-
Content Count
212,205 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ku ridday Ibraahim Aadan Maadeey oo magaciisa Afgarashadiisuna yahay Cabdiraxmaan, kaas oo lagu eedeeyay ka tirsanaanta Al-shabaab iyo inuu geystay dilal qorsheysan oo ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.
Eedeysanaha ayaa Al-shabaab kaga biiray degmadd Jillib ee Gobolka Jubbada dhexe, Tabbar gaaban oo dhinaca Dillalka Qorsheysan ah kadib waxaa loo soo diray in Muqdisho uu ka howlgallo, Gaar ahaan Kooxda Dilalka Gaadmada ah fulisa, ka hor inta uusan soo galin gacanta laamaha amniga.
Dilalka loo heysto ayaa waxaa kamid ah dil 2024 loo geystay marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed oo Afaafka hore ee gurigeeda, marxuumadda ayaa ka tirsaneyd waaxda nadaafadda ee degmada, xilliga uu dilayay ayuu ka dalbaday biyo uu cabo kadibna uu sidaas ku toogtay sida lasoo bandhigay.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday kow iyo Tobankii bishaan oo maxkamaddu u fariisatay dhageysiga kiiskaan isagoo qirtay inuu geystay falka dilka ah ee Allah unaxariistee Marxuumada Khadiijo Siyaad Maxamed.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn Maanta Ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadeey Dil toogasho oo ah qisaastii Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed, taas oo sanadkaan horaantiisii lagu dilay xaafadda Albaraka ee Hodan.
Gabagabadii fadhigaya ayaa waxaa warbaahinta la sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Maxkamadda ayaa maalmahaan ku howlaneyd kiisas kale duwan oo la xiriira dilal siyaabo kale duwan u dhacay.
-
Kulan balaadhan, qiimo iyo qurux badan oo xalay magaalada Hargeisa ka dhacay, oo haldoor, dhalinyar iyo aqoonyahan (rag iyo dumar ba leh) ee beesha Adan Madoobe la yeesheen Musharax Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Party Mudane Xirsi Cali Xaji Hassan iyo madaxda Xisbiga Waddani.
-
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ayaa sheegay in Israa’iil iyo Xamaas aan la is barbar dhigi karin ka dib markii maxkamadda ICC ay soo saartay amar la soo xirayo madaxda maamulka Israa’iil iyo hoggaamiyaasha ururka Xamaas.
Biden ayaa yiri “Waxa Gaza ka dhacaya ma aha xasuuq,” sidoo kalena wuxuu si adag uga falceliyay go’aanka maxkamada caalamiga ee ICC ee ku saabsan dembiyada dagaal ee lagu eedeeyay madaxda Israa’iil.
Hadalka Biden ayaa yimid ka dib markii Karim Khan oo ah dacwad oogaha maxkamada caalamiga ah ee ICC uu sheegay in uu dalbanayo in la soo xiro ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ay galeen intii uu socday dagaalkii Gaza.
Si kastaba ha ahaatee waxaa korortay khasaaraha dadka reer Falastiin ka soo gaaraya duqeymaha iyo duullaanka ee kala joogsiga lahayn ee Israa’iil waddo, reer galbeedka oo uu Mareykanka ugu horreeyona waxaa lama taabtaan u ah difaaca Israa’iil.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdalla Bin Saalim Al-Naciimi.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrima dhowr ah oo la xariira xoojinta xiriirka labada dhinac, dardar galinta heshiisyadii horey u dhacay ee la xariira fulinta barnaamijka mataaneynta Muqdisho iyo Doxa, dib u cusbooneysiinta mashaariicda ay Dowladda Qatar ugu talagashay dib udhiska Caasimadda JFS.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa uga mahad celiyay Boqortooyada Qatar kaalinta hagar la’aanta ah oo ay marwalba ka geysato garab istaaga Dowladnimada Soomaaliya iyo dib u dhiska dalkeena.
-
Ciidamada Israel ayaa hadda toogasho ku dilay shan qof intii lagu guda jiray weerarkii ay ku qaadeen xerada Jenin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Wafa oo soo xiganaysa wasaaradda caafimaadka.
Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray dhaqtar, macalin iyo arday.
Warbaahinta gudaha ayaa baahisay sawir ay ku sheegtay inuu ahaa ardaygii la dilay. Waxa ay sheegtay in ciidanka Yahuuda ay si aan kala sooc laheyn u beegsanayso dadka falastiiniyiinta ah.
Bishii Nofembar, ciidamada Israa’iil waxay dileen 14 falastiiniyiin ah weerar ay ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin.
