-
Content Count
215,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In kasta oo hadda ay fasax ku jiraan Xildhibaannada baarlamaanka, hadana dhammaadkii kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka 10aad, waxaa golaha shacabka la horkeenay Xeer-hoosaadka oo wax badan laga soo badalay. Hadaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa qodobada ugu muhiimsan Xeer-hoosaadka golaha shacabka. Qodobada Xeerhoosaadka: 1. Xildhibaannada waa in ay soo xaadiraan fadhiga golaha shacabka, la diiwaan-geliyo 09:00 AM..haddii la gaaro 11.00AM waxaa la joojinayaa diiwaan-gelinta, soo daahidda 5 maalmood waxaa aya la mid tahay maqnaashiyo hal maalin. 2. Guntanka ama Quarum: Kulan kasta oo golaha shacabka wuxuu ku furmayaa(50%+1) tirada guud ee xubnaha. 3. Golaha shacabka sanadkii waxaa uu yeelan karaa labo kalfadhi oo caadi ah, kalfadhi kasta waxaa uu soconayaa ugu yaraan 4 bil, golaha waxaa uu kale uu qaban karaa kalfadhiyo aan caadi aheyn, fasaxana waa labo bil. 4. Iyaga oo guddiga joogtada ah qeybiyeen ajendaha 12 saac ka hor fadhiga loo dhanyahay ayaa hadana waxaa dhici karta in 10 Xildhibaan codsan karaan in wax cusub lagu daro ama wax laga badalo, waxaa markaasi guddoonka la gudboon in uu ku soo daro ajendaha isla fadhigaas haddii ay u codeeyaan(50%+1) ee tirada fadhida. 5. Cob-bixinta golaha shacabka waa gacan taag ama cod qarsoodi ah, guddoomiyaha ayaa sharaxaya hab-raaca, haddii ay timaado duruufo gaar ah waxaa ay xildhibaannada soo jeedin karaan codka gacan taagga ah in loo bedelo qarsoodi, 20 Xildhibaan ayaa sidaasi soo jeedin karta. Haddii codeyn mooshin la keenay ay barbar dhac noqoto, mooshinkaas ma meel-marayo haddii codbixinta ay gacan taag tahay, guddoomiyaha ayaa codeynaya si uu u kala saaro labada dhinac. 6. Xildhibaanka ma hadli karo fasax la’aan, waa in uu istaag ku hadlaa, haddii Xildhibaan qas keeno, waxaa lagu amrayaa in uu fadhiga ka baxo, haddii uu sii wado waxaa la ganaaxayaa in 3 maalin ka maqnaado fadhiga golaha. 7. Dhaxgal Toosineed(Point of oder): Xubin kasta waxaa ay codsan kartaa dhaxgal toosineed, xubinta fursadda la siiyo waxaa ay si toos ah uga hadleysaa qodobka iyadoo soo koobeysa, kamana hadli karto wax ka baxsan qodobka uu u istaagay. 8. Ka doodista Mooshinnada: golaha shacabka waxaa uu ka doodayaa hindise sharciyeedyada iyo soo jeedinada qaraarada. Soo jeedinta hab-raaca waxaa ka mid ah: fadhiga oo dib loo dhigo, dood dib loo dhigo, dhaxgal toosineed, xaqiijin guntan, midda nuxurka waxaa ka mid ah: hindise sharciyeed, wax ka badalkiisa, wax ka badal xeer-hoosaadka, eedeyn madaxweyne, kalsooni kala noqosho ra’isul wasaare iyo xil-ka qaadista guddoonka. 9. Xubnaha golaha shacabka waa in ay istaagaan marka ay soo galaan xubnahan: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Guddoomiyaha golaha shacabka ama sii hayaha xilka guddoomiyaha, madaxweyne shisheeye oo lagu marti-qaaday ama wakiilkiisa, guddoomiye baarlamaanka ee dal kale. 10. Curinta sharciyada: Curinta sharciyada waxaa ay u dhici kartaa 2 habraac: Hindise sharciyeed ay soo curisay xukuumadda ama mashruuc sharciyeed oo ay soo curiyeen baarlamaanka. Goobjoog News Source
-
Ururka Al-shabaab ayaa gubay laba xero Booliiska Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ijara ee gobolka Waqooyi bari,sida ay soo werisay Idaacadda CapitalFM. Idaacadda ayaa sidoo kale sheegtay in Alshabaab ay burburiyeen Qalabkii Isgaarsiinta ee degaankaasi,islamarkaana ay sii ka xaysteen gaari nooca land cruiser oo Booliisku ay lahaayeen. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska ayaa sheegay in aan wax khasaare nafeed ah ka dhalan weerarka oo dhacay 2 am ee subaxnimadii saaka. Dagaallamayaasha ayaa dhac u geystay dukaanno ku yaalla Ijara sida laga soo xigtay sarkaalka. Ciidamo xooggan ayaa loo diray halkaas si ay u baacsadan dagaalyahannada oo la rumaysanyahay in ay u carareen kaymaha Boni ee dhinaca Xadka Soomaaliya. The post Al-shabaab oo gubay xeryo ay leeyihiin Booliiska Kenya. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kasii yaraanaya is araga Xildhibaanada mucaaradka ee dhawaan laga mamnuucay inay ku kulmaan Hoteelada Muqdisho. Xildhibaanadan oo si joogta ah isugu uruursan jiray Hoteelada waaweyn, ayaa iminka u muuqda kuwo cabsi ka muujiyay howlgalkii dhawaan ka dhacay Hooyga C/raxmaan C/Shakuur oo la sheegay inuu halis ku ahaa Qaranka. Xildhibaanada ugu badan oo ku kulmi jiray Hoteelada Jazeera, Hayat iyo Makka al-Mukarama ayaan iminka iska xaadirin Hoteeladaasi, kadib markii ay heleen xogo muujinaaya in dowlada Federaalka ay ku howlan tahay fulinta weeraro kale oo lid ku ah Xildhibaano iyo Siyaasiyiin loo aqoonsaday inay wadaan howlo lid ku ah Qaranka. Xildhibaanada ugu badan ayaa degay guryo caadi ah, waxa ayna cabsi ka muujiyeen in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay si sahlan kala soo baxdo Hoteelada. Sidoo kale, dowlada Federaalka ayaa Hoteelada waaweyn ee magaalada Muqdisho ku