Qeybdiid oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ Laakiin waxaan anigu cadeynayaa sida ninkaasi ii sheegay ciidankaasi ciidan dowladeed buu ahaa, wixii intaa ka duwanna haddee baarista ayaa lagu ogaan doonaa, ma rabo intaas inaan dhaafo, waxaan ka codsanayaa warbaahinta in guriga gudaha galaan, soo arkaan waxyeellada, wixii laga qaatay oo qalab ah dib baan ka ogaan donna, laakiin hadda wixii la gaarsiiyay inaad soo aragtaan baan idin ka codsanayaa, aad ayaadna u mahadsantihiin” Senator Qeybdiid ayaa hadalkiisa intaasi kusoo gabagabeeyey. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga sugayaa iney war kasoo saarto weerarkaan maanta lagu qaaday hoyga Senator Cabdi Qeybdiid. Goobjoog News Source
  11. Bosaso-[Puntland Post]-Jaamacada Bariga Afrika oo ah hooyada waxbarashada Puntland-Soomaaliya ayaa waxaa si rasmia ah ugu bilowday xarunteeeda magaalada Bosaso imtixaankii Simistarkii Koowad ee Jaamacadda waxaana marka aad gaarto Jaamacada Bariga Afrika xarunteeda ay indhahaagu qabanayaan ardayda oo ku mashquulsan kashaqaynta imtixaanka halka macallimiintuna ay ahaayeen kuwo ilaalinaya habsami u socodka imtixaankaa . Xafiiska imtixaanka oo isna maanta ahaa mid wanaagsan ayaa laga dheehanayey qaabka uu ugu diyaar garoobey bilowga imtixaanaadka kuwaas oo ay galayaan kuliyadaha ay bixiso jamaacadu. Tirada ardayda maanta u Fariistay Imtaxaanka ayaa lagu sheegaya in ka Badan Labo Kun oo arday ku waas oo iskugu Jira Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadu Bixiso. Gudoomiye Ku -Xigeenka Jaamacadda Bariga Afrika Maxamed Maxamuud Ciise ayaa waxaa uu sheegey in ardaydaa ay ka kooban yihiin dhamaan kuliyadah ay Jaamacdu bixiso “Jamaacada bariga africa qaybta Bosaso waxay u taagan tahay inay bulshada Bosaso ay ka haqab tirto wax barashada sare dadaal iyo juhdi dheeri ahna waa ugu jirtaa arintaas tacliintana wa sii wadi doona ayuu yiri Gudoomiye Ku -xigeenka Jaamacadda Bariga Afrika Farceeda Bosaso. Madax Imtaxaanada ee Jaamacadda Bariga Afrika fareceeda Bosaso Axmed Faarax Garaase ayaa ugu hambalyey ardayda soo gaartey xiliga imtixaanka muda dheer oo ay ku soo jireen waxbarashada tacliinta waxaana uu Illaah u weydiiyey in uu ufududeeyo imtixaanka ay maanta u fariisanayaan. Si kastaba ha ahaatee jamacada Bariga Afrika waa Jaamacadii ugu horeysay ee Laga dhiso deegaanada Puntland waana jaamacada ugu qaybaha badan waxaana ka mid ah meelaha ay qaybaha ku leedahay Bosaso oo xaruntii ah ,Garowe , Galkacayo, Buuhoodle, Qardho,Galdogob iyo Ceeri- gaabo. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Ardayda jaamacadda Bariga Afrika oo fadhiistay imtixaanka simistarka 1-aad appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ayaa gudaha u galay goor-dhaweyd guriga uu ka deggen yahay Muqdisho Senetor Cabdi Xasan Cawaale [Qeybdiid], isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ciidankan ayaa xiray wadooyinka soo gala Guriga Cabdi Qeybdiid oo ku agagaarka isgoyska Banaadir ee Muqdisho, Waxaana la sheegay inay ka wadaan baaritaan aan la ogeyn wuxuu salka ku hayo. Sidoo kale, Ma jirto wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidankii ilaalada ka ah Guriga Mudane Cabdi Qeybdiid lamana oga in uu ku sugan yahay hoygiisa Senator-ka. Ugu dambeyn, Hoyga Senator Aqalka Sare ka tirsan iyo xildhibaanka golaha shacabka ayaan la baari karin illaa laga qaado xasaanada sida uu dastuurka dalka dhigayo. Laakiinse lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid oo hore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida Wixii kasoo kordha wararka ku saabsan baaritaankan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntlandpost. PUNTLAND POST The post Ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Somalia oo gudaha u galay Guriga Sen. Cabdi Qayb-diid appeared first on Puntland Post.
