Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,186
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wadamada Sacuudiga iyo Iiraan loolanka, is maan dhaafka iyo hirdanka siyaasadeed ee u dhaxeeya mudo sanooyin fara badan ah ayuu taagnaa waxaase uu sii xoogaystay sannadihii la soo dhaafay iyadoo dhawrkii bilood ee ugu dambeeyayna xaaladu ay cirka isku sii shareeraysay. Labadan waddan ee (Iiraan & Sacuudiga) oo kala hoggaamiya Shiico & Sunni arimaha ugu waaweyn ee ay ku hardamayaan waxaa ka mid ah dalkii noqon lahaa quwada ugu weyn ee dhinacayada siyaasada dhaqaalaha iyo milatariga looga danbeeyo marka ay timaado hogaaminta waddamada Bariga Dhexe ilaa Bariga Afrika. Waxyaabaha mudan in la xuso waxaa ka mid ah markii Allaha u naxariistee Madaxweyne Sadaam Xuseen laga tuuray xukunka Ciraaq ayaa waxaa jirta in awood ballaaran ay lasoo baxday Iiraan, taa baddalkeeda waxaa daciifay oo walina haadaan dheer kusii socda siyaasaddii arrimaha dibadda ee waddankii isku magacaabay hormuudkii Islaamka (Saudi Arabia). Sacuudigu way daawanayeen raalina waa ay ka ahaayeen markii Ciraaq dhulka lala simayay, iyadoo meesha ay ka baxday dowladdii Sunniga majaraha u hayeen, waxaana xukunkii la wareegay Shiicada, taasoo guul dahabi ah ay u noqotay Iiraan. Bal aanu eegno siyaasada sacuudiga iyo sida ay ugu muuqato in ay tahay mid majara habawsan. SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA TURKIGA Turkiga oo maanta awood iyo dhaqaale ku leh dunnida kasbadayna shucuubta dadyowga Islaamka oo idil, Sacuudigu masoo dhaweysan, laakiin taa baddalkeeda waxaa saaxiib dhow ka dhigatay xukuumadda Tehran. SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA YEMAN Xukunkii ay majaraha u hayeen dowlad Sunni ah ayay Sacuudigu meesha ka saareen mid kale oo ay soo dhoob dhoobeenna waa dhiseen, nasiib xumo Iiraan oo arrinkaas il-feejigan ku haysa ayaa shiico kicisay illaa markii dambe ay heshiis ka dhex abuurtay madaxweynihii xilka laga dajiyay Cali Cabddala Saalix iyo madaxdii shiicada. Caasimaddii wadanka & inta badan dalka waxaa gacanta ku haya Shiico, ninkii Sunniga ahaa “Mr Saalix” & saraakiil ciidan yar oo uu wato waxaa ku hareeraysan Shiico, waayo waa lagu dan gaaray. Iiraan halkaa waxaa uga suurto gashay in gantaaladeeda lagu gano dhulka Sucuudiga. waana fursad kale oo ka dhalatay siyaasad xumada dalalka Sacuudiga & Imaaraadka. Arrimo siyaasaddeed oo lagu dhamayn lahaa bilo gudohood ayaa waxay maanta la maraysaa sanado dhiig ku daateen. SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN SYRIA. Inkastoo fursad fiican uusoo maray Sacuudiga kuna dhawaaday inuu xukunka ka tuuro maamulkii Shiicada ee dalka Syria, nasiib xumase xoogaggii ku kacsanaa iyo Alqaaciddadii magaca beenta la huwiyay ma midaynin, umana samayn hal ajande illaa markii dambe xoogaggii dagaalka kula jiray xukunka Madaxweyne Bashaar Al-Asad ay kala tafaraaruqeen kaddibna ay isku badashay howshii Al-Qaacidda (ISIS) iyo mucaaradkii dalka oo tiro yar. Waxaa batay dagaalyahannadii ISIS oo ujeeddadii loo aasaasay waji kale u yeelay, waxay ku dhawaaqeen inaysan ku ekaanayn Syria laakiin ay socon doonaan illaa Yurub, Mareykanka & dunnida Muslimkaba. Waxaana halkaas albaab uga furmay dalalka Ruushka, Iiraan iyo ururka Xisbullah, waxayna kusoo dagaal galeen inay sifaynayaan argaggixiso iyo inay difaacayaan dowladdii Shiicada. Mar afaraad waxaa halkaas guul ugasoo hoyatay dalka Ruushka oo maanta go’aamada Bariga dhexe talo ku leh, iyo Iiraan oo araxda ka jabisay qorshihii Sacuudigu maalgaliyay oo Reer-Galbeedkuna u durbaan tumeen. SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA LUBNAAN. Hoggaamiyaha wata siyaasadda qar-iskaxoorka ah ee Sacuudiga taladiisa la wareegay Maxamed Bin Salmaan (MBS) ayaa isagoo raadinaya waddo uu u maro kuna ku dhabar jebiyo Iiraan & ururka Xisbullah ayuu u yeeray Ra’iisal wasaaraha Sunniga ah ee dalka Lubnaan SACAD XARIIRI isagoo magaalada RIYADH jooga ayuu sida wararka ay sheegeen ku khasbay inuu is-casilo, Xariirina waa uu yeelay. Hoggaamiyaha ururka Xisbullah Xasan Nasrallah oo warbaahinta la hadlay ayaa isaguna warfidiyeennada u sheegay in Sacad Xariiri lagu qasbay inuu iscasilo, waana u ekaatay! waxayna Nasrallaah & Iiraan oo wada socda ka codsadeen Madaxweynaha Lubnaan Misheel Cawn inuusan aqbalin arrinkaas uuna yiraahdo waddanka haku soo laabto Ra’iisal wasaruhu. muddo usbuuc ama todobaad kaddib waxaa warbaahinta Sacuudiga kasoo muuqday Sacad Xariiri oo u eg inuu kusoo lugeeyay waddada u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho. (Rifrifka ka muuqda aad ka yaabayso). waayo Maxamed Bin Salmaan ayaa xabsi guri galiyay. Waxaa arrinta soo dhexgalay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo soo furtay Sacad Xariiri wuxuuna keenay Magaalada Paris kaddibna ku celiyay Lubnaan, shir albaabbadu u xirnaayeen oo madaxda dalka Lubnaan yeesheen Sacad Xariiri waxaa lagu qanciyay inuu ka laabto iscasilaadda xilkana sii hayo, Waana yeelay! Waxaa mar kale fashil foolxun ku yimid ujeedkii Sacuudiga. Maanta Sacuudiga Lubnaan & Sunnigii xukuumadda hoggaaminayeen midna faro kuma hayo, gabayguna waa ka xiran yahay. xukuumadda Tehran baase dhoosha ka qoslaysa. SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA Qadar. Waa dal yar, waa dal dhaqaalihiisu uu Bangiyada Yurub oo dhan buuxaan, waa dal shirkado waawayn ku leh Yurub, waa dal galaangalkiisu dhinac walba jiro, waa dal leh siyaasad midaysan oo qunyar socod ah. Imaaraadka oo ka duulaya dhaqaalihiisii oo u wareegay dalka Qadar ayaa Sacuudiga adeegsaday kuna tilmaamay in ay halis qarsoon tahay sidaa darteedna tallaabo laga qaado, cunaqabatayn aan waxba loola harin baa lagu soo ragay, biyo, raashin, daawo, ganacsi nooc walba leh, hawada & badda ayay ka xirteen, dabeedna Iiraan oo fursad uga bannaanaatay ayaa waddankii Qadar ahaa waxay ula soo ordeen, Qudrad,raashin iyo biyo deg deg ah, dalka Turkigana wuxuu keenay, Caano, Hilib, Daawo iyo ciidamo difaaca haddii lasoo