Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. PENTAGON — U.S. Secretary of Defense Jim Mattis said Friday that he was optimistic about improving Somali accountability concerning the distribution of American aid to Somali armed forces, much of which was suspended because of corruption concerns. “I’m sure we can get this thing under control, even if it’s not for the whole, but for parts of it,” Mattis told reporters at the Pentagon. The suspension reflected the Somali military’s repeated inability to account for aid items, such as food, fuel and weapons. ‘Pause’ in assistance The massive “pause” in aid is being made “to ensure that U.S. assistance is being used effectively and for its intended purpose,” a State Department official said. It will “affect the majority of U.S. logistical support and stipends assistance” to the Somali armed forces “until additional transparency and accountability measures are in place,” Marion Wohlers, the spokesperson for African affairs at the State Department, told VOA. The Somali government has agreed to develop new accountability criteria that meet American standards, a State Department official said. Mattis said changing a “culture of corruption” takes time, adding that Somalia had “finally got a president worth supporting.” FILE – Members of the Somali military perform a defensive drill after attending a commando training exercise in Mogadishu, Jan. 20, 2016. “We have a good relationship with President [Mohamed Abdullahi] Farmajo and his administration, but as you know, he inherited a very difficult situation,” Mattis said. Some assistance to continue Somali security force members who are actively fighting al-Shabab and receiving some form of mentorship from either the U.S. or a third party will continue to receive appropriate assistance, officials said. According to documents obtained by the Reuters news agency, the Somali military has been unable to properly feed, pay or equip its soldiers, despite having received hundreds of millions of dollars of American support. A U.S.-Somali team sent to nine Somali army bases between May and June of this year found that evidence of the arrival of food aid or its consumption by soldiers was present at only two of the bases, Reuters reported. Plans to suspend the support will be a “big setback” to the effort by Somali security forces to fight al-Shabab, warned former Somali Defense Minister General Abdulkadir Ali Dini. Dini, who worked closely with American officials in Somalia for many years, first as chief of the Somali national army and later as defense minister, said the decision did not come at the right time. “If the United States suspends food, fuel and stipends, that will hamper the war and work against the enemy and terrorists,” he said. “It does not help these operations, and it damages morale.” VOA
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hubka Kooxaha Xuutiyiinta ay helaan oo la sheegay in Xeebaha Soomaaliya loosoo Mariyo. Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobe ayaa laga soo xigtay Khamiistii Todobaadkii tagay in Hubka Dowladda Iiraan ay siiso Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay usoo mariyo dhanka Xeebta. Nikki Haley oo ah Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in Gantaalada ay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ka ridayaan Yemen kuna Tuurayaan Sacuudiga ay kamid tihiin Gantaaladii Iiraan ee Xeebta usoo Marsiisay. Xukuumadda Washington ayee sheegtay Nikki in aysan aqbali doonin in Dowladda Iiraan ay Gantaalo u gacan galiso Maleeshiyaadka Xuutiyiinta iyo waxa ay ugu yeertay Argagixisada. Bishii November ayee sheegtay in Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee Yemen ku sugan ay ridaan Gantaalo Riddo Dheer. Xukuumadda Washington ayaa aaminsan in Kooxda Nasrullaah ee Lubnaan ka dhisan ay ku xirmi karaan Xuutiyiinta, wadadaasine ay wado Xukuumadda Tahraan. Iiraan Ayaa wajaheysa Eedeemo ah in ay hubeyneyso Dhinacyada ku sugan Dalalka Syria iyo Ciraaq, iyadoona Qaab tahriib ah hubka ugu geyso. Tahriibinta Hubka ee Kooxda Xuutiyiinta ayee ku sheegtay in dhanka Xeebaha loosoo mariyo sida ay hadalka u dhigtay. Hubka loo wado Yemen ayaa la sheegay in aanan si toos ah loo gelin, balse loosoo mariyo Xeebaha Soomaaliya si looga dhigo badeeco Soomaaliya u socota, kadibne loo leexiyo Yemen sida Sawir lasoo bandhigay ka muuqata. Ciidamada Faransiiska ayaa 15-kii November gacanta ku dhigay Dooni hub usoo watay Soomaaliya, waxayna sheegeen in hubkaasi Kuuriyada Waqooyi ay kasoo iibsatay Iiraan, kadibne soomaaliya loosoo qaaday sida sheegeen Ciidamada Faransiiska. Isha: Mustaqbal Radio Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Iiraan oo la sheegay in Hubka ay u waddo Xuutiyiinta ay usoo Mariso Xeebaha Soomaaliya. appeared first on Caasimada Online.
