-
Content Count
213,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan khaas ah oo dhexmaray Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid salka ku hayay dilkii allaha u naxariistee Wasiirkii hore Howlaha Guud Cabaas Sheekh Cabdullaahi Ziraaji. Xildhibaanada ayaa sheegay in kulanka ay cadaalad ugu raadinayeen Marxuum Siraaji oo kiiskiisa u muuqda mid ay dowlada Somalia is ilowsiisay. Xildhibaanada oo aad u careysnaa ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweynaha ay kala hadleen sidii Caddaaladda loo marsiin lahaa Askarigii ka dambeeyay dilka Cabaas oo aan weli lagu fulin waxa uu sharciga qabo. Xildhibaan Xuseen Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanadii la kulmay Farmaajo ayaa sheegay in kulankii ay la qaateen Madaxweynaha uu ahaa mid uu hareereeyay buuq iyo isfahan’waa. Waxa uu Xildhibaanka sheegay in fashil iyo natiijo xumo uu kusoo dhamaaday, kulankii saacadaha badan qaatay, waxa uuna sheegay in Farmaajo ay kala kulmeen natiijo aan macquul aheyn. Sidoo kale, Xildhibaan Xuseen waxa uu tilmaamay in gacan ku dhiiglaha dilay Wasiirkii hore Cabaas Siraaji ay ku hubsan doonaan sharciga inta ka horeysana ay sii wadi doonaan kulamada. Xildhibaanka oo ka hadlaayay kulanka waxa uu yiri ”Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo 50 kii xildhibaan ee cadaalad raadintii Marxuum Cabaas Siraaji, wuxuu ku soo dhamaadey Natiijo xumo” Waxa uu intaa raaciyay ”Wuu sii socon doonaa kulanka inta aan meel uga soo hubsano askarigii ka danbeeyay dilka Siraaji, Madaxda ugu sareysana kama aqbali doono inay indhaha ka qabsadaan xaqiiqda”
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa culimada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay dadka ugu wacyi-geliyaan howlaha qaranka “Culamadeennu waa ku mahadsan yihiin howsha ay qabteen, in ay dadka ku baraarujinayaan qof walba oo Soomaali ah in uu istaago uu diintiisa difaacdo, maxaa yeelay dadkan waan ognahay in aysan aheyn dad Islaam ah, Islaamku ma ogola dad aan waxba galabsan in la xasuuqo, Islaamku ma ogola in lala laayo dad shacab ah, islaamku waa diin wanaagsan, oo nabadeed, waa diin hor-umar, waa diin xadaarad leh, waa diin dul-qaad badan, micnaheedu waxa ay tahay in culamadeennu u istaageen in ay dadka u sharxaan, dadkaasi waxaa ay u dagaalaayaan ineysan aheyn Diin” Madaxweynaha ayaa sabtidii, waxaa uu ka qeyb galay xaflad lagu furay tababar Booliis oo loo furay dhalinyaro, la dagaallama sida uu sheegay nabad-diidka, dufcadanna ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee ka soo jawaabay kadib baaq uu jeediyay qaraxii October 14. “Waxaad tihiin dufcaddii ugu horaysay ee dhallinyaro ah oo ka jawaabay baaqaygii, una istaagay in ay naftooda u huraan dalkooda. Waxaad tihiin mustaqbalka Soomaaliya, Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhallinyaradiisa.” Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay kulamo aan caadi aheyn oo magaalada Nairobi ku dhexmaray isaga iyo Hogaamiyaha Galmudug Xaaf. Sheekh Shaakir waxa uu sheegay in kulanka ay wada qaaten Xaaf uu ahaa mid isfahan kusoo dhamaaday isla markaana ay sugayaan kulan kale oo dhawaan wada qaadan doonaan Galmudug. Sheekh Maxamed Shaakir, oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa intaa ku daray in kulanka xiga uu ka dhici doono magaalada Jabuuti kaa oo lagu dhameystiri doono kulanka hadda ka dhacay Nairobi. Waxa uu Sheekh Shaakir xaqiijiyay in ay diyaar u yihiin inay la heshiiyaan Galmudug, isla markaana gobolada dhexe laga dhiso maamul mid ah oo hal Hogaamiye yeelan doona. Waxa uu tilmaamay in ay jiraan shaqsiyaad caqabad ku ah Galmudug iyo Ahlusunna wadahadalkooda, sidaa aawgeedna ay u aqbaleen heshiis ay la galaan maamulka Galmudug kaa oo lagu dhisi doono maamul mideysan. ”Galmudug waan isaga soo dhawaanay halkii aan horay kala taagneyn, waxaan rajeyneynaa in kulanka soo socda ee ka dhici doona Jabuuti uu noqon doono mid lagu gaaro xal dhameystiran” ”Waxaan u digeynaa kuwa caqabada ku ah heshiiska Galmudug iyo Ahlusuna, waxaan leenahay heshiis ayaa dhacay ee u qaata sida aad doontaan oo xumaan iyo wanaagba leh” Sidoo kale, waxa uu heshiiska hordhaca ah uga mahadceliyay Urur goboleedka IGAD oo garwadeen ka ah wadahadalada maamulka Galmudug iyo Ahlusunna. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Ajaaniib looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab. Ajaaniibtan ayaa waxaa lagu qabtay howlgal ay ciidamada maamulka ka fuliyeen degaanka Garacad ee Gobolka Mudug. Ajaaniibta looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay yihiin Seddex kuwaa oo xiliga la qabanaayay ku guda jiray howlo gaar ah. Ajaaniibta la qabtay ayaa waxaa horboodaayay nin Somali ah kaa oo lagu qabtay howlgal khaasa oo ka dhacay magaalo Xeebeedka Garacad ee Maamulka Puntland. Saraakiisha hogaamineysay ciidamada ayaa xaqiijiyay inay hayaan macluumaad kaamil ah oo muujinaaya in Ajaaniibtan ay howlaha gaarka ah u fuliyaan maleeshiyaadka Alshabaab. Saraakiisha ayaa sheegtay in sharciga la horgeynaayo Ajaaniibta si loogu abaalmariyo waxa kasoo baxa baaritaanka ay mari doonaan. “Saddexdaan qof waa ajaaniib waxaa ku jira mid Soomaali ah, waxaan uga Shakisanahay in ay yihiin Al-shabaab ama ay la shaqeeyaan baaritaan ayaan ku wadnaa oo wixii ka soo baxa Saxaafadda waan la wadaagi doonaa” Maamulka Puntland ayaa ciidamo farabadan geysay magaalada Garacad ee Gobolka Mudug kadib markii ay sheegeen in ay heleen xog muujineysa in Al-shabaab ay doonayaan in ay isku fidiyaan magaalo Xeebeedka Garacad oo ay weeraro ka soo qaadaan. Dhinaca kale, waxaa qeybo kamid ah Puntland galay maleeshiyaad hor leh oo ka tirsan Alshabaab kuwaa oo doonaaya in falal amni darro ay ka geystaan deegaanada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sida ay sheegayaan saraakiil xagga amniga ah, Kenyaan badan oo ka tirsanaa xarakada Al-shabaab ayaa u cararaya dhanka xadka Kenya kadib duqeyn ay ciidamada Mareykanka halkaasi ka fuliyeen. Kooxaha Kenyaanka ah ayaa lagu eedeeyay in ay u basaasaan Mareykanka si uu u deeqo goobaha ay ku sugan yihiin xarakada Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya. Sarkaal la hadlay The Star, Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay ciidamo badan geysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya si loo qabto kooxaha soo galaya dalkooda. Talaadadii hore, in ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay duqeyn ay Mareykanka ka fuliyeen degaan 125 mile ka xiga waqooyi galbeed magaalada Muqdisho. Qoraal ay soo saartay dowladda Soomaaliya arbacadii, waxaa lagu sheegay in Muqdisho codsatay duqeyntaasi, sidaasi waxaa sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Yarisow. Goobjoog News Source
-
Ra’iisulwasaaraha Lebanon Sacad Al Xariiri ayaa sheegay inuusan aqbali doonin go’aamada ururka Xisbullahi ee taabanaya ama saameynaya amniga dowladaha carbeed. Bayaanka uu soo saaray Xariiri ma uusan ku cadeynin dowladaha uu ula jeedo in Xisbullahi faraha kala baxayaan amnigooda. Ra’iisulwasaare Xariiri ayaa ku dhawaaqay is casilaadiisa 4 November isaga oo ku sugan magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudiga, waxaana cirka isku shareeray xiisadda ka dhexdhalatay Iran iyo Sacuudiga. Xisbullahi waxaa uu xiriir soke la leeyahay Iran, waxaa uu ka dagaallamaa Suuriya, waxaa uu dhanka kale neceb yahay Sacuudiga. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyay amaanka deegaanada maamulka Puntland, gaar ahaan xarumaha maamulka ee ku yaalla magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo. Waddooyinka iyo Xarumaha maamulka ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo dheeri ka ah kuwii horay uga howlgali jiray kadib markii ay soo baxeen digniino dhanka amaanka ah. Galitaanka xarumaha qaarkood ayaa aad loo adkeeyay waxaana lasoo sheegayaa in xarumaha qaar laga mamnuucay galitaanka qof aan la baarin, sababo la xiriira dhanka amaanka. Adkeynta amaanka ayaa la sheegay inay timid kadib markii Saraakiisha maamulka ay heleen macluumaad muujinaaya in maleeshiyaad badan oo ka tirsan al-Shabaab ay gudaha u galeen qeybo kamid ah Buuraha Goolis. Maleeshiyaadkan gudaha u galay Puntland ayaa la xaqiijiyay inay ka baxsadeen weerarada ay diyaaradaha Mareykanka ka geystaan Gobolada Somalia, waxaana aad looga cabsi qabaa in maleeshiyada ay geystaan falal amni darro. Sidoo kale, maleeshiyaadka qaar ayaa la tilmaamay inay ku howlan yihiin sal ballaarsi, iyadoo deegaano ka dhigtay Xeebaha maamulka iyo dhulalka Howdka ah. Geesta kale, talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Dowlada Kenya qudheeda ay walaac ka muujisay firxadka al-Shabaabka ka baxsaday duqeymaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusii kordhaaya dilalka bareerka ah oo ay geysanayaan ciidamada dowlada ee ilaalada u ah Mas’uuliyiinta iyo kuwa ka howlgala Koontaroolada. Ciidamada dilalka ugu badan geysta ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwa la socda Wasiirada, Xildhibaanada iyo kuwa wata gaadiidka Cabdi-bilayaasha ee isticmaala waddooyinka mashquulka badan ee Muqdisho. Ciidamadan dilalka bareerka ah geysta ayaa isku daya in waddooyinka saxmada ah ay ku isticmaalan awood iyo rasaas wada socda. Ciidamadan ayaan u kala soocneyn mas’uuliyiinta wata gaadiidka Raaxada iyo kuwa shacabka waxaana xusid mudan in gudaha sanadkan magaalada Muqdisho ay ka dhaceen kiisaska 24 dil oo bareer ah. Dilalka ugu badan ayaa ka dhaca wadada Makka Al-Mukarama oo si wada jira ay u isticmaalan Mas’uuliyiinta, Saraakiisha, Ciidamada iyo Dadka Shacabka ka. Xiliyada qaar ayaa waxaa dhaca in ciidamo ka tirsan dowlada gaar ahaan kuwa amaanka lagu hor dilo dad shacab ah oo wata gaadiid raaxa, waxaana xaqiiq ah in ciidamadaasi ay qaadan talaabo. Geesta kale, Dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka ayaan ka hadal dhacdooyinkan kusii kordhaaya magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa ka hadlay tacadiga ka dhanka ah bini-aadamka gaar ahaan dumarka, xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabad qayb ka ah maalmaha Ololaha Tacadiga ka dhanka ah Jinsiga. Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu tilmaamay in ruuxii dhibaateeya qof dumar ah la marsiin doono Ciqaab adag oo uusan waligiis kasoo kabsan. “Kolay dadku isku caqli iyo fikir maaha, falka marka la gaysanayo Jinbaa ka adeeganaya qofka,” ayuu yiri Camey oo hadalkiisa kusii daray, “Meel kasta oo uu aado iyo waqti kasta oo uu gaaro in ruuxii tacadi gaysta gacanta lagusoo dhigi doono.” Camey ayaa sheegay in dowladda Puntland dedaal ku bixin doonto sidii wax looga qaban lahaa dhibaataynta dumarka, isagoo carrabka ku dhuftay isku day Kufsi oo dhawaan ku kacay askari katirsanaa ciidamada Puntland, kaasoo lagu qabtay meel u dhow Kismayo. Askarigan ayuu si gaar ah tusaale ugu soo qaatay isagoo tilmaamay in lagu ridi doono xabsi uu ku dhammaysan doono Cimrigiisa inta ka dhiman. “Kan ugu dambeeyay Baadiyaa lagasoo qabtay markii uu fakaday, meelna uu hamili waayay, waxaan dareemayaa howshu sidii ay u adkayd baa loo adkeeyay, gacantana waa lagusoo dhigay,” ayuu yiri Madaxweynuhu oo wacad ku maray in Askarigan lagu ciqaabi doono xabsi adag. “Meel aanu waligiis kasoo bixin oo dadku wuxuu gaaraa xilli uusan nafsad hayn oo yiraahdo inta ugu hartay waan ku tukanayaa, ilaa uu heerkaa gaarana kasoo bixi maayo Jeelka,” ayuu yiri Camey oo tacsi u diray Fa’iisa oo ah gabadha uu dhibaateeyay Askarigu. Xukunada lagu rido dambiilayaasha gaysta tacadiyada noocaan oo kala ayaa intooda badan ku soo dhamaada wadahadal qabaa’ilka wax kala gaareen dhexmara iyadoo kadib beelahaas Madaxda Dowlada cadaadis ku saara in qofkii dhibka gaystey la sii daayo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Minneapolis City Council Member Abdi Warsame’s home was broken into this week while he and his family were out of town. Nothing of value was taken from the home, according to a police report, but Warsame said his mail had been rifled through. The burglary happened between Monday morning and Thursday evening, when Warsame and his wife returned from a short trip and discovered that someone had broken in through the back door of his home in the Cedar-Riverside neighborhood. “It’s been traumatic for my family,” he said in a statement. “I plan to work with our police department to get to the bottom of what occurred and to determine if this was a burglary or if there were any other motivations involved.” Warsame won re-election in the Sixth Ward on Election Day, defeating his opponent, Mohamud Noor, by 239 votes. Noor has asked for a recount, which will take place on Tuesday. Source: Star Tribune
-
By M.A. Egge The newly elected Head of State has warned that he is going to fight against corruption, mal-administration and vices that taint good governance even if it means losing allies. The President-elect H.E. Musa Bihi Abdi who is also the KULMIYE ruling party chairman gave the cautionary sentiments yesterday at the party’s hall when he met the presidential campaign team. He was quite categorical on being against mal-administration and underpinned his fight against corruption which he depicted as one that would be relentless. “The mother in the rural areas wants water, health and education services as per tax collections” he said. He lamented that the tax payers are dismayed that corruption was rife and that they paid their dues reluctantly. In a speech that will be taken happily country-wide, the President elect has shown that he is going to fight against vices that few leaders, if any, talk about. He noted that since the buck stops at his desk at last, he will thus not accept any cronies who perpetuate mal-practices in his administration. The President-elect was convictional that the practices of appeasing a single community at the expense of another were a by-gone. He said that he understood the fact that for nation-hood to take root it was pre-requisite that all patriots at all levels should understand the essence of justice and equality. He warned that any way-ward leaders who expect favours at the expense of diligence should know that they would be at the wrong place. The newly elected President who is expected to be inaugurated by the end of the second week of December was bold, open, candid and frank in a speech that has been un-precedent, by any leader before being sworn in, to set issues straight. Given this speech and the one H.E. Musa Bihi gave upon being declared a winner, Somalilanders have had their morale pepped quite vigorously. He thanked his campaign teams and urged them to maintain the tempo and keep the rapport with the populace in place.