  13. Golaha Afhayeenada Golayaasha Xeer-dejinta ayaa kulankoodii 4-aad ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed 26kii ilaa 29ka Diseembar 2017, waxaana ka soo qaybgalay: Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya: 1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, MudaneMaxamed Sheekh Cusmaan Jawaari 2. Guddoomiye ku-xiggeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalle Cawad Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Puntland: 1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi 2. Guddoomiye ku-xiggeenka 1aad Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Puntland Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan Ciise Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Jubaland: 1. Guddoomiye ku-Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dawladgoboleedka Jubaland Mudane Adan Khaliif Xaaji Yuusuf Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Galmudug: 1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Galmudug Mudane Cali Gacal Casyre 2. Guddoomiye ku – Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Maalin Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed: 1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdiqaadir Sharif Sheekhuna Maye 2. Guddoomiye ku- Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur GalbeedMudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin 3. Guddoomiye ku – Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur GalbeedMudane Aweys Xuseen Macalin Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Hirshabeele: Ugu dambeyntii waxaa laga soo saaray Warmurtiyeedkaan: 1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Hirshabeele Mudane Sheikh Cusman Bare Maxamed 1. Ujeedada kulanka 4aad wuxuu ahaa sii xoojinta iskaashiga, khibrad iswaydaarsiga, qorsheynta barnaamijyada tayo-kordhinta hay’adaha xeer-dejinta, qiimeynta mashruuca taakuleynta hay’adahaxeer-dejinta (Parliament Support Project) oo kulmiya dhamaan Golayaasha Xeer-dejinta dalka, u kuurgalidda baahiyaha Golayaasha iyo qorsheynta xal u helidooda, iyo dib-u-eegista heshiiska isafgaradka ee Golayaasha Xeer-dejinta. 2. Afhayeenadu waxay mahadnaq iyo boogaadin u jeediyeen Golaha Xeer-dejinta ee Dowlad – Goboleedka Koonfur-Galbeed soo dhoweynta diirran iyo martigalinta qiimaha badan muddada uu kulanku ka socday Xarunta KMG ah Koonfurgalbeed ee Baydhabo. Ka qeybgalayaasha kulanka 4aad ee Afhayeenada waxay fursad u heleen kormeeridda xarumaha hay’adaha Dowlad – Goboleedka Koonfur-Galbeed, waxaana farxad weyn noo ah horumarka muuqda ee muddada kooban ugu hirgalay Dowlad – Goboleedka iyo shacabka Koonfur-Galbeed. 3. Kulankan 4aad waxaa diiradda lagu saaray baahida guud iyo baahiyaha gaar ahaaneed ee Golayaasha Xeer-dejinta, waxaana lagu diyaariyey nuqul-qoraal soo koobaya baahidda Gole walba leeyahay iyada oo la isla gartay in si wadajir ah xal loogu raadiyo caqabadahaas, hortabinna la siinayo hadba sida loo kala baahi badan yahay, gaar ahaan Golayaasha dhowaan dhismay sida Hirshabelle iyo Galmudug. 4. Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in kulan wadajir ah lala yeesho hay’adaha deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha sida tooska ah ula shaqeeya Golayaasha Xeer-dejinta horraanta sanadka 2018. 5. Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in dib-u-eegis iyo toosin lagu sameeyo mashruuca tayo-dhisidda Golayaasha (Parliament Support Project) si loo waafajiyo baahiyaha hortabinta u leh Golayaasha Xeer-dejinta. 6. Waxaa lagu heshiiyey in lagu dhiirigaliyo, garabna lagu siiyo hay’adaha fulinta heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed dardargalinta iyo dhamaystirka arrimaha ka dhiman federaaleynta dalka. 7. Waxaa kulankan lagu guddoonsaday xoojinta xiriirka guddiyada Golayaasha ee isku shaqada ah, sare u qaadidda tababarada wadajirka ah ee xubnaha iyo shaqaalaha Golayaasha, aqoon-isweydaarsiga iyo xog-isweydaarsi ku dhisan in Gole walba garab ku siiyo Golaha uu ka hor dhismay ama ka khibrad iyo tayo roon yahay. 8. Waxaa la isku afgartay in la dhiirigaliyo addeegsiga tiknoolojiyada casriga ah ee isgaarsiinta (Video Conferencing Technology) si xiriirka, aqoon-isweydaarsiga iyo xog-isweydaarsigu u noqdo joogto. 9. Waxaa la isla qaatay in Gole walba wadatashi isugu noqdo si looga fiirsado adeegsiga kalmadda ‘SHARCI-DEJINTA’ iyada oo kulankan lagu soo Jeediyey inay ku habboon tahay lana dhiirigaliyo adeegsiga kalmadda ‘XEER-DEJINTA’. 10. Si waafaqsan qodobka 6aad ee Heshiiska Isafgaradka Golaha Afhayeenada, kulanka 5aad wuxuu ka dhici doonaa Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho Abriil 2018. Source