daadisay Ciidamo dhar cad ah kuwaa oo dusha kala socda dhaqdhaqaaqyada Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo dhinacyada kale ee mucaaradka ku ah howlaha dowlada. Sababta ugu weyn ee fashilisay is araga Xildhibaanada ee Hoteelada Muqdisho, ayaa lagu sheegay inay tahay Dharcada ay dowlada Federaalka ku daadisay inta badan Hoteelada ay ku shiri jireen Mucaaradka. Dhinaca kale, waxaan la ogeyn talaabada xigta howlgalkii ka dhacay Hooyga C/raxmaan C/Shakuur, inkastoo ay jiraan warar hoose oo sheegaya in dowladu ay isha ku heyso mucaarad kale. Caasimada Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Is araga Xildhibaanada Mucaaradka oo kusii yaraanaya Hoteelada Muqdisho +Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
War ka soo baxay Dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in duqeeyn uu fuliyay Mareeykanka uu ku dilay Soomaaliya Muwaadiniin u dhashay wadanka Kenya oo katirsanaa Al-Shabaab. Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Diyaaraha Mareykanka ay duqeeyn ku dileen 2 Ruux oo Kenyaan Ahaa oo ku Sugnaa Gobolada Jubbooyinka ee Soomaaliya. Kenya ayaa sheegtay in labadaan nin ee la dilay lagu kala magacaabi jiray Maxamed Axmed Faarax iyo Abdulaahi Wilif oo ka tagay Degmada Wajeer ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya. Diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa duqeeyn waxa ay ka fuliyaan Koonfurta Wadanka Soomaaliya. Dowlada Mareykanka ayaa xoojisay Duqeeymaha dhanka cirka ah ay ka wado Soomaaliya waxaana Xusid The post Kenya” Diyaaradaha Mareeykanka ayaa Duqeeyn ku Dilay Kenyaati Al-Shabaab ahaa” appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee dowladii TNG-da Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan oo hadda ku sugan Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa ka hadlay Xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira. Cabdiqaasim Salaad oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa Sheegay in dowlada Soomaaliya ay gaartay guulo la taaban karo isaga oo ugu baaqay Shacabka iyo siyaasiinta in ay la shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya. “Faa’idada aan helnay laga soo bilaabo dowladihii KMG ahaa ayaa kamid ah in dalka uu aqoonsi buuxa uu heley burburkii kadib,in calankii Soomaaliyeed laga taagay xarunta Qm iyo guud ahaan wadamada Caalamka,haatana waxaan rajaynayaa in Dalka iyo Dadkuba ay degaan,wadankasta oo burbur uu soo maray muddo ayay qaadataa in dib uu u soo kabmo,balse waxaa loo baahan yahay in qabyaalada meel la iska dhigo,oo laga shaqeeyo qaranimada Soomaaliyeed dib u soo celinteeda,taasina rajo weyn ayaan ka qabnaa”, ayuu yiri Dr Cabdiqaasim. Dowlada Soomaaliya ayaa haatan wajaheeysa Caqabad ku aadan Mucaaradyo ka imaanaya Siyaasiin iyada ka soo Horjeeda Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cabdi-Qaasim.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim oo baaq u diray Siyaasiinta dowlada ka soo horjeedo appeared first on Puntland Post.
-
Shirkadda Clubit ayaa soo saartay telefoonka teleefoonka ugu yar dunida kaasi oo ilaa iyo hadda ay socoto sameyntiisa. Telefoonkaan oo lagu magacaabo “Zanco Tiny T1” ayaa dhirirkiisu waxaa uu gaarayaa 47 Mm, waxaa uuna ka yaryahay farta qofka bani’aadanka ah. Teleefoonkaan ayaa waxaa lagashan karaa jeeb kasta oo aad u yar,telefoonkaan yar ayaa waxaa loo qaabeeyay sida telefoonnada kale waxaa uuna leeyahay meelo lagu dirsato fariimaha . Meymoriga telefoonkaan ayaa waxaa uu awood u leeyahay inuu keydiyo 300 oo wicitaanno ah iyo 50 fariimo ah. Waxaa la kordhin karaa Meymorigiisa waxaana la gaarsiin karaa 32 Meyga Beyd. Batarigiisa oo aad u yar telefoonkaan waxaa uu awood u leeyahay inuu shaqeeyo saddex maalin isaga oo aan la dabeynin. Waxaa la sugayaa in Telefoonkaan uu soo galo suuqyada bisha May ee sanadka 2018 qiimihiisuna waa 40 doolar Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutaga Imaaraadka Carabta uu shirar gaara uga socdo Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Hogaamiyaha Koonfur Galbeed ee Somalia. Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ku shirsan magaalada Abu Dabai ayaa waxaa ka dhex muuqda mas’uuliyiin ay waayadan isku dhacsanaayen Madaxda ugu sareysa dalka. Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ayaa la xaqiijiyay inay u badan yihiin garabka Mucaaradka ku ah dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxaana lasoo sheegayaa in shirarkaasi ay marti galisay dowlada Imaaraadka oo dhawaan ku fashilantay qorsho ay usoo dhiibtay CC Shakuur iyo Cumar C/rashiid, Ra’isul wasaarihii hore ee Somali. Shirarka iyo is uruursiga ka socda magaalada Abu Dabai ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ahna Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka, sida ay baahisay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho. CCCSharmaarke ayaa kaalin weyn ka qaadanaaya is hortaaga dowlada Federaalka, waxaana dhawaan lagu eedeeyay in dowlada Imaaraadka uu kasoo qaado dhaqaalaha loo isticmaalo burburinta Qaranka. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyaa in ay maalgaliso qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada dowladda kasoo horjeedda. Sidoo kale, Mucaaradka dowladda ayaa xoogeystay ka dib markii dhawaan ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay weerar khasaare dhaliyay ay ku qaadeen Guriga Siyaasiga dowladda Mucaaradka ku ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Si dhaba uma cada miraha kasoo bixi doona shirarka dhinacyada Mucaaradka uga socda magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Isutaga imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Shariif Xasan, Xildhibaano iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo shir uga socda dalka Imaaraadka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Somalia Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa mar kale si kulul uga hadlay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Dowlada FS. Cabdiqaasim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka hore uu aad uga xun yahay in shaqsiyaad gaara ay caqabad ku yihiin Hanaanka shaqo ee dowlada Federaalka. Cabdiqaasim, waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan xiligaan ahmiyad u arag in la caqabadeeyo dowlada Somalia, waxa uuna cadeeyay inay fududaha in la rido dowlad, balse aysan sahlaneyn in la dhiso. Waxa uu Mr Cabdiqaasim sheegay inay muhiim tahay in si wada jira looga wada shaqeeyo horumarinta dalka, iyadoo la raadsanaayo xilalka ay ku jiraan damaca. Cabdiqaasim, waxa uu sheegay in dadka Mucaaradka ah looga baahan yahay in ay soo bandhigaan qaladaadka dowladda oo kaliya, balse aysan kusii fogaan howlaha aan iyaga khuseyn. Waxa uu tilmaamay inaan loo baahneyn Mucaarad wax duminaaya isla markaana ay gacmo shisheeye u adeegsanayaan in dalkiisa uu ku dumiyo gamcihiisa. Cabdiqaasim, waxa uu intaa ku daray in aan maanta loo baahneyn Mucaarad doonaya in ay dowladda riddaan, waxa uuna Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ugu baaqay inay la shaqeeyan dowladooda. Cabdiqaasim, waxa uu dhinacyada Mucaaradka ugu baaqay in laga shaqeeyo Midnimada Soomaaliya in ay keeni karto sare u qaadida Horumarinta iyo meesha hadda la jooggo in laga hormaro. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ficilada Mucaaradka uu ka danbeyn doono la xisaabtan, maadaama dhinacyadaasi ay u badan yihiin kuwo eedeysan. Haddalka Cabdiqaasim ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka ay marti galineyso duufaano Siyaasadeed oo lid ku ah howlaheeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweynihii hore ee Somalia oo fariin adag u diray Xildhibaanada & Siyaasiyiinta caqabada ku ah DF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ku shiraan Guddiga difaaca ee baarlamaanka Somalia oo kulan degdeg ah ka yeelan doona xad gudub ay Kenya ku heyso Xadka Somalia. Guddiga ayaa la sheegay in shirkooda ay xooga ka saari doonaan ka doodista darbi la sheegay in dowlada Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Somalia. Shirka Guddiga ayaa ka dhici doona xarunta Guddiyada ee Villa Hargeysa oo ku dhax-taala Madaxtooyada Somalia sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Guddiga. Guddiga oo labadii maalin ee ugu danbeysay ku howlanaa wax ka ogaanshiyaha darbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka Somalia ayaa waxaa iminka soo baxaaya in lasoo dhameystiray macluumaadka ku aadan darbiga oo uu Guddiga baadi-goobka ugu jiray. Asbuucii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo baxaayay qeyla dhaan Dowlada Federaalka uga imaaneysay Maamulka Jubbaland iyo dadka ku nool Beled-Xaawo, kadib markii Keyna ay kusii fogaatay xadgudubka ay ku heysay xadka Somalia. Dhinaca kale, Madaxda ugu sareysa dalka ayaan weli ka hadal xadgudubka ay Kenya ku heyso Somalia, waxaana manta la filayaa in natiijo uu kasoo baxo shirka Guddiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guddiga difaaca BF oo shir Degdeg ah ka leh xadgudubka ay Kenya ku heyso Xadka Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Sanadkii labadi kun, waxaa ay ahayd markii ay soo bilaabatey dib uyegleelidda dowladnamadii ka burburtey Soomaaliya. Degmada Carta ee dalka Jabuuti ayaa lagu soodhisey dowlad uu golle shacab oo isla Carto lagu dhaariyey ay xildhibaanadiisu soo doorteen. 17 sano ka dib, Madaxweynihii dowladaas Mudane Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa dib u eegaya marxalada dowladnimo ee dalka. Wariyaha VOA-da ee Bariga Dhexe, Xussen Saxnuuni oo wareystey ayaa uguhoreyn weydiiyey waxa hor-istaagey dowladiisi iyo dirkii ka danbeeyeyba. Xigasho VOA PUNTLAND POST The post Madaxweynihi Hore Cabdiqaasim Salaad oo Xaaladda Dalka ka Hadley appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in 1-da January 2018, ay magaalada Jowhar shir nabadeed uga furi doonaan beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe. Guddoomiyaha gobolkaasi, Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in shirkaan ay isugu keeni doonaan waxgaradka Labada dhinac. Sidoo kale, guddoomiye Mayre ayaa sheegay in dib u heshiisiin kadib ay ka maamul ahaan ka qeybqaadan doonaan dib u dhiska guryihii ku burburay dagaalladii dhacay. “Wax walbo nabadda ayaa ugu horreeya, 1-da bisha soo socotana shir ayaan u fureynaa dhinayacdii dagaallamay, wixii ka dambeeyana waa dib u dhiska” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ugu baaqay beelahii ku dagaallamay deegaannada hostaga degmada Balcad iney kaalin ka qaataan nabadda iyo dib u heshiisiinta. Goobjoog News Source