-
The President-elected H.E. Muse Bihi Abdi who is supposed to take over the reins of the country’s stewardship upon his inauguration by the 14th of December 2017 has affirmed his conviction of strengthening the ages-old Somaliland-UK bilateral ties. H.E. Musa Bihi stated his pledge when he received the British ambassador to Somaliland and Somalia David Concar and his counterpart who is charged with Somaliland desk Mrs. Osie Tapper when they paid him a courtesy call at his office yesterday. The new President was flanked by KULMIYE’s first and second deputy chairmen Messrs Mohammed Kahin and Ahmed Abdi Dhere. Ambassador Concar who said he carried the UK government’s congratulatory message to the newly elected Head of State reiterated his nation’s support of the historical ties the two countries had for a long time. The ambassador said that they hoped for closer working relations with the new president such that the long ties may be fortified. He elaborated that the British government prioritized the stepping up of aid and grants to Somaliland in the sectors of development and also the cementing the bilateral relations between the peoples of both nations. The diplomat also said that his country expected to see the SL-Somalia talks bear fruits hence hailed the Somaliland pacification efforts and hoped to see the country’s eastern region issues addressed to satisfaction. On his part the newly elected Head of State thanked the British government for their message of congratulations and reiterated his personal pledge to step up the ties between the two nations while at the same time maintaining the long historical relations.
-
Africa’s first ever waste-to-energy plant is being built in Ethiopia. The Reppie facility, which is due to start operating in January 2018, will process 1,400 tons of waste every day – that’s roughly 80% of the city’s rubbish. It will supply the capital city of Addis Ababa with 30% of its household electricity needs and meet European standards on emissions. The project is a partnership between the Government of Ethiopia and a consortium of international companies – Singapore’s Cambridge Industries, China National Electric Engineering and Danish engineering firm Ramboll. Zerubabel Getachew, Ethiopia’s deputy permanent representative to the UN in Nairobi said: “The Reppie project is just one component of Ethiopia’s broader strategy to address pollution and embrace renewable energy across all sectors of the economy. “We hope Reppie will serve as a model for other countries in the region and around the world.” Energy Live
-
With annual GDP growth of 100% since 2011, Somaliland economic profile is hugely based on the free market economy and livestock export that relies hugely on the stable climatic and political conditions. Recently, cyclic droughts decreased the number of livestock which excessively led to economic collapse. 1. Poverty and Chronic Disease Besides, poverty and chronic diseases threaten the lives of thousands of people living in urban areas. As a result, purchasing power of the individual economy decreased due to income inequality. Regarding to this, the analysis of a household and enterprise survey carried out by the World Bank and the ministry of planning and development in early 2013 indicates that the uneven distribution of wealth is a major challenge for Somaliland, according to the World Bank Country Director for Somalia, Bella Bird. 2. High Unemployment High unemployment absolutely raises questions that are unanswered by local economists as there are no strong institutions to serve both unemployed and underemployed peoples. As a result, there are no policies, procedures and laws that govern and authorize employment institutions which are favorable to employment conditions of newly graduates and overall unemployment rate of the country. 3. Resource Mismanagement Resource management of capital assets including human capital and natural capital are underestimated leaving untapped resources underutilized. Absences of technical and vocational institutions that drive industrial force are completely ineffective. The country demands to turn both renewable and nonrenewable energy to drive national and sustainable development plans and targets but unable to climb the stairs of development if resources are not regulated. Inflation Inflation has been the only prominent macroeconomic problem that most of the people are aware as there is no fixed exchange rate stabilizing the economy. This occurs because the country’s central bank has no regulatory function over the repetitive currency crisis during the last two decades. The dollarization of goods and services devaluates Somaliland shilling because the prices of goods are tagged in dollar. In a nutshell, the aforementioned macroeconomic ailments of poverty traps, high and persistent unemployment, resource mismanagement and inflation are currently worsening Somaliland economic background which if not diagnosed and treated early can lead to catastrophic and undesired outcomes that can jeopardize country’s path of development. Mohamed Rashid Hussein A leading Columnist, Humanitarian and Social Worker, Sustainable Development Practitioner Email: mohamedrashid402@gmail.com / + 252 63 4002027/ + 252 63 316 6739
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kula kulmay dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Jenaaral Kaahiye 600 oo dhallinyaro ah oo si mutadawacnimo ah ugu istaagay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab. Boqalaalka dhallinyarada ah ee uu la hadlay Madaxweynuhu waxa ay xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay in ay furimaha dagaalka ku weheliyaan Ciidanka Xoogga si ay uga qayb qaataan difaaca dalka iyaga oo u huraaya naftooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada sida ay uga dhiidhiyeen falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku hayaan Shacabka iyo Goa’aanka geesinimada ah ee ay u qaateen sidii ay qayb uga noqon lahaayeen difaaca dalka. “Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhalinyaro ah oo ka jawaaba baaqaygii, una istaagay in ay nafootada u huraan dalkooda, in ay u dhintaa diintooda, in ay difaacdaan dadkooda. Waxaad tihiin Mustaqbalka Soomaaliya. Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhalinyaradiisa.” Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta ay ku leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed horumarka dalka,isagoo sheegay in 70% boqolkiiba ay yihiin dhalinyaro,wuxuuna ku boorriyay dhallinyaradaasi in ay u istaagaan sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxda Alshabaab ee dhibaatada iyo gumaadka ku haysa shacabka Soomaaliyeed.
