Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxa Qaxootiga Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay Filippo Grandi ayaa maanta ku wajahan Magaalada kimaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Wafdiga Grandi ayaa u tagaya Kismaayo sidii ay qiimeeyn ugu sameeyn lahaayeen qaxooti Soomaaliyeed oo ka soo laabtay Dalka Kenya. Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay iyada oo ciidamo badan la dhoobay xaafadaha magaalada Kismaayo. Shalay ayuu Wafdiga Grandi Madaxa Qaxootiga aduunka ee Qaramada Midoobay ee UNHCR. Soomaali Badan ayaa ka soo laabtay dalka Kenya kadib markii Qaramada Midoobay , Dowlada Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis sadax geesood ah yeesheen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxa Qaxootiga QM oo ku Wajahan Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa NISA ayaa xalay weerar culus ku qaaday guriga uu Muqdisho ka daganaa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamidaa Mucaaradka kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya. Haddaba Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday Hoyga Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur ay ku timid fashil heysta madaxda Sare. Waxa uu sheegay in tani ay keeni karto in Xildhibaanada Qaranka ay kacdoon sameeyaan isla markaana Xildhibaanada fasaxa galay ay kulamadoodii ay dib u bilaabaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarka lagu qaaday Guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur uu daba joogo kacdoonkii ka dhashay labada Xildhibaan ee Xeer ilaaliyaha uu sheegay in xasaanada lagala noqonayo. “Weerarkii xalay xqiiqdii waa mid madaxda Qaranka ay ku doonayaan in ay ku daboolaan fashilka heysta iyo in looga hortago kacdoonka uga imaanaya Xildhibaanada oo diyaar u ah in ay kulamadoodii caadiga ahaa qabsadaan ayuu yiri xildhibaanka”. Halkaan hoose ka dhageyso hadalkiisa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Fiqi.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso: Xildhibaan Fiqi oo sheegay hal arrin oo dowladda ku qasabtay inay xirto Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
  3. Booliska dalka Lebanon ayaa sheegay in la helay diblomaasiyad UK u fadhisay magaalada Beirut iyada oo la dilay. Diblomaasiyadda ayaa lagu magacaabi jiray Rabiika, waxaana laga medykeeda wado dhinaceed. Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin safaaradda UK ay ku leedahay magaalda Beirut ee dalka Lebanon. Ilo wareedyo dhanka booliska ah ayaa waxay sheegeen in diblomaasiyadda ay la kulantay xad-gudub dhanka jinsiga ah,sidoo kale ilo wareedyada booliska ayaa waxay cadeeyeen in gabadhaan la dilay maalintii jimcaha aheyd. Deeka ayaa waxay ka shaqeyneysay safaaradda UK ee ku taalo Beirut waxayna madax ka aheyd qeybta barnaamijyada iyo siyaasadda ee raacsan maamulka horumarinta caalamiga ah waxayna xafiiskaas ay ka shaqeyneysay tan iyo sanadkaan 2017 . Goobjoog News Source
  4. Ciidanka NISA, ayaa xalay saqdii dhexe howlgal ku qaaday guriga siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo kamid ah ragga sida aadka ah ugasoo horjeeday una mucaaradsan dowladda Farmaajo. Howlgalkaan ayaa la Xaqiijiyay inay ku dhinteen 5 Askari, waxaana sidoo kale lagusoo xiray siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xildhibaan Cabdi Fatax Ibraahim Geesay oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in howgalkaan uu ku dhaawacmay lagu dhaawacay Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur. Xariga siyaasigaan ayaa loo Dowladda federalka illaa iyo hadda kama hadlin howlgalkaan .