  3. Washington (Caasimadda Online) – Wasiirka Gaashaandhigga dalka Maraykanka Jim Mattis ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababaha Maraykanku ay u xanibeen kaalmada ay siin jireen ciidanka Soomaliya. Wasiirku waxa uu sheegay in tallaabadani ay muujinayso musuq maasuq baahsan oo ka dhex jirey hoggaanka Ciidanka Soomaaliyeed kaas oo muddo dheer soo socday, haatanna uu maraykanku kalsooni weyn ku qabo in la soo afjari doono arrinkan wiiqay dib u soo kabashada ciidanka. Wasiirka Gaashaanhigga Maraykanka waxa uu bogaadiyey dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax kaga qabanayso musuq maasuqa baahsanaa ee ka jira ciidanka. “Xiriir wanaagsan ayaa la leenahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guud ahaan dowladda Federaalka, xaqiiqdii tallaabooyin muuqda ayey u qaadeen la dagaallanka musuq maasuqa, waxaanse og-soonnahay in ay wakhti u baahantahay sidii ay mira-dhal u yeelan lahaayeen dadaaladaasi.” Mr. Jim Mattis waxa uu tilmaamay in talabada lagu hakiyey gar-gaarka ciidamada Soomaaliya ay ka dhalatay siyaasadihii gurucnaa ee uu dhaxlay Farmaajo. “ Waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay heshay Madaxweyne mudan in la garab istaago, balse sida aan ogsoonnahay waxa uu dhaxlay xaalad aad u adag.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka. Dhanka kale, waxaa kor loo qaaday tiradii ciidamada Maraykanka ee joogay Soomaaliya oo haatan gaaraya 500 oo askari kuwaas oo tababar iyo tayeyna u wada ciidanka xoogga dalka, waana tiro sida uu sheegay Xafiiska Maraykanka ee Afrika “Africom” aad uga badan tirooyinkii horay u joogay Soomaaliya. AFRICOM waxa ay sheegtay in Madaxda Soomaaliya ee haatan talada haysa ay yihiin kuwo ay ka go’antahay in ay dalka ka hir geliyaan nabad dhammaystiran isla markaasna ay ka go’antaahy Maraykanka in ay arrinkan ku garab siiyaan, laba laabaan dadaalka ay ugu jiraan xasilinta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiirka Difaaca Maraykanka “ Waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay heshay Madaxweyne mudan in la garab istaago, balse…” appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Goordhow soo xiraya kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa la xiray wadooyinka Soo gala xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho halkaasi oo la soo dhoobay ciidamo aad u fabadan oo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa qudbad uu kaga hadlayo xaaladaha dalka u jeedin doono Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa gali doono Fasax ilaa 3 Bilood ah iyada oo dib uu u furmi doono Kafdhiga Baarlamaanka Bisha March ee Sanadka 2018-ka. inta uu socday Kalfadhigaan 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanadu waxa ay meel mariyeen hindise sharciyeed kala duwan. Kalfadhiga Sadaxaad ee soo socdo Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalo hindise sharciyeedyo kale oo Baarlamaanka loo soo gudbiyay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Soo Xiraya Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  5. As Somaliland’s fifth President was sworn in to power, the international community applauded the democratic elections and peaceful transition of power in the self-declared sovereign country of Somaliland, this week. During the presidential inauguration ceremony at the National Palace, dignitaries from the European Union (EU) and other European countries along with leaders from neighboring countries such as Ethiopia attended the event and applauded Somaliland for its peaceful transition of power. Held in the early morning of December 13, 2017, the inauguration ceremony also attracted thousands of Somalilanders from all walks of life. “We congratulate Somaliland for conducting a peaceful, democratic and inclusive election,” EU Ambassador to Somali Veronique Lorenzo said. The presidential election, which is the third of its kind in the self-proclaimed Somaliland since 2003, brought Muse Bihi Abdi to power, who replaced Mohamed Silaanyo. Both men were (the incumbent and the president elect) were from Kulimye, a major political party in Somaliland. Somaliland claimed its independence in 1991 from the then Somali Republic. The 69 year old president from Isaaq clan is expected to lead his country to more economic growth and political inclusiveness. Muse Bahi, before reaching to such heights, was a commanding officer for the Somali National Movement, a rebel groups during the war to overthrow President Siad Barre in the 1980s. During such crucial time, Ethiopia under the Derg regime used to support the rebel group as a way of weakening the Barre government. Few historical accounts also show that Barre’s government was supporting and assisting the then rebel fighters in Ethiopia. Bahi was also an interior minister, representing his party Kulmiye in the 1990s. The ruling party Kulmiye was praised for archiving stability and economic growth. Yet, it was also under the scrutiny by commentators of a widespread Corruption as well as for running clan politics. Since 2017, there was a fighting with Khaatumo separatist, near the Ethiopian border. He is now the fifth president of the country, (with the population estimated to be no less than 3.5 million where 70 percent is under 30 years of age. “You have healing to do,” Ambassador Lorenzo said, while speaking at the inauguration. Dragging Somaliland out of the economic depreciation, poverty and security problems as well as, getting recognition from the international community will be the next assignments of Abdi. Following the direct election, Somaliland is expected to hold its parliamentary election in 2019. As far as the political make up is concerned, the Parliament has 82 seats and there is also called house of elders also known as Guurt. Currently, the economy of Somaliland is highly dependent on livestock export which makes up 30 percent of the GDP. Diaspora funds and insignificant contribution from the Port of Berbera are also – to a small extent – part of the macro-economy of the country. In addition, charity from Gulf countries, particularly Kuwait and Turkey, is evident. The country exports livestock, hides, and fishes to Gulf States. The Reporter
  6. In what is seen as major inroads made in Somaliland’s cultural sector, the Music In Africa Foundation (MIAF) is proud to announce that a music training workshop and performance programme under the auspices of the Music In Africa Connects (MIAConnects) project was successfully implemented in the self-declared state’s capital, Hargeisa, in mid-October. The focus instrument during the workshop was the oud in relation to traditional Somali music. The MIAF partnered with the Hargeisa-based Redsea Cultural Foundation (RCF) earlier this year to support both established and upcoming music professionals in a region where the dictatorial regime of Mohamed Siad Barre between 1969 and 1991 led to a devastating civil war that saw all art forms, including audio recordings, looted and demolished. Various cultural players in the autonomous state, such as the RCF, are now shoring up the cultural sector by holding various activities that are often frowned upon by religious clerics and large sectors of Somaliland’s society. The MIAF recently learnt that efforts to reignite the music sector in Somaliland through its MIAConnects music development project, which operates in seven African countries affected by conflict, had materialised in a workshop at the Hargeysa Cultural Centre, where the RCF has also built a facility equipped with the required gear to produce music recordings. As a starting point for future activities of a similar kind, the workshop covered topics relating to the basic understanding of music, RCF president Jama Musse Jama told Music In Africa. The focus instrument during the workshop was the oud in relation to traditional Somali music, with