Bishii Janaayo ee sanadkan, ugu yaraan 7 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil la beegsatay goob ay ku shirayeen muwaadiniinta magaaladaas.
-
Waayadan dambe waxaa baraha ay bulshadu ku wada xariirto, gaar ahaan aaladda TikTok si xoog leh uga socda falal guracan oo dhaqan iyo diin bi’is ah, kuwaasoo aad dadka mareegahaa adeegsada qaar kamid ihi ay ku kacaan.
Dhallinyaro muuqaalada anshax-xumada ah iyo cayda dadka kale meherad iyo mucaash mooday ayaa u soo tafa-xaytay ficillo aad u xun xun oo carruur iyo cirrooleba ay la yaabeen.
Facshar iyo foolxumo aan waligood la arag ayaa jaadad kala duwan ee internet-ka dhex wareegaya, kuwaasoo wadaad iyo waranleba bulshadu wada dhibsanayso.
Damiirkii iyo sarriigtii dadka Soomaaliyeed lagu yaqaanay ayaa dhimasho qarka u saaran, qaawanaanta iyo ku qarraafaysiga dhaqan xumaduna waxay noqdeen xirfad maalinle ah.
Fadeexaynta iyo sumcad dilka shaqsiyaadka bulshadeeda saamaynta ku leh ayaa bartilmaameed u noqday qolyo xishaadkii iyo xurmadii meel iska dhigay oo aan waxba xeerinayn, dadweynuhuna cid ka dhiidhisa daaye in badan oo kamida ayaa xiisaynaya daawashada muuqaalada anshax-xumada.
Wadaad iyo waanadiisba la nac oo waxaa indhaha lagu wada taagayaa dumarka dhaqan dooriska noqday iyo ragga is nacay oo cayda qabiilada xirfadda ka dhigtay, taasoo keentay in hadal-haynya fagaare walba ay noqato heblaa la soo qarxiyay iyo hebel baa wax karbaashay.
Saaqidiinta falfal xumidana ku howlan ka sokow waxaa jira kuwo kale oo buun buunin baahin ugu kaalmayna, oo anshax darrada iyo anafada ay wadaan ku sii dhiiri-gelinaya.
Dhibaatada baaxadda weyn iyo halista ay falalkani nolosha dadweynaha iyo dhaqanka u geysteen markii laga tago , waxay xad-gudub iyo burburin ku yihiin mid kamida tiirarka waaweyn oo diinteena udub-dheex u ah,taasoo ah inaan qof sharafkiisa meel looga dhici karin.
Shareecada islaamku waxay ilaalisaa nafta, maal, iyo milgaha”cisiga iyo cirdiga” dadka muslimiinta ah, ku xad-gubka 3-daa qodobna waxaa lagu mutaystaa caro Alle iyo cinqaab adag if iyo aakhiro mid ahaan lagula kulmo.Waxyaaba ay falalkan guracani keeni karaan waxaa kamid ah dil, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in qof dhan muuqaallo uu hayo dartood loo khaarajiyo ayadoo laga qabayo inuu faafiyo ama uu dano kale oo qalloocan u adeegsado.
Sidoo kale waxaa suurta-gal ah in waalidka gabadhiisa ama wiilkiisoo qaawan baraha bulshada ku arkaahi uu xanaaq isla madax maro oo uu ilmaha gowraco ama ciddii wax ka duubtay kurka ka jaro oo talo faro ka haaddo, isku dir bulsho iyo hurin colaadeedna way horseedi karaan.
Haddaba si falal-xumadan loo joojiyo
waxaa dowlad iyo dadweynaha oo iskaashanayaahi ay u istaagaan, tillaabada ay booliisku qaadeen ee ay xabsiga ku dhegeen dhallinyarada dhaqan xumada caadaysatayna la sii xoojiyo. -
Dacwad-oogaha guud ee maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC ayaa Isniintii sheegay inuu doonayo in waaran qabasho ah loo diro ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, wasiirkiisa difaaca iyo saddex hoggaamiye oo ka tirsan ururka Xamaas, kuwaas oo loo haysto dembiyo dagaal oo ka dhacay Qaza, iyo dembiyo kale oo ka dhan ah bini’aadantinimada, intii uu socday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.
Dalabka dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa loo gudbinayaa saddex garsoore oo kuwaas oo qiimayn doona caddaymaha uu soo ururiyey, ka dibna ka go’aan gaadhi doona in waaran qabasho ah oo rasmi ah loo jaro saraakiisha eedda lagu soo oogay.