-
Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo oo hawlo shaqo u jooga gobolka Sanaag ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 25 Nov 2017 magaalada Xingalool ka dhagax dhigay saldhiggii sadexaad ee gobolka sanaag laga dhagax dhigo. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa waxaa magaalada Xingalool kusoo dhoweeyey maamulka degmada Xingalool, saraakiil ka tirsan Booliska gobolka, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon -yahano iyo guud ahaan shacabka magaalada Xingalool, shacabka Magaaladaasi iyo weftiga Agaasimaha ayaa dhex lugeeyey shaaricyada waaweyn ee magaalada illaa ay ka gaadheen goobtii dhagax dhigga Saldhigga Booliska oo ahayd magaalada kooneheeda. Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo goobtii dhagax dhigga kahadlay ayaa shacabka magaaladaasi oo isku duuban uga mahadnaqay sida wanaagsan ee niyadsamida leh ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxaana uu tilmaamay in wax lagu farxo ay tahay in maanta saldhiggii sadexaad ee gobolka sanaag laga dhagax dhigo magaalada Xingalool. “Waxaa farxad ii ah inaan munaasibaddii sadexaad oo ah muddo sadex cisho gudahooda malaada Xingalool aan ku dhagax dhigno saldhiggii sadexaad ee gobolka Sanaag aan ka hirgelindoono, Magaalada Hadaaftimo iyo Damala-xagare ayaanu labadii saldhig ee hore kasoo dhagax dhignay dhammaanna magaalooyinkaasi waa kasocodaa dhismaha saldhigyadaasi, Xingaloolna Sidoo kale maantaan dhagax dhignay Insha Alla waxaan rajaynaynaa in iyana si lamida beri ay u bilaabaan dhismaha Saldhigga” ayuu yiri Agaasimuhu. “Dhismaha hirgelinta saldhigyadani waxay ahaayeen qorshe iyo Amar kayimid Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaas oo ahaa in todoba saldhig laga hirgeliyo gobolka iyo sadex ‘MCH’ taasina waxay timi kadib markuu baahida gobolka Sanaag wax badan ka ogaadey Madaxweynaha dawladda Puntland, maadaama gobolada xuduudda ay u yihiin Puntland laf-dhabarta koowaad ee difaaca shacabka Puntland” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland. Sidoo kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dawladda Puntland ayaa xusay in dhismayaasha saldhigyada laga hirgelinayo gobolka sanaag uu kayimid xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland, maadaama uu gobolku xuduudkuyaalo u jeedaduna ahayd in hawshaasi si degdega loo qabto, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay Agaasimuhu in isaga shaqadaasi uu usoo xilsaaray hirgelinteeda Madaxweynaha dawladda Puntland. Dhinaca kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa shacabka magaalada Xingalool iyo maamulkoodaba u xaqiijiyey in 13 Nov 2017 ay dhigeen waxqabad tariikhiya kaas oo ahaa ka hortaggii doorasho kusheeggii maamulka Soomaaliland, waxaana uu xusay in Madaxweynaha dawladda Puntland uu uga sido salaan kal iyo laaba, isla markaana waxa uu ku booriyey shacabka maagaladaasi inay isku duubnaadaan, isku talo noqdaan si ay horumar lataabankaro uga gaadhaan mustaqbalka mandaqaddooda. Dhinaca kale maamulka degmada Xingalool, waxgaradka iyo aqoon yahanka magaalada ee ka hadlay madasha dhagax dhigga ayaa ugu Mahad celiyey Madaxweynaha dawladda Puntland iyo weftiga soo gaadheyba hirgelinta Saldhigga laga dhisayo magaaladooda, isla mar’ahantaana waxa ay tilmaameen in uu wax badan ka taridoono xasiloonida, nabadda iyo kala danbaynta degmada. Guddoomiya Gobolka Sanaag, Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka ayaa dhankooda si wada jira u xusay in dawladda Puntland wax qabad lataaban karo ka fulisey guud ahaan gobolka Sanaag Gaar ahaan degmada Xinlgalool, isla markaana uu Saldhigga Booliska ee maanta laga dhagax dhigay degmada uu yahay horumar usoo kordhay, wax badanna ay kaga faa’iidaysan doonaan.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa si faahfaahsan uga hadlay go’aan ay dhawaan si wada jira usoo saaren Madaxda Qaranka iyo Hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada ka jira dalka. Hogaamiye Waare, ayaa sheegay in go’aankaasi uu yahay mid u baahan fulin isla markaana wax laga weydiin doono dowlada Somalia. Hogaamiye Waare, ayaa sheegay in DFS looga fadhiyo fulinta qodobadii lagu heshiiyay shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Waare waxa uu tilmaamay in qodobadii kasoo baxay shirkii dhawaan dhexmaray Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Goboleedyada uu ka mid ahaa in laga waddatashto hindise sharciyeedyada xukuumaddu soo gudbiso ka hor inta aan la horgeyn baarlamaanka Somalia. Waxa uu intaa raaciyay in mar haddii la qaatay nidaamka federaalka la doonaayo in loogu dhaqmo si dhab ah ama sida uu hadalka u dhigay leyskaba daayo nidaamkan. ”Anagu waxaan ballan ku lahayn in Hindise sharciyeedyada la horkeenayo BFS wadatashi laga sameeyo, iyadoo la is tusay muhiimad ay leedahay, wixii shirkeenii ka dambeeyay waxaa baarlamaanka la horkeenay hidise sharciyeedyo, waxaan rajeyneynaa in sidii ballanta ahayd nalagala tashado sharciyadaasi, la tashigaasina aan fikradeenna iyo dareenkeenna