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wadada Soobe iyo Wadooyin kale oo ka agdhaw ayaa la sheegayaa in ay saaka u xiran tahay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, dibne looga celiyo Gaadiidkii isticmaali jiray Wadooyinkaasi. Dadka ayaa ku lugeynaya Wadooyinkaasi u xiran Ciidamada, waxaana kaliya ay diidayaan in ay isticmaalaan Gaadiidka sida ay Mustaqbal u sheegeen qaar kamid ah dadkii kusoo lugeeyey wadooyinkaasi. Ciidamada Dowladda ayaa inta badan Wadooyinka Muqdisho xira xiliyada ay Howlgalada ka wadaan iyo Marka ay Madaxda Dowladda isticmaalayaan. Dhanka kale waxaa Xiran wadooyinka ka agdhaw Garoonka Diyaaradaha illaa isgoyska Taleex, warar soo baxaya ayaa sheegayaa in Ciidamada Amaanka Dowladda ay wadooyinka u xireen howlgalo ay ka wadaa qeybo kamid Magaalada Muqdisho. Hay’adaha amaanka Dowladda kama hadlin waxyaabaha uu salka ku hayo xirnaashiyaha qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay sababta ay Ciidamada dowladda Saaka u xireen Jidadka Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan warar aan ka helnay ilo kala duwan oo ku dhow xukuumadda Soomaaliya; weerarka lagu qaaday guriga Wasiirkii hore ee Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah waxa fuliyey ciidamo ka tirsan sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya. Ciidamo ay horkacayeen Taliyaha Nabadsugidda gobolka Banaadir Saaddaq Joon iyo Yaasiin Nuur Kheyrre (Yaasiin Ganey), ayaa fuliyey weerarka lagu qaaday guriga Wasiirkii hore ee Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga C/raxmaan C/cashkuur, Illaalada guriga C/raxmaan C/cashkuur, oo isku dayey in ay ogaadaan waxa ay yihiin ciidanka yimid guriga ayaan furin Albaabka, balse waxa ay ciidanka weeraray guriga siyaasigu xoog ku galeen guriga iyaga geystay dil iyo dhaawac soo gaaray illaalida guriga, C/raxmaan C/cashkuur; oo ku sugnaa guriga ayaa waxa haleeshay xabbad uga dhacday Kellida, iyada oo isaga oo dhaawac ah lagu qaaday gaari ay ciidanku lahaayeen. Dad ugu tegey C/raxmaan C/cashkuur, xarunta maama Khadiijo ee nabadsugidda Soomaaliya ayaa u sheegay Mustaqbal Radio; in dhaawiciisu fudud yahay balse ay suuragal tahay in uu ka daro, maaddama uusan xilligaas helin gargaar caafimaad. Xukuumadda Soomalaiya ayaa maalmahan wadda weerar afka iyo gacanta ah oo lagu qaadayey siyaasiyiita iyo xildhibaanada ka aragtida duwan ama mucaarada go’aanaada ay qaadato eek u saabsna maamulka. Waxa jira xog sheegeysa in Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre uu lahaa go’aanka laguu qaaday Weerarka guriga raxmaan Cabdishakuur Cali Cabdi Wardheere “Cali Yare” oo kamid ahaa Ololeeyeyaashii madaxweyne Farmaajo; balse aan xil muuqda ka hayn xukuumadda ayaa saacado kaddib weerarkii guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur; waxa uu bartiisa facebook ku soo qoray qoraalkan hoose “BISMILLAH “Waxaan beri ka ahay, kana xumahay in qof aan hubeysneyn ee gurigiisa jooga la weeraro, dhiigiisa la daadiyo, ka dibna xabsi loo taxaabo,” ” Howlgalkaas ma ahan mudan dhiirogelin, kuma raacsani cid kasta oo laheyd taladiisa, amarkiisa iyo ficilkiisa intaba” wa billahi Towfiiq” Xeer illaalinta Xukuumadda ayaa dhowaan soosaartay codsi xasaanadda looga qaadayo xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye; oo katirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo u muuqata in xukuumaddu isku deyeyso hab ay ku cabburiso dadka dhalliila habdhaqanka siyaasadeed ee xukuumadda. Waxa jira hadallo nacayb iyo dhiirrigelin dagaal xambaarsan oo uu si joogto ah u jeediyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, kuwaas oo uu sheehu ku sheegay in ay munaasab tahay ku xadgudbidda dhammaan xildhibaanada iyo siyaasiyiinta dhaliila go’aanada xukuumadda Raisalwasaare Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Yaa ka dambeeyey weerarka ka dhacay guriga Wasiirkii hore ee qorsheynta,Iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga ah? appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa weerar la sheegay in ciidamo ka tirsan dowlada ay ku qaaden Hooyga Magaalada Muqdisho uu ka degan yahay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. C/raxmaan C/shakuur ayaa horay usoo noqday Wasiir iyo Musharax Madaxweynanimo doorashadii dalka ka dhacday 2016 ee lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo. C/raxmaan C/shakuur ayaa xiligii la weeraraayay ku sugnaa Hooygiisa oo ku yaala agagaarka Garoonka Aadan Cadde, waxaana halkaa kula sugnaa Xildhibaano iyo Siyaasiyiin. C/raxmaan C/shakuur ayaa mar qura ka warhelay rasaas jihooyin kala duwan kaga socta, waxa uuna bilaabay inuu badbaadsado naftiisa. Weerarkaan oo socday wax ku dhow Saacad ayaa waxaa ka sheekeeyay Xildhibaan C/fataax Geesey oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanka oo u waramaayay Idaacada VOA-da qeybteeda afka Soomaaliga, ayaa sheegay in xiliga weerarka ay wada joogen Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Xildhibaan C/fataax Geesey, waxa uu tilmaamay in rasaasta markii ay soo bilaabatay in ay darbiyada u dhawaadeen, kahor inta aysan darbiga gaarina C/raxmaan ay waxyeelo soo gaartay. Xildhibaanku waxa uu xaqiijiyay in waxyeelada Siyaasiga soo gaartay ay aheyd mid ku eg xusulkiisa, kadib waxaa halkaasi ka kaxeeyay Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa NISA oo howlgalka fuliyay. Sidoo kale, Xildhibaanka waxa uu qiray in weerarkaas ay Siyaasiga uga dhinteen ugu yaraan 5 kamid ahaa ilaaladiisa, halka ay jirto waxyeelo kale oo soo gaartay dhalinyaro ku sugnaa Hooyga. Dhinaca kale, weerarka ayuu ku sheegay inuu ahaa mid la xiriiray dhaliilo uu u jeedinaayay Dowlada Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Xog ka bixiyay sida uu u dhacay weerarkii lagu qaaday Hooyga C/raxman C/Shakuur appeared first on Caasimada Online.