  14. Muqdisho (Caasimadda – Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ay Imaaraadka Carabta ayaa weeraray guriga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay Sanateer Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Sida aan xogta ku helnay Ciidamadaan ayaa kamid ah kuwa ka amar qaato dowladda Imaaraadka Carabta, waxayna Saraakiisha ka tirsan Dowladda noo xaqiijiyeen inaysan wax amar ah ka heysan dowladda dhexe. Illo wareedyo ka tirsan dowladda ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey in la aqoonsaday Taliyihii hoggaaminayey weerarkaas isla markaasna waxaa la sheegay in la amray in lasoo xiro. Ciidamada weeraray Guriga ayaa ka qaatay laba qori oo kuwa fudud ah, sidoo kalana waxaa Caasimadda Online loo xaqiijiyey in gaari la marsiiyey oday waardiye ka ahaa guriga. Odayagaas oo aysan noo suurtagelin inaan helno magaciisa ayaa la xaqiijiyey inuu dhabarka ka jabay markii la dul marsiiyey mid kamid ah gawaarida ay wateen Ciidamadaas. Sidoo kale ciidamadaan ayaa guriga ka qaatay Moobeel, lamana ogo waxyaabaha keenay inay qaataan. Saraakiil ka tirsan Ciidamada NISA ayaa dabagal ku ah Ciidamadaas, waxayna Imaaraadka Carabta sheegeyn inay ku daba joogeen Taleefano xog lagu kala gudbinayey. Ma jirto wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidamada ilaalada ka ah guriga Senatar Cabdi Qeybdiid lamana oga in uu ku sugan yahay hoygiisa senatar. Baaritaanka hoyga Cabdiqeybdiid oo ah Mudane xasaanad leh ayaan la baari karin illaa xasaanada laga qaado. Hase yeeshee lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid ooh ore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidamada weeraray Guriga Cabdi Qeybdiid oo la ogaaday,Taliyihii watay oo lasoo xirayo iyo Khasaaro ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
  15. To mark another rewarding year for the Dahabshiil Money Transfer wing of the Dahabshiil Group of companies, DMT management held an end-of-the-year appreciative dinner to commend staff, agents and loyal customers at Damal Hotel, Hargeisa. It was an evening not blemished by a long string of repetitive speeches as happens on similar occasions. It was an occasion characterized by warmth of environment and the banter of colleagues relaxing from a long day towards the very end of another year that the staff has surpassed itself in multi-pronged, multi-functional initiatives that successfully overcame stiff challenges.”This get together is simply our way to say to you ‘well done and thank you!’,” DMT Chief Executive Abdi Farah said. He told staff that DMT did not only reach its preset goals but that it, also, soared higher than all expectations. “You have once again, proven your mettle, your dedication, and a positive, comfortable blend into your working environment which translated into the success we, in part, celebrating tonight,” he said. HR Chief Ahmed FarahGroup Human Resources Chief, Ahmed Farah, briefly speaking at the occasion introduced a new performance appraisal program that would go into effect in 2018. “This time next year, we will be celebrating in a different mood in a different mode as we will be applauding the year’s top performers in a bigger, more ostentatious way,” he said. “looking at our achievement from a human resources angle, we have more than attained goals we have set for ourselves for 2017 which is a cause for pride and celebration,” he added. Deputy DMT CEO, Ahmed Warsame Duale, and Chief Financial Officer, Farah Ismail Ali, both warmly congratulated staff and management for another flawless year that saw the company capture new markets, spread geographically further afield in the world, service greater number of customers and consolidate its impeccable, compliant reputation more and more. DMT Executive Officer for the United Kingdom, Ibrahim M Yussuf and Abdulkadir Hussein Saed, Corporate Clients Manager, also added their warm felicitations to the staff at the meeting. Towards the end of the evening event, a raffle was drawn and members of the staff were awarded presents commensurate with the nature of the occasion.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) _ Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo xarigiisa ay ka dhex dhalatay labada beelood ee H/Gidir iyo Abgaal. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ay khadka telefoonka ugu hanjabeen culimo ka tirsan Beesha Abgaal oo taageersan dowladda Soomaaliya. Xogta ay heysay Caasimadda ayaa sheegeysa in C/raxmaan C/shakuur iyo Axmed Macalin Fiqi ay telefoonka ugu hanjabeen qaar ka mida culimada kasoo jeeda Beesha Abgaal iyagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen, kana dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur, maadama ay dowladda Soomaaliya u fatwoodeen inay tallaabo ka qaado mucaaradka. Xaaladan ayaa keentay in odayaasha Beesha Abgaal ay dhiggooda H/Gidir ka dalbadaan inay arrintaas xaal ka bixiyaan, iyadoo waanwaan arrintaasi ku saabsan ay socoto, waxaanba la ogyahay in dhowaan C/raxmaan C/shakuur uu ku eedeyay culimada taageersan dowladda Soomaaliya inay la mid yihiin Alshabaab. Odayaasha labadan beelood ayaa iska kaashaday culeys madaxda dowladda Soomaaliya lagu saaray in la sii daayo siyaasiga, waxaana hadda halis ku jira isbaheysigii labada beelood ee ka dhashayu hiilinta C/raxmaan C/shakuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post XOG: C/raxmmaan C/shakuur iyo Xildhibaan Fiqi oo xiisad ka dhex dhaliyey Beelaha H/Gidir iyo Abgaal appeared first on Caasimada Online.