music expert and former Iftin Band member Abdi Mohamed Jama, who is also the director of the Department of Culture at the Somaliland Ministry of Information, facilitating the training of 13 beneficiaries. Jama Musse Jama said the 13 were subjected to three days of theory classes while various other artists were invited to perform alongside the students as part of their practical training. The invited artists then held a performance on the last day of the workshop when the participants were tested on their piano skills, with seven of the trainees passing the syllabus and attaining certificates. The top performer was Ismail Abdillahi who got a 100% test score. He was followed by Hamda Abdiwahab (90%), Hamdi Ali (85%), Ciise Muuse (60%), Rooble Mohamed (60%), Muna Abdirahman (50%) and Yasin Yusuf (50%). “There is a general complexity to talk about and promote music classes in Somaliland,” Jama Musse Jama said after the conclusion of the workshop. “Society is not yet ready to welcome these kinds of activities, and in particular major resistance arises when young female artist are among the trainees. “This issue has become even more prominent in recent times with cities in Somaliland, including Burao, where instrumental and traditional music has been banned at all public events including festive occasions such as weddings.” Apart from turning its attention to music development in Somaliland, the RCF is best known for organising the Hargeysa International Book Fair, which is regarded as the main cultural even in Somaliland. The annual event brings together writers, poets and artists from around the world to share and discuss their art, culture and literary productions with the audience. This year, the book fair celebrated 10 years of existence and aptly chose the theme Connectivity in line with the MIAConnects project. It also featured the band Xiddigaha Geeska (Horn of Africa Stars), which performed to a capacity audience of 4 500 people. The band’s show was broadcast live on two major Somali television channels and streamed on social media where it enjoyed unprecedented viewership numbers. The RCF is also in the process of producing a music booklet of Somali music that will contain five traditional songs. The booklet is expected to be published sometime next year. About MIAConnects MIAConnects is a multi-faceted music development initiative aiming to support the music sectors of African countries affected by conflict. The project is implemented by the Music In Africa Foundation together with partners in seven focus countries, namely Chad, Mali, Niger, Nigeria (North), Somalia, South Sudan and Sudan. It is supported by the German Federal Foreign Office and Siemens Stiftung. Music Africa
  7. Waxaa galabta abaaro 3:30 Xiliga Muqdisho lagu wadaa in garoonka Koonis Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir ay ka dhacdo ciyaar xiiso badan oo u dhaxeeyso Ciyaartooyda Jubbaland iyo Gal-Mudug. Ciyaartaan oo ah mid Xiiso badan Ayaa Haddii Gal-mudug laga badiyaa ama xitaa Bar Baro lagaliyaa waxa ay ka hareeysaa Tartanka Maamul Goboleedyada. Dhanka kale Kooxda Jubbaland ayaa heeysata fursad waxaana ay ku soo baxdaa Badis ama Bar Baro si ay Semi Finalka ugu gudubto. Taageerayaasha Jubbaland iyo Gal-Mudug ayaa hadda isku diyaarinaya sidii ay u tagi lahaayeen Garoonka islamarkaasina ciyaartaasi goobjoog uga noqon lahaayeen. Koonfur Galbeed oo ku soo baxday Groupka B ayaa waji doonto Midkood Jubbaland ama Gal-Mudug tii soo Baxdo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciyaartooyda Jubbaland iyo Gal-Mudug oo Ciyaar Xiiso Badan ku Dhexmari Doonto Koonis appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed C/weli Jaamac Gorod ayaa maanta oo Sabti ah waxay ku guuleysteen iney dib u furaan waddooyin muhiim ah oo ku xirmay dagaalladii ka dhacay Gaalkacyo. Mas’uuliyiin kale oo ka socotay Puntland, Galmudug iyo saraakiil ciidan ayaa qeyb ka ahaa qorshaha maanta lagu furay waddooyinkaan. Waxaa la qaaday dhammaan dhagaxyadii lagu jaray waddooyinkaan, waxaana la isku raacay in shacabka ay si nabad ah ku isticmaalaan. Madaxweyne Xaaf ayaa Gaalkacyo ka waday maalmahan olole ballaaran oo lagu soo celinayo nabadda Gaalkacyo, laguna furayo waddooyinkan. Waddooyinka maanta la furay waxay muhiim u yihiin isku socodka dadweynaha, iyadoo sidoo kale la filayo in la dhameeyo wax walbo oo horey loogu dagaallamay. Halkaan hoose ka daawo sawirada: Goobjoog News Source
  9. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa dhawaan heshiis ku kala saxiixday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Qodobada ugu muhiimsanaa heshiiskaas ayaa waxaa kamid ahaa in Maamulka Galmudug uu ku shaqeeyo magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug. Sidoo kalana waxa lagu heshiiyey in Sheekh Maxamed Shaakir la siiyo xilka Ra’isulwasaaraha Galmudug. Haddaba qiimaha Dhulalka banaan iyo sidoo kale guryaha dhisan ee degmada Dhuusamareeb ayaa maraya meeshii ugu qaalisaneyd ebed, iyadoo qiimaha noqday mid aan weli horey loo arag. Waxaa degmada Dhuusamareeb ku yaacay dad aad ubadan, maadaama ay Galmudug usoo guureyso, ayna tahay caasimadda saxda ah ee Galmudug. Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay in guryahan hadda la siisanayo qiimo ku Saddex jibaarma sidii hore, gaar ahaan bishii ugu dambeysay. Dhanka kale, degmada Cadaado oo hadda ka guurayo maamulka Galmudug ayaa waxaa aad usoo raqiisay qiimaha dhulalka banaan iyo kuwa dhisan la kala siisto, sababtuna waxay tahay dadkii Galmudug xilalka ka hayey iyo kuwii dhowaan gatay ayaa bilaabay iney iska iibiyaan. Beesha Reer Xaaji Saleebaan oo muddo si kumeel gaar ah u hayey Caasimadda Galmudug ayaa si rasmi ah uga hor imaaday heshiiskaas, waxayna Cadaado weli ku qanacsan tahay inay sii ahaato Caasimadda Galmudug. Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Cadaado ayaa soo saaray war murtiyeed ay uga hor imaadeen heshiiskii Ahlu Sunna iyo Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guryaha Dhuusamareeb oo qaali noqday iyo Kuwa Cadaado oo raqiis isku bedalay appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Aadan Tiicey ayaa ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Biljamka muddo dhan 4 sano iyo labo bilood, waxa uuna sheegay intii uu xirnaa in marba kiis lagu raadinaye, balse aanan suurta gelin. Kiisaska lagu heystay ayuu ku sheegay in uusan mid sugan maadaama marka kiis lagu dayaye in dusha laga saaro, waxaana kamid ah:- in lagu eedeenaye ku lug luhaanshiyaha Burcad badeed afduubatay Markab Biljamka laga leeyahay iyo kuwo kale. Waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay sharciga Xukuumadda Brussels ee ay ku wajahday, kiisaska kala duwan ayuu sheegay in ay isku dayeen in ay ku raadiyaan afar sano iyo labo bilood oo uu ku xirnaa dalkaasi. Maxkamadaha dalkaasi ee heerarka kala duwan ee dacwooyinka ayuu sheegay in marwaliba la hor geyn jiray Cadeeyo aanan xaqiiqadeeda dhaafsaneen Gudaha Biljamka, Laakiin dib loogu soo celinaye. Wadada u furan ayuu sheegay in ay tahay in uu Maxkamad la tiigsado Dowladda Biljamka oo isagu xirtay uuna ka dooonayo Magdhaw si dib ugu soo celiyo dhaawacyadii gaartay sharaftiisa Muddadii uu xirnaa sida uu hadalka u dhigay. Maxamed Aadan Tiicey oo muddo afar sano iyo libood ah xirnaa waxaa tan iyo xiligaasi socday waan waan lagu sii deynayo, waxa uuna la socday Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo horay u sheegay in uu kaga baxay Kooxaha Burcad badeeda oo hogaamiye u ahaa. Tiiceey ayaa wajahay kiis la xiriira in Xiriiir shaqeyd ay lahaayeen Kooxaha Burcad badeeda, gaar ahaan Burcad Afduubatay Markab iyo Muwaadiniin Biljamka u dhalatay, inkastoo jiritaanka warkaasi uu u muuqda mid meesha ka baxaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Tiiceey “Sharciga ayaan la tiigsanaa dadkii aan u xirnaa Afar sano iyo Labo Bilood” appeared first on Caasimada Online.