  8. Maantay oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17 Dec 2017, maalintuna ay tahay Axad, waxaa halkaan hishiis taarikh ah ku kala saxiixanaya Guddoomiyaasha labada dhinac, 2da duq magaalo ee gaalkacyo iyo Odoyaasha dhinacyada Galmudug iyo Puntland ee magaalada Gaalkacyo. Hishiiskuna waxaa uu ka kooban-yahay qodobadaan soo socda: 1 – In la sameeyo Guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya Nabad-galyada Gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo 2 – In dhammaanba jidgooyooyinka la qaaday shalay oo taariikhdu ku beegnayd 16 Dec 2017 Sabti isla markaana ay waajib ku tahay labada dhinac in shacabka Gaalkacyo ay si nabad iyo xasillooni ah u adeegsadaan wadooyinka muhiimka ah ee horay u xirnaa laga bilaabo taariikhda maantay ah ee hishiiskaan la saxiixay. 3 – In la diyaariyo ciidan isku dhaf ah oo si rasmi ah u suga Nabadgalyada Gobolka Mudug. 4 – in baraha ay joogaan ciidamada Maleeshiyaadka ah ay sidii horayba loogu balamay ay baneeyaan, mas’uuliyada goobaha la baneeyayna ay tahay mid saaran ciidanka Isku dhafka ah. 5 – In goobaha ay joogaan Meleeshiyo Beeleedyadu ee deegaamada daaqsinka ah (Miyiga) ay ku kala sugnaadaan goobahooda inta xal waara laga gaarayo, isla markaana waxaa kormeeraya deegaannadaas ciidanka isku dhafka ah ee labada maamul iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. 6 – in qof-waliba uu xaq u leeyahay in uu dhisto dago, iibsado, kuna ganacsado gurigiisa, aanna laga hor-istaagi karin dhinac kasta oo uu ku yaalo. 7 – in la joojiyo wararka colaadaha hurinaya, 8 – In dhammaan maamullada gobolka Mudug, ganacsatada iyo qaybaha kale duwan ee bulshadu ay gacan ku siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Booliska iyo Nabad-sugida, gudashada waajibaadkooda sugida ammaanka magaalada Gaalkacyo. 9 – In labada Guddoomiye Gobol iyo degmo ay si wadajir ah uga wadashaqeeyaan sugida amniga gobolka Mudug. 10 – Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ballan-qaadayaa in uu adkeyn-doono Nabadda la wadaqaatay haddii Alle idmo. 11 – Ma’uuliyiinta Hishiiskaan saxiixay waxay ka codsanayaa Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in uu ku wareejiyo sugida Amniga Gobolka Mudug ciidanka isku dhafka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee ku sugan gobolka Mudug marka la sameeyo, si ay u hantaan Nabadgalyada Gobolka Mudug. F.G – Hishiiskaan wuxuu dhaqan-galayaa marka la wada saxiixo, dhinicii jabiyana hishiiskaan, waxaa loo aqoonsanayaa Nabad-diid, waxaana laga qaadayaa tillaabada ku habboon sida sharcigu qabo. Saxiixayaasha Hishiiskaan waxay noqonayaan 26 qof oo 10 iyo 10 ah, iyo 6 gab-dhood oo 3 iyo 3 ah. Waxaa sidoo kale hishiiskaan saxiixi doona labada Guddoomiye ee Mudug, Iyo Labada Guddoomiye degmo ee magaalada Gaalkacyo. Waxaa hishiiskaan goob-joog ka noqon-doona: – Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas General C/wali Jaamac Xuseen Gorod. – Talyaha Ciidanka Puntland Sareeye Guud General Siciid Maxamed Raagge (Siciid Dheere) – Xidhibaan Sulaymaan Xuub-sireed. Xidlhibaan C/rashiid – Suldaan C/naasir Jaamac Seed. – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Dr Sonkor Jaamac Geyre – Waxaa Hishiskaan Guddoomin doona marka la saxiixa Islaan Bashiir Islaan Cabdille, Islaan Faarax. Wabiilaahi Towfiiq
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoonka BFS iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay haddal kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Daahir. Guddoonka iyo Xildhibaanada kulanka qaatay ayaa ku kala aragti duwanaa kulanka ay ka yeesheen arrinta Xeer Ilaaliyaha waxaana haddalkaas taageeray tiro Xildhibaano ah, halka qaarna ay kasoo hor jeesteen. Xildhibaanada ugu badan ayaa soo jeediyay in laga sal gaaro hadalka Xeer Ilaaliyaha isla markaana Shacabka Soomaaliyeed aan la tusin mucaaradnimada dowlada, halka qaarna ay cod dheer ku sheegen in Xeer Ilaaliyaha uu u gafay Xildhibaanada. Sidoo kale, Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa isla kulanka ku ballanqaaday inay diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Xeer Ilaaliyaha Qaranka. Waxa ay sheegen in Mooshinkaasi ay ku dalban doonaan isla xisaabtan iyo in Xeer ilaaliyaha uu gabay howshii loo