Go’aanka ka soo baxay maxkamadda ICC ayaa dhaliyey falcelin kala duwan. Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa arrintan ku tilmaamay “inuu yahay wax laga xumaado oo muujinaya heerka uu nidaamka garsoorka ee caalamiga ahi uu khatarta ugu jiro inuu burburo”.
Wasiirka arrimaha debedda ee Israa’iil ayaa isaguna go’aanka maxkamadda dembiyada caalamiga ah ku tilmaamay inuu yahay “go’aan fool xun”
Madaweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhaleeceeyey go’aanka maxkamadda ICC, inay is-barbar dhigton weerarkii ay Xamaas qaadday Israa’iil ee ay dadka ku afduubatay iyo hawlgallada milateri ee ay Israa’iil ka waddo Qaza.
Sidoo kale xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa taageeray hadalka madaxweynaha, isaga oo ceeb ku tilmaamay, in maxkamadda ICC ay isbarbardhigto Israa’iil iyo Xamaas.
Xoghayaha arrimaha debedda ayaa intaas ku daray in go’aankani uu wax u dhimmi karo, dedaalada socda ee la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagaga gaadho dagaalka ka socda Qaza, isla markaana in la sii daayo la haystayaasha, lana kordhiyo gargaarka la geynayo Qaza, kaas oo ah, ayuu yidhi Blinken, inay yihiin dedaalada joogtada ah ee uu wado Maraykanku.
Ururka Xamaas ayaa isaguna dhaleeceeyey go’aanka ka soo baxay dacwad oogaha ICC ee ah, in la soo xidho saddex ka mida saraakiisha sarsare ee ururkooda. Waxay ku eedeeyeen dacwadoogah ICC, Karim Khan inuu isku dayayo inuu simo, dhibbanaha iyo qofkii dilka geysanayey.
Qoraal ay soo saareen Isniintii shalay ayay Xamas ku sheegtay inay xaq u leeyihiin inay iska difaacan qabsashada Israa’iil ee dhulkooda, oo ay ku jirto iska caabbin hubaysan.
Balkees Jarrah, oo ah ku xigeenka agaasimaha cadaalada caalamiga ah ee ururka xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa bogaadiyay go’aanka Khan.
Wuxuu sheegay in tallaabadani ay iridaha u furi doonto, in lala xisaabtamo kuwii masuulka ka ahaa, dembiyada la geystay bilihii ugu dambeeyey, isla markaana in la soo taago maxkamad cadaalad ah.
Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa sidoo kale soo dhoweeyey go’aanta ICC.
Dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa sheegay in xafiiskiisu uu aaminsan yahay in shanta qof ay masuul ka yihiin, dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisa difaacuba “ay qaadayaan masuuliyadda dembiyada dagaalka iyo dembiyada kale ka dhanka ah bini’aadantinimada ee dhacay, oo ay ku jiraan, inay gaajaysiinta dadka rayidka ah u isticmaaleen hab dagaal iyo inay si badheedh ah u bartilmaameedsadeen dadka rayidka ah “iyaga oo u arka hab ay ku cidhibtiri karaan Xamaas, una soo dayn karaan la haystayaasha gacanta ugu jira Xamaas, sidoo kalena waxay si wada-jir ah u ciqaabeen dadka rayidka ah eek u nool marinka Qaza, kuwaas oo ay aaminsan yihiin inay halis ku yihiin Israa’iil.
Khan ayaa intaas ku daray in hoggaamiyaha Xamas ee Qaza Yaxya Sinwar, Taliyaha garabka milateri ee Xamaas Maxamed Diab Ibrahim al-Masri iyo hoggaamiyaha garabka siyaasadda Ismaaciil Haniyah inay ka masuul yihiin dembiyo dagaal iyo dembiyo kale oo ka dhan ah bini’aadantinimada, taas oo ay ku jiraan, dilal, qafaalashada la haystayaasha, kufsi, xadgudubyo kale oo dhinaca jinsiga ah iyo jidhdil.
Dacwad oogaha ayay tahay inuu codsi waaran qabasho u gudbiyo saddex xaakin oo qiimayn doona caddaymaha uu hayo, ka dibna waxay go’aamin doonaan in aqbalaan in la soo xidho.
-
Kadib markii la xaqiijiyay warka ku saabsan geerida Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed, Mohammad Mokhbar Dezfuli, ku-xigeenkiisii koowaad ayaa la wareegaya xafiiska madaxweynaha dalka, isaga oo sii hayn doona mas’uuliyadda madaxtinimo ilaa inta ay ka dhacayso doorashada.
Waxa uu xilkaan hayn doonaa muddo laba bilood ah, sida uu qabo dastuurka Iran. Doorashada madaxtinimo ee Iran ayaa la qaban doonaa 50-ka maalmood ee soo socda.
