-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shacabka degmada Tukaraq ee gobolka Sool, ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Horgal Saleebaan Koore oo maamulka Hargeysa ugu magacaaban wasiirka biyaha, kaasoo maalintii shalay warbaahinta ka sheegay Tukaraq iyo Taleex in ay raacsan yihiin maamulka Hargeysa. Shacabku waxay sheegeen horgalkaan inuu ahaa raggii colaada dhex dhigay beesha uu kasoo jeedo ee Nuur Axmed kadibna u bariis doontay maamulka Hargeysa oo uu haatan katirsan yahay. Dadka reer Tukaraq ayaa raali galin kasiiyay Puntland iyo shacabkeeda gefka iyo aflagaadada kasoo yeeray Horgal Saleebaan koore waxayna xasuusiyeen in shacabku yihiin shacab aan waligood la gumaysaysan “Dagaal run ah ayaanu galidoonaa, Tukaraqna uma soconee waxaan u soconaa meeshii aanu lahaan jirtaynay,” ayuu yidhi mid kamid ah dadka degaanka. Halkaan hoose ka dhegayso . Cabdikariin Saalax Puntlandi.com
-
Washington-(Caasimadda Online)-Waaxda Difaaca Mareynkanka ayaa iska fogeysay eeydeymaha ah inay Ciidamo cusub oo Mareynkan ah oo ilaaliya Xuduuda dalkaasi geysay. Arrintan ayaa ka dambeysay kaib markii Dowladda Turkiga ay si carro leh leh uga hadashay Qorshaha Mareynkanka ee la xiriira Ciidamo Mareynkanka ah oo tababara dagaalyahaaniinta kurdishka Suuriya ay geysay xadka u dhaxeeya Suuriya iyo Ciraaq. Bayaan ay Waaxda Gaashaandhiga Mareynkanka soo saartay ayaa lagu sheegay inay Washington taa bedelkeeda ay tababarayso Ciidamo suga amniga gudaha dalka Suuriya si xaaladda caadiga ah loogu soo celiyo dalkaasi oo dagaalo ku habsaday., kumanaan kun ayaa ku barakacay dagaalada. Waxayna intaa raacisay in talaabadaasi ay qaaday Dowladda Mareynkanka ay tahay mid lagama maarmaan si mar kale kooxda xaqjirka Daacish dib uga soo laabanin deegaanada laga xoreeyay ee Suuriya. Dhanka kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareynkanka Rex Tillerson, oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda California ayaa meesha ka saaray walwalka dowladda Turkiga ay amnigeeda uga qabto Ciidamada cusub ee Mareykanku geynayo xuduuda Suuriya oo tirdoodu gaarayso 30kun Askari. Laakin Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan oo ka hadlayay Ciidamada ay Dowladda Mareynkanku qorsheynayso inay halkaa geyso kuwo argagixiso ah oo ka dhan ah nabadda iyo amniga mandiqadaasi iyo waliba midnimada kurdiyiinta ee magaalada Cafareyn oo ku taal baadiyaha dhanka Waqooyi ee magaalada Halab Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gaashaandhiga Mareynkanka oo Beeniyay in ay Ciidamo cusub Udireen Suuriya appeared first on Caasimada Online.
-
PENTAGON — With the Islamic State’s so-called caliphate almost completely retaken in Iraq and Syria, many American leaders are concerned the group might try to create a new hub elsewhere. Source: Hiiraan Online
-
Qurbe joog u dhashay Puntland oo ku nool dalka Switzerland ayaa lacag dhan $13,000 ( Saddex iyo Toban) kun oo dollar ku wareejiyay guddiga dhismaha Airport-ka Garoowe, waxayna qeyb ka noqonaysaa lacagtani qaaraan muddo loo aruurinayay koronto galinta Garoonka Diyaaradaha Gen Mohamed Abshir (Hammaan) oo dhawaan uu xariga ka jarey Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya. Deeqda ka timid Jaaliyadda Puntland ee dalka Switzerland oo noqonaysa middii ugu horeysay oo dadka dibada ku nool ay kaga qaybgalayaan dhismaha Airport-ka Garowe waxaa si weyn ugu mahadceliyay Xubnaha Guddiga Qaaraan uruurinta koronta galinta Garoonka cusub ee magaalada Garowe. Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa hoos idinku soo gudbinaysa qaar ka mid ah sawirada guddiga oo lasoo gaarsiiyay qaaraanka uga yimid Jaaliyadda ku nool Switzerland. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Jaaliyadda dalka Switzerland oo $13,000 ugu deeqday Airport-ka Garowe appeared first on Puntland Post.