ku biirinno” ”Haddii dowlada Somalia aysan ka dhabeyn karin qodobada lagu heshiiyay waxaan ka dalbaneynaa inay cadeysato mowqifkeeda oo aysan ku dheelin heshiiska dhacay” Geesta kale, Hogaamiyaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa guddoomiye ku-xigeen ka ah golle ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada dalka dhisan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kenyan recruits have fled Somalia following sustained US airstrikes against al Shabaab terrorists, military sources confirmed on Friday. The recruits have been accused of spying for the US Central Intelligence Agency and others targeting the militants’ camps in Somalia. Joseph Kanyiri, director of the Boni Enclave Campaign, said some of those running away are part of the Jaysh Ayman elite squad, made up of many Kenyans. Kanyiri noted a multi-agency team has scaled up security along the border with Somalia to deal with armed fighters. On Tuesday, more than 100 militants were killed on a camp 125 miles northwest of Mogadishu. “We are aware the condition in Somalia is not conducive for them and that they have decided to flee to the country. We urge them to surrender to authorities,” he told The Star on Friday. Somalia’s government said on Wednesday it had requested the airstrike which killed suspected militants to help pave the way for an upcoming ground offensive against al Shabaab. “Those militants were preparing explosives and attacks. Operations against al Shabaab have been stepped up,” Abdirahman Omar Oman, the Somali minister, told Reuters. “We have asked the US to help us from the air to make our readied ground offensive more successful.” Kanyiri said operations to flush al Shabaab out of Boni Forest have also affected their operations in Somalia as much destruction has taken place. He said the operations that include airstrikes and cordons to trap the terrorists have seen security agents achieve 80 per cent of their security target. More than 300 members of the al Qaeda-linked group have operated from the forest since 2012. They retreat to it after attacking civilians and police officers. Sources in the military further say intelligence agencies have managed to infiltrate the al Shabaab network and have averted most of their attacks. They are also assisting the United States with its operations. In March 2016, more than 150 fighters were killed in airstrikes by the US. But the terror group has retaliated. In January 2016, it executed three Kenyans accused of spying for the CIA and other agencies in Somalia. Early this year, Kenyans Yusuf Hassan and Ahmed Nur were executed by al Shabaab’s firing squad in Buq Aqable, Hiran region. The fate of others remains unknown. Source: – Thestar
-
At least three soldiers were killed and several others were injured after a hand grenade bomb were hurled at SNA convoy passing near a restaurant in Afgooye town, 30km north of Somali capital Mogadishu, officials and residents said Saturday. The soldiers were on patrol in one of Afgooye’s suburbs when they came under the attack, according to local authorities in the area. Afgooye district commissioner, Abdinasir Alimow confirming the incident said Alshabaab hit the squad on Friday night attacking the soldiers during a patrol which led casualties. “The attack happened on Friday. Somali soldiers who were travelling in Land-Cruiser vehicle have been attacked with a hand grenade bomb, there are casualties,” said Alimow. Hassan Mohamed, a local journalist in Afgoye said three soldiers died in the explosion. “Unknown assailants hurled hand grenade bomb on a moving SNA vehicle, three soldiers died on the spot and several others were taken to the hospital with varying injuries,” Hassan confirmed. Alshabaab fighters have been carrying out attacks against government forces in recent weeks The group launched two deadly raids on SNA bases in Lower Jubba and Shabelle regions in the last two day. Alshabaab wants to impose its own radical brand of Islam on Somalia by deposing Somalia’s federal government.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in deegaanadeeda ay kusoo fool leeyihiin cutubyo ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab. Kenya ayaa tilmaantay in maleeshiyaadkaasi ay baxsad ka yihiin duqeymaha ay diyaaradaha Mareykanka ka geysanayaan Gobolada Somalia. Dowladu waxa ay sheegtay in ay jirto cabsi weyn, Maadaama maleeshiyaadka ay doonaayaan in ay kasoo baxaan Somalia , islamarkaana ay gudaha u galaan Kenya. Dowlada Kenya ayaa tilmaantay in walaaca ugu weyn uu yahay in maleeshiyaadka Alshabaab ay saldhig ka dhigtaan deegaano ka tirsan Kenya, maadaama ay ku jabeen Somalia. Saraakiisha ammaanka waxa ay sheegeen in ciidamo badan oo isugu jira Boolis iyo Milatariga ay doobeen xadka Somalia si ay uga hortaggaan in ay soo gudbaan dagaalyahanadaasi. Sidoo kale, Joseph Kanyiri oo ah Agaasimaha Hawlgalka Kenya ka wado Kaymaha Booni, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen bixitaankooda Soomaaliya todobaadkii lasoo dhaafay. Dhinaca kale, Dowlada Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday inay laba jibaareyso duqeymaha cirka ee lala eeganaayo Saldhigyada ay Shabaabka ku leeyihiin Gobolada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Onlin) – Marka laga reebo howlgalkooda Milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ciidamada AMISOM waxay tababaro iyo qalabeen u sameeyeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) iyadoo ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu wareejiyo goobaha laga xureeyo Al-Shabaab Kadib 18 Bilood oo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda wadeen weeraro xoog leh oo Al-Shabaab looga saaray magaalooyin badan sanadkii 2013 waxay weeraradaas noqdeen ugu dambeyn kuwa istaago waxayna arrintaas fursad siisay Ururka Al-Shabaab. Midkoodna AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya way awoodi waayeen inay Al-Shabaab ku qaadaan weeraro kale oo looga saarayo meelaha kale oo ay ku sugan yihiin taasoo Al-Shabab ku noqon laheyd qalqal iyo Cabsi isla markaasna waxay arrintaas keeni laheyd inay xasilooni ahaadaan goobaha horey looga qabsaday Al-Shabaab oo hadda ah difaacyo ciidan. Sanadihii ugu dambeeyey Dowladaha Taageero Soomaaliya ayaa kaalin weyn ka qaatay tababarada la siinayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana dowladaha sida weyn uga qeyb qaatay kamid ah: Midowga Yurub, Turkey, Imaaraadka Carabta, Mareykanka iyo Shirkadda amaanka ee sida gaarka ah loo leeyahay ee Bancroft Global. Inkastoo tababarkoodu uu ahaa mid qiimo leh, haddana caqbaha ugu weyn ee jira ayaa ah inaysan tababaradaan aheyn kuwa joogto ah isla markaasna aan loo marin jidkii saxnaa, waxayna arrintaas caqabad ku noqotay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya. Ciidamada dowladda ayaan heysan Qalab ciidan oo ku filan, sidoo kalana ma helaan tababar abaabulan oo lagu barayo Anshaxa ciidanimo iyo in lagu abuuro wadaniyad weyn si ay awood ugu helaan inay dalka ka xoreeyaan xagjiriinta Al-Shabaab. Ciidamada hadda u dhisan Soomaaliya ayaa ah Maleeshiyo u abaabulan ha beeleed, waxayna ka badan yihiin Kuwa loo diyaariyey hab Ciidan Qaran oo awood u lahaan lahaa inay amaanka kala wareegaan Ciidamada AMISOM. In dib loo helo Amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya waxay ku xiran tahay in la helo ciidamo Soomaaliyeed oo isugu jiro Militari iyo Boolis awood u leh inay hantaan amaanka Dalkooda, rajadaasna waxay aheyd mid mugi weyn ku jirto, inkastoo dhawaan magaalada Muqdisho laga furay Saldhig weyn oo ay leeyihiin Ciidamada Turkiga kaasoo lagu tababari doono Ciidamo Soomaaliyeed oo u dhisan qaab Qaran, waxayna dowladda Turkiga markiiba tababar siin doontaa 1,500 oo askari, waxaaa tababarkaas bixinayo 200 o tababarayaal u dhashay dalka Turkiga ah. Waxaa jirto rajo weyn oo laga leeyahay in Saldhiggaas laga soo saaro ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh kuwaas oo dalka ka xoreeyo Xarakada Al-Shabaab isla markaasma amaanka dalka la wareego marka Soomaaliya ay ka baxaan Ciidamada AMISOM. Soomaaliya waxaa weli saaran cuna qabateynta hubka ee Qaramada Midoobay kusoo rogtay, taasoo dowladda Soomaaliya u diideyso inay lasoo dagto hubka cul culus, waxaana kaliya loo ogol yahay inay helaan Ciidamada dowladda hubka fudud, Cuna qabateyntaas ayaan ah Caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya ka hor taagan inay gaarto isku filnaan, waxaana Al-Shabaab looga adkaan karaa kaliya inay Ciidamada Dowladda helaan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gawaarida gaashaaman. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
HARGEISA-— SL President-Elect, Col. Musa Bihi Abdi met with British Ambassador, David Concar here on Saturaday.The British envoy is accompanied by Ms. Rosie Tapper who is in charge of UK office to Somaliland. First of all, the UK delegation mission to Hargeisa was to pass British congratulatory message to the Kulmiye governing party’s landslide victory in the recently presidential election held on 13 Nov. UK envoy said that UK will continue their efficient cooperation in key areas of mutual interests such bolstering bilateral ties between UK, Somaliland and expanding the aid earmarked to SL. President Elect, Col. Musa Bihi and UK envoy to Somalia concurred to consolidate the existing bilateral UK-Somaliland cooperation. Somaliland the UK need to work together to further deepen the strategic mutual trust and co operational development have strong and enduring ties so as to deliver more to the two countries and the peoples. The UK envoy, David Concar has stressed during high level talks with president elect on the resumption of stalled talks between Somaliland & Somalia. He noted that the UK is hoping to see that the dialogue would deliver fruitful results where both sides would be satisfied. Finally, Mr. Concar has called on the president elect to further push the talks with Khatumo so as the dialogue would bear fruit.