weeraro. Ujeedka ugu weyn oo ahaa in ay dalka Qadar jilbaha dhulka loo dhigo laga waa, ceeb baase ka raacday, mar kale Iiraan oo maalinba maalinta ka dambeya raadinaysay sidii ay Sacuudiga ugu soo dhawaan lahayd ayaa waxaa jirta in maanta ay Sucuudiga ka xigaan Koonfur, Waqooyi iyo Bari. Dhammaantoodna waxaa jooga sirdoon & ciidan u shaqeeya Iiraan, Sacuudiguna iska daah inuu taako horey u qaadee garoomadoodii dayuuradaha baa si dadban duqayn lagu hayaa. FURSADII UGU DAHABSANAYD GOORMA AYEY SACUUDIGA SOO MARTAY? Iiraan oo ka caraysan dilkii ay Sacuudigu ku fuliyeen wadaadkii Shiicada ahaa Nimri Al-Nimri ayaa waxaa weerar lagu qaaday safaaraddii & Qunsuliyaddii Sacuudigu ku lahaa Iiraan, waxba kama qaban ciidamada Boliiska Magaalada Tehraan tan iyo intii laga gubayay safaaradda Sacuudiga, waxaana faro ciddi leh ku baxsaday safiirkii,qoyskiisa iyo shaqaalihii safaaradda. Subixii xigay, waagu markuu baryay Sacuudigu wuxuu waddamadii Sunniga ku cadaadiyay in ay safiirradooda kalasoo baxaan Iiraan xiriirkana diblomaasiyadeedna u jaraan, waa lawada yeelay! Xukuumaddii Tehran falkaas waa ku fashilnatay, waxayna dhexdhexaadin ka dalbadeen Reer-Galbeedku in ay arimaha soo dhexgalaan, sida caadada u ah Reer-Galbeed Muslim isku jabay waa farxaddooda, ayaa Tehran markay aragtay in xaajo ku qalloocan tahay si asluubaysan bay uga hadleen raali galinna waa ka bixiyeen. HADDABA MAXAA XIGAY? Sacuudigu kama faa’iidaysan fursaddaas oo waxaa loo baahnaa in ay waddamada Sunniga ah ula yimaadaan siyaasad furfuran, oo waddan kasta taageero nooc walba leh lala garab istaago, waxay ahayd in ay sameeyaan guddi farsamo oo booqda waddamada Islaamka oo latashiyo kala sameeya arrimaha caafimaadka, waxbarshada, siyaasadda, dhaqaalaha, isku socodka. IWM. Waa sida ka muuqata siyaasaddoodee waxay isku qabaan inay dunnida Muslima iyagu leeyihiin……. waa is dhigteen sidii inay guul joogaan. Waddamo badan oo filayay in Sacuudigu is furfuri doono ayay Sacuudigu xaajaddii la aadeen meel khalddan waxayna Qaramada Midoobey ka dalbadeen in cadaadis la saaro Iiraan, xisaabtaba kuma darsan waddamadii u hiiliyay! Dunnidii Muslimka candhuuftay dib u liqeen waana loo aamusay, Sacuudiga oo taageero khalddan raadinaya ayay dunnida Islaamka ka codsadeen in xiriirka diblomaasi loo jaro dalka Qadar……. dee wixii aad ogayd baa dhacay! Yaahuu baa la yiri. Isku soo xooriyoo marka dhinacyo badan laga eego siyaasadda Iiraan waa mid deggen oo qunyar socod ka muuqdo tallaabo walba oo ay qaadayaana ay in badan ka fiirsadaan, ururrada ay taageerayaan waa kuwo u adeega danaha Shiicada & dowladda Iiraan. Dhinaca kalane Sacuudiga siyaasaddiisu ma fadhido waxaana ka muuqata seef laboodnimo, waana mid u eg istus-tusnimo, magacii Islaamka waa ku ciyaareen, urur kasta oo ay siyaasad ahaan taageeraanna ugu dambeyntii fashil ayuu ku dhammaadaa! Qalinkii: Maxamed Jaamac Faarax. The post Maqaal:- Hirdanka iyo Loolanka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Iiraan oo sii kordhaya appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay heshay macluumaad muujinaaya in Kenyaankii ku jiray Alshabaab ay dib ugu soo laabten dalkooda. Sargaal ka tirsan Hay’adaha amaanka Kenya ayaa Wargeysyada Kenya u sheegay in Kenyaanka Al-shabaab ku jiray ay dhammaantooda kasoo carareen Gobolada ay kaga sugnaayen Somalia, sababo la xiriira ugaarsi laba dhinac ah. Waxa uu sheegay inay ugaarsi kala kulmeen maleeshiyaadka Alshabaab iyo Diyaaradaha Mareykanka ee sida joogtada ah u gaafmeera hawada Somalia. Kooxaha Kenyaanka ah ayaa lagu eedeeyay in ay u basaasaan Mareykanka si uu u deeqo goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya. Sarkaal la hadlay The Star, Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay ciidamo badan geysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya si loo qabto kooxaha soo galaya dalkooda. Waxa uu sheegay in maleeshiyaad dhan Sodon ay usoo goosteen dhanka Kenya, balse ciidamada Kenya ay ku howlan yihiin howlgalo looga hortagaayo. Waxa uu yiri ”Waxaan helnay macluumaad ah in Kenyaankii ku jiray Alshabaab ay dib ugu soo laabteen Kenya, tirada aan ilaa iyo hadda helnay waa ilaa 30 maleeshiyo oo Kenyaan ah” Mar uu faahfaahin ka bixinaayay suuragalnimada inay qasaan amniga ayaa waxa uu sheegay inay ka hortagi doonaan dhaqdhaqaaqa ay wadaan isla markaana ay u adeegsan doonaan diyaarado dagaal. Haddalka kasoo baxay dowlada Kenya ayaa daba socda qoraal ay soo saartay dowladda Soomaaliya arbacadii, waxaa lagu sheegay in Muqdisho ay codsatay duqeyntaasi lagu kala eryay Alshabaabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa markii ugu horreysay wuxuu ka hadlay kiis isku day kufsi oo lagu eedeeyay inuu ku kici rabay askari ka tirsan ciidanka maamulkaasi, kaasi oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Camey ayaa sheegay in maamulkooda uu tallaabo ka qaadi doono cid walbo oo tacaddi u geysta haweenka, sharcigana la horgeyn doono askarigii isku daya inuu gabar kufsado. “Waxaan ka xumahay dhibaatadii ku dhacday faa’isa, waxaan ku faraxsanahay inuu gacanteena ku jiro ninkii dhibaatada u geystay, marnaba ma ogolaan doonno in dhibaato loogu geysto haweenka” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland. Saldhigyada ku yaalla deegaannada Puntland qaarkood waxaa ku jira rag loo heysto kiisas la xiriira Kufsi. Goobjoog News Source
  4. Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan amniga dadka ku nool kaamamka ku yaalla degmadaasi, kadib markii ay soo bateen falalka amni darro oo dadkaasi la kulmaan. Maxamed Cismaan, Guddoomiyaha degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in ka maamul ahaan ay dedaal badan sameeyeen oo ay sijoogta ah ula xiriiraan horjoogayaasha kaamamka. Waxa uu tilmaamay in dad badan oo dhib ku hayey shacabkan ay gacanta ku dhigeen, kadib markii dadka deggan kaamamka ay si hoose ula soo xiriireen maamulkooda. “Waxaanu siinnay goob walba oo Kaam ku yaalla horjoogihiisa, kuwa ka hooseeya iyo kuwa seexda Kaamka taleefanada maamulka, Booliiska iyo kan waaxyaha, waxaan ku guuleysannay inaan soo qabanno dad falal amni darro ku guda jirey” ayuu yiri guddoomiyaha. Todobaad kahor, rag hubeysan ayaa Labo gabar ku kufsaday degmada Kaxda, kadib markii xilli saq dhexe ay Kaamamkooda ugu galeen. Goobjoog News Source