igmaday. Xildhibaanada kulanka ka qeyb galay ayaa la sheegayaa inay qorsheynayaan mooshin ay ku dalbanayaan in dib loo furo kalfadhiga Baarlamaanka, iyadoo xeer hoosaadka uu qabo 20% ama 55 Xildhibaan ay codsan karaan ama soo jeedin karaan in kalfadhiga dib loo furo. Si kastaba ha ahaatee hadalkii ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha ee ahaa in Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Saabir ay galeen fal dambiyeed qaran dumis ah ayaa durba dhaliyay xaalad siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Xildhibaanno durba mooshin ka gudbinaya xeer Ilaaliyaha qaranka appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ayaa lagu helay kiis la xiriira in dhaqaale iyo Hub ay ku bixin jireen sii jiritaanka Kooxda Daacish oo dunida looga aqoonsaday argagixisada ugu awooda badneyd. Qoraal kasoo baxay Hay’adda baarta hubka culus ee loo yaqaan Conflict Armament Research, oo ay xiganayeen Wargeysyada ayaa waxaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay Kooxda Daacish u isticmaashay burburinta Syria iyo Ciraaq. Hay’adda CAR, waxa ay sheegtay in labadaasi dowladood ay Daacish ku bixin jireen dhaqaale iyo Hubka noocyada culus oo loo isticmaalay dagaalada Siiriya iyo Ciraaq. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in meesha ugu badan ee laga keenay Hubka uu yahay Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana xusid mudan in Hubkaas 40.000 oo rasaas ah laga soo saaray dhulka Ciraaq iyo Siiriya. Hubka iyo rasaasta laga soo saaray dhulka ayaa waxaa ku dhagnaa calaamadaha ay isticmaalan ciidamada Sacuudiga iyo Imaaraadka. Kooxda Daacish ayaa la sheegay in inta badan hubka ay ku dagaalamayeen ay ka qabsadeen ciidamada dowladaha Siiriya iyo Ciraaq, halka qeybaha kale ay isugu jireen Yurub, Sacuudiga iyo Imaaraadka. Hubka Yurubta oo ay isticmaalayeen Daacishta ayaa la sheegay inay soo gateen oo keenay goobaha dagaalka dalalka Mareykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga. Warbixintan ayaa ah midii ugu horeysay oo si dhab ah u cadeenaysa shakigii horey looga qabay in dalalka Maraykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga ay si dadban hubka u siiyaan kooxda Daacish. Dhinaca kale, arrintan ayaa ka hor imaaneysa sharuucda caalamiga ah ee mamnuucayey in dowladaha hub u diraan goobaha ay ka socdaan dagaalada sokeeye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Fadeexad: Mareykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga oo lagu helay kiis argagixiso la jir ah appeared first on Caasimada Online.
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa lagu wadaa in mar kale uu kamid noqdo Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Hogaamiyenimo ee Punrland. C/weli Gaas, ayaa xili hore u sii tafa-xeetay waddo waliba oo uu ku heli karo xilka, waxaana xusid mudan inuu garab ka helaayo Dowlada Imaaraadka Carabta oo dhaqaale uruursi kawada deegaanada Puntland, gaar ahaan Dekadda. Gaas, ayaa ballanqaadka xil kusoo celinta ka heysta dowlada Imaaraadka oo uu u fududeeyay dhammaan baahiyihii kaga xayirnaa Somalia, sida qaska Siyaasada Somalia iyo Heshiiska Dekadda. Gaas, oo xili hore usii tabaabusheystay doorashada ayaa xiligaan ku taamaya in xubno aad u badan uu ku yeesho baarlamaanka imaan doona. C/weli Gaas oo kaashanaaya Keydkiisa iyo Odayaasha Beelaha ayaa durbo sii bilaabay xudashada Odayaasha si ay ula imaadan Xildhibaano codka siinkara. C/wali waxa uu mudada ka harsan doorashada xooga saari doonaa dhanka beelaha isagoo qorshaha uu ka leeyahay ay kamid tahay in lasoo doorto si uu ugu sii nagaado Siyaasada Somalia. Qorshihiisa kusoo laabashada xilka ayaa waxa uu u qanciyay xitaa beelo aan horay Kuraas ugu lahaan jirin baarlamaanka iyo golayaasha kale ee maamulka, beelahaa oo uu ku tashanaayo codadkooda. Sidoo kale, doorashada maamulka ayaa lagu wadaa in muddo 12 bilood ah kadib dhacdo taas oo ay ka horeyn doonto soo xulida Xildhibaanada cusub oo bilaaban doonta 10 bilood kadib, marka la kala diro Xildhibaanada golaha wakiilada. Doorashada 2019 ayaa leh xiiso ka duwan kuwii hore marka la eego arrimo badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Cabdi Weli Gaas oo durba musharax ah iyo dowlad ku taageeraysa appeared first on Caasimada Online.