-
A De Montfort University Leicester (DMU) student has spoken about her incredible journey as a refugee from Somalia to the United Nations Headquarters in New York, where she represented DMU at a summit to launch the university’s involvement in the Together campaign to help refugees. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Jan. 18 (Xinhua) -- Somali army Thursday captured a town in the southern region and killed at least seven Al-Shabaab militants, including four senior commanders, an officer said Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaasi ayaa waxaa ay uga hadleen dagaalkii Ciidamada Soomaaliland ay kula wareegeen deegaanka Tukaraq ee g/ Sool. Waxaana Xildhibaanada Baarlamaanku ay iclaamiyeen dagaal ka dhan ah maamuulkaasi Soomaaliland. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marnaba aan loo dul qaadan doonin faragalin uu sheegay in Soomaaliland ay ka wado deegaano ka tirsan Puntland, Waxaana uu hoosta ka xariiqay in ka Maamul ahaan ay jawaab adag ka bixin doonaan weerarkaasi. Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah geysay aaga dagaalka ee deegaanka Tukaraq, waxaana labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaano ka tirsan g/ Sool. Source: Radio Shabelle
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shir-guddoominayey Ra’iisu Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Tubta Siyaasada loo dhanyahay, islamarkaasna waxaa looga hadlay arrimo kale oo la xiriira amniga dalka. Ugu horreyn, Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey Wasiir Maxmaed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka cusub ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha oo usbuucii hore safar shaqo ku maqnaa. Wasiirka Amniga iyo Wasiiru Dawlaha Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey xaalada amniga dalka oo ay sheegeen in howlgalo lagu sugayo amniga ay si xowli ah u socdaan islamarkaasna lagu guuleystey Labaatan (20) maleeshiyad Al-Shabaab ah in la soo qab-qabtay. Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa ka warbixiyay kormeer uu 17-kii Janaayo ee 2018 ku tagey degmada Balcad si’uu ugu kuur galo xaalada amaan ee deegaankaasi, una dhiiri geliyo ciidamada sugaya amniga dalka . Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha warbixin kasiiyey shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka dhacay dalka Turkiga oo ay labada dal soo kala saxiixdeen heshiisyo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya oo Turkigu ay diyaar u yihiin in badeecooyinka Soomaaliya loo suuq geyn doono dalkooda, iyadoo labada dal ay kawada shaqeynayaan sidii canshuur dhaaf loogu sameyn lahaa badeecooyinka laga dhoofiyo Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa xiriiriye u noqonaya labada guddi si loo dar-dargeliyo dhaqan gelinta heshiisyadaas oo 1-da ilaa 4-ta Feberaayo la sameyndoono carwo lagu soo bandhigo badeecadaha Soomaaliya. Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ayaa kawarbixiyey xaalada maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran India oo 43 ka mid ah xabsiga laga soo daayey oo dawladda Federaalku ay u diyaarineyso diyaarad lagu sooqaado si ay u yimaadaan dalkoodii hooyo. Sidoo kalena maxaabiista harsan ayaa la soodeyndoonaa bisha Febraayo. Dawladda ayaa ku dadaaleysa sidii muwaadiniinteeda ugu gurman laheyd. Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ayaa ka faah-faahin ka bixiyay xaalada saadka iyo qiimeynta ciidanka, waxuuna tilmaamy inay u diyaar-garoobeen howlgalada kooxada argagaxisada ah looga si feynayo dalka, sdioo kalena waxuu sheegey inay meel fiican u marayaan in la soo gabo gabeyn doono dagaalka Alshabaab. Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay xulista Guddiga Madaxabannaan ee Xaquuqul Insaanka iyo heerarkii uu soomaray oo guddi 19 xubnood ah ay soo xuleen iyadoo araajidii soo dalbatay ay ahaayeen 615, kadibna xulis lagu sameeyey lagana soo reebay 74 xubnood iyadoo ay goob joog ahaayeen xubno ka socda G/Shacabka iyo Aqalka Sare, Bulshada Rayidka ah iyo beesha caalamka oo ay kormeerayeen sida daah furnaanta ah ee ay xulistu u socotay. Ka dib 45 ayaa u soo gudbay heerka xulashada oo xog-wareysi lala yeeshay lagana soo xulay xubnihii noqon lahaa Guddiga Xaquuqul Insaanka oo marka ay soo dhameystiranto la horkeeni doono golaha wasiirada kulamadooda dmbe si loo ansixiyo. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah oo uu sheegay in wax-kabedelkii wasiiradu horey u codsadeen lagu soosameeyey, lagalana tashaday khubaro sharciyaqaano ah. Dood dheerka dib Golaha Wasiirada ayaa si’aqlabiyad ah u ansixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah. Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan soo celinta adeega .SO oo dhowaan lagu soo wareejindoono gacanta dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay guddi heer sare ah oo loo xilsaaray ay dadaalo farabadan ka dib in ay ku guuleysteen in la isla oggolaaday in dhowaan la soo wareejiyo adeegaas oo muhiim u ah dalka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan Tubta Siyaasada loo dhanyahay oo Guddi Hoosaadka G/Wasiirada ay muddo ka soo shaqeynayeen. Khubaro ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey tubta Siyaasada loo dhanyahay oo qeexeysa waqtiyeynta la rabo in la soo gabo-gabeeyey hawlaha xasaasiga ah ee siyaasada dalka, si loo qabto doorashooyin hal cod iyo hal qof ah sanadka 2020ka. GolahaWasiirada ayaa dood dheer ka dib ansixiyey Tubta Siyaasada loo dhanyahay oo muhiim u ah geedi socodka doorashooyinka dalka ee 2020ka. Xigasho sonna Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shirkii Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimodhowr ah oo ay kamidtahay Shariciga Shaqaalaha Rayidka iyo qodobadii lagasoosaaray appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shir-guddoominayey Ra’iisu Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Tubta Siyaasada loo dhanyahay, islamarkaasna waxaa looga hadlay arrimo kale oo la xiriira amniga dalka. Ugu horreyn, Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey Wasiir Maxmaed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka cusub ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha oo usbuucii hore safar shaqo ku maqnaa. Wasiirka Amniga iyo Wasiiru Dawlaha Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey xaalada amniga dalka oo ay sheegeen in howlgalo lagu sugayo amniga ay si xowli ah u socdaan islamarkaasna lagu guuleystey Labaatan (20) maleeshiyad Al-Shabaab ah in la soo qab-qabtay. Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa ka warbixiyay kormeer uu 17-kii Janaayo ee 2018 ku tagey degmada Balcad si’uu ugu kuur galo xaalada amaan ee deegaankaasi, una dhiiri geliyo ciidamada sugaya amniga dalka . Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha warbixin kasiiyey shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka dhacay dalka Turkiga oo ay labada dal soo kala saxiixdeen heshiisyo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya oo Turkigu ay diyaar u yihiin in badeecooyinka Soomaaliya loo suuq geyn doono dalkooda, iyadoo labada dal ay kawada shaqeynayaan sidii canshuur dhaaf loogu sameyn lahaa badeecooyinka laga dhoofiyo Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa xiriiriye u noqonaya labada guddi si loo dar-dargeliyo dhaqan gelinta heshiisyadaas oo 1-da ilaa 4-ta Feberaayo la sameyndoono carwo lagu soo bandhigo badeecadaha Soomaaliya. Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ayaa kawarbixiyey xaalada maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran India oo 43 ka mid ah xabsiga laga soo daayey oo dawladda Federaalku ay u diyaarineyso diyaarad lagu sooqaado si ay u yimaadaan dalkoodii hooyo. Sidoo kalena maxaabiista harsan ayaa la soodeyndoonaa bisha Febraayo. Dawladda ayaa ku dadaaleysa sidii muwaadiniinteeda ugu gurman laheyd. Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ayaa ka faah-faahin ka bixiyay xaalada saadka iyo qiimeynta ciidanka, waxuuna tilmaamy inay u diyaar-garoobeen howlgalada kooxada argagaxisada ah looga si feynayo dalka, sdioo kalena waxuu sheegey inay meel fiican u marayaan in la soo gabo gabeyn doono dagaalka Alshabaab. Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay xulista Guddiga Madaxabannaan ee Xaquuqul Insaanka iyo heerarkii uu soomaray oo guddi 19 xubnood ah ay soo xuleen iyadoo araajidii soo dalbatay ay ahaayeen 615, kadibna xulis lagu sameeyey lagana soo reebay 74 xubnood iyadoo ay goob joog ahaayeen xubno ka socda G/Shacabka iyo Aqalka Sare, Bulshada Rayidka ah iyo beesha caalamka oo ay kormeerayeen sida daah furnaanta ah ee ay xulistu u socotay. Ka dib 45 ayaa u soo gudbay heerka xulashada oo xog-wareysi lala yeeshay lagana soo xulay xubnihii noqon lahaa Guddiga Xaquuqul Insaanka oo marka ay soo dhameystiranto la horkeeni doono golaha wasiirada kulamadooda dmbe si loo ansixiyo. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah oo uu sheegay in wax-kabedelkii wasiiradu horey u codsadeen lagu soosameeyey, lagalana tashaday khubaro sharciyaqaano ah. Dood dheerka dib Golaha Wasiirada ayaa si’aqlabiyad ah u ansixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah. Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan soo celinta adeega .SO oo dhowaan lagu soo wareejindoono gacanta dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay guddi heer sare ah oo loo xilsaaray ay dadaalo farabadan ka dib in ay ku guuleysteen in la isla oggolaaday in dhowaan la soo wareejiyo adeegaas oo muhiim u ah dalka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan Tubta Siyaasada loo dhanyahay oo Guddi Hoosaadka G/Wasiirada ay muddo ka soo shaqeynayeen. Khubaro ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey tubta Siyaasada loo dhanyahay oo qeexeysa waqtiyeynta la rabo in la soo gabo-gabeeyey hawlaha xasaasiga ah ee siyaasada dalka, si loo qabto doorashooyin hal cod iyo hal qof ah sanadka 2020ka. GolahaWasiirada ayaa dood dheer ka dib ansixiyey Tubta Siyaasada loo dhanyahay oo muhiim u ah geedi socodka doorashooyinka dalka ee 2020ka. PUNTLAND POST The post Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Shariciga Shaqaalaha Rayidka ah iyo Tubta Siyaasada Loo dhan-yahay, loogana hadlay arrimo kale. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Gudaha Dekada magaalada Muqdisho ayaa waxaa goor dhow lagu dhex dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Badda Soomaaliya, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka. Sarkaalka la dilay oo maamulayay qeyb ka mid ah Dekeda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Saciid Mariin, kaasi oo si weyn looga garanayay gudaha Dekeda Muqdisho. Sarkaalkan ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay nin isaga ku xigeen u ahaa, iyada oo ilaa hadda aanan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa. Ciidanka ammaanka gudaha Dekeda Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglaha dilka geystay, waxaana laga dhigay Dareeska iyo Hubkii uu watay, iyada oo garba duub loo xiray, kadibna Gaari lagu kaxeeyay. Hay’adaha ammaanka ayaa ninkan ula dhaqaaday mid ka mid ah saldhigyada baarista, halkaasi oo lagu weydiinayo su’aalo ku saabsan sababta ka dambeysay inuu dilkan geysto. Allaha u naxariistee Marxuum Saciid Mariino ayaa meydkiisa waxaa halkaasi ka qaaday saraakiisha caafimaadka iyo qaar ka tirsan eheladiisa oo goobta soo gaaray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sarkaal Ciidanka Badda ah oo lagu toogtay Dekada magaalada Muqdisho iyo askarigii dilka gaystay oo gacanta lagudhigay. appeared first on Caasimada Online.