  5. Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa wada la tashiyadii ugu dambeeyay ee soo magacaabista golahiisa wasiirada cusub. Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in madaxweyne Waare uu ku laabto magaalada Jowhar, kadib safar uu ugu maqnaa magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi ku qulqulaya siyaasiyiin xil ka raadinaya maamulka Hirshabelle. Ilo ku dhow madaxtooyada Jowhar ayaa u sheegay Goobjoog News, in madaxweyne Waare markii uu yimaado Jowhar uu la kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada si uu ugala tashado wasiirada uu soo magacaabi doono. Waxaa jiray khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay madaxweyne Waare iyo Xildhibaannada Hirshabelle, kaasi oo ku aadanaa hannaanka loo soo magacaabayo wasiirada balse ugu dambeyn is faham laga gaaray. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  6. The head of a Saudi-based organization that for decades was charged with spreading the strict Wahhabi school of Islam around the world has said those times were over and his focus now was aimed at annihilating extremist ideology. Former justice minister Mohammed al-Issa, appointed secretary-general of the Mecca-based Muslim World League (MWL) just over a year ago, told Reuters during a European tour that his organization would no longer sit by and let Islam be taken hostage by extremists. The push for a more moderate Islam underscores efforts by Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman to modernize the kingdom, which finances groups overseen by the organization, and cleave to a more open and tolerant interpretation of Islam. The ambitious young prince has already taken some steps to loosen Saudi Arabia’s ultra-strict social restrictions, scaling back the role of religious morality police, permitting public concerts and announcing plans to allow women to drive next year. “The past and what was said, is in the past. What happened in the past and the way in which we worked then, is not the subject of debate,” Issa said in an interview late on Thursday. “We must wipe out this extremist thinking through the work we do. We need to annihilate religious severity and extremism which is the entry point to terrorism. That is the mission of the Muslim World League.” WAHHABI BULWARK Saudi Arabia has used the MWL to export its strict Wahhabi version of Islam since it was set up in 1962 as a bulwark against radical secular ideologies. The missionary society controls mosques and Islamic centers around the world, which critics say promote hatred and intolerance of other sects and religions – a charge the group has denied. Issa said the MWL would be much more hands on now and aim to tackle any sign of extremism in areas where it operates, but also if it became aware of any other schools, centers or mosques where an extremist ideology was being propagated. While he declined to give specific details, a week earlier he was in Geneva where he vowed to reform the city’s largest mosque after French and Swiss authorities raised concerns that it had become a hub of extremism. The mosque is supported by the MWL. “Every time we spot such a message, we won’t keep our arms crossed, we will do everything to annihilate this ideology,” the 52-year-old said through a translator. “ONLY THE TRUTH” “What we are doing and want to do is purify Islam of this extremism and these wrong interpretations and give the right interpretations of Islam,” he said. “Only the truth can defeat that and we represent the truth.” The emergence of Islamic State in Syria and Iraq with its thousands of foreign fighters has highlighted how Europe in particular has become a breeding ground for angry and fragile people to turn to radical Islam. In France alone, a string of attacks that saw hundreds of people killed since 2015 were in large part carried out by French Muslims. Issa said part of his work was to address the difficulties Muslims may have in adapting their religion to non-Muslim nations. “We try to bring answers to face down these messages that change the reality of Islam. We want to offer the real interpretation of the sacred texts that have been taken hostage and interpreted in a wrong way,” he said. As part of those efforts, Issa said he was also working with other faiths. After the Lebanese Maronite patriarch made a historic visit to Riyadh last week, Issa visited religious officials at Paris’ landmark Notre Dame Cathedral, but also Paris’ Grand Synagogue. “We have a common objective to end hatred,” he said. “The Muslim World League really believes that we can accomplish that, and religions are very influential in doing that.” Source: – Reuters
  7. My father would be the 911, people would call him first,’ says Sheikh Osman Barre’s daughter A much loved cleric in Edmonton’s Somali community is being remembered as an inspiring leader who helped countless people across Canada and in Somalia. Sheikh Osman Barre, 71, died unexpectedly this week. On Friday, an estimated 2,500 women, men and youth packed Al Rashid Mosque during Friday prayer to pay their respects. “He was an amazing father and role model,” said his daughter, Saida Barre, 31. “It’s amazing what he’s done and who he was and how he left — it touches all of our hearts.” “He helped so many people along the way. This was his life. And I was so happy to see all the people who came to show respect and appreciation for my father,” she added. Connection to community ran deep for Barre. He officiated at weddings and prepared funerals. He supported refugee families and households in crisis. “My father would be the 911, people would