Sida ku cad qodobka 131-aad ee dastuurka jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan, haddii uu geeriyoodo madaxwaynuha dalka, ku xigeenkiisa koowaad “isagoo ogolaansho ka helaya hogaanka sare”, waxa uu la wareegayaa awoodda iyo masuuliyada madaxweynah.
Gudoomiyaha golaha wakiilada iyo Madaxa Garsoorka iyo Madaxweyne ku xigeenka koowaad waxa ku waajib ah inay diyaariyaan Madaxweyne cusub oo lagu soo dooranayo ugu badnaan konton maalmood gudahood”.
Waa kuma Maxammed Mokhbar?
Ka hor inta uusan noqon ku-xigeenka koowaad ee Ebrahim Raisi, Mohammad Mokhbar Dezfuli wuxuu muddo 15 ah ahaa madaxa shaqaalaha Fulinta ee xarunta Farman Imam – oo ka mid ah kooxaha dhaqaale ahaan ugu qanisan Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Xaruntan ayaa si toos ah u hoos timaada hogaamiyaha sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah Iran.
Waxa uu noqday madaxweyne ku xigeen isagoo la tartamaya rag kale oo caan ah oo ku jiray safka hore ee tartanka.
Maxammed Mokhbar Desful, wuxuu dashay bsihii June sanadkii 1955-kii, isagoo ku dhashay magaalada taariikhiga ee Desful.
Qoyskiisu waxay ahaayeen kuwo ahlu diin ah. Aabihiis, Sheekh Cabbaas Mokhbar, wuxuu ahaa daaci iyo wadaad diinta dadka waaniya, marna wuxuu ahaa imaamka ku meel gaarka ah ee Dezful.
Maxammad Mokhbar waxa uu waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo sare ku qaatay Dezful iyo Ahvaz, sida ay qoreen warbaahinta Iran, waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaatay injineernimada korontada, halka shahaadada master-ka uu ku qatay maamulka.
Waxa kale oo uu shahaadu ka qaatay cilmiga maamulka iyo qorshaynta dhaqaalaha, shahaadada doctorate-ka ayuu ku qatay sharciga caalamiga ah.
Lama hayo xog badan oo ku saabsan ninkaan ka hor bilowgii dhaqdhaqaaqii kacaankii Iiraan, balse waxaa la sheegay inuu xubin ka ahaa kooxda Khuzestan oo ah koox ka soo horjeeday dowladii Pahlawi, sida uu lagu daabacay wargayska Hamamihan.
Ka dib markii la aasaasay Ciidmada Ilaalada Kacaanka Iran ee loo yaqaano IRGC, qaybtooda Khuzestan, waxaa loo magacaabay sarkaalka caafimaadka ee Dezful ee ciidamada IRGC wuxuuna xilkan hayay sannadihii ay socdeen dagaalka Iran iyo Ciraaq.
Dhammaadkii dagaalka ka dib, Mohammad Mokhbar waxa uu noqday maamulaha shirkadda isgaarsiinta ee Dezful. Waxa uu sidoo kale ahaa guddoomiye ku xigeenka Khuzestan in muddo ah.
Intaa ka dib, wuxuu aaday Tehraan intii uu madaxweynaha ahaa Mohammad Faruzandeh, kadibna wuxuu qayb ka noqday hay’ad lagu magacaabo Mustafafan Foundation, isagoo jagooyin muhima ka qabtay.
Xilalka kale ee uu soo qabtay Mohammad Mokhbar, waxaa kamid ah, in uu soo noqday guddoomiyaha guddiga maamulka ee Bankiga Sina, kaas oo ka hoos shaqeyn jiray hay’adda Mustafafan Foundation.
Bishii Janaayo sanadkii 2021 kii, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, markii ay cunaqabateyn ku soo rogtay xarunta fulinta ee Farman Imam iyo madaxii xilligaas, Mohammad Mokhbar, waxay ku tilmaantay “Bahal Ganacsi”.
Waxaa jira qiyaaso kala duwan oo ku saabsan hantida Xarunta Taliska Sare. Sannadkii 2013 kii, wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa warbixin baaritaan ah ku sheegtay in xarunta fulinta ay tahay “Boqortooyo dhaqaale oo weyn” waxayna ku qiyaastay qiimaha hantideeda wakhtigaas ilaa 95 bilyan oo doolar.