-
Siyaasiga Cabdi Nuur Darmaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dowlad aan mucaarad lahayn aysan dowlad ahayn, isaga oo tilmaamay in mucaaradkana laga doonayo iney wax dhisaan. Waxa uu sheegay Darmaan in madaxweyne Farmaajo aanu xil qaban lahayn haddii aanu dalka mucaarad ka jiri lahayn. Sidoo kale, Cabdi Nuur Darmaan ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda in dhankooda ay mas’uuliyad is saaraan oo ay maanka ku hayaan in dalkaan dib u dhis u baahan yahay. “Dowlad aan mucaarad lahayn dowlad ma ahan, haddii aan mucaarad lahayn madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa dowlad ma noqon lahayn, waa lala yaabaa adduunka haddiiba la arko dowlad aan mucaarad lahayn, mucaaradkana waa iney mas’uuliyad is saaraan, dowladana waa in ay mucaaradka soo dhoweyso sababtoo ah wixii kaa maqan ayeey kuu sheegayaan” ayuu yiri Darmaan. Hadalka Darmaan ayaa imaanaya xilli maalmahan dambe ay xurguf siyaasadeed ka dhaxeysay dowladda Federaala Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Goobjoog News Source
-
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Ayaa Maanta kulan Xasaasi ah ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Xoghayaha Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibinaan Sadiiq Warfaa Ayaa Warbaahinta u sheegay in Maanta oo sabti ah kulankaasi ay Baarlamaanka Kaga hadlayaan Darbiga Kenya Ay ka dhiseeyso Xadka Soomaaliya iyo Kenya. Xildhibaanka ayaa amaan u jeediyay Dadka ku Nool Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo oo ka soo horjeeystay in Ciidamada Kenya ay ku soo xadgudbaan Wadanka Soomaaliya. Dhanka kale mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubba-land oo halkaas gaaray ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaliya in ay wafdi usoo diraan halkaas si ay u arkaan xadgudubka Dowladda Kenya ay kawada xuduudka. Waxaa cirka isku sii shareeraya Diidmada umada Soomaaliyeed ka imaaneeysa ee ku aadan Darbiga Kenya ay ka dhiseeyso Xadka Soomaaliya iyo Kenya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kulan Xasaasi ah ka yeelanaya Darbiga Kenya ay Dhiseeyso appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya in la kordhiyo miisaaniyadda ay ku shaqeeyaan, si howlaha shaqo ay u socoto. Waxay ka wada sinnaayeen mas’uuliyiintan in qarashka ay helaan oo yar awgeed aanay socon kareyn howlaha guud ee shaqooyinkooda. Cali Gacal Casir, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in aysan haysan xitaa iyagu howl ay leeyihiin oo ay ku shiraan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay guddoomiye Casir inaanu jirin daqli fiican oo uu helo maamulkooda, maadaama aanu jirin qaadis canshuur, isaga oo ku baaqay in Galmudug ay hesho miisaaniyad rasmi ah oo ay hay’adaheeda ku shaqeyn karaan. Magaalada Baydhabo waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada dalka. Halkaan hoose ka dhageyso http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/12/WAR-BAAYDHABO.mp3Goobjoog News Source
-
Dowladdaha Maraykanka iyo Kenya ayaa khamiistii duqeymo xoogan ka geystay saldhigyo lagu tababaray in ka badan 300 kamid ahaa argigixisada Shabaab, kuwaas oo kuyaalay gudaha gobolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya. Duqeymahaan oo ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac , ayaa waxaa ku jira Kenyan katirsanaa Shabaab, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo xero lagu magacaabo Aus qurun oo Alshabaab maamulaan, sida lagasoo xigtay saraakiisha amniga Kenya. Mohamed Ahmed Farah oo loo yaqaanoMohamed Kheir iyo Abdullahi Wilif oo kasoo jeeda degmada Wajeer, kana tirsanaa kooxda Alshabab ayaa kamid ahaa dadka weerarkaan ku dhaawacmay, waxayna ku tababaranayeen Ball Raho, xilliga duqaynta dhacaysay. Ciidanka difaaca Kenya ee dagaalka kula jira Shabaab ayaa soo sidoo kale soo badbaadiyay kooxo gurmad ah oo ku sugaa goobta la duqeeyay, waxaana ciidanku sidoo kale heleen dhaawacyo iyo Meydad yaalay goobta la duqeeyay. Puntlandi.com
-
Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa ku baaqay in la adkeeyo amniga iyo kala dambeynta guud ee magaalada Gaalkacyo. Waxa uu sheegay in ciidamada isku dhafka ah ee Gaalkacyo ka howlgala ay la wareegeen goobihii ay ku dagaallameen maleeshiyaadka kala taabacsan Puntland iyo Galmudug. Nabadoonka ayaa ku baaqay in la kordhiyo tiro ahaan ciidankaan isku dhafka ah, si ay awood ugu yeeshaan iney hantaan amniga guud ee magaalada Gaalkacyo. “Annaga haddii aan nahay waxgaradka waxaan ku talinnay in la badiyo ciidamada isku dhafka ah si amniga loo xaqiiyo, ciidamadan waxay hadda la wareegeen meelihii lagu dagaallamay, waana muhiim in laga wada shaqeeyo ammaanka Gaalkacyo” ayuu yiri Nabadoon Aloore. Maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa shalay isku rasaaseeyay Gaalkacyo, hase ahaatee waxaa durba dhexgala ciidanka xoogga dalka. Goobjoog News Source
-
Wargeyska Politiken ee dalka Denmark ayaa maalmo kahor soo daabacay in Denmark ay sanadkan 2017-ka Soomaaliya u tarxiishay ilaa 10 qof, iyaga oo wareysi dheer la yeeshay mid kamid ah dhalinyarada sida qasabka ah Soomaaliya loogu tarxiilay. Isla wargeyskan ayaa bilo kahor soo bandhigay in Denmark ay heshiis qarsoodi ah oo afka ah ay la gashay wafdi ka socday dowlada Soomaaliya, kuwaas oo booqasho ku yimid Denmark sanadkii 2016-ka. Denmark ayaa Wafdigaas heshiis kula gashay inay sanadkii soo tarxiili karaan ilaa 12 qof oo soomaali ah, oo ka dhigan bishiiba hal qof. Wafdigan ayaa waxaaba hogaaminayay reysulwasaare ku xigeenkii xukuumadii xiligaas, Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo wasiirkii amniga Xiligaas, Cabdirisaaq Cumar, waxaana la socday madaxii laanta socdaalka xiligaas, Cabdullahi Gaafow. Macluumaad dheeri ah oo heshiiskaas aan rasmiga aheyn laga helay ayuu Politiken ku sheegay in Denmark ay Soomaaliya heshiiskaas kaga badalatay in tababar la siiyo ciidamada laanta socdaalka ee dowlada Soomaaliya, ayna Denmark dhankeeda sanadkii soo celiso 12 qof oo soomaali ah. Safiirka EU-da u fadhiyo Soomaaliya, Cali Fiqi ayaa xili sii horeeyay diiday in Soomaaliya ay wax heshiis kula jirto Denmark. Isaga oo sheegay inuu xiriir la leeyahay madaxda dowlada Soomaaliya iyo laanta socdaalka. Khubarada ku xeel-dheer arimahan xiriirka caalamiga ah ayaa dowlada Denmark ku dhaleeceynayo inay heshiis qarsoodi ah oo afka ah ay la gasho Somaaliya oo kamid ah dowladaha aduunka ugu musuq-maasuqa badan. Norway iyo Soomaaliya: Warbaahinta Denmark waxey baaritaan dheer kadib banaanka keeneen in Denmark ay heshiis qarsoodi ah la gashay Soomaaliya, ayna Soomaaliya u tababaraan ciidanka laanta socdaalka. Dalkan Norway waxaa booqasho ku yimid isla wafdigaas dowlada Denmark la galay heshiiska, waxeyna kulamo la qaateen dowlada Norway, gaar ahaan wasaarada cadaalada. Sidoo kale Norway waxey tababar u fidisaa shaqaalaha laanta socdaalka, waxaana halkan booqasho ku yimid madaxa laanta socdaalka, Koofi iyo wafdi uu hogaaminayo. Sidoo kale shaqaale katirsan UDI-da ayaa dhawaan safar ku tagay magaalada Muqdisho. Si lamid ah Denmark, waxey Norway sanad walba si qasab ah Soomaaliya ugu tarxiishaa dad soomaali ah. Xiligan waa xerada qoxootiga Trandum kujiro dhowr qof oo soomaali ah. Marka la isku geeyo waxyaalahaas oo dhan, lana barbardhigo xaalada Denmark, waxaa kuu muuqaneyso in Norway aysan Denmark ka dheereyn. Source Norsom
-
Wakaaladda wararka Acmaaq ee ku hadasha afka ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda ah weerarkii shalay subax lagu qaaday Kaniisad ku taallo waqooyiga caasimadda Masar in kooxda ka dambeysay. Weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay 9 qof iyo nin Tukaanle ahaa oo Qibdhiya kaasi oo ku sugnaa goobta uu weerarka ka dhacay sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar. Wasaaradda ayaa sheegtay in qofka weerarka fuliyey uu ka qeyb galay weeraro horay, waxaana lagu magacaabaa Cali Ibraahim Ismaaciil oo dhashay sanadkii 1984 . Weerarkaan ayaa waxaa uu imaanayaa waxyar ka hor u dabaaldagidda sanadka cusub ee 2018,sanadkii tagay ayey aheyd markii in ka badan 100 qof lagu dilay qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Masar waxaana mas’uuliyadda sheegtay Daacish. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay dadaalka ay Xukuumadiisa ugu jirto hirgalinta howlaha lagu yaqaan dowladnimada. Kheyre waxa uu sheegay in sanadka 2018 ee iminka dhalanaaya ay qaadi doonaan talaabooyin isbedel loogu sameynaayo Somalia, waxa uuna carab dhabay inay dajiyeen qorshooyin muuqda. Waxa uu sheegay in diirada ay saari doonaan howlo badan, hase ahaatee ay si gaara u daneynayaan 4 qodob oo kala ah: 1-Tayeynta Garsoorka iyo in Somalia ay ka hirgasho cadaalad ka caafimaad qabta ‘’Qabyaalad, Nin jecleysi iyo Laaluush’’. 2-Dhameystirka la dagaalanka musuqa haraadiga ku ah xarumaha dowlada iyo ciribtirka shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay. 3-Xoojinta dhismaha ciidamada Qalabka Sida iyo diyaarinta ciidamo lambareysan oo laga warqabo cadadkooda. 