call him first,” said Saida, the second youngest of six children. Taught youth, counselled young inmates Barre’s work with youth stretches back decades. He taught Islamic studies in Edmonton, and previously in British Columbia and Ottawa. He counselled young inmates and helped them reintegrate. Overseas, people with disabilities received wheelchairs and deaf children went to school, thanks to Barre’s efforts. More recently, the grandfather of six began building a school for orphans in Qardho, Puntland, near the village where he grew up. “I feel like he’s left something for us,” Saida Barre said. “Going forward we want to be able to dedicate this to our father.” Al Rashid Mosque overflowed Friday with all those who came to honour Sheikh Osman Barre. Family members are not the only ones inspired to continue his legacy. Community advocate Habiba Abdulle connected with Barre through work supporting young offenders. “He gave a lot of youth empowerment,” Abdulle said. “He was the person people turned to when they are in the dark.” The list of praise for her mentor and friend is lengthy and heartfelt: wise, generous and humble. He approached situations with an open heart and mind and found solutions to problems, she said. “He was a person that everybody went to,” Abdulle said. “He would just give you his absolute attention and words of encouragement.” It was that kind of encouragement that gave Abdulle the strength to keep going when she sought Barre’s guidance through tough times. He reminded her to stay positive, and that helping others makes you strong. “When you are strong, they’re going to be strong as well,” she recalled him saying. Barre discovered his own strength early on. He grew up poor in a small village near Bosaso, Puntland. Losing his father young, he was raised by a blind mother who was “such a fighter,” Saida Osman said. As a teenager, Barre’s mother instilled in him the value of education, but more importantly that faith comes first before anything. “That’s what saved him,” his daughter said. The future hurdles would be many: civil war, immigrating to a new country. Undeterred, Barre pursued a bachelor of arts in Islamic Studies, and then later his masters degree. “He has been exposed to so many things in his life, but he’s always kept such a positive spirit.” Saida said, recalling a home filled with books, and the wisdom he passed on to them. Money was tight, but there was always enough to help someone in need. “He would always remind us of how blessed we are and how the little things we had growing up were enough,” she said. “Because the love that we got from my father, as well as my mother, was enough.” On Friday, as community members prepared to lay to rest Sheikh Osman Barre, it wasn’t hard to spot evidence of his life’s work blooming in the next generation. “He was someone you could look up to,” Amein Kassim, 15, said of his former mo’alin, which means “teacher” in Somali. “He would always be there for you.” It’s a example Kassim, who plans to study criminal law, is keen to continue. “We can continue his legacy by making the right decisions and not making mistakes that he taught us not to, and chose the right path and put forth our education,” he said Source: CBC NEWS
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan khaas ah oo dhexmaray Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid salka ku hayay dilkii allaha u naxariistee Wasiirkii hore Howlaha Guud Cabaas Sheekh Cabdullaahi Ziraaji. Xildhibaanada ayaa sheegay in kulanka ay cadaalad ugu raadinayeen Marxuum Siraaji oo kiiskiisa u muuqda mid ay dowlada Somalia is ilowsiisay. Xildhibaanada oo aad u careysnaa ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweynaha ay kala hadleen sidii Caddaaladda loo marsiin lahaa Askarigii ka dambeeyay dilka Cabaas oo aan weli lagu fulin waxa uu sharciga qabo. Xildhibaan Xuseen Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanadii la kulmay Farmaajo ayaa sheegay in kulankii ay la qaateen Madaxweynaha uu ahaa mid uu hareereeyay buuq iyo isfahan’waa. Waxa uu Xildhibaanka sheegay in fashil iyo natiijo xumo uu kusoo dhamaaday, kulankii saacadaha badan qaatay, waxa uuna sheegay in Farmaajo ay kala kulmeen natiijo aan macquul aheyn. Sidoo kale, Xildhibaan Xuseen waxa uu tilmaamay in gacan ku dhiiglaha dilay Wasiirkii hore Cabaas Siraaji ay ku hubsan doonaan sharciga inta ka horeysana ay sii wadi doonaan kulamada. Xildhibaanka oo ka hadlaayay kulanka waxa uu yiri ”Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo 50 kii xildhibaan ee cadaalad raadintii Marxuum Cabaas Siraaji, wuxuu ku soo dhamaadey Natiijo xumo” Waxa uu intaa raaciyay ”Wuu sii socon doonaa kulanka inta aan meel uga soo hubsano askarigii ka danbeeyay dilka Siraaji, Madaxda ugu sareysana kama aqbali doono inay indhaha ka qabsadaan xaqiiqda”
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa culimada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay dadka ugu wacyi-geliyaan howlaha qaranka “Culamadeennu waa ku mahadsan yihiin howsha ay qabteen, in ay dadka ku baraarujinayaan qof walba oo Soomaali ah in uu istaago uu diintiisa difaacdo, maxaa yeelay dadkan waan ognahay in aysan aheyn dad Islaam ah, Islaamku ma ogola dad aan waxba galabsan in la xasuuqo, Islaamku ma ogola in lala laayo dad shacab ah, islaamku waa diin wanaagsan, oo nabadeed, waa diin hor-umar, waa diin xadaarad leh, waa diin dul-qaad badan, micnaheedu waxa ay tahay in culamadeennu u istaageen in ay dadka u sharxaan, dadkaasi waxaa ay u dagaalaayaan ineysan aheyn Diin” Madaxweynaha ayaa sabtidii, waxaa uu ka qeyb galay xaflad lagu furay tababar Booliis oo loo furay dhalinyaro, la dagaallama sida uu sheegay nabad-diidka, dufcadanna ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee ka soo jawaabay kadib baaq uu jeediyay qaraxii October 14. “Waxaad tihiin dufcaddii ugu horaysay ee dhallinyaro ah oo ka jawaabay baaqaygii, una istaagay in ay naftooda u huraan