  17. Djibouti Ambassador Aden H. Abdillahi welcomed Turkey’s increased attention on Africa and its recent initiatives. Djibouti’s ambassador to Ankara stressed the importance of strengthening military ties between the two countries and said the country is open to welcome a Turkish military base in its territories, which already hosts the U.S., Franch, Chinese and Japanese bases Djibouti is open to any kind of approach from Turkey such as building a military base to secure the Red Sea, Djiboutian ambassador to Ankara Aden H. Abdillahi has said, pointing to possible steps that could be taken to strengthen military ties between the two countries. Citing the Red Sea as the second-busiest sea way in the world, Abdillahi said: “This international sea way must be secured and the international community needs to ensure that this area is safe from all kinds of threats.” In line with efforts to enhance the security of the region, the ambassador said that “possible steps from Turkey to build a military base in the country would be welcomed.” Djibouti has become home to key military bases due to its strategic location on the Horn of Africa. The small country on the Red Sea hosts the largest permanent U.S. military base in Africa as well as military bases of France and China and Japan’s only foreign base. The country lies on the Bab el-Mandeb Strait, which is one of the busiest shipping routes. Djiboutian Ambassador Aden H. Abdillahi with Daily Sabah’s Özgenur Sevinç (R). Commenting on the recent graduation of Somali troops from the Turkish military base, the ambassador said that as a neighbor of the country, “Djibouti feels gratitude for Turkey for providing help to the government of Somalia.” He added that Somalia should be supported in its fight against threats of terrorism that affect the daily lives of the people, pointing to the recent terrorist attack in the Somali capital of Mogadishu. He said the bilateral ties between the two countries have enhanced since the opening of a diplomatic mission in Djibouti in 2012, and that friendly relations between Turkey and Djibouti go back to the 16th century. Abdillahi also welcomed Turkey’s increased attention on Africa and its recent initiatives. “Turkey already started opening up to Africa in 2005, and in 2008, we had a Turkey-Africa summit. I think this new approach will boost ties further.” Touching on the visit of Djiboutian President Ismaïl Omar Guelleh to Turkey, Abdillahi said: “Omer Guelleh’s visit to Turkey will completely change the relationship between the two countries.” He said that the visit will pave the way for further cooperation in various fields, including education, health and economy. The two countries signed many agreements while he was in Turkey. In relation to the economic relations between the countries, the ambassador said that Turkey and Djibouti agreed on establishing a Turkish special economic zone that will enable Turkish business to establish industries. “The business community can reach out to the region having a special economic zone with many facilities that will also allow Turkish business to target the whole region,” he said. He added that the port facilities in Djibouti rank among the best in Africa and that the economic zone provided to Turkey is close to the port. Pointing out that Djibouti is the entry point of the region, he said many investments have been made in the port facilities, railways and highways to connect the whole region. “In East Africa, the potential that we have is huge, and Turkey has great potential, as well. Building a strong partnership will benefit both sides. Today, this area is booming,” he said. In relation to the U.S’s decision to recognize Jerusalem as the capital of Israel and relocate its embassy from Tel Aviv to Jerusalem, Abdillahi said: “We need to thank Turkey for its leadership for emphasizing that the decision cannot be accepted.” Turkey condemned the decision from U.S. President Donald Trump, and Erdoğan urged world leaders to oppose the decision in an Organisation of Islamic Cooperation (OIC) summit in Istanbul. The OIC announced that it recognizes east Jerusalem as the capital of Palestine. The U.S. decision was rejected in the United Nations General Assembly, which has isolated the country. “We need to express our solidarity with the people of Palestine who have been suffering, and accept the two-state solution,” Abdillahi said. He added that the decision to reject the U.S.’s steps was a wakeup call and Turkey’s decision to open an embassy in east Jerusalem would be a game changer. Daily Sabah
  18. HARGEISA– Somaliland, Somalia are at loggerheads and the bone of contention is all about the airspace row. It was a couple of days ago when Somalia’s Federal Government took over the airspace control from ICAO, International Civil Aviation Organization. ICAO took the duty to control Somalia’s airspace after the collapse of its central government in the 1990’s. It has administered the airspace for 27 years and Somalia is expected to garner 50 million dollars annually. Somaliland foreign affairs minister, Dr. Sa’ad Ali Shire said that having both sides agreed to jointly administer the airspace that SL won’t accept it. Somaliland, Somalia held negotiations in Istanbul where they agreed to create joint commission to oversee administration and build control tower centers in the capitals of Hargeisa and Mogadishu. Mr. Sa’ad has argued that Somalia is not in control of Somalia airspace and therefore has no legal right to claim it controls its airspace. Somaliland authority declared to take a hard stance on Somalia’s assumption of controlling airspace from Mogadishu days after International Civil Aviation Organization (ICAO) handed over the airspace control to Mogadishu installed administration. According to an interview with country’s foreign minister, Dr. Sa’ad Ali Shire told Geeska Afrika, a local Somali paper published in Hargeisa that Somaliland has submitted a formal gripe to the international community over airspace control row with Somalia. The FM has reiterated that Somaliland is responsible overseeing its airspace, territorial waters, and sovereignty. Dr. Sa’ad Said that Somalia and Somaliland held talks over airspace on numerous occasions and both sides agreed to form a joint committee tasked to administer airspace where control towers erected in Hargeisa and Mogadishu should control. The minister has insisted on his stance that the taking over of airspace by Somalia is unacceptable and having an agreement was in place to jointly administer the airspace why Somalia hastily took over while is in total breach of Istanbul accords. The FM has reiterated that Somaliland has the capacity to administer its airspace where it is in total control of directing air traffic in her own airspace. Dr. Sa’ad, SL’s FM has said that Somalilad does not want to create confusion within the airspace
  19. Ciidamo ka tirsan kuwa NISA ayaa gudaha u galay Guriga Sanater Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho. Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa NISA ayaa mar qura laga war helay iyagoo xiray agagarka Guriga Sanateerka. Ciidamadaan ayaa guud ahaan la wareegay guriga, waxaana hadda halkaas ka socdo baaritaan xoog leh oo ay ciidamada wadaan. Weli Faahfaahin rasmi ah lagama helin qaabka uu u dhacay weerarkaan iyo haddii uu ka dhashay war khasaaro ah. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah. The post De deg: Guriga Cabdiqeybdiid oo lala wareegay iyo Ciidamo hubeysan oo gudaha… appeared first on Caasimada Online.