-
INAA LILAAHI WA INAA ILEHI RAAJUCUUN Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabkada Puntlandi waxay iyagoo ka tiiranyeysan tacsi u dirayaan Fanaan Farxaan Xidig oo hooyadii Xasno Cumar Cigale ay ku geeriyootay shalay Magaalada Boorame ee Gobalka Awdal. Haddaba, annagoo ka murugeysan,geerida naxdinta leh, waxaanu Marxuumada Allaah uga baryeynaa dembi dhaaf iyo naxariis, qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii ay ka baxdeyna in Ebbe Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.
-
Dhuusamareeb-(Caasimadda Online)-Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay shirkii lagu dhameystirayay heshiiska u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu suna. Munaasabadan oo bilaabatay barkhanimadii maanta ayaa soo gaartay ilaa duhurkii, iyada oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo ahaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyada oo uu shirkan ka maqan yahay Axmed Madoobe oo cudur daartay. Sidoo kale Munaasabadan waxaa ka qeyb galay xubnaha Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Micheal Keating, Guddoomiyaha Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD iyo xubno kale, kuwaasi oo maanta gaaray Dhuusa-mareeb. Masuuliyiinta khudbadaha jeedisay oo koobnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo horey u ahaa Madaxweynihii Ahlusuna, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Samatar iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo). sidookale Micheal Keating oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in QM ay soo dhaweyneyso heshiiska, wuxuuna balan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Maamulka Galmudug. Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la iska cafiyo wixii horey u dhacay, la iskuna calool fiyoowaado, si horey loogu sii socdo. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Soomaaliya Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa dhankiisa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo lagu riyoonayay in ay dhacdo, wuxuuna ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolada dhexe. Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa ku baaqay in la iska ilaaliyo inuu yimaado khilaaf, isaga oo sidoo kale sheegay in Galmudug ay u diyaar garowday dagaal wadajir ah oo lagu qaado Shabaab. sidookale Calanka Maamulka Galmudug ayaa laga taagay gudaha Madaxtooyada cusub ee Magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana guud ahaan Madaxtooyada maamulkeeda lagu wareejiyay Madaxweyne (Xaaf). Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo soo xiray Munaasabadda ayaa u mahadceliyay dhinacyadii howshaan ka soo shaqeeyay, wuxuuna tilmaamay in howsha hada ay tahay bilow. Hadii aan dib u laabano weli waxaa jirta tabasho ay qabaan waxgaradka reer Cadaado, oo aan laga gaarin xal muuqda, iyada oo ay xusid mudan tahay in maanta magaaladaasi uu ka dhacay Banaanbax, balse waxaa socda dadaalo lagu qancinayo Odayaasha. Caasimada Online Xafiiska muqdisho Caasimada@live.com The post Shirkii dhaqan gelinta heshiiskii Ahlu suna iyo Galmudug oo lagu soo gabagabeeyay ,Galmudug iyo Ahlusuna appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ,Madaxa Golaha wasiirrada Galmudug iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta booqday xerada 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku taal duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ciidanka ku jira Xereda 21aad waxaa ay hoostagaan Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca waxaana Ma`uuliyiintii Maanta booqatay xeradaas ay sheegeen in wixii xiligaan ka danbeeya ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jen. Gorod ayaa sheegay in Ciidamadan ay la wareegtay Dowladda Soomaaliya islamarkaana ay mushaarka iyo tasiilaadkooda kaleba bixin