dalkooda. Waxaad tihiin mustaqbalka Soomaaliya, Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhallinyaradiisa.” Goobjoog News Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay kulamo aan caadi aheyn oo magaalada Nairobi ku dhexmaray isaga iyo Hogaamiyaha Galmudug Xaaf. Sheekh Shaakir waxa uu sheegay in kulanka ay wada qaaten Xaaf uu ahaa mid isfahan kusoo dhamaaday isla markaana ay sugayaan kulan kale oo dhawaan wada qaadan doonaan Galmudug. Sheekh Maxamed Shaakir, oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa intaa ku daray in kulanka xiga uu ka dhici doono magaalada Jabuuti kaa oo lagu dhameystiri doono kulanka hadda ka dhacay Nairobi. Waxa uu Sheekh Shaakir xaqiijiyay in ay diyaar u yihiin inay la heshiiyaan Galmudug, isla markaana gobolada dhexe laga dhiso maamul mid ah oo hal Hogaamiye yeelan doona. Waxa uu tilmaamay in ay jiraan shaqsiyaad caqabad ku ah Galmudug iyo Ahlusunna wadahadalkooda, sidaa aawgeedna ay u aqbaleen heshiis ay la galaan maamulka Galmudug kaa oo lagu dhisi doono maamul mideysan. ”Galmudug waan isaga soo dhawaanay halkii aan horay kala taagneyn, waxaan rajeyneynaa in kulanka soo socda ee ka dhici doona Jabuuti uu noqon doono mid lagu gaaro xal dhameystiran” ”Waxaan u digeynaa kuwa caqabada ku ah heshiiska Galmudug iyo Ahlusuna, waxaan leenahay heshiis ayaa dhacay ee u qaata sida aad doontaan oo xumaan iyo wanaagba leh” Sidoo kale, waxa uu heshiiska hordhaca ah uga mahadceliyay Urur goboleedka IGAD oo garwadeen ka ah wadahadalada maamulka Galmudug iyo Ahlusunna. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Ajaaniib looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab. Ajaaniibtan ayaa waxaa lagu qabtay howlgal ay ciidamada maamulka ka fuliyeen degaanka Garacad ee Gobolka Mudug. Ajaaniibta looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay yihiin Seddex kuwaa oo xiliga la qabanaayay ku guda jiray howlo gaar ah. Ajaaniibta la qabtay ayaa waxaa horboodaayay nin Somali ah kaa oo lagu qabtay howlgal khaasa oo ka dhacay magaalo Xeebeedka Garacad ee Maamulka Puntland. Saraakiisha hogaamineysay ciidamada ayaa xaqiijiyay inay hayaan macluumaad kaamil ah oo muujinaaya in Ajaaniibtan ay howlaha gaarka ah u fuliyaan maleeshiyaadka Alshabaab. Saraakiisha ayaa sheegtay in sharciga la horgeynaayo Ajaaniibta si loogu abaalmariyo waxa kasoo baxa baaritaanka ay mari doonaan. “Saddexdaan qof waa ajaaniib waxaa ku jira mid Soomaali ah, waxaan uga Shakisanahay in ay yihiin Al-shabaab ama ay la shaqeeyaan baaritaan ayaan ku wadnaa oo wixii ka soo baxa Saxaafadda waan la wadaagi doonaa” Maamulka Puntland ayaa ciidamo farabadan geysay magaalada Garacad ee Gobolka Mudug kadib markii ay sheegeen in ay heleen xog muujineysa in Al-shabaab ay doonayaan in ay isku fidiyaan magaalo Xeebeedka Garacad oo ay weeraro ka soo qaadaan. Dhinaca kale, waxaa qeybo kamid ah Puntland galay maleeshiyaad hor leh oo ka tirsan Alshabaab kuwaa oo doonaaya in falal amni darro ay ka geystaan deegaanada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Sida ay sheegayaan saraakiil xagga amniga ah, Kenyaan badan oo ka tirsanaa xarakada Al-shabaab ayaa u cararaya dhanka xadka Kenya kadib duqeyn ay ciidamada Mareykanka halkaasi ka fuliyeen. Kooxaha Kenyaanka ah ayaa lagu eedeeyay in ay u basaasaan Mareykanka si uu u deeqo goobaha ay ku sugan yihiin xarakada Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya. Sarkaal la hadlay The Star, Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay ciidamo badan geysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya si loo qabto kooxaha soo galaya dalkooda. Talaadadii hore, in ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay duqeyn ay Mareykanka ka fuliyeen degaan 125 mile ka xiga waqooyi galbeed magaalada Muqdisho. Qoraal ay soo saartay dowladda Soomaaliya arbacadii, waxaa lagu sheegay in Muqdisho codsatay duqeyntaasi, sidaasi waxaa sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Yarisow. Goobjoog News Source
  13. Ra’iisulwasaaraha Lebanon Sacad Al Xariiri ayaa sheegay inuusan aqbali doonin go’aamada ururka Xisbullahi ee taabanaya ama saameynaya amniga dowladaha carbeed. Bayaanka uu soo saaray Xariiri ma uusan ku cadeynin dowladaha uu ula jeedo in Xisbullahi faraha kala baxayaan amnigooda. Ra’iisulwasaare Xariiri ayaa ku dhawaaqay is casilaadiisa 4 November isaga oo ku sugan magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudiga, waxaana cirka isku shareeray xiisadda ka dhexdhalatay Iran iyo Sacuudiga. Xisbullahi waxaa uu xiriir soke la leeyahay Iran, waxaa uu ka dagaallamaa Suuriya, waxaa uu dhanka kale neceb yahay Sacuudiga. Goobjoog News Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyay amaanka deegaanada maamulka Puntland, gaar ahaan xarumaha maamulka ee ku yaalla magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo. Waddooyinka iyo Xarumaha maamulka ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo dheeri ka ah kuwii horay uga howlgali jiray kadib markii ay soo baxeen digniino dhanka amaanka ah. Galitaanka xarumaha qaarkood ayaa aad loo adkeeyay waxaana lasoo sheegayaa in xarumaha qaar laga mamnuucay galitaanka qof aan la baarin, sababo la xiriira dhanka amaanka. Adkeynta amaanka ayaa la sheegay inay timid kadib markii Saraakiisha maamulka ay heleen macluumaad muujinaaya in maleeshiyaad badan oo ka tirsan al-Shabaab ay gudaha u galeen qeybo kamid ah Buuraha Goolis. Maleeshiyaadkan gudaha u galay Puntland ayaa la xaqiijiyay inay ka baxsadeen weerarada ay diyaaradaha Mareykanka ka geystaan Gobolada Somalia, waxaana aad looga cabsi qabaa in maleeshiyada ay geystaan falal amni darro. Sidoo kale, maleeshiyaadka qaar ayaa la tilmaamay inay ku howlan yihiin sal ballaarsi, iyadoo deegaano ka dhigtay Xeebaha maamulka iyo dhulalka Howdka ah. Geesta kale, talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Dowlada Kenya qudheeda ay walaac ka muujisay firxadka al-Shabaabka ka baxsaday duqeymaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusii kordhaaya dilalka bareerka ah oo ay geysanayaan ciidamada dowlada ee ilaalada u ah Mas’uuliyiinta iyo kuwa ka howlgala Koontaroolada. Ciidamada dilalka ugu badan geysta ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwa la socda Wasiirada, Xildhibaanada iyo kuwa wata gaadiidka Cabdi-bilayaasha ee isticmaala waddooyinka mashquulka badan ee Muqdisho. Ciidamadan dilalka bareerka ah geysta ayaa isku daya in waddooyinka saxmada ah ay ku isticmaalan awood iyo rasaas wada socda. Ciidamadan ayaan u kala soocneyn mas’uuliyiinta wata gaadiidka Raaxada iyo kuwa shacabka waxaana xusid mudan in gudaha sanadkan magaalada Muqdisho ay ka dhaceen kiisaska 24 dil oo bareer ah. Dilalka ugu badan ayaa ka dhaca wadada Makka Al-Mukarama oo si wada jira ay u isticmaalan Mas’uuliyiinta, Saraakiisha, Ciidamada iyo Dadka Shacabka ka. Xiliyada qaar ayaa waxaa dhaca in ciidamo ka tirsan dowlada gaar ahaan kuwa amaanka lagu hor dilo dad shacab ah oo wata gaadiid raaxa, waxaana xaqiiq ah in ciidamadaasi ay qaadan talaabo. Geesta kale, Dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka ayaan ka hadal dhacdooyinkan kusii kordhaaya magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa ka hadlay tacadiga ka dhanka ah bini-aadamka gaar ahaan dumarka, xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabad qayb ka ah maalmaha Ololaha Tacadiga ka dhanka ah Jinsiga. Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu tilmaamay in ruuxii dhibaateeya qof dumar ah la marsiin doono Ciqaab adag oo uusan waligiis kasoo kabsan. “Kolay dadku isku caqli iyo fikir maaha, falka marka la gaysanayo Jinbaa ka adeeganaya qofka,” ayuu yiri Camey oo hadalkiisa kusii daray, “Meel kasta oo uu aado iyo waqti kasta oo uu gaaro in ruuxii tacadi gaysta gacanta lagusoo dhigi doono.” Camey ayaa sheegay in dowladda Puntland dedaal ku bixin doonto sidii wax looga qaban lahaa dhibaataynta dumarka, isagoo carrabka ku dhuftay isku day Kufsi oo dhawaan ku kacay askari katirsanaa ciidamada Puntland, kaasoo lagu qabtay meel u dhow Kismayo. Askarigan ayuu si gaar ah tusaale ugu soo qaatay isagoo tilmaamay in lagu ridi doono xabsi uu ku dhammaysan doono Cimrigiisa inta ka dhiman. “Kan ugu dambeeyay Baadiyaa lagasoo qabtay markii uu fakaday, meelna uu hamili waayay, waxaan dareemayaa howshu sidii ay u adkayd baa loo adkeeyay, gacantana waa lagusoo dhigay,” ayuu yiri Madaxweynuhu oo wacad ku maray in Askarigan lagu ciqaabi doono xabsi adag. “Meel aanu waligiis kasoo bixin oo dadku wuxuu gaaraa xilli uusan nafsad hayn oo yiraahdo inta ugu hartay waan ku tukanayaa, ilaa uu heerkaa gaarana kasoo bixi maayo Jeelka,” ayuu yiri Camey oo tacsi u diray Fa’iisa oo ah gabadha uu dhibaateeyay Askarigu. Xukunada lagu rido dambiilayaasha gaysta tacadiyada noocaan oo kala ayaa intooda badan ku soo dhamaada wadahadal qabaa’ilka wax kala gaareen dhexmara iyadoo kadib beelahaas Madaxda Dowlada cadaadis ku saara in qofkii dhibka gaystey la sii daayo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  17. Minneapolis City Council Member Abdi Warsame’s home was broken into this week while he and his family were out of town. Nothing of value was taken from the home, according to a police report, but Warsame said his mail had been rifled through. The burglary happened between Monday morning and Thursday evening, when Warsame and his wife returned from a short trip and discovered that someone had broken in through the back door of his home in the Cedar-Riverside neighborhood. “It’s been traumatic for my family,” he said in a statement. “I plan to work with our police department to get to the bottom of what occurred and to determine if this was a burglary or if there were any other motivations involved.” Warsame won re-election in the Sixth Ward on Election Day, defeating his opponent, Mohamud Noor, by 239 votes. Noor has asked for a recount, which will take place on Tuesday. Source: Star Tribune
  18. By M.A. Egge The newly elected Head of State has warned that he is going to fight against corruption, mal-administration and vices that taint good governance even if it means losing allies. The President-elect H.E. Musa Bihi Abdi who is also the KULMIYE ruling party chairman gave the cautionary sentiments yesterday at the party’s hall when he met the presidential campaign team. He was quite categorical on being against mal-administration and underpinned his fight against corruption which he depicted as one that would be relentless. “The mother in the rural areas wants water, health and education services as per tax collections” he said. He lamented that the tax payers are dismayed that corruption was rife and that they paid their dues reluctantly. In a speech that will be taken happily country-wide, the President elect has shown that he is going to fight against vices that few leaders, if any, talk about. He noted that since the buck stops at his desk at last, he will thus not accept any cronies who perpetuate mal-practices in his administration. The President-elect was convictional that the practices of appeasing a single community at the expense of another were a by-gone. He said that he understood the fact that for nation-hood to take root it was pre-requisite that all patriots at all levels should understand the essence of justice and equality. He warned that any way-ward leaders who expect favours at the expense of diligence should know that they would be at the wrong place. The newly elected President who is expected to be inaugurated by the end of the second week of December was bold, open, candid and frank in a speech that has been un-precedent, by any leader before being sworn in, to set issues straight. Given this speech and the one H.E. Musa Bihi gave upon being declared a winner, Somalilanders have had their morale pepped quite vigorously. He thanked his campaign teams and urged them to maintain the tempo and keep the rapport with the populace in place.