4-La wareegida dhammaan amniga dalka iyo in Ciidamada qalabka sida la geeyo dhammaan Koontaroolada dalka. Ra’isul wasaareXasan Cali Khayre wuxuu rajo ka muujiyey sanadka soo socda ee 2018, inay hirgaliyan dhammaan 4ta qodob ee kor ku xusan iyo qodobo kale oo aan halkaan ku muujin. Kheyre waxa uu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday inay rajeynayaan in 2018 ay Soomaaliya u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaari doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo. “Waxaan xoogga saareynaa hirgalinta qodobo dhowr ah oo aan ku saleyn doono isla xisaabtan, muddo kooban ayeynu ku hirgalin doonaa ballanqaadka aan sameynay si aan ugu sii gudubno kuwa harsan’’ Sidoo kale, Kheyre ayaa dhinacyada ay khuseeyan qodobada kor ku xusan ugu baaqay inay kala shaqeeyan hirgalintooda, waxa uuna cadeeyay inaanu Madaxdu keliya waxqabankarin. Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka ay sanadka koowaad uga harsan tahay muddo ka yar laba bil, waxaana xusid mudan in dowladu qaaday talaabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa kala soctaa 4-ta arrin oo ay DF xooga saari doonto oo sanadka cusub ee 2018 appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 24 Bishaan ayey Turkey iyo Sudan kala saxiixdeen 12 heshiis oo uu ka mid ahaa in Jazeerada SAWAAKIN ee Badda Cas lagu wareejiyo Turkey iyaga ka dhisi doona xarumo Milatery, Dalxiis iyo Matxafyo Taariikhdii Dawladii Cusmaaniyada ee xukumi jirtay Xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ee Bariga Afrika Qarniyadii 16 aad ilaa 19 aad. Dawladii Cusmaaniyada ama Dawladii Khilaafada Islaamka oo Saldhigyo Milatery iyo Maamul ku laheed Dekedaha Sawaakin iyo Zaylac ee Badda Cas mudo 4 Qarni ah ayuu Madaxweyne Ordogan u muuqdaa in uu go’aansaday soo celinta Taariikhdii Turkey iyo Dawladii Islaamka isaga oo wajahaya culeys adag oo kaga imaanaya qaar ka mid ah Dawladaha Carabta, Reer Galbeedka iyo Israel. Qarnigii 20 aad markii uu burburinayey Gumeysigii reer Galbeedku Dawladii Cusmaaniyada ee fadhigeedu ahaa Istanbul waxaa loo adeegsaday qaar ka mid ah wadamada Carabta gaar ahaan Khaliijka, iyada oo xilligaas lagu kiciyey laguna abaabulay (Yaa tola-heey! Carabtii Asharaafta aheed ayaa Turkey gumaysanayaa!). Maantana taa oo kale ayey dib usoo celiyeen, markii lafa caay iyo awoowe ku faan ay gaartay oo “Cabdalla Bin Zaayid yiri; Ordogan Awoowe-yaashii tuugo ayey ahaayeen, Dahab iyo Khayraad kale ayeyna ka xadeen Madiina Al Munawara, halka Ordogan ugu jawaabay in Cabdalle Awoowe-yaashii ahaayeen; daba-dhilifyo u shaqeeya Gumeystihii Ingiriiska). Sanadkan iyo Sanadkii hore ayey Turkey ka fureen Somaliya Safaaradii iyo Saldhigii ugu weynaa ee Dawlada Turkey ka furto goob ka baxsan Dalkeeda Qarnigii lasoo dhaafay, waxaana Maseyr iyo Madax-xanuun ka qaaday arintaas qaar ka mid ah Dawladaha Carabta gaar ahaan Imaaraat, Sacuudi iyo Masar lkn si toos ah uma eedeyn Turkey ee waxey marmar-siimo ka dhigteen; Khilaafka Khaliijka, Maamul gobaleed, Dekedo, Saldhig Berbera, Siyaasiyiin ay madaxti-nimo u rabaan iwn. 25 Bishaan markii Madaxweyne Al Bashiir ku wareejiyey Jaziirada Sawaakin Turkey ayey afka furteen ilaa ay ku eedeeyaan Al Bashiir in uu yahay Khaa’in ku gabood falay Amniga Carabta, qaarna ay gaarsiiyeen; in Sudan iyo Somaliya yihiin; Cabiid u xiistay adoonsigii Turkey! Si kasta ha loo cabiro ama ha loo qarsado ee waxaa cad qodobada kala ah: 1-In Dawlada Turkey noqotay Quwad iyo Awood saameyn ku leh Gobalka Bariga dhexe, Carabta, Afrika iyo Dunida Islaamka. 2-In Dawladaha Carabtu ay galeen go’doon Siyaasadeed gaar ahaan Xulafada Sacuudiga markii ay Cadaw ka dhigteen Turkey iyo Iiran, Shucuub-tooduna weli diidantahay xulafeysiga Israel. 3-In Sudan iyo Somaliya Carabtu aysan u ogoleen hurumar sida iyaga oo kale ama heshiis ay la galaan Dawlado kale. 4-In Xulafada Sacuudigu aaney kaligeed taagnaa karin Xulafa la’aan hadii ay lumiyaan Xulafada Turkey iyo Iiran waxaa cabsi laga qabaa in ay ku biiraan Xulafada Israel ee Gobalka ayna lumiyaan Qudus iyo Dawladaha Carabta ee taageera Turkey iyo Iiran. Hadaba Dawlada Somaliya waxaa horyaal laba Khiyaar oo mid kasta adag yahay isla markaana kala ah: A-In ay isku hayso xiriirka Dawlado kala Maseyrsan, Cuqdad iyo Hinaaso kala qaba, kala jiidanaya Siyaasiyiinta Somaliya sida; Imaaraat, Sacuudi iyo Masar VS Turkey, sida Jabuuti isugu hayso Dawlado is diidan. B-In ay reebato kuwii dan badani ugu jirto kuwa kalena iska erido, hadii kale xasilooni siyaasadeed lama heli karo inta dusheeda la isku haysto!. W/Q: Maxamed Gacal The post Turkey oo furay saldhigii 2-aad ee Afrika iyo Carabta oo godkooda uu biyo ugu galay! appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay dadaalada ay dowladiisa ugu jirto horumarinada dhammaan adeegyada aasaasiga u ah bulshada Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay inay la imaado waxqabad wanaagsan mudada uga harsan xilka ay u hayaan Qaranka Somalia. Waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay siin doonaan baahiyaha bulshada maadaama uu yiri dal waliba uu ku dhisan yahay shacab ku qanacsan dowladiisa. Farmaajo waxa uu farta ku goday inay ka dhabeyn doonaan dhammaan qodobadii ay balanqaaday dowladiisa inay ka hirgalin