Waxa magaca Mohammad Mokhbar uu ka soo muuqday warbaahinta sannadihii u dambeeyey ee uu ka shaqaynayey xarunta iyo markii uu dillaacay xanuunka Corona, iyada oo xaruntu ahayd mashruuca wax-soo-saarka tallaalka gudaha ee Covid-19.
Mohammad Mokhbar ayaa ku guuleystey tartankii jagada madaxweyne ku xigeenka 1aad ee ay aadka u baadi goobayeen magacyo aad loo yaqaano, sida Siciid Jalili, waxaana jagadaan loo magacaabay 17-kii August, shan maalmood kadib markii xilka uu ka tagay Ebrahim Raisi.
-
Dhalinyaradda Facebook-gu garan maayaan badankoodu Aw-Xan Sheekh Cismaan Nuur, wuxuu ahaa Wiilka Sheekhul baladka Burco, wuxuuna ahaa Nin qisooyinkiisu gaadheen gayiga Soomaalidu degto oo dhan.
Haddaba qiso Maxamuud Cali Saleebaan (Raamaax) ku baxday ayaa jirtay, Aw-Xasan ayaa xanuunsaday bilawgii sidetamaadkii, wakhtigaa dawada waxaa keeni jiray dawladdii kacaanka: dawadii xanuunka Xaajiga dabiibka u ahayd oo Burco iyo Hargaysaba ka gonayd waxaa laga soo helaayay Muqdisho oo kaliya xumadina way haysay. Ramaaax oo xiligaas kamid ahaa dhalinyaradda uu aadka u jeclaa Aw-Xasan kana ag-dhawaa ayaa go’aan shakhsi ah qaatay. Goor fiid ah ayuu gaadhi ka kaxaystay Magaaladda Burco, inta u dhaxaysa Burco iyo Muqdisho meelna bireega kuma qaban, markiiba intuu dawadii soo dhuftay ayuu isa soo rogay.
Muddo qof safar intaas leeg galay aanu ku soo noqon karin ayuu dawaddii soo gaadhsiiyay Aw-Xasan. Markii dawadii Xajiga la siiyay ayuu Dadkii waydiiyay “Waar dawadayda yaa keenay waatii baladka ka go’naydee”. Markaasa la yidhi Ramaax ayaa Muqdisho ka soo qaaday oo isla markiiba ku keenay. Aw-Xasan Sheekh Cismaan Nuur, Nin xigmad badan ayuu ahaa isagoo ka yaabay firfircoonida Ramaax markaa dheeraa dhalintii faciisa ahayd iyo xawaaraha masaafada uu soo jaray ayaa wuxuu yidhi hadal tariikhda galay oo ahaa. “Eesh qiyaasak Ramaax ijiin tanwayn ayaa saaran”.
Hadda waa halkii odhaahdii Aw-Xasane mar haddii uu Ramaax Baskii guusha Xisbiga rajada shacabka uu shidka u soo galay, waxaynu sugnaaba waa firfircooni cusub oo Xisbiga duulisa..
Tusan.
Muniir Axmed Cigaal.
-
The International Criminal Court's prosecutor said on Monday he had requested arrest warrants for Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu, his defence chief and three Hamas leaders over alleged war crimes.
-
Journalists living in exile in Kenya are finding support to continue working in their professions, thanks to a fellowship provided by media groups. From Nairobi, Victoria Amunga has more. Camera and video: Jimmy Makhulo.
-
Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with the Russian Ambassador to Djibouti and Somalia, Mikhail Golovanov, in Mogadishu on Monday.
-
Residents affected by floods and mudslides in Narok South have received food and non-food item donations from Nairobi Shree Swaminarayan Mandir Temple worth Sh3 million.
-
The White House says it chose Kenya for its first state visit for an African leader for many reasons — not least because the East African powerhouse has stepped up on the global stage, offering to staff a United Nations peacekeeping mission to Haiti that could see boots on the ground as early as this week.
-
American citizens were involved in an attempted coup d’état that left at least three people dead on Sunday in the Democratic Republic of Congo, a military spokesperson told CNN Monday.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa habeenimadii waqti kula qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey xeebta liido, xilli halkaas ay isugu yimaadeen shacab badan.
Arrintaan ayaa ka tarjumaysa nabadda iyo xasilloonida ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan doorka kaga aaddan nabadda iyo isdhexgalka bulshada ku nool Muqdisho oo nabad dareemaya xilligaan.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa booqashada waxa ku wehliyay madaxweynayaasha dowlad Goboleedyadda Galmudug,Jubaland ,Hirshabeelle, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.
-
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta Iyo Kheeyraadka Biyaha XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa lagu soo dhoweeyey Dalka Indonesia oo uu kaga qeeyb gelayo Shirka Madasha 10aad ee Biyaha ( 10th World Water Forum).