  19. The President-elected H.E. Muse Bihi Abdi who is supposed to take over the reins of the country’s stewardship upon his inauguration by the 14th of December 2017 has affirmed his conviction of strengthening the ages-old Somaliland-UK bilateral ties. H.E. Musa Bihi stated his pledge when he received the British ambassador to Somaliland and Somalia David Concar and his counterpart who is charged with Somaliland desk Mrs. Osie Tapper when they paid him a courtesy call at his office yesterday. The new President was flanked by KULMIYE’s first and second deputy chairmen Messrs Mohammed Kahin and Ahmed Abdi Dhere. Ambassador Concar who said he carried the UK government’s congratulatory message to the newly elected Head of State reiterated his nation’s support of the historical ties the two countries had for a long time. The ambassador said that they hoped for closer working relations with the new president such that the long ties may be fortified. He elaborated that the British government prioritized the stepping up of aid and grants to Somaliland in the sectors of development and also the cementing the bilateral relations between the peoples of both nations. The diplomat also said that his country expected to see the SL-Somalia talks bear fruits hence hailed the Somaliland pacification efforts and hoped to see the country’s eastern region issues addressed to satisfaction. On his part the newly elected Head of State thanked the British government for their message of congratulations and reiterated his personal pledge to step up the ties between the two nations while at the same time maintaining the long historical relations.
  20. Africa’s first ever waste-to-energy plant is being built in Ethiopia. The Reppie facility, which is due to start operating in January 2018, will process 1,400 tons of waste every day – that’s roughly 80% of the city’s rubbish. It will supply the capital city of Addis Ababa with 30% of its household electricity needs and meet European standards on emissions. The project is a partnership between the Government of Ethiopia and a consortium of international companies – Singapore’s Cambridge Industries, China National Electric Engineering and Danish engineering firm Ramboll. Zerubabel Getachew, Ethiopia’s deputy permanent representative to the UN in Nairobi said: “The Reppie project is just one component of Ethiopia’s broader strategy to address pollution and embrace renewable energy across all sectors of the economy. “We hope Reppie will serve as a model for other countries in the region and around the world.” Energy Live
  21. With annual GDP growth of 100% since 2011, Somaliland economic profile is hugely based on the free market economy and livestock export that relies hugely on the stable climatic and political conditions. Recently, cyclic droughts decreased the number of livestock which excessively led to economic collapse. 1. Poverty and Chronic Disease Besides, poverty and chronic diseases threaten the lives of thousands of people living in urban areas. As a result, purchasing power of the individual economy decreased due to income inequality. Regarding to this, the analysis of a household and enterprise survey carried out by the World Bank and the ministry of planning and development in early 2013 indicates that the uneven distribution of wealth is a major challenge for Somaliland, according to the World Bank Country Director for Somalia, Bella Bird. 2. High Unemployment High unemployment absolutely raises questions that are unanswered by local economists as there are no strong institutions to serve both unemployed and underemployed peoples. As a result, there are no policies, procedures and laws that govern and authorize employment institutions which are favorable to employment conditions of newly graduates and overall unemployment rate of the country. 3. Resource Mismanagement Resource management of capital assets including human capital and natural capital are underestimated leaving untapped resources underutilized. Absences of technical and vocational institutions that drive industrial force are completely ineffective. The country demands to turn both renewable and nonrenewable energy to drive national and sustainable development plans and targets but unable to climb the stairs of development if resources are not regulated. Inflation Inflation has been the only prominent macroeconomic problem that most of the people are aware as there is no fixed exchange rate stabilizing the economy. This occurs because the country’s central bank has no regulatory function over the repetitive currency crisis during the last two decades. The dollarization of goods and services devaluates Somaliland shilling because the prices of goods are tagged in dollar. In a nutshell, the aforementioned macroeconomic ailments of poverty traps, high and persistent unemployment, resource mismanagement and inflation are currently worsening Somaliland economic background which if not diagnosed and treated early can lead to catastrophic and undesired outcomes that can jeopardize country’s path of development. Mohamed Rashid Hussein A leading Columnist, Humanitarian and Social Worker, Sustainable Development Practitioner Email: mohamedrashid402@gmail.com / + 252 63 4002027/ + 252 63 316 6739
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kula kulmay dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Jenaaral Kaahiye 600 oo dhallinyaro ah oo si mutadawacnimo ah ugu istaagay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab. Boqalaalka dhallinyarada ah ee uu la hadlay Madaxweynuhu waxa ay xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay in ay furimaha dagaalka ku weheliyaan Ciidanka Xoogga si ay uga qayb qaataan difaaca dalka iyaga oo u huraaya naftooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada sida ay uga dhiidhiyeen falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku hayaan Shacabka iyo Goa’aanka geesinimada ah ee ay u qaateen sidii ay qayb uga noqon lahaayeen difaaca dalka. “Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhalinyaro ah oo ka jawaaba baaqaygii, una istaagay in ay nafootada u huraan dalkooda, in ay u dhintaa diintooda, in ay difaacdaan dadkooda. Waxaad tihiin Mustaqbalka Soomaaliya. Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhalinyaradiisa.” Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta ay ku leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed horumarka dalka,isagoo sheegay in 70% boqolkiiba ay yihiin dhalinyaro,wuxuuna ku boorriyay dhallinyaradaasi in ay u istaagaan sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxda Alshabaab ee dhibaatada iyo gumaadka ku haysa shacabka Soomaaliyeed.