  12. Dadka ku nool 17ka degmo ee gobolka Banaadir oo hela waxbarasho ay dowladdu damaanad qaaddo oo gaarsiisan heerka dugsiga hoose iyo dugsiga sare waa mid kamid ah howlaha ugu muhiimsan ee maamulka gobolka Banaadir uu ku howlan yahay. Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa daah furay dib u dayactirka iyo qalabeynta dugsiyada magaalada Muqdisho iyo sidoo kale kor-u-qaadista adeegyada waxbarashada ee caasimada Muqdisho. Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa mashruucan iska kaashanaya. “Ujeedkeennu waa in ugu yaraan hal iskuul oo dowladeed laga helaa degmo kasta si carruurteennu u helaan waxbarasho lacag la’aan ah oo tayo leh. Waa arrin naga go’an inaan u istaagno carruurteena, waana maalgashi xooggan oo muujinaya isla xisaabtan” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed. Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee mashruuca waa in dayactirka shan dugsi hoose iyo xarun tababar xirfadeed oo ay ka faa’ideysanayaan ilaa 10 kun oo carruur ah si loo hor mariyo nolosha qaxootiga dalka ku soo laabanaya, Barakacayaasha iyo dadka noloshoodu hooseeyso oo fursado loogu abuuro. Mashruuca waxa uu maalgelin ku sameynayaa xirfadleyda gudaha oo ay ku jiraan Injineerada shaqaalaha dhismaha si fursado shaqo loogu abuuro. Mashruuca waxa uu ka qeyb qaadanayaa dib udhiska caasimadda iyo hagaajinta muuqaalka magaalada Muqdisho. Ka sokoow faa’idooyinka uu mashruucu u leeyahay shaqaalaha xirfadleyda ah waxaa horay loo shaqaaleeysiiyay 1000 (kun) dhallinyaro ah oo kamid ah qaxootiga dalka dib ugu soo laabtay oo ku kala nool 17-ka degmo ee gobolka Banaadir. The post Sawirro: Gobolka Banaadir oo waxbarasho lacag la’aan ah siinaya 10 kun oo canug appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa rasaas caawa saqda dhexe ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay galeen guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee u dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo howlgal amni loogu diray, balse ay ka ka hor yimaadeen ilaalada siyaasiga. Wararka ayaa sheegaya inuu C/raxmaan C/shakuur ku dhaawacmay iska hor imaadka, isla markaana ay ciidamadu qabteen, waxaana siyaasiga la wareegay ciidamada NISA oo howlgalka ka fuliyay guriga siyaasiga. Xaaladda ayaa hadda degan iyadoo aanay jirin wax rasaas ah oo dhaceysa, wuxuuna iska hor imaadku qaatay muddo 10 daqiiqo ah oo rasaas xoog leh laga maqlay agagaarka Garoonka Muqdisho. Lama oga cidda bixisay amarka lagu soo qabtay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo caawa ku dhaawacmay howgalka ciidamada NISA, waxaase hadda xaaladiisa gacanta ka haya ciidamada, sida aanu ka soo xiganay saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka. The post C/raxmaan C/shakuur oo ku dhaawacmay howgal Amni & Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay appeared first on Caasimada Online.
  14. Is-bahaysiga Baarlamanka Masar ee xukuumadda taageera oo 350 kursi ku leh Golaha Baarlamanka ayaa soo dhoweeyey booqashada Ra’iisul wasaaraha Ethiopia,Hailemariam Desalegn uu ku tegayo Masar. Is-bahaysiga ayaa booqashada Desalegn ku tilmaamay fursad lagu hagaajin karo,xiriirka Masar iyo Ethiopia,arrimaha ku saabsan biyo-xireenka Grand,xilli qaar kamid ah xildhinaannada Mucaaradka ay diideen booqashadiisa. Af-hayeenka Is-bahaysiga Xil. Salah Hasballah ayaa sheegay in xildhibaannada iyo debloomaasiyiinta looga baahan yahay in ay kaalin weyn ka qaataan hagaajinta xiriirka Masar iyo Ethiopia ee ku aaddan biyo-xireenka Grand/Al-Nahda,sidaasi darneedna haddii la diido booqashada Desalegn ay wiiqayso dadaalkii lagu wanaajinayey xiriirka labada dal. 19 Mudane oo ka tirsan Baarlamanka Masar ayaa horay guddoomiyaha Baarlamanka u gudbiyey qoraal ay ku diiddan yihiin booqashada Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ee ku saabsan wada-xaajoodka biyaha webiga Nile. Ra’iisul Wasaare Desalegn oo dhowaan booqan doona Masar ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Golaha Baarlamanka dalkaasi. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo booqan doona Masar appeared first on Puntland Post.
  15. The post Daawo: Wariye Boqorka bartamaha oo farxad darteed la ooyay kana sheekeeyay qaabkii xabsiga looga soo daayay appeared first on Caasimada Online.