Madashaan oo lagu qabtay Magaala Xeebeedka Jaziiradda Bali ee Dalka Indunuusia waxaa furay Madaxwaynaha waddankaas oo Khudbad ka jeediyey waxaana looga doodi doona caqabadaha Guud ee Biyaha iyo sidoo kale heerka daboolka biyaha, xal u helidda khaliaafadka biyaha ee hadda taagan, iyo hirgelinta go’aamadii ka soo baxay Shirweeynihii Biyaha Dunida (UN water conference New York 2023).
Wasiiru Dowlaha ayaa warbxin ka Jeediyey madasha, inta Madashu socotana kulamo gaar gaar ah ayuu la yeelan doonaa Wafuudda sare ee ka socda waddamada cilaaqaadka biyaha uu nagala dhaxeeyo & Hey’addaha Hormarinta biyaha ka shaqeeya.
-
Dowladda Sacuudiga ayaa rabta hortagto dadka aan Soo Marin nidaamka saxda ah ee loogu talo galay in ay maraan dadka xajinaya.
Boqortooyada Waxaa Soo Baxay amarro is daba joog ah ay ku socodsiineyso nidaamka Xajka ee sanadkaan oo wax badan ka bedelan sanadihii hore.
Dadka hareer mara nidaamka Xaajiga loo dejiyay iyo kuwa Raba in ay si sharci darro ku xajiyaan ayey dowlada Sacuudiga sheegey talaabooyin isugu jira xarig, Ganaax iyo Tarxiil.
Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagey go’aamadaasi iyo habraaca dowlada Sacuudiga ay jideysey, SI looga hortago dhibaato Soo gaarta muwaadinka Soomaaliyeed.
-
PRESS RELEASE
Africa-Paris Declaration on Energy Transition, Climate Justice and Energy Poverty
The declaration aligns Africa’s position on the global energy transition and climate justice debate, following the conclusion of the Invest in African Energy forum in Paris, organized by Energy Capital & Power
Access Multimedia ContentPARIS, France, May 21, 2024/ — African civil society, human rights groups, environmental groups, governments and the private sector stand firm in their commitment to align Africa’s efforts in combating energy poverty and fostering industrialization, all while advocating for a just energy transition and ensuring climate justice. This steadfast commitment was underscored by the conclusion of the Invest in African Energy forum held in Paris on May 15.
Throughout the forum, key stakeholders from across the continent and beyond convened to address the pressing energy challenges facing Africa. Taking place in Paris – the city where the Paris Climate Agreement was signed in 2016 – discussions centered on strategies to attract investment, promote sustainable energy development and drive economic growth while prioritizing environmental responsibility, African civil society, human rights groups, environmental groups, governments and the private sector recognize the critical importance of addressing energy poverty, which continues to impede socio-economic progress in many African nations. By fostering an environment conducive to investment and innovation, we Africans aim to unlock the continent’s vast energy potential and empower communities with access to reliable, affordable energy sources.
The Paris Declaration calls for fruitful discussions and collaborations, highlighting the shared commitment of African nations, global investors and industry leaders to drive sustainable energy development across the continent.
Moving forward, we remain dedicated to championing Africa’s energy agenda, advocating for policies that balance economic growth with environmental stewardship, and empowering African nations to realize their energy potential while advancing climate goals.
We recognize Africa’s sovereign right to develop its energy resources – which include north of 125 billion barrels of oil and 620 trillion cubic feet of natural gas – in a balanced and sustainable manner. Ramping up energy investment, deploying continuous finance and advancing energy projects represent Africa’s core priorities, as 600 million Africans lack access to reliable power and 900 million Africans lack access to clean cooking fuels. Projects like the TotalEnergies-led Mozambique LNG development and the East African Crude Oil Pipeline seek to maximize Africa’s resources for the benefit of local communities. In West Africa, developments such as Perenco’s Cap Lopez LNG Terminal and associated LPG facility, the Nigeria-Morocco Gas Pipeline and the Eni-led Congo LNG project will catalyze long-term economic growth and energy resilience, with natural gas, LNG and LPG set to play a critical role in the continent’s energy poverty reduction strategy. The Southern African region is only just starting to realize the full potential of its oil and gas resources, with recent discoveries made in Zimbabwe’s Cabora Bassa Basin by Invictus Energy and Namibia’s prolific Orange Basin by Shell, TotalEnergies and Galp. Namibia is also home to the development of sub-Saharan Africa’s largest green hydrogen project led by Hyphen Hydrogen Energy, while Mauritania is pioneering green hydrogen through Chariot’s Project Nour and CWP Global’s AMAN Project, coupled with expanded gas development from the bp-operated Greater Tortue Ahmeyim LNG project.