  20. C/raxmaan Ducaale Bayle, wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay heshiis lacag oo gaaraya $2.7m oo doolarka Maraykanka ah, waxaana loogu talogalay in wax looga qabto abaaraha iyo sidoo kale biyo la’aanta ka jirta gobollada dalka. Heshiiskan ayuu wasiir Bayle la saxiixday hay’adda NRC oo kaashaneysa Bankiga adduunka, iyadoo ay ka faa’ideysan doonaan mashaariicda lagu qaban doono lacagtan shacab badan oo u baahan gurmad. Saxiixa Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxa Hey’adda NRC ayaa ku saleyysan Nidaamkii balanqaadka horey u dhexmaray Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya iyo hey,adda lacagata Aduunka IMF-ta, waxa uuna la xariiray howlaha Maaliyadeed ee ay Wasaraddu ku guuleeysatay. Wasiir Bayle oo faah faahin ka bixiyey meelaha mudan in wax looga qabto ayuu sheegay iney yihiin deegaannada maamul goboleedyada dalka ka jira maadaama ay biyo la’aan ka jiro meello badan oo deegaannadaasi ah. Madaxa hey,adda N.R.C Barnabaa Asarg ayaa uga mahadceliyay Wasaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya, nidaamka wada shaqeyneed ee dhexmaray labada dhinac. Source
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Caddeymo cusub ayaa u gacan galay Xeer ilaalinta Qaranka, kuwaasoo ku saabsan kiiska loo heysto siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ay ku wehliyaan laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka. Xogta ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeys in xeer ilaalinta oo ku jirta ururinta caddeymaha kiiska Qarandumiska ee ay ku soo eedeysay C/raxmmaan C/shakuur iyo xildhibannada ay saaxiibada yihiin ee kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo C/saabir Nuur Shuuriye ay heshay caddeymo kale oo la xiriirta diyaarinta mooshin lagu rido hoggaanka dowladda Soomaaliya, abuuris khalkhal siyaasadeed iyo u adeegid dano shisheeye. Caddeymihii hore ay soo bandhigtay Caasimadda Online waxay kala ahaayeen: 1 – Codad muujinaya abaabulka ridista dowladda oo ku saabsan dhaqaale la bixinayo iyo kharash dibadda looga helay in lagu laaluusho xildhibaannada. 2- Marqaati iyo caddeyn xildhibaanno lacag lagu siiyay inay saxiixaan mooshin lagu ridayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. 3- Qoraallo iyo dokuments la xiriira mooshin oo ku taxan yihiin liiska xildhibaanno lacag la siiyay. 4- Wadahadal codad ku saabsan tirada lacagta la siinayo xildhibaannada oo dhex maraya laba xildhibaan oo xeer ilaalinta soo eedeysay iyo C/raxmmaan C/shakuur. Caddeymaha cusub waxaa ka mida: 5- Xisaab Bankiyeed loo adeegsaday lacagta la siiyay xildhibaannada 6- Bayaan Dhaqaale (Bank Statement) caddeynaya lacago xisaabxir dhinac dibadeed 7- Liis bixinta lacago loo adeegsaday Mooshin iyo kicin siyaasadeed Arrimahan oo dhan waxay qeyb ka yihiin baaritaanka culus ee socda, kuna saabsan kiiska siyaasiyiin iyo xildhibaanno ku midoobay olole siyaasadeed oo farta lagu fiiqay inay ka dambeyso dowladda Imaaraadka, kaasoo Muqdisho ka socday dhowr bilood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog Culus: Caddeymo cusub oo loo helay Kiiska C/raxman C/shakuur & Xildhibaannada la eedeeyay appeared first on Caasimada Online.