  16. Supachai Wattanaveerachai, CEO of DP World Berbera project As Somaliland inaugurates its new president, DP World, leading logistic and maritime transport company, is to set to commence with the first phase of the Berbera Port expansion project early next year, The Reporter learnt. We are now finalizing the bidding process for the construction work and will soon issue official notice to winner, Supachai Wattanaveerachai, CEO of DP World Berbera project, told The Reporter. The new quay will rest on 400 meters which is expected to increase the capacity of the port significantly. It is to be recalled that in May 2016, DP World signed an agreement with Somaliland government to manage the Berbera Port facility. The two came to terms in such a way that DP World is to manage the port facility under a 30-year contract and co-invest in the 442 million dollars total outlay. The agreement was signed by Somaliland’s foreign minister, Saad Ali Shire (PhD), and Sultan Ahmed Bin Suleiyman, CEO for DP World. Following the agreement, it was announced that Ethiopia would have a 19 percent stake in the port. The port will be a good option for Ethiopia’s cargo (import/export), said Abdirhman Ahmed (Capt.), harbor master at Berbera Port Authority. Currently, 98 percent of Ethiopia’s cargo load is catered for by Djibouti Port while the rest two percent is shipped through Berbera. Still, Ethiopia’s cargo via Berbera Port is largely composed of food aid. For many years, it is only organizations like the World Food Program (WFP) that are using the port, according to Abdirhman. But now, following the arrival of DP World, businesses from Ethiopia are starting to consider the port facility, he said. Following the port management agreement, DP has made some adjustments to the facility. In this regard, DP has started to upgrade its port facilities; introduce new equipment such as three reach stackers and four empty handlers. It is also expected that ten Inter Terminal Vehicles, five forklifts and cranes will arrive at the port facility in the coming months. Having this, DP has managed to increase the general cargo volume handled by Berbera Port by 30 percent since 2016. It also increased the productivity of the five berths the port currently has. The first Port facility was built at Berbera by Soviet Russia in 1968. Later on, in 1984, the Americans constructed another quay just near to the one built by USSR. Currently, the port has five berths which is still less in comparison to Djibout Port. At its current capacity, Berbera handles up to 11,000 containers per month. Berbera is located 930 kilometers from Addis Ababa but much more closer to the Eastern part of Ethiopia. “As far as the logistic cost is concerned, we have comparative advantage over the Djibouti facility,” said Supachai. Once the expansion project is complete, Ethiopia is expected to divert up to 40 percent of its cargo shipment via Berbera Port. Established in1972, DP World operates 77 marine and inland terminals across the world. In 2015, the company handled a total of 61.7 million 20ft containers. Along with the expansion of the port, DP and Somaliland have agreed on the development of new free economic zone which will complement the port facility. In addition, there will be a new road through the town of Togo-Wuchale which will connect Ethiopia to Somaliland. The current road between Hargessa and Berbera is also under renovation. Ethiopian Reporter
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in xarunta Villa Hargeysa uu kusoo dhamaaday kulan degdeg ah oo u dhexeeyay Guddoonka BF iyo Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan isla baarlamaanka. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaayay hadal uu maanta soo saaray Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Daahir kaa oo lagu dalbaday in baaritaan lagu sameeyo laba Xildhibaan oo ka tirsan BFS kuwaa oo lagu eedeeyay Qaran dumis. Kulanka oo ay banana jog ka ahaayen Wariyayaasha ayaa waxaa diirada lagu saaray haddalka kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka waxa ayna Xildhibaanadu dareen ka muujiyeen hadalka Xeer Ilaaliyaha. Xildhibaanadu waxa ay sheegen in hadalkaas uu ahaa mid xadgudub ah iyo weerar lagu soo qaaday Baarlamaanka, halka qaarna ay sheegen inay muhiim tahay in baarlamaanka laga dhex saaro Xildhibaankii qas ku haya dalka. Xildhibaanada oo ku kala aragti duwanaa haddalka Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa waxa ay qaarkood taageeren Xeer ilaaliyaha, halka qaarna ay ka taageeren Xildhibaanada Mucaaradka ee farta lagu fiiqay. Xildhibaanada garabka siiyay Xil. Xasan Macalin iyo Saabir, ayaa sheegay in hadalka xeer Ilaaliyaha uu gef ku ahaa Xildhibaanada, isla markaana ay doonayan inay kala xisaabtamaan, waxaana ay soo jeediyeen in kalfadhiga Baarlamaanka dib loo furo. Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa sheegaya in laga yaabo xaaladan soo korortay darteed uu Guddoonka Golaha shacabka u soo saaro war saxaafadeed ku aadan jawaabta Xeer Ilaaliyaha iyo dareenkii Xildhibaanada ka muujiyeen. Dhinaca kale, arrintaan ayaa xiisad ka dhex abuuri doonta Xildhibaanada mucaaradka iyo kuwa Muxaafidka ah, waxaana suuragal ah in qaabab kale loo rogo arrinkan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guddoonka BF & Xildhibaano kulan degdeg ah ka yeeshay Hadalkii Xeer Ilaaliyaha (Xiisad cusub) appeared first on Caasimada Online.