Despite Africa’s unmet energy requirements, global energy lending has only tightened, as major European and other Western banks exit the fossil fuels industry in Africa, while financing fossil fuels in Western countries. These institutions have not been equitable when it comes to facilitating adequate energy and climate finance for African countries, where local populations are disproportionately affected by both climate risks and restrictions on fossil fuel development. Europe has made repeated calls for natural gas and green finance, yet there is a considerable blockage on energy finance for African countries. This chokehold continues to inhibit Africa’s industrial growth and the establishment of critical gas-driven industries like power, petrochemicals, fertilizers and mining, keeping the continent at a developmental lag.
We Africans deplore the continuous polarization of the energy dialogue in Western countries and call on the demonization of African oil and gas to stop. We urge free market solutions to Africa, and not a continuous push for aid so that Africans pledge to leave their resources in the ground. More aid is not the answer. Investment is key. From Cape to Cairo, from Nairobi to Dakar, we stand united toward meeting our shared obligations to fight climate change, noting that wealthy nations need to decarbonize and Africa needs to industrialize.
It is the position of African civil society, human rights groups, environmental groups, governments and the private sector that African countries must diversify available pools of capital and create financial instruments outside of traditional institutions – tapping into private equity and non-conventional bonds – to fund new exploration and energy initiatives. Moreover, African countries must put in place attractive regulatory and fiscal terms, thereby creating an enabling environment and removing all barriers to investment, such as incohesive regulation, excessive red tape or nationalistic policies. With competitive terms and incentives in place – followed by the integration of ESG principles and capacity building requirements – African energy projects will be able to compete effectively for global capital and work toward making energy poverty history across the continent.
Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power.
SOURCE
Energy Capital & Power -
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda, Yoweri Museveni iyo William Ruto ayaa kulan gaar ah ku yeeshay madaxtooyada Kenya ee Nairobi, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda Soomaaliya oo labada dal ay ciidamo ka joogaan, si gaar ah madaxda labada dal ayaa aad u gorfeysay qorshaha ciidamada ATMIS looga saarayo Soomaaliya.
Labada hoggaamiye ayaa kulanka ay ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada Kenya ee Nairobi kadib waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin khatarta argagixisada iyo ammaan darrada uu gobolka ku keeni karo qorshaha bixitaanka ciidanka ARMIS ee Soomaaliya jooga.
Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda ayaa xaqiijiyey inay ka go’an tahay xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan waxay hoos ka xariiqeen in dowladda Soomaaliya ay ku garab sii doonaan wax kasta oo ay awoodaan.
Sida laga soo xigtay qorshaha bixitaan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 4,000 oo askari oo ATMIS ah ayaa la filayaa inay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka bisha Juun, marka lagu daro 5,000 oo ka baxay howlgalkaas, sannadkii hore oo ahaa wejiyada koowaad iyo labaad ee dhimista ciidanka ATMIS.
“Intii uu socday kulankii aan la lahaa Madaxweyne Museveni, waxaan walaac ka muujinay yaraynta iyo bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya, waxaana isla qaadanay in yaraynta iyo wakhtiga loo qabtay ay la jaanqaaddo xaaladaha amni ee Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya William Ruto.
Uganda waa dalka ciidanka ugu badan ee ATMIS ay ka joogaan Soomaaliya, sidoo kale waa dalkii ugu horeeyey ee ciidan u soo diray Soomaaliya, sidoo kale ciidamada Kenya ayaa door muhiim ah ku leh howlgalka 15-ka sano ay ATMIS ka wado Soomaaliya.
Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub oo kaalin weyn ku leh dib u dhiska amniga dalka ayaa horay uga digay ka bixitaanka iyo yaraynta ciidamada ATMIS, iyagoo qaba in weli ciidanka Soomaaliya aysan yeelan awood ay kula wareegaan amniga qaranka.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa inay ku filan tahay sugidda amniga dalka, ciidamada qaranka oo dhisme xoog leh uu ku socdo ayaa dagaal adagna kula jira kooxaha argagixisada ah, waxaana hadda cadaatay in ciidanka Soomaaliya ay argagixisada ka adkaa karaan, iyagoo aan garab ka heleyn ATMIS.
The post Kenya iyo Uganda oo war cusub kasoo saaray qorshaha ATMIS looga saarayo Somalia? appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjiraha dowladda Ruushka u jooga Soomaaliya Mikhail Golovanov.