doonto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamadan ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,sidoo kalena dib u dhis lagu sameynayo Xerada Ciidamada Xoogga Dalka ee 21aad kuna taal Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidamadii Ahlusuna ee kujiray xerada 21aad oo lagu wareejiyay Dowladda (Sawiro) appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya(Caasimadda Online)-Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in xabsi ay maamulaan Al-shabab ay kasoo baxsadeen 5-qof oo ka tirsaneyd Al-shabaab kuwaas oo u baxsaday dhinaca Kenya. wararka ka imaanaya dalka kenya ayaa sheegay in ciidamadda dalkaas ay baadigoobayaan raglasheegay in ay kasoobaxsadeen xabsi ay gacanta kuhayaan kooxda alshabaab. wararku waxa ay intaas kudarayaan in raga soobaxsaday ay yihiin ilaa shan qofood kuwaas oo ay kooxda alshabaab uqorsheysay in ay gowracaan Axmed Iman Cali oo ka mid ah ragga baxsadka ah. shanta ruux ee lasheegay in ay kasoobaxsadeen alshabaab ayaa si dhumalaysi ah ku gaaray Kenya iyagoo rajo weyn ka qaba inay kaga badbadaan dagaalamayaasha Al-shabab. kooxdan baxsadka waxaa hogaaminaya Axmed Iman oo kamid ah hogaamiyaasha Al-shabab ee shacabka Kenya ugu yeeri jiray inay ku biiraan bartamihii sanadkii tagay ee 2017kii. Axmad ayaa ayaa isaga baxay Al-shabab kadib marki ay gowraceen dhowr dhalinyaro oo Kenyan ah oo ay ku eedeyen inay basaasnimo iyo macluumadka sirta ah ee Al-shabab ay u gudbinayeen xukuumada Kenya. shantaan qof ee ka baxsatay xabsiyada Al-shabab ayaa la tilmaamay inay kasoo jeedan magaalooyinka Lamu iyo Malindi waxana ay xirnaayen ilaa dhamadkii sanadkii tagay. Warbixinada sirdoonka Kenya ay helaan ayaa muujinaya in dadka ugu badan ee Al-shabab ka tirsan lagu dhibaateeyo ay yihiin kuwa Kenya kasoo jeeda. Muwadiniinta Kenyaanka ah ee Al-shabab ku jiray ee sanadkii lasoo dhaafay ay kooxda basaasnimo ku eedeysay kadibna gowraceen waxaa kamid ahaa Ardey horey wax uga bartay jaamacada Moi University Jared Mokaya Omambia, Faraj Abdulmajid, Ahmed Yusuf Hassan, Ahmed Nur Abdi Osoble, Abdullah Talal Musa, Hashim Othman Selali iyo kuwa kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidamada Kenya oo Raadinaya hogaamiye iyo afar qof Oo ay gawrac kuxukumeen shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday Xerada taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku taala magaalada Dhuuso Mareeb,isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil iyo ciidamo. Wuxuu warbixin ka dhageystay saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo ka warbixiyay baahiyaha ay ciidamadu qabaan iyo sida ay ugu diyaar san yihiin gulufka ka dhanka ah ALshabaab. Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan madaxda Galmudug,mas’uuliyiin iyo saraakiil kale ayaa amaan iyo Bogaadin ujeediyay ciidamo halkaasi ku sugan iyo saraakiishooda,wuxuuna sheegay in ay kaalin mug leh ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Madaxweyne Farmajo oo hadal kooban kajeediyay Xerada 21,aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ku taalla duleedka Magaalada Dhuusa Mareeb. Madaxweynaha ayaa sheegay in midowga Ahlusunna iyo Galmudug ay sahli karto in la qalabeeyo ciidamada si ay awood ugu yeeshaan xureynta deegaanada ka maqan Gacanta Maamulka Galmudug. Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in dowladda Soomaaliya ay Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Galgaduud ee lagu daray kuwa Galmudug ay u sameyn doonaan qalabeyn iyo waliba tababarid. Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo. http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/01/Madaxweyne-Farmaajo.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo”Midowga Galmudug iyo Ahlusuna waxa uu sahlayaa xureynta deegaannada ka maqan” appeared first on Caasimada Online.