  18. Siyaasiga reer Hargeisa ee Jamaal Cali Xuseen ayaa barta uu ku leeyahay Facebook soo dhigay qoraal kooban oo uu uga warmaayo kulan lama filaan ah oo Hotel Mansoor ee Hargeisa uu kula yeeshay Wasiirkii hore ee Beeraha ee Dawladii Kacaanka mudane General Bile Rafle Guleed. Mudane Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraalkiisa u dhigay sidan Kulankii Bile Rafle Guuleed ee shalay hotel Maansoor: ninbaa ii yeedhay shalayto anigoo markaas uun soo galay hotel Maansoor Oo yidhi “waar miyaanad Jamaal Cali ahayn markaan ku jawaabay Haa ayuu isla ninkii iigu daray Oo yidhi ” waxaan kaa bartay telefishionka waanan jecelahay sida hufan ee aad u hadashid, anigana waxaa lay yidhaa Bile Rafle” runtii intaan yaabay anigoo hubinaya ayaan Ugu jawaabay; ” Ma Bile Rafle Guuleed baa tahay!” Inuu qoslay ayaanu si weyn isku salaanay. Waxaa la joogay asxaab faro badan Oo General Doolaal Ugu weyn yahay. Bile Rafle waa Ninka weli da’da yar ee koofiyadda gashan. Halkan hoose waa intayaddii wada fadhinay iyo in kale Oo na ag maraysay.
  19. Ra’iisul Wasaaraha J.F Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda ayaa la kulmay Madaxa Qaxootiga Adduunka u qaabilsan QM Filippo Grandi oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana kulan looga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyey madaxa Qaxootiga caalamka taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee barakacay sanadihii ay dalka ka jirtay colaaddu, isagoo xusay xiligan oo dalku soo hagaagayo in dawladdu diyaar u tahay wixii macaquul ah ee sahlaya dib-u-soo noqoshada dadka qaxootiga ah. “Soomaaliya diyaar ayay u tahay inay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida, waana u mahadceliyaa dawladihii martigeliyey dadkeena waqtigii adkaa ee la soo maray”.Ayuu yiri RW Khayre. Wafdiga uu hoggaaminayo madaxa Qaxootiga Adduunka ayaa waxaa kamid ah Wakiilka Hay’adda u qaabilsan Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Affey, iyadoo ay kulamo kale la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda F.S maalinta bari ahna booqan doonaan magaalada Kismaayo ee dawlad-gobolleedka Jubaland. —DHAMMAAD—- Source
  20. Muqdisho ayaa maanta martigelineysa shir lagu diyaarinayo Istaraatiijiyadda Waxbarashada iyo Latashiyada Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka (DUED) oo socon doona sedexda maalin ee soo socota ayna ka soo qaybgaleen wufuud ka kala timid dawlad goboleedyada. Wasaaradda ayaa shir noocan oo kale ah bishii August qabatay, midkan maanta furmay ayaana ah wejigii ugu dambeeyay ee diyaarinta Istiraatiijiyadda. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha waxa uuna ka hadlay muhiimadda kulankan. Wasiir Ku-Xugeenka oo shirka furay ayaa ugu horeeyn ka hadlay dedaalada ay wado Wasaaradda iyo qorsheyaasha dhaw. “Sida dad badan oo idinka mid ah ay ka warqabaan, waxa aan sideedii bil ee la soo dhaafay qabanay hawlo ballaaran, waxa aan dejinay qorsho ku aadan DUED, Istiraatiijiyadda sedexda maalin ee soo socota aad diyaarin doontaana waxa ay muhuum u tahay fulinta qorshaha guud ee Wasaaradda iyo Gudiyada ay hawlwadaaga yihiin ay dejiyeen” ayuu yiri Mudane Xuseen Cabdi Cilmi. Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa ka qaybgalayaasha uga mahadceliyay waqtiga ay ku bixinayaan shirkan waxa uuna u rajeeyay in ay guul ku soo dhameeyaan diyaarinta Istiraatiijiyadda ay ku hawlanyihiin. —–DHAMAAD—– Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Dr Axmed Cali Daahir oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya in lagu sameynaayo Baaris. Xeer ilaaliyaha ayaa labada Xildhibaan ku eedeeyay inay yihiin Qaran dumis, isla markaana dadaal xoogan ku bixinayaa sida Somalia ay u gali laheyd jawi burbur. Xildhibaanadan ayaa wuxuu sheegay in lagu soo eedeeyay, eeda ah Qaran dumis iyo in dowladdo shisheeye ay ka soo qaateen lacag ay ku doonayaan inay ku dumiyaan dowladda Somaliya. Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay Gudoonka Baarlamaanka Somaliya inay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo. Haddaba Xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Somalia waxa uu leeyahay awoodo gaara oo xadidan, iyadoo talaabooyinka qaar uu yahay mid uu Xildhibaanka ku weynkaro xilka. HOOS KA AKHRISO QODOBADA UU XILDHIBAANKA KA TIRSAN BFS KU WEYN KARO XUBINNIMADIISA Qodobka 59aad ee dastuurka waxaa ku qoran sababaha uu Xildhibaan ku lumin karo xubinnimada baarlamaanka federaalka ah (1) Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa: (a) Xubinta oo Geeriyoota (b) Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah. (c) Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado. (d) Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah. (e) Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn (f) Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga. (2) Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey. (3) Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka. The post Akhriso: Qodobada uu xildhibaanka ka tirsan BFS ku weyn karo xubinnimadiisa appeared first on Caasimada Online.