  22. Gaalkacyo (Puntlandi) Heshiis horudhac ah ayaa la dhex dhigay labadii beelood ee walaalaha ah ee dhowaan ku dagaalamay degaanada Gumburka iyo Qurilay ee koonfurta gobolka Sool. Waxaa lagu heshiiyey sideed qodob oo labada beelood mid kasta uu raali ku yahay, sida uu Puntladi kasoo xigtay xubno katirsan guddiga nabadaynta colaada howdka ka dhacday, oo aan qadka taleefoonka kula hadalnay. Guddigaan nabadaynta ayaa maalmahaan ku mashquulsanaa sidii ay u qaboojin lahaayeen colaada iyagoo tagay goobihii lagu dagaalamay lana kulmay dableydii dirirtu dhexmartay. Akhriso qodobada lagasoo saaray. 1. Xabad joojin 2. Ciidamadoo lakala qaado 3. Shir mudo bil ah gudeheed laysugu yimaado gogoshana ay dhigto beesha xaga Burtinle soo xigta 4. In qofkii wax dila lasoo qabto oo beesha wax laga dilay lagu soo wareejiyo hadii dambiiluhu fakadana beeshiisa 20 oday laga soo xiro sidoo kale 200 oo geel ah laga soo qaado 5. In amaanka deegaankaas Itoobiya sugto iyo qodobo kale. Heshiiska waxaa saxiixay min 21 xubnood oo odayaasha labada dhinac ah. Puntlandi.com
  23. Garowe (Puntlandi) Kulan looga arrinsanayey waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayna soo qaban qaabiyeen dhallinyaro Isxilqaameyaal ah ayaa xalay lagu qabtey Hotel New Ray ee Garoowe. Ujeeddada kulanka oo ahayd Mahad celin, dhiirrigelin iyo u qareemidda waddada ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixin dheeraad ah oo ah ay soo jeediyey xubno ka mid ah guddiga dhismaha waddada iygoona sheegay in ay waddadu magaalada Badhan usii jirto 15km isla markaana bisha March ee soo socota la bilaabi doono in laamigii la saaro iyadoo inta muddadaas ka horraysana uu qalabkii Daamurka soo degi doono. Dhallinyaradii kulanka isugu timid waxay si guud ugu mahad celiyeem guud ahaan shacabka reer Puntland ee habeen iyo dharaar garab taagan waddada oo ka qayb qaadanaya dhaqaalaha waddada lagu dhisayo. Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo isagu laf dhabar u ahaa suurtagalnimada mashruucan iyo hirgelintiisaba ayaa si gaar ah bogaadin iyo mahadnaq loogu diray. Howlwadeenada waddada oo isugu jira guddiga iyo shaqaalahaba iyagana sidoo kale waxa laga xusay goobta doorkooda lama illaawaanka ah iyo dedaalka dheeraadka ah ee ku bixiyaan waddada oo aha mid lama illaawaan ah. Sidoo kale wax iyagana bogaadin loo diray dadkii kale ee ka qayb qaatay ee ay ka mid ahaayeen dadka deeganaada Cowsane, Midigale, Rad iyo Laako iyo Hadaftimo oo habeen iyo dharaarba hawl-wadeenada garab taagnaa. Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ahaa shaqsigii ugu horreeyey ee dhaqaale jeebkiisa ah ku bixiyey waddada isagana mahadnaq iyo duco ayaa hawada loo mariyey iyo sidoo kale Ururka haweenka Al Nasar oo iyagana dhaqaale fiican ku bixiyey waddada. Gunaanad Ugu dambayn, waxa laysla qaatay in waddada lays garab taago, guddiga u idman shaqadana taageero mugle iyo abaabul dhanka bulshada ah lagu taageero isla markaana xoogga la saaro wacyigelinta Bulshada dal iyo dibadba. Puntlandi.com
  24. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa shaqada ka eryey Maxamed Nuur Shariifka oo dhibaato badan usoo maray shaqada uu u hayo shacabka iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo uu ka badbaaday weerar ay Kooxda Al-Shabaab ku doonayeen inay ku dilaan. Eng. Yariisow oo awoodda dowladeed u adeegsanayo dano kale ayaa wariyahaan shaqada ka joojiyey kadib markii ay kusoo dacweeyeen IST oo sida uu sheegay Wariye shariifka. Haddaba Wariye Maxamed Nuur Shariifka ayaa soo qoray warbixin dheer oo ka sheekeeneyso qaabkii uu Yariisow shaqada uga ceyriyey iyo waxyaabaha lagu heysto, waxaadna ka akhrisan kartaa halkaan hoose: Dhamaan asxaabta waan idin salaamay, waxaan wadaa farriin aan muddo la aamusnaa oo ku socota madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal wasaare Kheyre, Guddoomiyayaasha labada aqal Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaanada iyo Senatarada sharciga ilaaliya iyo hay’adaha ilaaliya xuquuqul insaanka. Muddo bill ah waxaa si sharci