-
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Djibouti Maxamed Cali Xumad oo maanta khudbad ka jeediyay aqalka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay socdaalka isaga iyo wafdigiisa ku joogan Soomaaliya “Magacayga, magaca wafdiga Djibouti ee ila socda waxaad iga guddoontaan salaan ku aadan sida naloo qaabilay, naloona marti-geliyay, waxaan xoojinayaa sida aan u garab-taagannahay shacabka Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay kaas oo qalbigeenna ku weyn, nagalana dhaxeeyo xiriir walaalnimo, oo qiimo badan oo taariikhiga ah, innaga waan idiinla jirnaa si walbo oo ay tahay, waxaan ilaahey ka baryaa in uu Jamhuuriyadda Soomaaliya ka qabto wax walbo oo dhib ah, hoggaan, shacab, dal, hana daa’imyo amniga iyo xasiloonida”. Dhinaca kale waxaa uu sheegay in uu halka u yimid in uu u hiilliyo shacabka Soomaaliyeed“Soomaaliya maanta waxaa ay mareysaa marxalad lagu farxo, oo rajo weyn ka qabno nabadeeda iyo hor-markeedaba, waxaan u nimid in aan shacabka Soomaaliyeed is-barbar taagno, waxaa u nimid in aan nabadda u hiillinno, waxaan u nimid midnimad iyo walaalnimo shacabka Soomaaliyeed taageerno” Ugu Dambeyntii waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in qof walba waajib ku tahay isbar-bartaagga dadaalka dowladda iyo in la keeni karo nabad haddii loo wada kaco dhammaan. Goobjoog News Source
-
Guriceel (Caasimadda Online) – Iyadoo Mareykanku joogteeyay weerarrada dhinaca cirka ah ee lagu beegsanayo saldhigyada Al-shabaab ee gobollada Koonfurta Soomaaliya, ayaa lagu waramayaa in qeybo badan oo ka mid ah gobollada dhexe soo gaaraan xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsanaya duqeynta diyaaradaha Mareykanka. Deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud maalmihii ugu danbeeyay waxaa lagu arkayay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ku hubeysan gadiidka dagaalka oo fariisimo cusub ka sameysanaya deegaannada ay ka maamulaan bartamaha Soomaaliya. Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug ay hadda isku aruursanayaan dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ay hayaan Xogtaas, waxaana ay xuseen in ay ka hortagi doonaan isbaabulka ay Al-shabaab ka wadaan Degaanada Galmudug. Maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa iyaguna sheegay in ay ka warhayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo soo gaaray deegaanno ku dhaw dhaw degmada, kuwaa oo ka yimid dhinaca gobollada Koonfurta Soomaaliya. Mahad Xasan Maxamed Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga Galmudug ayaa bulshada degan Gobolada Dhexe ku tilmaamay in ay ka qayb qaataan Dagaalada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab. Ciidamada ay diyaariyeen ayuu sheegay in aysan ku jirin ciidamo ajaanib ah sida kuwa Amisom ee Nabad illaalinta Soomaaliya u jooga. waxa uu intaa kusii daray in Galmudug aanan aqbaleyn marnaba in Deegaanadeeda ay ku gabbaad sadaan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay. Meellaha ugu darran ee diyaaradaha Mareykanku duqeynta la beegsanayaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo gobollada Jubbooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidanka badda maamulka Puntland ayaa dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kusoo qabqabtay howlgal ay ka sameeyeen xeebta Garacad ee gobolka Mudug. Guddoomiyaha deegaanka Garacad C/nuur C/laahi Xirsi oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ay ciidamada gacanta ku dhigeen Nin Soomaali ah iyo sidoo kale Saddex nin oo Ajnabi ah una dhashay dalka Yemen. Wuxuu sheegay guddoomiyaha in raggan ay u sheegeen in dooni ay ka shidaal beeshay, sidaasina ku yimaadeen xeebta Garacad, balse markii lasii baaray la waayey Doon ay wateen waa sida uu hadalka u dhigaye. “Raggan ajaaniibta ah waxa ay u dhasheen Yemen, waxaana ninka Soomaaliga ah ee la socdana uu kasoo jeedaa deegaannada Puntland, doon ayeey sheegeen iney ka shidaal goosatay, laakiinse markaan raadinay ma aan arag wax doon ah, hadana baaritaan ayaa lagu wadaa” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Garacad. Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah waxay ku daabushay 48-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamo badan oo la sheegay iney amniga xaqiijinayaan. Goobjoog News Source