doonto Somalia, waxa uuna xusay in iminka ay hirgaliyeen tiro ballanqaadyo ah. ‘’Waxaan weli ku taaganahay inaan ka dhabeyno ballanqaadyadii aan sameynay ee ahaa isbedel dhan waliba ah’’ Farmaajo waxa uu soo hadalqaaday caqabadaha heysta dowladiisa waxa uuna ku baaqay in dhinacyada kasoo horjeeda dowladiisa aysan sabab u noqon dib u laabashada Somalia. Waxa uu ku baaqay inaan la fududeysan dhibaateynta Qaran dhisan, sidaa aawgeed uu diyaar u yahay in maslaxada Somalia uu u galo meel waliba oo ay taalo. Si kastaba ha ahaatee, Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyan dib u dhiska dalkooda oo sheegay inay tahay maslaxad guud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo: Weli kama weecan ballanqaadyadii aan horay u sameeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa heshiis hordhaca laga gaarey dagaal beeleed ka socday hawdka Gobolka Sool gaar ahaan xadka uu la wadaago dowlad deegaanka Itoobiya ka dib markey halkaas gaareen Issimo iyo Odoyaal isaga kala yimid Gobolladda Sool,Nugaal,Mudug iyo Cayn. Nabadoon Cabdulaahi Maxamed Jibriil oo ka mid ah wafti uu hogaaminayo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa u sheegay Warbaahinta PUNTLAND POST inay ku guulaysteen xabad joojin rasmiya oo la dhexdhigay labada dhinac islamarkaana ay goobjoog ka ahaayeen Waxgaradka iyo Issimada labada beelood sida Islaan Bashiir Islaan Cabdulle,Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Issimo kale. Wuxuu intaas ku darey inay garwadeen ka ahaayeen heshiiskan ergey ay kala hogaaminayaan Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka tagey Gobolka Nugaal iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka yimid Gobolka Sool, Islamarkaana wuxuu sheegay inay goobjoog u ahaayeen xubno matalayay Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Nabadoon Cabdulaahi Maxamed Jibriil wuxuu sheegay inuu wax badan ka duwan yahay heshiisyaddii horey uga dhici jirey goobtaas, Iyadoona uu sheegay inta laga gaarayo muddo bil ah oo loo balamay gogol lagu soo afjari doono colaada Deegaanka Cariska Cagaare in labada dhinac laga saxiixay heshiis kooban oo sideed qodob ah. Daalaco Wareysiga Nabadoon Jibriil. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Xabad joojin la dhexdhigay beelo ku dagaalamaya xadka Sool iyo Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) - Undocumented Ethiopian migrants who are being forcibly deported from Saudi Arabia by the thousands in a new crackdown say they were mistreated by authorities while detained. In interviews with The Associated Press upon their arrival home, the returnees described beatings, theft and stays in dirty prison camps. Their accounts brought to light one of the world's busiest and most dangerous migrant routes but one that remains overlooked amid the larger rush toward Europe. Saudi Arabia, like other rich Gulf nations, is a magnet for hundreds of thousands of people from impoverished East African nations like Ethiopia and Somalia. They pay traffickers for rides in boats across the narrow waters to Yemen, where they make their way by land through a war zone. Ethiopia's government says more than 14,000 of its citizens have been deported since mid-November and 70,000 have returned voluntarily, but the International Organization Migration says the number that has left forcibly or voluntarily since the amnesty period ended in June has reached 96,000. Saudi Arabia ordered all undocumented migrants to leave voluntarily in March, an order later extended until June. The majority of the migrants chose to remain and now face forced deportation. In this photo taken Friday, Dec. 22, 2017, Ethiopian women sit on a luggage conveyor belt as they wait for family members after being deported from Saudi Arabia, at the airport in Addis Ababa, Ethiopia. Undocumented Ethiopian migrants who are being forcibly deported from Saudi Arabia by the thousands in a new crackdown say they were mistreated by authorities while detained. (AP Photo/Mulugeta Ayene) In this photo taken Friday, Dec. 22, 2017, Sabit Mohammed, 18, sits in a corridor after being deported barefoot from Saudi Arabia, at the airport in Addis Ababa, Ethiopia. Undocumented Ethiopian migrants who are being forcibly deported from Saudi Arabia by the thousands in a new crackdown say they were mistreated by authorities while detained. (AP Photo/Mulugeta Ayene) In this photo taken Friday, Dec. 22, 2017, Ethiopian migrants sleep on cold floors after being deported from Saudi Arabia, at the airport in Addis Ababa, Ethiopia. Undocumented Ethiopian migrants who are being forcibly deported from Saudi Arabia by the thousands in a new crackdown say they were mistreated by authorities while detained. (AP Photo/Mulugeta Ayene) In this photo taken Friday, Dec. 22, 2017, Ethiopian Hassen Yusuf counts the only money he managed to bring home, equivalent to about US$50, after being deported from Saudi Arabia, at the airport in