darro ah leyga joojiyay shaqadii aan ka hayay Warbaahinta Qaranka waxaa dhacday maalin maalmaha ka mida in Wasaarada Qarfaafinta gudaheeda lagu daadiyay laba warqad oo lagu dhaliilayay Agaasimaha YV-ga iyo Madaxa Barnaamijyada TV-ga waxaana jiray is-maandhaaf u dhaxeeyay qaar ka mid ah madaxda qeybaha Radio Muqdisho iyo TV-ga dowlada. Nuxnux ayaa socotay iyo dacwado agaasimayaasha loo gudbinayay subax aniga oo kasoo baxay xafiiska ay subax walba shaqaalaha ku shiraan ayaan arkay warqadahaas dhulka kama qaadin. Wiil ayaa i dhahay maxaad fiirineysaa..? “Warqadahaan ayaan hadda arkay.. yan ugu jwaaaay. Markaan shirka galayay halkan warqad ma oolin meesha. Gabadh goobta socotay ayaa iyana maxaa waaye dhahday, wayna aragtay waana ka kala dhaqaaqnay. Habeenkii ayaan arkay C/Naasir Sabriye madaxa barnaamijyada oo taliyaha booliska raadinaya. Ma arkin ayaan dhahay, olole ayuu bilaabay oo uu aniga rabo inuu dusha iga saaro. Subaxii danbe shaqadeydii aayaan aaday, basle duhurkii ayaa waxaa waxaa la iiga yeeray xafiis ay fadhiyaan agaasimayaal arinta warqadaha baaraya. Shaqaalaha qaar ayaa mid mid loo wareystay anigana waan ka mid ahaa. Waxaa la i weydiiyeay: Shariif warqadahan waan ognahay shaqo kuma lihid ee waxaad sheegtaa cidda dhigtay. Waxaan dhahay: Aniga ma arkin cid dhigtay ma aqaan, dadna ma nabi karo. Kadib Wasiir C/raxmmaan Yariisoow ayaa loo gydbiyey xog ururintii waxa uu amar ku bixiyey in aniga oo ah Maxamed Shariif in ruqsad shaqo la ii qoro. Markiiba waa la qoray, iyadoo waxba la iska weydiin xuquuqdeyda. Waxaan jiifan jiray wasaaradda muddo laba sano ah, markii xaaladaas ay dhacdayna waxaa arrinteydana wogaaday xildhibaanno ay ka mid yihiin Maxamed Cumar Dalxa, Maama Canab Xaaji Cilmi, Saeatar Muna cumar Xasan iyo weliba Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi, maadaama aa ahaa weriyaha Aqalka sare ee Warbaahinta Qaranka, waxaa kaloo arrinta ku soo abxay odayaal dhaqameed iyo saxaafiyiin dhamaantoodna waxay la hadleen Wasiir Yariisoow si uu xaaladda wax uga bedelo, balse intaas oo dhan waa ku gacan seyray, wuxuuna dembi aan lahayn u cuskaday inuu shaqadii qaranka aan u hayay iga ceyriyo si sharci darro ah. Marki aan xaaladeyda dib ugu laabto waxaa jirtay in 2012 kii ay i dhaawaceen Alshabaab anigoo xirfadayda saxaafadnimo wata oo dowladeyda kor u qaadaya, tasoo ahayd sababta kaliya oo ay igu beegsadeen. Xabbadii ugu horaysay markii ay igu dhufteen iyagoo laba ahaa ayaan mid bastooladii laqabsaday kii kalana amarka alle dartiis cilad ayaa ka gashay bistlooadii; anigana waan ka cararray oo alle iga badbaadiyey. Labada qaliin oo caloosha ah ayaan ku galay Muqdisho iyo Nairobi. Waxaan xaqeyga waydiistay qolo aan la shaqaynayay oo la yiraahdo IST, anigoo markii ay i meermeeriyeen ku wargeliyey haddii ay xaqeyga i siin waayaan inan maxkamad la tegayo. Aniga iyo Wasiir Yariisow waxaan ka wada shaqeyn jirtay Idaacadda Bar-kulan ee UK-ka hoostegi jirtay, waxaan hay’adda IST ee maamusha ka dalbaday inay xaqeyga i siiyaan in muddo ahna ay i meermeeriyeen, kadibn waxaan maqlay in Waseir Yariisoow ay u soo dacwoodeen si aniga la ii aamusiyo, arrintaanna ay qeyb ka tahay go’aankii uu shaqada iiga eryay. Dhinaca kale waxaa arrinteyda ku soo abxay xildhibaano iyo Senataro sharaf leh oo wasaaradda u tegay inay ogaadaan xaqiiqada kiiska shirqoolka ah ee la shaqada la iiga eryay. Waxay wareysteen shaqaalaha Warbaahinta Qaranka, waxayna ogaadeen in xaqdarro la igu heysto iyo jiritanka cod laga duubay madaxa barnaamijyada TV-ga oo howsha aabe u ahaa oo telefoon qof aan la garan kula hadlaya, isagoo leh: “Walaal waxaan kaa codsanayaa inaad Shariif ku marqaati kacdid inuu ka danbeeyay falka.. iyo qofkii oo leh Aniga dulmi ma sameyn karo..” Madaxda farriinteyda ku socota waxaan leeyahay: 1- Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, mar haddii aad ahayd madaxweynihii shacabka, dowladaaduna ahayd tii shacabka ku farxeen.. sidee raali uga noqon kartaan dulmiga intaas la eg oo la igula kacay iyadoo lagu takri falayo awood wasiirnimo.? 