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo qasaare geystay oo lala eegty oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose. Qaraxyadan ayaa la sheegay iney gaarayaan ilaa iyo labo qarax kuwaa oo lala eegtay kolonyo ciidamo huwan ah oo isugu jiray Mareykan, Kenya iyo kuwa Jubaland, oo marayay deegaanka Buula Guduud oo qiysaastii 30 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose. Sarakiisha ciidamada ee Gobalka Jubada Hoose oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay inuu jiro weerar loo adeegsaday qaraxyo in lagu qaaday ciidamada Jubaland iyo kuwa kenya iyo Ciidamo Cadaan ah oo kasoo baxay Magaalada kismaayo kuna sii jeeday deegaanka Buula-gaduud, kuwaa oo sahay Millitari u waday ciidamo kale oo saldhig ku lahaa deegaanka Buula-gaduud ee Gobolka Jubada hoose. Wali lama xaqiijin qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi ee loo adeegsaday miinoyinka dhulka lagu aaso. Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan weerarka lagu qaaday kolanyada huwanta aheyd ayaa lagu soo waramayaa iney usuura gali weysay iney horey usii socdaan oo ay dib ugu laabteen kismaayo oo aheyd halkii markii hore ay kasoo baxeen oo ay doonayeen iney sahay militari gaarsiiyaan d- Buula-gaduud. PUNTLAND POST The post Qaraxyo Lagu Weeraray Ciidamo Iskugu Jiro Mareykan Kenyaati iyo Soomaali appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in guri ku yaalla degamadaas uu ka kacay dab khasaaro dhaliyay. Guriga uu dabkan ka kacay ayaa u dhow Xarunta degmada Yaaqshiid oo ku taalla Xaafada Suuq Bacaad,waxa ayna Goobjoogayaal ay sheegeen in uu debka dhammaan Baabi’iyay Guriga. Sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaya Burburka uu Guriga u geystay debka iyo in ay Gubteen Agabkii kala duwanaa ee Gurigaas yaalay. Dadka ka Agdhow Guriga ayaa bilaabay in ay u gurmadaan Qoyskas uu Gurigooda dabka ka kacay si ay u demiyeen Weli lama sheegin khasaaro nafeed ee uu geystay debkaas. Hoos Ka Daawo Sawirrada. Caasimada Online Xafiiska muqdisho Caasimada@live.com The post Sawirro:-Dab Khasaaro dhaliyay oo ka kacay Guri ku yaalla Degmada Yaaqshiid appeared first on Caasimada Online.
-
Iiraan-(Caasimadda Online)-Warar goordhow soobaxay ayaa sheegaya in Markab laga leeyahay dalka Iran uu ku degay badda Shiinaha, iyadoo la sheegay in markabkaasi uu haatan gubanaayo. Markabkan ayaa lagu magacaabaa Sanchi, waxaana la sheegay in hadda dabka uu ku faafay masaafo dhan 100km oo isku wareeg ah,iyadoo ay soconayaan howlo loogu gurmanayo shaqaalihii saarnaa Markabkaasi. Waxaa la sheegayaa in Markabkan Sanchi uu sidey 136,000 tan oo shidaalka ceyriinka ah,32 shaqaale oo saarnaa ayaa dhammaantood geeriyooday. Wararka ayaa sheegaya in Illaa afar goobood uu dabka ka holcayo sida ay ku waramayaan warbaahinta Shiinaha,dowladda Shiinaha ayaa waxaa ay wadda qorshe ku aadan sidii maraakiib gurmad ah loogu diri lahaa. Shidaalka uu waddo ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid sun ah, islamarkaasna ka gubasho og shidaalka kale,mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Iiraan ee ku aadan dhacdadaani. War ka soo baxay Wasaaradda gaadiidka Shiinaha ayaa lagu sheegay in ay kooxo u direyso halka uu markabka ku gubanayo si wax looga qabto dhibaatada deegaanka u iman karta. Ilaa iyo haatan lama sheegin macluumaad ku saabsan halka uu ku wajahnaa markabkan gubanaya. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Markab siday Shidaal oo laga leeyahay dalka Iran Oo ku gubanaya Badweynta India appeared first on Caasimada Online.