  23. Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo oo hawlo shaqo u jooga gobolka Sanaag ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 25 Nov 2017 magaalada Xingalool ka dhagax dhigay saldhiggii sadexaad ee gobolka sanaag laga dhagax dhigo. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa waxaa magaalada Xingalool kusoo dhoweeyey maamulka degmada Xingalool, saraakiil ka tirsan Booliska gobolka, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon -yahano iyo guud ahaan shacabka magaalada Xingalool, shacabka Magaaladaasi iyo weftiga Agaasimaha ayaa dhex lugeeyey shaaricyada waaweyn ee magaalada illaa ay ka gaadheen goobtii dhagax dhigga Saldhigga Booliska oo ahayd magaalada kooneheeda. Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo goobtii dhagax dhigga kahadlay ayaa shacabka magaaladaasi oo isku duuban uga mahadnaqay sida wanaagsan ee niyadsamida leh ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxaana uu tilmaamay in wax lagu farxo ay tahay in maanta saldhiggii sadexaad ee gobolka sanaag laga dhagax dhigo magaalada Xingalool. “Waxaa farxad ii ah inaan munaasibaddii sadexaad oo ah muddo sadex cisho gudahooda malaada Xingalool aan ku dhagax dhigno saldhiggii sadexaad ee gobolka Sanaag aan ka hirgelindoono, Magaalada Hadaaftimo iyo Damala-xagare ayaanu labadii saldhig ee hore kasoo dhagax dhignay dhammaanna magaalooyinkaasi waa kasocodaa dhismaha saldhigyadaasi, Xingaloolna Sidoo kale maantaan dhagax dhignay Insha Alla waxaan rajaynaynaa in iyana si lamida beri ay u bilaabaan dhismaha Saldhigga” ayuu yiri Agaasimuhu. “Dhismaha hirgelinta saldhigyadani waxay ahaayeen qorshe iyo Amar kayimid Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaas oo ahaa in todoba saldhig laga hirgeliyo gobolka iyo sadex ‘MCH’ taasina waxay timi kadib markuu baahida gobolka Sanaag wax badan ka ogaadey Madaxweynaha dawladda Puntland, maadaama gobolada xuduudda ay u yihiin Puntland laf-dhabarta koowaad ee difaaca shacabka Puntland” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland. Sidoo kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dawladda Puntland ayaa xusay in dhismayaasha saldhigyada laga hirgelinayo gobolka sanaag uu kayimid xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland, maadaama uu gobolku xuduudkuyaalo u jeedaduna ahayd in hawshaasi si degdega loo qabto, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay Agaasimuhu in isaga shaqadaasi uu usoo xilsaaray hirgelinteeda Madaxweynaha dawladda Puntland. Dhinaca kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa shacabka magaalada Xingalool iyo maamulkoodaba u xaqiijiyey in 13 Nov 2017 ay dhigeen waxqabad tariikhiya kaas oo ahaa ka hortaggii doorasho kusheeggii maamulka Soomaaliland, waxaana uu xusay in Madaxweynaha dawladda Puntland uu uga sido salaan kal iyo laaba, isla markaana waxa uu ku booriyey shacabka maagaladaasi inay isku duubnaadaan, isku talo noqdaan si ay horumar lataabankaro uga gaadhaan mustaqbalka mandaqaddooda. Dhinaca kale maamulka degmada Xingalool, waxgaradka iyo aqoon yahanka magaalada ee ka hadlay madasha dhagax dhigga ayaa ugu Mahad celiyey Madaxweynaha dawladda Puntland iyo weftiga soo gaadheyba hirgelinta Saldhigga laga dhisayo magaaladooda, isla mar’ahantaana waxa ay tilmaameen in uu wax badan ka taridoono xasiloonida, nabadda iyo kala danbaynta degmada. Guddoomiya Gobolka Sanaag, Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka ayaa dhankooda si wada jira u xusay in dawladda Puntland wax qabad lataaban karo ka fulisey guud ahaan gobolka Sanaag Gaar ahaan degmada Xinlgalool, isla markaana uu Saldhigga Booliska ee maanta laga dhagax dhigay degmada uu yahay horumar usoo kordhay, wax badanna ay kaga faa’iidaysan doonaan.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa si faahfaahsan uga hadlay go’aan ay dhawaan si wada jira usoo saaren Madaxda Qaranka iyo Hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada ka jira dalka. Hogaamiye Waare, ayaa sheegay in go’aankaasi uu yahay mid u baahan fulin isla markaana wax laga weydiin doono dowlada Somalia. Hogaamiye Waare, ayaa sheegay in DFS looga fadhiyo fulinta qodobadii lagu heshiiyay shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Waare waxa uu tilmaamay in qodobadii kasoo baxay shirkii dhawaan dhexmaray Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Goboleedyada uu ka mid ahaa in laga waddatashto hindise sharciyeedyada xukuumaddu soo gudbiso ka hor inta aan la horgeyn baarlamaanka Somalia. Waxa uu intaa raaciyay in mar haddii la qaatay nidaamka federaalka la doonaayo in loogu dhaqmo si dhab ah ama sida uu hadalka u dhigay leyskaba daayo nidaamkan. ”Anagu waxaan ballan ku lahayn in Hindise sharciyeedyada la horkeenayo BFS wadatashi laga sameeyo, iyadoo la is tusay muhiimad ay leedahay, wixii shirkeenii ka dambeeyay waxaa baarlamaanka la horkeenay hidise sharciyeedyo, waxaan rajeyneynaa in sidii ballanta ahayd nalagala tashado sharciyadaasi, la tashigaasina aan fikradeenna iyo dareenkeenna ku biirinno” ”Haddii dowlada Somalia aysan ka dhabeyn karin qodobada lagu heshiiyay waxaan ka dalbaneynaa inay cadeysato mowqifkeeda oo aysan ku dheelin heshiiska dhacay” Geesta kale, Hogaamiyaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa guddoomiye ku-xigeen ka ah golle ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada dalka dhisan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Kenyan recruits have fled Somalia following sustained US airstrikes against al Shabaab terrorists, military sources confirmed on Friday. The recruits have been accused of spying for the US Central Intelligence Agency and others targeting the militants’ camps in Somalia. Joseph Kanyiri, director of the Boni Enclave Campaign, said some of those running away are part of the Jaysh Ayman elite squad, made up of many Kenyans. Kanyiri noted a multi-agency team has scaled up security along the border with Somalia to deal with armed fighters. On Tuesday, more than 100 militants were killed on a camp 125 miles northwest of Mogadishu. “We are aware the condition in Somalia is not conducive for them and that they have decided to flee to the country. We urge them to surrender to authorities,” he told The Star on Friday. Somalia’s government said on Wednesday it had requested the airstrike which killed suspected militants to help pave the way for an upcoming ground offensive against al Shabaab. “Those militants were preparing explosives and attacks. Operations against al Shabaab have been stepped up,” Abdirahman Omar Oman, the Somali minister, told Reuters. “We have asked the US to help us from the air to make our readied ground offensive more successful.” Kanyiri said operations to flush al Shabaab out of Boni Forest have also affected their operations in Somalia as much destruction has taken place. He said the operations that include airstrikes and cordons to trap the terrorists have seen security agents achieve 80 per cent of their security target. More than 300 members of the al Qaeda-linked group have operated from the forest since 2012. They retreat to it after attacking civilians and police officers. Sources in the military further say intelligence agencies have managed to infiltrate the al Shabaab network and have averted most of their attacks. They are also assisting the United States with its operations. In March 2016, more than 150 fighters were killed in airstrikes by the US. But the terror group has retaliated. In January 2016, it executed three Kenyans accused of spying for the CIA and other agencies in Somalia. Early this year, Kenyans Yusuf Hassan and Ahmed Nur were executed by al Shabaab’s firing squad in Buq Aqable, Hiran region. The fate of others remains unknown. Source: – Thestar