Kulanka Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya, kaas oo dowladda Soomaaliya ay la kaashato dalalka caalamka oo dhan.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa safiirka Ruushka kala hadlay sidii labada dal ay iskaashi uga yeelan la haayeen dhinacyada horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada.
Danjire Mikhail Golovanov ayaa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ay ka sameysay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.
Sidoo kale Safiirka ayaa sharaxaad dheer madaxweynaha ka siiyey sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada.
Madaxweynaha ayaa sheegay deegaano kooban ay dalka kaga sugan yihiin Al-Shabaab, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Khawaarijta Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka.
Ruushka iyo Soomaaliya oo 40 sano ka hor ahaa saaxiibo aad isugu dhow ayaa ku kala tegay dagaal xiligii uu socday dagaalkii weynaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii, balse hadda waxaa tartiib u soo noqonaya cilaaqaadkii labada dal.
The post Sawirro: Xasan Sheekh oo war ka soo saaray labo qodob oo Ruushka uu kala hadlay appeared first on Caasimada Online. -
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo soo xiray shirka kobcinta Karaanka Aadanaha, ayaa bogaadiyey sida qotada dheer ee ay aqoonyahanka Soomaaliyeed uga doodeen Hiigsiga iyo himilada fog ee lagu kobcinayo awoodda bulshada Soomaaliyeed.
Mudane Saalax ayaa sheegay in dhallinteennu ay u baahan tahay in ay xoogga saarto barashada xirfadaha, si ay ula tartamaan asaaggood, isagoo tusaale uga dhigay guulaha ay xaqiijiyeen dalalka horumaray ee ee awoodda saaray horumarinka karaanka aadanaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa xusay in Xukuumadda #DanQaran, iyada oo ogsoon baahidaas ay aas-aastay Xafiiska Horumarinta Karaanka Aadanaha oo hoos yimaadda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, qeybna ay ka yihiin dhammaan Hey’addaha Dowladda.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasaaradaha Adeegga Bulshada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Safiirro iyo Madax ka socotay hey’adaha caalamiga ah.
-
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta Iyo Kheeyraadka Biyaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galaya Madasha10-aad ee Biyaha dunida.
Madashan ayaa lagu qabanayaa Magaala Xeebeedka Jaziiradda Bali ee Dalka Indunuusiya, halkaasoo ay suganyihiin masuuliyiin ka kala socda dalalka caalamka oo lagu casuumay shirka.
Madasha ayaa sanadkan looga doodi doona caqabadaha Guud ee Biyaha iyo sidoo kale heerka daboolka biyaha ee baahida dadka, xal u helidda khaliaafadka biyaha ee hadda taagan, iyo hir-gelinta go’aamadii ka soo baxay Shirweynihii Biyaha Dunida (UN water conference New York 2023).
Inta shirku socdo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda tamarta iyo khaliaafadka biyaha XFS ayaa madasha ka jeedin doona warbxin ku saabsan hormarinta biyaha Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu kulan doceedyo la yeelan doonaa Wafuudda sare ee ka socda wadamada cilaaqaatka biyuhu Soomaaliya kala dhexeeyo iyo Hey’addaha Hormarinta biyaha ka shaqeeya.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjiraha Ruushka ee dalkeenna Mudane Mikhail Golovanov ayaa kala hadlay dagaalka lagusoo afjarayo Al-shabaab ee ka socda Soomaaliya iyo iskaashiga horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada.
Danjire Mikhail Golovanov ayaa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada, isagoo tilmaamay sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Al-shabaab Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka.
Faransiiska oo Taageeray Go’aanka Lagu Soo Xirayo Madaxda Israel ee Maxkamadda ICC
in News - Wararka
Posted
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa lagu muujiyay taageerada ay Paris u hayso maxkamadda dambiyada caalamiga ah, ayadoo aqoonsan madax-bannaanideeda, iyo la dagaalanka isla xisaabtan la’aanta dhammaan kiisaska.
Arrintan ayaa timid kadib markii dacwad oogaha guud ee ICC uu codsaday in la soo xirayo madaxda Israa’iil oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyo wasiirkiisa dagaalku.
Wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa bayaankeeda ku dartay in ay uga digtay Israa’iil lama huraan ahaanta u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, gaar ahaan heerka aan la aqbali karin ee waxyeelada rayidka ee marinka Gaza iyo helitaan la’aanta gargaarka bini’aadantinimo”.
Faransiiska ayaa noqanaya dalkii ugu horreeyay reer galbeedka diidmada qaxayan leh oo taageeray amarka lagu soo xiro madaxda Israa’iil.
Source: goobjoog.com