  22. The special counsel probing whether US President Donald Trump’s campaign colluded with Russia has unlawfully received tens of thousands of emails, a lawyer for Trump’s transition alleges, according to US media. In a letter to congressional committees, Kory Langhofer says the General Services Administration (GSA) “unlawfully produced” the private materials, including privileged communications which special counsel Robert Mueller then used as part of his Russia probe, Axios news site reported on Saturday. ILLEGAL GSA is the government agency which supports presidential transitions. The accusations by Langhofer, representing Trump’s transition team, are the latest by Republicans seeking to raise doubts about the credibility of Mueller’s investigation, which has already led to charges against Trump’s former national security advisor and three other people linked to the presidential campaign. Langhofer wrote that Mueller’s office “received from the GSA tens of thousands of emails, including a very significant volume of privileged material,” according to a copy of the letter published by Politico. The letter suggests that a warrant should have been obtained for such materials, and says that the incident undermines the Presidential Transition Act. “This is another attempt to discredit Mueller as his #TrumpRussia probe tightens,” California Democratic Congressman Eric Swalwell said on Twitter in response to the Langhofer accusations. INVESTIGATIONS Some members of Trump’s Republican Party have already urged that a second special counsel be named to investigate Mueller’s operation. The special counsel’s critics have seized upon the case of Peter Strzok, a senior FBI agent whom Mueller removed from his team for sending text messages critical of Trump. In addition to whether Trump’s campaign team colluded with Russia to help him win last year’s election, the special counsel is also looking at possible obstruction of justice, after Trump fired FBI director James Comey. Trump has repeatedly denied that there was any collusion. Source: AFP The post Donald Trump’s lawyer claims investigator in Russia probe ‘unlawfully’ got emails appeared first on Caasimada Online.
  23. Hargeysa (Caasimada Online)-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa lagu magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland. Wareegtada ayaa waxa ay u qornayd sidan: Xafiiska Madaxweynaha Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017. Wareegto Madaxweyne Magacaabid. Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh); Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: Wada-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland. Geesta kale, Beelaha qar ee daga Boorama ayaa aad u dhaliilsan magacaabida uu sameeyay Muuse Biixi, taa oo la sheegay inay u janjeerto hal dhinac. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com The post Muuse Biixi oo magacaabay xilal cusub & Beelo aan weli ku qancin maamulka cusub appeared first on Caasimada Online.
  24. Gaalkacyo (Puntlandi) Waxaa maanta guriga Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ee magaalada Gaalkacyo lagu kala saxiixday heshiis ku saabsan adkaynta nabad gelyada gobolka Mudug, kaasoo ay kala saxiixdeen masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee heer degmo, heer gobol, saraakiisha labada dhinac iyo waxgaradka. Heshiiskaan oo ka kooban 9 qodob, ayaa lagu go’aamiyay shir ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay hormuud u ahaayeen taliyaha ciidanka xoogga dalka, taliyaha ciidanka difaaca Puntland iyo madaxweynaha maamulka Galmudug. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo shir guddoominayay kulanka heshiiska lagu kala saxiixday, ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta labada dhinac inay heshiiskaan si buuxda u fuliyaan islamarkaana uusan noqon heshiisyadii horey loo galay oo aan waxba ka qabsooin. Taliyaha ciidanka xooogga dalka, Sareeye Gaas, Cabdiweli Gorod, ayaa damaanad qaaday heshiiskaan inuu si buuxda ufulidoono cidii kasoo horjeesatana tilaabo adag laga qaadidoono. Halkaan hoose ka akhri heshiiska. Puntlandi.com
  25. Hudeydi is a Somali-British oud player, singer and composer and is commonly referred to as the ‘King of the Oud’. The Oud is a pear-shaped string instrument that is often considered an ancestor of the modern guitar, and it is a popular accompaniment to Somali singers. Known as the ‘King’, Hudeydi learned the oud from Abdullahi Qarshe, the “Father of Somali music” and played in Somalia during the 1950s and 1960s. At one point, Somali officials tried to ban music as a distraction, outlawing musicans which prompted Hudeydi to move to the United Kingdom in 1974, where he has performed at family parties and community events, passing on the traditions to young Somalis in the UK. This video was filmed at the “Eye on Somali Culture”, an Object Journey’s special even held at the British Museum on Friday 7th October 2016. Find out more about the Object Journeys Project: http://objectjourneys.britishmuseum.org/