  11. Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) ayaa Afar sano kadib waxaa laga soo daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya, kadib markii ay maxkamad ku xukuntay 27 sano oo xabsi ah. Dedaal badan oo ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in lagu soo daayo wariyahan iyo sidoo kale muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed. Boqorka bartamaha ayaa ehladiisa kusoo wargeliyey inuu hadda yahay xor, islamarkaana maalmaha nagu soo aadan kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho. “Waxaan buuxiyey foomkii sii deynta, waxaan joogaa qeybta socdaalka ee Itoobiya, waxaan sugayaa madaxda safaaradda, waxaan aad ugu mahadcelinayaa madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre oo ku dedaalay inaan xor noqdo” ayuu yiri Wariye Boqorka Bartamaha. Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa mudadii ay dalka maamuleysay waxay ku guuleystay in dowladda Itoobiya kasoo deyso maxaabiis badan oo Soomaaliyeed, sidoo kalena waxay dhowaan dowladda lasoo wareegtay maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla jasiiradda Seychelles . Goobjoog News Source
  12. Gaalkacyo (Puntlandi) Taliyaha Ciidanka xoogga Cabdiwali Jaamac Gorod, madaxweynaha Galmudug iyo masuuliyiin ka socotay dowladda Puntland, ayaa maanta ku guuleystay in ay furaan wadooyinkii ku xirmay dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. Furitaanka wadooyinkaan ayaa yimid ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo ay ka socdeen kulamo iyo shirar nabadayn ah oo ay hormuud u ahaayeen taliyaha ciidanka xoogga General Gorod iyo taliyaha ciidamada difaaca Puntland General Siciid Dheere. Wadooyinka maanta la furay ayaa ah kuwo muhiim u ah isku socodka dadka iyo sidoo kale Gaadiidka, waxayna wadooyinku ahaayeen kuwo dhinaca Galmudug laga xiray. DAAWO SAWIRRADA. Puntlandi.com
  13. Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay magaalada Muqdisho uu ka socday ololaha saxiixa Mooshin laga waday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa uu iminka u muuqdaa mid hakaday, kaddib caqabado is biirsaday oo soo wajahay. Dhowr arrimood ayaa sabab u ah inuu mooshinkan hakado, kaddib markii caqabado ay soo wajaheen, waxaana ugu weyn xirnaanshaha kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, iyadoo Kooxda waday Mooshinkan ay doonayaan inay geeyaan ka hor inta aanu xirmin kulamada Baarlamaanka. Arrinta koowaad ayaa lagu tilmaamay isku day Kooxda Mooshinka waday ku doonayeen inay kaga dhaadhiciyaan Guddoonka Golaha shacabka inuu dib u dhigo xilliga la soo xirayo kalfadhiga oo ku beegan maanta oo 16-ka bisha December tahay, isla markaana muddo 10 maalmood dib loo dhigo. si ay ugu suurta gasho in mooshinkooda oo diyaar ah ay u geeyaan. Tan labaad ayaa ah in kala fur-furid uu ku bilowday Xildhibaanada mooshinka saxiixay, kuwaasoo laga war helay tiradooda, waxaana maalmo ka hor ka laabtay mooshinkii uu saxiixay Xildhibaan C/llaahi Shaacir, taasoo keentay in kooxdii mooshinka waday ay dareemaan culeys ah inuu ku socdo kala fur-fur bilow ah. Arrinta kale ee caqabada keentay ayaa ah isku day xubnaha mucaaradka ku doonayeen in fikradahooda kaga gadaan Culimada oo xilligan difaac iyo gaashaan u ah dowladda, waxaana guuldareystay kulamo ay kaga dhaadhicinayeen qorshayaashooda. Ilo ku dhow dhow Xubnaha Mooshinka waday ayaa sheegaya inay go’aansadeen in mooshinkooda dib u dhigaan, illaa Baarlamaanka fasaxa ka soo laabanayo, waxaana wararka qaarka sheegayaan inay heystaan tiro ku filan oo gaarayay sagaashameeyo. Mooshinka la doonayo in laga keeno Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay midkii u horeeyay noociisa oo ka duwan mooshinadii horay dalka u soo maray, marka laga eego abaabulkiisa iyo diyaar garowgiisa, waxaana mooshinkan saxiixiisa kaliya uu gaarayay lacag dhan $10,000, isla markaana balan-qaadkiisa ahaa mid xooggan. Si kastaba ha ahaatee inta uu xiran yahay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa dareemi doonin wax culeys ah, waxaana la saadaalinayaa inta fasaxa lagu maqan yahay inay is bedelo dhici doonaan. Isha: Jowhar Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Saddex arrimood oo sabab u noqday inuu hakado Ololihii Mooshinka Madaxweyne Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Taliyaha Ciidamada Milatariga Dowlada Soomaaliya jenaraal Cabdi Weli Jaamac Gorod Ayaa ku guuleeystay in saaka ay furaan wadooyin ku xirmay Dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo. Labadaan Masuul Ayaa la arkayay iyaga oo qaadaya dhagxaanta iyo Ciida lagu xiray wadooyinka dhexmara gudaha Magaalada Gaal-kacyo kuwaasi oo sababay in ay xirmaan dagaalo halkaasi ka dhacay. Madaxweyne Xaaf iyo Taliye Gorod ayaa socod ku maraya magaalada Gaal-kacyo iyaga oo u gudbay dhanka Puntland iyaga oo hadda ku sugan woqooyiga magaalada Gaal-kacyo. Jenaraal Cabdi Weli Jaamac Gorod Taliyaha ciidamada Milatariga dowlada Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ku bixinayay sidii xal waaro loo kala dhex dhigi lahaa islamarkaasina loo joojoojin lahaa dagaalada soo laa laabta ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Hoos ka Daawo Sawiro hordhac ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Taliye Gorod iyo Madaxweyne Xaaf oo Furay Wadooyin ku Xirmay Dagaaladii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  15. Dastuurka qabyo-qoraalka ah, waxaa ku xusan Awoodaha sharci-dejinta ee golaha shacabka iyo aqalka sare, awoodaha mid weliba uu gaar u leeyahay iyo qaar ay wadaagaan. Habraaca Sharci-dejinta Baarlamaanka Sida ku qoran dastuurka qabyo-qoraalka ah qodobada 79aad, 80aad iyo 81aad waxaa ku xusan habraaca sharci-dejinta labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Qodobka 79aad: (1): Si waafaqsan Dastuurka, habraaca sharci-dejintu waa hindise sharciyeed qabyo ah oo ku saabsan: (a) Dib-u-eegidda iyo soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurkan dib ugu noqoshada Dastuurkan; (b) Qoridda iyo diyaarinta sharci qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda; (c) Soo-jeedinta sharci-qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda; (d) Dib-u-eegid sharci hore u jirey. (2) Ka doodidda sharci qabyo ah oo la xariira wax-ka-beddelka Dastuurkan waxay ka billabanayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. (3) Ka-doodidda sharci kasta oo qabyo ah wuxuu ka bilaaban karaa mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Qodobka 80aad: Curinta sharciyada: (1) Sharci qabyo ah oo heer qaran ah, waxaa curin kara: (a) Golaha Xukuumadda; (b) Ugu yaraan 10 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, marka laga reebo sharci qabyo ah oo la xiriira arrimaha miisaaniyadda sanadlaha ah oo Golaha Xukuumadda oo keliyihi curin karo. (2) Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah u soo bandhigi kara: (1) Ugu yaraan hal wakiil oo ka socda Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka; ama (2) Guddi kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah. Qodobka 81aad: Go’aammo Siyaasadeed (1) Labada Aqal ee Baarlamaankuba way curin karaan Sharci. (2) Aqalka Shacabka oo keliya ayaa leh awoodda diidmada sharci qabyo ah. (3) Haddii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci qabyo ah, mid kasta oo ka mid ah labada Aqal ayaa Guddi wadajir ah oo ka kooban labada Aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka iyo in uu labada Aqal u soo jeediyo sharci qabyo ah oo la is-waafajiyey iyada oo laga duulayo iskaashiga dowladaha ee ay dhigayaan Qodobbada 51aad iyo 52aad. (4) Golaha Shacabka oo keliya ayaa sharci qabyo ah u diri kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, una faafiyo si rasmi ah. Hadaba, Waa Maxay Awoodaha Uu Aqal Weliba Gaar U Leeyahay? Sida ku qoran qodobka 63aad, Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matilaa dhammaan shacabka Soomaaliya, Awoodda sharci-dejinta ee Golaha shacabku keligii leeyahay waxaa ka mid ah: (a) Ka-qaybgalka wax-ka-beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad; (b) Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada la horgeeyo, si waafaqsan Cutubkan iyo Cutubka15aad; (c) Ka-baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka; (d) U-igmashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka awoodaha sharci-dejinta marka laga reebo wax-ka-beddelidda Dastuurka. Qodobka 69aad. Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah (1) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu leeyahay awood sharci-dejin oo ah: (a) Inuu ansixiyo, wax-ka-beddelo ama diido sharciyada la horkeeno; (b) Inu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xiriira miisaaniyadda sanadlaha ah, kaas oo uu diyaarinayo Golaha Wasiirrada. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaa kale oo uu leeyahay awoodahan dheeriga ah ee soo socda: (a) Inuu oggolaado ama diido guddiyada madaxa bannaan ee Ra’iisul-Wasaaruhu hor-keeno Golaha Shacabka; (b) Awoodda la-xisaabtaanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha Dawladda ee Heerka Qaranka, gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqangelinta sharciyada dalka; (c) U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa; (d) Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1; (e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku-xigeenka/kuxigeennada Ra’iisul-Wasaaraha; (f) Doorashada iyo xil-ka-qaadidda Madaxweynaha sida ku cad Dastuurka; (g) Hirgelinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaadey Dastuurku, si loo hubiyo dhaqan-gelin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka. Dhinaca kale, sida ku qoran qodobka 71aad, Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah: (a) Ka-qayb-qaadashada wax-ka-beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad; (b) Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada 82-83; (c) Eegidda sharciyada loo igmadey si waafaqsan Qodobbada 82-83; (d) Ka-qayb-qaadashada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 89aad; (e) Xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad; (f) Ka-qayb-qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan; (g) Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka; (h) Ka-qayb-qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan; (i) Ka-qayb-qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan: Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka; Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah; Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka; Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta; Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka. Waxaa sidoo kale jira labo qodob oo ku jira dastuurka loo aqalka siinaya awood gaar ah sida lagu sheegay qodobka 71aad, faqradda(b), Labadaasi qodob waxaa ay kala yihiin: Qodobbada 82-83; Qodobka 82aad. Hindise sharci qabyo ah oo ka bilawday Golaha Shacabka (1) Golaha Shacabka marka la horkeeno handise sharci qabyo ah waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah sida soo socota: (a) Inuu u ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama inuu ansixiyo isagoo wax ka beddelay, markaa loo diro Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka si uu u ansaxiyo; (b) In uu diido, kuna wargeliyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo raacinaya sababaha loo diidey. (2) Marka Aqalka Sare uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo ansixiyay Golaha Shacabka, waxaa u furan mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) Inuu u ansaxiyo sida Golaha Shacabku ugu soo gudbiyay sharcigaas ka dibna dib ugu diro Golaha Shacabka; (b) In ay ku sameeyaan wax-ka-beddel iyagoo sababeynaya isbeddeladaa, dibna ugu diraan Golaha Shacabka; (c) In ay diidaan una gudbiyaan Golaha Shacabka iyagoo raacinaya sababaha ay u diideen. (3) Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise sharci qabyo ah oo u soo ansixiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi, waxay u dirayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah. (4) Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise sharci qabyo ah kaasoo uu soo beddelay Aqalka Sare waxaa u furan inuu sameeyo arrimaha soo socda middood. (a) Inuu oggolaado wax-ka-beddelkaa lagu sameeyay hindisaha sharciga qabyada ah, ka dibna u gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu Saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah; (b) Inuu diido isbeddelada la sameeyay uuna ku baal maro go’aanka Aqalka Sare aqlabiyad 2/3 ah marka la eego tirade guud ee xubnaha aqalka, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah. (5) Marka Golaha shacabka uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo diiday Aqalka Sare, Aqalkaasi wuxu samyn karaa arrimahan midkood: (a) Inuu uu aqbalo diidmada, sharcigaana uu faraha ka qaado; (b) In uu ku baal maro diidmaddii Aqalka Sare aqlabiya 2/3 ah marka la eego tirade guud ee xubnihiisa, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah. Qodobka 83aad. Hindise Sharci oo Qabyo ah oo ka bilowday Aqalka Sare. (1) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci oo qabyo ah, waxaa u furan inuu sameeyo mid kamid ah, arimaha soo socda: (a) Inuu ku ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama isagoo wax-ka-beddel ay kaddibna u gudbiyo Golaha Shacabka si uu u oggolaado; (b) Inuu diido sharcigaas kuna wargaliyo Golaha Shacabka isagoo raacinaya sababaha uu ku diiday. (2) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalku marka uu helo hindise sharci oo qabyo ah, kaas oo Aqalka Sare oggolaadey, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) In uu u oggolaado sharcigaas sida uu ugu soo gudbiyey Aqalka Sare, ka dibna uu u gudbiyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka si uu ugu ogolaado, u saxiixo looguna soo saaro faafinta rasmiga; (b) Inuu wax kabeddelo sharcigaas dibna ugu celiyo Aqalka Sare isagoo raacinaya sababaha uu wax ugu beddeley; (c) Inuu diido, dibna uga celiyo Aqalka Sare, isagoo raacinaya sababaha uu u diidey. (3) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaas oo uu wax ka beddeley Golaha Shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) Inuu aqbalo wax-ka-beddelidda sharciga qabyada ah, isagoon codayn una gudbiyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka si uu u oggolaado, u saxiixo, looguna soo saaro faafinta rasmiga ah; (b) Inuu diido wax kabeddelka sharcigaas, kagana gudbo/ku baalmaro go’aanka Golaha Shacabka cod aqlabiyad ah oo 2/3 tirada xubnihiisa ah, dibna ugu celiyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah. (4) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaasoo uu diiday Golaha Shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) Inuu aqbalo diidmada sharcigaas isagoon u codeyn, joojiyana hindaha sharciga qabyada ah; (b) Inuu kaga gudbo/ku-baalmaro diidmada Golaha Shacabka cod aqlabiyad 2/3 tirada xubnaha Aqalka ah, dibna ugu celiyo Golaha Shacabka Federaalka ah. (5) Haddii uu Golaha Shacabka soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaasoo uu horay wax uga beddelay, isbeddeladdii uu hore u sameeyayna uu Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku aqbalay, waa in uu Hindisahaa Sharci Qabyada ah u diraa Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro. (6) Haddii Golaha shacabka uu soo gaaro Hindise Sharci qabyo ah, kaasoo ay hore wax uga beddeleen ama ay hore u diideen, go’aankooda horena uu baal maray Aqalka Sare, Golaha Shacabku wuxuu sameyn karaa arrimahan midkood: (a) In ay ku baal maraan go’aanka Aqalka Sare cod aqlabiyad 2/3 tirada xubnahooda ah, halkaa ayeeyna ku joojin karaan hindisahaa sharci ee qabyada ah; (b) In ay aqbalaan go’aanka Aqalka Sare, ka dibna Hindisahaa Sharci ee qabyada ah u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro. (7) Haddii ay ku kala aragti duwanaadaan Hindise Sharci qabyo ah Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah marka uu marayo Hindisahaa Sharci heerka lagu qeexay Qaybta 4aad ama 6aad ee qodobkan, Labada Aqal midkood ayaa dalban karaa in la saaro Guddi wadajir ah oo labada aqalba ka kooban si la isugu dayo in la xalliyo khilaafkaa, loona helo Hindise Sharci qabyo ah oo labada aqalba isla waafaqsan yihiin, iyadoo laga duulayo iskaashiga Dawladaha ka dhexeeya sida ku cad Qodobbada 51aad iyo 52aad ee Dastuurkan. Goobjoog News Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Booliska waxaa weli magaalada Muqdisho laga baadi-goobayaa Gaari nooca xamuulka ah oo la sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay la damacsan yihiin inay ku fuliyaan weerar ismiidaamin ah. Sarkaalkan oo ka tirsan Saraakiisha amniga Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Cabdi Yare ayaa sheegay in xogta gaarigaas ay ka heleen maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo dhawaan lagu qabtay howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in maleeshiyaadka la qabtay iyagoo gacanta kula jira falal amni darro, waxa ayna xaqiijiyeen in gaarigaas uu ku dhex jiro magaalada Muqdisho, isla markaana Booliska uu gudanaayo waajibaadka ka saran amniga Gobolka Banaadir. Waxa uu tilmaamay in Gaarigaas uu ku dhex jiro mid kamid ah Degmooyinka Dharkiinley, Wadajir, Kaaran iyo Cabdi-Caziiz, hase ahaatee ay ciidamadu yihiin kuwo feejigan. Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in dhagarta maleeshiyaadka al-Shabaab ay tahay mid joogta ah, balse ay dhankooda ka bixin doonaan dadaal dheeri ah oo lagu kala badbaadinaayo shacabka iyo waxa uu ugu yeeray dhagar-qabayaasha Shabaab. Asbuucyadii tagay waxaa magaalada Muqdisho ka socday howlgal ay wadeen ciidamada AMISOM oo lagu baadi-goobaayay Gaadiid kuwooda oo maleeshiyaadka al-Shabaab u adeegsan doonaan falal amni darro. Si kastaba ha ahaatee, cabsidan jirta ayaa kusoo beegmeysa xili dhabar jab xoogan ay la kulmayaan maleeshiyaadka al-Shabaab taa oo sababtay inay isaga baxaan Saldhigyadooda waaweyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muqdisho oo weli laga cabsi qabo Gaari xamuula oo Qaraxyo sida & Ciidamada DF oo ku jira heegan appeared first on Caasimada Online.