Addis Ababa, Ethiopia. Undocumented Ethiopian migrants who are being forcibly deported from Saudi Arabia by the thousands in a new crackdown say they were mistreated by authorities while detained. (AP Photo/Mulugeta Ayene) In this photo taken Friday, Dec. 22, 2017, Ethiopian Zeynu Abebe, 19, sits in between two others upon his arrival after being deported from Saudi Arabia, at the airport in Addis Ababa, Ethiopia. Undocumented Ethiopian migrants who are being forcibly deported from Saudi Arabia by the thousands in a new crackdown say they were mistreated by authorities while detained. (AP Photo/Mulugeta Ayene) In this photo taken Friday, Dec. 22, 2017, an Ethiopian migrant holds his clothes after being deported from Saudi Arabia, at the airport in Addis Ababa, Ethiopia. Undocumented Ethiopian migrants who are being forcibly deported from Saudi Arabia by the thousands in a new crackdown say they were mistreated by authorities while detained. (AP Photo/Mulugeta Ayene) In this photo taken Friday, Dec. 22, 2017, Ethiopian migrants lie on the floor upon their arrival after being deported from Saudi Arabia, at the airport in Addis Ababa, Ethiopia. Undocumented Ethiopian migrants who are being forcibly deported from Saudi Arabia by the thousands in a new crackdown say they were mistreated by authorities while detained. (AP Photo/Mulugeta Ayene) Read more: http://www.dailymail.co.uk/wires/ap/article-5217435/Ethiopians-deported-en-masse-Saudi-Arabia-allege-abuses.html#ixzz52gGWm9zO
-
Baarlamanka Ethiopia ayaa jimcaha Maanta shaaciyey in la dhisay guddi baaritaan ku sameeya rabshadihii ugu dambeeyay ee dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada dalkaasi. Guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamanka Ethiopia, Shitaye Minale ayaa sheegtay in Aqalka hoose ee Baarlamanka laga soo xulay guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeya rabshadihii ugu dambeeyay ee dhexmaray dowlad-degaannada Oromada iyo Soomaalida,si xal loogu raadiyo khilaafka labada dhinac. Wakaaladda Wararka Ethiopia ENA ayaa Minale ka soo xigatay in“guddigu haatan uruurinayo warbixinno ku saabsan khilaafka dhaliyey colaadda ee xuduudka ku salaysan”. Marka laga soo tego baaritaanka, guddiga la magacaabay ayaa sidoo kale taageeraya gargaarka loo fidinayo dadka barakacay,sida ay sheegtay Minale. Waxay kaloo xaqiijisay in baarlamanku uu si adag u xakamayn doono loona ilaalin doono hay’adaha fulinta ee ku fashilmay waajibaadkooda ku aaddan isku-dhacyada labadan qowmiyadood. Rabshadihii ugu dambeeyay ee xuduudka dheer ee Soomaalida iyo Oromada ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 70 ruux oo labada dhinac ah,waxaana ku bara-baxay boqollaal kun oo kale. Source: Puntlandpost.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ergeyga xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee Somalia Michael Keating, ayaa shaaca ka qaaday in DFS ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo ka takhluusisay waxa loogu yeero musuq-maasuqa. Michael Keating, ayaa sheegay baaritaan ay sameeyen inay ku ogaaden hoos u dhaca musuq-maasuqa Somalia laga soo bilaabo, tan iyo markii la doortay dowlada Farmaajo. Michael Keating, waxa uu sheegay in qiimeyntooda 2017 ay ku ogaaden in DFS ay ka takhluusisay musuqa oo uu sheegay inuu la dagay Somalia. Waxa uu Mr Michael Keating tilmaamay in dowlada Somalia ay ku guuleysatay la dagaalanka musuq-maasuqa, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ka qeybqaadan doonaan dadaalada looga hortagi lahaa musuqa harsan. ‘’Waxaan qireynaa in dowlada hadda jirta ee Somalia ay ku guuleysatay la dagaalanka musuqa, QM waxa ay diyaar u tahay in dowlada DFS ay kala shaqeyso dhameystirka’’ ‘’Dowladan waxa ay kuwii hore kaga duwan tahay hanaanka ay ula dagaalantay musuqa oo aan rumeysanahay inuu cuuryamiyay Somalia, waan ku amaaneynaa talaabadaasi ay qaaday dowlada’’ Michael Keating, ayaa si weyn ugu ammaanay dowlada Federaalka horumarrada dhanka xasilloonida iyo la dagaallanka Al-Shabaab. Keating ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in tallaabooyinka horumarineed ee ay dowladda Soomaaliya qaadday ay caqabad ku noqon karaan Abaarta iyo colaadda ka taagan qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya. Sidoo kale Keating ayaa sheegay Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Somalia AMISOM ay dowr muhiim ah, oo ay ku kacayso qiimo badan, ka cayaarayaan ilaalinta qaybo ballaaran oo ka mid ah dalka, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay jawi u abuurayaan dhismaha dowladda. Dhinaca kale, waxa uu walaac xooggan ka muujiyay in xaaladda bani’aaddannimo ee dalku ay aad uga sii darto, taas oo ay uga sii darayso dhibaatada shacabka kaga timmaadda kooxaha Argagixisada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Keating oo amaan kala duldhacay DFS kadib markii ay cuuryaamisay arrimo dhowr ah (Maxaa kamid ah) appeared first on Caasimada Online.