2- Rii’sal Wasaare Xasan Cali Kheyre, adigoo had iyo jeer ku celceliya in shaqaale kasta oo dowladda u shaqeeya xuquuqdiisa helayo, xukuumadaaduna tahay middii soo celisay rajadii shaqaalaha, ma ogolaaneysaa in wasiir aad magacawday uu ku tunto shaqaale muwaadin ah, isla markaana si gardarro ah shaqada iiga eryo. Waxaan ka xumahay inaysan jirin meel fariimaheyga aan madaxda sare u marsiin karo, waxaase xusid mudan in la-taliyeyaasha madaxweynaha iyo agaasimaha warfaafinta madaxtooyada ay la socdaan arrintayda; balse aysan ii dhaqaaqin.!! Aniga Shariif ahaan wax mushaar ah ma qaato, caruur ayaan leeyahay, guri ijaar iyo biil ayaa leyga rabaa… Caruur ayaa wax ii barta. Waxaan idin weydiinayaa inta mas’uuliyadda heysa ee ay ugu horreeyeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha: Haddii aad awoodi karin inuu cadaalad helo muwaadin shaqaale dowladeed ah oo xafiisyadiina xarun dhopwr tallaabo u jirta lagu dulmiyey sidee cadaalad ugu heli kartaan umadda Soomaaliyeed…?!! Mudane Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare waxaad sheegteen inaad neceb tihiin musuqmaasuqa iyo cadaaladda darradda, laakiin ma ogtihiin in Wasiir Yariisow isagoo adeegsanaya awoodii dowladnimo ee aad idunku siiseen uu banaanka iiga saaray shaqadeydii, iina diidey wasaaradii uu shabaabku ii dhaawacay inaan ka shaqeeeyo darteed. Xaafadeyda ma tago, xaalad amni darteed, waxaanan ku suganahay inaan habeenba meel seexdo, waxaana intaas oo dhan ay iigu dhaceysaa inaan u eedeysanahay shaqada aan dowladeyda u hayay. Ujeedada Wasiir Yariisow waa inuu caddowga ii loogo, laakiin tan Rabi ayaa shaqeyneysa. Waxaan la soo shaqeeyay wasiiradii hore ee soo maray Wasaaradda Warfaafinta sida Mustaf Dhuxuloow oo aan uga mahadcelinayo inuu tababar ii diray markii uu arkay dadaalkeyga iyo Wasiir Maareeye oo gacan weyn igu siiyey shaqadeyda, aad ayay u mahadsan yihiin labadaas wasiir oo ahaa kuwo saxaafada dowlada iyo kuwa madaxa banaan la shaqeeya. Wasiirka hadda xilka haya ee C/raxmmaan Yariisoow ka sokow cadaalad darrada uu igula kacay iyo sida sharci darrada ah ee uu shaqada iiga saaray, wuxuu dadaal ugu jiraa n Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo aan la shaqeyb jiray uu ku qorto qof uu isagu wato. Waxaan jawaab ka sugayaa madaxweynaha, Ra,isal wasaarha, iyo mas’uuliyiinta dalka ee xilku dhibayo, kana horjeeda in Muwadin Soomaaliyeed xaqiisa lagu tunto loona adeegsado awood dowladeed isagoo waajibaadkiisa gudanaaya. WAXAA NA DEEQDA DOWLADNIMO & CADAADLAD.. DULMIGU MA RAAGI DOONO. W/Q: Maxamed Nuur Shariifka The post Weriye Caan ah oo Wasiir Yariisow shaqada ka eryay. [Akhiso Qoraal qiiro leh oo uu Madaxda sare u qortay] appeared first on Caasimada Online.
  25. Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlay munaasabad lagu dooranayo Gudoomiyaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliland ee Solja ayaa ka hadlay Arimo la xariira Tilaabooyin ay qaaday dowlada Soomaaliya . Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay in Dowlada Soomaaliya ay maamulka hawadeeda dib u soo cishatay isaga oo ka soo horjeeystay arintaasi. Waxaana uu ku hanjabay in Soomaliland ay soo ridi doonto Diyaaradii Amarkeeda qaadan weeyso “Hawadeenna cidina ma qaadi karto, diyaaradahana tii amarkeenna qaadan wayda waan soo ridaynaa” Dhanka kale Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu weeraray dad isaga ka qeeyb qaatay doorashadiisii islamarkaasina uu dad ka dilay sida uu hadalka u dhigay. “Farmaajo emotional ayaa lagu doortay sidii Maxamed Siyaad Barre, raggii dhisay ayuu kaga bilaabay oo wuxuu markiiba weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu lix ka dilay reerkooda” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe dowlada Soomaaliya ayaa 27-sano kadib dib u la soo wareegatay maamulka hawada Soomaaliya iyada oo uu saameeyneeyso tilaabadaan Maamulka Soomaaliland. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Faysal”diyaaradtii amarkeenna qaadan wayda waan soo ridaynaa” appeared first on Puntland Post.