  17. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiweli Gorod, ayaa ku sugan magaalada Gaalkacyo wuxuuna halkaas u tagay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa nabadaynta Gaalkacyo. Taliyaha oo dhinaca Galmudug la hadlayay ayaa sheegay inay jirto is aaminaad la’aan ka dhex taagan bulshada magaalada Gaalkacyo, taasoo soo celcelisa colaadaha gobolka. Wuxuu sidoo kale sheegay ina jirto wax kala tabasho in dhinac dhinaca kale uu wax ka tabanayom arrintaasna loo baahan yahay in meesha laga saaro. Halkaan ka dhegayso codkiisa. Taliyaha-Ciidanka-Xooga-Dalka-sax Puntlandi.com
  18. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay culummada Soomaaliyeed inay wacyi-geliyaan dhallinyarada, si aysan ugu dhicin afkaaraha qaldan ee lagu luminayo dhallinyarada Soomaaliyeed. Thaabit ayaa hadalka sheegay mar uu la hadlayay culummada degmooyinka gobolka Banaadir, imaamyada masaajidyada iyo Macalimiinta dugsiyada lagu barto Qur’aanka Karmiimka ee Muqdisho ku yaalla, isagoo ka dalbaday inay u istaagaan ka hor-tagga fikradaha diimeed ee aan saxsanayn. “Waxaan filayaa in dhibaatooyinka ay kooxaha argagaxsida ah wadaan ay ku yeelatay saameyn xooggan guri walba oo Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Muqdisho ku nool. Sidaa daraadeed waxaa la idinka doonayaa inaad ka hor-tagaan kooxaha dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo fikradaha ay faafinayaan,” ayuu hadalkiisa ku yiri Duqa Muqdisho. Sidoo kale, Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay in dhibaatooyinka ay wadaan kooxaha xag-jiriinta ah ay saameysay Somali oo dhan, isagoo tusaale u soo qaatay weerarkii bahalnimada ahaa ee 14-kii Oktoobar ka dhacay Zope oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Culumadda Soomaaliyeed, Macalimiinta Dugsiyada Qur’anka iyo Imaamyada Masaajidda inay u diyaar-garoobaan dagaal lala gelo Al-shabaab, Maadaama ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed oo dhan. DHAGEYSO CODKA DUQA MUQDISHO THAABIT CABDI MAXAMED; http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Duqa_Muqdisho_Culummada_Soomaaliyeed.mp3PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo ku baaqay in Dhalinyarada laga Wacyi-geliyo Afkaaraha Gurracan appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (PP) ─ Tiro lagu sheegay 65 qof oo Somalia ah, ayaa lagu dilay deegaano ka tirsan ismaamulka Oromada Waddanka Itoobiya, iyadoo ay sii xoogeysanayaan rabshadaha iyo isku dhacyada u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Tuulada Gadule oo hoos tagta Degmada Darulow ee Gobolka Oromada ayaa lagu dilay 65 ruux oo Somalia ah, kaddib markii ay soo Weerareen ciidammo ka tirsan kuwa Qowmiyadda Oromada-Itoobiya. Sidoo kale, Weerarkan ayaa ka dhashay markii ciidamada Liyuu Booliska ee deegaanka Soomaalida-Itoobiya ay Weerareen deegaan ku dhaw Gadule, waxaa halkaas ku dileen labo askari. Reerkii Askariga laga dilay ee Oromada ahaa ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Soomaalidii ku sugneyd deegaanka Gadule, kaddibna ay halkaas ku dileen lixdameeyo Soomaali ah oo isugu jira dad waaweyn iyo caruuur. Dhanka kale, Maamulka deegaanka Oromada-Itoobiya ayaa sheegay in 14-qof oo Soomaali ah la dilay, iyagoo meesha ka saaray sheegashada tirada 65 ruux ee la dilay. Colaadaha u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada oo sanadkan bilowday ayaa aad u sii kordhay, waxaana ku barakacay kumannaan qof oo Soomaali iyo Oromo isugu jira. Ugu dambeyn, Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dadkii ka dambeeyay rabshadaha, isla markaana ay xabsiga dhigtay, laakiin waxaa muuqda in ay dib u bilowdeen dagaallada. PUNTLAND POST The post Soomaali fara badan lagu laayay Gobolka Oromiya ee Dalka Itoobiya iyo xiisad ka dhalatay appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-War kasoo baxay Dowlada Sacuudiga, ayaa waxaa lagu mamnuucay in sawirro lagu dhex galo Xaramka iyo Masaajidka Nabiga NNKH inta lagu guda jiro howlaha cibaadada. Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in la mamnuucay in xaramka lagu dhexgalo sawir, ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawirada nin Israeli ah, oo isku soo dhex sawiray Xaramka iyo Masaajidka Nabiga. Ninkaan Israelka ah ayaa xiliga uu sawirka ku galaayay Xaramka gacanta ku watay Kutubka Yahuudda taa oo dhalisay hadal heyn badan. Wargeysyada kasoo baxa magaalada Riyadh ayaa lagu qoray in dowlada Sacuudiga ay qaadi doonto talaabo adag, haddii ay dhacdo in waxkama jiraan laga dhigo amarka lagu mamnuucay sawirka. Habdhaqanka Yahuudigan ayaa waxa ay ka careysiisay Muslimiinta ku dhaqan magaalada barakeysan ee Maka, iyagoona si kulul u cambaareeyay falkaasi. Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo Mareykanka uu Caasimadda Israel u aqoonsaday Magaalada Qudus, ee dhulka la haysto ee Falastiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ficil fool xun oo uu sameeyay Nin Yahuudi ah oo sababay in la mamnuuco Sawiradii lagu dhex gali jiray Masaajidka NNKH appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen warbaahinta maxaliga waxaa Soomaali badan lagu xasuuqay dhulka ay Ethiopia ka degaan Qowmiyada Oramada. Xasuuqa ayaa ka dhacay tuullada Gadule ee hoostagta degmada Darullow ee dhulka Oromada, waxaana la xaqiijiyay in Soomaalida la xasuuqay ay tirro ahaan gaarayaan ilaa 65 Soomaali ah. Cabdirisaaq Maxamed oo ah madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, ayaa xaqiijiyay inuu jiro xasuuqa waxa uuna tilmaamay inuu ka danbeeyay kadib markii ay ciidamada Liyuu Booliska Soomaalida duullaan ku qaadeen deegaan aan Gadule ka dheerayn. Ciidamad Liyuu Boolis ayaa weerarka ku dilay ilaa Laba qof oo midi uu ahaa askari, waxaana intaa kadib weerar qaaday qoyska Askariga la dilay. Qoyska Askariga ayaa weerarka culeyskiisa ku qaaday Soomaalida degta deegaanka Gadule waxa ayna sidaa ku laayen Soomaali badan, iyadoo duulaan ballaartay kadib uu xasuuqa gaaray ilaa 65 Soomaali ah. Dhulka ay wada dagaan Oromada iyo Soomaalida Wadanka Ethiopia ayaa dhowr jeer waxaaa ka dhacay Dagaal dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale, horay Dowladda Federaalka Ethiopia waxaa ay u sheegtay in ay xakameysay isku dhacyadii dhexmaray Qomiyadda Oromada iyo Soomaalida Ethiopia oo dhowr jeer wada dagaalamay. Si kastaba ha ahaatee, isku dhacaan soo cusboonaaday ayaa dadka Soomaalida ee ku nool Ethiopia waxaa ay sheegeen in ay qabaan wal wal ah in la beegsado, Maadaama Rabshaduhu ay hadda Xoogeysteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ethiopia oo lagu xasuuqay Soomaalidii ugu badneyd & Xaalada oo dhabaqsan appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ayaa manta oo Sabti ah lagu wadaa inay yeelan doonaan kulanka lagu soo xiraayo kalfadhiga labaad. Xiritaanka kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa inay ka qeybgali doonaan Madaxda ugu sareysa dalka. Madaxda la filaayo inay ka qeybgalayaan xiritaanka kalfadhiga ayaa waxaa kamid noqon doona Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre oo halkaa khudbad ka jeedin doona, waa haddii aanu isbedelin qorshaha. Waxaa xiritaanka kalfadhiga sidoo kale khudbad ka jeedin doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan ‘’Jawaari’’ oo la dardaarmi doona Xildhibaanada BFS. Labadii kalfadhi ee baarlamaanka Tobnaad ay yeesheen ayaa lagu meelmariyay sharciyo muhiim ah oo la horkeenay Xildhibaanada Golaha Shacabka. Geesta kale, waxaa saakay aad loo adkeeyay ammaanka wadooyinka gala xarunta Golaha Shacabka oo lagu qabanayo munaasabada xiritaanka kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kalfadhiga 2aad ee Xildhibaanada BFS oo lasoo xiraayo & Madaxda ugu sareya oo Khudbado ka jeedin doona xarunta appeared first on Caasimada Online.
  23. Wasiirka Gashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa jimcihii waxaa uu aqalka cad ka sheegay yididiiladiisa ku aadan isla xisaabtan-ka ka jiro hey’adaha dowliga ee Soomaaliya. Jim Mattis ayaa intaasi ku daray in Soomaaliya ka soo reyneyso qaabka loo qeybiyo gagaarka ku aadan Raashinka iyo Shidaalka ee la siiyo ciidamada Soomaalida. “ Waxaan hubaa in aan awoodno xakameynta waxa kana, xitaa haddii aanan dhammaan xakameyn Karin, qeyb ka mid ah”. Mattis waxaa uu qabaa in isbadalka ku saabsan dhaqanka musuqa uu qaadan-doono muddo isaga oo intaasi raaciyay in madaxda cusub mudan yihiin in la taageero. Hadalka wasiirka gashaandhigga Mareykanka Jim Mattis waxaa uu imaanayaa kadib markii dowladda Mareykanka ay joojisay saadkii ay sii jirtay ciidamada xoogga dalka sida raashiin, shidaal iyo hub. Goobjoog News Source
  24. Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey oo dib u helay xorriyadiisa, kadib Afar Sano oo uu ku xirnaa dalka Belgium ayaa gaaray dalka Maraykanka. Tiicey ayaa sheegay in lagu waayay wax dambi ah, maadaama si qaldan loo xiray iyadoo lala xiriirinayo falal la xiriira Burcadbadeednimo. Mudadii uu xirnaa ayuu sheegay iney socotay oo kaliya maxkamadda, islamarkaana ugu dambeyn markii wax dambi ah lagu waayey lasii daayey. Waxa uu sidoo kale sheegay Maxamed Aadan Tiicey, in hadda ay socoto dacwad ku aadan sidii uu magdhow uga heli lahaa dowladda Belgium, maadaama uu si sharci darro ah ugu xirnaa muddo Afar Sano ah, sidoo kalena lagu sameeyay magac dil. “Hadda waxaa furan dacwo aan ku dacwoonayo intii aan xirnaa dhibkii, magac haleyntii iyo sumcad qaadistii magdhowgeeda in xal loo helo” ayuu yiri Tiicey. Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey ayaa dalka Belgium waxaa loo geeyay iyadoo loo sheegayo inuu kaalin ka qaadan doono Filim laga sameynayo Burcadbadeedda Soomaalida. Goobjoog News Source